Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Madaxweyne Xasan Shiikh “Cid aan Dacwo u qabno, ama Dood u qabno iyo Cid aan Dhul ku sheeganeyno iyo Cid aan Biyo ku sheeganeyno midna ma jirto,

$
0
0


“Maalintii Shaley oo Bishu ahayd 21 Dowlada Somaaliya waxay Gudbisey Xudeedaheeda oo ah EEZ 200nm iyo Continental Shelves 350nm”

“Ciddii Dacwad noo qabta oo Caalamka ka tirsan iyagaa soo qaylin doona”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlayey soo Xirtaanka Kalfadhigii 4aad Golaha Baarlamaanka ayaa soo hadal qaadey Warqadii uu dhawaan u direy Qaramada Midoobey ee uu ku ogolaanayey in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay Wada hadal ka gasho Badda Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha u dhaxeeyaha Soomaaliya iyo Kenya isagoo Baarlamaanka Hortiisa ka Cadeeyey in Dowladu direy Qoraalkaas hase yeeshee sideey ahayd aan looga hadlin ama loo sheegin

“Waxaa Rabaa in aan Fursadaan uga faaideysto arrimaha Badda gaar haan EEZ-ka iyo Continental Shelves-ka, Biyaha Soomaaliya ee ay Xaqa u leedahay waxay ka badan yihiin Dhulka Soomaaliya, Biyaha, Khayraadka ku jira oo la garanayo iyo Xaquuqda aan ku leenahay , waa Furasad oo uu Ilaah noo siiyey in aan yeelano Khayraadka noocaas ah, Waajib aan laga leex leexan Karin iyo Dowlad kasta oo Soomaaliya ka jirta , ama jiri doonta Waajibka saaran waxa uu yahay in Biyahaas ay Xaqa u leenahay oo ah Dhaxalkeenna la ilaaliyo, laakiin Masaladu waxay tahay Caalamka sidee lagu Ilaashadaa Xaquuqda Umadahu ay leeyihiin, Xaquuqdaas waxaa lagu Ilaashada Sharuuc Umadahaasu leeyihiin iyo Sharuuc Caalaamku degsadey “ waxaa uu sii raaciyey

“Soomaaliya waxay Xubin ka tahay 165 Dal oo saxiixay Heshiiska lagu maamulo Baddaha Caalamiga ah oo hore loo saxiixay, maalin waliba Sharuucda way isbedelaan oo waa la Cusbooneysiiyaa , Isbuucii la soo dhaafey waxay Soomaaliya ay Diwaangelisey 200nm oo Biyaheenna ah oo ah Xaquuqda EEZ-ka ee aan Xaqa u leedahay Soomaaliya, Qaramada Midoobey qaybta u qaabilsan Umuurahaas ayaa ka Diwaangeliney, Hore isdiwaangelintu ma dhameystirneyn, Meelaha qaarna ma jirin oo kama dhameystirneyn, isagoo dhameysiran Guddi farsamayaqaano ah iyo Guddi Sharci yaqano ah ay ka soo shaqeyeen iyo Khuburo kale oo Ajnabi ah oo Canshuurtii dalka lagu soo kireeyey “ waxaa uu intaa ku darey

xasan2

“Maalintii Shaley oo Bishu ahayd 21 Dowlada Somaaliya waxay Gudbisey Xudeedaheeda iyo Biyaheeda Continental Shelves 350nm Biyaha Badda ah ee aan Xaqa u leenahay Xuduudeheeda iyo calaameynteeda maanta Soomaaliya waxay leedahay oo ka diwaangashan Qaramada Midoobey Web-Site kooda UNCLOS oo ah Domain Qof weliba geli kara oo ka eegi kara 200nm oo ah EEZ-keena 350nm oo ah Continental Shelves “ markii uu Madaxweynaha intaa yiri waxaa u dhacay Sacab oo sheegey in Waajibaadkii Dowlada Soomaaliya Saarnaa ay halkaas soo dhigtey, Ciddii Dacwad noo qabta oo Caalamka ka tirsan iyagaa soo qaylin doona ee inagu Cid aan dacwad u qabno ma jirto” waa uu sii Hadley oo waxaa uu yiri

“ Wixii aan Xaquuqda u lahayn ee Sharciga Caalamiga noo ogolaa iyadoo aan laab laab lahayn ayaan soo Diwaangeliney oo Qaramada Midoobey Meeshi Sharciga u ahayd baan dhigney, Cid aan Dacwo u qabno, ama Dood u qabno iyo Cid aan Dhul ku sheeganeyno iyo Ciddi aan Biyo ku sheeganeyno midna ma jirto, Ciddii Biyo nagu Dacwayneysa Xaq bay u leedahay in ay u Dacwooto Caalamka, waana la yaqaan meelaha loo dacwoodo Soomaaliyana markaas bay ka jawaabeysaa, waxaa rabaa in aan Ummada Soomaalyeed fahamsiiyo arritaas waxay ahayd Waajib Qaran waxay ahayd waajiba Caalami ah kamana meeri meeri Karin, haddaan ka meermeernana waxaan Dayaci lahayn Biyaheenna, Xilliyadii la soo dhaafey waad garaneysaan in Qashin Baddeena lagu shubo, in Kaluunkeeena si Sharcidaro ah loo Gurto iyo in Badaheena lagu soo Xadgudbo, Badeheena waxaa joogey Ciidamo caalami ah oo Burcad baddeda ka ilaaliya waxaan u sheegney in Badaehena naloo ilaaliyo maadaama aynaan lahayn awood aan ku ilaalino, Jawaabta nala siiyey waxay ahayd Soomaaliya 24 Kiilo Mitir ayaa u sharciyeysan oo Xaq u leedahay oo aan ilaalin karnaa ” waxaa uu sii raaciyey Madaxweynuhu

“ intaas wixii ka baxsan waa biyo Caalami ah haddii Soomaaliya wax ka badan intaas rabtana ha soo Sharciyeysato, Jawaabtaas iyadoo Cad bay taalaa, Marka waxaa la rabaa in laga wada shaqeeyo oo aan laga munaafaqeyn oo aan Been la sheegin, Aduunyada maanta Xili wax la qariyo waa ka soo Gudubtey, Qaraniga 21 –aad wax QarsoonI ma jirraan, wax waliba waa Cad yihiin, Waxaan Baarlamaanka Sharafta leh u sheegayaa in arrintu sidaa tahay , Soomaaliya arrinteedu waa meeshaa, Ciddii Soomaaliya dacwad u qabto, haka qabto 350-ka ama 200 iyadaa dacoon doonta, aad baanu ugu faraxsanahay in aan waajibkeennii ka soo baxnay, wixii Khariidad ah ama Map ah ee aan Gudbineyna Baarlaamnka ayaa la wadaagi doonaa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles