June 1, 2013: Dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Ganacsadihii weynaa ee reer Puntland Marxuum Xaaji Maxamed Huruuse oo shalayto ku geeriyooday magaalada Salaalah ee dalkaasi Cummaan. Geeridu waa xaq oo cid walbaa waa ay dhimanaysaa ee waxaanu leenahay haddii aynu nahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester Allha u naxariista marxuumka oo janatul ferdowsa Allaha ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkiisiina waxaan leeyahay samir iyo iimaanba Allaha ka siiyo.
↧