Qoyska oo ka koobnaa Afar Qof ayaa waxay Maxkamada u tegeen sidii loogu qaybin lahaa Dhaxal la sheegey in ay isku haysteen , waxaana lagu waramey in Qoyskaas ay Taagnaayeen Iridda Hore ee laga galo Maxakamda , waxayna ku Wada Geeriyoodey Qaraxii ugu horeeyey ee ka dhacay Maxkamada Horteeda.