Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.
Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri: “Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka,” sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka eeS/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.
Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.
Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go’aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan “Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.”
Unquote
Qorshaha aay hadda wadayo Kenya.
Kenya waxaay rabtaa in dacwada loo BADALO WADA XAAJOOD MIISKA LA WADA FADHIISTO, KADDIBNA LAGU DABAKHO WARBIXINTAN AAN KOR KUSOO DHAJIYAY AYAGOO OG IN AAY WADA HAYSTAAN SHARUUDIHII LOO BAAHNAA OO DHAN.
1) BADDU WAA ISDUL SAARANTAHAY,
2) EEZ OO LA QAATAY IYO 12NM OO DHULBADEEDKA SOOMAALIYA LAGU SOO KOOBAY IYO
3) LAW NO. 37 OO HAWADA LAGU DARAY.
Halkan ka akhri kenya oo diidey dacwadda
BASHIR SHEKH MOHAMED