HINDISE-SHARCIYEED
Hordhac
Qeexidda Saxaafadda
Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo bulshadda warar, macluumaad, madadaalo,
khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida: idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, farshaxanka sawirrada, joornaalada, buugaagta iyo wax kasta oo la daabaco si guudna loogu soo bandhigayo bulshadda.
Saxaafaddu waa adeeg lama huraan ah oo wax-tar weyn u leh horumarka bulshadda.
Warbaahinta run sheegga ku dhisan waa mida u adeegaysa kobcinta dimuquraadiyadda, dhowrista xuquuqda aadanaha, horumarinta dalka iyo hirgelinta mabaadi’da ku dhisan cadaaladda.