Oday abwaan ah oo indheer garad ah ayuu ahaa. Inantisii ayuu wiil u guuriyey. Marka hore baahi ayaa la isu qabaa, mid walbana kan kale malag ayuu u haystaa, hoosna la isuma oga. Tan kale mar haddii aroos dhoco oo la aqalgalo jannadii aakhiro in la galay oo dhib adduun intaas ku dhamaatay ayay dhalinyaradu uqabaan.
Say doonta ha ahaatee miyigii la isku guursaday ayaa muddo la isku qabay, ka dibna meeshu waa adduun, carrab iyo ilkaa isugu dhow iyaguna waa is qaniinaane waa la is qoonsaday, dhalinyarada badankeeduna ma dareensana inantaan inuu xilkeedii si buuxda ula soo wareegay oo dhib iyo dheefba ay labadoodu is huranyihiin. Wuxuu rabaa inuu wixii fiicnaan ahna ka nuugo, wixii dhib ahna reerihii usoo koriyey markiiba kula ordo.