Warbixin ay qortay Jariidadda Standard ee ka soo baxda Nairobi (Axad November 9, 2014) ayaa si bareer ah waxay u qeexday in Kenya ay awooddo in dhul-badeedka ay ku haysato Soomaaliya ee ay hore muranka u gelisey ay ku qaadan karto awood dagaal, dhulbadeedkaas oo baaxad ahaan ka badan 100,000 kiilomiter oo laba-jibbaaran.
Waxaa qoraalka Jariidaddu muujiyey in dacwadda ay Soomaaliya u gudbisey Maxkaamadda Hague ay Keenya isaga difaacayso si xooggan ayadoo ayadoo adeegsanaysa qaybo kala duwan. Haddiise laga xakumo in ay awoodo dagaal iyo xoog in ay dhul-badeedkaas ku qaadato – maadaama ayey tiri jariidadu – ay Dawladda Soomaaliya tahay mid taag daran oo aan xitaa awoodi karin in ay ilaaliso xornimada dhulkeeda berriga, iskaba dhaaf badda’e.
Warbaahinta Kenya ayaa in dhaweydba wadey qoraalo la xiira badda Soomaaliyeed ee Kenya ku soo xad gudubtey in ay shacabka reer Kenya u tusaan si taas ka duwan.