Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya Maanta. Dhagayso

$
0
0

cabdiwaliXukuumadda Soomaaliya oo Baaq Digniin ah u dirtay Wadamada la deriska ah

Somalitalk Muqdisho:  Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa baaq u diray Dalalka Soomaaliya la deriska ah isagoona uga digay Khatar uga iman karta Dagaalyahanada Xarakada Shabaab. Cabdiweli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Dalalkaasi ay sameeyaan Feejignaan dheeraad ah kana digtoonadaan inay gudaha u soo galaan Dalalkooda Firxadka Shabaab oo uu sheegay in Soomaaliya lagaga adkaaday. Cabdiweli oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray haddii ay dhacdo Shabaab in ay gudaha u galaan dalalka la deriska ah Soomaaliya in ay suurta gal tahay inay halkaas ka gaystaan falal Kharbudaad ah Dawladda Soomaaliya ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu inay si weyn uga feejigan tahay Khatarta Shabaab dagaal aan naxariis lahayna ay kula jirto isagoo wadamadaasna u sheegay in ay ka xirtaan Albaabadooda oo ayn gudaha u soo galin.

Raysal Wasaaraha oo kahadlaya qabashadda Baraawe, kana jawaabaya su’aalo ku aadan arintaas. Hoos ka dhagayso hadalkii  Shirka Jaraa’id dhagayso.

Taliyaha Ciidamada Amisom oo ka warbixiyay Qabashadii Degmada Baraawe.

Gen Dig Olom oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah Ciidamada Amisom oo qabashadii Baraawe kaddib Saxaafadda warbixin dheer siiyay.Generalka  oo haatan ku sugan gudaha Magaalada Baraawe oo dagaalkaas ka sheekeeyay ayaa sheegay in Shabaab ay gaartay meel aysan ka soo noqon Karin waa sida uu hadalkiisa isagoona intaa sii raaciyay in laga yaabo Shabaab in ay la soo baxaan Xeelado kale sida qaraxyo dhulka ay ku aasaan, Toogasho gaadma ah iyo wixii la mid ah. Generaalka ayaa sii hadlay oo yiri “ in Dagaal xooggan oo iska cabin ah ay kala kulmeen halka loo yaqaano Ambaresa oo degmada Baraawe u jirta illaa Lix kilo mitir, dagaalkaas oo ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda Federaalka Somaliya halka Askar Amisom ahina ay ku dhaawacmeen. Genneralka  ayaa intaas kadib sheegay in ay gudaha u sii galeen degmada Baraawe wax iska cabin kalena aysan la kulmin isagoona farta ku fiiqay in shabaabkii gudaha magaalada ku sugnaa ay Doonyo ku baxsadeen kuwaasoo uu sheegey inay u jihaysteen dhinaca Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe.

Shirka Garbahaareey oo baaq Culus laga soo Saaray.

Iyadoo maalintii Sedaxaad Shir Beeleedka Garbahaareey uu halkaa ka soconayo ayaa waxaa ka soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dadka u dhashay Gobolada gedo iyo Jubada Hoose. Afhayeenka Shirka Dr Cabdi Shire oo Warbaahinta u waramay ayaa sheegay in shirkan oo loogu magac daray Shirka wada tashiga in hawlihiisu haatan meel fiican ay marayaan isla markaana laga filayo marka uu soo gaba gaboobmo in ay ka soo bixi doonaan go’aano anfacaya Shacabka ku dhaqan Goboladaas iyo guud ahaan Soomaaliya. Af hayeenka ayaa xusay in ay ku baaqayaan Midnimo dhab ah oo dhax marta Beelaha Dega Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ln la  dhiso Maamul Goboleed loo dhan yahay. Cabdi Shire afhayeenka ayaa intaa ku daray in marka uu soo dhamaado shirkaas in ay booqan doonaan gobolo kala duwan ee dalka ah si ay ugu sharaxaan ujeedkii ay ka lahaayeen Shirkii wada tashiga ee Gobolka Gedo.

Dhallinta Soomaaliyeed ee Xaafadda Islii oo Cunista Qaadka u soo jeestay.

Kaddib markii Xukuumadda Britain ay joojisay Qaadkii uga imaanayay Dalka Kenya waxaa hoos u dhac ballaaran ku yimid qiimihii la kala siisanayay Qaadka magaalada Nayroobi gudaheeda. Hoos u dhaca qiimaha Qaadka ee Magaalada Nairobi ayay waxay fursad u noqotay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Nairobi gaar ahaana xaafadda ay degto Soomaalida ee Islii oo xiligan lagu arkayo dhallinyaro Cusub oo ku soo biirtay cunista Qaadka. Cabdullaahi Abuukar oo ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xaafadda Islii oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dhallinyaro cusub oo aan hore u cuni jirin Qaadka oo haatan bilaabay inay qaadka cunaan ka gadaal markii uu qiimihiisu gaaray mid uu qof walba awoodo inuu Iibsado. Joojintii Ingiriisku joojiyay Qaadkii loo dhoofin jiray Dalkaas Bishii Jully ee sanadkan ayaa waxaa ay keentay in ganacsatadii Qaadkaas ay ku soo furan Suuqa isagoo lacagaha la kala siinayo ay aad u yar tahay sidaa darteedna uu qof walba xiligan lagu arkayo isagoo Isticmaalaya gaar ahaana dhallinyarada Soomaaliyeed Rag iyo Dumarba., Arrintan ayaa waxaa walaac badan ka muujinaya Ururada dhallinyarada ee Xaafadda Islii kuwaasoo haatan bilaabay Barnaamijyo wacyi galin ah oo dhallinyarada Soomaalida looga acyi galinayo Cunista Qaadka iyadoo sharaxaad laga siinayo dhibaatooyinka Caafimaad ee uu leehay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


DALDALLAADDA GODANE !!! MA U HELAY DARONE !!!!

$
0
0
saahidDhimashada Axmed Cabdi Godane aad baan ugu diirsaday, waana sidaan la rabay Maqaalladdii ugu danbeeyey ee aan ka qoro Xarakadda AL-shabaab Shufto ayaa ahaa mid aan raadinaayey wax Axmed Cabdi Godane ii Daldala Sidii uu Xijaaj Ibnu Yusuf u daldalay Madaxdii Khawaarijta ee kala ahaa :
1) Shabiib Abuu Madallah oo madax u ahaa Khawaarijta AL_shabiibiyah .
2) Qadri Ibnu Fujaa’iyah oo asaguna Madax u ahaa khawaarijta Al-fujaa’iyah.
3) C/raxmaan Ibnu Ashcath oo asaguna madax u ahaa Khawaarijta AL-ashcathiyah !!!!
Marka waxaan Raadinaayey Nin uun ii Daldallah Axmed Cabdi Godane, waxaanse helay Daroonkii Mareykanka oo Habeennimaddii Axadda ee Bisha September 1, 2014  lagu galaaftay Meel u dhaxeysa Sablaale iyo Hawaay !!!!.
Maqaalkaygii Hore ee Daldalaadda Godane ma u waayey Xijaaj ???? Waa laga jawaabay markii Maalin dhaweyd Dil Toogosho ah lagu Xukumay Labadii Al-Shabaab ee dilay Nafiiso Cusmaan , Gabadhii Jaamiciyadda Aheyd ee Bishii April lagu dilay Magaalladda Xamar , Xaafadda Yaaqshiid.
Dilkaas oo aad uga fajiciyey Ummadda Soomaaliyeed oo idil meel kasta ay joogto, ayaa Noqday Dilalka fara ku tiriska ah ee loo soo qabto Dhagar qabayaalkii geystay , inta badan Dilalka Magaalladda Xamar ka dhaca waxaa lagu yaqaanaa in aan ruuxna loo qabanin ee arrinku ku soo gabagaboobo, waxaa Dilkaas fuliyey labo Nin oo aan Haybtooda la Aqoonin.
Dilkaas oo la soo wada galiyey webside- yadda Iyo Barta Face Book Iyo Tweetarka , loogana Hadlay Qolalka lagu sheekaysto ( Chating Rooms ) Sida Paltalk Iwm .
Sheekada Qirashada ah ee labadda Dhagar qabe Iyo Sida ay Falka u fuliyeen ayaa
Dadweynaha Soomaaliyeed ka wada Qaracmeen meel kasta ay Joogaan ????!!!!! Sidoo kalena waa ku wada Farxeen markii Fagaaraha Dugsiga Booliiska lagu toogtay Labadaas Dhagar qabe ee Horaantii Bishaan July, 2014.Maxkamadda Sare ee Ciidamadda :

Maxkamadda Sare ee Ciidamadda AMA Maxkamadda Badbaaddada Qaranka, waa mid wax badan ay Sugayeen Ummadda Soomaaliyeed si loo soo celiyo Amniga Iyo kala Danbeynta .
Taariikhdu ilow ma leh aan Dib u jaleeco Taariikhdii Xijaaj Bin Yusuf oo Amiir Cabimalik Ibnu Marwaan uu u magacaabay Xukunka Gobolka Ciraaq oo waagaas Noqday Xamar oo kale oo Amaankii faraha ka baxay.
Maalin jimco ah Ayuu tagay asagoo Afku u Duuban yahay oo Hubkiisii ku Shaaximan, Markaas Ayuu Khudbaddaan Caanka Noqotay u jeediyey :
أما و الله فإني لأحمل الشر بثقله و أحذوه بنعله و أجزيه بمثله، والله يا أهل العراق إني لأرى رؤوساً قد أينعت
وحان قطافها، وإني لصاحبها، والله لكأني أنظر إلى الدماء بين العمائم واللحى.
Wuxuu yiri :
( Reer Ciraaqoow annigu Xumaha waan xambaaraa Culeyskiisa, waana daba socdaa Kabihiisa, Asagoo kalena waan ku Abaalmariyaa , Reer Ciraaqoow waxaan u jeedaa Madaxyo Bislaaday oo uu Waqtigii la guranaayey soo Dhawaaday, anniga ayaanna Guranaaya, Wallaahay waxaan u jeedaa Dhiigii oo Cimaamadaha Iyo Garka dhexdooda Qulqulaaya ) !!!!.
Hadalkaas waana ka dhabeeyey oo Wuu shafay ilaa ay Amiirul Mu’miniinka u Hogaamsamaan??? Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in uu Habeenkii Bandow soo Rogay oo Ruuxii Jabiya uu Dil ku xukumay , kadib ayaa Maalin loo keenay Nin Reer Baadiyo ah oo Habeen Magaallada Kuufa soo Galay asagoo Safar ah oo Ari’ wata oo jabiyey Baandowgii ???!!!! . Wuxuu ku yiri waan ku ogahay in aad qalad ku soo gashay oo aadan ogeyn Meesha waxa ka socda se Qowlkaygii Jabin maayo oo Markaas Ayuu Dil ku xukumay ????!!!!
Daldalaadda Godane !!! Ma u waayey Xijaaj bin Yuhuf oo kale ???!!!!
Waqti yar kadib Ayey Reer Ciraaq isku daba dhaceen Markaas Ayuu bilaabay in uu Ugaarsado Khawaarijtii loo Taag waayey oo uu soo Gabagabeeyey Seddexdoodii Firqadood ee ugu waaweyn ( 1 ) .
Magaalladda Xamar waxay u baahan tahay Xijaaj oo kale , Maantana waan u maleynayaa in aan helay oo waa
Gashaanle Sare C/raxmaan Mohamed Tuuryare !!!!.
Hadalkii Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada uu ka jeediyey Dilkii labada Al-Shabaab ee Dilay Nafiiso Cusmaan halkaan ka Aqriso ;

http://warbahinta.com/?p=33052

Sidoo kale Halkaan ka Daawo Sawirradii labada Dhagar qabe Iyo Sida ay u soo dhaweeyeen Reer Xamar .

http://heegonews.com/index.php/wararka-somalida/2092-maxkamadda-ciidamada-soomaaliya-oo-saaka-dil-ku-fulisay-laba-nin-oo-hore-dil-u-gaystay

Sidoo kale Halkaan ka Daawo Sawirrada Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda :

http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/DSC044561.jpg

ISLAAMKU Muxuu ka qabaa Ruuxii Ruux dila :

Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri : البلاغة بين قولهتعالى : ” ولكم في القصاص حياة ” وقول العرب : ( القتل أنفى للقتل ) .
( waxaad ku Leedihiiin Qisaasta Nolol ) Sidoo kale Carabtu waxay dhihi jireen Dilku wuxuu joojiyaa Dilka !!!!
Annagana Soomaaliya waan u soo joognay Kacaanka ka hor Soomaalidu waa is Dili jirtay ilaa uu ku shirbay Ninkii Reer Xamarka ahaa ee Ninka intuu feer ku dhuftay Dilay ee Markaas yiri :
( Ar Daf Dhawaa Ma Dooliyaa Diyuuba Qoorta noo galiyey ) !!!!.
Se markii Kacaanku uu soo saaray Ninkii Nin dila ha la Dilo ,aad Iyo aad buu is Dilkii u yaraaday oo 22 Sano ee Kacaanka ilaa 8 qof oo kaliya ayaa tiirka la geeyey ???? Waxaa ka mid ahaa Askarigii Dilay Madaxweyne C/Rashiid Cali Sharmaarke, Askarigii Dilay Motto, Askarigii Dilay Gabar Askariyad ah xerradda Afasiyooni, Naag ninkeeda ku Dishay Magaallaadda Marka ????? Askarigii Dilay Gashaanle Sare Dhaqane ee Xeradda Agoonta Xoogga oon Annigu waa’ aan ka ahaa Macallin, labadoodaba aan garanaayey Iwm .
Xukunkaas oo markii Sideetameeyadii xooggaa la Xagal daaciyay , waan ku soo Noolaanay Nabad galyo Iyo Baraare ????!!!!!.
Maantana Haddii DAWLADAAN ay soo Celiso in Ruuxii Shabaab lagu soo eedeeyo dhagta dhiiga loo daro ,Sannad kadib dhulku Nabad Ayuu ku soo noqonayaa !!!!
Daldalaadda Godane !!! Ma u helay Tuur yare ???!!!!.
Axaadiista ku soo Aroortay fool xummidda Ruux Muslim ah oo la Dilo :
وأخرجا عن البراء بن عازب أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ( لزوال الدنيا وما فيها أهون عند الله من قتل مؤمن ولو أن أهل سماواته وأهل أرضه اشتركوا في دم مؤمن لأدخلهم الله تعالى النار ) .

وفي رواية الأصبهاني عن ابن عمر أنه عليه الصلاة والسلام قال: ( لو أن الثقلين اجتمعوا على قتل مؤمن لأكبهم الله تعالى على مناخرهم في النار وأن الله تعالى حرم الجنة على القاتل والآمر ).
( Adduunka oo la rogo ayaa Allaah uga sahlan in Ruux Mu’miniinka ah la Dilo???? Haddii Samada Dadka dega waa Malaa’igtee Iyo Dhulka Dadka dega ay isku biirsadaan Ruux Mu’miniinka ah Dhiigiisa Allaah kor ahaaye Naarta Ayuu galiyaa ) !!!!!
Riwaayatdaha kale waxay leedahay Haddi Dadka Iyo Jinku ay isku biirsadaan Ruux Mu’miniinka ah Dhiigiisa Allaah wuxuu Naarta ugu Tuura San San, Allaahna Jannada waa ka xaaraantimeeyey Ruuxa Ruux Dila Iyo kan Dilitaankiisa Fara labadaba ) !!!!!.
Dadka Shabaabka Taageera ee aan Soomaaliya Jooogin Xukunkooda Muxuu noqonayaa :

Dadka Debaddaha Joogga ee Haddana Falalka Shabaab Taageera, Xukunkoodu Muxuu noqonayaa, Xadiiskan baa noo Sharxaaya ee dhagaha u fur :

أخرج ابن عدي والبيهقي عن ابن عمر قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم : ( من أعان على دم امرئ مسلم لينظر كلمة كتبت بين عينيه يوم القيامة” آيس من رحمة الله تعالى ) .

Nabigu NNKH wuxuu yiri :
( Ruuxii Ruux Muslim ah ku caawiya in la Dilo ha fiiriyo Kalimad Maalinta Qiyaamo Labaddiisa Indhood Dhexdooda lagu dhigidoono [ waa mid ka Quustay Naxariista Allaah ] .
Haddaba Akhristoow Dadka Debedda Jooga ee Xamar ka fog ee Haddana Falalka Al- Shabaab Qalbiga kala jira ee Raaligaa ka ah in la Dilo Dadka Muslimiinta ah ee Sooman Cibaadadooda la Aqbalimaayo , Maalinta Qiyaamahana waxay imanayaa ayagoo labadoodaba Indhood dhexdooda kaga taalo [ waa mid ka Quustay Naxariista Allaah ].
Subxaanalaah Muxuu Camalkiisa ku khasaariyey wax uusan Shaqo ku laheyn ???!!!!! Dil Allaah uu ka fogeeyey Ayuu Camalkiisa u burinayaa ???? Kaas waxaa ka Fiican Ruuxa BIL Soon aan Soomin , Salaadna aan tukanin se
Falalka Al- Shabaab niyadda ka naca ????!!!! Sababtoo ah lama oranin Qiyaamaha wuxuu imanayaa asagoo Labaddiisa Indhood dhexdooda ay ku dhigan tahay [ kii ka Quustay Raxmadda Allaah ] ee waxaa la yiri :
[ Jannada Allaah wuxuu galiyaa Ruux aan wax Camal ah oo Wanaagsan aan Sameynin , se Rumaysan Kalimadda LAA ilaaha ilaa Allaahu .
Haddaba Akhristoow Dad waxaa ugu liita Ruux wax aanu shaqo ku laheyn Camalkiisii ku buro ????!!!
Calal Aqal may Noqdaan sidii Cumar bin C/ siis oo mar la weydiiyey Dagaalkii Saxaabadda ka Dhex dhacay , Markaas buu ku jawaabay hadalkan oo Fiican Al-Shabaab kuwa Ururka kala jira in ay ku Dhaqmaan :
( Haddiiba uu Allaah Dagaaladaas I joojinin, haatanna ma Rabo in aan Carabkeyga ku wasaqeeyo ) !!!!.
Haddiiba uu Allaah ku joojinin meel Ruux Muslim ah lagu dilaayo, Haddaba Niyad aad kala jirto yeysan Camalkaaga burinin oo Indhahaaga dhexdooda lagu soo dhigin kii Allaah Naxariistiisa ka Quustay .
Halkaas baan ku soo gabagabeynayaa Maqaalka Daldalaadda Godane !!! Ma u helay Darone !!!!!

Qoraagga ugu Caansan uguna Maqalladda Fara badan , Maqaalladiisuna ugu tayo badan yihiin ee Wax ka Qoray AL-shabaab ilaa 2008 waa Shiikh Saahid Mohamed yusuf .Halkanna ka Akhriso Maqaalladaas Qeyb ka mid ah :

1)http://web.archive.org/web/20140226222103/http://somalitalk.com/2013/01/04/saahid-yuusuf-2/

2)http://web.archive.org/web/20130215134019/http://somalitalk.com/2012/09/03/waraabe-cune/

3)http://web.archive.org/web/20121104061843/http://somalitalk.com/2012/04/09/sheikh-saahid/

3)http://web.archive.org/web/20140325024348/http://somalitalk.com/2011/12/28/shaafici/
4)http://web.archive.org/web/20140226222156/http://somalitalk.com/2011/11/24/saahid-6/

5)http://web.archive.org/web/20130210155108/http://somalitalk.com/2011/10/08/saahid-4/

6)http://web.archive.org/web/20130215135533/http://somalitalk.com/2011/09/05/saahid-3/
7)http://web.archive.org/web/20121104061855/http://somalitalk.com/2011/08/24/saahid-2/
8)http://web.archive.org/web/20121104061804/http://somalitalk.com/2011/08/09/saahid/

9)http://web.archive.org/web/20121104061804/http://somalitalk.com/2011/08/09/saahid/

10)http://web.archive.org/web/20121006024751/http://somalitalk.com/2010/02/03/islaamka-oo-u-dhaxeeya-khaladaadka-dhallintiisa-iyo-tashwiishka-cadawgiisa-2/

11)http://web.archive.org/web/20090529235332/http://www.somalitalk.com/2009/may/14ma039.html

12) http://somalitalk.com/2014/06/09/daldalaadda-godane-ma-u-waayey-xijaaj-3/

13) http://somalitalk.com/2014/05/03/daldalaadda-godane-ma-u-waayey-xijaaj-2/

14) http://somalitalk.com/2014/04/10/daldalaadda-godane-ma-u-waayey-xijaaj-1/
FII AMAANI Laah !!!!

Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
USA, Gobolka Virginia .
sahidyusuf@yahoo.com
Al Mutakhasis Fil Xarakaat Al-Islaamiyah
1) kaga bogo Maqaalkaygii hore ee Daldalaadda Godane !!! Ma u waayey Xijaaj ( 1 )

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo Daafurey Olole looga hortagayo Cudurada Jadeecada Iyo Dabeysha

$
0
0

Ololahaan oo si rasmi ah u Bilaaban doono 11-15 Oktoobar 2014

unnamed (14)Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa uu Daahfurey Ololaha la doonayo in Caruurta ka yar Shanta Sano laga talaalo Laba Cudur oo kala ah Cudurka Jadeecada iyo midka Dabeysha,waxaana Ololahaa Xoogiisa uu ka bilaabanayaa Gobolka Banaadir iyo Gobolka Jubada Hoose oo ah laba Gobol oo laga soo Calaamadeeyey Xanuunadaas .

Halkaan ka daalaco sawirada kulanka

Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Saciid Nuuriye Shire oo ah Madaxa Baraarujinta Caafimaad ee Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxaa uu sheegey in mudooyinkaan ay wadeen Olole Wacyigelin ah oo ku aadan Cudurka Jadeecada taasoo uu sheegey in ay u Marsiinyeen Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta si Bulshada ugu baraargaan Dhibaatada Cudurku u geysto Caruurta ka yar Shanta Sanno.

Munaasbadaas lagu daahfurayey Ololahaas ayaa waxaa kale oo ka hadley Madaxa Mashruuca Talaalka Dr Yaasiin Nuur Bile oo halkaas ka jeediyey Warbxin ku saabsan Cudurada Jadeecada iyo Dabeysha isagoo sheegey laga soo bilaabo Horaantii sannadkaan ay soo Kordhayeen Kiisaska la xiriiro Cudurada Dabeysha iyo Jadeecada taasoo uu sheegey in ay u dhinteen Caruur fara badan , wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan ololaha looga hortagayo Cudurada Dabeysha iyo Jadeecada .

Drs Luul Maxamuud Maxamed oo ah Gudoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo ka hadashey Munaasabdaas ayaa waxay sheegtey in Shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn Faaiida uu leeyahay Talaalka waxayna ugu Baaqdey qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay si Xoogan uga qayb qaataan ololahaan maadaama maalmihii ugu dameeyey ay soo Kordhayeen Cudurada Jadeecada iyo Dabeysha .

Canab Maxamed Cosoble oo ah Xoghayaha Ururka Qaranka Soomaaliyeed oo ka hadashey Xafladaas ayaa waxay Canaan kula dul dhacdey Bulshada Soomaaliyeed iyadoo Nasiibdaro ku tilmaantey in Caruur Soomaaliyeed ay maanta u dhintaan ama u naafoobaan iyadoo uu yaalo Talaalkiii Lacag la’aabta waxayna halkaas ka balan qaadey in Ururka Haweenka uu ka qayb qaadan doono ololaha looga hortagayo Cudurka Jadeecada iyo Dabeysha .

unnamed (6)

Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ah Madaxa Xafiiska Mudisho ee Hayada WHO oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu sheegey in Hayadda ay la Socotey Kiisaska la Xiiriira Cudurada Jadeecada iyo dabeysha ee ka jira Dalka waxaana uu Carabka ku dhiftey in Cuduradaas looga hortagi karo iyadoo la iska kaashado islamarkaana Shacabka lagu Baraarujiyo Dhibaatada iyo Wayeelada Cudurada Jadeecada iyo Dabeysha .

Ku Simaha Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Cabdirashiid Faarax Cismaan oo isna ka Hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu sheegey in ololahaan uu ka bilaaban doono Gobolka Banaadir iyo Jubadda Hoose 11 ilaa 15-ka Bishaan ka dib markii la heley Kiisas aad u badan oo ku aadan Cudurka Jadeecada iyo Dabeysha waxaana uu sheegey In Wasaarada Caafimaadka ay diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato Ololahaas.

unnamed (2)

Ugu Dambeyn waxaa halkaas ka Hadley Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeeelka Bulshada Cali Maxamed Xareed oo isagu Daahfurey Ololahaas ayaa ugu Horeyntii wuxuu u mahadceliyey inta ka qayb qaadaneysa Ololahaan oo ugu horeyso Hayada OCHA oo uu shgeegey in ay Bixineyso Kharashka ku baxaya Ololahaan iyadoo Wasiirka uu Manaasabaas Talaalkii ugu horeeyey ee lagu Daahfurayo Ololahaan ku siiyey Laba Caruur oo mid laga talaaley Cudurka Jadeecada iyo midka kalena laga talaaley Cudurka Dabeysha.

unnamed (24)

Halkaan ka daalaco sawirada kulanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Gudashadii Xajaka oo guul ugu soo dhamaatay Muslimiinta

$
0
0

unnamed (1)Dowlada Sucuudiga ayaa sheegtay in si guul ah ugu soo dhamaaday
Xujeydii timid Makkah sanadkaan, iyadoo in ka badan labo milyan oo qof
ka soo daafaha caalamka sanadkaan.
Dowlada Sucuudiga ayaa xil weyn iska saartay sidii loo yareyn lahaa
khasaarooyinka ka dhasha ciriiriga xad dhaafka  ah ee ka jira Dawaafka
Kacbada iyo Dhagax tuurka, waxaana dowaldu diyaarisay ciidamo aad u
faro badan oo habeen iyo maalin u taagnaa in ay hagaan Xujeyda,
Sanadkaan waxaa qayb weyn ka qaatay yaraynta ciriiriga iyo safarada loo kala aadayey Carafa, Mina iyo Xaramka, Train dadka u kala daad
guraynayey goobahaas.

Sawiradda Xajjka halkaan ka daalaco

Soomaalida waxaa sanadkaan ka soo xajiyey in ka badan 7,000 oo Xujey
ah oo ka kala yimid dhamaan 18 gobol ee Soomaaliya, waxaan ay sheegeen
howl wadeenada xujeydu in ilaa sadex Xujey  oo Soomaali ah ay siyaabo
kala gadisan ugu dhinteen Makkah ilaa iyo intii Xajku biloowday,waxaa
sidoo kale jira dad ay dhaawacyo iyo jabniin ka soo gaareen is
buurashadii iyo cariirigii ka jiray Dhagax tuurka,Dawaafka  Kabcada
iyo jidka dheer ee u dhaxeeya Carafo iyo Mina.

Sawiradda Xajjka halkaan ka daalaco

Xajku waa cibaado u baahan in qofku uu leeyahay awood uu ku socdo
masaafo dheer, ugana hortago ciriiriga goobaha qaar, waxaana waayeel
badan kala kulmaan dhibaatooyin xiliga Xajka. Waxaa sidoo kale
sanadkaan cabsi laga qabay in cuduro ka dilaacaan Mina iyo Musdalifa
oo la dagaanaado mudo shan maalmood ah, balse nasiib wanaag wax Hargab
ka weyn oo dadka ku dhacay ma jirin intii ay ku guda jireen saxadii
xumayd ee ka jirtay Teenooyinka Mina iyo Musdalifa oo in ka badan 150
Xujey ah wada daganaadaan hal teendho.

Shalay ayaa si raaxo leh muslimiintu ku soo dhamaysteen xajkooda,
waxaana durbaba laga dareemayaa magaalada Makkah safaro loo kala
galayo dalalkii ay dadku ka soo xajiyeen iyo Madiina oo dadka qaar ay
ku tagayaan booqasho.

Sawiradda Xajjka halkaan ka daalaco

Xaaji Diraac Salaad Fagaase
Makkah Sacuudi Carabia
Diraacsal3@hotmail.com

Madaxwayne Xasan waan usoo duceeyey dadka iyo dalkaba, madaxdda dowladuna waa midaysantahay

$
0
0

Daawo: Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa dalka dib ugu soo noqday, kadib markii uu kasoo noqday gudashada Xajka. Madaxwaynaha ayaa xusay arimo dhowr ah oo ay kamidtahay, inuu usoo duceeyey in duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya la nooshay illaahay ka saaro, sidoo kalena in illaahay aafooyinka Abaaraha iyo daadadka ka qaado, sidoo kale wuxuu ka hadlay in la buun buuniyey hadal hada ka hor uu sheegay oo ahaa in Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha kala duwanaan aragti ay jirto.  waxaana ka mid ahaa hadalkiisii.

madax

 

” waxaan kaloo rabaa inaan dadka Soomaaliyeed inaan si cad ah ugu sheego maanta cadow aan nabad diidka aan ahayn malihin, siyaasad lagu kala duwan yahay oo lakala jiidanayo oo aan anigu hada garanayo oo dalka kairtana  majirto, hogaanku waa midaysanyahay, siyaasadu waa midaysantahay, maalin dhawayto hadalkii ahaa aragti kala duwanaanshaha, banii’aadamku meelkasta uu joogaba waa kala aragti duwanaanayaa, laakiin waa lawada noolyahay waa lawada soconayaa, hal hadafaa dowladaan madaxdeeda iyo hay’adaheeda oo dhan, hal hadafay leeyihiin, dalka in amni iyo daganaansho dhinacwalba ah lagu soo celiyo illaahay idinkiis……….”

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ka hadlay soona dhaweeyey qabashada Baraawe iyo baahinta maamulka ee kasocota Gobolada dalka qaar. Madaxwaynaha hadalkiisa oo dhan hoos ka daawo oo ka bogo.

xigasho: Radiomuqdisho

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

$
0
0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka digey in Shirka Baydhabo lagu sameeyo Faregelin

Muqdishu: Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sheegaya in uu soo baxay Khilaaf u dhaxeeya Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Gobolada Koofur Galbeed iyo Odyaasha dhaqanka ee Ergooyinka ah. Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in qaar ka mid ah Odoyaashii Ergada ahaa in ay bilaabeen in ay isaga baxaan Fadhigaas iyagoona ka cabanaya fara gelin lagu samaynayo hawlahooda iyo qorshayaasha ay ku soo xulayaan Ergooyinkii Shirka. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo sida aadka ah ugu dhuun daloola arrimaha Guddigan Farsamada ayaa xaqiijiyay Cabashada Odoyaashaas dhaqanka gaar ahaana Odoyaasha ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ee halkaa ku sugan. Xildhibaanka ayaa uga digay Guddiga Farsamada in ay joojiyaan fara galinta ay ka cabanayaan Odoyaashaas oo uu sheegay haddii ay sii socoto in caqabad ay ku noqon doonto habsami u socodka Hawlaha Guddigaasi halkaa u joogo. Porf. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in Odoyaashaasi loo madax banaaneeyo wixii ku saabsan soo xulidda Ergooyinka, meel marinta Dastuurka iyo dhamaynta wixii khilaaf hoosaad ah ee jira.dalxa

Guddoomiye Muungaab “Way Dhamaatay Xiligii Direyska Ciidanka Dhac loogu gaysanayay Shacabka Muqdisha”..

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay ka qayb galay Xaflad ka dhacday Degmada Hawl-wadaag ee magaalada Muqdisho looguna magac daray is dhax galka Bulshada ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyay kaga hadlay is bedelada ka dhacay magaalada Muqdisho.Xasan Xuseen Muungaab ayaa ugu horeynba ku tilmaamay degmada Hawl-wadaag in ay ka mid tahay degmooyinka xiligan ugu Nabadda wanaagsan isla markaana Degmadaasi ay ka gudubtay xiligii Cabsida iyo kala qoqabka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada ayaa amaanay guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir oo haatan ay ka socdaan hawlo dib u dhis iyo nabadeyn ah . “Wey dhamaatay xiligii Direyska Ciidanka dhac iyo Cabsi gelin loogu gaysan jiray Shacabka Muqdisho” ayuu si farxad leh u sheegay Mungaab isagoona intaa ku daray in dib dambe aysan u dhici doonin in Direyska Ciidanka Dawladda lagu waxyeeleeyo shacabka isagoona arrintaa ku amaanay Maamulada degmooyinka

Xaaladda Degaanka Laan Xiireey oo saaka deggan kaddib Dagaal Beeleed Shalay halkaa ka dhacay

.Xaaladda Degaanka Laan Xiireey oo hoos yimaada Degaanka Xeraale ee Gobolka Gal Gaduud ayaa wararka saakay halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in ay deggan tahay isla markaana ay soconayaan dadaalo fara badan oo lagu doonayo in lagu dhameeyo. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa halkaas Dagaal culus ku dhax maray laba Malliishiyo beeleed ka gadaal markii ay isku qabsadeen Barkad biyood halkaa ku taala taasoo keentay in hal qof uu ku dhinto dagaalkaas seddax kalena ay ku dhaawacmaan. Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gal-Gaduud kan Xeraale Odoyaal iyo Waxgarad degaanadaas ka soo jeeda ayaa arrintaa ku baxay si ay u qaboojiyaan dagalkii halkaa ka dhacay. Sedaxdii qof ee dhaawaca ahayd ayaa la gaarsiiyay Goob Caafimaad oo ku taala degaanka Xeraale halkaasoo iminka lagu dabiibayo.

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ayaa hore digniin uga soo saartay suurta galnimada Daadad ku soo rogmada dhulka Dooxooyinka ee ku yaala Gobolada ku yaala Puntland. Sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyagoo ka faa’ideysanaya digniintaas Hay’adda Caalamiga ah ay soo saartay in iyaguna haatan ay bilaabeen barnaamijyo wacyi gelin iyo digniin isugu jira. Cali Yuusuf Jaamac sarkaalkan ka tirsan Maamulka Puntland ayaa intaa ku daray in durbaba degaano fara badan oo ka mid ah Maamulkoodu uu haatan ka bilowddeen xiliga Deyrta oo Roobab badan ay ka da’een degaanada garacad, Jarriibin iyo dhinaca Gobolka Nugaal. Digniinta ay bixinayaan Saraakiisha maamulkaas ayaa waxaa loogu sheegaya in ay ka fogaadaan Dhulka Dooxooyinku ay maranaa una baxaan dhinaca dhulka Taagga ah si ay uga bad baadaan haddiiba Togaggu soo rogmadaan waxyeeladooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Qubuuraha muslimiinta iyo qubuuraha murtaddiinta ee Baraawe!

$
0
0
Qubuuraha muslimiinta iyo qubuuraha murtaddiinta ee Baraawe!
Waan ogaa in Xarakada Al-shabaab gaalo iyo murtaddiin ku sheegto dad badan oo muslimiin ah, ayna dilkooda ku sababayn jirtey waa murtadiin laakiin waxaa igu cusbaa in Qabuuro gaar ah loo asteeyey dadka ay murtaddiinta ku sheegeen.
Waxaa kale oo igu cusbaa in raggii hoggaanka Al-shabaab ka mid ahaa ee la laayey lugu xabaalay Qubuuraha loo baxshay qubuuraha murtaddiinta. Xogtaan waxaa ii sheegay xujeydii sannadkaan koonfur kasoo xajisay.
Ninkii ururkan fikraddiisa lahaa ee unkay ee hirgaliyey (Ibraahin Afgaani) kolkii kursi la isku qabtay inuu hal mar murtad u dallacay yaab way dhaaftaye amakaag bay noqotay. Ninkii ummadda nabi Muxammad shay ku dhiba in Ilaahay isagana shayga laftiisii ku dhibo ayay u badantahay.
Nin baa nin kale waran dabada ka galiyey, wuuna u dhintay, Ilaahay baa isagiina ku ciqaabay inuu geed kasoo dhoco oo laan xaskul ahi dabada ka gasho, isaga oo sakaraad ah ayuu yiri: waan ogaa in Ilaahay addoomadiisa u kala aargudo laakiin ma ogayn inuu dubur dubur ugu aargudo!.
Gabagabadii dadow Ilaahay iyo diintiisa yaan lugu dhiirran, dulmiga iyo xadgudubkana hala daayo, ninkii diinta dhibtuu u gaystay dhaqso looga jari waayo ama dadkuu dulmiyey iska celin waayaan Alle ayaanu ka fakanayn gooray noqotaba.
Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
 
axmeed

Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! Qaybta-1aad

$
0
0

Habowga iyo ka hadfidda hilinka toosani waa wax la fil ah jiritaanka aadanaha, xilliyada iyo duruufuhu waxay mar mar abuuraan aragtiyo aan sal adag ku qotomin laakiin sidii dhalanteed ay dad badani moodaan goob roob mahiigaan ahi maaruqay oo meel walba biyo ka muuqdaan, dhab ahaanse meesha waxaa ka muuqda wirwir ee wax muuq biyood ahi meesha kama dhowa.

Hummaagga casriyeynta diintu waa mid soo maray welina ka jira dunida aynu ku noolnahay, ragga horfiiqda u ahaa aragtidaan waxay ka dhex abuurmeen jab iyo haantaa wilif ku dhacay dunida Islaamka, qaarkood waxay ka ahayd niyad wanaag, waxay dhex muquurteen arrimo ka mid ah sooyaalkii ummadda muslinka ah, waxay aad u ceebeeyeen dadkii muslinka ahaa, waxay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan caqligoodu taran lahayn ee arki jire doon ah, waxay la noqotay in sooyaalka ummaddu aanu la jaan qaadi Karin casriga.

Raggaanu waxay aad u cuskadeen caqliga, waxay wax walba halbeeg uga dhigeen caqligooda, illaa ay kitaabka iyo sunnada ka hormariyeen, waxay u weel qaadeen sidii shareecada loo casriyeyn lahaa, sidii ay kuwii reer galbeedkuba yeeleen ayaga hortood, raggaas afka carbeed waxaa loogu yeeraa (Casraaniyiin) oo ah casriyeeyeyaal, haddaba bal aan qeexno eraygaan.

Casriyeyn (Alcasraaniyah): (waa dhaqdhaqaaq isu taagay dib u cusbboonaysiinta diimaha waaweyn oo dhan sida Kiristanka, Yuhuudda iyo Islaamkaba) , waana waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Modernism).
Erayga Casriyeyn looma wado in lagu abtirsado casriga ee waa eray bixin gaar ahaaneed sidaa darteed ayaa lagu qeexaa eraygaan in uu yahay sidaan soo socota.

Alcasraaniyah (Modernism): (Casriyeynta diintu waa aragti diimeed ku qotonta rumaysnaan la rumaysanyahay in horumarka cilmiga iyo dhaqanka casriga ahi ay khasbayaan in dib loo fasiro aqoonta diinta ee aan sidii hore loo dayn, ayada oo laga dab qaadanayo falsafadda cilmiga ah ee xilligaas hormuudka ah) , qoladaani waxay u suxulduubeen in diinta la ogolaysiiyo ilbaxnimada reer galbeedka iyo aragtidooda, taas oo ah mid ku barbaartay namasta dhaqankii giriigga, sidaa darteed waa in diinta loo faruuryo xiraa ilbaxnimada reer galbeedka waana in nolosha lagu jaangooyaa iyada.

Qoladaan casriyeyntu ma leh hayb diineed, waxay horay uga soo dhex samaysmeen diimaha kiristanka iyo yuhuuddaba, inksta oo labadaan diimood ay yihiin kuwo aadane ku falaaday oo laga dhalan rogay sidii Alle u soorogay haddana raggii hoggaanka ka ahaa diimahaan aad ayey uga cawdeen qoladaan.

Biyuuskii 10aad Pope Pius X ayaa yiri: (haddii qof isku dayo in uu shar oo dhan kulansado si uu iimaanka u dhaawaco marna ma gaari karo xagga xumaanta meesha ay Casraaniyiintu gaareen)
Waxaan marna is qabanayn in qofku yiraahdo waxaan ahay muslin misana waxaan diinta u sandullaynayaa garaadkayga ama garaadka rag kale, waxaan diinta u fasirayaa sida casrigu rabo ama la jaan qaadi karta dhaqanka reer galbeedka, oo waliba ku andacoodo waxaan uga dayanayaa taas sidii nimankii reer yurub ee diinlaaweyaasha ahaa uga horyimaadeen kaniisadihii ay hoggaaminayeen baabayaasha baadiyeysan!, waa yaabe soo diinta Islaamku ma aha diin xaq ah?, soo diinta Islaamku ma tirtirin xaqnimada diimaha kale?, dhanka kale miyaan diinta yuhuudda iyo tan kiristankaba aadane ku falaadin oo hadba wax ka beddelin?, miyaanay ahayn diimo la nasakhay?, haddii jawaabtu haa tahay soo qofka leh sidii diinlaawayaashii yurub kaniisadaha ula dirireen ayaan anana ula diriraynaa Culimada, Fiqhiga iyo diintaba ma aha qof habowsan oo hummaag beenihi u muuqdo!, maxaa yeelay wuxuu is feer dhigayaa xaq iyo xaq darro, wuxuu isu ekaysiinayaa Malab iyo Dacar!.

Haddii aan damacno in aan u abtirinno Casraaniyiinta cusub ee muslinka wareeriyey waxaan oran karnaa waxay bahwadaag yihiin qoladii galbatay ee la oran jiray Muctasilada,maxaa yeelay Muctasiladu waxay wax walba ka hormariyeen caqliga kitaabka iyo sunnadaba ha ahaatee, casraaniyiintuna waa tabtoodii, Muctasiladu waxay sameeyeen in ay aayaadka muxkamka ah u fasiraan sida caqligoodu hadba rabo, waana tan ay ku dhiseen aasaasyadooda shanta ah , sidoo kale Muctasiladu waxay diideen xadiisyada hal saxaabi wariyey (Al aaxaad), intaa kuma joogsan ee waxay diideen xadiisyo dad badani wariyeen (Al mutawaatir) markii uu caqligooda nus wiqiyadda ah u cuntami waayey, si taasi ugu suuq gasho waxay weerar qaawan ku qaadeen qaar ka mid ah saxaabada Allaha ka raalli noqdee.

Aragtida Muctasiladu waxay fursad siisay Casraaniyiinta cusub ee abuurmay xilli reer galbeedku ka itaal roonaaday dunida muslinka ah, Mustashriqiinta iyo hay’adaha kiristaamayntuna ay ku xoogaysteen dunida islaamka, sidaa darteed ragga casri is moodka ah waxaa mad-hab u noqday in ay daba gucleeyaan dhaqanka iyo ilbaxnimada reer galbeedka khayr iyo sharba.

Muctasiladu waxay ku saamoobeen falsafaddii giriiggii hore, tii hindida iyo suugaantii reer beershiya (Faaris), waxaa xusid mudan in hormuudka Muctasiladu u badnaayeen beershiyiin, sidaa darteed waxay qur’aanka u fasireen si waafaqsan falsafadahaas, waxayna beeniyeen xadiis walba oo falsafaddaas ka hor jeeda.
Muctasiladu waxay isku dhereriyeen saxaabadii A.K.R.N ayaga oo leh waa aadane oo wax baa laga sheegi karaa, dhabtuna waa in xadiisyada ay wariyeen ay ka hor imaanayaan aasaasyadooda gundhigga u ah, haddaan xoogaa kaaga tilmaamo aflagaaddadii ay gaysteen madaxdoodu waxaa ka mid ah.

Camr ina Cubayd: waa oday ka mid ah hormuudka muctasilada wuxuu yiri: ( Alle ayaan ku dhaartaye haddii Cali, Cusmaan, Dalxah & Subayr ay ka markhaati kici lahaayeen kabo yeeshood (suun dambeedkood) ma aanan aqbaleen), sidoo kale wuxuu yiri: (Maxaad maarriin madow xiga ku falaysaa (Samrah) Allaha xumeeyee) ogoow wuxuu caayayaa Samurah ina Jundub A.K.R.N.

Waa caado lagu yaqaan dadka lunsan in ay u gafaan saxaabada, culimada, diinta iyo wax alle wixii ay u arkaan in ay ka hor imaanayaan mabaadii’dooda qalloocan, waxaad u jeeddaa Muctasilgaan iyo ragga uu caayayo inta ay isu jiraan, waxaan ka duwanayn kuwa cusub ee soo biloday bilowgii qarnigii tegay oo ilaa hadda jooga, inkasta oo aan afsoomaali lagu qori jirin aragtiyohooda misana maanta waa la bilaabay in laynoo soo turjumo Casraaniyiinta iyo kuwo kale oo aan ka fogayn qabkooda sida Shiicada, Qur’aaniyiinta, Cilmaaniyiinta, Mustashriqiinta iwm, waliba waxaad arkaysaa ayadii oo laysku soo barxay kulligood ama qaarkood.

Casraaniyiintu waxba reebi maayaan, xadiiskii aan dhaqanka iyo ilbaxnimada reer galbeedka la jaanqaadi Karin waa waxba kama jiraan, Fiqhiga diintu waa waxba kama jiraan, axkaamta qaybteed waa sidoo kale, culimadu waa Rabbi iska yeel!, waxaas oo idil waa qiiq isku qarin ee ujeeddada dhabta ahi waa dumin lagu duminayo diinta Islaamka, waxaan soo xusuustay tixdii ahayd.

Haddii uu Aboorkii Maskii ka ilko weynaaday
Oo Aarkii libaax ahaa Dawaco ka ashtakoonaayo
Ari geel harraatiyeyna waa la arki doonaa

Aniga oo si mug leh uga warrami doona Casraaniyiinta guud ahaan, ayaan rabaa in aan idiin tilmaamo meesha ay ku abtirsadaan aragti ahaan, maadaama Muctasilada caqligu uga horreeyo kitaabka iyo sunnada Casraaniyiintuna waa sidoo kale, maadaama Muctasiladu ay ka cabtey togaggii wasakhaysnaa ee falsafiyiintii giriiggii hore, hindidii iyo beershiyiintii Casraaniyiintuna waxay ku daba tukadaan falaasifadii iyo diinlaawayaashii reer yurub ee kaniisadaha ka horyimid sida Kaaral Maarkis iyo kuwa la halmaala, Muctasiladu waxay diideen xadiisyo badan oo falsafadda ama caqligooda ka horyimid Casraaniyiintuna waa sidoo kale waxaaba ayaga u sii dheer aragti ka dhalatay baqdin, Muctasiladu waxay diideen axkaam badan Casraaniyiintuna waa la mid oo waxay diideen xukummada kala ah Riddada, Rajmiga iyo qaar kale.

Muctasiladu waxay caayi jireen saxaabada A.K.R.N qaar badan oo ka mid ah si ay u diidaan xadiisyada ay weriyeen, Casraaniyiintu waxay caayeen saxaabo, fuqoho iyo culimo waaweyn si ay u diidaan qodobbo asal ah oo diinta xaggeeda lama taabtaan ah, waa sidii dibjir aan waligii tacliin arag oo leh cuf isjiidadku (Garvity) waa been oo waxaa ii sheegay saaxiib hore oo koollada dhuuqi jirey!, marka waxay la ollogyihiin oo ay ka dab qaataan qoladaas inkasta oo ay wax ku kala duwanyihiin haddana waa sidii wiil iyo aabbihii.

Ninba bartii aabihii maruu budulki raacaaye
Basarkaygu waa kaa haddaad baran siciidoow e. C.Y.Keenadiid

Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur
fuadaflow@gmail.com
fuaadXaaji


Somali Diaspora is the backbone to the rebuilding of Somalia

$
0
0

jamhuuriyada Soomaalioya

Washington, 09 October 2014 – H.E. Mustafa Duhulow, Minister of Information today thanked US Government and Somali Diaspora in the US for their commitment and support to Somalia.

The Minister said “My visit to Washington DC, Virginia, Minnesota and Columbus Ohio from 28 September to 08 October 2014 gives me more hope, renewed energy and commitment to advance the peace and stability in Somalia. I am honored and thankful for the commitment, dedication and support shown to me by the US Government officials and Somali Diaspora in the United States of America.”

The Minister of Information had meetings with State Department and other departments in US Government. The Minister updated the US Government officials the political, security and economy progress in Somalia for the last two years. The aim of the visit to Washington DC was to enhance the strong ties and relationship between the two countries and in particular the Media Development in Somalia.

The Minister continued to say “I am struck by the dedication of US Government, the commitment and the leadership shown to me during my meetings with officials. The US government is the lead country that has been supporting Somalia for a very long time including during the civil war and they are now ready to rebuild Somalia so that it will become a useful nations of the world. Without the help and the assistance of the US we would not have achieved much. We should honor the sacrifices made by the US to Somalia in order to bring peace and stability. The killing of Godane, the support of Somali National Army and AMISOM, the humanitarian assistance, the political support and many more are examples of how US is ready to enhance our mutual interest for the sake of Somali people.”

The Minister visited Minnesota and Columbus Ohio and had meetings with Somali Diaspora. “Somalis in the Diaspora that I met really gave me a renewed energy and I was very happy to see so many of them hugely welcoming us in Minneapolis and in Columbus Ohio. I saw a community that is vibrant with a sense of nationalism and I am very proud of them. They are not only integrating into the US society but they are also making valuable contributions to the US. I had the opportunity to celebrate with them during Eidul Adha festivals by visiting Somali Malls in Minneapolis and in Columbus Ohio, praying with them at the Convention Centre in Minneapolis and meeting with them in community events in Minneapolis and in Columbus Ohio. My message to them was that they should organize themselves to take part of the rebuilding of Somalia while integrating and making valuable contributions to US society. I also asked their support in stopping our young people joining terrorists groups such as ISIS, Al-Qaeda and Al-Shabaab. Community leaders, religious leaders and parents have a huge role to ensure that our young people are giving job opportunities and all the support they need that can give them a hope, which in turn can stop them joining terrorists groups.” The Minister said.

The Minister concluded” “Somalis in the Diaspora are already making huge contributions to Somalis in terms of economy, political and security. I am very proud of them and I want them to continue to represent the country and to become ambassadors of Somalia. I would like to finally encourage Somalis in the Diaspora to work with the Federal Government of Somalia in order to stop the looming humanitarian crisis in the country. Somalis in the Diaspora have a huge role to play in the democratization process so that in 2016 we will be able to hold fair and free elections in Somalia.”

ENDS – Ministry of Information, Somalia, media@moi.gov.so

wasiir

 

Golaha wasiirada oo ansixiyey Heshiis is afgarad ah oo xukuumadu la galayso Baarlamaanka

$
0
0

Shir ay galabta isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda F.S. Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa looga dooday heshiis isfaham oo u dhexeeya Golaha shacabka Baarlamaanka Fedaraalaka Soomaaliya iyo golaha Wasiirada xukuumadda oo kusaabsan dardargalinta dejinta shuruucda hortabinta u leh kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Hoos ka dhagayso warbixinta shirka

Download audio file (ridwaan-shir-jaraaid-.mp3)

unnamed-30

Shirkada Golis laga bilaabo Jimcaha Canshuur ayaan ku daraynaa daqiiqadaha lagula hadlo dalka iyo dibadaba

$
0
0

DSC_0435Daawo: Maareeyaha Guud ee Shirkada Isgaarsiinta ee Golis, Siciid Aadan Axmed oo ay weheliyaan madaxda kale ee Shirkada Golis ayaa ku dhawaaqay inay hirgalinayaan canshuurta wacitaanka telafoonka oo ah daqiiqadaha ay isticmaalayaan dadku marka ay lahadlayaan gudaha  iyo dibadba,  kadib markii dowladu soo rogtay in canshuur laga qaado isticmaalka telafoonka. Hadalkii maareeyaha waxaa ka mid ahaa.

” … Dowladu waxay markale isugu yeertay shirkadihii oo dhan,  waxay ka saxiixday shirkadaha dhamaantoonda inay laga bilaabo kowada bisha tobdnaan ay fuliyaaniin, ee awaamiirta dowlada iyo wareegtada madaxwaynuhu soo saaray, shirkaduhuna dhamaan waa aqbaleen wayna saxiixeen, waxay ahayd in arintaan la bilaabo kowda bisha tobnaad, laakiin markale shirkaduhu waxay ka codsadeen dowlada maadaama lagu guda jiray munaasabadii ciidul Adxa, in dib loogu dhigo dadwaynaha waqtigaas oo ay munaasab ahayd in dadwaynaha lasiiyo promotion-no iyo qiimaha loo jabiyo sidaa daraadeed dowladu way ka aqbashay, hadii ciidii laga gudbay, Shirkada Golis waxay markaa rabtaa  macaamiisheeda inay u gudbiso, in lagaaray waqtigii lafulin lahaa wareegtadii dowlada oo ay ka dhalanayso, in daqiiqadihii jiray lasaaro cashuurtii dowlada, …………..maantana waxaan u taaganahay inaan dadwaynaha u gudbino in talaabadaasi ay hirgalayso bari oo jimce ah”

Xigasho:RBCradio

Boosaaso iyo Minneapolis oo la mataaneeyey

$
0
0

2SOMALI101014 Cabdi Warsame ayaa cod googo’aya ku yiri isagoo ilmada iska tiraya……..

Dowlada oo hoose ee magaalada Minneapolis ayaa maanta cod aqlabiyad ah ugu codeeyey in la mataaneeyo labada magaalo ee Minneapolis iyo Boosaaso. Arintan oo gudiga dowlada Hoose ee Minneapolis u gudbiyey Cabdi Warsame oo ah Mudane laga soo doorto xaafada Cedar iyo Koonfurta Magaalada Minneapolis ee Soomaalida badan daagantahay, Cabdi Warsame ayaa ka mid ah 13 xubnood ee gudigaas ka koobanyahay, Cabdi Warsame ayaa ah qofkii ugu horeeyey ee xil noocaas ah ka qabta dalka Maraykanka. Cabdi Warsame ayaa cod googo’aya ku yiri isagoo ilmada iska tiraya;

“What it means to Somalis is emotional for me to think about,” he said. “Because for over 25 years, Somalis have suffered a great deal. They’ve been isolated and we grew up in a very tough time. So what this means to us is it means that isolation — we have hope that isolation is going to be over.”

“Macnaha ay u leedahay waa ii tiiraanyo inaan ka fakaro, ayuu yiri. “Maxaa yeelay 25 sano ayaa Soomaalidu dhibaatoonayeen, waa la godoomiyey, anaguna waxaan kusoo kornay xili adag, sidaa daraadeed tan macnaheedu waxay noo taay, macanadheedu waa go’doomintii- waxaan leenahay rajo in go’doomintii ay dhamaan doonto”

Soomaalida Minneapolis ayaa kasoo qayb galay shirka oo ka dhacayey aqalka looga taliyo Minneaolis, markii codayntii dhacdayna waxay muujiyeen dareenkooda ku aadan munaasabada. Hoos ka daawo.

Akhriso qoraal Ingiriis ah oo Joornaalka startribune ee ugu afka dheer Minneapolis ka qoray arintan.

Minneapolis sister city vote is small gesture, big moment for Somali community

Xigasho Universal TV

Startribune.com

 

Xulashada Jimcaha: Xasuuqii Ciidanka Kenya ka geysteen magaalada Wagalla ee NFD

$
0
0

Xulashada Jimacaha Somalitalk ee toddobaadkan, waxaan ku soo qaadanaynaa xasuuqii ay ciidamada Kenya ka gesyteen magaalada Wagalla ee dhulka Soomaaliyeed ee NFD, muddo hadda laga joogo 30 sanadood.

Markey taariikhdu aheyd 8dii Febraayo 1984, goor habeennimo ah, ayuu kulan qarsoodi ahaa oo ay albaabadu u xiranyihiin uu ka dhacay aqalka dowladda ee degmada Wajeer. Kulankaas oo ahaa mid heer sare ah waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka socotay hay’adaha nabadsugidda iyo amniga ee Kenya. Sida ku cad dabagal ay sameeyeen wariyeyaasha CITIZEN TV, ragga caanka ah ee ka qabgalay kulankaas qarsoodiaga ahaa waxaa ka mid ahaa: Benson Kaaria (P.C North Eastern Province) , Bethual Keplagat (P.S Ministry of Foreign Affairs), David Mwiraria (P.S Ministry of Home affairs), John Gituma (Min. of Information & Broadcasting), Brigadiar J.R. Kipwana ( Department of Defense), Joseph Kaguti (Office of the President Admin.), James Mathenge (P.S Office of the President).

Maalin ka dib, markii shirkaas dhagareed uu ka dhacay degmada Wajeer, waxay goor habeennimo ah ciidamada dowladda Kenya ay hareereeyeen degmada, waxayna saqdhexe weerar aan arxan laheyn ku ekeeyeen shacab aan hubeysneyn oo guryahoodii iska hurda. Ciidamada weerarka gaystay oo ahaa kuwo aad u tiro badan, kuna hubeysnaa hub culus iyo gawaarida gaashaaman, waxay dibadda u soo saareen dadkii degganaa degmada iyo gaar u soocay raggii, dumarkii iyo carruurtiina goonni uga saaray. Ciidamaas aan jixinjixa laheyni waxay isla habeennimadiiba bilaabeen, dilalal, jirdil iyo kufsi baahsan oo lagula kacay shacabkii Soomaaliyeed ee magaaladaas degganaa. Waxaana magaalada laga qafaalay kummaan rag ah oo lagu daadgureeyay baabuurta ciidamada Kenya iyadoo loola dhaqaaqay dhanka saladhigga Ciidamada ee Wagalla.

10kii Fabraayo 1984, waxay ciidamada Kenya ka geysteen xerada ciidamada ee Wagalle, xasuuq arxandarro ah oo ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay kii ebed ka dhaca waddanka Kenya. Waxaa la xasuuqay kumannaan rag ah oo aan hubeysneyn, iyadoo loo adeegsaday hubka noocyadiisana lagu wax gumaada. Waxaa sidoo kale aan illaa maanta nolol iyo geeri midna lagu haynin kumannaan kale. Waxaa intaas sii dheeraa, kufsigii iyo jirdilkii lagula kacay maatidii ka badbaadday xasuuqa.

Waxaa xusid mudan, in illaa iyo maanta aysan dowladda Kenya wax tallaabo ah ka qaadin dhagarqabayaashii ka mas’uulka ahaa dhacdadaas argagaxa leh. Taas baddalkeeda, waaba la dallacsiiyay oo jagooyin sare ayayba ka qabteen xukuumadihii dalkaasi soo maamulay. Waxaa nasiibdarro ah in Bethual Keplagat oo ka mid ahaa dhagarqabayaasha ku eedeysan xasuuqa shacbigaas Soomaaliyeed, uu ka mid noqday madaxdii hoggaamineysay shirarkii hagardaamo ee hoggaamiyekooxeedyadii Soomaalida loogu qabtay waddanka Kenya.

Dhanka kale, waxaa maanta gudaha Soomaaliya ku sugan kummanaan ka mid ah ciidamada Kenya, kuwaas oo arrimiya gobollada Jubbooyinka. Waxayna halkaas ka wadaan xasuuq iyo baro kicin, ayadoo diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay marar badan dad shacab ah ku laayeen, degmooyin ku yaalla koofurta Soomaaliya. Arrinka kale ee muhiimka ahi waa damaca ay Kenya ku dooneyso in ay ku xalaaleysato dhubadeed Soomaaliyeed oo aad u baaxadweyn. Arrinkan walow in muddo ahba inkirayeen madaxdii muddooyinkaan dambe u arrimineysay Soomaalidu, haddana ugu dambeyn qaylodhaan ayay ka keeneen damaca waalan ee dowladda Kenya. Waxaana xusid mudan in dowladda Soomaalidu ay Maxkamadda Caalamiga ah Hague u gudbisay dacwad ka dhan ah daandaansiga Kenya.

Wagalla massacre:

Qaybta 1aad:

Qaybta 2aad:

Qaybta 3aad:

Qaybta 4aad:

Wagalla massacre revisited :

Minister Weeps at TJRC Hearing:

Halkan ka eeg qoraaladii 2000 ay SomaliTalk ka qortay xasuuqa Wagalla.. GUJI

Qaybaha kale ee Xulashada Jimcaha ka akhri: http://somalitalk.com/tag/xulashada/


somali173

Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegey degmada Cadale

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tegey degmada Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe,
DSC4754
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno degaanka ka soo jeeda iyo Taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Nabad Sugidda iyo mas’uuliyiin kale, waxaa si diirran u soo dhoweeyay dadweynaha degmada Cadale oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.Iyo Guddoomiyaha Degmada Cadale Muxuddiin Suudi Macallin Cali.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah dadweynaha kula shiray waxaa uu warbixin ka dhegeysteen mas’uuliyiinta dowladda ee degmada iyo Gobolka, ka hor inta aanay u warbixin odayaasha dhaqanka ee degmada Cadale.

Madaxweynaha oo dadweynaha kula hadlay fagaaraha showrida ee degmada Cadale, waxaa uu kula dardaarmay in ay nabadda hantaan gacanna siiyaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM. Wuxuu ku boorriyaya in kheyraadka dabiiciga ah ee degmada siiba kan badda laga faa’iideysto. Wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in wiilasha Shabaab ka tirsan hadday ka tanaasulaan mabaaddii’da Shabaab loo baahan yahay in la soo dhoweeyo oo aan lagala hor imaan gocosho waxyaabo hore u dhacay.

Madaxweynuhu wuxuu kulan gooni ah la qaatay saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee aaggaas, wuxuuna ku boorriyay in shacabka laga xoreeyo Shabaab, loona gargaaro oo la dhowro xuquuqdooda si loo hanto kalsoonidooda.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu socod ku dhex maray suuqa magaalada iyo xeebta isaga oo la fariistay lana sheekeystay qaar ka mid ah ganacsatada wadooyinka wax ku iibiya.

Cadale waxaa al Shabaab laga saaray kowdii bishan Oktoobar oo maanta toban ah.

Dhammaad

For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Office of the Somali President
shadorhaji@presidency.gov.so
Twitter: @thevillasomalia/@Shador_Haji

Halkaan hoose ka daawo sawiro iyo warbixin dheeraad ah oo kusaabsan safarka Madaxwaynaha.

http://radiomuqdisho.net/madaxweynaha-oo-maanta-tagay-degmada-cadale-daawo-sawiradda/

Xigasho: RadioMuqdishu

 

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Garoowe

$
0
0

unnamedGaroowe, 10, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan GolihiisaWasiirada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo oo muhiim ah uu maanta uga bilaabmay magaalada Garoowe ee xarunta Dawlad Goboleedka Puntland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gegada diyaaradaha ee Garoowe waxaa ku soo dhoweeyey madaxda ugu sarraysa Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan Golayaasha Maamulka, wax-garad, haween iyo shacab aad u tira badan.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loogu soo sameeyey Garoowe, waxana uu sheegay inay ka markhaanti kacayso sida ay dadka Puntland ugu heellan yihiin midnimada dalka iyo xoojinta dawladnimad Soomaaliya iyagoo wax badan ku biiriyey geedi-socodkii loo soo maray Dawladda Federaalka Soomaaliya.Mudane Cabdiweli ayaa tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay muhiimad weyn siinayso gaaritaanka Dawlad Goboleedyada, maamullada iyo gobolada uu dalku ka kooban yahay si loo adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqaynta oo la doonayo inay ku dhisnaadaan is-ixtiraam, daacadnimo, daah-furnaan iyo u adeegidda danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in uu filayo in safarkan uu ku joogo Puntland uu meesha saari doono gaabis ku yimi xiriirka iyo wada-shaqaynta Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Mudane Cabdiweli ayaa tilmaamay in Puntland ay mar walba ka mid ahayd horseedka dadaalada loogu jiro nabadda iyo dawlad-dhisidda ee Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay in kaalintaasi ay mar kasta qaadato.

“Waxaan marka kowaad u mahadcelinayaa Madaxda iyo shacab weynaha sharafta badan ee Puntland ee maanta aniga iyo waftigayga nagu soo dhoweeyey magaalada Garoowe. Soo dhoweyntan aad noo fidiseen waxay ka markhaanti kacaysaa sida ay idiinka go’antahay midnimada Soomaaliya iyo wada jirka dadkeeda.

“Xukuumadda aan hoggaamiyo waxa ay ku shaqayneysaa aragti cad oo ah ka adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya, waana in ay arrintani ku salaysnaataa is-ixtiraam, daacadnimo iyo in cid walba ay hesho xuquuqda ay leedahay iyadoo waajibaadka qarankana loo sinaanayo”

Dhinaciisa, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey Puntland, waxana uu tilmaamay in Puntland ay dooneyso in Dawladda Dhexe wax ka qabato tabashooyinka ay qabaan.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Garoowe-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse
unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)


Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo furay shirka wada xaajoodka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS:

Garoowe, 11, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo saddex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.Mudane Cabdiweli oo furtitaanka shirka uu ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey labada ergo ee wada hadlaya iney maskaxda ku hayaan muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland .

Shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex maray Xukuumadihii hore ee Dawladda Federaalka iyo Puntland. Ra’iisul Cabdiweli Sheekh ayaa ku dhiirrigelinaya labada dhinac ee saddexda maalmood shiraya iney la yimaadaan daacadnimo iyo iney ka turjumaan duruufaha ku xeeran Dawladda Federaalka iyo Puntland, isla-markaana uu heshiiska la gaarayo noqdo mid la dhaqangelin karo.

“ Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Shirkaan aan maanta furayno wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida xiriir wanaagsan iyo wada shaqayn dhex marta Dawladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaari lahayn, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada hadlaya waad is beddeleyssaan oo qayb Federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkaan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay ka hawlgeli doonaan Federaalka markaa waa inaad ka shaqaysaa wax aan berri caqabad kugu noqon doonin” . Ayuu raaciyey Mudane Cabdiweli Sheekh
cabdiw4
cabdiwaliyada
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee ku yaalla magaalada Garoowe oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka, Tv-ga iyo Idaacadda Puntland,Wasaaradda Cadadaalada, wasaaaradda deegaanka iyo Xabsiga Dhexe, waxana uu halkaasi kula kulmay hawl-wadeenada iyo masuuliyiintaa xarumahaasi oo uu ka dhegeysto warbixinno.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Garoowe-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

$
0
0

Somalitalk 11-10-2014:

Madaxweynaha DFS oo gaarey Barawe iyo Xarakada Alshabaab oo sheegatey in ay weerareen Diyaaradii uu lasocdey

Madaxweynha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu Hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii dhawaan ay halkaa la wareegaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom , intiii aysan soo Caga dhigan Garoonka ayaa waxaa lagu waramey in Diyaarada lagu weerarey Qoriga Lidka Diyaaradaha taasoo qalqalgelisey Madaxdii Diyaarada Saarneyd iyadoo markii Dambe Diyaarada u dhaqaaqdey dhinaca Xeebta halkaasoo ay ku degtey Madaxweynha oo la hadley dad isugu so baxay soo dhaweyntis. Dhanka kale Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu shaley gaarey Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Shabaab oo lagu eedeeyay Af-duub ka dhacay Gudaha Kenya.

Wararka ka imaanaya Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Rag Hubaysan oo loo maleeyay in ay ka tirsan Xarakada Shabaab in laba Gaari ay ka afduubteen degaan hoos yimaada Demada Laamo ee Gobolka Xeebta. Kun yaala Xadka Soomaaliya iyo Kenya. Labadan Gaari oo la af duubtay ayaa waxaa la socday Shan ruux oo qaad siday taasoo sida la sheegay loola soo dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya. Laba ka mid ah raggii qaadka watay ayaa la sheegay in Qoorta laga jaray meydkoodiina halkaa looga tagay iyadoo Qaadkii iyo labadii Gaariba la soo galiyay dhinaca Soomaaliya. Saraakiil u hadashay Ciidamada ammaanka ee halkaa ku sugan ayaa sheegay in afduubkan ay gaysteen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Shabaab isla markaana labadii Gaari ee la af duubtay loola dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya in kastoo aysan garanayn halka rasmi ahaan lala beegsaday.

Qareeno ugu baaqay Xukuumadda in Xoriyadooda dib loo siiyo Wariyayaal ku dhawaad laba Bilood ku xiran Muqdisho.

Illaa Lix Qareen oo u doodaya Wariyayaashii Idaacadaha Shabeelle iyo Sky oo ku dhawaad Laba bilood u xiran Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sidii Maxkamad loo keeni lahaa Wariyayaashaas ama Xuriyadooda dib loo siin lahaa. Avv. Cali Xalane oo kulan ay yeesheen qareenadaas kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in illaa laba goor ay booqdeen goobta ay ku xiran yihiin o Wariyayaasha xaaladooda Caafimaadna aanay wanaagsanayn sidaa darteedna ay qalad tahay in intaa la hayo. Mar uu ka hadlayay in wax caddeeyma ah oo wariyayaashaas loo hayo in dembiga lagu soo oogay loo hayo ayuu sheegay inaysan jirin wax caddeyma ah welina ay xukuumaddu sheegayso in baaritaano ay waddo.Avv. Xalane ayaa intaa ku daray in Xarigga wariyaashan lagu salaynayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed laakiin uusan jirin xeer saxaafadeed ee muujinaya Maxkamadda la hor geynayo iyo sharciga loo cuskanayo midnaba.

Maamulka Degmada Xamar-Weyne oo gacanta ku soo dhigay Gaari siday walxaha Qarxa.

Guddoomiyaha Maamulka Dawladda ee Degmada Xamar-weyne ayaa ka warbixiyay Hawl gal Ciidamada ammaanku ka sameeyeen gudaha degmadaas. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawl galkaas lagu soo qabtay Tira dad ah iyo Gaari siday walxaha qarxa haatana gacanta ay ku hayaan. Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyen ayaa hoosta ka xarriiqay in dadkii hawl galkaa lagu soo qabtay badi la sii daayay ka gadaal markii lagu waayay tuhunkii loo haystay hse yeeshee ay iminka gacanta ku hayaan Gaariga siday walxaha qarxa iyo Ninkii Darawalka ahaa ee Gaarigaas waday dhawaana Maxkamadda ay u gudbin doonaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Block L13 oo ka mid ah dhulbadeedka Soomaaliyeed ee RAASKAMBONI oo aay Kenya hadda shiidaal ka qodaneyso.

$
0
0

Waxaan Ummadda Somaaliyeed la  socodsiinayaa in aaysan jirin qof ka hadlaya howsha ka socota Block L13 oo aay Kenya rabto in aay Shiidaal iyo Gaas ka qodato.

Block L13 waa qeeb ka mid ah Dhulbadeed Soomaaliyeed ee biyaha RASKAMBOONI.

Waxaa la yaab leh in aaysan Ummadda Soomaaliyeed ku baraarugsaneen SHIIDAALKOODA oo Kenya iyo Shirkadaha shisheeye aay boobayaan  oo har iyo habeen ku mashquulsanyihiin  in aay shiidaalka kala soo baxaan. Shikadahaas oo kala ah:- Block L5 (Anadarko), Block L22 (Total), Block L21, L23, L24 (ENI), Block L13 (Zarara Oil) iyo Block L26 iyo Block L25 oo (Beec hadda  u taagan).

Block L13 (Zarara Oil)Waa qeeb ka mid ah  dhulbadeedka  Soomaaliyeed   oo hadda aay Kenya ku mashquulsantahay si aay shiidaal iyo GAAS  ugala  soo bahdo.

gardarro

Cabirka dhulbadeedkaasi (Block L13) waxuu dhanyahay qiyaastii cabir u dhigma  Muqdisho ilaa  Afgooye iyo Balcad oo(Angolka) Xagashu aay furan  tahay 45° (45 degree elbow center).

gararo

Waa dhul badeed aad u baaxadweyn, horayna waa uga hadlay oo qoraalladeydii hore ayeey ku jiraan.

Ummadda Soomaaliyeed ha u gurmadeen sidii aay u difaaci lahayeen  Batroolka Soomaaliyeed oo la  boobayo.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Halkan hoose ka arag sida loo dadajinayo Howsha Block L13. iyo qolada maalgalineysa:-Oil & Gas Industry – Al Braik Investments LLC .Al Braik Investments – Real Estate | Al Braik Investments LLC


Update – Swiss Oil Takes Kenyan Blocks L4 and L13

Further to Petroleum Africa’s exclusive report on September 3 regarding Swiss Oil’s signing of two production sharing contracts (PSCs) with Kenyan authorities, Bill Brumbaugh, Operations Director for Swiss Oil, provided a further update on the project.

“On Wednesday, September 3, 2008 the Kenya Minister of Energy, Mr. Kiraitu Murungi, and SOHI Oil & Gas Ltd. signed Production Sharing Contracts covering Blocks L4 and L13. These blocks cover some 10,000 sq km on the northern Kenya coast and contain several historical wells with both oil and gas shows.

“In addition, the Pate-1 well in Block L4 is a significant legacy gas discovery. In the coming months SOHI Oil & Gas Ltd. intends to initiate work leading to both evaluation of the hydrocarbon potential of these blocks and to assess the potential commercial production into the Kenya market of the Pate legacy discovery. If successful, Kenya’s first commercial hydrocarbon production could come from these blocks.”

The overall aim of the project is to develop coastal natural gas on trend with a 1970s legacy discovery and to establish a domestic hydrocarbons-to-power market for Kenya.

The L4 and L13 blocks measure 7,509 sq km and 2,905 sq km respectively. Both blocks are coastal just south of Somalia in the Lamu Basin.

Swiss Oil was founded by Loma Energy, Inc. and New Exploration Ventures Sole Proprietary on a 50/50 basis. The company is currently evaluating and/or applying for opportunities in North, West, and East Africa and has initiated bids, signed technical agreements, and entered into negotiations with local authorities.

//////////////////////////////////

Media Release
MIDWAY RESOURCES INTERNATIONAL

http://www.midwayresources.com

MIDWAY RESOURCES INTERNATIONAL (“MRI”) completes gravity-magnetic seismic data acquisition programs on Blocks L13 and L4, Kenya.
MRI, through its wholly owned subsidiary Zarara Oil & Gas Limited, holds a 75% working interest and operatorship of PSCs for Blocks L4 & L13, Kenya, now in their 1st Additional Exploration Period of 3 years. The Blocks cover 7,446kms2of the coastal region of Kenya, north of Lamu Island and straddle the Lamu geologic basin. The L4 Block contains the Pate-1 gas discovery well (drilled by Shell, 1971), hereafter designated as the ‘Pate Prospect’.

Completion of Pate Island Prospect 2D Transitional Seismic Survey

MRI has now completed its 383 line kms 2D survey over the Pate Prospect. The survey covered Pate Island and surrounding transitional mangrove and sea channel areas and was undertaken  by BGP Kenya Limited.

Seismic data are being processed by Geokinetics, Inc., of Houston USA and interpreted by MRI. Approximately 40% of the data has been processed and interpreted to date, with the balance anticipated to be completed over the next quarter.

Sufficient data has been interpreted to enable MRI to identify the location of a drilling site (Pate-2) which will replicate the original discovery well (Pate-1). Pate- 1 intersected and flowed (uncontrolled) gas and was subsequently plugged and abandoned. MRI will commence planning for Pate-2 in the next quarter which process could take up to 12 months before the well is spudded.

Depending on Ministry of Energy approval, MRI’s intention is to complete  Pate-2 as a producing well which will undergo  extended well testing to supply temporary electric power generating units. These could  supply electricity to the local extension of the Kenyan national grid. Assuming that Pate-2 confirms MRI’s current P50 resource estimate, this early gas production would represent  Phase 1 of a full-field development to be  based upon long term commericalisation of the gas resources. Phase 2 would involve development of a 350-500MW power station connected to the Kenyan domestic electricity grid. The grid is currently being extended to the proposed new Lamu Port, located some 15-20kms from the site of the original Pate-1 well.

Block L4 & L13 – exploration activities

Gravity-Magnetic survey: MRI has completed the acquisition, processing and interpretation of 6,262 line kms of gravity-magnetic data across the original area of its operated Blocks L4 and L13.
The survey was flown by New Resolution Geophysics, based in South Africa, using a 2km flight line separation with 10km north – south tie lines.

Analysis of the survey data has identified nine additional anomalies or leads on Blocks L4 & L13 which will be followed-up by an additional seismic survey programme to be executed by MRI over the next 24 months.
The Pate-2 well and regional seismic acquisition survey will be funded through a combination of additional equity and a possible partial farm-out of MRI’s 75% working interest. MRI is now actively pursuing such funding.
For more details you are referred to the MRI website:  http://www.midwayresources.com

History:
Midway Resources International was founded in 2005 by Dr. Mark Bristow, its chairman. Its strategy is to secure relatively lower risk discovered, but undeveloped, oil and gas resources across Africa, and to rapidly develop and commercialise them.
It acquired its interests in Zarara Oil & Gas Limited in quarter 2, 2012, and following extensive negotiations with the Kenyan Government regularised its PSCs by advancing into the 1st Additional Exploration Period of 3 years ending December, 2015.
MRI’s other current focus area is Nigeria, where it is pursuing a material and attractive shallow offshore undeveloped discovery. It already has an existing Nigerian investment, via its 20% shareholding in Inergia Petroleum Limited, in the Oza (in development with production expected quarter 1, 2014) and Atala (awaiting appraisal) fields, onshore Nigeria.

For further information contact:
CEO Peter Worthington – Mobile: +44 7710 680826
CFO Patrick Barr – Mobile: +44 7788 920915
info@mrimc.com
Telephone: +44 20 79457072

Operations

Midway Resources International:

Kenya MRI owns a 75% working interest and operatorship (via its 100% subsidiary, Zarara Oil & Gas Limited) in two production sharing contracts over Blocks L4 and L13, Kenya, an area of some 10,000kms2, currently one of the most sought after areas in the global upstream oil and gas industry.

SANNAD GUURADII 60aad: 1954-2014 CALANKA QARANKA SOOMAALIYEED

$
0
0

October 12, 2014

calan75In badan oo naga mid ah kuma baraarugsana maalmaha qaranka, waxaana haboon in mar weli baa an is xusuusino maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya shacabka soomaaliyeed si ay u ogaadaan jiilka yar yar ee maanta soo koraya sidaasi darteed waxaa maanta xusid mudan in ay tahay 12kii Oktoober 2014 kuna  beegan sannad guuraddii 60aad ee helida astaanta  calanka qaranimadda soomaaliyeed , nasiib wanaag muddo dheer  oo dadweynaha soomaaliyeed ay ku jireen dagaal sokeeye oo aan dhamaad lahayn , nabadgalyo xumo,gaajo abaar is daba jog ah iyo cudur, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegamay xili dowladnimo u dhalatay  shacabka soomaaliyeed, isla markaasi na gobaladda dalka oo laga xureeyey kuwa nabad diidka ahaa, dowaladda maanta inoo dhisan oo laga la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad u adkeed in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg, maxaa yeelay dalka waxaa soo marab abaaro isdaba jog ah,  isla markaasi na  waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega danta shacabka soomaaliyeed oo  ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibadda ba.

Haddaba waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo dudbinayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dhibadda ba  iyo madaxda dalka maanta hogaamineysa waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed u hayaan inuu ilaahay waafajiyo waddada  xaqa ah  isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay  ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi  iyo lax jacleysi maadama maanta dalkii kuwii dhibta ku haayey oo nabad diidka ahaa inta badan gobaladda dalka laga xureeyey, sidaasi darted waxaa looga baahan yahay dhallinyaradaasi la madax dooriyey in dhaqan celin loo sameeyo maxaa yeelay dhallinyaradu waa tiir muhiim u ah horumarka dalka isla markaasi na dawladdu waa in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo  wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed,waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda iyo jahawareerka ee dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo taasoo masuuliyadeedda dusha uu ka saran yahay dhamaan qof weliba oo damiir soomaalinimo leh.

 

Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu taagan yahay ama  astaan u yahay  qaranimadda dalka uu leeyahay,  calankeena  buluuga (cirka oo kale ah) iyo xiddigta  cad ee dhexda kaga taala  ay astaan u tahay jiritaanka  ummadda soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey shan qaybood .

Calanka soomaaliyeed oo ah astaan qurux badan markii ugu horeysay taariikhda marka ay ahayd 12 Oktoober 1954 la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum  Maxamed Cawaale Libaan

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani ah  aragtidiisa ay fogtahay , isla markaasina  soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyiha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey caloanka sida tan hoos ku qoran;

Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaal weyn  waxaa   loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed. waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer  yurub ay u  kala qeybiyeen 5 qaybood oo kala: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey dalka Talyaanioga, waqooyi galbeed , soomaali galbeed oo hadda itoobi ay ka  tirsan tahay  gacanta ugu jirto  iyo waqooyi bari N.F.D oo hadda heysato Kenya , xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska iyo Somali Djabouti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Franciiska, midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay

 

Markii uu soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaadka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafay muxaafid iyo mucaaridba calanka uu soo ban dhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii  talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato , dhanka buluugana uu kaga egyahay Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa , hasayeeshe Maxamad Cawaale liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahab huruud ah tan Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa ay isku mid ahayn, sidaasi darted maamulkii xafiiska basaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan  dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism” .

Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 60 sano jirsaday , wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galy, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL  kuwaas ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha  .

Waxaan jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 60 guuraddii calanka astaanta u ah qaranimadda shacabka soomaaliyeed , taasoo aan uga dan leeyahay,  jiilka maanta soo koraya in ay fahmaan dhibaatadda loo soo maray xurnimadda maanta aynu haysano , runtii xurnimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qaadatay  xurnimadda.

Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay  markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday  halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah , sidii  loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd , sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed , Maanlintaasi  oo ay dhaceen dagaalo ba’an  oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale

Maantaasi waxaa dalka ku  sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood  waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo  1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar  Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda la magac baxday Patriotic Beneficient.

Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar , Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacbka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qashe heestiisi calanka oo ah : Qolobaa calankeedu waa ceynoo , innaga keenu waa cirkoo kale e. Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xurnimada maanta aynu harsaneyno.

Haddaba waxaa looga baahan yahay hogaanka dowladda uu hooseedka ka yahay madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka guud ee dowladda laga filayaa in ay soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed, waxaan maamulka dowladdu aan kula dardaarmayaa in la xoojiyo dhismaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed si looga marmo ciidamaha shisheeyey ee maanta dalka ku sugan waxaa horey loo yiri “biyo gacmahaagi ayaa looga dhargaa” sidaasi darteed waxaa mar na la hureynin in dalka uu yeesho ciiddan dalkiisa iyo dadkiisa ba difaacan kara waxaana aaminsanahay dhismaha ciiddanka xooga dalka soomaaliyeed ay ka kharaj yar tahay ciidan shisheeye oo dibadda laga keenay.

Gabagabadii qoraalkeygii  oo ku saabsan sanad guuradii 60aad ee calanka qaranka soomaaliyeed waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay  joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo .

boolay174

Waxaa soo diyaariye

Cabdulkadir Cali Bolay

E mail :bollay@hotmail.com

 

Askar badal ah

$
0
0

axmeedShaqaaluhu waxay u kala baxaan kuwo si buuxda cid ugu shaqeeya oo waqtigooda oo dhan ciddaasi leedahay ama ku takrifalayso iyo shaqaale dadka u dhexeeya oo ciddii u timaadaba shaqo u qabta, sida: harqaanlaha ama kabatolaha iwm.

Askartu waxay ka midyihiin shaqaalaha sida buuxda ugu shaqeeya cidda ay askarta u yihiin, loomana oggola inay cid kale u shaqeeyaan ama amar ka qaataan, waxayna diyaar u yihiin inay shaqadii loo diraba qabtaan, saacaddii loo baahdana hawlgalaan, meeshii loo dirana ka hawlgalaan.

Waxaa kale oo dhacda in askarigaas loo badalo deegaan ka fog kii uu ka hawlgali jirey ama shaqo waqtiyaysan loogu diro. Waxaa kaloo dhaca in shaqada uu hayo laga badalo oo shaqo kale oo cidda uu askariga u yahay u baahantahay loo diro.

Dhinaca kale dowladda ama hay’adda askarta qoranaysa waxay leedahay cadow ay la dirirto oo ciidanka u qoranayso, ciddaas ay colka la tahayna siyaabo kala duwan ayay ula dirirtaa, dhinacyo kala gaar ahna way kala dagaalantaa, habab iyo hubab kala jaad ahna way kula dirirtaa, taasina waxay keenaysaa inay askarteeda u adeegsato hadba sida iyo meesha ay ka dagaalgalayso.

Hordhacaas ka dib quruumaha, dowladaha iyo hay’adaha diinta islaamka la dirira dadka arrintaas uga sahqeeya waxay u adeegsataa sida askariga loogu adeegsado hadba nooca dagaal ee ay galayso.

Innaga (Somali), diinteena iyo daneheena istiraatiijiga ah waxaa loola dagaalamay habab kala duwan, waxaana lugula diriray hubab kala jaad ah, waxaana dagaalkaas loo adeegsaday askar hadba sidii iy meeshii la doono ka dagaalgali karta.

Hal nin oo askartaas ka mid ah oo waajibkiisa dagaal yahay inuu la diriro shacabka soomaaliyeed, diintiisa iyo danihiisa ayaa laga soo dagaalgaliyaa dhinicii la doono ama loo dagaalgaliyaa habkii la doono ama waqtigii la doono isaga oo isticmaalaya hadba dhinacaas iyo meshaas hubka u munaasibka ah, una xiranaya shaatiga ku munaasibka ah.

Nin qur ah oo askartaas ka mid ah ayaa la dagaalanka diinta u isticmaalaya magacyo iyo halkudhegyo kala duwan oo labaduba
dilaa ah isaga oo marba shaati gaar ah xiranaya. Tusaale ahaan: ninkan wuxuu dulfadhiyaa KUMBUYUUTARKA iyo INTERNETKA, wuxuuna akhriyayaa wax kasta oo lugu faafiyo, ka dibna qoraallada shaqadiisa khuseeya ayuu mid walba ku qorayaa faallo (comment) shaqadiisa waafaqsan. Wuxuu kaloo isagu qorayaa oo faafinayaa qormooyin shaqadii loo soo diray ah oo saaxiibbadiisna lasii faafiyaan ama u comment-gareeyaan ama ciddii ka jawaabta ay usii jawaabaan; si shaqada askarigaas loogu muujiyo fikrad shacabku aaminsan yahay ama la saxan.

Mar waa shabaab, mar waa wadaad suufi ah, mar waa wadaad salafiya jadiida ah, mar waa qabiil hebel, mar waa gobol hebel, mar waa cilmaani ama casraani kasoo minguuriya buugaagtii nimanka diinta ka dhumay (si kale kuma garatide waa jirjirroole) hadba midab isu yeela. Ha beensan ragga maanta difaacaya buugga “xadka riddada maxaa ka run ah” inay yihiin raggii shalay difaacayey Al-shabaab.

Waxaa kale oo dhacda in hal askrai leeyahay labaatan ama soddon account oo leh magacyo kala duwan oo uu marba mid kusoo galo, waxna ku qoro; si dadweynaha masaakiinta ah loo moodsiiyo in dad badani fikraddaan qabaan ama difaacayaan, dhab ahaana waa hal nin oo magacyo badan qaatay oo hadba dhinac kaaga imaanaya sidii kadafjiirkii ama digiirankii ay bakaylaha is galeen!.

Gabagabadii waxaan usoo jeedinayaa dadka wax qora ama wax ka akhriya internetka in aysan ku kadsoomin qoraalada iyo comments-ka faraha badan ee netka lasoo dhigayo ee wata magacyada iyo halkudhegyada kala duwan, ayna ogaadaan inay wuxu yihiin akar badal ah oo shaqooyinkii hore ka dhamaadeen oo loo soo badalay qaybta “difaaca shaydaanka iyo dadka diinta ka baxa” ayna gartaan inay tahay shaqo askar tiro yari qabanayso, ayna hadba dhinac kasoo galayaan. Tan kale waa in lasiiyo jawaabo ku habboon dadka noocaas ah ee aysan ina galin iska daba wareeg iyo muran faaruq ah.

Sh. Ahmed Cabdisamad

alwaqaar@hotmail.com

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live