Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta

$
0
0

iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kulan casho ah la yeeshay madaxda ganacsatada ee Isutaga Imaaraadka Carabta

Warsaxaafadeed

Abu Dhabi, March 4, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka carabta, ahna wasiirka arimaha madaxtooyada Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulankooda uga hadlay arimo muhiim ah oo ka qayb qaadanaya xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana kamid ah dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo gacan siinta adeegyada bulshada. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah arimaha amniga,dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani waxaa uu isgarab taagay Soomaaliya xiligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xoogani ka jireen dalka Soomaaliya. Waxaana ay naga taageetri doonaan xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Mudane Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageerada Soomaaliya oo xiligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

“Waxaan diyaar u nahay isgarab taaga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka isutaga imaaraadka carabta Mudane Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya
Abu Dhabi, Isutaga Imaaraadka Carabta
T: +971508214790
Email: media@opm.gov.so

Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo kulan casho ah la yeeshay madaxda ganacsatada ee Isutaga Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi, March 3.2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa galabta la kulmay madaxda ugu sareysa ganacsatada Soomaaliyeed ee Imaaraadka Carabta.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale kala qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta iyo Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Dubai, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd sidii Ra’iisul Wasaaruhu u dhegeysan lahaa talada iyo aragtida ganacsatada Soomaaliyeed.
somali23
Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay ganacsade Shariif Axmed oo ah guddoomiyaha ganacsatada Imaaraadka Carabta, wuxuuna xusay isaga oo ku hadlaya magaca ganacsatada Soomaaliyeed inuu soo dhoweynayo casuumaada cashada ah ee Ra’iisul Wasaaruhu u fidiyay, wuxuuna dhanka kale xusay in ganacsatada Imaaraadku ay yihiin ganacsato mar kastaba taageerta dawladda isla markaana ka qeyb qaata wixii taakulo ah oo dalka loo fidinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn warbixin dheer ka siiyay ganacsatada xaaladdaha dalka, wuxuuna ku dhiirageliyay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo xasillinta dalka, si ay u suurtagasho inay maalgashi ballaaran ku sameeyaan dalka, isaga oo dhanka kalena xusay in ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay yihiin rajada dalka.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad dowrkiina ka qaadataan dib u dhiska iyo xasillinta dalka, guushuna waa soo dhowdahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay inay dhiirageliso una fududeyso ganacsatada sidii ay dalka u maalgashan lahaayeen.

Kulankan oo aad u dheeraa ayaa waxay ganacsatadu su’aalo toos ah weydiiyeen ganacsatadu Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirada kale, waxayna aad u soo dhoweeyeen in kulamada noocan oo kale ah ay abuurayaan kalsooni badan oo la siiyo dawladda iyo hogaankeeda.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsatada ayaa soo gudbiyay cabasho ku aadan helida Viisaha dalka Imaaraadka Carabta iyo deganaanshaha, taasoo wal wal badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan, maadaama ay waayeen xaquuq badan oo dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo ku noolaanshaha dalkan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa u balan qaaday ganacsatada inuu u gudbin doono cabashooda madaxda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana ugu dambeyntii la dhisay guddi ka kooban dawladda iyo ganacsatada Imaaraadka, si loo sii ambaqaado wada shaqeynta labada dhinac.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM
Abu Dhabi, U.A.E
E-mail; media@opm.gov.so


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles