كل عام وانت بخير
Talaado June 4, 2019: Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ramadaan ee Ciidul-Fidriga u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.
Waxaan idiinku hambalyaynaynaa cibaadada suuban, waxaana idiin rajaynaynaa nabad, barwaaqo iyo baraare. Allah cibaabada suuban dhammaanteen ha inaga aqbalo.
Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isu wanaajiyo.
Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.
Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noo soodiray hambalyada ciida barakaysan, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.
Allah sannadkan kiisa kale nabad iyo barwaaqo ha inaku gaarsiiyo, iyo nabad caam ku noqota dunida, insha Allah.
Mar labaad Hambalyada Ciida naga guddooma.
Dhamaantiin waxaanu idinleenahay Ciid Mubaarak, ilaahay haynagu daro kuwa uu u dembi dhaafo.
Kulu Caam wa-antum Bikheyr.
CIID MUBAARAK
Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-lilahill xamdu.
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد
Wabillaahi Towfiiq
Somalitalk