Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Xarunta Muqdisho ee Cilmibaarista & Diraasaadka oo qabatay dood cilmiyeed ku saabsan Tacliinta Sare ee Soomaaliya

$
0
0

8/3/2014 Xarunta Muqdisho ee diraasaadka & cilmibaarista ayaa soo qabanqaabisay Dood cilmiyeed ku saabsan Tacliinta Sare ee Soomaaliya dhibaatooyinka soo wajahaya & sida looga gudbi karo.

Dood cilmiyeedkan oo ka dhacay xarunta mu’asasada SAFAA , waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan maamullada jaamacadaha Muqdisho , aqoonyahano ku xeeldheer waxbarashada , culumaa’udiin , bareyaasha jaamacadaha & weliba ardayda.
Dood cilmiyeedka waxaa furay guddoomiyaha Xarunta cimlibaarista Muqdisho, Ustaad C/wahaab Cali Muumin oo ka warbixiyay waxqabadka xarunta & ujeedada ka dambeysa qabashada nadwadaan, wuxuuna xusay in tacliinta sare ee soomaaliya ay sameysay kobac weyn, & kororka tirade hay’adaha & jaamacaadka ku howlan tacliinta sare , wuxuuna xusay in lagama maarmaan ay tahay in la tayeeyo adeegyada waxbarasho oo ay bixiyaan jaamacadahaas,

Hadaba si loo helo fikradaha aqoonyahanka & bahda waxbrashada , ayay xaruntu qabanqaabisay nadwadaan, wuxuuna hadalka ku soo dhaweeyay aqoonyahanadii lagu casuumay in ay soo bandhigaan diraasaad ku saabsan mushkiladaha haysta tacliinta sare & hababka lagu xalin karo. Waxaana ka mid ahaa mushkiladihii aqoonyahanku soo bandhigeen ee sida weyn looga dooday , kuwo la xiriira dhanka maamulka jaamacadaha, dhanka bareyaasha , dhanka manaahijta, dhanka ardayda & weliba dhanka jawiga waxbarashada.

Aqoonyahanka diraasadaha ka soo jeediyay nadwadaan waxay kale ahayeen :-
Dr Hassan Sh C/qaadir
Ustaad Adam Shidane Guuleed
Ustaad C/laahi Maxamed Ciise
Ustaad C/naasir Xasan Axmed
Ustaad Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe

Dood & falanqeyn dheer ka dib, ayaa waxaa la isku raacay in tacliinta sare ee Soomaaliya ay haystaan dhibaatooyin badan , loona baahan yahay in loo helo xal, waxaana talooyinka ka soo baxay dood cilmiyeedkan ka mid ah:-

- In Wasaaradda Hidaha & Tacliinta sare sameyso ‘’Guddiga Tacliinta Sare’’ lana dejiyo siyaasadda tacliinta qaranka.
- In jaamacaduhu sameeyaan Goleyaal qaabilsan dhowridda & horumarinta tayada tacliinta.
- In jaamacaduhu hadafkooda ka dhigtaan soo saaridda arday ka dhisan xaga aqoonta, akhlaakhda.
- in maamulka jaamacaduhu ku dadaalaan kobcinta aqoonta & tababarka bareyaasha.
- In lagu dadaalo casriyenta manaahijta waxbarashada & horumarintooda.
- In la xoojiyo xirrirka & iskaashiga u dhaxeeya mu’asaadka ku howlan tacliinta sare.
- In laga faa’ideysto tajaaribta wadamada ku horumaray tacliinta.
- In la joogteeyo dood cilmiyeedyada la xiriiro horumarinta tacliinta Sare & tayeynteeda.

Waxaa soo tebiyey
Max’ed Max’ud
mullah40 [AT] hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles