Bannaan bax lagu muujinayey sida shacabka Soomaaliyeed uga caraysan yihiin dilkii loo geystey Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka dhacay Garoowe
Waxaa furay daadihinayeyna shirka Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ku bilaabay hadalkiisa Mahadnaq uu usoo jeediyey Allaah kadibna geesiyaasha reer Garoowe ee ku guuleystay in iyagoo faramaran ay soo qabtaan dhagarqabihii dilay sheekha ee hubeysnaa. Sh. Wuxuu xusay in isu soo baxaan taariikhiga ah magaciisu yahay ‘Maalinkii Carada” kaasoo ka dhashay dilkii waxashnimmada ahaa ee Al-Shabab u gaysteen Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax., wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu baal cusub oo taariikheed furmay maanta.
Bannaan bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada , sida; Culimmada, Maamulka Isimmada, aqoonyahanka, Ardayda, Ganacsata iyo qaybaha kale ee bulshadda ayaa maanta ka dhacay barxada wayn ee Caasimda Puntland, Garoowe.
Baanan baxan ayaa lagu muujinayey sida looga caraysan yahay Shabaab dilkii ay u gaysteen Caalimkii Dacwada Soomaaliya aabayaasheeda ka mid ahaa, Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax, illaahay ha u naxariistee Jimcihii lasoo dhaafay, 02 /15/2013