XULASHADA JIMCADA: Qoraalkan waa dardaaran uu ka tegey Dr. Cumar Cusmaan Raabeh Allah ha u naxariistee, waxana SomaliTalk hore u daabacday May 7, 2011.
Waa kan qoraalkii…
Soomaaliyey!…
I. Haddii Qaranka Soomaliyeed la waayo Qayb haraysaa ma jirto wixii “shanta Soomaliyeed” la oran jiray”.
Haddi qaranka Soomaliyeed la waayo qolla haraysa ma jirto.
Haddii Qaranka Soomaaliyeed la waayo qoys harayaa ma jiro.
Haddii qaranka Soomaliyeed la waayo qof Soomaliyeed oo haraya ma jiro…
Idiinkuba ma aragtaan, Soomaliyey, lug sii socota oo la leeyahay “jirkii dhintay ee la aasay bay ka nooshahay”!!!?? … amase laan wayn oo cagaar ah oo la leeyahay “geedkii la gooyey ee la gubay bay ka nooshahay, ka roontahay, ka madaxbannaan tahay”!?!?…
Waa wax aan maangal ahayn, aan la garawsan karin, dad intii waalan iyo wax sabi ah uun loo sawiri karo…
2. a) Qabaailku waa laamaha geedka qaranka. Innbaa laga dhaadhiciyey, cadawgu dhacsiiyey:
In laanta qabiilkoodu ay sii jiri doonto haddii geedka laftiisaba la jaro, oo xididka loo saaro, oo ay ka maarmi doonto, kana raysan doonto!!…
b) Gobolku wuxuu ka mid yahay, ku yaallaa qaybna ka yahay dalka Soomaaliyeed oo ah jidhka, oogada Qaranka Soomaaliyeed.
Qarankuna waa sidii qof xubno iyo waxo leh, caqli iyo aqoon leh, xusuus iyo xikmad leh, taariikh iyo mustaqbal leh, himilo iyo dareen, naf iyo iraado intaba leh.
Qaar baa u haysta haddii “qof-qarameed”-ka ba qudhu ka baxdo, oo uu dhinto, in “gacanta” amase “lugta” ay sheeganayaan ay u harayso oo ay haysanayaan; garaaddarradaas buurta leegina ay barbar marto.
Hase yeeshe, haddaan isha oo kale tusale u soo qaadanno: Ishu wax ma arkooto, waxna iskama aragto gudaheeda: waxay il u tahay, il ka tahay, il ku tahay, waxna ku aragtaa jirka nool ee ay ku taallo, ka mid tahay, hawl gaar ah oo loo abuurayna ay u hayso, hawshaas awgeedna ayey ku nooshahay.
Hadday isa soo tuurto, oo ay bannaanka isa soo dhigto nolol, qurux iyo nuur midna yeelan mayso. Bakhti iyo baaba’ uunbaa u dambeeya…
3) Isu-tagga xubnaha iyo wada-shaqayntooda bay ku jiraan nolosha guud iyo wanaagga jirku. Sido kalena marba marka, guud ahaan, jirku uu sii fiicnaado bay gidigood iyo gaar ahaan mid walba ay sii doogsadaan.
Wada shaqaynta xubin walbi ay la shaqaynayso xubnaha kale oo dhan, kuna midaysan yihiin kulligood ujeedada guud ee ah in jirka, gebi ahaantiis (tin & cirib), uu ku noolaado caafimaad, nabadgelyo iyo barwaaqo lagu waaro, ayuu ku jiraa wanaagga jirka ee kama danbaynta ah iyo ka xubnaha oo dhan, iyo mid kasta oo ka mid ah gaar ahaanteed.
Hadduu wanaagsan yahay way la qabaan. Haddii xubin wax gaaraan wuu ka xanuunsanayaa oo xubnaha kale oo dhan baa daafacaya. Dhimashadiisuna waa kala-baxooda iyo baaba’ooda…
Sidaas awgeed, kuwa dadka ugu baaqaya in la kala diro qaybaha iyo waaxyaha dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed waa saddex nooc midkood:
a) Maskax-digaagle caami ah oo waxa socda aan waxba ka ogayn, wuxuu yaqannana uu ku kooban yahay magac qabiil oo kiisa ah…
b) Mujrim kas iyo maan dadka u khaldaya oo nolosha iyo sharafta Ummadda dhaafsanaya dana yaar oo gaar ah.
c) Dameer calooshii u shaqayste ah oo nolomalmeed ugu adeega cadawga, oo u rarto.
Kuwaas oo mudan ciqaab kama-danbayn ah, maxaa wacay waa dhagar-qabayaal qaran!…
II Soomaliya haddii la waayo qaranka soomaliyeed waa la waayayaa.
- 1. Dawladda Soomaaliyeed (Somali State) ma dhalin oo qura labadii isu biiray (Biritish & Italian Somalilands), waxaa dhaliyey Soomali oo dhan.
- 2. Dawladda Soomaliyeed uma dhalan oo qura labadii is-raacday, balse waxay u dhalatay Soomali oo dhan.
- 3. Dawladda Soomaliyeed ma daafacayn labadii isutegay oo qura, waxase daafacayey Soomali oo dhan.
- Dawladda Soomaaliyeed uma dagaalamayn oo qura labdii isu biiray, balse waxay dafacaysay Soomali oo dhan; Sidii ay “Saddexda maqan” ugu dagallamaysayna way ku burburtay oo iyadii baa uubtii (hadhaan dheer) ku dhacday.
- Dalka Soomaliyeed
Dawladda Soomaaliyeed
Jamhuuriyadda Soomaliyeed
Xukuumadda Soomaliyeed
Waa afar dabaqadood oo is dulsaaran (pyramid), isuxiran oo wada socda, oo cadawgu go’aan ku gaaray inuu kala diro, burburiyo oo uu baabi’yo, isagoo adeegsanaya soomaali inta ugu liidata.
Dareenka iyo dawladnimada qaran waxay u dhigmaan nafta iyo nolosha Qaranka soomaaliyeed.
III . Soo-rogaal-celinta soomaaliyeed:
- 1. waxa yeeray, Soomaliyey, galawgii soo-rogaal-celinta. Allamahaddiis, isbedel iyo duruufo innoo fiican baa yimid!…
Heer qaran iyo mandiqadeed…
Addunka Caqrabta iyo Caalamka…
- Soomaalina haatan way u bislaatay in ay Dalkeedii-Hooyo ku soo noqoto iyo dawladnimo fiican: laabatan sano iyo in ka badan oo baaba’ iyo balanbal ah ayaa wax baray…
Waxayna Allaah ka barayeysa, oo ay indha indhaynaysaa kuwii horkici lahaa ee soo hoyin lahaa…
- Waxaana dalku ku bixi karaa Soomali is-uruursatay oo astaamaha soo socda leh: in
(1) Allahood Allaah yahay oo aan “oday-caabud” ahayn.
(2) Barii’un ka ah qaybaha qabyaaladeed, daleed (“Burbur iyo Balaayo land”), kooxeed, diineed iyo wax kasta oo Soomaali lagu kala sooco oo laysaga horkeeno…
(3) Naf iyo maal ba u hura samatabaxa Qaranka iyo Dawladdnimada Soomaaliyeed.
(4) Aaminsan inay:
a) Soomaliyi mid tahay
b) Dalkeedu mid yahay
c) Dawladnimadeedu mid tahay
d) Calankeedu mid yahay
e) Mustaqbalkeedu mid yahay
(5) Soomaali u siman tahay.
(6) U halgama ujeeddadaasi ilaa ay guul kama-dambeyn ah ama geeri ka gaaraan.
(7) Wadaniyiin ah, aad u abaabulan (well organized), indheer-garad ah.
(8) Dar-Ilaahay Soomali u badbaadiya, iyadoo ay waajib ku tahay, wax abaalgud ahna aanan ka doonayn.
(9) Arrintaasna isu dhaarsada kuna walaalooba, Allaa hortiis.
(10) Sidaasna ugu soo celiya Ummadda Soomaaliyeed
midnimaddi iyo madaxbanaanidii, sharaftii iyo karraamadii,
oo ku jannatega.
Murti
- Waajibka ugu wayn ee manta saran qof kasta oo soomaliyeed meel uu jooga ba, waa badbaadada Jamhuuriyadda soomaliyeed, isagoon waxba ka hagran awood wuxuu Alla ku mannaystey!…
- Taasuna waa inuu bilaabo HADDA haddusan horey ugu jirin.
- Waddaniyiintu,meelay joogaan ba waainayheegan noqdaan!!!…
(4/5/2011)