“Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.” Sidaas waxaa June 6, 2013 shaaca ka qaaday golaha wasiirada ee DFS.
Waxana go’aankaas golaha wasiiradu tibaaxay “Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed.”
Taariikhda Mr. Simon Njuguna
Sida ku cad taariikh nololeedka Simon Njuguna /ama CV-giisa ku jira bogga Qaramada Midoobay:
March 2006 waxa uu magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina kaga qayb galay kulan xog ururin ah oo ku saabsan sharciga badaha (Law of the Sea)
June 2006 waxa uu magaalada Kingston ee dalka Jamaica kaga qayb galay kulan looga arrinsanahay xeer u samaynta badaha
May 2007 waxa uu magaalada Oslo ee Norway kaga qayb galay kulan talo bixin ah oo ku saabsan juqraafiga badaha
May 2007 waxa kale oo uu magaalada Maputo ee Mozambique kaga qayb galay kulan looga hadlayey dalalka Afrika ee aan badaha lahayn
Nov ilaa Dec 2007 waxa uu sahamin (Survey) ku sameeyey badda la olloga ah Kenya