Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed oo Xustey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21 November.

$
0
0

Xaflad lagu Maamuusayey Maalinta macalinka Soomaaliyeed 21 November uuna soo qaban qaabiyey Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed STN (Somali Teachers Net-work ) ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho, waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Macalinmiin, Daladaha Waxbarashad, Hayadaha Samafalka, Bulshada Rayidka , Ardey,Ganacsato iyo qaar ka mid ah Macalimiintii hore .
macalin6
Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Shabakada Macalimiinta Soomaalliyeed Cali Shiikh Cabdi oo si weyn ugu dheeraadey taariikhda Macalinka Soomaaliyeed gaar ahaan Xiliyadii lagu guda jirey Dagaaladii Sokeeye , isagoo ku Tilmaamey in ay Muujiyeen Geesinimo iyo iyo Dadaal Dheeraad ah waxaa uu sii raaciyey

“Haddii aan nahay Dalladaha waxbarashada Soomaaliyeed waxaan sameyn doonaa Sanduuq lagu tabaracayo Macaliminta Soomaaliyeed kuwooda Xanuusan yo kuwa Da’da ah , waxaana Sanduuqs Maamuli doona Dad la soo xuley kana tirsan Dhamaan Daladaha Waxbarashada Dalka sidoo kale waxaan ka Codasaneynaa Dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed in ay iyana ka qayb qaataan Tabarucaada loo sameyna Macalimiinta Soomaaliyeed “

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Farsamada Midowga Daldaha Cali Maxamed Abiikar oo ay ka muuqtey Shacuur aad u sareysa ayaa ku dheeraadey Xaalada Macalimiinta Soomaaliyeed isagoo halkaa ka hadlaya waxaa uu yiri “ Macalimiinta Soomaaliyeed marka la yiraahdo aduunka iyaga ayaa ugu Mushaar Liita sidaa ay tahayna waxaa ka go’an in ay dadkooda wax baraan oo ay ka saaraan jahliga “

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Cabduqaadir Xuseen Maax oo ka mid ah Macalimiita Soomaaliyeed wuxuu isagana soo qaatey ragii dhidibada u aasey Waabarashada Soomaaliyeed waxaana uu si gaar ah Farta ugu fiiqey Maxamuud Axmed Cali , Macalin Jaamac wuxuuna halkaa ka tiriyey Tixo Gabey oo uu tiriyey Baashe Muuse Jaamac ( Macalin Sooyaal ) oo ku aadan sida Macalinka logu baahan yahay in aqoontiisa ugu Gudbiyo ardeyda

Sidoo kale waxaa Munaasbadaas lagu Xusayey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ka Hadley Gudoomiyaha Daladda Waxbarashada Sofpen Maxamed Xuseen Diiriye (Maxiile) oo sheegey in Macalimiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ku nool Daruufo adag loona baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay u muujiyaan Ixtiraam gaar ah sidoo kale waxaa uu sheegey in Daladiisa ay soo dhaweyneyaso sameynta Sanduuq Dhaqaale loogu ururiyo Macalimiinta Xanuunsan iyo kuwa da’da ah

Intii ay socotay Munaasbadaas waxaa ka Hadley Agaasimaha Waaxda Horumarinta Xanaanada Xoolaha Cabdi weli Cumar Yuusuf waxaa uu sheegey in Macalimiinta Soomaaliyeed weligood ay ahaayeen kuwa Bulshada Dhexdeeda ku leh Maamuus iyo qadarin, waxa uu sheegey in maanta loo baahan yahay in loo soo Celiyo Qadarintaas waayo Macalimiintu waa kuwa Bulshada ka saara Jahliga .

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Sarkaal ka socdey Hay’ada HIRDA oo sheegey in ay hayadiisu ay aad ugu faraxsan tahay in Xus gaar ah loo sameeyo Macalinka Soomaaliyeed oo uu sheegey in uu Bulshada Soomaaliyeed u Howl Muhiim ah u hayo gaar ahaan marka ay timaado Hurumarinta Bulshada waxaana uu u soo jeediyey Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in ay il gaar ha ku hayaan Macalimiinta Soomaaliyeed

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Sarkaal ka socdey Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Cabdi Qani Cali Cosoble oo u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Munaasabada lagu xusayey Maalinta Macalinka sidoo kale waxaa uu sheegey in Shirkada ay wado barnaamijyo lagu hormarinayo Waxbarashada Soomaaliyeed sidoo kale waxaa uu sheegey in Shirkada ay hore ugu guuleysatey in ay Deeq Wabarasho siiso ardeyda Kaalimaha hore ka gala waxbarashada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles