Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ku saabsaneyd ardey ka qalin jabisey Jaamacadda PLASMA ayaa lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacadda ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galay Madaxda Wasaaradaha Isboortiga iyoTacliinta sare, Maamulka Degmada Hodan, Hay’adaha Caalamiga, Ganacsato, Waalidiin, Maamulka, Macalimiinta iyo ardeyda Jaamacadda PLASMA, Waxgarad iyo xubno ka socotay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Xaflada oo aheyd mid aad u balaaran ayaa waxaa ku qalin jebinayay in ka badan 670 arday oo dhameysatay qeybaha kala duwan ee Kulliyadaha Jaamacaddaasi kuwaas oo Sannado dhowr wax ka baranayay Jaamacadda qaatayna Shahaadooyin isugu jira Bachelor Degree iyo Diploma.
Xafladaan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Ustaad Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi ) oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Plasma waxaa uu u Hambalyeeyay ardaydii ka Qalin jabisey Jamaacadda gaarteyna hadafkoodii isagoo xusay in Jaamacadda Plasma ay diyaar u tahay ka Haqabtirka Shacabka Soomaaliyeed Dhinaca waxbarashada si ay u tiigsadaan jiilasha la midka ah ee ku nool Caalamka .
intaa ka dib waxaa hadalka qaatey Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabduqaadir Cali Kulane oo Degmadiisu ay ku taalo Jaamacadda PLASMA ayaa hambalyo ka dib waxaa uu ku booriyay dhamaan ardayda Soomaaliyeed in ay wax bartaan maadaama xaaladda uu dalku ku jiro xiligan aysan ka saari Karin dhalinyaro aan wax baran.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xilka ka sii degaya Dr.Khaalid Cumar Cali oo isna khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay in loo baahan yahay kordhinta Xarumaha Waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacadaha si loo helo dad tayo leh .
Wasiirka Tacliinta sare mudane Ducaale Aadan Maxamed oo Munaasabadda soo xiray ayaa u hambalyeeyay ardeydii qalin jabisey waxa uuna wax lagu farxo ku tilmaamay in arday tiradaan oo kale ah ay sanad weliba kasoo baxaan jaamacadaha kuyaala caasimadda dalkeena.
Jamiilo Ibraahim Cali oo ka mid ahayd ardeydii ka qalin jabisey Jaamacadda PLASMA barateyna Maamulka iyo Maareynta oo la qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegtey in ay aad ugu faraxsan tahay in ay qaadato Shahaada Koowaad ee Bachelor Degree, sidoo kale waxay sheegtey in sii wadan doonto Waxbarashadeeda ilaa ay heer sare ka gaarto.
Jamacadda PLASMA ayaa ka mid ah Jamacadaha burburkii kadib dalka ka hanaqaaday waxaana horay uga qalinjabiyey arday badan kuwaa oo hada ka dhax muuqda Hayadaha Caalamiga , Shirkadaha Ganacsiga , iyo Hayadaha Dowladda .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk