Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa deeq raashin ah gaarsiisay dadka ku nool Deegaanada Alango, Kurtun, Hareeri Hoosle, Carra Cas, Shabeel Duulaa iyo Gubadhiyaa oo dhaamtood ka tirsan Gobolka Gedo
Dadka la gaarsiiyey Deeqadaan intooda badan ahaayeen dad xoola dhaqato ah, balse ay si ba’ani abaari ugu dhufatay ka dibna wax badan oo ka mid ahaa Xoolihii ay ku noolaayeen ay ka dhamaadeen , iyadoo dadkaan ay ahaayeen kuwo ay duruufi ka muuqato. Waxayna Masuuliyiinta HARO sheegeen dadkaas in badan Xoolihii way dhaafeen kuwa u hareyna ay yihiin kuwo aad u liita
Deeqda ay bixisay hay’adda HARO ayaa waxay isugu jirtay Bariis, Saliid, Bur iyo Sonkor, waxaana gacantooda ku qaybiyay howl-wadeennn ka tirsan Hayadda HARO oo iyagu booqdey Deegaanadaas
Qoysaskii deeqdaan ka faa’iideystay ayaa ug u Horeyntii u Mahaceliyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka waxayna EEBBE uga baryeen inuu wax khayr badan ugu bedelo sidoo kale waxay u Mahadceliyeen Hayada HARO oo ay sheegeen in la’aanteed aysan soo gaari lahayn Deeqdaas
Masuuliyiinta HARO oo Warbaahina la Hadley waxna ka weydiiyey Cida soo dhiibtey Deeqdaas ayaa waxay sheegeen in Deeqdaan ay soo dhibeen Jaaaliyada Soomaaliyeeed ee ku Dhaqan Dalka Mareykanka dib markii ay arkeen ama maqleen Daruufaha adag ee ay ku nool yihiin dadkaas .
Deeqdaan Gargaarka ah ayaa ku soo aadaysa xilli ay dadka ku noolaa Tuulooyinkaas ay si aad ugu baahnaayeen maadaama ay saameysey Abaaro dhawaan halkaa ka dhacay waxaana madaxda hay’adda HARO ay carrabka ku adkeeyeen inuusan gargaarkan noqon doonin kii ugu dambeeyay.ee ay geeyaan Deegaanadaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk