Waxaa Goor Dhow meel aan sidaa ugu dheereyn Xarunta Nabad Sugida ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax Ismiidaamin waxaana la sheegey in Bartilmaameedku uu ahaa Goob Maqaaxi ah oo inta badan ka Cunteeyaan Ciidamada Nabasigada waxaana Goobta Qaraxu ka dhacay lagu arkayey Uuro iyo Qiiq Madow.
Waxaa markii uu dhacay Qaraxaasi Goobta Xirey Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka sidioo kale waxaa la arkayey Gawaarida Gurmadka Deg Deg ah oo halkaa ka qaadayey Dhaawaca, waxaan Qaraxi uu yimid iyadoo weli la hadal hayo Weerarkii ka dhacay Xarunta looga Arimiyo Dowladda Federaalka ee Villa Soomaaliya .
Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa uu yimid iyadoo 48 Saac ee ugu Dambeysey Magaalada Muqdisho lagu diley Dhowr Qof oo laba ka mid ah ay ayaan Haweenka ka shaqeeya arrimaha Talaalka sidoo kale waxaa uu Qaraxaai uu yimid Xili Dowladda Federaalka ay sheegtey in ay dagaalo ku qaadeyso Goobaha ay ku sugan yihiin Xarakadda Alshabaab
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmaill.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk