Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku tegey Muqdisho

$
0
0

War deg deg ah -Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayib Ordogan oo Goor dhow ka soo degey Garoonka Aadan Cadde.
Ordogan oo Xariga ka jarey Qayb Cusub oo lagu Kordhiyey Garoonka

Waxaa Goor Dhow Garoonka Muqdisho ka soo digey Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan oo hogaaminaya ilaa 120 Xubnod oo isugu jra Wasiiro , Xildhibaano, Ganacsato iyo Shirkado uwa oo doonaya in maalgashadan Dalka
image
Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Mdaxweynaha Dowladda Federaalka , Gudoomiyha Baarlamaanka, Raiisul Wasaaraha iyo Mada x ka tirsan Labada Gole iyo Dadweyne aaad u fara badan , waxaana halkaas laga qaadey astaanta labada Wadan ,waxayna labada Madaxweyne ay Furi doonaan Mashaariic Dhowr ah oo uu Turkiga ka hirgeliyey Magaalada Muqdisho

Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan waxaa uu Xariga ka jarey Terminal-ka Garoonka Diyaaradaha ee adan Cad , waxaana ku wehliyey Madaxweynaha Dowladda Fedealka sidoo kale waxaa uu Xariga ka jarey qaybta Rakaabka ay ka duulaan oo si casri ah loo sameeeyey

Dhanka kale Waxaa Goor Dhow Garoonka Muqisho ka soo degey Madaxweynaha Soomaaliya

Iyadoo Madaxweynha Soomaaliya Xasan Shiikh uu ka qayb galey Aaskii loo sameeyey Boqora Wadanka Sacuudiga Boqor Cabdalla ka dib markii uu muddo Xanuunsanaa ayaa waxaa Goor Dhow Garoonka Muqdisho ka soo digey Madaxweyna Xasan Shiikh oo markiiba isku diyaariyey soo dhaweynta Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan, waxaana intii uu Sacudiga Joogey uu la kulmey Boqorka Cusub Boqor Salman ibnu Cabdicasiis

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles