Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

Ra’isulwasaaraha Oo Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Uga Jawaabay Su’aallo La Xiriira Dekedda Muqdisho

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka ayaa u qornaa sidan:

somali172Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa
Ra’isulwasaarha iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada weeydiiyey su’aallo
la xiriira wareejinta shirka Al-Beyraat ee dalka Turkiga lagu wareejiyey
dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa
shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaana xubno ka tirsan gudoomiyeyaasha
guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ay weeydiiyeen Ra’isulwasaaraha iyo
Wasiirka Dekedaha su’aallo la xiriiray sababta ay Xukuumaddu ugu
wareejisay shirkaddan Dekedda ayadoo Baarlamaanku horey qaraar uga soo
saaray, xuquuqda shaqaalaha muruq maalka ah iyo cida maamuleysa dhaqaalaha
dekedda kasoo xarooda.

Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed oo su’aallaha jawaabahooda uu ku
wehliyey Wasiirka Dekedaha ayaa ugu horeyn bixiyey cudur daar iyo raali
gelin uu usoo jeediyey Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka waxaana uu
xusay inaanay Xukuumaddu iska indha tirin qaraarkii uu Baarlamaanka horey
uga soo saaray wareejinta Dekedda qorshahana uu ahaa in Guddiga joogtada
lala soo socodsiiyo maadaama uu Baarlamaanku xernaa dhinaca kalena waxa uu
si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aallihii la weeydiiyey.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Mahad Cabdalla Cawad oo gebagebadii kulanka ka hadlay waxa uu ugu horeyn
uga mahad celiyey Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirradiisa sida ay guddiga
joogtada ah uga jawaabeen su’aallaha ay qabeen waxaana uu muujiyey wal
walka uu Golaha Shacabka iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed ka qabo
heshiisyada la xiriira maalgashiga ee lala saxiixanayo shirkadaha
shisheeye, muhiimadda qaraarkii Baarlamaankana ay aheyd ilaalinta
shuruucda dalka iyo ilaalinta xuquuqda muruq maalka dekedda ka shaqeeya
taasi oo Baarlamaanka waajib ku ah.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo soo xeray kulanka ayaa ugu horeyn
ka hadlay in la ilaaliyo dhamaanba shuruucda kala gedisan ee dalka uu
leeyahay waxaana uu xusay inuusan Golaha Shacabka u dul qaadan doonin
bixinta hantida dalka guud ee ay Dowladdu leedahay oo aysan go’aankooda si
gaar ah u qaadan karin mas’uuliyiinta xilalka loo dhiibay si taasi xal
loogu helana la sameyn doono Maxkamad gaar uga shaqeysa.

Kulankan ayaa ka dambeeyey kadib markii uu codsaday Ra’isulwasaaraha
Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed inuu la kulmo guddiga
Joogtada ah ee Baarlamaanka si uu ula socodsiiyo halka ay Xukuumadda
marsiineyso dadaallada la xiriira Dekedda Muqdisho waxaana uu
Ra’isulwasaaraha dhowaan hor imaan doonaa Golaha Shacabka si uu
Xildhibaannada uga jawaabo su’aallo la xiriira arinta Dekedda caalamiga ah
ee Muqdisho iyo jah wareerka ka taagan heshiisyada caalamiga ah ee lala
galo shirkadaha shisheeye.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so


BADBAADADA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED HALOO HURO 6 saacadood oo…

$
0
0

DIFAACA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED

Waxaannu la wada soconnaa in Maxkamadda Caalamigu aay mar dhow bilaabidoonto GO-AAN KA GAARISTA dhulbadeedka Soomaaliyeed oo aay Kenya rabtay muddadaan oo dhan in aay boobto.

Waa ayaan darro in annagoo wada arkeyna KHIYAANADA, XADGUDUBKA, iyo BOOBKA muddada dheer soo socday (2009) in aan ka aamusno oo aan dhagta u taagno Maxkamadda Aduunka (ICJ) ayaa go-aan ka gaareysa. -Waa arrin khatar ah-.

Sidaad la wada socotaan horay ayaa nalaga eexda (N.F.D.)

Soomaali badan ayaana shaki iyo walwal ka qaba caddaaladda hadda laga sugayo Maxkamadda Aduunka (ICJ).

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed oo ku nool GUDAHA iyo DIBADDA ka codsanayaa in hal galin (6 saacadood) oo kaliya aay u huraan BADBAADADA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED ayagoo ugu tala galaya BANAANBAX NABADA AH oo aay ku muujinayaan codkooda.

badda_bashiir

Horay ayaan dhowr jeer u iri:- HADDII SI CAD NALOO DHACO OO BOOBKA LA SHARCIYEESTO, CALAACAL IYO QEYLO IYO MUDAHARAAD WAXBA INOOMA TARAYAAN EE HADDA INTA GOORI GOOR TAHAY AAN GACMAHA ISQABSANNO OO AAN MUUJINNO CODKAYAGA.

Waxaan si gaar ah HOOYOOYINKA Soomaaliyeed uga codsanayaa in aay u istaagaan Difaaca dhulka HOOYO iyo baddaas khatarta la galiyay. Hooyada Soomaaliyeed ayaa baraarujin karta oo kicinkarta RAGGAAN seexday nus qarniga oo aan kamidka ahay.
Nasiib wanaag Hadda waxaan heysanaa Dowlad la ictiraafsanyahay oo aan ku daba safankarno.

YAAN LOO KALA HARIN LIXDAAS SAACADOOD.

Arrintani ma ahan mid khuseysa Federaalka iyo SIYAASADDA…………
Waa arrin ku saabsan in aan ADUUNWEYNAHA tusno khayaanada iyo boobka aay damacsantahay Kenya iyo sida aan uga soo horjeedno annagoo isku wada duuban.

FEDERAALKA iyo DIB U HESHISIINTU HANOO DAMBEEYEEN

Waa arrin deg deg u baahan in la sameeyo inta uusan dhicin Go-aanka la rabo in wax lagu sharciyeesto.

badda_boob

badda_ladhacayo

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Is-afgaradkii Badda ee Kenya ku tilmaamay Khalad Qaanuuni ah, Balse aan ka hadlin khaladaad la mid ah ee ku jira Dacwadda ay DFS u gudbisey QM..

$
0
0

“Annagu waxay ahayd dhinacayaga in aan qorno dhulkaas anagaa iska leh mana loo aqoonsan karo Disputed area (dhul lagu muransan yahay)”
qareen71
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ay waraysi la yeelatay idaacadda Codka Maraykanka, ayaa mar wax laga weydiiyey khaladaadka ku jirey is-afgaradkii MoU ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in ay khalad ahayd in Soomaaliya wax ka ogolaato qoraal ay ku xusan tahay muran badeed la geliyey badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo 15-ka Oktoobar Tagaya Baariis ka dib markii uu Casumaad ka heley Shirkadda TOTAL

$
0
0

Qamar Haashim “Dacwada Badda ee ay Dowlada Gudbisey waa Dacwad lagu Maaweelinayo Dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed”

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh uu 15-ka Oktoobar ee soo socota uu gaaro Dalka Faransiis ka dib markii uu Casuumaad ka heley Shirkadda TOTAL sida ay noo sheegtey Qamar ShariifHaashim oo inta badan la socota Siyaasada Soomaaliya iyo mida Dibada

Qamar oo aan wax ka weydiiney Sababaha uu Madaxweynaha uu u tagayo Magaalada Baariis ayaa waxay sheegtey in uu kulan la qaadan Doono Madaxda Faransiiska oo ay isla soo qaadi doonaan wax loogu yeerey la dagaalanka argagixisada, Taageeridaa Ciidamada Soomaaliya, Diyaarinta Doorashooyinka 2016-ka , Dhismaha Maamulada Gubolada iyo Dhameystirka Dastuurka sidoo kale waxaa uu Madaxweynha uu la Kulmi doonaa Madaxda Shirkadda TOTAL ooo hore Dowlada ugu Saxiidey in ay Shidaal ka baarto Gobolada Jubbooyinka

Mar aan waxa ka weydiiyey Dacwada ay Dowlada Federaalka ay u Gudbisey Maxkamada Caalamiga waxay Qamar Haashim ku Jawaabtey “ Markii Horeba Dowlada Federaalka iyadu Dacwadu ma Gudbin ee waa mid kor looga keeney marka waxaan ku Tilmaami karaa Dacwadaas Maaweelo waayo Dowladeenna waa Dowlad aan haysan Dhaqaale ay ku Bixiso Qarneeno Difaaca Dacwadda , halka Kenya ay haysato Dhaqaale ku Filan oo ay siiso Qareenno isugu jira Dibadda iyo Gudaha”

Ugu Dambeyntii Qamar waxay Bulshada Qaybaha kala duwan u soo jeedisey in ay u istaagaan sidii loo Difaaci lahaa Badda Soomaaliya oo ay Dooneyso in Kenya ay qaado iyadoo ay Garab ka heleyso Dowlado Shisheeye oo damac weyn ugu jira Khayraadka Badda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliyaoo sheegtay inaysan ogeyn Ciidamo Turkish oo Dalka Jooga.

Guddiyada Joogtada ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay su’aalo dhowr ah weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed.Su’aalaha ay Guddiyadu weydiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa waxa uu ka ogyahay Ciidamo ay leeyihiin Dalka Turkiga oo xiligan ku sugan Dekadda Caalamiga ee Magaalada Muqdisho. Cabdweli oo su’aashaas ka jawaabayay ayaana sheegay inuusan ogeyn ama arag wax Ciidan Turkisha ah oo jooga Dekadda isagoona xusay in sidoo kale wax warbixin ah oo arrintaa ku saabsan aan loo soo gudbinin. “Wan maqlayay Warbixin r uu bixinayay Taliyaha Saldhigga Boliiska Dekadda kaasoo u sheegayay Maamulka Shirkaddaas in Ciidankoodu ku filan yihiin sugidda ammaanka Dekadda iyo Shaqaalah Turkishka ah”ayuu Ra’iisul Wasaaraha jawaabtiisa sii raacsaday isagoona ku celiyay mar kale inuusan ogeyn Ciidamo Turkisha ah oo sugaya ammaanka Shaqaalaha Shirkadda Turkiga.

Maamulka Puntlandoo ka jawaab celisey Hadalkii Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Iyadoom aalinimadii shalay Magaalada Gaalkacyo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hoggaamiyaha Gal Mudug Cabdi Qaybdiid isla markaana uu sheegay in Xayiraaddii ay ka qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Maamulka Puntland dhankooda.Cabdiweli Xirsi Indha-Guran oo Maamulka Puntland u qaabilsan dhinaca warfaafinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada ereyba uu ka maqlay Cabdi-qaybdiid labadaas Erey oo ahaa Garoon baa la Xiray iyo waa la fasaxay.Mas’uulkan ayaa sheegay inaysan jirin wax xayirnaa iyo shaqo joogsatay isagoona tilmaamay in hawlihii Garoonkaas ay si caadi ah u soconayeen cid laga xayiray iyo Diyaarad safarkeeda u baajisayna aysan jirin. Mas’uulka Punland ayaa soo dhaweeyay Maamul ay samaystaan Goboladaas wax dood ahna aysan ka qabin in halkaas laga dhiso Maamul Gobolada Dhaxe ay leeyihiin dhankoodana ay taageerayaan.

Barkac xooggan oo ka bilowdey Degaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wararka naga soogaaraya degaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in si weyn dadku ayuga barakacayaan Degaankaas ka gadaal markii Biyo la’aan xooggan ay soo food saartay.Guddoomiyaha Degaankaas Maxamed Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababaha ay dadku haatan uga hayaamayaan in ay tahay Abaaro iyo Biyo la’aanoo halkaa ka jirta iyadoo xoolihiina ay bilaabeen in ay Harraad u dhintaan. Guddoomiyaha Degaanka Maxaas ayaa intaa kud aray in Dadka ka barakacay degaankaas ay raadsadeen meelo Biyo leh halka qaarkoodna ay ku dhawaadeen Wabiga Shabeelle oo mara qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.Culeyska Abaaraha jira dartooda ayuu sheegay Guddoomiye Xalane ayaa sheegay in maamulkoodu uusan hayn awood uu kaga hor tago abaartaas baaxadda leh isagoona baaq u diray Hay’adaha Sama Falka in Gurmad deg deg ah loo oo fidiyo.

Ammaanka Degmada Wadajir oo maalmihii u dambeeyay soo Xumaanaya ka dib markii

Degmada Wadajir oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaadooda ugu ammaanka fiican ayaa maalmahan dambe waxaa ku soo badanayay falal amnidarra ah.Falalkaas amnidarada ayaa waxaa ka mid ah Dilal, Isbaaro iyo Dhac laga gaysto qaybo ka mid ah degmadaas.Laba habeen ka hor ayaa ruux rayid ah lagu dilay qaybo ka mid ah Degmadaas iyadoo dhac loo gaystay qaar ka mid ah Ganacsato Suuqa weyn ee Wadajir ganacsi ku haystay halka qaybo ka mid ahina Habeenkii la soo dhigto Isbaarooyin dadka xiliga habeenkii soconaya looga qaato . Si kastaba Maamulka Degmada ayaan ka hadlin falalkan ka soo cusboonaday Degmada Wadajir in kastoo hore ay u ballan qaadeen in wax badan ay ka qabanayaan ammaanka degmadaas isla markaana ay joojinayaan Kooxha Hubaysan ee sida macnadarada ah u dhex jooga Suuqyada iyo waddooyinka degmada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu Qaabilsan Dhalinyarada oo Booqday Soomaaliya

$
0
0

Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

Muqdisho, 1 October 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhalinyarada Mudane Ahmed Alhendawi ayaa booqasho laba maalmood ah ku bixiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu madaxda Soomaaliya ugala xaajoodo kaalinta dhalinyarada Soomalaiyeed ee hindisayaasha dhismaha nabadda iyo dowladnimada ee Soomaaliya iyo weliba siyaabaha Qaramada Midoobey ay ku caawin karto qorshayaasha Dawladda Soomalaiya ee ku aaddan dhinaca dhalinyarada. Booqashadan labada maalmood ah ayaa ergeygu kulamo kula qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Wasiirka Tacliinta Sare Hidaha iyo Dhaqanka iyo Wasiirka Caafimaadka. Sidoo kale waxa uu la kulmay wakiillo ka socday kooxaha dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.sawir2

Wadaxaajoodkii u dhexeeyey labada dhinac ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa xudduntiisu ahayd samaynta Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo la doonayo inay wax ka qabato dhinacyada waxbarashada, shaqa-la’aanta, caafimaadka iyo ka-qaybgalka siyaasadda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali ayaa yiri: “Siyaasaddan dhalinyaradu waxay diiradda saaraysaa awood-siinta dhalinyarada Soomaaliyeed waxana ay u oggolaanaysaa inay ka qaybgalaan dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada dalka. Si isbeddel loogu sameeyo Soomaaliya, dhalinyaradeenu waa inay noqdaan udub-dhexaadka xasiloonida, isbeddelka bulshada iyo horukaca dhaqaalaha.Ka-qaybgalkooda dib-u-dhiska Soomaaliya waxa uu noqon doonaa mid muhiim ah waxana siyaasaddan ay fududeyneysaa inay kaalin weyn ku yeeshaan hannaanka go’aan-gaarista ee dalka. Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an iney dhalinyarada siiso xirfadihii loo baahnaa iyadoo u maraysa waxbarasho tayo leh iyo tababaro xirfadooda kor loogu qaadayo”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhalinyarada Mudane Ahmed Alhendawi oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Waxaan halkaan u imi maxaa yeelay waxaan rumeysnahay in hantida ugu badan ee uu dalkani leeyahay ay tahay dhalinyarada. Waxaan ogahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhibaato ka soo gaadhay khilaafkii uu dalku soo maray. Waxaa la joogaa xilligii la siin lahaa cod”.sawiir

Booqashadan ayaa xaqiijinaysa ka- go’naanshaha Qaramada midoobey ee taageeridda barnaamijyada ay Xukuumadda Soomaaliya ku gacan siineyso dhalinyaradeeda sida uu sheegay Ahmed Alhendawi.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo soo shaac baxay

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan Qirey in uu jiro Khilaaf Dhinaca aragtida oo u dhaxeeyo isaga iyo Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed.

Sidoo kale Raiisul Wasaaraha ayaa isagana Dhinaciisa qirey in uu jiro Khilaaf Dhinaca Fikirka ama kala duwanaanshaha aragtida , waxayna labadoodu sheegeen in kala duwanaanshahaasi uusan Caqabad ku noqon doonin hanaanka Siyaasadeeda ee Dowladda Federaalka .

Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa sheegey in Khilaafkaas uu sababi karo in mid ka mid ah uu ka baxo Masraxa Siyaasada iyagoo soo qaatey Khilaafyadii hore ee ragaadiyey Dowladihii ku meel gaar ka ahaa kuwaa oo markii horeba ka dhashey kala aragti duwanaansho dhinaca Fikirka ,

image

sidoo kale Siyaasiyiintaas ayaa Sheegey in Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ay isku Khilaafeen Xil ka qaadistii Agaasimihii Nabad Sugida, Shirka Dib u heshiisiinta Kismaayo iyo Shirkadda lagu wareejiyey Dekeda Magaalada Muqdisho waxayna siyaasiyiintaas sheegeen in Khilaafkaasi uu keeni karo in mid ka mid ah uu baneeyo Xilka uu hayo waxaana haatan socdo kala Xodxodashada Xildhibaanada Baarlamaanka .

Wararka kale ee soomaaliya hoos ka akhri

Dagaal Culus oo ka dhacay Degaanka Wabxo ee Gobolka Gal Gaduud.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka dagaal uu ka qarxay degaanka Wabxo ee Gobolka Gal Gaduud.Dagaalka ayaa sida ay wararku nagu soo gaarayaan Dagaalka waxaa soo qaaday Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Suuleey Cali Gobeey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dawladda oo hoggaaminaysa Dagaal oo Saxaafadda la hadlay mar ay ku sugnaayeen duleedka Degaankaas ayaa sheegay in Dagaal aan sidaa u cusleyn ay xarakada Shabaab kula galeen Duleedka deegaankaas taasoo ugu dambayntiina ay Shabaabkii halkaas isaga baxeen. Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Shabaabku ay soo dagaal galinayaan dadka degaanka hase yeeshee ay Ciidamadu si taxadar badan u ilaalinayaan in shacabku wax yeelo soo gaadho.

Faahfaahin Dheeraad ah oo laga helayo Dagaalkii Deefoow ee Gobolka Hiiraan.

Iyadoo Xalay iyo saakaba Dagaal u dhaxeeyay laba Maliishiyo Beeleedyo uu ka dhacay Degaanka Deefoow ayaa waxaa soo baxaya warar hor u dhac oo ka waramaya Khasaaraha uu dagaalkaasi sababay. Maxamed Macalim Guddoomiyaha Degmada Beled-weyne ayaa sheegay in dagaalkii halkaa ka bilowdey Xalay saqdii dhaxe illaa iyo iminka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah halka dhaawucuna uu gaarayo illaa Afar qof. Dhaawaca ayaa uu sheegay l Guddoomiyaha in la soo gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Beled-weyne halkaasoo iminka lagu dabiibayo.Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaawaca afarta ah mid ka mid ahi uu dhaawiciisu aad u daran yahay isla markaana dhaqaatiirtu ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen. Dagaalka ayuu sheegay Guddoomiyaha Beled-weyne inuusan ahayn waa siduu hadalka u dhigaye Dagaal Beeleed hase yeeshee uu yahay mid dhul la isku haysto arrintaasna aan xal laga gaari Karin illaa laga hedlo Xukun Caadil ah oo labadaas dhinac lagu kala saaro.

.

Qarax Maanta Kismaayo lagula eegtay Gaari uu watay Sarkaal ka Tirsan Nabad-sugidda Maamulka Jubba.

Maxamed Cabdi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka ku meel gaarka Jubba oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay gaari uu watay sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Jubba oo barqanimadii maanta qarax lagula eegtay gudaha Magaalada Kismaayo. Sarkaalkan ayaa sheegay in qaraxaasi uusan gaysan haba yaraatee wax Khasaare oo dhimasho ama dhaawc ah. Muqtaar ayaa sheegay inuu isagu shakhsiyan tegay goobta uu qaraxu ka dhacay wax dhibaata ahina uusan ku soo arag isagoona beeniyay in qaraxaas wayeeloka soo gaartay Saraaklkii qaraxa lala eegtay.Qaraxu ayuu ku sheegay inuu ahaa Nooca Miinada dhulka lagu aaso arrintaas oo uu sheegay in Ciidamada ammaanku u soo qab qabteen dad lagu tuhmayo in ay aka dambeeyeen haatana baaritaano lagu hayo. Wararkii u horeeyay ee qaraxaas naga soo gaaray ayaa sheegayay in Sarkaalkii watay gaarigaasi uu ku dhaawacmay qaraxaas sidoo kalena qof rayid ahaa oo halkaa ka dhawaana uu ku dhaawacmay halka qayb ka mid ah Gaariguna uu bur bur xooggan soo gaaray.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

BAAQA 1aad: Soo-rogaal-celinta Soomaliyeed | Dr. Cumar Cusmaan Raabe

$
0
0

XULASHADA JIMCADA: Qoraalkan waa dardaaran uu ka tegey Dr. Cumar Cusmaan Raabeh Allah ha u naxariistee, waxana SomaliTalk hore u daabacday May 7, 2011.

Waa kan qoraalkii…

Soomaaliyey!…

I.         Haddii Qaranka Soomaliyeed la waayo Qayb haraysaa ma jirto wixii “shanta Soomaliyeed” la oran jiray”.

Haddi qaranka Soomaliyeed la waayo qolla haraysa ma jirto.

Haddii Qaranka Soomaaliyeed la waayo qoys harayaa ma jiro.

Haddii qaranka Soomaliyeed la waayo qof Soomaliyeed oo haraya ma jiro…

Idiinkuba ma aragtaan, Soomaliyey, lug sii socota oo la leeyahay “jirkii dhintay ee la aasay bay ka nooshahay”!!!?? … amase laan wayn oo cagaar ah oo la leeyahay “geedkii la gooyey ee la gubay bay ka nooshahay, ka roontahay, ka madaxbannaan tahay”!?!?…

Waa wax aan maangal ahayn, aan la garawsan karin, dad intii waalan iyo  wax sabi ah uun loo sawiri karo…

2. a)  Qabaailku waa laamaha geedka qaranka.  Innbaa laga dhaadhiciyey, cadawgu dhacsiiyey:

In laanta qabiilkoodu ay sii jiri doonto haddii geedka laftiisaba la jaro, oo xididka loo saaro, oo ay ka maarmi doonto, kana raysan doonto!!…

b)    Gobolku wuxuu ka mid yahay, ku yaallaa qaybna ka yahay dalka Soomaaliyeed oo ah jidhka, oogada Qaranka Soomaaliyeed.

Qarankuna waa sidii qof xubno iyo waxo leh, caqli iyo aqoon leh, xusuus iyo xikmad leh, taariikh iyo mustaqbal leh, himilo iyo dareen, naf iyo iraado intaba leh.

Qaar baa u haysta haddii “qof-qarameed”-ka ba qudhu ka baxdo, oo uu dhinto, in “gacanta” amase “lugta” ay sheeganayaan ay u harayso oo ay haysanayaan; garaaddarradaas buurta leegina ay barbar marto.

Hase yeeshe, haddaan isha oo kale tusale u soo qaadanno: Ishu wax ma arkooto, waxna iskama aragto gudaheeda: waxay il u tahay, il ka tahay, il ku tahay, waxna ku aragtaa jirka nool ee ay ku taallo, ka mid tahay, hawl gaar ah oo loo abuurayna ay u hayso, hawshaas awgeedna ayey ku nooshahay.

Hadday isa soo tuurto, oo ay bannaanka isa soo dhigto nolol, qurux iyo nuur midna yeelan mayso. Bakhti iyo baaba’ uunbaa u dambeeya…

3) Isu-tagga xubnaha iyo wada-shaqayntooda bay ku jiraan nolosha guud iyo wanaagga jirku. Sido kalena marba marka, guud ahaan, jirku uu sii fiicnaado bay gidigood iyo gaar ahaan mid walba ay sii doogsadaan.

Wada shaqaynta xubin walbi ay la shaqaynayso xubnaha kale oo dhan, kuna midaysan yihiin kulligood ujeedada guud ee ah in jirka, gebi ahaantiis (tin & cirib), uu ku noolaado caafimaad, nabadgelyo iyo barwaaqo lagu waaro, ayuu ku jiraa wanaagga jirka ee kama danbaynta ah iyo ka xubnaha oo dhan, iyo mid kasta oo ka mid ah gaar ahaanteed.

Hadduu wanaagsan yahay way la qabaan. Haddii xubin wax gaaraan wuu ka xanuunsanayaa oo xubnaha kale oo dhan baa daafacaya. Dhimashadiisuna waa kala-baxooda iyo baaba’ooda…

Sidaas awgeed, kuwa dadka ugu baaqaya in la kala diro qaybaha iyo waaxyaha dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed waa saddex nooc midkood:

a)     Maskax-digaagle caami ah oo waxa socda aan waxba ka ogayn, wuxuu yaqannana uu ku kooban yahay magac qabiil oo kiisa ah…

b)    Mujrim kas iyo maan dadka u khaldaya oo nolosha iyo sharafta Ummadda dhaafsanaya dana yaar oo gaar ah.

c)     Dameer calooshii u shaqayste ah oo nolomalmeed ugu adeega cadawga, oo u rarto.

Kuwaas oo mudan ciqaab kama-danbayn ah, maxaa wacay waa dhagar-qabayaal qaran!…

II     Soomaliya haddii la waayo qaranka soomaliyeed waa la waayayaa.

  1. 1. Dawladda Soomaaliyeed (Somali State) ma dhalin oo qura labadii isu biiray (Biritish  & Italian  Somalilands), waxaa dhaliyey Soomali oo dhan.
  2. 2. Dawladda Soomaliyeed uma dhalan oo qura labadii is-raacday, balse waxay u dhalatay Soomali oo dhan.
  3. 3. Dawladda Soomaliyeed ma daafacayn labadii isutegay oo qura, waxase daafacayey Soomali oo dhan.
  4. Dawladda Soomaaliyeed uma dagaalamayn oo qura labdii  isu biiray, balse waxay dafacaysay Soomali oo dhan; Sidii ay “Saddexda maqan” ugu dagallamaysayna  way ku burburtay oo iyadii baa uubtii (hadhaan dheer)  ku dhacday.
  5. Dalka Soomaliyeed

Dawladda Soomaaliyeed

Jamhuuriyadda Soomaliyeed

Xukuumadda Soomaliyeed

Waa afar dabaqadood oo is dulsaaran (pyramid), isuxiran oo wada socda, oo cadawgu go’aan ku gaaray inuu kala diro, burburiyo oo uu baabi’yo, isagoo adeegsanaya soomaali inta ugu liidata.

Dareenka iyo dawladnimada qaran waxay u dhigmaan nafta iyo nolosha Qaranka soomaaliyeed.

III .   Soo-rogaal-celinta soomaaliyeed:

  1. 1. waxa yeeray, Soomaliyey, galawgii soo-rogaal-celinta. Allamahaddiis, isbedel  iyo duruufo innoo fiican baa yimid!…

Heer qaran iyo mandiqadeed…

Addunka Caqrabta iyo Caalamka

  1. Soomaalina haatan way u bislaatay in ay Dalkeedii-Hooyo ku soo noqoto iyo dawladnimo fiican: laabatan sano iyo in ka badan oo baaba’ iyo balanbal ah ayaa wax baray…

Waxayna Allaah ka barayeysa, oo ay indha indhaynaysaa kuwii horkici lahaa ee soo hoyin lahaa…

  1. Waxaana dalku ku bixi karaa Soomali is-uruursatay oo astaamaha soo socda leh: in

(1) Allahood Allaah yahay oo aan “oday-caabud” ahayn.

(2) Barii’un ka ah qaybaha qabyaaladeed, daleed (“Burbur iyo Balaayo land”), kooxeed, diineed iyo wax kasta oo Soomaali lagu kala sooco oo laysaga horkeeno…

(3) Naf iyo maal ba u hura samatabaxa Qaranka iyo Dawladdnimada Soomaaliyeed.

(4) Aaminsan inay:

a)     Soomaliyi mid tahay

b)    Dalkeedu mid yahay

c)     Dawladnimadeedu mid tahay

d)    Calankeedu mid yahay

e)     Mustaqbalkeedu mid yahay

(5) Soomaali u siman tahay.

(6) U halgama ujeeddadaasi ilaa ay guul kama-dambeyn ah ama geeri ka gaaraan.

(7) Wadaniyiin ah, aad u abaabulan (well organized), indheer-garad ah.

(8) Dar-Ilaahay Soomali u badbaadiya, iyadoo ay waajib ku tahay, wax abaalgud ahna aanan ka doonayn.

(9) Arrintaasna isu dhaarsada kuna walaalooba, Allaa hortiis.

(10)        Sidaasna ugu soo celiya Ummadda Soomaaliyeed

midnimaddi iyo madaxbanaanidii, sharaftii iyo karraamadii,

oo ku jannatega.

Murti

  1. Waajibka ugu wayn ee manta saran qof kasta oo soomaliyeed meel uu jooga ba, waa badbaadada Jamhuuriyadda soomaliyeed, isagoon waxba ka hagran awood wuxuu Alla ku mannaystey!…
  2. Taasuna waa inuu bilaabo HADDA haddusan horey ugu jirin.
  3. Waddaniyiintu,meelay joogaan ba waainayheegan noqdaan!!!…


Cumar Cusmaan Raabe

(4/5/2011)

 

 

CIID MUBAARAK – Bahda SomaliTalk waxay Muslimiinta u dirayaan Hambalyada Ciidul Adxaa

$
0
0

CIID MUBAARAK – 

Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr – 

Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.

Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan ummadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan xujeyda sannadkan 1435 (2014) u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalidana Allah niyadooda  isuwanaajiyo.  Dalka Soomaaliya iyo Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadcelinaynaa dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1436 haka dhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaalida iyo dunida oo dhanba.

madinah

Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.

 

Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq

Bahda SomaliTalk.com


Golaha Immaamyada iyo Wasaaaradda Amniga oo Hambalyada u diraya Ummada Soomaaliyeed

$
0
0

Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika iyo Wasaaaradda Amniga oo Hambalyada Ciidul Adxa  u diraya Ummada Soomaaliyeed

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين نبينا محمد وعلى آله وصحبه والتابعين ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدين 

Dhamaan muslimiinta meel ay joogaanba waxaan u diraynaa tahniyada ciidul Adxa sanadka 1435/2014, ciid mubaarak, taqabalalaahu minnaa waminkun saalixal acmaal, illaahay waxaan kabaryeynaa inuu inaga aqbalo cibaada wanaagsan ee aan illaahay ugu dhawaanay maalamahaan bisha xurmada leh ee dulxijja iyo xiliyada kaleba.

Si gaar ah Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay ku ciida ciidwanaagsan, illaahayna ciido kale oo badan ha inoo soo celceliyo. Dhamaan ummadaha Muslimiinta ah iyo annaga Soomaali ahaanba, waxaan illaahay uga baryeynaynaa in ciidaha soo socda ay noqdaan kuwo dhinac kasta uga khayr badan kuwii kasii horeeyey.

c logo

Boorrin

Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika wuxuu ku boorinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Ameerika  inay bishaan iyo billaha kaleba khayrka kororsadaan, cibaadadana laban laabaan, Bari oo ciida waa maalinta ugu fadliga badan maalmaha illaahay abuuray, sidaa daraadeed waa in lagu dadaalaa waxkasta oo illaahay dhawaan shihiisa lagu gaarayo, sidoo kale maalmaha hilba warashadda. Sida ka sugan Nabiga(scw)

عن عَبْدِ اللَّهِ بْنِ قُرْطٍ عَنْ النَّبِيِّ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ- قَالَ:” إِنَّ أَعْظَمَ اْلأَيَّامِ عِنْدَ اللَّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى يَوْمُ النَّحْرِ ، ثُمَّ يَوْمُ الْقَرّ “. صحيح سنن أبي داود 

“Cabdullaahi ibnu Qurdhii, wuxuu ka wariyey inuu yiri Nabiga (scw) Maalmaha ugu wayn illaahay agtiisa waa maalinta dhuun dhowga iyo maalinta mina la joogo oo ladagayo” Sida xadiiska aan ka arkayno maalinta ciidul adxaa waa maalinwayn, dadka inta badana waxay ku mashquul sanyihiin dabaaldag laga yaabo in dadka qaar ay ku dhacaan wax yaabo aan ku banaanayn diinta ciid iyo ciid la’aanba, sidaa daraadeed waa in loo dabaal dagaa sida sharcigu inoo ogolyahay.

eid-adha

Dardaaran:

Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika waxay u dardaarmayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed inay ku dhaganaaddaan diintooda iyo caqiiqada ahlusunnah waljamaacah, kana dig doonaadaan caqiidooyinka aan saxiixa ahayn sanadahan danbena docodocaynayey ummada Soomaaliyeed.

Ummada Somaaliyeed inay ulla noqdaan masaa’ilka diinta culummada ehelka u ah, alla kacabsi,xalaal miirasho iyo aqoona ku sifoobay. Sidoo kalena illaahay ummada dhexdeeda qubuul iyo kalsooni u dhigay.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan, Maraykanka waxaan u dardaarmaynaa inay garab istaagaan Masaajida iyo xarumaha diinta ee ay ka hirgaliyeen wadammadda ay daganyihiin, sidii ay u gaarli lahaayeen ujeedadii loo aas aasay, oo ay ugu horayso inay iyaga iyo abadkooduba ku bartaan diintooda kuna  illaashadaan caqiidadooda.

Xuramaha hirgalintooda oo ah howl muhiim ah, waxaa ka culus wadidooda si ay u xaqiijiyaan ahdaaftii loo unkay, arintaasna waxaa dhacda in dadka qaar fududaystaan, waxaan xoojinaynaa in howshaas xil gaar ah la iska saaro.

Ugu danbaytii waxaan ummada Soomaaliyeed meel ay joogaanba illaahay uga baryeynaa inuu ka xifdiyo shar oo dhan, midnimana iyo is ogolaanshana dhexdooda dhigo,  una soo celiyo haybadoodii iyo karaamadoodii Diineed, akhlaaqeed, ehel ahaaneed iyo qaran ahaaneed. Markale Ciid wanaagsan.

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika

Sheikh Abdullaahi Nuur (Abul Fadli) Minneapolis, MN USA

somimaams@gmail.com

____________________________________________________
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka ahna ku Simaha Wasiirka Wasaaradda ayaa Hambalyo ku aaddan CIIDUL ADHXA udiray dhamaan caalamka ISLAAM ka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Mudane Daauud Abdikarim Sh Cumar Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka ahna ku Simaha Wasiirka Wasaaradda, ayaa Hambalyo gaar ah u diray dhamaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaliyeed,  xaasaskooda iyo Caruurtooda, Hambalyada Munaasabaddani Qiimaha badan ee CIIDA, isagoona ku amaanay doorka Ciidanka AMNIGA ay ka qaateen Sugidda Nabad gelyada Shacabka Soomaaliyeed.

“ Waxaan Ku Amanaaneynaa Hayadaha Amniga sida adag oo ay u sugeen xaaladda Amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda Muqdisho, xili aan ognahay in kooxaha cadowga umadda Soomaliyeed ay rabeen iney dhibaateeyaan Shacabka farxadda ku Ciidaya”  ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka ahna ku Simaha Wasiirka Wasaaradda mudane Daa’uud Abdikariin Sh Cumar.

Sidoo kale Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku Amaanay sida markasta ay ula shaqeeyaan Hayadaha Amniga dalka, una garab taagan yihiin marwalba, wuxuuna gaba gabadii ka codsaday iney sii laba jibaaraan Shacabka wada shaqeynta kala dhaxeysa Laamaha Amniga Dalka.

Mohamed Yusuf
myusuf.mons@gmail.com

Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo London ku geeriyoodey

$
0
0

TACSI MARXUUM DANJIRE MOHAMED OSMAN OMAR

Mogadishu, October 05, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh , Wasiiru dowlaha H.E. Buri’ Mohamed Hamza, Wasiir kuxigeen-ka H.E. Mahad Mohamed Salad,Kusimaha Xoghayaha joogtada Yusuf Ali Mohamed, agaasimayaasha guud,agaasimayaasha Waaxyaha,Safiirada,Qunsulada guud iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Ambassador Mohamed Osman Omar Ibrahim oo 04 October , 2014 ku geeriyooday Magaalada London ee Caasimadda UK oo muddooyinkan uu ku xanuunsanayay.

image

Marxuum Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii February 1968, isagoo ka mid noqday Saraakiisha hab-maamuuska , illaa iyo heer uu gaaray in loo magacaabo agaasimaha habmaamuuska.

Ambassador Abdisalam Haji Ahmed Liban oo ka mid ahaa diblomaasiyiintii ay isla soo shaqeeyeen Marxuum Maxamed Osman ayaa sheegay in marxuumku ahaa xidig ifayay oo u hilaacay diblomaasiyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya , wax weyna ka qabtay howlihii kala duwanaa ee loo kala igmaday, isagoo furay Safaaraddii Soomaaliya ee Tunisia .

Waajibaadka qaran ee uu gutay , laguna xasuusan karo marxuumka ayaa ahaa isagoo kaashanayay saraakiishii Waaxda habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda qaabka heerka sare ah ee ay u haagiyeen hab socodka Shirkii Madaxdii Ururkii Midnimada Afrika ( OAU) ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho sanadkii 1974 .

Intii u dhaxeysay 1968-1972 waxa uu noqday U qeybsanaha Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee UK iyo Xoghayaha koowaad Safaaradda Soomaaliya ee China.

Intii u dhaxeysay 1976 – 1979 waxa uu noqday Lataliyaha koowaad Safaaradaha Soomaaliya ee Iran iyo Tanzania.

1980 ayaa waxaa dib loogu magacaabay Agaasimaha hab maamuuska Wasaaradda iyo kan Qaranka , isagoo qoray buugaag badan oo la xiriira diblomaasiyadda iyo khilaafaadka dowladaha.

Intii u dhaxeysay 1982 – 1991 , waxa uu noqday Safiirka Soomaaliya ee Safaaradaha Sudan, Yugoslavia iyo India , waxa kale uu Safiir aan joogta aheyn ka kala ahaa wadamada Sri Lanka iyo Singapore.

Qaran- burburkii kadib , Intii u dhaxeysay 2000-2004 waxa uu kala shaqeeyay Madaxweynihii hore ee KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan arrimaha diblomaasiyadda iyo habmaamuuska.

Kahor howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ka soo shaqeeyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo uu ka noqday Siihaye agaasime .

Marxuumka ayaa ahaa luqad yahan ku xeel-dheeraa ku hadalka luqadaha Afsoomaaliga, Carabiga , English-ka , Talyaaniga iyo Mandarin Chinese , waxa uu fahmayay sidoo kale luqadaha Spanish-ka , Faransiiska iyo Hindi .

Marxuum Danjire Maxamed Osman Cumar oo ifka kaga tagay 5 wiil iyo 2 Gabdhood, ayaa waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1936.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.twitter.com/mofasomalia

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Abaaraha ka jira Ogaadeenya oo galaaftay dad & duunyaba.

$
0
0

Wararka aan ka helayno Ogaadeenya ayaa sheegaya in ay jiraan kulayl aad u badan oo ka jira guud ahaan Gobalada Ogaadeenya kaas oo sameeyn weyn ku yeeshay dad & duunyaba.

Dad aad u badan ayaa usoo bara kacay Magaalooyinka waa weyn ee Ogaadeenya kuwaas soo cararay oonka & gaajada ay saamaysay Abaartu ayaga oo la sheegayo in ay duunyo badan u dhinteen abaarta oo ugu daran meelaha ka fog ceelasha gaar ahaan waxa dhimanaya ayaa ugu badan xoolaha nugulka ah sida Loda Adhiga iwm.
image
Dawladda Ethiopia ayaa ayadu wax dan ah oo ay ka leeyihiin abaarahaas aan jirin wadankuna wuxuu ku jiraa cunaqabatayn laga soo bilaabo sanadkii 2005 oo laga go’doomiyay dhamaan ganacsiga ay dadku la lahaayeen gobalada dalka Soomaaliya.

Ururka ONLF ayaa bayaan ka soo saaray uu kaga hadlayo dhibaatada baahsan ee ka jirta guud ahaan Ogaadeenya isaga oo ururku ku edeeyay xukuumada Ethiopia oo ka go’doomisay dhamaan nolasha aas-aasiga ah ee ay bulshada ku nolaayeen taas oo sababtay in ay u dhintaan dad & duunyo xoolo waana ku dhaca dadka xoolo dhaqatada ah.

Sidoo kale Ururka ONLF ayaa Bulshada Caalamka oogu baaqay in Dadka tabaalaysan lala gaadho gar gaar bini Aadanimo isla markaasna xyiraada Gobalka Ogaadeenya saaraan laga qaado si loo bad baadiyo kumaankun dad ah oo dhibato noocwalba ah haysata.
Majiraan hay’ado caalami ah oo ka howl gala dalka caawiyana dhibaatada faraha badan ee ka jirta gobalka Ogaadeenya ee go’doonka ka ah guud ahaanba caalamka intiisa kale, warbaahinta caalamaka & mida lookalka ah ayaan midna laga ogaleen in ay ka howl galaan.

Dhibaatada aadka u xooga badan ee laga soo sheegayo Ogaadeenya ayaa ah kuwa marar badan soo noq-noqta waxaana dalka ka jira dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ururka ONLF & Ethiopia wuxuuna dagaalkaas ka socdaa dalka mudo aad u badan laga soo bilaabo sanadkii 1994 ilaa hadda.

Inkasta oo ay jiraan waan waan laga dhex wado Ururka ONLF & Ethiopia oo ay wado dawladda Kenya oo sanadkii 2012 lagu guulaysnin walina waxaa socda u kala dabqaadka ONLF & Ethiopia oo laga yaabo in markale miiska la soo wada fadhiisto si xal waaro loo gaadho.

Mohamed Ibrahim
Wariye Madax Banaan

Qabyaalad Federaaleedka Soomaaliya .

$
0
0

‘Hadafbaa dhismaha baarlamaan lagu hubeeyaaye,
Hadbana shacabku caynkuu yahaa, lagu hogaanshaaye”
Abdullahi S.Timacadde.

Sida ay taariikhda nabaraysa soomaaliya ama ummada soomaaliyeed waxay soo martay marxalooyinka kaladuwan oo midkastaba huwantahay nidaamkeed gaar ah. sida Xeer Dhaqameedka, midkii Guumaysiga, Dimquraadiyada (Democracy), shuuciyada (Socialism), iyo Federaalka (Federalism). Hase ahaatee dhamaan nidaamyadaas ayaa ahaa mid ummada soomaaliyeed banaanka looga soo waariday oo marnaba aysan talo iyo rabataan midna ku yeelan. Waxaana had iyo jeer laga weecinaayay rabitaankooda iyo ictiqaadkooda dhabta ah taasi oo dhaxalsiisay burbur iyo dib udhac baahsan.

Waxaa hubaal ah in ummada soomaaliyeed aysan aqoon ulahayn dhamaan nidaamyadaan kala duwan ee aan kor kusoo xusnay sidookale aqoonyahanada qaar ayaa ku dooda in xitaa Qabyaalada ay soomaalida isticmaasho aqoon durugsan ulahayn oo ay kuqaldantay. Waana mida kayntay in ummada ay ka biya diido nidaayadaas dhamaantood waxaana ladhikaraa dhamaan nidaamyadii ummada Soomaaliyeed lagusoo dhaqay ilaahada maguulaysan waxayna kunoqdeen ama ku reebeen een iyo boog aan boqsan.

Lagasoo bilaabo shirkii hogaamiya kooxeedyada soomaaliyeed loogu qabtay Embakasi Kenya, sanadkii 2004 waxaa loo sheeegay in dalka iyo dadka soomaaliyeedba lagu dhaqidoona nidaamka Federaalka ah taasi oo sii fagaysay ragaadkii rajada laga qabay in labixinkaro oo mudo sanadooyin ah loo maaro la,aa.

Had iyo jeer waxaan maqalnaa Nidaamka federalka ee maraykan (American federalism system), Nidaamka federalka (German federalism system) iyo waxii lamid ah. Lakiin waa maxay Federaal?. Sida uu qeexaaya Qaamuuska (Dictionary) Federaal waa hab ama nidaam awooda dowlinadnimo lagu baahinaayo ilaa heer gobal iyo mid dagmo, awooda iyo taladdana loo qaybiyo gobalada iyo dowlada dhexe ee dalka. Federaalka waxaa sidoo kale uu leeyahay darajooyin (stages) kaladuwan kaasi uu dalkaste nidaamkaas ku dhaqma ka qaato waxa danta ugu jirto maslaxadna u arkaan.

Inkastoo ladhihi karo federaalka faaiido iyo khaasro (Advantage & disadvantage) waa uu leeyahay, ayaa waxaa u malaysaa in ummada soomaaliyeed ay caado noqotay in shaykaste sida xun u isticmaasho tusaala ahaan Qabiilka waxay u isticmaashaa dhanka xun, internet ka oo si qaldan u isticmaasho ama Diinti bariyahan si qaldan loo adeegsado. Sikastooy ahaataba Hadii xitaa aan federaalka dhanka wanaagsan ama faaiidada leh ka eegno waxaa hubaal ah in wadamada ku dhaqma nidaamkaan sina ulamid ahayn soomaaliya hadii ay ahaan laheed Dal, Diin iyo Dad intaba. Khabiirada ku xeesha dheer soomaaliya iyo soomaalida waxay aaminsanyihiin in nidaamkaan federaalka ahi soomaalidu uyahay wax aan sina u anfaceen balse u horseedi kara dhibaata iyo burbur horleh sida hada muuqataba.

Nicmooyinka faraha badan ee ummada Soomaaliyeed ilaahay ku mannaystay ayaa waxay dhaxalsiisay xaasid iyo codow farabadan mid dhow iyo mid fog intaba waxaana had jeer codowgeeda ugaarsanaaya geed dheer iyo midgaaban u fooshanyahay sidii awoodeeda uu uwiiqi lahaa. Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad baraarugsan oo ka digtoon dabinka iyo shirqoolada uu codowgeeda umaleegaayo. Markii ay kuftay soomaaliya waxaa fursad dahabi ah ku helay cadowgeeda gaboobay sixuna u lagdooday qaniinyadana dhsb uls helay ula helay.

“Kala qayb oo xukun” waa mabda’a gumaysiga ku caana maalo, horay ayuu ugu isticmaalay soomaaliya oo uu shan qaybood ukala jaray, balse gobanimadii iyo midowgii waqooyiga iyo koonfurta ayaa gumaysiga dhab u fahamsiisay in soomaalidu is urursandoonta meel ay joogtaba, arrintaasi oo guuumaysiga iyo Cadowgaba ku noqotay wadna xanuun, waxayna maleegeen khidadooyin looga hortagaayo arintaas si ay udhicin waxayna ogaadeen waxa kalliya ee arintaasi lagu baajin kar in ayatahay kala qaybinta iyo kala dhantaalida awooda jamhuuriyada soomaaliya taasi oo hada ladhihi karo malaha waxay haleen tabti ugu fiicneed ay soomaaliya kula jarjari lahaayeen taasi oo ah “Qabyaalad federaaleeed”

Mayareen indheer garadka iyo Abwaanada soomaaliyeed ee horay u bidhaanshay damaca foosha xun ee guumaysiga iyo sida qura ee looga hortagi kara. Allaha Unaxaristee Cabudullahi Suldhaan Timacade geeraar uu tiray 1960kii waxaa uu kuyiri ‘Danteennaa laba diiddaye” waxaa uu sicad ummada somaliyeed ugu sheegay in danta soomaalimo aysan marrnaba aqbalayn laba qaybood markaasi oo kala ahaa waqooyi iyo koonfur. Sugaanyahanada iyo cuqaashi kadanbaysay waxay isla qireen laba(2), lix(6) ama sideed iyo toban (18) midna in aysan danta soomaaliyeed aqbalayn.

Awooda soomaliyeed oo kala qaybsanta ama baahda waxay fursad siinaysaa Cadowgeeda horarka oo indha kuhaya Badaha xeebta dheer iyo Birriga baaxada wayn ay barwaaqda dhexjiifta, sidokale waxay dhabar jab ku tahay geesiga difaacaya soomaalinimada. Mar uu Timacade soomaalida uga digaayay kala daad sanaanta waxaa uu yiri
“Dunidii ka habsaanay oo
Inagaa ugu dambeyna oo
Dundumaan dhaqdhaqaaqin ee
Dhamantiin dhergi weyney ee
Isu dhiibnay dugaag ee
Soomaaloo kala daadsan
Hadaynaan isu duubin
Durki mayno xadaawe
Cidna daafici mayno. ”
Akhristow adiguba aqlaa leedahaye xisaabtaan isku darso. Waxaan ognahay in layiri labo gobal iyo waxii ka badan ayaa Maamul gobaleed noqon karaan .Hadii sadax (3) gobal israaci karaan lix(6) gobal way israaci karaan, hadii lix gobal israaci karaan, toban(10) gobal way israaci karaan hadii toban gobal israaci karaana Sideed iyo toban (18) gobal way israaci karaan, marka soomaliya isma raaci waaynin waa la isu diidanyahay ee adba ogow.

Haddaba yaa isu diidan soomaaliya in ay israacdo, hortaangana hormarkeeda iyo midnimadeeda quruxda badan. Hadii aan dib kuu yara celiyo xusuusnow maahmaahdi aheed “Guduney ima aadan goyseen hadii gabalkay kugu jirin” waxa u horeeya oo eedo iyo masuuliyada xambaaraaya waa innaka soomaalida ah oo sida muuqata aad ay noogu yartahay wadaniyadda oo had iyo jeer uu guumaysiga iyo cadowgana soo dugaashada una ah hooy iyo gabaad.

Caada xumida Dadka Soomaaliyeeed ku soo korortay ayaa waxay tahay in xalka iyo midnabada ay ka goobaan cadowgeeni gaamuray oo had iyo jeer kala goynayay teena iyo baaba eena utaagnaa kana siidarane gacal iyo sokeeya ahaan loo aaminay. Malahayga todabaatan(70) sano kahor ayay aheed markii uu nooga digay arintaas abwaankii waynaa ee Allaha Unaxaristee Xaaji Adan Afqalooc waa kii lahaa.
“Shanta gobakl kuwii noo dhigaad
Gacal malayseene,
Ayagoo nakala goonaya baad
tallo ka goobteene,
Cadowgeeni gaamuray
ayaad
gabarabsanaysaane”
Inta la ogyahay soomaaliya waxaa jooga oo waqtigaan xaadir ku ah in kabadan toban (10) Dal ciidankood, sida warbaahinta soo tabisay waxaa jiro qaar badan oo cidamadaas kamid ah oo dowlada soomaaliya aysan waxba ka ogayn, wararka qaarna waxay seegayaan in dalalka ay ciidamada ka joogaan soomaaliya ay intaas kabadan yihiin kuwaas oo tacadiyo aygaysteen lasoo sheegaaya ayna ugu danbaysay kufisiga joogtada ah ay ku hayaan hablaha soomaaliyeed ee aadka u da’ada yar duruufta iyo dantana u dheertahay.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Lax kaste shilkay isdhitaa lagu qalaa” ama “Ishiisa laga arkaa ushiisha lagu garaacaa” waxkastee nagu dhacay waa wax aan isyeelnay. Waxaa hubaal ah in hadii soomaaliya sidaan kusii socota ay noqontoonta wax la yiraahdo bari ayay jiri jirtay annaga oo soo taagana la dhaxlidoona, midaasina waxay ceeb iyo danbi kunoqondoontaa Jiilkeena maanta nool oo iyaga oo soo taagan qarnigaan kow iyo labaatanaad(21st Century) qayrkood Qayriinka ku qaybsaday.

Hadaba hadii aan ogaanay in jiritaankeena ay ku jirta midnimadeena iyo isku duubnideena, federalkana yahay hoogeena iyo halaageena miyasan nala gudboonayn in aan ka gudubno gafafkiyo colaadaha, Qabyaladiyo kala qaybsanaanta, una gudubno badbaadinta baaqiga harsan iyo Samatabixinta jiilka danbe! Alaylahe haa.

Akhristow waa in aad ogaataa in aan wali fursad haysano taasi oo lahubin in ay sii jiridoonta waa in aad ogaataa in aysan jirin Soomaaliya cid umaqan oo ahayn adiga, Ogow in Sayid Muhamed Noolayn, Leegadiina (SYL) kadabatageen, Madaxweene Adan Cade, Dr. Cabdirashid iyo Jalle Siyaadna godka ugu martiyihiin. Waana adiga akhriste qofka larabo kaba hoodi in uu xirto una guntada badbaadinta iyo illalinta danta Dadka, Dalka iyo Diinta. Xusuusnow in markasta Sommaalinimadda iyo Islaamnimadda in ay noqdaan wax qalbigaan kunool loona baahanyahay in aad la godgashid.

Adam Hajji Hussein (Dhamase)
Columbus, Ohio USA
Adama411@gmail.com

DIGNIIN CAAFIMAAD : AF CASEEYUHU SUN AYUU KUYAHAY BISHIMAHAAGA

$
0
0

Qaar kamid ah waxyaabaha la isku qurxiyo ee agteenna laga jecelyahay waxay wataan maadooyin kiimiko ah oo waliba dhib gaysanaysa ..
Waxaa kamid ah haddaba waxyaabahan la isku qurxiyo af caseeyaha ama guduudsiga bishimaha, hadba qofku siduu uyaqaaNNo .. sidaa awgeed waxaan isku dayaynnaa bal inaan wax kaaga caddayno maadooyinkan si aad aqoon ugu yeelato waxa aad jidhkaaga dhigayso eed kusamaynayso..

WAXYAABAHA QARSOON EE UU KASAMAYSANYAHAY AF CASEEYUHU:

• Methylparaben

Waa mid kamid ah maadooyinka qaybta ka ah lagana sameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee ay soo saaraan shirkaduhu gaar ahaan kuwa maraykanka meesha ay midawga ree yurub ay mamnuuc katahay in loo adeegsado waxyaabaha la isku qurxiyo, markii lahelay Inuu xidhiidh kadhaxeeyo essagiyo cudurka kansarka, meesha waliba lasheegay iyyadana inuu baal kayahay shaqa joojinta muruqyada ama qumanka hormooniska jidhka (Endocrinology), ama sumaw si uun kuyimaadda uu keeno .. esagoo waliba lagala mid dhigay noocyada khatarta badan ee caalamka is qurxinta.

• Propylparaben

Waa mid kamid ah esna noocyada laga sameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo keenana gubasho jidhka ah Iyo indhaha ah. Daraasaad lasameeyay qaar kamid ah ayaa sugay in ay kudhex jirto khatar eyyana shaqa tirta qumanka hormooniska jidhka iyo waliba inuu keeno kansar ama sumaw, hasayeeshee lagala qayb dhigay kuwa ay khatartoodu dhex dhexaadka tahay markii loo eegay qaacidada macluumaadka waxyaabaha keena is qurxinta.

• Retinyl Palmitate

Wuxuu usamaysanyahay qaabka (Vitamin A) eyyadoy suura gal tahay Inuu sun kunoqdo haweenka uurlayda ah, esna waxaa lagala qayb dhigay kuwa ay khatartoodu dhex dhexaadka tahay Maadaama oon loo helin caddaymo kufilan in ay calaaqo kadhaxayso essaga iyo kansarka AMA khatarro kale.

• D&C Red
Tallaabooyin iyo tijaabooyin lagu sameeyay waxa laga sameeyo midabbada af caseeyaha (Pigments) ayaa keentay natiijo ah In laga gaabsado adeegsiga maadooyinkan illeen waxay saamayn kuyeelanaysaa habdhiska dareemayaasha jidhka (The Nervous system), oo inasiin karta digniin ah inaynu kafogaanno adeedsiga af caseeyaha.

• Tocopheryl Acetate
Kuna caanka ah ama loo yaqaano (Vitamin E) oo esna qayb ka ah inbadanoo soo saarida ama waxyaabo badan oo laga sameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo ah, oo oy kamid yihiin bishima casaysiga, waxyaabaha qabawga keeniyo karaymaha salaysan (Creams basis).
Esna waxaa lagala qayb dhigay kuwa ay khatartoodu iska dhex dhexaadka tahay waayo wuxuu keenaa CAAROOW, CUN CUN ama Rash Disease, iyo HARGANS, keenana mararka qaar sumaw.

Haddaba walaal intani waa digniin caafimaade iska ilaali mar walba wax yaabaha dhibka kuu gaysan kara ama waxaan samayn ama wanaagsanayn kugu soo kordhin kara.

​​​​​​
​​​​Waa qalinkii iyo Tarjamaadii: Mohamed Mohmud Sheikh Dahir
​​​​​​​​(Mohamed Sidiiq)

​​​​​​
​​​​Masdarkuna waa: http://www.dailymedicalinfo.com

Dagaal ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

$
0
0

Wararka aynu ka heleyno degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay salaaddii subax kaddib uu halkaa weerar ka dhacay. Weerarkanayaa la sheegaya in ay soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Shabaab kuwaasoo bar tilmaameedsanayay Fariisimada Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Magaalada dibadeeda.

Dadka degaankaoo xili sii horeeyay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka Rasaasta labada dhinac ay is weeydaarsanayeen hase yeeshee aanay cabiri Karin khasaaraha iyo qaabka uu dagaalkaasu u soconayo.

Rasaasta oo muddo kooban dhacaysey ayaa goor dambe istaagtay iyadoo gaadiidka waa weyn ee Ciidamada Amisom oo ay ka mid yihiin kuwa Qafilan ay gudaha u soo galeen magaalada in kastoo aan la sheegin wax Xabada ah oo ay gudaha magaalada ka rideen.

image

Urur Goboleedka IGAD oo ka hadlay Shirarka Maamul u samaynta Soomaalida.

Iyadoo maalintii shalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose lagu soo gaba abeeyay Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha dega gobolada Jubbooyinka isla markaana Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo uu shir kale ka furmay ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Danjiraha IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey. Danjiraha ayaa sheegay in shirarkaas ay lasocdaan gaar ahaan shirka shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo. Danjiraha ayaa sheegay in Ururkooda IGAD uu ka qayb galay furitaankii Shirkaas isla markaana ay Xukuumadda Soomaaliya Mas’uuliyiintooda ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen shirkaas oo ahaa mid dib u heshiisiin ah islamarkaana doorkii looga baahnaa ay ka ciyaareen. Danjire Afeey ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa Heshiiskii Addis-ababa furitaankiiisna uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale ayuu Danjiruhu soo hadal qaaday shirka laga furayo degmada Cadaado isagoona xusay in ay tegayaan shirkaas haddii loo baahdo kaalinkoodana ay ka qaadan doonaan isagoona xusay in dhamaan shirarkii dhacay iyo kuwa la sugayaba in Ururkoodu uu ku bixiyay Dhaqaale, Siyaasad iyo Taageera kaleba Xukuumaddana ay kala shaqeynayaan sidii Maamuladaasu ay u noqdaan kuwo mira dhala una hiorseeda Soomaaliya dhisma qaran
Maxamed cabdi Afeey ayaa ugu baaqayxukuumadda Soomaaliya in ay xal u raadiso Ereyada ah looma dhama oo uu ka soobilaabay Shirkii Carte, kii Inbigaati iyo kii Jabuuti oo dhamaantoodba uu sheegay in lagu fashiliyay xukuumadihii lagu soo dhisay Dawladihii ku meel gaarka ahaa.

Cabdi Qaybdiid oo gaaray Degmada Cadaado ee Maamulka Ximan Xeeb

Hoggaamiyaha Maamulka Gal mudug State iyo wafddi uu hoggaainayo ayaa habeenkii xalay ahaa tegay Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-Gaduud.Hoggaamiyaha Maamulka Gal Mudug State ayaa halkaa u tegay si kulamo uu ula qaato Maamulka Ximan iyo Xeeb si uu ugala hadlo dardar gelinta hawlaha Maamul Goboleedka loogu dhisayo Gobolada mudug iyo Galgaduud. Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa war baahinta u xaqiijiyay in wefdigaas uu hoggaaminayo Cabdi Xasan Cawaale in ay soo gaareen Degmada Cadaado kuwaas oo uu sheegay in ay la kulmayaan kalana hadlayaan hawlaha shirka la filayo inuu dhawaan ka furmo degmadaas.Carays Xaaji Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Hoggaamiyaha maamulka Gal Mudug uu la kulmi doono Maamulka Ximin iyo Xeeb oo iyadu dhigtay Gogasha Shirka maamul u samaynta Gobolada Gal Mudug iyo GalGaduud

Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hawl galo ka fulisey Waddooyinka soo gala Magaalada Muqdisho.

Tan iyo markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaaca ka qaadday in ay sugayso ammaanka Magaalada Muqdisho inta lagu jiro Maalmaha Faraxdda Ciidda ayaa Wasaaradda Amnigu waxa ay samaynaysey hawl galo joogta ah oo lagu sugayo ammaanka Magaalada.
Hawlgal Ciidamada Nabad-sugiddu maalintii shalay ay ka sameeyeen degaanka Ceel Cirfiid ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay tiro dhallinyara ah oo looga shakiyay inay xiriir laleeyihiin dagaalyahanada Xarakada Shabaab. Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo shalaygelinkii dambe shir jaraa’id ku qabtay Degaanka Ceel Cirfiid ayaa ka warbixiyay hawl galkaas iyo dadka lagu qabtay.

Maxamed Yuusuf Cusmaan afhayeenka ayaa sheegay in Hawl galkan uu ka mid yahay hawl galada ammaanka lagu sugayo isla markaana ay jiraan warar dadweynahu soo gaarsiiyeen Ciidamada Sirddoonka Soomaaliya kuwaasoo u sheegay in ay jiraan dhallinyaro ka timid dhinaca degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe kuwaasoo la ogaaday waa siduu hadalka u dhigaye in ay ka tirsanaayeen Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

R.W Cabdiweli “Qabashada Baraawe waa dhammaadka Nabad-diidka Al-shabaab”

$
0
0

Warsaxaafadeed xafiiska raiisul wasaaraha:

Mogadishu, 6, October 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalka Badweynta India ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Wuxuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baraawe oo ahayd goob muhiim ah oo kooxaha Al-shabaab ay kasoo maleegi jireen falalkooda gurracan.

Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka iyo Nabad-sugidda oo shir Jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa sheegay in qabashada degmada Baraawe ay tahay guul weyn, waxana ay tilmaaameen in Al-Shabaab ay u ahayd xurunta ugu weyn ee gacantooda ku jirtay.

“Ciidankeenna Geesiyaasha ah iyo AMISOM waxay saaka qabteen degmada Baraawe oo ahayd xaruntii ugu weynayd kooxda Al-shabaab, dadka reer Baraawe oo ah bulsho nabad jeceylka ku caan ah, aad ayay u soo dhoweeyeen in laga dul qaaday cabburintii ay ku hayeen Al-shabaab. Howlgalladu waa kuwa socon doona ilaa dalka oo dhan laga ciribtiro Argagixisada” ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale hambalyo u diray Ciidamadda xogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa yiri “Howlgallada millatari ee socda ujeedkoodu waa in xididdada loogu siibo Al-Shabaab sababtoo ah waxay khatar weyn ku hayaan Soomaalida ku nool aagagga ay gacanta ku hayaan, waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhalinyarada ay qaldeen Argagixisadu in 45-tii cisho ee dowladdu u qabatay weli aysan dhammaan, kuwa weli dagaalamaya ee la jooga waxaan ugu baaqayaa inay fursadaas ka faa’iidaystaan “.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay wadamada dariska ah inay feejignaan muujiyaan si aysan dalalkooda usoo gelin firxadka kooxaha Al-shabaab, wuxuna dhinaca kale tilmaamay in ay sii socon doonaan howgalladu inta laga xoreynayo goobaha ay weli ku dhibaataynayaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in la isku furi doona gobollada laga xoreeyo Al-shabaab wadooyinkooda, dhawaana la geyn doono gurmad deg-deg ah iyo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid.

Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya General Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo ka jawaabayay su’aallo ay weydiiyeen Saxaafada ayaa tilmaamay in kooxaha Al-shabaab aysan u babac dhigi karin ciidamadda xogga dalka isla markaana ay maciin bidaan inay ku dhuumaalaystaan goobaha ka baxsan magaalooyinka.

—DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: axmednuur59@gmail.com
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPm


Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Oo Ka Dooday Naqshada Dhismaha Cusub ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

$
0
0

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay
maanta oo axad ah ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen
naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka iyo dhismayaasha xarumaha
Baarlamaanka uu ku yeelan doono gobollada dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa
shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane
Mahad Cabdalla Cawad waxaana kasoo qeybgalay inta badan Gudoomiyeyaasha
guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,furitaankii shirkana ku simaha
Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari uu soo bandhigay naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka.

Dhismahan oo ay hirgelin doonto Dowladda Imaaraadka Carabta waxaa laga
dhisi doono xarunta dhismihii hore ee Baarlamaanka oo loo yaqaan Ex
Parliament kuna dhow taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho
waxaana dhismahan uu la mid yahay dhismayaasha Baarlamaannada caalamka
muuqaal ahaan iyo qeybaha uu dhismahan ka kooban yahaybo ayadoo
dhismihiisana ay dhowaan Dowladda Imaaraadku si rasmi ah u bilaabi doonto.

Dhismaha xarunta Baarlamaanka waxaa wehliya dhismayaasha xarumaha Golaha
Shacabka Federaalka Soomaaliya uu ku yeelan doono gobollada Dalka ayadoo
gobol walbana sida qorshuhu yahay uu Baarlamaanka ku yeelan doono dhismaha
guriga Baarlamaanka waxaana dhismahaasi uu ka kooban yahay laba qeybood oo
kala ah deegaanka Xildhibaanka iyo hoolka uu Xildhibaanku shacabka uu
metello kula kulmayo marka uu ku laabto deegaan cod bixiyeyaasha
doorashooyinka uu metelo.

Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulankooda waxa
ay uga hadleen weyneynta Munaasabadda maalinta calanka Soomaaliyeed oo
hada ay ku beegan tahay sanad guurrada 60aad ee kasoo wareegatay aas aaska
Calanka Jamhuuriyadda 12ka bishan October waxaana arintan loo saaray guddi
gaar ah oo uu Gudoomiye ka noqon doono Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta ee
Baarlamaanka Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi.

FG:-Sawirrada Magacoodu Yahay Dhismaha Muqdisho waa naqshada dhismaha
cusub ee Baarlamaanka oo Muqdisho laga hirgelinayo, halka sawirrada
magacoodu yahay Dhismaha Gobollada uu yahay Naqshada xarumaha Golaha
Shacabka ee laga hirgelinayo gobollada Dalka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (12)

unnamed

Sidii looga Ciiday Seattle Washigton, Sweden iyo Gaalkacayo- Al-Adxa 2014

$
0
0

Sidii looga ciiday Seattle Washington, Gaalkackayo iyo Sweden Flen Daawo oo ka bogo

 

IMG_1293Magaalada Seattle Washington ayaa si wanaagsan looga ciiday, waxaana ciida soo qaban qaabiyey Masaajidka wayn Abubakr Islamic Center of Washington. Waxaa goobta ciida oo ahayn sida sunnaha ah buux dhaafshay muslimiinta ku noo Seattle Washington, dadka ayaa aad u faraxsanaa isuguna hambalyeynay ciida Al-Adxa ee 1435. Ciida waxaa tujiyey Imamka Masaajidka Abuubakar iyo Sheikha magaalada Seattle, Sh. Axmed Nuur, halkaasna kasoo jeediyey khudbo dhinacyo badan taabanaysa, Video-ga hoose uga bogo qaabkii loo ciiday.


______________________________________

Sweden
Magaalloyin badan oo ku yaala Waddanka Sweden ayaa maanta aad looga ciiday.
Magaallada Flen ayaa kamid ah magaalooyinkaas. Muslimiinta degan magaallada iyo kuwa badan oo kayimid magaallooyinka agagaarka ah darteed ayaa salaada ciid la kala tukaday labo jeer, raga waxay tukadeen 08:00 subaxnimo, halka dummarka 09:00 tukadeen masjidka Alhuda. Masjidka oo laba door ah ayaa aad u buuxsamay labada jeerba. Dadkii halkaa isugu yimid ayaa isdhaafsaday salaamo isu hambalyeen ah.

WQ: C/Caziiz Baliile

__________________________________________________

Magaalada Gaalkacyo ee si wayn looga ciiday (Sawiro)

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa saakay laga dareemayay jawi aad u dagan kaasi oo Bulsha waynta kunool Magaaladu ay ku gudanayeen Munaasabada wayn  ee Ciidul Adxaa.

Masaajida waaweyn ee Magaalada ayaa waxaa lagu Maqlayay Takbiirta tan arooryadii hore , waxaana kamid ahaa Masaajidda Ciida lagu tukanayay Masjidka weyn ee Ramadaan  iyo Masjidka Abuu hurayra.

Wadooyinka waaweyn ee Magalada ayaa waxaad ku arkaysaa Dadwayne isku jira Rag Dumar iyo Caruur oo ku labisan Dhar aad u qurux badan oo indhaha soo jiidanaya , iyada oo ay Wajiyada Dadka ka muuqatay Farxad aad u wayne.

Masaajidka Abuu hurayra oo kamida Masaajiddii sida wayn loogu ciiday ayaa waxaa kamid ahaa Dadkii kusoo tukaday Qaar kamida Wasiirada Punt land sida Wasiirka Waxbarashada Punt land Cali Xaaji Warsame, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Muxamed Yuusuf Tigey , Duqa Degmada Gaalkacyo C/casiis Muxamed Guuled (Nugaal) iyo kuxigeenkiisa Yacquub Maxamed Cabdalle .

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11)

Waxaana dhamaan Masuuliyiintaasi ay Bulshada waynta ugu Hambalyeeyeen Munaasabada Ciidul Adxaa iyaga oo kula dardaarmay inay Amnigooda ilaa shadaan.

Masaajidka Ramadaan oo ah Masaajidka ugu wayn ee Magaalada Gaalkacyo waxaa Salaadii Ciida kadib Khudbada Ciida soo jeediyay Dr.Aadam Muxamed Cigaal waxaana uuna Dardaaramo kala duwan usoo jeediyay Bulshada qaybeheeda kala duwan Dhalinyarada , Dumarka ,iyo Odayaasha waxaana uu sheegay in laga doonayo Dadwaynaha Gaalkacyo ku nool inay Midoobaan kana hortagaan wax walba oo Horumarkooda ka hor imaanaya.

Dr.Aadam waxaa uu aad ugu booriyay Dadka inay Amaankooda ilaashadaan kana fogaadaan wax walba oo khal khal ku keeni kara Amniga

Sikastaba ha ahaatee inta badan Dadwaynaha Magaalada Gaalkacyo ayaa Maantay u dabaal dagayay Munaasabada Ciidul Adxaa iyada oo ay jireen Qaar kamida Culimada Suufiyada oo iyagu ka hor yimaaday inay Maanta Ciid tahay.

Faafin: Somalitalk

Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo soo Gabagabeysey Barnaamij Hilbo Qaybin ah oo ku Aadan Ciidul Adhxaa.

$
0
0

Hay’ada Humanitarian African Relief Organization ee Marka la soo gaabiyo la yiraah (HARO) oo inta badan ku howlan taageerida Dadka tabaaleysan, ayaa waxay soo gabagabeeyesey Barnaamij Xoolo Qaybin oo ku aadan Ciidul Adhxaa , waxayna Barnaamijkaas ka fulisey Magaalooyinka  Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan Xerooyin ay ku jiraan Dad Barakacayaal ah iyo dad naafo ah.

Intii ay ka  socotey Hilbo Qaybintaas ee Udxiyada Magaalooyinka Muqdisho iyo Bayadhabo  waxaa Dusha ka eegayey Masuuliyiin ka tirsan Hayadda HARO qaybteeda Soomaaliya.

Dadka Masaakiinta ah ee loo qaybiyey Udhxiyadaas dad aad u fara badan waxaana loo qaybiyey Xoolo u badnaa   Ari iyadoo Masuuliyiinta Hayada ee Qaybinayey Deeqdaas ay u sheegeen dadka in Deeqdaan ay soo dhibeen Walaalaha Muslimiinta ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika si Walaalhooda aan wax haysan ugu Ciidaan Xoolahaasi Hilibkooda.

Dadkii loo Qaybiyey ayaa si weyn uga Mahadceliyeen dadkii soo dhiibey Deeqdaas Udhxiyada ah ee Walaalaha Muslimiinta ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika iyagoo ugu Duceeyey in mid ka Khayr badan uu Ilaah ugu Badelo , waxay ka codsadeen Hayada HARO in ay halkaas ka sii wadaan taakuleynta Dadka Masaakiinta ee ku jira Kaamamka Barakacayaasha ee guud ahaan Soomaaliya.

Hayadda HARO ayaa Muddooyinkaan Dalka ka wadey Gargaar Ban’aadanimo oo ay gaarsiinayeen shacabka Soomaaliyeed ee ay Colaadaha iyo Abaaraha ragaadiyeen waxayna Hayada horey wax ka qaybisey guud ahaan dalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

unnamed - Copy (2) unnamed (7) - Copy unnamed (4) - Copy unnamed (2) unnamed (1)

 

Gabadhu si ay u noqoto marwo iyo hooyo maxay u baahantahay?

$
0
0
alwaqaar

Qormadaana waxaynu kusoo bandhigaynaa waxyaabaha xaqiiqa ahaan looga baahanyahay gabadha si ay marwo iyo hooyo u noqoto, waxyaabahaas oo diin ahaan iyo nolol ahaan loogu baahnayahay, waana kuwaan soo socda:

1- nin geeyaan ah (diin iyo akhlaaq leh).
2- say ninimo ugu filan
3- nolol ahaana dhaqan kara (masruuf lugu noolaado u heli kara ama usoo shaqayn kara).
4- hoy ku filan iyada iyo saygeeda u heli kara (hal qolba ha ahaadee).

Arrimahaas oo dhan labo xadiis baa sheegay (ninkii idiin yimaada ee aad ka raalli tihiin diintiisa iyo akhlaaqdiisa u guuriya), waana qodobka 1aad, (dhalinyarooy ninkii awooda ha guursado) oo kulansanaya qodobada 2aad ilaa 4aad.

Kolka intaas la helo oo gabadha loo guuriyo, lana aqalgeeyo marwo ayay noqotay, hooyana way usii dallici doontaa, idanka Alle.

Gabadha sidaas loogu guuriyey ninkeeda waxay u noqon xaas, wax ka maqan oo marwonimadeeda ka dhimana ma jiraan, wax dhalmada iyo hooyanimada u diidayana ma jiraan.

Hadhow gabadhaas iyo ilmeheeda midna lugu arki maayo wax calaamad ah oo muujinaya inaan aqal weyn lugu aroosin ama xaflad weyn loo qaban ama meher qaali ah la siin ee waxaaba dhici karta inay ka nolol fiicnaato dumarkii kharashka badan lagu guursaday, ayna ka carruur fiicnaato.

Ugu dambayn gabdheheena inay marwooyin iyo hooyooyin noqdaan ayaan la jecelnahay, nabigeenuna aakhiro gabdheheena ubadkooda ayuu ummadaha kale kula tartamayaa ee shuruuda diintu sheegtay ha ku gaabsadeen, hana noo guursadeen, anagana (ummad ahaan) wax weyn noo tari mayso gabar sariir ku seexatay ee waxaa waxtar noo noqonaya ubadka ay noo dhalayso.

FG: Qormada dambe waxaynu ku eegaynaa si wiilku u noqdo SAY IYO AABBE MAXAA LOOGA BAAHANYAHAY?.

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan shirweyanah Midnimo kow ee Garbahaarey.

$
0
0

unnamed (1)Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ka furmay magaalada Garbahaarey , iyadoo xafladdii furitaanka shirka ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan dowladda, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan, waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay gudigii shirka soo abaabulay, kuwaasoo goobta ka sheegay ujeedka shirkan in uu yahay midnimo iyo wadatashi sal ballaaran oo bulshadu isku aragto, lagana doodi doono ajende qoto dheer oo ku aadan mustaqbalka dhow iyo midka fog ee deegaannada gobollada Jubbooyinka.

Sawirada Shirka halkan ka daalaco

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Mudane Iimaan Cadow Kaarshe oo furitaanka xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay shirkani inuu yahay mid looga golleeyahay in lagu gaaro midnimo iyo isku tashi ay bulshada gobolku ka yeelato danaheeda siyaasadeed iyo mid bulsho.

Sheekh C/kariin Sheekh Ibrahim (Indhacadde) ayaa akhriyay qodobada looga hadlayo shirka inta uu socdo, wuxuuna sheegay qodobadaas ay kamid yihiin qaabka ugu haboon ee loo mari lahaa dhamesytirida iyo xoojinta maammul-Goboleed ay yeeshaan gobolada Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose.

“Shriku wuxuu noqonayaa labo weji oo isku xirnan isna xoojinaya. Wejiga kowaad ee shirka waxaa ku wada hadli dooona beel ka mid ah beelaha dega goboladda Jubba si ay u xalisato wixii madow-madow ah ee ka dhex jira. Wejiga labaad ee shirku wuxuu noqonayaa mid ay ku kulmaan kuna wadatashadaan dhamaan beelaha wada dega gobolka Gedo, Shirka waxaa looga doodi doonaa dhaqangelinta heshiiskii Addis Abeba iyo kii muqdisho iyo dhameeystirka maamulka kumeel gaar ah” ayuu yiri Sheikh C/kariin.

Sawirada Shirka halkan ka daalaco

Dr. Cabdi Shire Warsame oo kamid ah xubnaha shirka soo abaabulay ayaa ergada u gudbiyay fariin uu ka waday Col, Barre Hiiraale, wuxuuna hoosta ka xariiqay in lagama maar-maan ay tahay in la raadiyo lana fuliyo dib u heshiisiin dhab ah oo dhexmarta dhamaan beelaha dega goboladda Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo. Isla markaana la qeexo laguna heshiiyo tubta dhameystirida maamulka KMG iyo awood-qeybsiga Dowlad goboleedka kaga aadan Gobolka Gedo, sidoo kalana la helo aragrti mideysan oo ku saabsan habka soo xulidda doorashada xildhibaanadda heer deegaan ama maamul-goboleed.

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay inuu noqon doono shaqsiga ugu horeeya ee u hoggaansami doona qodobada kasoo baxa shirka, wuxuuna ergooyinka madasha ku sugan ugu baaqay in ay muujiyaan aragti fog oo ku salaysan in xal loo helo dhibaatada mudada ka taagan gobolka iyo saamiga uu gobolku ku leeyahay gobollada kale ee uu la midoobayo.

“Bulshada halkan fadhida waxaan u sheegayaa in aan noqon doono shaqiga ugu horeeya ee tanaasula haddii xal loo arko, waxaa loo baahan yahay si loo abuuro jawi horsed kara degaansho iyo dhismaha maamul loo dhanyahay oo dimoqaraadi ah in la helo awood qeybsi cadaalad ku dhisan. Si arrintaan loo xaqiijiyo waa in laga doodaa go’aannada na horyaalla” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aaden

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac iyo Xildhibaan Maxamuud Cabdi Magan oo kamid ah xubnaha golaha baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaanka ayaa soo dhaweeyay shirka, waxana ay ergooyinka ugu baaqeen inay qodobada horyaala si adag uga doodaan.

Mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare KMG ah oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin xusid mudan, isagoo intaa ku daray in shirkan bulshadu ku tashanayso yahay mid u baahan dhinacyo badan in laga fiiriyo si loo helo waxa ay dadku u baahan yihiin, isagoona baaq caalami ah u diray adduunka oo ku aadan in loo gurmado dadka dhibaataysan ee gobolka ku sugan ee saameeyeen abaaraha iyo colaaduha.

Ugu danbeyn, wajiga koowaad ee shirka ayaa inta uu socda waxaa si gaar ah looga doodi doonaan qodobo ay kamid yihiin halka ay noqonayso Caasimadda Jubba, Dastuurka KMG ah ee Jubba, awood qeybsiga iyo dhamaystirka howlaha dhiman ee maamul Jubba.

Sawirada Shirka halkan ka daalaco

W/D. Ahmed-nur Mohamed
axmednuur59@gmail.com

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live