Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka oo iminka ku sugan Dalka Turkiga aayaa waxaa uu Kulan la qaatey Dhigiisa Wadankaa Bekir Bosdeh waxaana Kulankas la iskula soo qaadey Xiriirka u dhaxeeye Somaaliya iy Turkiga kaasoo Xoogeystey Sannadkii 2011 ka dib markii Abaaro ka dilaaceen Gobolo Ka Tirsan Dalka
Wasiirka Garsoorka oo ay Booqashadiisu ku wehliyeen xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada iyadoo Xubnhii ka socdey Dowldda Soomaaliya ay ka codsadeen in Dowlada Turkiga ay kala qayb qaataan sidii Dib u habeyn loogu sameyn lahaa hanaanka Garsoorka Soomaaliya
Wafdga uu Hogaaminayo Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Cabduqaadir ayaa inta ay joogaan Dalkaas waxay Booqan Doonaa Dhamaan Laamaha kala duwan ee Garsoorka wadanka Turkiga yagoo soo eegi doonaa qaabka ay u shaqeyaan Garsoorka Wadanka Turkiga sidoo kale inta ay joogaan Dalka Turkiga waxay Kulamo la yeelan doonaa Jaaliyada Somaaliyeed ee Wadankaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk