Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub

$
0
0

saacid3Muqdisho, 24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka xafiiskiisa kulan balaaran kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Boucher, iyo wakiil ka socda Safaarada Faransiiska ee Kenya. .

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya. ayaa ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Ra’iisul Wasaare Saacid.

“Waxaa aad ugu farax sanahay inay maanta nagu soo booqdaan guryaheena wafti ka socda midowga Yurub, mana ahan markii ugu horaysay oo ay dalka yimaadaan, waxayna na tuseen sida ay ugu heelan yihiin sidii Soomaaliya wax loola qaban lahaa loona xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yuruba, waxay sidoo kale noo muujiyeen inay aad ula dhacsan yihiin siyaasada dowlada oo ah in laga dhabeeyo isbadalka ay dowladu balan qaaday kaas oo ku salaysan wada tashi.” Ayuu yiri Ra’isal Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in kulankaan calaamad u yahay sida caalamka uga go’antahay is garab taaga dowladda Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles