Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

CIID MUBAARAK – Bahda SomaliTalk waxay Muslimiinta u dirayaan Hambalyada Ciidul Adxaa

$
0
0

CIID MUBAARAK – 

Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr – 

Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.

Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan ummadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan xujeyda sannadkan 1436 (2015) u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalidana Allah niyadooda  isuwanaajiyo.  Dalka Soomaaliya iyo Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadcelinaynaa dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1437 haka dhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaalida iyo dunida oo dhanba.

madinah

Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.

 

Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq

Bahda SomaliTalk.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles