Sharciyadii Talyaaniga ayaa Soomaaliya loo soo minguuriyey markii ay xoriyada ka qaadatay 1960, waxaana ka dhashay dhaqangelinta xeerarkaas in la qaato qaabdhismeedka baarlamaanka Talyaaniga iyo kan madaxtooyada. Nidaamkaas cusub wuxuu xeer ka dhigay in madaxweynaha laga soo doorto baarlamaanka, xilkiisana uu sii hayn karo oo keliya gudoomiyaha baarlamaanka. Isdhexgalkaas waxaa ka curtay iskuhiilin u qorsheysan wadashaqeysi aan danta guud u adeegeyn iyo in isafgaradka dhexmara madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka uu horseedo in musuqmaasuq xoogan uu ka dhaco codbixinta ka dhexdhacda baarlamaanka marka uu dooranayo gudoomiyaha ama madaxweynaha. Waxaa intaas wehlisa in gudoomiyaha baarlamaanka uu marar badan si kusimida u qabto xilka madaxweynaha oo shaqadii madaxtooyada uu dhinaciisa ka hayo, waxaana sidaas isugu qasban iskudabranaanta uurka labada hawlwadeen oo ay isku sir qarsan karaan, iskudhexmilankoodana ay uga faa’ideysan karaan in baarlamaanka iyo madaxtooyada aysan si dhaba u xisaabtami karin. Waxaa intaas ka sii maldahan marka labadaas howlwadeen oo nina uu haysto soo magacaabida, kan kalena uu heysto kalsooni siinta ra’isulwasaaraha, ay lab
↧