Marka la weeraro Dadka Madow, reer Galbeedka ama Dadka Dimoqraadiyadu Madax martey waxay yiraahdaan “Waa Midab Takoor” (Racism) Marka la weeraro Dadka Yuhuuda ah waxay dhahaan “Yuhuud Naceyb” (Anti-Semitism) marka arrimo Haween laga hadlo waxay yiraahdaan “kala Soocida Ragga iyo Dumarka” (Gender Discrimination), marka la weeraro Ragga isu taga ama isu Galmooda waxay la soo boodaan “ Waa Dulqaad la’aan” (Intolerance), marka la weeraro Wadankooda ama Wadan kale waxay yiraahdaan “Argagixiso” (Terrorism), marka Mad-hab Diimeed la weeraro waxay la soo boodaan “Waa Hadal Naceyb” (Hate Speech), laakiin marka ay weeraraan ama wax ka sheegaan Sharafta iyo Karaamada Nabigeenna Muxamed (NNKH) Waxay yiraahdaan waa “Xorriyatul Qowl” (Freedom Expression) taasoo ah mid aan noo Cuntamin oo aan ka dabaaqeyno .
Intaas markaan ka soo Gudubno, inta badan jaraa’idka Wadamada Reer Galbeedku waxay ku dhiiradeen Waqtiyadaan dambe oo ay dabacayeen sawir Gacmeedyo lagu aflagaadaynayey Nebigeena Muxamed NNKH, waxaana ugu dambeeyey Wargayskii Faransiiska ee Charlie Habdo, taasina waxay ka caraysiisay Muslimiin badan oo ku nool dunida Dacaladeeda, waxaana Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Sawir Gacmeedkii lagu af-lagaadeeyey Nebigeenna Muxamed NNKH uu ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana soo Agaasimey Maamulka, Macaliiinta iyo Ardayda Jaamacadda Soomaaliya
Banaanbaxaan ayaa Ardeyda Jaamacadda waxay Wateen Boorar ay ku Cambaareynayeen Wargeyska Charlie Habdo iyo Taageerayaashiisa, islamarkaana ay ku muujinayeen Muslinimadooda iyo sida mar waliba uga go’an tahay In ay Difaacaan Sharafta Karaamada Nabi Muxamed NNKH, Boorarka waxaa ku Qornaa Afka Faransiiska “ JE SUIS MUSLIM” oo Macnahiisu yahay (Waxaan nahay Muslim) sidaa darteed Banaanbaxaan waxaa uu ahaa mid ku dayasho Mudan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk