Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

$
0
0

Muqdisho, 31, Dec, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.
image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan colaadaha, iyagoo u jihaystay dhanka nabad ku wada noolaan shaha.

“Maanta goballada dalka waxaa ka socda shirar isugu jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamullada gobollada, waa nasiib darro in taas ay bar-bar socoto dagaal beeleedyo dhaawici kar kalsoonida shacabka wada dagan, waxayna abuuri kartaa xasillooni darro kusoo kororta deegaanka. Waxaan ku baaqayaa in miiska wada xaajoodka laysugu yimaado, lagana waantoobo in dagaaladaas sii socdaan, dowladduna waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo lagu xakamayn karo colaadahaas soo noq noqday” ayuu yiri Mudane Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dagaallada iyo khilaafyadu ay soo kordhinayaan oo kaliya barakac, xasilooni darro iyo maatada oo ku dhimata. “Waxaan kula talinayaa qaybaha dagaalladu ka dhexeeyaan in ay si dhaqsa ah u joojiyaan iyagoo fiirinaya qasaaraha ka dhalan kara dagaaladaas” ayuu yiri RW.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambayntii baaq u diray waxgaradka ka soo jeeda deegaanadaas in ay wadahadal ku dhameeyaan colaadda isna cafiyaan si loo helo xal iyo nabad ku wada noolaasho dhex marta dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

—DHAMAAD—

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546


60 Soomaali ah ayaa Lagu Diley Koonfur Afrika 2014 – magacyadooda halkan ka akhri…

$
0
0

K/Afrika : Imisaa la diley ? Tirada Soomaalida la dilay Iyo Dukaamaha La Boobay 2014‏, Akhriso Magacyada ….

Tirada Soomaalida ee sanadka 2014 lagu diley dalka Koonfur Afrika yaa gaaraya heerkii ugu hooseyay marka loo eego tirakoobyo lagu kalsoonyahay oo la sameeyay sanadahii tagay, dhanka kale, dhaca iyo boobka ayaa heerkoodu aad u sareeyay, iyada oo ay dhaceen gabood falo kale oo aad u fara badan.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo kaashanaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika (Somali Community Board) oo uu horkacayay Gudoomiyaha Jaaliyada Md; Caamir Sheekh ayaa sameeyay tirakoob guud oo ku saabsan Soomaalida sanadkan dhamaday lagu waxyeeleyey dalkan Konfur Afrika. Tirada guud ee sanadkan la dilay ayaa gareeysa ku dhawaad 60 muwaadin oo soomaali ah iyadoo la dhawacay in ku dhow 28 qof, kuwaasi oo dhawacyo kala duwan ay kaso gaareen rasaas, toreey iyo gubniin hasa ahaate dadka la dilay dhamantood waxa ay ku dhinteen guud ahaan dalka oo dhan,

Sido kale ku dhawaad 330 goobood oo ganacsi ah ayaa la boobey, halka kuwa kalane la dhacay waxaana k/afrika mar waliba ka dhaca gabood falada ama tacadiyada ka dhanka ah ajaanibta dalkan ganacsiyada kala duwan ku leh oo ay soomaalida ugu horeeyso waxaana boobkii ugu darna uu sanadkan ka dhacay gobolka Guateng oo ah gobol barwaaqo sooran ah oo xarumaha dowlada ay ku yaalan sida Madaxtoyada.

Ganacsato badan oo soomaali ah ayaa waxay sabab u ahaayeen in dhacdooyinkii sanadkan dhamaday lagu wax yeleeyo kadib markii muwaadhiniin Soomaali ah ay gacan qaad ku waxyeeleeyeen dad u dhashay Koonfur Afrika, taasina ay ka dhalatay carro iyo gadood horseedey in Soomaalida la waxyeeleeyo.

Sababaha kale ee dhibaatooyinka loo tiirinayo waxaa ka mid ah is dhexgal la’aan Soomaalida iyo muwaadhiniinta, isfaham xumo, aqoon la’aanta luuqadaha maxaliga ah ee wadanka looga hadlo, iyo waliba Soomaalida oo aanan helin wacyigalin ku saabsan bulshada ay ku dhexnoolyihiin ama wax loo yaqaano (Orientation) ee la mariyo Soomaalida u haajiraya wadamadda Galbeedka.

Dhanka kale waxaa jira sababo kale oo ay ka midyihiin in ganacsiga ay Soomaalida ku jirto uu yahay ganacsiga obosiibada ah ama aanan dowladda u diiwaangashanayn, deegaanada ay ka ganacsadaan oo ah goobihii lagu karantiilo jirey dadka madoow xiligii midabtakoorka halkaasi oo ay ku badanyihiin dambiyadda, islamarkaasina ku yaryihiin saldhigyadda Police-ka.

Si kastaba, arrimaha waxaa uga sii daraya Soomaalida oo marka dambiyo laga galo aanan iyagu ku samaynin wax dabogal ah iyo waliba marqaati fur ah marka maxkamadda la keeno qofkii dambiga geystey, taasina ay keento in dambiilihii la siidaayo maadaamaa aysan jirin caddayn iyo cid ku marqaati kacaysa kadibna uu geysto dambiyo kale oohor leh, waxaanse marnaba la inkiri karin ajnabi nacaybka ku dhex bulaalay bulsh weynta Koonfur Afrika balse dowlada k/afrika oo muujisay feejignaan dheer iyo ka hortagid burcada ajaanibta weerarta ayaa u muuqata inay ku guleeystay inay xadidaan dhacdooyinkii foosha xumaa ee k/afrika mar waliba ka dhaci jiray iyado xabsiyo ku yaala k/afrika ay ku jiraan kooxo burcad ah oo danbiyo culus lagu helay sida beegsiga ajaanibta gaar ahaan soomaalida kuwa oo xabsi daa’in qaarkood lagu xakumay.


Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Dadkii Soomaalida ahaa Ee Sanadka 2014 Lagu Dilay Dalka K/Afrika.

January 27-2014 waxaa magalada Pretoria lagu dilay alla ha u naxaristee ganacsade Axmed Haadi Fareey oo si weyn magaladaasi looga yiqaanay.

January 29-2014 C/qaadir Maxamed Cumar waxaa lagu dilay xaafada New Brighton oo ay daganyihiin dadka madowga ah ee k/afrika,

February -20-2014-Magalada Durabn Ee Gobolka Kwazulu-natal Ayaa Xili fiid rag burcad ah oo hubeeysay dukaankiisa ku dhax dileen muwadin soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Osmaan Faantooy kaasi oo si weyn looga yiqanaya magaladaasi waxana burcad hubeysan oo ugu gashay dukaankiisa ay ku dhufteen ilaa sadax xabadood iyago ka baxsaday goobta markii ay dilka fuliyeen mana jirta wax dhaca ah oo ay burcad dukaanka u geysteen.

February 20-2014 Burcad k/afrikan ah ayaa magalada king williams town Ee Gobolka Eastern Cape xili habeen ah Ku dilay alla ha u naxaristee marxuum lagu magacaabi Jiray Abdi Budxul oo ahaa ganacsade soomaaliyeed kaasi oo dadka degaanka si weyn u garanayeen,

April 17-2014 Alla Ha U Naxariistee Marxuum Jeelle Maxamed Jeelle Oo Burcad Koonfur Afrikaan Ah Ay Ku Dileen Duleedka Magalada Port Elizabeth Ayaa Lagu Aasay Qaburaha Muslimiinta Ee Magaladasi Ku Yaala Iyado Aaska Lo Sameeyay Boqolaal Ganacsato Soomaali Ah Ay Ka Qeyb Galeen.

April 8-2014 Tuulada Soshanguve ee dhacda duuleedka magaalada Pretoriaee dalka Koofur afrika Waxa lagu dilay mawaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xakiin Faarax ( Carabey )

May 02-2014 Kooxo burcad k/afrikan ah ayaa labo ganacsata soomaali ah ku dilay tuulada mathulo ee duleedka magalada johannesburg waxaana lagu kala magacabi jiray Shaafici xasan nuur iyo Abdirsaq abdulahi xasan iyado kooxda burcad ay ku dhax toogteen dukaan ganacsi oo ay jogeen.

Sido kale alaha u naxariistee Budul Daahir Cabdi ayey burcad hubeeysan toogteen waxaana isla goobtaas lagu dhaawacay C/raxmaan Maxamed Faarax (Cabdiyare) magaalada Durban ee gobolka kuwazulu natal ee wadanka Koonfur Afrika

May 23, 2014 -kooxo burcad ah ayaa toogtay marxuum ganacsade Salaad Xagaleey waxaana burcadda dishay ganacsade Salaad Xagaleey la sheegay inay isku dayayeen inay dhacaan dukaan uu alaab u waday marxuum oo uu lahaa ganacsade Soomaali ah, waxaana la sheegay in marxuumka uu ku dhagay mid ka mid ah Burcadda,iyadoo uu kor ka toogtay mid ka mid ah Burcadda waxaana dilka saxafada u xaqiijiyay ganacsade Mustaf Cali Muudeey oo kamid ahaa ragii goobtay gaaray dilka kadib,

May 27/2014 Afar muwaadin oo soomaali ah ayaa lagu gubay degaanka Denver ee dhaca duleedka magalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa.

Muwadinintan Soomaalida ah ee la gubay ayaa Dabka la qabadsiiyay kadib markii kooxo burcad ah ku weerareen dukaan ganacsi oo ay jogeen mawaadiniitaan

Gubniinka ayaa la sheegay in loo adeegsaday Nafto lagu daadiyay dukaanka ka hor inta aan Dabka lagu qabanin waxana amuurtan ay ka danbeeysay kadib markii muran uu so kala dhax galay milkiilaha gurga dukaanka uu ku yaala leh iyo ganacstada dukaanka laeyd taasi oo ugu danbeeyntii sababtay in dukaanka dab la qabadsiiyo xili ay muwadininta soomaalida a gudaha ku jireen.

09 June 2014 “marxuum Sharif Shukri,oo ahaa nin oday ah si weyne loo yiqaanay ayaa dad careeysan xili habeen ah si xun ugu dileen degaana Mamelodi ee duleedka caasimada pretoria isago gurmad ahaan ugu tagay ganacsato soomaali ah oo la boobayay dukaama ay lahayeen waxaana dilkiisa loo adeegsaday dhagax iyo garaacid loo geeystay kaasi oo meydkiisa xili subax ah laga helay dhul keyn ah oo degaana Mamelodi ku yaala ,waxaana islamarkiiba ka hadlay dilkaasi afhayeenka police-ka degaanka Mamelodi Col. Noxolo Kweza kaasi oo saxafada gudaha u xaqijiyay dilka sido kale waxaa dilka foosha xun si kulul ugu hadlay Huud Badru-Diin oo kamid ah raga u dooda xuquuqda jaaliyada soomaalida ee ku nool dalka k/afrika,iyado dilka foosha xun oo dad badan so xusuusiyay dil noocan oo kala ah oo sanadkii 2013 magalada port elizabeth ka dhacay oo loo geeystay Abdi Nasir Mahmoud Good oo dad,diisu aheyd 25-kaasi oo dhagax iyo baangad nafta looga qaaday,

June 23, 2014 Deegaanka Strand oo hoos tagta Magaalada Cape Town waxaa lagu dilay ganacsade soomaali ah oo caan ka ahaa magalada cape town kaasi oo lagu magacabi jiray xaamud sheikh axmed sheikh cali, oo dadiisa lagu sheegay 30 sano jir,burcada fulisay dilka wax dhac ah ma aysan u geeysan marxuumka iyagoona goobta ka baxsaday markii ay hubsadeen in uu geeriyoday marxuumkii ay gardarada ku maageen.

August 4, 2014 Tuulada Elsies ee duleedka magaalada cape town ee dalka koonfur Africa waxaa goob ganacsi ah horteeda lagu toogtay labada ganacsato soomaali ah ee kuwa oo lagu kala magacabi jiray jiray C/naasir Maxamed Tooxow iyo cabdi qani waxa ayna ka mid ahaayeen ganacsatada sida weyn looga yaqaano magaalada cape town ee dalka koonfur Africa waxaana lagu dhax toogtay gaari dhaxdiisa xili ay ku shekeysanayeen kaasi oo yaalay afaafka hore ee dukaankooda.

Qaar kamid ah ganacsatii soomaalida ah oo u gurmaday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Allaha u naxariistee C/naasir Maxamed Tooxow oo looyaqaanay c/naasir janagale iyo cabdi qani ay ka danbeeyeen rag gangistara ah oo xaafadasi si weyn looga yiqanay kuwa oo muda labo sano ka hor ay xurguf dhaxmartay taasi oo raga gangiska ah dacwo laga gudbiyay xabsi ay ku muteysteen iyago markii ay xabsiga so dhameysteen falkan dilka ah ku fuliyay soomaalidii dacweysay.

Isla Bishaas Tuulada Phillipi waxaa lagu dilay muwaadin soomaali ah iyado la dhawacay sadax kale waxaa saxafada u xaqijiyay gudoomiye ku xigeenka jaaliyada soomaalida cape town ee Save Somali Community, Cabdi Calas Guure, oo goobta gaaray waxaana uu sheegay in Wiilasha la dhaawacay Saddex ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato xiligaas gurmad cafimaadne lo fidiyay,

August 13 -2014/ Muwaadin Soomaali ah oo aan la garan wayay magaciisa ayaa meydkiisa laga heley duleedka magaalada Durban kaasi oo isna sida muuqato la khaarijiyay iyado si xun madax looga bur buriyay.

Sido kale horey dad Soomaali ah oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen balse la helay markii danbe meydkooda iyago la dilay waxaana sido kale ganacsade muda la waysanaa meydkiisa laga helay duleedka magalada Port Elizabeth kaasi oo gariga uu watay la gubay

14 August-2014, Tuulo hoos timaada magalada Port Elizabeth ee dalka k/afrika ayaa rag burcad ah oo hubeeysan xili fiid ah waxay ku toogteen dukaan uu ka shaqeyn jiray marxuum ganacsade C/fataax muxumed sh.c/laahi tahliil kaasi oo dhowr xabadood oo ay burcada ku dhifteen u geeriyooday,

Sep-11-2014 Duleedka magalada rastenburg waxaa lagu kharijiyay alla ha u naxarsitee ganacsade magaciisa lagu so koobay mukhtaar kaasi oo dilkiisa ay ka danbeyeen kooxo k/afrikaan ah

Oct 24 2014 ,marxuum Farah Dahir Badul oo 32-jir ah,ayaa lagu toogtay tuulo ku taala duleedka magalada durban iyado sido kale la dhawacay ganacsade lagu magacaabo Abdirahman Mohamed Farah oo 28-jir ah.waxaana arintaasi ka hadlay xiligaas Afhayeenka Boliska, Gaashaanle Thulani Zawane kaasi oo xaqiijiyey in labadaasi la toogtay, kadib, markii ay kooxo hubeysdan oo aan la aqoonin ay qori caaradiisa ku dhaceen hantidii iyo sigaarkii yiillay Dukaanka ragga Soomaalida ee mid la dilay, midna Isbitaalka la dhigay dhawac soo gaaray aawgeed,

October 23, 2014, waxaa degaanka isku raranka ah ee Khaalija kuna yaala magalada Cape Town lagu dilay marxuum Cali Axmed Cadow waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii kooxo burcad ah oo dhac u geeysan rabay ay isku dayeen inay hadal ku qanciyaan balse rasaas lagu furay,

November 9, 2014 Magalada porta elizabeth waxaa lagu dilay alla ha u naxaristee oday soomaaliyeed oo caan ka ahaa magaladaasi kaasi oo muda dheer ku noola waxaana lagu magacabi jiray Xasan Faarax Maxamed.(Xasan Xuuf) oo da,diisane aheyd 65 jir burcad hubeeysan ayaa u sheegay in gaari uu laha ay rabaan inay ka iibsadaan kadibne inta ay meel banaan geysteen madax ka toogteen.

14-November 2014, Duleedka magalada Johannesburg waxaa lagu dilay alla ha u naxarsitee Marxuum cali shekeeye iyado sido kale dhawac halis ah lo geeystay muwaadin kale oo lagu magacabo cali madoobe waxaana weerarka geeystay rag hubeeysan oo sida la sheegay watay gaari yar oo nooca dheereya ah oo baxsaday markii ay weerarka fuliyeen,

29-November alla ha u naxarsitee abdisalaan muhudiin iyo Mohamed Hassan ayaa qoorta laga jaray iyago dilkooda lo adeegsaday toreey xili habeen ah kadib burcad k/afrikaan ah oo dukaan ay jogeen ugu galay.

Dec 17 2014 magalada Mthatha waxa lagu dilay allaha u naxariiste Marxuum Maxamad Cabdilahi Abdi xilli uu goobtiisa ganacsi ku sugnaa.

Dec /20 2014/ Ugu yaraan ilaa shan Qof ayaa lagu dilay Koonfur Africa Todobaad gudahiisa taasi oo walwal hor leh ku abuurtay ganacsatada Soomaalida, laba ka mid ah ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaala tuulada Nashville ee magaalada Port Elezabeth ee Gobolka Eastern Cape halka laba kale iyagane lagu dilay Tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva ee magaalada Polokwane ee Gobolka Limpopo halka midka kale isagane lagu dilay tuulo hoos timaada magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape.

Shantani ruun ayaa la xaqijiyay in si isku mid ah loo weeraray iyadoo falkaasi uu dhacayey xili danbe oo habeen ah oo ay hurdayeen Muwaadiniinta qaarkood iyo Xilli danbe oo Fiidkii ah iyadoo midkood lagu dhuftay 7 Xabo markii ay nafta ka bixi waysana ayey qoorta kaga jareen midi taasi oo argagax horleh ay ka qaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Tuulooyinka.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somali Community Board ee Gobolka Limpopo Mudane Daahir Hilowle Xasan oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee u gurmaday markii uu falkani dhacay isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiinta oo aan la xiriirnay ayaa sharxay qaabkii ay wax u dhaceen iyo sida ay jaaliyada u aragtay. Wuxuuna sheegay in labadani wiil dilkooda uu si isku mid ah u dhacay iyagoo la soo weeraray saq dhexe habeenkii iyagoo hurda.

Midka hore ayaa waxaa la jiifay wiil kale oo Soomaaliyeed oo markii tuugada ay soo dhaceen isla markaana ay dileen mid ka mid ah muwaadiniina ay kan kale ku amreen in uu keeno lacagta iyo waxyaabaha kale ee fudfudud sida kaararka taleefoonada lagu shubtay halka midka labaad isaga kaligiisa uu jiifay meeshana lagu dilay.

Sidoo kale laba muwaadin oo midkood ahaa milkiilaha dukaanka iyo midkale oo ka shaqeynayey ayaa isku meel lagu dilay iyadoo midkood la isugu daray toorey iyo xabad sida uu sharxayo Sheekh Shaakir oo ka mid ah Culumada ugu caansan magaalada Port Elezabeth isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiintani.

“Waxay aheyd Xili danbe ee fiidkii ah oo dukaanka albaada la isugu laabi rabay waxana la soo weearay laba nin iyo gabar Soomaaliyeed oo ku sugnaa dukaanka dabadeed waxaa la bilaabay in la dilo wiilasha gabadhiina halkaasi ayey ka baxsatay waxana la dilay labadii kale.

Marxuumiintani ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Sheekh Xasan, C/rashiid Cali, Yaasiin Xuseen Rooble, Saciid Ibraahim Mocalin iyo marxuumka kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey C/laahi Biibaaye Dhamaantood waxaa la dilay Todobaadkani waxaana lagu dilay Goobtooda ganacsi Mana Jirto cid loo soo qabtay dilalkaasi iyadoo booliska Koonfur Africa ay ilaa hadda daba gal ku hayaan dadkii falkaasi ka danbeeyey oo aanan jirin Raad loo raaco

28,Dec 2014 Degaanka karafontain ee magalada cape town kooxo burcad ah ayaa toogtay marxuum nuur bashiir xasan (Nuur Biindo )oo ahaa milkiile dukaan oo dadka degaanka si weyn u garanayeen waxaana burcada inta aysan dilin hajnabad u jeediyeen iyago u sheegay inay dili doonaan kuwa oo ugu danbeeyntii toogtay ,saacada kadib police-ka k/afrika oo goobta tagay ayaa su,aala weydiyay dadkii goobta joogay waxaana police-ka ay so bandhigeen sawiro ragii dilka fuliyay inay bar garanayaan kuwa oo mid kamid ah raadkiisa la helay ,

December 29, 2014-Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhagaweel ayaa lagu dilay magaalada Giyaani ee gobolka limpopo ee dalka Koonfur Afrika Kooxda dilka geeystay oo isu soo ekeysiiyay macaamiil wax ka iibsanaya dukaan uu ganacsadahaasi gadayay ayaa geystay dilka ganacsadahaas, kuwaasoo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday.

Sido kale guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Limpopo C/naasir Maxamed Sheekh ayaa saxaafadda u sheegay in la bar garanayo burcadda dishay marxuumkaasi, isla markaana ay la shaqeynayaan ciidamada Booliska si gacan loogu soo dhigo ragga dilay ganacsadahaas.,

Waxaa xusid mudan in ganacsato soomaali ah oo dhawacyo halis ah kaso gaareen burcad hubeeysan qaarkood u geeriyodeen halka kuwa kalane ay bogsadeen kadib daweeyn lala taacalay iyado dhacdooyinkan ay siyaaba kala duwan uga dhaceen daafaha wadanka oo idil,

Sanadkan sii dhamanaya soomaali badan ay sabab u ahayeen dilal kala duwan oo dhaxdooda ka dhacay iyado la xaqijiyay in tiro ku dhaw ilaa 12 soomaali ah ay dhaxdooda is dishay kuwa oo ka kala dhacay magalooyinka cape town,port elizabeth johannesbur,pretoria,durban iyo iyo gobolka limpopo.

dukaan0

Si kastaba Tirada guud ee sadaxdii sano ee laso dhaafay soomaalida lagu dilay dalka k/afrika ayaa waxay kor u dhaafeeysa 240 muwaadin soomaali ah kuwa oo isugu jira milkiilayaal dukaan,shaqaalo iyo dad garab ku xamalata ah waxaana lagu dilay daafaha dalka mii ilaa magaalo waxaana boob loo geeystay in ku dhow 700 boqol oo goobood oo ganacsi halka kuwa kala oo la dhacayna aysan tirakoob lahay.

dukaan1

dukaan4

dukaan9

dukaan2

Waxaa Sida Wada Jir Ah Warbixintan U Diyaariyay jaaliyada soomaaliyeed ee k/afrika (Somali Community Board) iyo Wariyayasha Kala Ah.

Omar Kiyow.

Abdulkhadir Ahad

Omarkiyow@gmail.com

axad57@gmail.com

Johannesburg –

K/Afrika

Xulashada Jimcaha: Xasuuqa ciidamada Kenya ay ku hayaan Muslimiinta Dalkooda

$
0
0

Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii 91kii, dowladaha Kenya Ehiopia waxay saameyn taban ku lahaayeen xaaladda iyo isbeddelada siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya. Walow ay in muddo ahba socotay faragelinta qaawan ee waddamada deriska la ah Soomaaliya, haddana waxay ciidamada Kenya ka soo tallaabeen xadka NFD ( dhulkii Soomaaliyeed ee ay horay Kenya xoogga ugu haysatay) muddo hadda saddex sanadood laga joogo.

kenya9
Ciidamadaasi, waxay goor dambe ku biireen ciidamada AMISOM ee ka socda waddamada Afrika. Ciidamadaas ka socday waddanka Kenya, waxay tacaddiyo baahsan ka geysteen gobolladii ay xoogga ku soo galeen, waxayna geysteen khasaaro badan oo mid nafeed iyo mid hantiyeedba leh. Nasiibdarro, ma jirto cid kala xisaabtanta tacaddiyadaas ay geysanayaan.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Nin hooyadii qorrax ku jiiday, aayadii hoos uma jiido”. Macnuhu waa nin hooyadii u damqan waayay waa doqonnimo in laga fisho inuu cid kale daryeelo. Haddaba waa sidee habdhaqanka ciidamada Kenya? Sidee ayay ula dhaqmaan shacbkooda, siiba kuwa laga awoodda badanyahay? Maxay ku sameeyaan musliinta dalkaas, maxaase laga filan karaa iney ka fuliyaan Soomaaliya?

Waxaan haddaba, toddobaadkan akhristeyaashayada la wadaageynaa muuqaal dabagal ah oo uu telefeshinka caalamiga ah ee Aljazeera ka diyaariyay dhaqanxumida ciidamada mannaxayaasha ah kenya iyo xasuuqa ba’an ee ay ku hayaan muslimiinta waddankaasi Kenya.

Haddaba hoos ka daawo videowga

Waa kee Sannadka Mudan inaan u Dabaal Dagno? Ha ku Dhex Milmin Gaallada “

$
0
0

Asalamu caleykum walaalahi Soomaaliyeed salaam kadib mahad oo idin alle ayaa iska leh nabigeena muxamadna nabad galyo korkiisa ha ahaato sheikh ma ahi laakiin waxaan rabaa inaan qoraal yar oo baraarujina idin soo gudbiyo wixii aan khaldo ama aqoontaydu I gaarsiinwaydo waan ka cudur daaranayaa.

Fariintii shiikheena xafidulaah Shiikh Shibili )asc) ikhwaani, bacda salaan, caawa waxa laga dareemayaa shucuubta Gaallada ah ee aduunyada ku nool inay u dabaal dagayaan sannadka cusub ee 2015, waxase iswaydiin ah inagu inaynu la dabaal dagnaa ma haboon tahay? Jawaabtu waa maya. Naftiina iyo naftaydaba waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida allah meelkasta iyo xili kasta. wbtq. Waa fariin uu ummadda islaamka ee Soomaaliyeed u soo gudbiyey Sheikheena wayn xafidulaah ( Shiikh Maxamud Shibile)..

Waa kee sannadka inaga mudaan inaan u dabaal dagno? ama sanaadka iyo kalandarka Islaamka? waa sannadka Hijriyadda) hada waaan soo dhaafnay waana bisha muxarram kuna began bisha oktoobar ee sannadka miilaadiga hada waxaan ku jiraa 10,kii bisha Rabi Al-Awaal sannadka 1436) haddii anan khaldiin waana inaan ku xisaabtano oo baranno sanaadka muslimiintu tirsadaan una dabaal dagaan siiba qurba joogtu waa inay ilaaliyaan sannadka islaamka iyo tariikhda muslimiinta waana inay ka jeefignaadaan ku milmidda iyo dabaal daga sannadka Kiritaanku ku xasaabtamo ayna xittaa caaqiido ahan u haystaan siiba dhalinta iyo da,yartu waa inay ka feejiganadaan waxay gaalladu ugu yeerto happynewyear)..

Sannadka Hijriyadda ayaa soo bilowday waqtigii Nabiga (calaysalaatu wasallaam) la amray in uu ka hijroodo Magaaladda Makka ALMukarama) una hijroodaan Magaalada Madiina ayaa ah sanadka saxda ah ee loogu talagalay in muslimiinti wayneyaan ama ku dabaal waa sannadka bisha muxarram sannaad walbaba waana walaaleyaal kalandarka calendar) ama saxdaa ee mulimiinta waa muxarram ee ha waynayn sannadka Kiristaanku u dabaal dago..

Qasaaraha uu dhaliyo hamaynkaa dabaaldaga sannadka miilaadiga

Dadka kiristaanka ama wayneeya sannadka miilaadiga maxay kala kulmaan run ahaantii hadii aad jogtid wadaan kiristaan waxaad dareemi kartaa qasaaraha ka soo gaara dabaal daga ciidi kirismiriska) ama happy new yearka waxaad arkaysaa dhimashada dhaawaca iyo buburka gawaarida ay wataan kuwa u dabaal dagaya sannadka miilaadiga waxayna taasi ku tusaysaa nasteexa la’aanta waxaan diinteena suuban waafaqsanayn halka sannadka islaamka ee hijriga lagu soo dhaweeyo cibaado cibaadaysi farxaad iyo marxabaynta walalaha muslimiinta iyo waliba sadaqo bixinta u dhawaanshaha rabbigaga wayn. Waayo markii aad sadaqo salaanta islaamka iyo faraxada la wadaagti walaalahaga muslimiinta waxaad fulisay fariintii Suubanaheena calaysalatu wasallaam)

Sannadka islaamka

Sannadka islaamku waa sannadka Hijriyadda Bisha (muxarram) kuna beeggan Bisha ama Sannadak Miilaadiga ama ee Oktoobar) hada dhammaan ummada Muslimiintaa siiba Soomaalida uma ahaan sannad Cusub walaalaha Soomaaliyeed ee hamblayadda u diraya saxiibadoodda kale waa inay ogaadaan sannadka islaamka inuu yahay 1. Muxarram) Walaalka muslimkaayoo ha la dabaal dagin Gaallada iyo kuwa u dabaal dagaya waxay ugu yeereen Natal Ama Happy new year)

Bilawgii sannadka Hijrayadda

Sanadka Hijriyadda ayaa soo bilowday waqtigii Nabiga la amray in uu ka hijroodo Magaalada Makka ALMukarama una hijroodaan Magaalada Madiina ayaa ah sanadka saxda ah ee loogu talagalay in ay ku dhaqmaan dadka Islaamka, kuna saleeyaan noloshooda, sida Ballamaha, Munaasabadaha iyo dhacdooyinka kale iyo wixii la mid ah, kana hirgeliyaan ama lagu baro carruurta Islaamka Iskuulaadka iyo waliba dugsiyadda Qur’aanka, sidaas si la mid ahanna waxaa wanaagsan in ay wadamada Islaamku ugu baraarugsadaan la socoshada Taariikhda Islaamka ee Hijriyadda, waxaa xusid mudan in Dowladda Sucuudiga ay tahay dowladda keliya ee isku taxlujsa la socoshada taariikhda Hijriyadda, waxayna sameysaa Kalandaro ku qotoma Taariikhda Hijriyadda.
Sannadka Islaamka waa laba iyo Toban Billood waxay na kala yihiin.

1-Muxarram bisha biliowga sannadka islaamka
2-Safar
3-Rabiicul Awal
4-Rabiicul Thanii
5-Jamadul Awal
6-Jamaadul Thannii
7- Rajab
8-Shacbaan
9-Ramadaan
10-Shawaal
11-Dul-Qacdi
12-Dul-Xaj.

Digniin walaaltinimo

Hadaba dhalinyaradda qurba joogta ah waxaan uga digayaa inay ku dhex milmaan dabaal dagyadda aan sharciga islaamka waafaqsanayn run ahaantii aniga shiikh ma ahii laakiin waa inaan ku bararugsanaano tariikhada islaamka iyo munaasabadaha munaasibkaa ee alle inoo ogal yahay waa inaan waynaynno sannadyadda cusub ee muslimiinta iyo munasabaddaha sharciga islaamka waafaqsan.
La xiriir Culumadda islaamka

Sidookale qofkii aan aqoon u lahayn sannadka miilaadiga waa inuu la xiriiro culumadda iyo dadka diinta aqoonta u leh waa inuu ogaado waa maxay sannadka happy newr yearku) waa maxay nataal.

Ugu dambayntii waa inaan barano sannadka muslimiinta oo aad moodi in dadka Soomaaliyeed ay la qabsadeen sannadka miilaadiga haba ugu daraadeene dadka qurbaha jooga waxaan si gaara fariin ugu dirayaa waalidiinta waa inay carruuntooda baraan sannadka tariikhda islaamka oo ah xiligii Nabiga calaysallaatu wasalaam) la amray in uu ka hijroodo Magaalada Makka ALMukarama una hijroodaan Magaalada Madiina. Waynee sannadka islaamka iskana dhaaf sannadka kiristaanku ay caaqiiddo ahaan u haystaan uma dabaal dagaaan allaha khayrka há Iná waafajiyo dhammanteen khaatuumadeenanna khayr há ku khitimo..
image

W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email— guuleed72@hotmail.com

Ambasadoor Cabdiraxmaan Diinaari “Dadka ku nool Gobolada Dhexe waxaan u hayaa oo Deeq Caddaalad haddii ay i doortaan”

$
0
0

“Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ii sheegey in hadii Xal loo helo Gobolada Dhexe Xal loo helyo Dalka oo dhan”

Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( Diinaari) oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweyninimo ee Maamulka loo sameynayo Gobolada dhexe oo u waramayey Warbaahinta qaar ayaa ugu horeyn waxaa la weydiiyey sababta ku kaliftey in uu u Tartamo Xilkaas ? wuxuuna ku jawaabey “Muddo Afar ilaa Shan sanno ah ayaa waxaa ku jirey arrimaha Dibolomaasiyada islamarkaana aan ku shaqeynayey si Mutadawacnimo, sidaa darteed waxaan Goostey in aan iyana si Matadawacnimo aan ugu adeego dadka degan Deegaanka aan ka soo jeedo ee Gobolada Dhexe maadaama ay ka hareen marka la fiiriyo Dhinaca Horumarka iyo dib u dhiska Maamulada kale ee Dalka.”

Waxaa kaloo la weydiiyey marka hore ma ka fekertey in inta aadan Musharax noqon Dhiibaatooyinka ka jira Gobolada Dhexe? wuxuuna ku jawaabey “ Dabcan hadaan ka Fekerin Musharax ma noqdeen waxaan aaminsanahay in Waaya-ragnimadeyda aan ka bartey in marka dadka aad u Cadaalad fasho aad ka heleysid Taageero, waayo meelo badan oo aan ka soo shaqeeyey markii aad cadaalad sameysid Bulshada taageero ayaad ka heleysaa sidaa darteed dadka waxay u baahan yihin Hogaan Daacad ah “

Ambasadoor Diinaari mar wax laga weydiiyey Dhibaatooyinka ka jira Gobolda Dhexe sida Colaadaha iyo Abaaraha soo noq noqda wuxuu yiri “ Marka hore Abaarta Allaa wada hase yeeshee Colaadaha mar waliba ka dhaca Gobolada Dhexe waxaa keeney marka hore Dowladihii soo marey dalka ayaa Gobolkaan Dayacay , waxaan aaminsanahay Labadaan Gobol in ay yihiin kuwa Qani oo ay ku jiraan Macaadiin, Shidaal, Beero , Xoolo iyo Kaluumeysi isagoo leh Khayraadkaas ayaa si aad ah loo dayacay Gobolka ma laha Wadooyin , Isbitaalo, Dugsiyo iyo adeegyada kale Bulshada, waxaan isleeyahay in Maamul Goboleedyada ay keenayaan in Gobolada ay tashadaan islamarkaan dadka u dhashey ay wax u qabtaan ”

Waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd marka Mudug la maqlo waxaa kuugu soo dhacaya in ay tahay Xudunta Colaada Soomaaliya marka reer Mudug ma tashan karaan? waxaa uu ku jawaabey “ waxaan aaaminsanahay in dadka ku nool Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay yihiin dad firficoon, mar aniga oo Wariye ah aan wareystey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu igu yiri ” waxaan hubaa in hadii dadka degen Mudug iyo Galgaduud ay heshiiyaan ay sidaas oo kale Xaalada Soomaaliya wax badan ay ka hagaagayaan marka dadka wax kiciya waa Cadaalodarada sidaa darteed dadkaas hadii ay helaan Hogaan u Cadaalad fala waxaan rumeysanahay in ay wax badan qabsan karaan”image

Waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd qof keligiis iskama socda qof buu ku tiirsan yahay ha noqoto Wadamada reer Galbeedka, Mareykanka, qof baa dalalka deriska ku tiirsan marka Cabdiraxmaan Diinaari yaa dabadda ka riixaya? waxaa uu ku jawaabey isaga oo Dhoola Cadeynaya “Waxaa kuu sheegayaa in Shacabka ku nool Goboladaas ay i riixayaan, waxaana doonayaa in aan Xiriir wanaagsan la yeesho Beesha Caalamka iyo Dalaka Deriska la ah Soomaaliya marka Cid i wadato ma jirto laakiin dadka la wato waa kuwa Lacagaha faraha badan daadinayaa ama qubaya hase yeeshee lacagta aan aniga ku tala galayo waa lacag ka timid dadka Shacabka, aniga Hay’ad kuma xirni , Urur diini ah kama Xirni dalka kalena kuma xirni “
image
Waxaa la weydiiyey aragtidiisa ku aadan Halka Shirka lagu qabanayo maadaama ay jiraan Is jiid jiid ku aadan halka Gogosha la dhigayo? wuxuuna ku jawaabey “ Meesha lagu qabanayo dadka ku nool Gobolada dhexe ayey ka go’daa, waxaase Muhiim ah oo aan doonayaa in aan ka dhawaajiyo dadka ku nool Mudug iyo Galgaduud Colaad baa dhex martey marka waxaan soo jeedinayaa in marka hore dadkaas loo qabto Gogol Dib u heshiisiineed waxaana arrintaan qaba Beelo fara badan oo ku nool Goboladaas , sababtuna waxaa weeye dadka waa dirireen oo hadda ayaa Colaad jirtaa marka waa in marka hore dadkaas loo qabto Shir dib u heshisiineed markii la heshiisiiyo ayaa dadku go’aaminayaan halka lagu qabanayo shirka ama halka laga dhigayo Caasimadda, sidoo kale waxaa soo jeedinyaa in la isku tanaasulo taas ayaana lagu dhisi karaa Maamul loo dhan yahay

Wareysiga waxaa igu wehliyey
Idaacadaha Goob-Joog iyo Bar-Kulan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Kulan lagu soo Dhaweynayo Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho

$
0
0

Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kula balaaran oo u jeedkiisu ahaa soo dhaweynta Gudoomiyaha Cusub Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed, waxaana kulankaas ka qayb galay Xildhibaano,Siyaasiyiin,Waxgarad,Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween oo dhamaantood ka soo jeeda Gobolka Hiiraan .

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed oo ugu horeyntii halkaas ka hadashey ayaa waxay u Mahadcelisey intii isku soo dubaridey Munaasabada iyadoo halkaas ka balan qaadey in ay si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doonto Dhalinyarada Gobolka Hiiraan gaar ahaan ku dhiirageinta Dhalinyarada Dhinaca Waxbarashada sidoo kale waxay sheegtey in ay ku dadaali doonto isku xirka dhamaan Dhalinyarada ku nool Gobolka Hiiraan iyadoo sheegtey in Keligeed aysan wax qaban Karin oo ay sheegtey in ay u baahan tahay Taageero dhinac kasta
image
Waxaana halkaas Khudbad dheer ka soo jeediyey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo tilmaamey in Midnimada ay tahay mid lagu gaari karo Horumar gaar ahaan Gobolka Hiiraan wuxuuna kula dardaarey Guddoomiyaha cusub in Gobolka u horseedo hagaan fiican oo isku xira Dhamaan Dhalinyarada Gobolka Hiiraan
image
C/naasir Ismaciil Shabac, Maxamed Cali Aaden iyo Maxamed C/rashiid oo kulankaas Mahadcelin ka dib ka Hadley ayaa waxay ku dheeraadeen Taariikhda Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada Gobolka Hiiraan, waxayna ugu baryeen in uu Xilkaas Ilaahay la garab galo, sidoo kale waxay ugu baaqeen Dhalinyrada Gobolka Hiraan in ay la shaqeeyaan Gudoomiyha Cusub ee Gobolka Hiraan sidoo kale waxay sheegeen in dhinacooda ay Hiiil iyo Hooba ay la garab istaagi doonaan Gudoomiyaha Cusub.
image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xaggee ku dambeeyay Go’aankii Golaha Wasiirada ee Badda Soomaaliya iyo Law no 37

$
0
0

Golahii wasiirada ee xukuumaddii ka horey tan hadda ka jirta Soomaaliya ayaa go’aan taariikhi ah kasoo saaray xeerka badda Soomaaliya oo ay ku adkaynayaan sida ay u aqoonsan yihiin sharciga Law no. 37.

Laakiin dacwadda ay DFS u gudbisey Hague ee muranka gelineysa badda Soomaaliya ayaan lagu xusin go’aankaas. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah go’aankaas maxay ka rumaysan yihiin dawladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Xasan iyo ra’iisal wasaare Cabdiwali.

Go’aankaas hoos ka akhri

****

Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya

June 6, 2013 – Golaha Wasiiradu waxay shirkoodii todobaadlaha ahaa ee maanta ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-

1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.

3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

4. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Phone: +252 (0) 616 44 00 28

Munaasabad lagu Daahfurayey Urur loogu Magacdarey Dib u Dhiska Soomaaliya (SRO ) oo lagu qabtey Muqdisho.

$
0
0

Waxaa Hotelk Maka Al-Mukarama lagu qabtey Munaasabad lagu Daahfurayey Ururka Dib u dhiska Soomaaliya (Somali Rebuilding Organization marka la soo Gaabiyo loo yaqaan (SRO), Ururkaas oo hore looga furey Magaalada Minneapolis ee Cariga Mareykanka ayaa waxaa ka qayb galey Xildhibaano, Siiyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano,Dhalinyaro, Haween, Waxgarada, Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Madaxda Ururka iyo Marti Sharaf kale.

Cumar Yuusuf Nuur oo ah Gudoomiyaha Ururka Dib u dhiska Soomaaliya SRO ayaa waxa sheegay asbaabta loo unkay Ururkaan inuu yahay sidii wax badan loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dhinaca dib u dhiska isagoo sheegey in ,qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ahna u furan yahay ka qayb qaadashadiisa waxaan uu sii raaciyey “ Muddo 23 sano ayaa ku jirney Burbur marka waxaan dooneynaa in aan ka qayb qaadano Dib u dhiska Dalka isla markaana waxaan Xafiisyo ka furan doonaa dhamaan Gobolada Soomaaliya ”

Mudane Cumar Yuusuf waxaa uu sheegey in ururka uu wax ka qabanayo arrimaha Waxbarashada gaar ahaan ku dhiira gelinta dhalinyarada dhinaca waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha , Adeegayada kale ee Bulshada wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay iyaga wax qabsadaan oo aysan u indha taagin Gacan shisheeye

Xubnihi kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Mamu;ka Goblka Banaadir Maxamed Amiin Shiikh Cilmi oo sheegey in Maamul ahaan ay soo dhaweynyaan ururka Dib u dhiska Soomaaliya sidoo kale waxaa uu ku booriyey Masuuliyiinta ururkaan in ay Xooga saaraan Baahida Bulshada gaar ahaan adeegyada Bulshada maadama adeegyadaas Xiligaan ay yihiin kuwa Gaabis ah

Munasabadaas lagu Daahfurayey Ururka Dib u dhiska Soomaaliya (SRO) ayaa waxaa kaloo ka Hadley Agaasimaha Rugta Ganacsaiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore waxaa uu sheegey in Rug ahaan ay Gacmo furan ku soo dhaweynayaan Ururkaan hase yeeshee waxaa uu Xubnaha ururka uga digey in ururka laga dareemo wax uu ugu yeerey Qabiil ama Ururka reer leeyahay sidoo kale waxa uu u soo jeediyey in ay Daraasad ku sameeyan baahida Bulshada ee ay qabaan .

Xasan Axmed Sadiiq oo ku hadlayey Magaca Bulshda Rayidka ayaa waxaa uu sheegey in ay si weyn u soo dhaweynayaan Ururka Dib dhiska Soomaaliya isagoo ku tilmaamey Uurrkaan mid ka qayb qaadanaya ama Daboolaya Baahida Bulshada Somaaliyeed oo uu sheeey in ay Muddo dheer ku soo jireen Burbur iyo Dagaalo Sokeeye , wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Qaybaheeda kala duwan in ay is garab taagaan Ururkaas .

Sidoo Kale Waxaa Kulankaas ka Hadley Gudoomiyaha ururka Awoodsiinta Naaafada Soomaaliyeed Maxamed Cali Faarax oo sheegey in si diiran u soo dhaweynayaan Ururka Dib u dhiska Somaaliya madaama uu yahay ururka Gacan ka geysnaya Caawinta Dadka Naafada ah oo uu sheegey in ay qabaan dhibaatooyin fara badan

“Dhismaha Ururkaan waxaa uu ku soo beegmey Xili loo baahnaa waayo Ummada Waqtigaan waxay u baahan tahay Dib u dhis” ayuu yiri Shiikh Cali Wajiis oo sheegey in Dhinacooda ay ka qayb qaadanayaan wixii Qaaraan ah uu u baahan yahay Ururka sidoo kale waxaa u soo jeediyey Qaybaha kale duwan ee Bulshda in ay ka qayb qaataan Ururkaas oo uu sheegey in ay Hogaaminayaan Dad Bulshada Dhexdeeda ku leh Sumcad iyo Sharaf image

Ugaas Bile oo isna halkaas ka Hadley ayaa sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo urur ka qayb qaadanayo Dib u dhiska Soomaaliya wuxuuna intaa raaciyey “ Waxaan Muddo joogey Maamulka Soomaaliland dadkaas waa dad isku tashadey oo in badan ka maarmey Kaalmo Shisheeye marka waxaa leeyahay Ururka Dib u dhiska Soomaalya in uu Bulshada u horseedo sidii ay u iloobi lahaayeen Gacan Shisheeye “

Ugu Dambeyntii waxaa Kulankas ka Hadley Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa waxaa uu sheegey in Ururkaan Madaxda Hogaamineysa ay yihiin kuwa uu yaqaan islamarakaana ah dad ka soo bixi kara Howshaas, sidoo kale waxaa sheegey in ay yihiin kuwa Wadaniyiiin oo si weyn uga damqadeyDhibataada haysata ummada Soomaaliyeed , wuxuuna u soo jeediyey Ummada Soomaalieed in ay garab istaagaan Ururkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Faarax Qare 2013: Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka

$
0
0

“Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka” ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo. Hadalkaasi waa sidii uu 2013 ka rumaysnaa badda Soomaaliya.

Warbixintan waxay SomaliTalk kusoo baxday Sept 30, 2013… Hoos ka akhri

qare154

Sawiro kale halkan ka eeg

Kulan ay yeesheen Aqoonyahanada Badda Soomaaliya oo sheegey in Badda Soomaaliya lagu soo Duuley.

Hotelka Kuwait Plaza ee agaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50-Aqoonyahanada Badda Soomaaliya, kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd isbarasho, is Wareysi iyo Aqoon isweydaarsi. Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee kulanka ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa khubarro, XeelDdheerayaal, Madax iyo Badmaaxiin dhinaca Badaha horay uga soo shaqeeyay, waxaana ka mid ahaa: Eng. Cadde oo ah Bare dhinaca Badda iyo howlaha Kalluumeysiga Soomaaliya.

Madaxda kale ee iyagu ka soo qeyb galay Kulanka waxaa ka mid ahaa:- Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Jan. Faarax Qare, Axmed (Faarax Qare), Eng. Cabdi Jiinow Calasow, Eng. Yaasiin, Axmed Cabdi Xasan (Wataac), Kabtan Mooge, Kabtan C/qaadir iyo xubno kale. Sidoo kale xubnaha ka soo qeyb galay waxaa ka mid ah Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee iyagu ka yimid Dalka dibadiisa, waxaana isbarasho kaddib la guda galay ujeedada kulanka, waxaana khudbad furitaan ah ka jeediyay Guddoomiyaha qabanqaabada kulanka Axmed Xasan Cabdi (Wataac).

Waxa uu sheegay Guddoomiye Wataac in ujeedada kulankan ay tahay sidii Boorka looga jafi lahaa Aqoonyahanada Badda Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay inay yeeshaan guddi ka shaqeeya Dhismaha Urur ama Hay’ad ay ku Mideysan yihiin Aqoonyahanada Badeed ee Soomaaliya.

Eng. Cadde oo ka mid ah Barayaashii Dugsiyada iyo Khabiir ku Takhasusay Badda Soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in kulankani uu yahay mid muhiim u ah Horumarinta Badda Soomaaliya, isagoona sheegay in aqoonyahanada Badda Soomaaliya ay yeeshaan Hoggaan iyo Maamul ka Madax bannaan Dowladda.

“Mar haddii ay isku yimaadeen intaan oo aqoonyahano Badeed ah, anigu waxaan isleeyahay inta kale ee maqanna inay yihiin kuwo Geeriyooday iyo kuwo Dalka Dibadiisa ku maqan” ayuu yiri Eng. Cadde oo sheegay in kulankani yahay mid rajo gelinayaa Xirfadleyda Badda inay dib boorka uga jafaan sidii ay Aqoontooda uga faa’iideysan lahaayeen.

Jan. Faarax Qare ayaa isna khudbad dhinacyo badan taabaneysay kulanka ka jeediyay, isagoona si weyn ugu Mahadceliyay Guddiga qabanqaabada ee kulankaan soo abaabulay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aqoonyahanada Badda ee kulanka ka qeyb gelaya wax badan ka qaban karaan dhibaatooyin ka jira Badda Soomaaliya. Waxa uu sheegay Taliyaha Badda Soomaaliya in meelaha ugu weyn ee dalka looga soo duulay ay ugu weyn tahay Badda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay si dhibaatadaas looga baxo ay muhiim tahay in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah.

“Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka” ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo.

Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo ka mid ah khabiirada dhinaca Badda, horayna Maareeye uga soo noqday Dekedda Muqdisho isla markaana hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ayaa daboolka ka qaaday in kulani aanu noqon mid lagu kala tago oo aan ka soo bixin wax natiijo ah.”Aniga waxaan qabaa in la magacaabo Guddi soo diyaariya Dhismaha Urur ay ku Mideysan Aqoonyahanada Badda Soomaaliya” ayuu yiri Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay in kulankaan uu yahay mid ka soo daahay xilligii ku habooneyd.

Dhinaca kale Eng. Muuse oo ah khubarada Badda Soomaaliya isla markaana gacanta ku hayay Dugsiga Badda muddo dhowr Sanadood ah, ayaa Madasha ka sheegay in qabashada kulanka Aqoonyahanada ay isugu yimaadeen uu isagu ka mid ahaa xubnihii isku duba riday. Eng. Muuse ayaa sheegay in maanta uu ku faraxsan yahay marba haddii aqoonyahanadii Badda Soomaaliya ay ku dhan yihiin looga baahan yahay inay ka soo saaraan go’aano dhaxalgal ah, isla markaana si degdeg ah loo meel mariyo Go’aanada ay isku raacaan.

Daabacadii warbixintan ee Sept 30, 2013 HALKAN KA DAALACO

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka oo Dowladda Turkiga ka dalbadey in ay kala shaqeeyaan Dib u habenta Garsoorka.

$
0
0

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka oo iminka ku sugan Dalka Turkiga aayaa waxaa uu Kulan la qaatey Dhigiisa Wadankaa Bekir Bosdeh waxaana Kulankas la iskula soo qaadey Xiriirka u dhaxeeye Somaaliya iy Turkiga kaasoo Xoogeystey Sannadkii 2011 ka dib markii Abaaro ka dilaaceen Gobolo Ka Tirsan Dalkaimage

Wasiirka Garsoorka oo ay Booqashadiisu ku wehliyeen xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada iyadoo Xubnhii ka socdey Dowldda Soomaaliya ay ka codsadeen in Dowlada Turkiga ay kala qayb qaataan sidii Dib u habeyn loogu sameyn lahaa hanaanka Garsoorka Soomaaliya

Wafdga uu Hogaaminayo Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Cabduqaadir ayaa inta ay joogaan Dalkaas waxay Booqan Doonaa Dhamaan Laamaha kala duwan ee Garsoorka wadanka Turkiga yagoo soo eegi doonaa qaabka ay u shaqeyaan Garsoorka Wadanka Turkiga sidoo kale inta ay joogaan Dalka Turkiga waxay Kulamo la yeelan doonaa Jaaliyada Somaaliyeed ee Wadankaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Somali Government warns illegal companies operating in Somalia

$
0
0

PRESS RELEASE

7/1/2015

The Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Federal Government of Somalia has been closely monitoring the illegal activities of ARC, a Chinese company. ARC has been involved in the illegal digging and mining for minerals in the Simodi mountain ranges in the Awdal region of Somalia. These activities are a violation of Somalia’s territorial integrity and national sovereignty. These activities are also a threat and an immediate danger to the fragile but improving political situation in Somalia

ARC’s illegal activities have already caused civil turmoil and tensions among communities in the region following the company’s introduction of armed militia to protect its illegally obtained mining acreage. It has been noted that ARC’s activities have also caused the large scale displacement of inhabitants in the area and the destruction of private property. ARC’s activities are very similar to other companies that have engaged in activities that have caused environmental degradation, and the illegal disposal of harmful chemicals without regard to water tables, grazing lands, and underground aquivors.

The Ministry, in order to mitigate the consequences of civil turmoil and tensions in the community, hereby provide official notice to ARC to cease and desist immediately from their illegal mining activities in the Simodi mountain ranges in the Awdal region of Somalia. The Ministry also provides notice herein that ARC’s activities have already caused clan tensions and political difficulties in Somalia, a country just emerging from conflict after 24 years. The Ministry hereby officially requests that the People’s Republic of China assist and support the Somali Federal Government’s efforts to stop the illegal mining activities of Chinese companies. This request is made on the basis of the historical close relationship between the two nations.

The Somali Federal Government, represented herein by the Ministry of Petroleum and Mineral Resources, provides a stern warning to all companies operating illegally in Somalia on the basis of suspect, invalid, and illegal agreements and contracts with individuals and organizations. The Federal Government of Somalia has exclusive jurisdiction over foreign affairs and by extension agreements with international companies. These illegal activities, contrary to industry best practices, have already lead to the extraction and theft of valuable minerals from Somalia.

The Ministry of Petroleum and Mineral Resources hereby urges ARC to cease its activities responsibily and immediately, to desist from further activities, and to leave the country. ARC’s activities are not only a violation of Somali laws related to the extraction of natural resources but also a violation of Somalia’s immigration laws whereas citizens of China are illegally present in Somalia and conducting activities without work permits.

The Ministry of Petroleum and Mineral Resources hereby informs ARC and other companies illegally operating in Somalia that the Federal Government of Somalia will take a legal action to protect the rights of Somali citizens and to safeguard the fragile peace in the country. Federal Government of Somalia is not also responsible for the safety and security of any individuals or companies operating illegally and without the government’s knowledge in Somalia.

“in addition, the Ministry of Petroleum & Mineral resources denounces the baseless information publicized by some local websites. however, the Ministry clarifies that this informations is baseless.

The meeting between Chinese Embassy in Mogadishu and the Ministries of the Foreign Affairs and Petroleum & Mineral Resources was only the issue of ARC, a Chinese company, which resulted a huge local communities displacement, clan conflicts, looting of natural resources, violation of international laws, breaching of national sovereignty and unity of the country, all UN resolutions towards Somalia and hampering the International Community’s efforts on the stabilization of Somalia”.

For detailing and further information please contact:
Tel: +252 615522003 / +252-61-7542683
Email: fkurweyne@mopetmr.so / fkurweyne@gmail.com / pr.mopetmr@gmail.com
www.mopetmr.so / www.mopetrmr.com

Caliyoow Xaal ka Qaado wixii Dhacay!

$
0
0

Soomali badan ayaan ku farxin hadalkii dhowaan ka soo yeeray Hogaanka Ciidmada Amisom ee ahaa in xilkii laga qaaday Afhayeenkii ciidamada Amisom Coll. Cali Aadan Xumud, markan sidaas leeyahay wxaan ka turjumayaa Shacabka Soomaliyeed oo ay Weriyashu ku jiran. Afhayeenkii ugu horeeyey ee ay Amisom yeelato waxa uu ka soo jeedey Ciidamada dalka Yugandha Bady Ankuna wxay ahayeen Ciidamadii ugu horeeyey ee yimaada Magalada Muqdisho oo huwan magaca Ciidamo Nabad ilalineed, wax dood ahi kama taagnayn, kii xigayna Barijiye Bhuku oo isna Yugandha ka soo jeeda, waxa mar kale ku soo laabtay Badhi Inkundha cid ku haysaty ma jirin mid walbana waxaa la bedelayey marka uu waqtigiisu dhamaado muran la’aan, waxaa intaa xigey in labo sano ka hor Xilka Afhyeenka Amisom loo magacabo Nin ka soo jeeda Dalka Jabuuti madaama ay Ciidamadii Amisom ee ka koobnaa markii hore Yugandha iyo Brundi oo kaliya ay bteen oo la helay Itoobiyaan, keenyati, jabuutiyaan iyo kuwo ka socda Dalka Galbeedka Afrika ee Siiralyoon.

Mark ay hadlan Afhyeendii hore ma ahayn kuwo hadalka deeqsiin kara Soomaalida oo hadal ku nool ah sababtoo ah waxay ku hadlayeen Ingiriis oo waxay rabeen in la turjumo. mar-marka qaar waxa dhacda in aan la fahmin hadalkooda waxa rasmiga ah oo ay ula jeedaan, waxana dhici jirtey in Weriyaashu mala- awaalaan waxa ay uga jeedaan hadalada qaar oo aan markii horeba kala cadayn, mar-marka qaar waxay canbaarayn jireen Saxaafadda Soomaalida oo waxay dhihi jireen waxay mrin hababiyeen mowduucii ama Ciwaankii hadalkeen taan waxaa keenayahi waxy ahaayeen Turjumaada Erayadood oo mar-mark qaar adkaata, waxyn rintas iyo mkaleb keenan jhwareer.

Waxaa kaloo dhacda in aan mar-marka qaar lagu degdegin waraysiyad Afhyeenadii hore sababtoo ah waxab suurta gal ah in anu warbahintaas joogin Weriyihii warysan laha oo hadgooow tarjumi lahaa hdaldiisa tasina waxay mar kale kentay in Idaacadha qaar wr jiraahi seego sababo la xiriiri xiriirka u dhexeeya labada dhinac oo aan wanaagsanayn maadaama aanay isba fahmyn.

Iyadoo sidaasi jirto ayaa waxaa la magacaabay Coll. Cali Aadan Xumud oo ku hadla Afka Soomaliga waxaa mar qura meesha ka baxay dhibaatadii lagu qabay Afhyeeendii Amisom maadaama la keeney nin ay Af-garanayaan, waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray inuu isfaham ka dhex abuuro Saxaafadda Soomaalida iyo Amisom, waxaana mar qura la dhacay dadkii Soomaaliyeed ee u oomanaa warka iyo hadalada ka soo yeera ciidamada Amisom, Warbaahinta Soomalida oo dhan iyo kuwa kale ee Af Soomaliga ku hadla si wayn ayey ugu diirsdeen Cali Aadan maadaama aan loo kala turjumayn, waxayna heleen wadiiqooyin badan oo ay ku Waraysan karaan xili kasta.

Markaan dhex xulay oo aan Xuuramey Soomaalida iyo Saxaafadeeda waxaa ii soo baxday in aanay ka caraysnayn Xilka qaadista lagu sameeyey Coll. Cali Aadan ee waxay ka xanaaqeen Xika qaadista oo aan loo marin wadadii xalaasha ahayd iyo sidii ku haboonayd. Si kastaba Soomaali badan ayaa kula duuban oo aan ku faraxsanayn sida wax u dhaceen, waxayna og-yihiin oo ay ka dheregsan yihiin waxa Hiil-Walaal (Ciidamada Jabuuti) iyo Madaxwaynahooda Ismaaciil Cumar Geele ay u tareen shacabka soomaliyeed ee Walaahoowga ku jirey ka badan 20 sano, mar uun bay Soomalidu abalkaas gudi doontaa in kastoo abaal hore u erganaa, marka waxaan leeyahay gebagebadii maqaalkayga Caliyoow xaal ka qaado wixii dhacay.
image
W/Q. Cabdinaasir Xirsi Iidle
E-Mail: naasirx!@gmail.com
Tel 00252615503978

Warsaxaafadeed: Soomaaliya oo Digniin u dirtay Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo Macdan ka baareysa Buuraleyda Gobolka Awdal

$
0
0

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia waxay si dhaw ula socotaa dhaqaaqa shirkadda ARC oo Shiine laga leeyahay taas oo waayahan danbe si sharci darra ah macdan baaris iyo qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal. ARC hawlaha sharci darrada ah ee ay wado waxay abuurtay xasilooni darro soo wajahday degaanadaas kadib markii ay qoratay boqolaal meleeshiyaad ah oo ilaalinaya shirkadda iyo shaqaalaheeda islamarkasna ay bara kicisay dadkii iyo duunyadii deegaankaas ku noolaa.

Dawladda Soomaaliya waxay walwal ka muujnaysaa, sida horeba u dhacday, in shirkadaha sharci darrada ahi ay qaarkood ku hawlyihihiin inay sun ku aasaan badda iyo barriga Soomaaliya. Si looga fogaado xasarado iyo colaado ka dhaca gobolkaas, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa ARC inay si degdeg ah u joojiso macdan baarista sharci darrada ah ee ay wado taas oo dhalisay xasarad siyaasadeed & nabadgelyo oo ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa meel nabdoon.

Dowladda Soomaaliya, waxay ujeedinaysaa dawladda China in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay aysan ka qayb qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya.

Waxaan uga digeynaa dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci darro ah, oo heerkoodu ka hooseeyo habdhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Soomaaliya, kuna qaataan si rakhiis ah oo aan waafaqsanayn sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya macdan iyo shidaalka. Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya masuul kama aha wixii dhibaato ama khasaare ah oo soo gaaro shirkadaha sida sharci darrada ah kusoo gala dalka.

Wasaaraddu waxay ka dalbanaysaa ARC inay si degdeg ah u joojiso hawlaha sharci darrada ah ay wado, dalkana isaga baxdo.

“Sidoo kale; wasaaradda Macdanta & Batroolka, waxay beeninaysaa, warbixinno been ah oo ay qoreen qaar ka mid ah Shabakadaha Soomaalida oo sheegay in Dawladda ka codsatay Shiinaha inay ka caawiso macdan iyo shidaal baaris.

Wasaaraddu waxay caddeynaysaa inaan warkaas waxba ka jirin. Waxa kaliya ee looga hadlay shirka dhex maray Wasaarada Arrimaha Dibadda & Wasaaradda Macdanta & Batroolka, JFS iyo Safaaradda Shiinaha waxay ahayd kaliya arrinta shirkadda ARC oo dhaqadhaqaaq sharci darro ah ka bilowday Soomaaliya gudaheeda, iyadoo ku xadgudubtay shuruucda caalamiga iyo madaxbanaanida waddanka, kuna tumatay midnimada dalka & go’aamada UN ta ee ku wajahan Soomaaliya.
Waxii warbixin dheeraad ah kala xiriir:
Tel: +252 615522003 / +25261-7542683
Email: fkurweyne@mopetmr.so / fkurweyne@gmail.com/ pr.mopetmr@gmail.com
Webpages: www.mopetmr.so / www.mopetmr.com

Ardeydi igu Badneyd oo u Fariisatey Imtixaanaadkii Jaamacadda Horseed 2014-2015.

$
0
0

Waxaa Xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Horseed ka bilowdey imtixaanaadkii Waxbarshada ee Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaas ka Kooban tahay,ee 2014 -2015 waxayna ardey ay ahaayeen kuwa ku Mashquulsanaa imtixaanaadka ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed iyadoo Macalimiinta iyo Maamulka ay ahaayeen kuwa si aad ula socda Qaabka loo qaadayo Imtixaanaadka.

Xasan Shiikh Abuukar oo ah Gudoomiyaha Guddiga Imtixaaanaadka ee Jaamacada Caalaaiga ee Horseed oo Xarunta Jaamacadda ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxaa u sheegey in Sannadkaan Ardeyda Imtixaanaadka u Fariisaneysa ay gaarayaan 2035 ardey , kuwaa uu sheegey in ay ka kala socdaan Kuliyadaha kala duwan Jaamacadda.

Mudane Xasan Shiikh waxaa uu sheeegey in Imtixaanka bilowdey u yahay midkii Part Time-ka isagoo sheegey in midka Full Time-ka uu bilaaban doono maalmaha soo socda waxaa uu sheegey in Imtixaanaadka ay kormeerayaa ama eegayaan ilaa Boqol Xubnood kuwaas oo la socon doono qaabka loo qaadayo Imticaanaadka
somimt
Xayaat Cali oo ka mid ahayd ardeydii Imtixaanaadka u Fariisaaneysey Jaamacadda Horseed ayaa wax ka weydiiney sida Dareenkeedu uu yahay maadaama ay galeyso Imtixaanaadkii waxayna tiri “ Dareenkeyga aad buu u sareeyaa waayo aad baan ugu soo Diyaargaroobey Imtixaanaadka , waxaana rajeynayaa Natiijo Wacan”

Faadumo Cabdiraxmaan oo iyaa ka mid ahayd ardeydii u Fariisaneysey Imtixaanaadka Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed ayaa waxay uu ugu horeyntii u Mahadceliyey Macalamiintii Muddada Dheer u soo wadey Waxbarashada iyadoo sheegtey in uu ka rajeynayo Imtixaanaadka Darajo Sare

Qaar ka mid aha ardeydii galeysey ama u fariisaneysey Imtixaanaadka Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed oo aan wareysaney ayaa waxaa sheegeen Dhamaantood in Dareenkoodu Sareeyo islamarkaana ku faraxsan yihiin in ay u faristaan Imtixaanaadkii Waxbarashada ee Jaamacada waxayna ugu Dambeyntii u Mahadceliyeen Macalimtii ku Dadaashey islamarkaana kor u qaadey Aqoontooda
somali190
“Waxaan u soo jeedinayaa ardeyda Dhameysatey Dugsiyada Sare ee Dalka in Jaamacadda Caalamiga Horseed ay Diyaar u tahay in ay soo dhaweyso islamarkaana u Fududeyn doonto wixii ku saabsan soo gelitaanka Jaamacadda Horseed, sidoo kale ardeyda Dhameysatey Shahaadada Bachelor waxaa loo diyaariyey Waxbarashada sare ee Master Degree-ga, weliba waxaan ugu Bishaareynayaa in iyagoo oo jooga Guryahooda , Gobolada iyo Degmooiyinka ay qaadan doonaan Waxbarashadooda” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Jaamaxadda Horseed Cabdikariim Shiikh Maxamed

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Amisom oo ka qayb galey Kulan lagu soo Dhaweyn Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada G/Hiiraan.

Waxaa Magaalada Baled weyne ee Gobolka Hiiraan lagu qabtey Kula balaaran oo u jeedkiisu ahaa soo dhaweynta Gudoomiyaha Cusub Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed, waxaana kulankaas ka qayb galay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom ee ku sugan Gobola Hiiraan, Siyaasiyiin,Waxgarad, Aqoonyahano, Dhalinyaro,Haween iyo Marti Saharaf kale

Ku simaha Ururka Dhalinyarada Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Yaasiin Maxamed oo ugu horeyntii halkaas ka Hadley ayaa waxaa uu u Mahadceliye intii isku soo dubaridey Munaasabada lagu soo dhaweynayo Gudoomiyaha Cususb ee Dhalinyarada Gobolka Hiiraan iwuxuuna halkaas ka balan qaadey in ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan uu ka shaqeyn doono isku xirnaanta Dhamaan Dhalinyarada Gobolkka isagoo sheegey n ururka uu dadaal dheeraad ah ugu geli doono sidii Dhalinyarada Gobolka hiiraan uu ugu abuuri Shaqooyin

Sidoo kale Waxaana halkaas Khudbad dheer ka soo jeediyey Taliye ku xigeenka Ciidamada AMISOM ee Gobolka Hiiraan Col Mario oo Mahadcelin Ka Dib Waxaa uu sheegey in Ciidamada Amisom ay la shaqeyn doonaan Ururka Dhalinyarada ee ay Hogaamiso Muno Xasan Maxamed isagoo raalin gelin ka bxiyey Kulan ay hore uga qayb galeen oo ka dhacay Magaalada Baled weyne

Xubnhii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Afhayeenka Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Axmed Barre Kuusow iyo Anisa Maxamed waxayna ugu baaqeen Dhamaan dhalinyarada Gobolka Hiiraan in ay ka shaqeeyaan Horumarka Bulshada ku nool Gobolka islamarkaana ay iska Iloobaan waxyaabaha kala geynaya kaasoo ay sheegeen in uu Dib u dhaca u keenayo Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Cusub Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed oo aan Wax ka weydiiney waqtiga ay tageyso Gobolka Hiiraan ayaa waxay tiri “ Dhawaan ayaa tagayaa Gobolka Hiiraan waxaana halkaas ka furi Doonaa Tababaro ku saabsan habka Hogaaminta si dhalinyarada ay u noqdaan kuwa Bulshada u horseeda Dowlad Wanaaga iyo mid aan k wacyi gelin doono Dhamaan Bulshada ku nool Goboka si loo xoojiyo Nabada iyo isdhexgalka , Dhinaca kale waxay baaq ku aadan Joojinta Colaadaha ka soo cusboonaaday u dirtey Dhamaan Bulshada ku nool Gobolka si ay uga qayb qaataan dib u heshisiin Dadka ku nool Gobolka
somali189

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Shirkada Korontada Banaadir (BECO) oo Qiime Dhimis Balaaran u sameysey Bulshada Soomaaliyeed.

$
0
0

Shirkada Korontada Banaadir (BECO), ayaa qabtey Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey ismarkaana waxay Munaasabadaas ay ahayd mid ay shirkada hoose ugu dhigeyso Sicirka Korontada ee ay siiso Bulshada Soomaaliyeed  waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey , Waxgarad, Odoyaasha Dhaqanka, Ganacsato, Shrkado, Jaamacadaha, Dugsiyada iyo marti Sharaf kale .koronti191

“Shirkadda Korontada (BECO) bulshada ayaa iska leh. Maantana waxa aan sameynay Qiima dhimis aad u weyn, mid kalana dhawaan ayaan sameyn doonnaa. Waxa aan idinka rajeyneynaa adinkana in aad nala shaqeysaan, taladiina muhiim ayey noo tahay. Shacabkeennu waxa ay helayaan koronta raqiis ah iyo shaqaala tababaran oo u jooga qancintooda., intaas oo dhanna waxaa naqu qasbaya qancinta Macaamiisheena sharafta Mudan sidaa waxaa yiri Cawil Tooxow Khayre oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada  Korontada Banaadir .

Ciise Maxamed Cabdi, Madaxa Howl-gelinta Shirkada Korntada Banaadir oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkada oo  goobta ka hadley mar uu ku dhawaaqayay  qiime Dhimsta waxaa uuna Yiri, “BECO waxaa la’aasaasay sanadkii tegay, waxa ayna durbadiiba sameysay dhowr jeer qiima dhimis  waxaana maanta , halkii Kilo-Watt qiimahiisu noqonayaa 0.79 Cent ,  halka markii hore ka hayd 1.20 Cent waxaana rajeyneynaa in dhawaan aan sameyno qiima dhimistii midii ugu  balaarneyd”.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha  Jaamacada SIU, Prof Yaxye oo yiri, “Aad ayey u mahadsan yihiin Maamulka BECO oo aan ku amaanayo dadaalkooda. Muqdisho waa Shirkad ku dayasho Mudan. Korontada laga helo waxa ay wax badan ka wanaagsan tahay dalalka deriska la ha Soomaaliya . Qiima dhimista hada la sameeyayna aad ayaan u soo dhaweynayaa. Aniga ahaan bishii waxa aan koronto ku bixi jiray $4,000 oo Doolar marka aan xisaabtamayna waxaa ii hari doona lacag fara badan ”.

Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Muqdisho Maxamed Xassan Xaad oo isna halkaa ka Hadley ayaa si weyn  u soo dhaweeyay  qiima dhimista aadka u balaaran ee Shikadu sameysay isaga oo ku booriyay in ay sii wadaan dadaalka muuqda ee ay hayaan Bulshada Soomaaliyeed oo si weyn haatan ugu tiirsan Isticmaalka Korontada

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


R/Wasaare Cumar oo Caawa ku dhawaaqay Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada

$
0
0

Muqdisho, Januari 11, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa caawa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, kadib markii uu wada tashi kala sameeyey Madaxweynaha, Gudoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, Ra’iisul Wasaare Cumara ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaanta siin doonto dhamaystirka howlihii horey loo soo qabtay iyo dar-dar gelinta kuwa dhiman, isagoo tilmaamay in golaha wasiirada ay ku jiraan xubno muhiim ah oo shaqooyin badan soo hayey, hadana halkeedkii ka sii wadaya si loo xaqiijiyo waqtiga yar ee haray loona dhamaystiro howlaha culus ee horyaala Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa ka codsaday xubnaha golaha Shacabka in ay meel mariyaan xubnaha golaha Wasiirrada cusub si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee horyaala.
“Waxaa jiraya isla xisaabtan dhab ah si looga guul gaaro aragtida 2016, dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin ku dhaca hab dimuquraadiya.Waxaan rajo badan ka qabaa in xildhibaanada baarlamaanku ay soo dhaweyn doonaan magacaabista golaha xukuumadda. Iyagoo fiirinaya marxalada dalku marayo ayna ansixin doonaan xukuumada cusub”.

“Waxaa na horyaala howlo badan oo u baahan in mudnaanta la kala siiyo, waxaan dadaalka ugu badan galin doonaa sidii dalka loo nabadayn lahaa, waana muhiim in waqtiga yar inaan ku dhamaystirno howlo badan oo qabyo ah, taas oo ay ugu horayso xoraynta goobaha ay nabadiidku dalka kaga hareen” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajaynaa golaha cusub ee Xukuumadu iney si daacadnimo ah u gutaan shaqooyinka baaxada leh ee horyaala, noqdaana kuwo wada shaqayn la yeesha dhamaan qaybaha kala duwan ee Hay’adaha dowalada, wuxuna u mahadceliyey dhamaan xubnihii soo codsaday kamid noqoashada golaha Wasiirada, una hambalyeeyaan Wasiirada cusub, una muujiyaan wada shaqayn.

Magacyada xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasaaradaha loo magacaabay waa sida ku cad shaxda hoos ku taal:

Magacyada Wasiirrada

1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen
2. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda
3. Axmadey Sh. Mukhtaar Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
4. Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
5. Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda
6. Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga
7. Cabdirixman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
8. Cabdullahi Maxamed Cali Wasaaradda Amniga Gudaha
9. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada
10. Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
11. Maxamud Cali Magan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
12. Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasaaradda Arimaha Dastuurka
13. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
14. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
15. Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
16. Maxamed Cumar Caymooy Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
17. Cabdalla Boos Axmed Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
18. Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasaaradda Beeraha
19. Ducaale Aden Maxamed Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
20. Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
21. Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
22. Khadiija Maxamed Diriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
23. Maxamed Mukhtar Ibrahim Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
24. Daauud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
25. Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
26. Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Caafimaadka

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha

1. Cabdullahi Yusuf Alankey Wasaaradda Amniga Gudaha
2. Maxamuud Hayir Ibrahim Madaxtooyada
3. Khalid Cali Cumar Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Maxamed Adan “Fargeti” Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
5. Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda
7. Xasan Maxamed Jimcaale Wasaaradda Arimaha Dastuurka
8. Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda
9. Caadil Sheegow Sagaar Xiriirka Baarlamaanka

Magacyada Wasiir Ku-xigeenada

1. Cabdullahi Bile Nur Wasaaradda Caddaaladda
2. Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
3. Saacid Xaji Maxamuud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Fahma Axmed Nur Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdalla Xuseen Cali Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Mahad Maxamed Salad Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
7. Ibrahim Yarow Isaq Wasaaradda Amniga Gudaha
8. Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashada
9. Yusuf Xayle Jimcaale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
10. Sharif Maxamed Xasan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
11. Xaji Cali Sh. Maxamed Nur Wasaaradda Arimaha Dastuurka
12. Maxamed Kheyrow Maxamed Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
13. Cabdullahi Colaad Rooble Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
14. Xirsi Adan Rooble Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
15. Maxamed Cumar Geedi Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
16. Cabdishakur Cali Mire Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
17. Cabdirashid Maxamed Xiddig Wasaaradda Beeraha
18. Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
19. Sacdiya Careys Ciise Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
20. Cusman Libaax Ibrahim Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
21. Mumina Sh. Cumar Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
22. Saciid Jamac Maxamed Qaalib Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
23. Maxamed Axmed Abtidoon Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
24. Cabdikarin Cige Guuleed Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
25. Dr. Cusman Maxamud Dufle Wasaaradda Caafimaadka

cumar1

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra’iisu-Wasaaraha Xukuumadda JFS

Cumar Cabdrashiid oo ka jawaabay Hadal ka soo yeerey Qaar ka mid Xildhibaanada oo ku hanjabey in aysan Codka Kalsoonida siin doonin Xukumadiisa

$
0
0

Muran iyo Khilaaf weyn oo ka dhashey Magacaabistii Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Golahiisa Wasiirada , waxaana Magaalada Muqdisho durba ka bilowdey Shirar Goon Gooni ah o ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda Magacaabistaas , waxaana Kulamadaan Hogaaminaya Xildhibaanadii iska waayey Liiska Golaha Wasiirada.

Xubnaha ugu cad cad ee doonaya in aan la siinin Codka kalsoonida Xukuumada Cumar Cabdirashiid waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Wasaarada arrimaha Gudaha ee Dowladii Cabdiweli Shiikh Axmed Mudane Cabdulaahi Joodax Barre oo hore ugu mid ahaa Wasiiradii sida weyn u doonayey in ay dhacdo Xukuumadii Cabdi weli, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Fowsiyo Yuusuf Xaaji aadan iyo Xubno kale kuwaa oo Magacaabista Golha Wasiirada ku tilmaamey mid ku dhisan Nin Jecleysi.

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa sheegey Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid uu iska indho tiray baaqii aan u jeedineynay, sdaa darteed magaaabistaas waxaa intaas iii raaciyey mudanaha “Shacabka ayaa anaga ma talnaa, waxaana idin balan qaadeynaa inaanan codka kalsoona siin doonin, marka la horkeeno Baarlamaanka. Meeshii laga keenay ayaan ku celin doonaa sidoo kale isga ayaa marka dambe Mooshin ka keeni doonaa .”

Warar baa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uusan ku qanacsaneyn qaabkii loo soo dhisey Xukuumada islamarkaana waxana la sheegey in aan laga talagelin Magacaabistaas hase yeeshee Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ku dhawaaqey Waqtiga Xukuumada Cumar Cabdirashiid uu hor imaanayo Baarlamaanka taas ah maalinta Sabtida oo ay bisha tahay 17 Janaayo

Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegey inuu la fariisan doono Xildhibaanada diidan Xukuumadiisa, kana dhaadhicin doono waxa ay tabanayaan, hase ahaatee waxaa uu ku dooday in sababta uu u soo magacaabay qaar ka mid ah Wasiiradii Xukuumaddii hore ay tahay in aysan hakad gelin howlihii muhiimka ahaa ee la soo qabtay hase yeeshee Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya in Ra’iisul Wasaaraha uu gua baxay Balantii ay la galeen Raiisul Wasaaraha oo ahaa in uusan Dowladiisa ku soo darin Wasiiradii hore hadaba la arki doonaa Kulanka Baarlamaanka ee Sabtida
image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Wasiirkii hore ee Khayraadka Badda oo Geeriyoodey

$
0
0

R/Wasaare Cumar ayaa ka tacsiyeeynaya geeridii ku timid Wasiirkii Khalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Coloow Barroow.

Muqdisho, Janaayo 16, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Coloow Barroow ku-simihii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib xanuun hayey muddooyinkii u danbeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xukuumadda magacaaban, dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Maxamed Colow Barroow, isagoo sheegay in marxuumku door weyn ka soo qaatay dib-u-soo kabashada dalka iyo dhisitaanka dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay marxuum Maxamed Coloow inuu Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa lillaahi wa innaa Ilaahi raajicuun

—Dhammaad—

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya.
Muqdisho, Soomaaliya

Xukuumada Sharmaarke oo la sheegey in ay ku adkaan doonto in ay Codka Kalsoonida ka hesho Baarlamaanka maalinta Beri ah

$
0
0

Maalinta Sabtida waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaa Xubnaha Baarlamaanka si Xukuumada uu dhawaan soo dhisey Raiisul wasaaraha Dowladda Federaala ee Cumar Cabdirashiid u siiyaan Codka Kalsoonida ama u didaan hase yeeshee Maalintii Kkamiista ahayd ayaa Raisul wasaaraha loo diidey in Waqti loogu daro Kalfadhiga baarlamaanka .

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Kulamo kala goon gooni ah oo looga arinsanayo waxa laga yeelayo Kulanka Beri ee ay isugu imaanaya Xubnaha Baarlamaanka si Codka Kalsoonida loogu qaado Xukuumada Sharmaarke , waxaana kulmada ugu badan leh in Xukuumada ay hesho Codka Kalsoonida ka dib markii maalintii Khamiista ah loo diidey Raiisul Wasaaraha in waqti loo kordhiyo , diidmadaas ayaa waxay walaac ka muujiyey Xubnaha Taageersan Xukuumada ,

Xildhibaano ka tirsan Xukuumada oo Dibada ku maqan ayaa waxaa Shaley iyo Xaley lagu wargeliyey in ay soo Xaroodaan , waxaana arintaan ka dambeeya Xildhibaanada taageersan Xukuumada kuwaa oo doonaya in ay helaan Codad Dheeraad ah hase yeeshee Dadka odorosa Siyaasada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ay adkaan doonto in Xukuumada Sharmaarke ay hesho Codka kalsoonida hadaba waxaan Dhowrnaaba waa kulan Beri iyo Baarlamaanka iyo waxa ka soo baxaimage

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

JE SUIS MUSLIM (Waxaan nahay Muslim) Hal-ku-dhigga Banaanbixii ay dhigeen Ardeyda Jaamacada Soomaaliya.

$
0
0

Marka la weeraro Dadka Madow, reer Galbeedka ama Dadka Dimoqraadiyadu Madax martey waxay yiraahdaan “Waa Midab Takoor” (Racism) Marka la weeraro Dadka Yuhuuda ah waxay dhahaan “Yuhuud Naceyb” (Anti-Semitism) marka arrimo Haween laga hadlo waxay yiraahdaan “kala Soocida Ragga iyo Dumarka” (Gender Discrimination), marka la weeraro Ragga isu taga ama isu Galmooda waxay la soo boodaan “ Waa Dulqaad la’aan” (Intolerance), marka la weeraro Wadankooda ama Wadan kale waxay yiraahdaan “Argagixiso” (Terrorism), marka Mad-hab Diimeed la weeraro waxay la soo boodaan “Waa Hadal Naceyb” (Hate Speech), laakiin marka ay weeraraan ama wax ka sheegaan Sharafta iyo Karaamada Nabigeenna Muxamed (NNKH) Waxay yiraahdaan waa “Xorriyatul Qowl” (Freedom Expression) taasoo ah mid aan noo Cuntamin oo aan ka dabaaqeyno .

image
Intaas markaan ka soo Gudubno, inta badan jaraa’idka Wadamada Reer Galbeedku waxay ku dhiiradeen Waqtiyadaan dambe oo ay dabacayeen sawir Gacmeedyo lagu aflagaadaynayey Nebigeena Muxamed NNKH, waxaana ugu dambeeyey Wargayskii Faransiiska ee Charlie Habdo, taasina waxay ka caraysiisay Muslimiin badan oo ku nool dunida Dacaladeeda, waxaana Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Sawir Gacmeedkii lagu af-lagaadeeyey Nebigeenna Muxamed NNKH uu ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana soo Agaasimey Maamulka, Macaliiinta iyo Ardayda Jaamacadda Soomaaliya

image

Banaanbaxaan ayaa Ardeyda Jaamacadda waxay Wateen Boorar ay ku Cambaareynayeen Wargeyska Charlie Habdo iyo Taageerayaashiisa, islamarkaana ay ku muujinayeen Muslinimadooda iyo sida mar waliba uga go’an tahay In ay Difaacaan Sharafta Karaamada Nabi Muxamed NNKH, Boorarka waxaa ku Qornaa Afka Faransiiska “ JE SUIS MUSLIM” oo Macnahiisu yahay (Waxaan nahay Muslim) sidaa darteed Banaanbaxaan waxaa uu ahaa mid ku dayasho Mudan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live