Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Madaxweyne Xasan iyo Kooxdiisa miyaa Gar leh mise Beesha Caalamka ayaa Jid leh!!

$
0
0

Tan iyo markii uu soo bilowday khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka waxaa isa soo tarayay hadallo kala duwan oo ka soo baxaayay shacbiga Soomaaliyeed, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo wakiilada beesha caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Khilaafka soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa cirka isku shareeray kaddib markii Ra’iisal Wasaaraha uu isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, taasi oo sababtay in Madaxweyne Xasan uu si cad uga horjeesto.

Xaalku wuxuu sii cakirmay kaddib markii ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Yurub ay war ka soo saareen khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka, isla markaana ay sheegeen in xildhibaano lacago laaluush ah lagu siinayo mooshin lagu ridayo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh.

Ma rabo inaan halkaan ka sheego qaladaadka ay galeen labada mas’uul ee iminka isku dhegan, hase yeeshee waxaan la inkiri karin in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh ay geed dheer iyo mid gaabanba u koreen sidii uu mid kastaba kan kale isaga difaaci lahaa.

Waxaa isweydiin mudan carada iyo hadallada kulul ee ka soo yeeraya Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaartay inuu warqad u qoro Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, xafiiskiisana ka soo saaro warsaxaafadeedyo muujinaya sida uu uga gubanayo ugana xun yahay howsha uu wato Ra’iisal Wasaaraha oo runtii ilaa iyo iminka aan laga heynin hadal ku saabsan khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha.

Siyaasad xumada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay i soo xusuusisay oraahdii ahayd “Habarkii dalaaqo saaran tahay odayga ayaa Alle ku diray”, taasi oo micnaheedu yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan la rafanayo sidii uu u ridi lahaa Ra’iisal Wasaarihii labaad isagoo u maraya isla wadadii uu ku riday Ra’iisal Wasaarihii ka horeeyay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon.

Arrintu si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo lacago fara badan siinaya Xildhibaanada Baarlamaanka si ay u diyaariyaan mooshin kalsoonida loogala noqonayo Ra’iisal Wasaaraha ayaan wax maslaxad ah ugu jirin danta dalka iyo dadka, waxaana muuqata inay dhaawac weyn u geysaneyso jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Haddiiba ay dhacdo in Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ay ku guuleystaan ridista xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh waxaa lumeysa kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, bacdamaa Dowladda Federaalka ay ku dhaqmeyso nidaam musuqmaasuq iyo nin jecleysi ku dhisan oo daacad ka ahayn dadka iyo dalka.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa miyaa gar leh mise hadalkii beesha caalamka ayaa jid leh!! waa su’aal jawaabteeda looga fadhiyo inay ka bixiyaan shacabka Soomaaliyeed ee u damqanaya mustaqbalka iyo horumarka dalkooda, balse jawaabtoodu aanay noqon mid ku dhisan caadifad qabiil iyo taageero aan indho lahayn.

W/Q Jabriil Maxamuud Nuur
(Jabra)
jabriil@journalist.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles