Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?

$
0
0

no_eeznoHaddii Soomaaliya aqbasho EEZ waxay waayeysaa gebi ahaanba dhul-badeedka la isku haysto –
Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.

Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri: “Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka,” sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles