Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

Bulshada Rayidka oo ka Hadley Khilaafka u dhaxeeyo Madaxda Dowlada codsadeyna in la dhameeyo.

$
0
0

Cabdulaahi Maxamed Shirwac “Khilaafku waxaa uu salka ku hayaa Saddex arrimood”

Cabdi Abshir Dhoore “Waa in Shacabka la xisbaabtamaan madaxdooda”

Mudane Abkow “Bulshada rayidka waxay jecel yihiin in la dhameeyo khilaafka maadaama ay dowlad ku nool yihiin”

maanta oo ay taariikhdu tahay 29 october 2014 waxay dalladda SOSCENSA Jjilayaasha aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo bartamaha soomaaliya) ku qabteen xaruntooda magaalada muqdisho kulan wada tashi oo looga arrrinsanyey khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda federaalka gaar ahaan madaxweynaha iyo raiisul wasaarihiisa

xubnihii halkaas ka adley waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abow oo ka mid ah xubnaha bulshada rayidka waxaana uu sheegey in khilaafka u dhaxeeya laba mas’uul ee ugu sareysa owladda federaalka uu sababey sicir barar ku yimid dhamaan cuntooyinka laga soo saaro dalka guddihisa iyo kuwa laga keeno dalka dibadiisa taasoo uu sheegey in bulshada soomaaliyeed aaney xamali karin oo ay culeys ku tahay, waxaana uu kulanka ka sheegey sida ay u jecel yihiin in khilaafkaan la soo afjaro maadaama ay dadka yihiin kuwa dowlad ku nool ah.

Screen shot 2014-10-29 at 7.49.00 AM
waxaa kale oo kulanka ka hadley Cabdi Abshir Dhoore oo ka mid ah saraakiisha rugta ganacsiga soomaaliya waxaana uu yiri “Aniga ma doonayo in aan la hadlo madaxda dowlada ee waxaan doonayaa in aan la hadlo shacabka soomaaliyeed waxaana leeyahay oo ku boorinayaa in shacabku ay la xisaabtamaan madaxdooda kuna abaal mariyaan wax qabadkooda xumaan iyo samaan marka aan sidaa leeyahay madaxdu waxay ka bilaabantaa xildhibaan, wasiir, raiisul wasaare iyo madaxweyne waxaana qabaa in cid waliba lala xisbaatamo”

Gabagabadii kulanka waxaa ka hadley gudoomiyaha dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo yiri “ khilaafkaan waxaa uu soo tixnaa tan iyo sannadkii labada kun, mana aha mid loo dulqaadan karo sidaa darteed waxaan ka codsaneynaa Xildhibaanada baarlamaanka in ay u istaagaan xalinta khilaafka madaxda dowladda iyagoo ka fogaanaya qabiil, eex iyo musuqmaasuq “ waa uu sii hadley mudane Shirwac waxaana uu yiri Kkhilaafkaan waxaa uu salka ku hayaa saddex arrimood kuwaas oo kala ah kow madaxda dowladda oo aan u tureyn shacabkooda, labo iyagoo aan ilaalineyn sharciga dalka u yaala maadaama aan la sameyn maxakamadii dastuuriga ahayd iyo saddex marka labadaas isbiirsadaan waxay keentey wada shaqeyn la’aan dhexdooda ah “

Isagoo ku hadlaya magaca bulshada rayidka mudane Shirwac waxa uu ku taliyey “ in Dhammaan bulshada soomaaliyeed ay u istaagaan dib u eegis lagu sameeyo dastuurka ku meel gaarka ah waxaana balan qaadeynaa in arrintaas soscensa door muhiim ah ka qaadaneyso “ Waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “ waxaan baesha caalamka iyo dadweynaha soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay gacan ku siiyaan haya’daha dastuuriga ee dalka sidii ay howshooda u qabsan lahaayeen lana taageero wixii ka soo baxa laguna kalsoonaado ”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka oo Muqdisho soo gaaray taageerana u ballanqaaday nabadda, amniga iyo horumarinta gobolka

$
0
0

Muqdisho, 29-ka Oktoobar 2014 – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay taageero ugu ballanqaadaan kalaguurka Soomaaliya iyo dadaalka loogu jiro xoojinta amniga iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika dhammaantiisa.

Booqashada wadajirka ah ee heerka sare ayaa imanaysa waqti muhim u ah Soomaaliya oo hadda guulo la taaban karo ee xagga amniga ah ka gaaraya dagaalka ka dhanka ah fallaagada Al-Shabaab, horeyna u sii wada dibuhabayn siyaasadeed oo lagama maarmaan ah oo ujeeddadeedu tahay in doorashooyin qaran la qabto sannadka 2016. Wafdigu waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali, iyo wakiillo sarsare ee ka socda Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub.

“Qaramada Midoobay, Bangiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, anigana waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida inaysan keligood ahayn iyo inaan laballaabi doono dadaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaaray sannadihii dhowaa,” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Soomaaliya waxaa horyaalla caqabado xagga siyaasadda, amniga, horumarka iyo gargaarka baniaadanimo oo ka dhashay labaatankii sanno ee uu dalku colaadda ku jiray, laakiin waxaa dhiiragelin leh guulaha dhowaan la gaaray, oo ka midyihiin sameynta maamul-goboleedyada iyadoo si dhow loola kaashanayo Dowladda Federaalka. In la dhiso Soomaaliya oo xasilloon waxay xaqiijin doontaa amni ballaaran iyo dhaqaale barwaaqo ah oo ka hirgala Geeska Afrika gebi ahaantiisaba.

Waxaa loo bahanyahay in qaybaha bulshada Soomaaliya ee ugu nuqul ee aan xuquuqdood la siinin, oo ay ka midyihiin barakacayaasha, kuwa dib u soo noqday, haween iyo dhallinyarada, laga qaybgeliyo hanaanka nabadaynta iyo dowlada-dhisidda. Waxaa muhim ah in la helo midnimo siyaasadeed oo joogta ah si ay Soomaaliya u gaarto yoolka ay hiigsanayso oo ah isbedel siyaasadeed.

“Kalaguurka Soomaaliya waa fursad aan lahayn wax loo dhigo oo ay dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrikaba sare ugu qaadaan hab nololeedka dadka iyagoo ka qaybgelinaya hawlaha wax soo saarka dhaqaalaha,” ayuu yiri Kim. “Xasillooni siyaasadeed iyo amni dadweynaha waxay shuruudo muhim ah u yihiin yareynta saboolnimada xad dhaafka ah iyo kordhinta barwaaqo ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed.”

Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, iyagoo la kaashanaya saaxiibada kale ee hawsha la wadaaga, waxaa ka go’an inay dardargeliyaan barnaamijyada ay ka wadaan dalka gudihiisa si ay u taageeraan ujeeddooyinka siyaasadeed, amni iyo kuwa horumarineed ee Soomaaliya, sida ku qeexan Heshiiska “Hiigsiga Cusub” ee lagu heshiiyay sannadkii hore. Geeddi-socodka nabadaynta iyo sare u qaadidda kaalmada caalamiga waxay u baahnaan doonaan dadaal loo wada dhanyahay oo hufan oo ay bixiyaan dadkoo idil.

Dowladda iyo saaxiibadeeda waxay sidoo kale u baahanyihiin inay xal waara u helaan abaaraha iyo macluusha soo noqnoqonaya, kuwaasoo dadka badidooda ka dhigay ku sabool ah oo dhibaatada u nugul. Waa in mudnaanta kowaad la siiyaa in dadka saboolka ah iyo kuwa aan helin xuquuqdooda ay helaan fursadaha dhaqaalaha. Isagoo ka hadlaya xaaladdan, Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ugu baaqay saaxiibada caalamka ee hawsha la wadaaga inay gacan ka geystaan sidii loo buuxin lahaa lacagta ka dhiman kaalmada lagu bixiyo gargaarka baniaadanimo ee Soomaaliya. In ka badan 3 milyan oo dad ah ee dalka jooga ayaa kaalmo u baahan, iyadoo la bixiyay kelya boqolkiiba 34 (34%) oo ka mid ah baaqii gargaarka baniaadanimo ee la jeediyay sannadka 2014.

Wefdiga heerka sare wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si looga dodo kalaguurka dalka iyo muhimadda weyn ee uu u leeyahay amniga dadka iyo mustaqbalka dhaqaalaha gobolka. Waxay kaloo la kulmi doonaan Ra’iisal Wasaarah, Cabdiweli Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Usmaan Jawaari, iyo mas’uuliyiin sarsare ee ka tirsan Dowladda iyo wakiillo ka socda bushada rayidka Soomaaliya.

Socdaalkan waa kii labaad ee uu Xoghayaha Guud ku tago Soomaaliya – wuxuu horey u booqday dalka sannadkii 2011 – waana booqashadii ugu horeysay ee Madaxweynaha Bangiga Adduunka uu dalka ku tago. Bangiga ayaa kordhiyay hawlaha uu ka wado iyo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya sannadahan dambe, taasoo muujinaysa in dalka uu ka socdo isbedel ka dib colaad dheer oo qaadatay hal jiil.

un
La xiriir:
Qaramada Midoobay:
Magaalada Muqdisho: Aleem Siddique, +254 41 350 6862, +252 699 225 783, siddiquea@un.org
Kooxda Bangiga Addunka:
Magaalada Nairobi: Peter Warutere, +254 20 293 6444, pwarutere@worldbank.org
Magaalada Washington: Aby Toure, + 1(202) 473 8302, akonate@worldbank.org

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM:
www.unsom.unmissions.org

UN Secretary-General and World Bank Group President arrive in Mogadishu, pledge support for regional peace, security and development

$
0
0

Mogadishu, 29 October 2014 – United Nations Secretary-General, Ban Ki-moon, and World Bank Group President, Jim Yong Kim, arrived in Mogadishu to pledge support for Somalia’s transition and for efforts to strengthen security and development across the wider Horn of Africa region.

The joint high level visit comes at an important time for Somalia which continues to make significant security gains against the Al-Shabaab insurgency, and is pushing forward essential political reforms with the goal of holding national elections in 2016. The delegation will also include Islamic Development Bank President Ahmad Mohamed Ali and senior representatives of the African Development Bank, the African Union, and the European Union.

“The UN, World Bank Group and indeed the international community as a whole are committed to helping the Somali people. Somalia is on the right track and I am confident that its people will rise to the challenges its country still faces. We are here to tell Somalis that they are not alone and that we will redouble our efforts to help them protect the gains made in recent years,” Ban Ki-moon said.

Somalia faces political, security, development and humanitarian challenges from its over two decades of conflict, but recent advances, including the creation of regional administrations in close cooperation with the Federal Government, are encouraging. Building a more stable Somalia will ensure greater security and economic prosperity across the Horn of Africa.

Somalia’s most vulnerable and marginalised communities, including the displaced, returnees, women and youth need to be included in the process of peacebuilding and statebuilding. Continued political unity will be essential for Somalia to meet its goals for democratic transformation.

“Somalia’s transition is a unique opportunity for the nation and the wider Horn of Africa region to improve the livelihoods of the people by engaging them in productive economic activities,” said Kim. “Political stability and human security are important pre-requisites for reducing extreme poverty and increasing shared prosperity for the Somali people.”

The United Nations and the World Bank, in cooperation with other partners, are committed to accelerate their programmes on the ground to support Somalia’s political, security and development goals, as set out in Somalia’s “New Deal” Compact agreed last year. The peacebuilding process and the scaling up of international assistance will require inclusive and transparent efforts by all.

The government and its partners also need to find a more sustainable solution to the frequent drought and famines, which have left the majority of the population poor and vulnerable. Access of the poor and marginalized to economic opportunities is a key priority. In this context, the Secretary-General also called for international partners to help meet the funding gap for humanitarian assistance to Somalia. Over 3 million people in the country are in need of assistance, while the humanitarian appeal for 2014 remains only 34% funded.

The high level delegation will meet with Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud to discuss the country’s transition and its critical importance to human security and economic prospects in the region. They will also meet with Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed, Speaker of the Federal Parliament Mohamed Osman Jawari, senior Government officials and representatives of Somalia’s civil society.

The trip marks the Secretary-General’s second visit to Somalia – he previously visited in December 2011 – and the first visit for the World Bank President. The Bank has stepped up its engagement in Somalia in recent years, evidence of the country’s ongoing transformation after a generation of conflict.

world bank
Contacts:
The United Nations:
In Mogadishu: Aleem Siddique, +254 41 350-6862, +252 699 225 783, siddiquea@un.org
In New York: Vannina Maestracci, +1 (917) 367 0293, maestracci@un.org
The World Bank Group:
In Nairobi: Peter Warutere, +254 20 293 6444, pwarutere@worldbank.org
In Washington: Aby Toure, +1 (202) 473 8302, akonate@worldbank.org

Dalanbaabi socod – Maanso Dareen Huwan

$
0
0

Adeegsiga iyo xiisaynta gabayada, maansooyinka dadku iguma baran, iskaba daa inaan
tiriyee, qudhaydu iskuma ogeyn wax habeysan oo aan hore maanso ahaan u idhi.

Si kastaba ha ahaatee, wakhtiyada qaarkood waxa ku soo maraya xaalado iyo
dhacdooyin, aanad si sahlan u cabbiri karin, hadaad is tidhaahdo qoraal ku muujina laga
yaabo inay sharraxaad badan kaaga baahato, qoraalkuna afmeeridba yeelan waayo.
Gabeygu waa waxyaalaha ugu wanaagsan ee macne balaadhan si kooban loogu cabbiri
karo.

Halkan waxaan ku soo gudbinayaa maanso deelay ah, oo jiifto ah, taasoo taabanaysa
waayahay bulshada soomaaliyeed ku xeeran iyo sida wax ugu muuqdaan qoraha maansadan (intaanan maansadan idinla wadaagin waxaan u bandhigay Saaxiibkay Abwaan Mohamed Hirsi Guuleed /Abdi Bashiir oo u qiray inay tahay maanso in la baahiyo mudan, wakhti ku haboonna timi):

Maansadu waxay si guud u tilmaamaysaa arimahan:

1) Sida ummadda soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan dad iyo dalba loogu tashaday,
iyana ay u badhitaarayso qorshayaasha lagu gumaynayo dadnimadeeda, lagu boobayo
hantideeda, laguna bedelayo diinteeda.
2) Siday u dubaysantahay, hadana u dareen la’dahay.
3) Siday da’yartii iyo maskaxdii dalku tahriibka u maciinsatay, saxarahana loogu kufsanayo,
loogu dhacayo, uguna dhimanayso badaha, sidii adoomahana loo kala iibsanayo.
4) Dhinaca kalena dhulkeedii halis ugu jiro inuu umado kale u gacan galo, oo dhaxal
wareego.
5) Siday ugu rahman tahay danaystayaal aan u danqanayn darxumada bulshada, sidoo ka
fekereyn mustaqbalka dalka ee hogga ku sii dhacaya.
6) Siday awoodaha kala duwan ee leh Haya’ado, Dawlado iyo Umado Midoobayba ugu suxul duuban yihiin bahdalaadayda iyo boobka khayraadkayga, siday ku dawarsigayga ugu nool yihiin haddana iigu manno sheeganayaan inay daryeelkayga iyo dib u dhiskayga u taagan yihiin!Waxay maansadu bixinaysaa muuqaalo maskaxeed oo dareen huwan, waxay abuuraysaa su’aalo, waxa ka dhalan kara xisaabtan, hadii si togan loo akhriyo.

Maansadu waxay curatey 09/10/2014, waana tan maansadii ee ka bogasho wacan:
1. Dabuubteeda maansada
2. Dareenkeed anoon qabin
3. Dug uun maygu soo tidhi
4. Miyaa laygu soo degay
5. Ma dareen dednaaba
6. Daaha maanta laga rogay
7. Maxaa tolow I daaroo
8. Igu kiciyey doogtani
9. Doodu aniga maahee
10. Deelaydu waxay tidhi:
11. Bulshayahay dayeysani
12. Arimahan dahsooniyo
13. Boholahan dallaaliman
14. Dabaradan is daba yaal
15. Ma u daymo leedahay?.
16. Duullaan maldahaniyo
17. Qorshe lay diyaarshaan
18. Dadaal badan ku bixiyaa
19. Siduu dano la gaadhiyo
20. Dabin fula u noqon laa.
21. Waa weerar dedenoo
22. Doc fog laygu rarayoo
23. Demanaanta aniguna
24. Maba lihi dareenkaas
25. Dadkan sii hab-qamayee
26. La sii daabulaayee
27. Doob iyo islaanba leh
28. Waddo halaqdan degelka ah.
29. Dawgan aan dhammaanayn
30. Miyaan lagaba daalayn?.
31. Diiratadan wax madhisee
32. Magafuhu u daranyahay
33. Miyaan lagaba doogayn?
34. Dahab lagu muguujiyo.
35. Dirham looba waayeyn?.
36. Dadkan wada sunsumayee.
37. Sidii wanan la daabaxay
38. Dal shiyeeye loo diray
39. Dillaal iyo mallaal helay.
40. Daabaqaadda lagu dhigay
41. Ma duunyeysigiibaa
42. Dawladdaa dad-qaladka ah
43. Dulmi biishatada weyn
44. Dadka loogu rari jiray
45. Qarnigii dumee tegay?
46. Doc wareenkan ugubka ah
47. Da’yartii la wada tegay.
48. Dalkii meel xun buu dhigay.
49. Hadaan daawo loo helin.
50. Daacuunkan halista ah
51. Talo laysku wada darin
52. La daboolin boogtaas.
53. Umad dool ah baa iman
54. Deegaansan sabadaa
55. Awood aad ku didisiyo
56. Duco kaa xijaabtiyo
57. Sharci kaa dulqaadiyo
58. Duni kuu garowdiyo
59. Heli maysid dabar xidha.
60. Dili maayo maankoo
61. Dayrin maayo aniguye
62. Dalkan waan u baqayaa
63. Dalanbaabi socodkiyo
64. Dal shiyeeye tegistii
65. Maxaa diin la’aaniyo
66. Dadnimoo ku dhimatiyo
67. Caruurtoo dayacantiyo
68. Qooysaskoo ku duma iyo
69. Dhaqankoo la dilo iyo
70. Da’yar wada sillooniyo
71. Duumo aan la’ garaniyo
72. Diif iyo darxumo taal.
73. Bulshoy doodu waxay tahay
74. Dalkan yaa u maqanoo
75. Maatadan dayacanee
76. Derbi jiifka noqotee
77. Daasadaha ku huradaa
78. Daryeel ay ka dhawrtaa?
79. Dulmigiyo qabiilkiyo
80. Danaystahan qayyilayaa
81. Waa waxa I dilayee
82. cadow igu dallaalimay?.
83. Taa waxa ka sii daran
84. Kuwo dool ku soo degay
85. Dal shisheeye soo diray
86. Saan-cadoole iyo dugul
87. Inkastay daryeelkay
88. Dibnahaa ka sheegtaan
89. Dib markaad u eegtana
90. Dalan doolka igu dhacay
91. Iyagaa diyaarshoo
92. Bohol-dooxan ii qoday.
93. Waxtar daa warkiisee
94. Dushayday ku nool yiin.
95. Darxumada i haysay
96. Duunyo badan ku qaataan.
97. Deegaanka oo idil
98. Hadii aad dulmeertana
99. Inkastay dayuurado
100. Dolar adag ku racaan
101. Direys wacan ku joogaan.
102. Raad dib loogu raaciyo
103. Daryeel muuqda kama tegin.
104. Yadoo lay dullaystoo,
105. Dusha layga wada maray
106. Daw miyaanan heli karin?
107. Danahayga garan karin?.
108. Dulin aniga igu nool
109. Dalow madow ka ridi karin?
110. Ilaa aan is doorshoo
111. Danahayga raadsado
112. Wallee dabinka kama baxo
113. Rabow adigu noo door.
114. Dariiqii badbaadada.
115. Dakharadan i daashaday.
116. Ku bogsii dareen wacan.
117. Umad samaha doontoo
118. Dulmi diida naga yeel
119. Daalimiinta naga qabo
120. Diintana na garansii.

Dr. Abdulqani Hussein Mohamed
Email: Cabdiqani2@hotmail.com
abdulqani

Dhismo-Qaran

$
0
0

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Waxaan Rabaa inaan aqristayaasha la wadaago mowduucaan aan u arko in uu mihiim u yahay in ay fahmaan dhamaan dadka soomaalida ah anigoo mowduucaan idinku soo hordhigi doona 1- Tusaalooyin dalal aduunyada ku yaal oo dagaalo sokeeye aay ragaadiyen hada ka baxay oo dalkooda dib-u-dhis iyo horumar gaarsiiyay sida Angola, Algeria, Rwanda oo ku yaal qaarada Africa oo ah qaaradii dagaalka,faqriga,mugdiga iyo gaajada. Sidoo kale waxaan ku dari doonaa dalalka kale ee U-S-A iyo Greek oo ku kala yaal qaarada Europe & America. 2- Waxaan isku dayi doonaa inaan tooshka ku ifiyo dhinacyada laga dhisi karo sidoo kalana laga horumarin karo dalalku marka ay dagaalada kasoo baxaan? & Ugu dambeyn in hogaanku muhiim u yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta dalalkaa ?

Ka hor inta aan laga hadal Dhismo Qaran bal Akhristoow meel iska dhig oo iloow wax walba oo dalka ka dhacay oo aan inaku isku geeysanay ama hakugu dhaceen ama haku saameeyeen’e. Haatan & Dan Waxaa mudan in Qof Walba yar iyo weyn, Dowlad & Shicib in xooga iyo mudnaanta la siiyo dhismaha Qaranka taana micnaheedu ma aha in Buundooyin, Dekedo iyo Airportyo la dhiso balse in xooga, Xeelada iyo tacabka la isugu geeyo Dhisida Shhaqsiga Soomaaliga ah, Xaqiisa, Caqligiisa, Aqoontiisa & Fekerkiisaba. Qaranka lasheego oo dhan waa dadka.  Xoolaha, kheyraadka iyo waxwalba oo saaran micno malaha haduu dadki yahay kuwa ugu liita dunida. Sharciyada, Dastuurada, Habka Dowlada u dhismeyso, Siyaasadaha guud waa in ay yihiin kuwo dadka Dantooda ku Qotonta oo soo saarta bulsho isjecel, Walaalo ah, Muwaadiniin ah oo hiigsi leh.

Mid ka mid ah Aragtiyaasha Siyaasadeed ee jira Waxeey u Qeexdaa Qaran Dhisku  Sida tan “Qaran Dhisku Waa Howl ay si wada jir ah u Qabtaan Jileyaal/Xoogag Dibada ah {External Actors} iyo Dadka Hormuudka u ah Dalkaa Fashilmay Waxaana Dib loogu dhisaa, Lagana Caawiyaa Dhamaan Hey’adaha Dowliga ah Sida Sharci dejinta, Fulinta, Garsoorka, Xalinta Khilaafyada & Dib u Dhiska”  Qaran Dhisku wuxuu Qaataa Waqti, Dhaqaale, Juhdi, Aqoon iyo Xirfad. Waxaa inta howshu Qaran Dhisku socoto haboon in lagu garab wado Nabad Dhiska (Peacebuilding) oo ay isla socdaan lana dhameeyo dhamaan khilaafaadka dadka ka dhexeeyo. Khilaafaadkuna Sida Diinta & Cilmiga aduun isku waafaqsan yihiin xal looga gaari karo 3 Siyaabood:

  • In La is Cafiyo

Bulshada Qaan gaarka ah eel eh garasho & Damiir guud Waxeey leedahay Awood la isku cafiyo, Awood la isugu dulqaato, Awood la isugula samro. Waana Xal ma guuraan ah iscafiska & Qirashada in Qalad dhacay oo loo baahan yahay in laga wada gudbo oo la is wada cafiyo

  • In lakala Gar Qaato

Gari Alleey Taqaan’e in inta wax isku heeysata fariisato kala gar baxdo. Horayna  uma dhicin dadki saxda ahaa ee ay wax ka dhexeeyeen, Goobti & Waqtigi saxda ahaa, Arrimiha la isku heeysto ee saxda ah,  hadii la helo in aan meeshaa xal la’aan looga soo tageeyn balse Si kale ayey wax u socdaan oo Isbaarooyin ayaa yaalo!.

  • Tanaasulka & In Meel dhexe la isugu yimaado

Koox Walbaa in ay Wax ka tanaasusho oo meel dhexe la isugu yimaado. Dhaqanka Tanaasulka oo ah mid dahabi ahna waa mid aanan aqoon balse dheef badan sita yaase rabahee habar walba in ay dhimato ayey rabtaa’

Qaranku Sidiisaba Waxaa lagu tilmaamaa Qoys la balaariyay Masuuliyada ugu tunka weyna waa inuu soo saaro dad ama Bulsho qiyam, edeb, daacadnimo iyo aqoon u saaxiib ah hal abuur leh dunidana la jaanqaadi karta waxna kusoo kordhin karta. Dalkeenu Wuxuu leeyaahay dhamaab astaamaha Qaran loogaga baahan yahay oo idil. Dadku Waa isku Af, Dhaqan, Midab Dhamaan Astaamihi leh. Waa Sahlan tahay dib u dhisideeda iyo Horumarinteeduba.

Wadaniyada Waxeey leedahay dowr weyn oo u banaan oo dib ay uga qaadan karto soo dhiska Qaran dumay & dad Fashilmay sideena oo kale. Suugaanta, Fanka & Murtida Sidoo kalena Waxeey isku soo dhaweyn karaan Qalbiyo badan. Waxeey ka Qoslin karaan dad isku Xanaaqsan.

Dagaaladu iyo qilaafaadku waxeey qeyb ka yihiin Sooyaalka iyo nolosha aadanaha oo dhan oo hadii aad si fiican u eegto qisaska quraanku ka waramayo waxaad arkeeysaa in Nabi Aadam C.S labadiisii wiil u dagaalameen iskuna dileen qilaaf dartiis ilaa manta ayaa dagaaladu iyo qilaafaadku ka socdaan Syria, Ciraaq iyo meelo kale oo aduunyadu ku yaal.Waxaa jira dalal badan oo dagaalamay hadana fahmay in midnimadu iyo wada noolaashuhu tahay mid muhiim ah sidoo kalana lagama maarmaan u ah jiritaankooda, falsafada noloshooda, dhaqankooda, diintooda iyo in ay kasii mid ahaadaan aduunyada waxaa qilaafaad iyo dagaalo ka dhaceen dalalka Angola , Algeria Rwanda iyo Kuwo kale oo aan soo koobi doono taariikhda dagaaladaa iyo meesha ay ka taagan yihiin aduunyada manta balse waxaa sababa dagaalada badankood sad bursasho dhaqaale ama Kheyraad oo dadka qaarkii sameeyaan sidoo kale cadaalad darro, ku xad gudubka caqiido, aqoonsi, dhaqan iyo diin.

 

Tusaalaha 1-aad:  Angola

Dagaalki sokeeye ee Angola wuxuu biloowday kadib inyar xurnimadii Angola 1975 wuxuuna ahaa dagaalada sokeeye kii ugu dheeraa ee ka dhaca Africa oo socday mudu dhan 27sanadood. Dagaalkaan oo ka dhexeeyay labbo urur ee MPLA iyo UNITA oo dalkaa ka jiray oo xurnimada dalkaa usoo halgamay ayaa wuxuu salka ku hayay xukunka iyo qeyraadka dalka sidoo kale culimada ka hadasha siyaasada iyo arrimaha bulshada waxeey yiraahdaan in Angola ay garoon kubada cagta lagu ciyaaro u aheyd fikradihii

kala duwanaa iyo ururadii kala duwanaa ee aduunyada markaa ugu quwada weeynaa ee NATO IYO WARSAW iyo sidoo kale dalka Portugal oo gumeystay Angola balse dadka Angola ay kaliya dhaxleen dil, dhac , baaba’ iyo Qasaare balse toban sanno kadib Angola waxeey ka dhismeeysaa dhanka amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyada iyo Aqoonta oo waxeey ka mid tahay Angola dalalka soo koraya ee Africa ku yaal sidoo kalana dhoofiya.

Tusaalaha 2-aad: Algeria

Waxuu ahaa dagaal u dhexeeyay kooxo islaamiyiin mucaarad iyo dowlada Algeria wuxuu biloowday sanadkii 1991 oo badanaa dalalka Africa ku jireen ama galayeen mucaaradnimo iyo dagaalo sokeeye sida sierraleone, Liberia, itoobiya balse dagaalkan Algeria wuxuu kaga duwanaa dagaalada kale ee Africa waxuu ahaa mid ku saleysan diin iyo caqiido inkastoo hadana dadka Algeria badankoodu yihiin dad muslimiin ah ilaa 99% hadana dagaalkuu wuxuu galaaftay dad la’eg 150; 000 ilaa 20; 000 iyo sidoo kale dhaqaale iyo qeyraad badan balse dadka Algeria waa ay ka baxeen dagaalkaa sokeeye waxeeyna raadiyeen dawadoodii kadibna waa ay is dabiibeen oo maantana waxeey ka mid yihiin dalalka dhoofiya shidaalka ee la isku yiraahdo Organization of Petroleum Exporting Countries sidoo kalana xaga aqoonta iyo horumarka bulshada waxeey ka mid yihiin dalalka uu aad usoo koraayo.

Tusaalaga 3-aad:  Rwanda

Wuxuu dagaalkaa u dhexeeyay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Juvénal Habyarimana iyo mucaaradkii dalkaa ka jiray ee Rwandan Patriotic front wuxuuna salka ku hayay in la qeybsado awooda iyo qeyraadka dalka wuxuu joogsaday kadib markii lagu heshiiyay magaalada caruusha ee dalka Tanzania. Waxaa sidoo kale dagaalku uu sal u ahaa xiisado ka dhexeeyay labbo qowmiyadood oo dagan dalkaa oo kala ahaa Hutu iyo Tutsi oo ugu dambeyntii noqday dagaal ka dhexeeyay labadaa qowmiyadood. Rwanda waxaa ka dhacay xasuuq balaaran oo ka dhacay dalkaa waxaana jiray gacmo shisheeye oo lug ku lahaa dagaalkaa, xasuuqa iyo dhibaatada ka dhalatay dalkaa.Ugu dambeyntii waxaa soo afjaray dagaalkaa guushi RPF ee uu hormuudka u ahaa hogaamiyaha iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo lagu sheege in uu Rwanda ka dhigay dal horay u socda sheekadooduna u noqotay dalalka kale ee Africa in ay ku daydaan Rwanda oo gaartay horumar dhan walba si la mid ah dalaka kale ee sierra Leone iyo Liberia.

Africa oo kaliya ma aha aduunyada meelaha ay dagaaladu ka dhaceen balse waxaa jira dalal kale oo dagaaladu ka dhaceen sida:

Tusaalaha 4-aad: U-S-A

Wuxuu socday dagaalka mudu afar sanadood aheyd 1861-1865 oo u dhexeeyay dadka u dagan dalkaa wuxuuna ka dhashay kadib markii koox ka ka kala timid gobalo ka mid ah dalkaa USA ay ku dhawaaqeen in ay si gooni ah uga go’een dalka mareykanka kadib dowladii waqtigaa jirtay ee madaxweyne Abraham Lincoln uu madaxda ka ahaa waxeey goaansatay in ay la dagaalanto ilaa gooni u goosatkii laga adkaaday oo ay aqbaleen midnimada, wadajirka iyo dowladnimada maraykanka. Maanta waxaa la dhihi karaa in

USA tahay hormuudka dunida haba iska jiraan dhaliilo badan balse waxeey hormuud u yihiin dhamaan horumarka ka jira aduunka dhan walba.

Tusaalaha 5-aad: Greece { 1946-1949 }

Dagaalkan ka dhacay Greece wuxuu u dhexeeyay dowlada gariiga oo ay caawinayeen sidoo kalane garabtaagnaayeen dowladaha USA iyo Ingriiska iyo Urur la dhihi jiray Xisbigii shuuciyada ee gariga Greece communist party { GCP} oo ay garabtaagnaayeen pulgaria, yoguslavia iyo Albania dagaalkaa ayaa socday wajigiisii hore snadahii 1942-1944 hadana sidoo kale 1946-1949kii waxuuna dhaliyay qasaare iyo bur bur badan. Waxaa la yiraahdaa waxeey aheyd loolan u dhexeeyay NATO IYO WARSAW oo ka biloowday gariiga sidoo kale waxaa jiray heshiisyo iyo isku dayo in la isku keeno oo ay wada noolaadaan neeftoodana is ogolaato. Gariiga oo ah dal khadiimi ah ayaa dagaalo ka dhaceen si la mid ah dalalka kale ayey ayagana ka baxeen hormuudna u noqdeen dhisida iyo horumarinta midowga yurub.

* Sidee dib loo Horumarinkaraa dibna loogu dhisi karaa dalalku dagaaladu ka dhaceen?

Dagaaladu kadib in dib loo dhiso lana horumariyo waa marxalad aad u adag oo dhib badan sidoo kalana leh caqabado iyo godad fara badan oo celin kara hor joogsan karana in horay loo socdo oo meesha la hiigsanayo la gaaro sidoo kale ma howl yara mana sahlana in lasoo dhiso dal ay dagaalo, qilaafaad, Isfaham la’aan, is aaminaad la’aan iyo midnimo daro ka dhacday waxeey u baahan tahay waqti badan in la geliyo sidoo kale in maskax, dhaqaale iyo howl weyn la geliyo ayey u baahan tahay. Dalka soomaaliya mushkilado badan ayaa horyaal in dib ku dhis iyo horumarin laga hadlo, la qorsheeyo, lana hergeliyo waxaana ka mid ah qodobada soo socda ee u baahan in la fahmo in qasaare mooyee ayaan faa’ido keeneyn sida Qabyaalada, Cadaalad darada, Jahliga iyo qodobo kale oo aad u badan. Dhinacyada laga dhiraandhiriyo Dowlad & Qaran dhiskuba Waa badan yihiin Waxaana ka mid noqon kara Horumarinta iyo taageerida dowlad Wanaaga, Nabada iyo Qaar kale oo badan.

Lix dhinac ayaa la dhihi karaa waa ay ka horumari karaan kana dhismi karaan dalalka dagaaladu ka dhaceen oo kala ah:-

 

 

1} Dhisida Nabada iyo amniga {Peace & Security Building}

Nabada iyo amniga waxa ay aas aas iyo har u yihiin jiritaanka soo noqoshada, soo bidhaamida iyo soo dhisanka dal dagaaladu aafeeyeen. Dowlad kaliya ma soo celin karto nabad iyo amaan balse waxey u baahan tahay in bulshadana ka qeyb qaataan dhisida nabada iyo amniga si midnimo iyo jaceyl ku jirto waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in heya’daha nabada iyo amniga la xoojiyo sida saldhigyada booliska, ciidamada booliska iyo sidoo kale in laga shaqeeyo maxkamadaha iyo heya’daha cadaalada. Nin qubar ah oo ka hadla waxna ka qora culuunta dhisida nabada & xalinta khilaafaadka oo la yiraahdo John Galtung ayaa waxa ku taliyaa in nabada ku soo noqon karto laguna dhisi karo dhowr sheey oo ay ka mid yihiin hub ka dhigista maleeyshiyaadka, dhaqan celinta dadkii ama dhalinyaradi ka qeyb qaadatay dagaalada iyo bulshada ay ku noolaayeen, in bulshadu wada hadasho iyo in la horumariyo bulshada rayidka ah.

2} Horumarinta waxbarashada

Horumarinta waxbarashadu waxey muhiim u tahay dal dagaalada ka soo baxay oo muddo badan ka oodnaa horumarka iyo koboca tacliinta aduunku gaaray mudadii uu dalkaa mugdigu ku jiray oo dhan. Dalka soomaaliya xaga waxbarashada waxuu u baahan yahay in la mideeyo manhajka waxbarasho iyo in sidoo kale la sooceliyo qawaaniintii iyo sharciyadii wazaarada waxbarashada waxaa kale oo intaa dheer in oo muhiim ah la xoojiyo tayada waxbarashada jaamacadaha iyo la xadido jaamacada soo badanaya oo u ekaanaya ganacsi iyo qaab NGO aha ama qaab qabiileed waxaana ka wanaagsan meeshii magaalo yar ey lahaan laheyd dhowr jaamacadood oon aan tayo laheyn in ay yeelato machadyo tababaro iyo shahaadooyin micne leh bixiyo.

3} Horumarinta Dhaqaalaha.

Hadii nabad la helo waxaa sahlan in la horumariyo dhaqaalaha dal sidoo kale in la uruuriyo macluumaad iyo in la sameeyo daraasadooyin la xiriira ajandayaasha ganacsiga, waxsoosaarka, siyaasada, tamarta, kaabe yaasha dhaqaalaha iyo hogaamiyeyaasha bulshadu goaan waxtar iyo qiime leh ka gaaraan. Waxaa sidoo kale loo baahan karaa qorsheyaal iyo farsamooyin lagu horumariyo dhaqaalaha iyo hanaanka maaliyadeed ee dal sida soomaaliya oo kale ah waxaana muhiim ah in bangiga dhexe ee dalka la xoojiyo awoodna loo siiyo in uu noqdo bangiga bunuugta oo dhan iyo sidoo kale in la sameeyo dhamaan noocyada iyo qeybaha kala duwan ee lacagta shilin somaliga ah Waxaana muhiim ah in si xikmadeysan loo soo dhaweeyo maalgelinta iyo shirakaadka caalamiga ah ee aduunka ka jira.

4} Horumarinta Caafimaadka

Waxuu sidoo kale door weyn ka ciyaara in guul laga keeno dib u dhiska iyo qorshaha horumarineed ee la rabo wuxuuna mudan yahay in goleyaal iyo qubaro aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh loo xilsaaro si baaritaano iyo hergelin adeegyo caafimaad oo tayo leh uga hergeliyaan dhamaan dalka oo idil.

5} Arimaha Bulshada

Dhanka soomaaliya Dhibaatooyinka bulshada ee mudan in laga hadlo waxaa ugu waaweyn Qaadka, Qabyaalada, Tahriibka,Furiinka iyo kuwo kale oo badan oo u baahan in si cilmiyeysan wax looga yiraahdo iyo in wax laga qabto dhanka bulshada iyo sidoo kale dhanka maamulka dowladeed waxaa sidoo kale jiri kara dhibaatooyin kale oo badan balse intaas aan kor ku sheegnay ayaa ugu waaweyn sidoo kalana mudan in gacmo mid ah ay wax ka qabtaan. Waxaa intaas dheer arrimaha deegaanka oo ayagana mudan in wax laga qabto tusaale ahaan jarida dhirta IWM.

6} Arrimaha Diinta

Sida aadanaha oo idil uu ugu baahan yahay in uu u neefsado ama hawo qaato sidaa si la mid ah ayey diintuna muhiim ugu tahay jiritaanka, soo dhistanka iyo horumar ay

bulshadu gaarto. Kaliya ma aha in bulshada laga dhiso dhinacyada horumarineed ee dhaqaalaha, aqoonta iyo wixii la hal maala balse Diintu waxeey jirid u tahay ay ka koraan waxyaabahaa kaaba horumarinta bulsho iyo mid dowladeed intaba . Waxaa kale oo maanka iyo madaxa in lagu haayo mudan in aduunyadu iyo joogitaankeedu tahay inyar balse ay jirto aakhiro oo in loo sad qaato mudan.

Doorka Hogaamiyaha Wanaagsani & Horumarka ?

Hogaaminta ayaa lagu qeexaa siyaabo kala duwan waxaa sidoo kale lagu macneeyaa siyaabo kala duwan balse hogaamintu Waa hilin, soo jiidasho, hogaaminta waxeey ka dhex dhacdaa koox yar mid weyn ama dal, sidoo kale hogaamintu waxeey la xiriirtaa sidii loo gaari lahaa yoolka. Hogaamintu waa amaano waa masuuliyad adag waa balanqaad mustaqbalka la iskula xisaabtami doono.

Hogaamiyaha wanaagsani waxuu qeyb muhiim ah ku leeyahay horumarinta iyo dhisida dal sidoo kale hogaamintu waa awood lagu odoroso mustaqbalka, dababdeedna lagu soo bandhigo wadadii la qaadi lahaa si loo gaaro mustaqbalkaa. Hogaamiyaha in uu keeno guul iyo rayn rayn waxeey waxeey u baahan tahay waqti badan oo mudan in la sugo. Hogaamiyaha wanaagsani waxuu furre u yahay dalka iyo dadka in ay guuleystaan halka hogaamiyaha xumina marin habaabiyo ummada iyo danahooda.

Si soomaaliya uga baxdo waxii ay soo martay waxeey u baahan tahay hogaamiye leh shantaan tayo ee soo socota waxaana wanaagsan in laga fiiriyo hogaanka soomaaliyeed dhamaan lixdaan tayo iyo kuwo kaleba:-

1} Hiraal {Vision}

Hiraalku waa qodob u aasaas ah hogaamiyaha waxuuna sheegaa meesha uu u wado umada uu hogaanka u yahay iyo dhamaan hanaanka iyo tabta loo baahan yahay in lagu gaaro yoolkaa.

2} Awood & Xamaasad

Sidoo kale Awooda uu go’aan ku gaari karo wax ku diidi karo kuna ogolaan karo waa in uu lahaadaa hogaamiyaha taa oo ku xiran heerka aqooneed iyo waayo aragnimo ee uu hogaamiyahu leeyahay. Hogaamiyaha xamaasadeeysan wuxuu niyad geliyaa shacabka waxna waa laga qaban howlaha hor yaal hadii uu adeegsado xamaasad iyo awood intaba.

3} Dareen fiican u leh dadka uu hogaamiyo

Waa Qasab in hogaamiyuhu dareen iyo dadnimo fiican u yeeshaa dadka uu hogaamiyo oo dantiisa shaqsiga ah ka hor mariyaa tan dadka uu hogaamiyo sidoo kale waa in uu si wanaagsan u yaqaan dadka oo uu ka ilaaliyo waxyaabaha dhibi kara sida nin jecleysiga iyo masuqmaasuqa.

4} Degenaan & Kalsooni

Waa in uu yahay qof dagan oo si qoto dheer ula socda aduunka ku xeeran iyo xiriirka ka dhexeeya isaga iyo dadyoowga kale. Sidoo kale Kalsoonida waxeey abuurtaa wadooyin lagu xalin karo dhibaatooyinka soo booda iyo in hogaamiyaha la adeeco amaradiisa.

5} Sharaf & Firfircooni

Sharaftu waxeey kor u qaadaa in hogaamiyaha noqdo mid la adeeco hadaladiisa iyo amaradiisana loo hogaansamo sidoo kale hogaamiyaha leh firfircooni wuxuu si karti iyo maskax furnaan ku jirto uga soo baxaa howlaha loo igmaday oo idil tusaale ahaan Raisulwasaarihii hore ee dalka Malaysia Dr- Mahathir oo dhamaan Laga heli karo qodobadaan wuxuu ahaa hogaamiye burji leh sidoo kale firfircoon, deggen, sharaf iyo kalsoonina leh.

Gabogabo

Waxaan rabaa in aan ku soo gabogabeeyo Maahmaah soomaaliyeed oo qadiimi ah oo micne weyn ku fadhida fahamkeeduna faa’ido ugu jirto shaqsi walba oo soomaali ah. Maahmaahdu waa ereyo yar oo isku xiran oo kooban oo micne weyn ku fadhiya badanaa waxeey kasoo burqadaan maskax caafimaad qabta oo waayo badan usoo joogtay Maahmaahdan oo ka mid ah dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomalida oo dhan lahaayeen ayaa leh:

 Ragii hore waxeey ka irimin jireen sadex waxyaabood

1} Wixii tagay ka haridii 2} Waxa jooga ka hadalkii  3} Waxa soo socda ka haloogsigii

 

W/Q: Axmed Roble

Qoraa & Cilmibaare

Roble

 

 Yaa curyaamiya  Hananka Dawladnimo  ee Soomaaliya?

$
0
0

Waxaa markale dib u bilowday Ciyaarihii Villa Soomaaliya ee’ ahaa Khilaafka Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha sidda  ‘ aan maqlay  R’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Shiikh  Axmad ayaa isku shandhayn ku Sameeyey qayb ka midda Gollaha Wasiiradda taasoo  soo shaac  saartay khilaafka Madaxada  sare ee Dawladda  Federalka ee Soomaaliya  markhaati  ma doontana ka dhigtay  khilaafka u dheexeya   Ra,iisul  wasaaraha iyo Madaxwaynaha  waa Xasan  Shiikh iyo  Cabdiwali sheikh.

Wax nagu cusub ma`ahan  inay  xulufo kala leeyihiin madaxada sare ee Soomaaliya  Hogaamisa  ayna   danta ummadda   ka hormariyaan saxiibadooda  waana midda  keenta  khilaafka  mar walba ka dhex  qarxa   Madaxwayne iyo Ra,iisul wasaare Wasiir Hebal yaan labadalin iyo  waa la badalaya   Ninkas  xilkaas u magacow iyo  u Magacaabi mayo   waa midda  saldhiga u ah Khilaafka soo kala dhex gala Madaxda sare ee Soomaaliya   waxaan ogayn  wixii ka dhashay xil ka qaadistii ay Gollaha Wasiiradu ku sameyeen  7, Sitembar 2014 Taliyihii  Nabad sugida  Mudane  Cabdulahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe)  taasoo markii hore  Madaxwaynuhu ku shegay  arrin lagu dag dagay  in kastoo markii dabe uu aqbalay   maantana  waa  khilaaf ama is afgaran waa   lamida kii  hore..  kadib markii madaxwaynuhu   tiri  wasiir kaste  ha sii wato shaqadiisa .

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah wasiir aad ugu dhow madaxweynaha ayaa loo dhiibay Wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta & daaqa, iyadoo Sidoo kale wasiirkii xilkaas hayay loo magacabay  wasaaradda cadaaladda oo Ahayd mida uu horay u hayay Faarax Shiikh C/qaadir taas oo madaxwayne  Xasaan sheikh  Maxamuud uusan ku Qanacsanayn kuna  farxin waayo Madaxwayne Xasaan ma doonayo inuu lumiyo  mid kamidda  xulufadiisa aadka ugu dhaw.

Faarax Shiikh Cabdul Qaadir runtii waa nin wax wayn ka baddalay Hananka Siyaasadeda ee Viila Soomaaliya waa ninkii ka dabeeyey Hishiiskii Jubland iyo Dawladda  Federalka  ku dhex maray  Dalka Itoobiya  Ama Ethiopia) sidookale waa  Ninkii   soo xero Galiyey  Korneyl  Bare Adaan shire  ( Bare  Hiiraale) oo ka soo Horjeestay Mamulka  ku meel  gaarka ee  Jubaland  waana  Nin ay aad  isku dhaw yihiin  dhanka Fikirka  Madaxwayne  Xasaan sheikh

                          Gaashaanka ku dhuftay  Isku  badalka Wasiiradda

Dhanka kale Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa Gaashaanka ku dhuftay Ama diiday wareegtata ka soo baxday Xafiiska R’iisul Wasaaraha waa khilaafkii ugu Waynaa  ee dhex mara labadda Ma’suul tan iyo markii uu madaxwaynuhu  xilka  R,iisul wasaare u magacaabay  Cabdiwali sheikh Maxamad oo lagu  tilmaamo  Nin  ku adag muuqufkiisa

Sidda muuqata waa marxalad kale oo curyaamin doonta geedi socodkii Dawladnimo ee Rajada laga qabay waana cudur caadi ka noqday Villa Soomaaliya inay is qabtaan Madaxwayne iyo Ra’iisul wasaare laga soo Bilaabo Dawladdii Carta lagu soo dhisay ilaa maanta xaqiiqaduna madaxda sare  ayaa curyaamiya  hananka  Dawladnimo  ee Soomaaliya  waayo malahayn  mooqaf  midaysan.

Nickolas Kay  oo saadaaliyey   xili hore khilaafka Dadaxda sare ee Soomaaliya
Wakiila Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa mar uu ka Hadlayey heshiisii Puntland iyo Dawladda Federalka dhex maray ee Garoowe lagu saxiixay wuxuu ka dhawaajiyey inay walwal ka Qabaan khilaaf soo kala dhex gala madaxdda sare ee Dawladda Soomaaliya  waana   Soo  shaac baxday arrintii   uu  Nicholas  Kay  walaaca  ka muujiyey xili hore..

 Amarka uu bixiyey Madaxwaynaha
1,Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu sheegay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
2, In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Oktoobar 2014

3, In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda;

  1. InSaraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan..  taasoo ku tusaysa  heerka ay marayso  khilaafka madaxda sare

                      Yaa curyaamiya  hananka Dawladnimo  ee Soomaaliya?

Soomaaliya waxaa  curyaamiyey Dawladnimadeedii hogaanka sare ee  loo dhiibo Talada Soomaalidu waxay ku mahmahdaa (Geela  Duqdiisii   durdurisay    maxaad moodaa  Aarankiisa)   waxaan ula jeeda   mar hadii  hogaankii  sare ee Soomaaliya ay  maalin kasta  is qabqabsanayaan    xagee  bay shacabu  joogan? xageebay  Mamul Goboleedyadu joogan?   Alle ayaan ka sugaynaa  hogaamiyayaal   dhaba

                     Ugu dabayntii

Ugu  dabayntii   waxaa  beenowday   balan qaadkii  Madaxwayne Xasan Sheekh   uu  Balan qaaday  xiligii  uu  ku guulaystay  xilka Madaxwayne nimo ee Soomaaliya  markaas uu ‘uu balan qaaday inaysan  marnaba  is  khilaafi doonin   Asaga iyo  R’iisul wasaare  taasoo noqotay  mid aan waxba ka suuroobin   ilaa haddana  aan ognahay  inay labbo  Ra ‘iisul wasaare   xilka qabteen   tan iyo markii Xasan Sheikh  hogaanka dalka  la waregay   Soomaaliya   laga soo bilaabo  2000  ilaa  manta  khilaafka  Madaxwayne iyo R ‘iisul wasaare  uu dhexeya aya  noqday  curyaamiya  haykalka Dawladnimo.

Waxaa  Qoray

Cabdinuur Faarax Maxamuud

 Email-guuleed72@hotmail.com

cabdinuur

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxmaan Bayle oo Dubai kaga qeybgalay Shirka Burcad badeeda,lana kulmay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin.

$
0
0

 

Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo.

Wasiir Dr. Cabdiraxmaan D. Bayle oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeeda oo Wasiiro , Madax iyo saraakiil ciidan oo kala jinsado duwan ay ka qeybgaleen, ugana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa fal xanuun badan oo murugo leh ku tilmaamay afduubka maraakiibta iyo dadka rayidka ah , isagoo ka dalbaday wadamada ku bahoobay la dagaalanka burcad badeeda inay taageeraan howlaha dib loogu dhisayo ciidan xoog badan oo qalabeysan oo ka howlgala xeebta iyo xuduud badeeda Soomaaliya si loo afjaro falalkaasi bani’aadanimada ka baxsan.

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa gelinkii dambe ee maanta kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Mgaalada Dubai ee dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta Wasiiro iyo Mas’uuliyiin heerarkoodu kala duwan yahay.

Dr. Cabdiraxmaan Bayle waxa uu si gaar gaar ah ula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta HH Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Mauritania Ahmed Ould Teguedi , Yemen H.E. Jamal Abdullah Al Sallal , Brunei H.R.H Mohamed Bolkiah ,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gaadiidka Seychelles H.E. Joel Morgan , agaasimaha Xiriirka dhinacyada badan leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ambassador Turki bin Mohamed bin Saud Al kabeer , gudoomiyaha Shirkadda dekadaha caalamiga ee Dubai ( DP World) Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kala hadlay wasiiradaasi iyo mas’uuliyiintaasi kala duwan ee uu la kulmay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya kala dhaxeeya ,horumarinta danaha wadaagga ah iyo taageeridda qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo deganaanshaha dalka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
info@mofa.gov.so

2 3 4 6 7 8 9 5

Khilaaf Soo Jireen Noqday !!

$
0
0

Xasan Shiikh Magacaabisitii Saacid wuxuu yiri “Intii aan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano” Xasan Shiikh Magacaabisitii Cabdiweli wuxuu yiri “Ra’iisul Wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 Siyaasi” Xasan Shiikh ma u adkeysan doonaa sidii Madaxwayne Aadan Cabdule Cisman !!

La yaab ma laha in maanta iyo berriba la maqlo waxaa is khilaafay madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxwaynaha iyo RaIisul Wasaaraha, markaan sidaa leeyahay khilaaf u dhexeeya labada nin oo cirka isku shareeyey hada sooma bilaaban oo Madaxdii soo martay Soomaalia ayaa waxa uu u ahaa dabiici.

Tusaale waxaa Khilaaafkii ugu horeeyey ee dhex mara Madaxwayne iyo Raisul Wasaare dhex maray Alaha u wada naxariistee Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdule Cismaan iyo RaIsul Wasaaraihiisii ugu horeeyey Rai’sul Wasaare C/rashiid Cali Sharmake, waxayna labada nin isku qabteen xiriirkii la doonayey in lala samaysto Quwadihii waagaas ee reer Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeeti oo mid walbaahi waxa uu door bidayey hal quwad.

Waxaa kale oo is qabtay ka dib Alaha u naxriistee Madaxwayne Cabdi Rashiid Cali Sharmake iyo Rai’sul Wasaarihiisii Maxed Xaaji Ibraahin Cigaal oo la sheego iney isku qabteen in loo hogaansamo ama si hoose loogu dhega raariciyo Dowladii Maraykanka oo dano badan ka lahayd Soomaaaliya.

Intaa wixii ka danbeeyey waxa dalka la wareegey ciidamadii milatariga kuwaas oo mabda’oodu ahaa qaybi oo xukun taladana waxaa laga qaadanayey Hal qof oo kaliya cidii ka hor timaadana waxay wajahaysay Cawaacib adag.

21 sano ka dib waxaa meesha laga saaray Dowladii awooda badnayd ee Soomaaliya, Soomaliyana waxay ka baxday Saaxada Siyaasada Caalamka waxayna u gacan gashay Caaqilo Dagaal oo Qabiil Qabiil u abaabulnaa, waxay Soomaaliya caalamka ku soo laabatay markii Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ku yaboohay shirwayne Qaran oo ka dhacay Tuulada Carte ee Jabuuti.

Shirkaas waxaa ku soo baxay Madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan oo Raisul Wasaare u doortay Cali Khaliif Galayr waxaana Khilaaf hareeyey sababsaday inuu meesha ka baxo Raisul Wasaare Cali Khaliif galaydh, waxaana xigey oo lagu bedelay Xasan Abshir Faarax oo durba ay is qabteen C/qaasim Salaad Xasan waxaana Raysul Wasaare Xasan Abshir ku fikir noqday kooxdii Mucaaradka ee Hawase iyo Soodare.

Shirkii xigey kii Carte waxa uu ahaa kii Embegaati ee Kenya waxana ku soo baxay Alaha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf oo Rai’sul Wasaare ka dhigtay Cali Maxed Geedi, waxaana dhex maray Khilaaf kii ugu xumaa oo gaaray markii dambe in Dowlada Itoobiya oo ay Ciidamo badani ka joogeen Soomaliya ku qasabto inuu xilka ka dego Rai’sul wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana marka ka dib saaxada siyaasada Soomaaliya soo fuulay Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo Raisul Wasaare noqday isla markiiba ,waxay isku dhaceen Madaxwaynihii Magacaabay waxaana dhexdhexaadin ka dib Beesha Caalamku ku qasbeen in Madaxwayne Cabdulaahi yuusuf meesha isaga tago.

Xukuumadii Nuur Cadde oo an Madaxwayne lahayn ayaa waxay Heshiis la gaartay Ururkii Asmara oo uu Madaxda u ahaa Sheikh Shariif Axmed oo wax yar ka dib ku soo baxay Dooradsho ka dhacday Jabuuti waxa uuna Raisul Wasaare u magacaabay Cumar Cabdi Rashiid Sharmake waxaana Khilaaf hareeyey sababay in Sheikh Shariif xilkii ka qaado, oo uu diido Raisul Wasaare Sharmake waxaana qasab noqotay in Sheikh Shariif ka noqdo go’aaankii uu hore u qaatay.

Markaaa ka dib waxa dhacday in waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay abaabulaan in saaxada Siyaadada Soomaaliya ay ka soo muuqdaan Soomaalida dibedda ku nool, waxayna taasi sababtay in Rai’sul wasaare loo magacabo Max’ed Cabdulaahi Farmaajo, sanad badhkii ka dibna Sheikh Shariif Qamaar Siyaasadeed oo ay wada dheeleen isaga iyo wadamo daneeya soomaaliya meesha uga saaro oo uu magacabo mid ka mid ah Golihiisii Wasiirada, Cabdi Weli Max’ed Cali, wax yar ka dibna waxaa soo if baxay Khilaafkooda kasoo Aakhirkii gaaray in Rai’sul Wasaare Gaas uu beeniyo wixii uu Madaxwaynihiisu ku dhawaaqo isagoo sheegaya in aanay sharci ahayn, waxaa kaloo dhacday in khilaafkas u dhexeeyey Sheikh Shariif iyo Cabdi Weli Max’ed Cali in Rai’sul Wasaaruhu ka hadli waayo Radiyo Muqdisho xiligii uu ahaa Musharaxa Madaxwayne amaba si kale hadalkiisa loo dhigo marka uu ka baxayo Radiyaha Dowlada.

Waxaa la soo gaaray intaa ka dib in Soomaaliya ka baxday xiligii KMG waxaana markii ugu horaysay Magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheikh Max’uud oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka, waxa uuna Raii’sul wasaare u magacaabay Saacid Faarax Shirdoon waxayna ahaayeen labo nin oo aad isugu dhow marka loo eego Madaxdii iyaga ka horeeyey, waxaana sanad ka dib soo shaac baxay Khilaafkooda iyadoo Madaxwaynaha ay hore uga soo yeertay “intii aaan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano” waxaana dhacday in Baarlamaanku meesha ka saaro Raysulwasaare Saacid kadib markay u dulqaadan waayeen Khilaafkooda.

Waxaana durba Madaxwayne Xasan Sheikh miiska soo saaray nin ku cusub siyaasada Soomaaliya waa Raii’sul wasaare C/weli Skiikh Axmed oo la rumaysan yahay iney saaxiibadii u keeneen oo aanay aqoon dheer isu lahayn, waxaana laga soo xigtay in Madaxwaynuhu yiri “waxaan Raii’sul wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 siyaasi” hada waxay kala taagan yihiin qir iyo qir, si rasmiyana looma oga waxa khilaafkoodu ku qotomo, waxayna arintani cuuryaaisey heshiis dhex mari lahaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxa kale oo u muuqdaa inuu meesha ka saarayo wadahadaladii musalsalka ahaa ee Soomaaliya iyo Soomaali-land, waxaa sidoo kale laga caqsi abaa inuu caqabad ku noqdo shirka loo madlan yahay inuu bisha Novembar ka dhaco dalka Denmark oo looga hadlayo waxa loogu yeero hiigsiga sanadka 2016.

Si kastaba dad badan ayaa iswaydiinaya in Madxwayne Xasan Shiikh u adkaysan karo iyo in kale sidii Madaxwayne Aadan Cabdule Cisman oo RaI’sul Wasaarihiisii C/rashiid Sharmaake oo khilaaf u dhexeeyo u daayey xilkiisii tan iyo intuu ka dhamaysto mise waxaa uu Cabdiweli marsiin doonaa Wadadii Saacid uu marsiiyey.

W/Q. Cabdinaasir Xirsi iidle
E-Mail naasirx1@hotmail.com
00252615503978
iidle


Qaar kamid shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada

$
0
0

Mogadishu,30, October 2014– Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa aqoon isweydaarsi soconayay hal maalin u qabatay qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska, kaasoo qeyb ka ahaa barnaamijka Tababarka iyo Tayeynta Shaqada iyo Shaqaalaha XRW oo uu ku dhawaaqay Mudane C/qaadir Cabdi Faarax Xog-hayaha Joogtadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Tababarkaan oo ku saabsanaa Maareynta Xafiisyada, ayaa waxaa furey Agaasimaha waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarrada XRW, Mudane Maxamed Jaamac Yuusuf, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay shaqada iyo shaqaalahaba aqoon isweydaarsigani, isagoona ku booriyey dhammaan ka qeyb galayaasha in ay hormuud u noqdaan ka miro dhalinta tababarada noocaan ah, waxana uu ballan-qaaday in tababarro kale oo aqoonta shaqaalaha lagu kobcinayo ay qaban doonaan.

“Tababarkani ma noqon doono midkii ugu danbeeyay ee wuu sii socon doonaa, ujjeedka aan maanta u qabanay tababarka waa in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha Xafiiska si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, ababarkaan wuxuu muhiim u yahay bilowga Soomaaliya cusub oo ku dhisan shaqo iyo fekrad lagu horumaro, adduunka maanta waa shaqo iyo shaqaale” ayuu yiri Mudane Maxamed Jaamac.

Ku-xigeenka Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska R.W Mudane Maxamed Maxamuud Cilmi, oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ugu mahadceliyey Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee XRW iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysatay in kor loo qaado xirfadaha shaqaalaha, wuxuuna geesta kale sheegay in tababarkani wax badan uu kusoo kordhin doono aqoonta iyo kartida Shaqaalaha ka faa’iideysanaya.

Ugu danbeyn, waxaa gunaanadkii goobta lagu guddoonsiiyey shahaadooyin dhammaan howl-wadeenadii ka qeyb qaatey aqoon isweydaasiga.

—DHAMMAAD—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Tel: +252-6988-88022
1

2

3

R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii Taliyaha Ciidanka Booliiska Gudi baarisna Magacaabay

$
0
0

R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Mogadishu,30, October 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo si kadis ah galabta ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.
astaan

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii asxaabtii iyo Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Soomaaliya isla markaana qeyb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka booliska.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Wasiiro ah oo ka kooban shan (5) oo beeritaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxayna kala yihiin.

1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)
4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoona wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.

—DHAMMAAD—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Tel: +252-6988-88022

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed

$
0
0

Warsaxaafadeed Muqdishu 30 Oktoober 2014: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka
tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Xasan Ismaaciil oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca
Madaxweynaha,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada
Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid
Allaha u naxariistee walaalkeen General Maxamed Xasan oo ahaa Taliyihii
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed,waxaan Alle uga baryayaa inuu
naxariistiisa jano siiyo,dhammaanteenna uu samir iyo iimaan naga wada
siiyo”.

“waxaan tacsi gaar ah u dirayaa Saraakiisha,saraakiil xigeennada,alif
leeyda,dableyda iyo dhammaan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo uu
taliyuhu u ahaa hogaan waxaanna leeyahay dhammaanteen wuu naga wada
geeriyooday ee samir iyo iimaan Alle hanaga wada siiyo,gadaashiisna Alle
nama fidneeyo”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Ku simaha Madaxweynaha
Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxariistee General Maxamed Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyaha
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ugu
geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—
jawaari

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday

$
0
0

Muqdishu: General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Muqdishu. General Maxamed ayaa u geeriyooday si dag dag ah, ilaa hadana lama xaqiiyin wax sababay geeridiisa, Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa magacaabay gudi xaqiijiya Geerada taliyihii Ciidanka Booliska.
Taliyaha

Bahda Somalitalk ayaa ka tacsiyeynaysa geerida ku timid Taliyaha ciidanka Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, Inaa lillaahi wa innaa ilahayi raajicuun, illaahay isagana ha u naxariisto, dhammaan ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

War  xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed  soo gaarsiiyey Somalitalk kana hadlaya geeridan dag daga ah ayaa waxa uu u qornaa sidan;

“Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Wasiiro ah oo ka kooban shan (5) oo beeritaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxayna kala yihiin.
1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)
4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)”

Sidoo kale waxaa ka hadlay Kusimaha Madaxwaynaha ahna Gudoomiyaha Baar lamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, qoraal kasoo baxay xafiiskiisana wuxuu u qoraa sidan;

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca
Madaxweynaha,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada
Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid
Allaha u naxariistee walaalkeen General Maxamed Xasan oo ahaa Taliyihii
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed,waxaan Alle uga baryayaa inuu
naxariistiisa jano siiyo,dhammaanteenna uu samir iyo iimaan naga wada
siiyo”.

Waxaa kaloo ka mid ahaa qorlaaka Xafiiska gudoomiyaha Soomalitalk soo gaarsiiyey in General Maxamed u geeriyooday xanuun dag dag ah oo kusoo booday, hadalkuna wuxuu uqoraa sidan;

“Allaha u naxariistee General Maxamed Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyaha
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ugu
geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday”

General Maxamaed Xasan Taliyaha Ciidanka ayaa xilkan loo magaca caabay bilogii bisha July ee sanadkan.

AMISOM mourns passing of Somali Police Commissioner Brig. General Mohamed Hassan Ismail

$
0
0

PRESS RELEASE

(For Immediate Release)
untitled
October 30, 2014: The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Maman S. Sidikou has learnt with sadness the passing of the Somali Police Commissioner Brigadier General Mohamed Hassan Ismail.

The Somali Police Force is one of the institutions that AMISOM works with and supports strongly, in close partnership with its leadership.

“This is very sad news for us as AMISOM and for the people of Somalia. I extend my heartfelt condolences to the family of the deceased, the Somali Police Force and generally, the Federal Government of Somalia,” he said.

Ambassador Maman S. Sidikou also appealed to the SPF to uphold and sustain the dream of a stronger and more professional force, which the late Brig. General Mohamed Hassan Ismail widely advocated for.

“Let us work together to keep that dream of having a very professional Somali Police Force alive. Let us all build on the foundation he has left behind, to have an institution that will ensure that law and order prevail across Somalia” he added.

Brigadier General Mohamed Hassan Ismail was appointed to the office in July this year.
____________________________________
For more information, please contact; Eloi Yao, AMISOM Spokesperson,
Cell phone: (Somalia) +252 699 525 773; (Nairobi) +254 702 155 126; Email: amisommediacentre@gmail.com

Xulashada Jimcaha: Furitaankii Masaajidka Abubakar Al-ssadiq ee Ohio

$
0
0

Sidaan la wada soconno waxaa maalintii sabtiga oo ay taariikhda miillaaddigu aheyd 25/10/2014 curtay sanadkii cusbaa ee Hijriyada Islaamka 1436. Haddaan nahay bahda Somalitalk-na waxaan guud ahaan umadda muslimiinta ah u rajeynaynaa sanad khayr qaba.

Haddaba, waxaa farxad u ah Somalitalk in ay xulashada toddobaadkan ku soo qaadato furitaankii masjidka weyn ee Abubakar Asaddiiq oo magaalada Ohio, Columbus laga furay maalintii uu curtay sanadka cusub ee Hijriyada. Xaruntan cusub ee Abubakar Asaddiq Islamic Center, waxay noqoneysaa xarunta Islaamiga ah ee ugu weyn oo ay Soomaalidu ku leedahay Waqooyiga qaaradda Ameerika.
abubakar-ohio
Tallaabadan horumarka ah ee ay ku tallaabsatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan reer Ohio, Columbus, waa mid ku dayasho iyo hambalyeyn mudan. Horumarka sidan oo kale ahina, wuxuu muujinayaa awoodda ay leeyihiin iyo waxa ay qabsan karaan, haddii ay dadka Soomaaliyeed is aaminaan, iskuna tashadaan ayagoo kaashanaya walaalahooda muslimiinta iyo guud ahaan inta nabadda jecel.

Somalitalk waxay u rajeyneysaa xarunta cusub ee Abubakar Islamic Center, iney noqoto mid lagu soo hirto oo umadda Muslimiinta ah iyo ummadaha kale ee ay la noolyiniihba u horseeda horumar.

Video:

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mahad Salad oo kala hadlay dowladda Finland fulinta mashaariic iyo tababarida Salaadiinta beelaha Soomaaliyeed.

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS:

Mogadishu, October 31, 2014- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Finland , ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo si weyn loogu soo dhoweeyay kaga warbixiyay guulaha socdaalkiisa .

H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa xusay in dowladda Finland uu kala xaajooday siideynta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran gudaha dalkaasi iyo joojinta musaafurinta Soomaalida , iyadoo la tixgelinayo Siyaasadda iyo sharciga arrimahaas uga degsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo mudadii dalka Finland uu booqashada ku joogay la kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi H.E. Erkki Tuamioja ayaa sheegay in dowladda Finland iyo hey’adeeda horumarinta u qaabilsan uu kala hadlay fulinta mashaariic horumarin oo la gaarsiiyo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya .

H.E. Mahad Salad ayaa sidoo kale carabaabay in dowladda Finland uu kala hadlay fulinta mashruuc dhaqan-celin iyo shaqo-abuur loogu sameynayo dhalinyarada ka tirsaneyd kooxda Al shabaab ee isku soo dhiibtay hey’adaha ammaanka iyo tababaridda Salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

somali174

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.twitter.com/mofasomalia

https://www.facebook.com/mofa.somalia


Cali Maxamed Xasan (Cali Dhagaweyne) oo ku Geeriyoodey Qarax Gaari oo ka Dhacay Degmada Hodan

$
0
0

Saakay subaxnimadii markay ahayd 7:00 subaxnimo  ayaa gaari nuuca raaxada oo marayay wadada Tarbuunka  qarax qabsaday, qaraxaasi ayaa markii uu dhacay waxaa goobtii qaraxa isugu soo ururay dadweyne fara badan waxayna dadku hadal hayeen Darawalkii gaariga oo qaraxu si aad u haleelay isla markaana goobtii ku geeriyooday hase ahaatee nin  ay saaxibo ahaayeen Darawalka Gaariga  ayaa  wax dhaawac ah soo gaarin.

 

Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Dhagaweyne): 1974 - 2014

Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Dhagaweyne): 1974 – 2014

Darawalka gaariga oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Xasan oo dadka qaar u kala yaqaaneen ( Cali Dhagaweyne) ama (Cali Makuumbe) wuxuu la dhashay Wariyaha caanka ah ah C/laahi Maxamed Xasan (Black) , waxaana Cali Maxamed  Xasan geeridii ku timid ka naxay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo  bahda Warbaahinta.

Cali Dagaweyne Allaha u naxariistee waxaa saakay lagu aasay qabuuraha macllin Nuur ee KM 13 waxaana Aaaskiisa ka qayb galay dadweyne aad u fara badan  kuwaasoo oo aad uga murugaysanaa  geeridii ku timid Cali Dhagaweyne   oo ahaa nin iskiis u shaqaysta.

Allaha u naxariistee Cali Maxamed Xasan (Cali Dhagaweyne) waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 1974 kii wax uu Dugsigii Hoose/Dhexe yo Sareba ku dhamaystay  Magaalada Muqdisho isagoo ka baxay Dugsiga Sare Sheekh Suufi, dagaaladii sokeeye waxaa uu ahaa  Milkiile Xarun Safar ( Travel Agency) oo Tikidhada u goysa dadka safarka ah. Cali Maxamed Xasan  “ Cali Dhagaweyne” waxaa uu ifka kaga tagey Xaas iyoo 4 Caruur ah.

Tacsi Tiiraanyo leh

Geeridii ku timid Cali  Maxamed  Xasan “ Cali Dhagaweyne Waxaa halkan tacsi tiiraanyo leh looga dirayaa  Walaalkiis C/laahi Maxamed Xasan “Black” ,  Abtigiis Amiin Yuusuf Khasaaro,  Reer Maxamed Xasan “Dhagaweyne”  Reer Yuusuf Khasaaro iyo Dhammaan bahda warbaahinta qaybaheeda kala duwan waxay leeyihiin samir IImaan isagana Jannadii fardowsa ahayd Allah ka waraabiyo Aamiin

Sdii kale halkaan waxa Tacsi Tiiraayo leh ka diraya Asxaabta kala ha  Jamaal Maxamed Barrow,Cabdi Xaaji Goobdoon Cabdiraxmaan Siidow Caasho Cuud,Cabduqaadir Maxamed Mursal, Caabi Faarax, Cali Maxamed Xalane Cabduqaadir Walaayo,Cabdulaahi Maxamed Xasan(Black) Shariif Cali Maxamed , Shariif Macalin, Ciise Faarax Axmed Maxamuud Dhicisow ,Cabduqaadir Maxamed Cabdule (OK) Cabdinaasir Xirsi Iidle Maxamuud Yuusuf Culusow Mukhtaar Maxamed Xasan Cabdulaahi Cabdiraxmaan (Alif),Maxamuud Joos Qamar Salaad , Xaawo Maxamuud Cali Yaasmiin Mayow Maxamed Cabdinaasir Yuusuf Macalin, Cabdulaahi Xasan Shiikhaalow , Aadan Macalin Cabdulaahi (Aadaamo),Cabiraxmaa Cumar Madoobe Dalmar Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Faysal Cabdulaahi Salaad , Barre Shiikh Cabdulaahi (Bangaladeesh) Dhamaan Maamulka iyo Ardeyda Jamacada Green Hope  Maxamed Axmed (Maxamed Carab ), Nasriin Maxamed Cali Maxamuud Maxamed Hilowle Kurdo  sidoo kale waxaa Tacsi diraya Guddiiga Olombikada, Xiriirka Kubada Cagta iyo Dhamaan Qaybaha kale duwan ee Isboortiga, Naadiyada Heerka 1-aad , 2-aad iyo 3-aad Asxaabtaan waxay si gaar ah Tacsi  ugu dirayaan  C/laahi Maxamed Xasan (Cabdulaahi Black) oo ay Walaalo ahaayeen , Abtigiis Amiin Yuusuf Khasaaro waxayna leeyihiin Samir iyo Iiimaan isagana Janadii Fardowso Allaha ka Waraabiyo Aaaammmiin………Aaaamiin

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Weekly Press Conference on the Progress of the Government – Nov 1, 2014

$
0
0

Mogadishu, 01 November 2014 – The Minister of Information, Mustafa Duhulow, today addressed the media, providing an update on the progress of the Federal Government of Somalia (FGS) over the last week. The Minister discussed various issues: the delivery of food aid to Barawa; details of the explosives and military equipment intercepted at Mogadishu seaport; the South West State conference; the progress of the National Stabilization Plan; a joint security update by AMISOM and SNA; the historic visit by United Nations Secretary General, Ban Ki-Moon; the Youth Consultation Meeting; and the release of seven Indian sailors who were being held by pirates.

The Minister of Information began by speaking on the delivery of food aid to Barawa: “The Ministry of Interior & Federal Affairs delivered food aid, which included large quantities of rice and flour, to Barawa district on 28 October 2014. Barawa was one of the areas most recently recovered from Al-Shabaab control. Barawa residents had previously felt extreme hardship under the rule of the terror group. Hassan Mohamed Abukar of the Somali National Army (SNA), stated that SNA had escorted the food aid into the town without incident, whereas Al-Shabaab had previously blocked all aid convoys from reaching the area. The food aid is the beginning of more assistance to the area and the Federal Government is committed to reaching out to all the residents of Lower Shabelle so that people can feel the peace dividend.”

The Minister of Information gave details of the explosives and military equipment intercepted at Mogadishu Seaport: “Officers of the Somali Police Force (SPF), during a routine search in Mogadishu Seaport, found a shipping container filled with explosives and other military equipment, including military uniforms. Cornel Mohamed Abdi Eebow, the Police Chief at the seaport, stated, ‘One of my officers found the container and immediately alerted me, resulting in the seizure of all the items in the container by the police. H.E. Khalif Ahmed Ereg, the Minister of National Security, praised the Somali security forces for their interception of the container, and the Minister said that a thorough investigation would be carried out to find out how the container (which originated in China) ended up at Mogadishu Seaport. A company called BIL were the registered owners of the container and police are questioning those believed to be responsible for the container and its contents. Items in the container were clothes, military uniform, military boots, magnetic items intended for use in roadside bombs and other bomb components. The container arrived at the port on 22 October 2014 and the registrar of the container has been detained by the police.”

xasan iyo cabdiweliThe Minister of Information spoke on the South West Formation Conference: “H.E. Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Republic of Somalia, officially opened the Baidoa Conference on 28 October 2014 with a view to establishing the South West State of Somalia. H.E. Mohamed Sheikh Osman (Jawari) has been in Baidoa prior to the opening of the conference, consulting with key stakeholders in the area. Representatives from the parliament and the cabinet as well as representatives from the International Community, Constituency Assembly members and many others attended the conference. Traditional leaders underscored their happiness at the conference, which aims for the efficient formation of South West State of Somalia. Denmark’s Ambassador to Somalia stated that his country will host an important meeting in Copenhagen on 19 November to discuss the future of Somalia and he said that he was very pleased with the progress on the ground. The Special Representative of the Secretary General of the UN, Nicholas Kay, stated that the UN will support the conference and its outcomes in order to establish a new Federal Unit in the area. The Speaker noted the important role of Traditional Leaders and called for the convening of a consultation meeting between Jubba and South West State (once its formed). The President officially opened the meeting and urged stakeholders to ensure that they all look at the bigger picture and the interests of the nation during the process of forming the new Federal State. The President thanked the International Community’s commitment and support to the process of the formation of South West State of Somalia.”

The Minister of Information spoke on the progress of the Stabilization Process: “Somali security forces conducted operations in Mogadishu on 28 October 2014, and seized illegal weapons in various parts of Mogadishu. As a result, security forces detained 9 individuals believed to be part of Al-Shabaab in Dayniile area. They also raided a house where illegal weapons were buried under the floor after a tip-off from a member of the public. Security forces also detained a number of suspects in the area of Howl-Wadaag district, near Bakara market. The Mogadishu Stabilization Process is going very well as security forces are continually preventing attacks on civilians in Mogadishu. The security forces praised and highlighted the role of communities in identifying those they believed to be members of Al-Shabaab.”

The Minister of Information spoke on the joint security update between AMISOM and the SNA that highlighted the success of Operation Indian Ocean: “On 27 October 2014, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Republic of Somalia, attended a joint ceremony between AMISOM and the SNA to highlight the progress of Operation Indian Ocean. Representatives from the cabinet, the parliament, H.E. Maman Sidikou, the Special Representative of the Chairperson of the African Union to Somalia, General Silas Ntigurirwa, the AMISOM Force Commander, and other guests were present during the ceremony which took place the headquarter of the Ministry of Defense in Mogadishu. Operation Indian Ocean has been hugely successful, with forces liberating town and after town from Al-Shabaab, including Barawa, Jala-laqsi, Buulo-mareer, El-bur, Adale, Kudha and other towns. Major General Dahir Adan Elmi (Indho-Qarshe), the Chief of the Defense Forces, noted that Somali forces are fighting on the frontlines while internal reforms and restructuring is going: a challenge, but one the SNA is handling. The Commander said that the reforms would continue in order to professionalize SNA. HE the President of Somalia closed the ceremony and underscored the importance of security in Somalia and noted that the government will do all it can to provide the necessary resources. In addition, the President added 60 days more to the amnesty for Al-Shabaab militiamen, provided that they renounce violence and are ready to join the peace process and participate in the rebuilding of the nation. The President sent his congratulatory remarks to SNA and AMISOM for their sacrifices and the huge progress made in the military campaign against terrorists. He concluded by noting that the threat from al-Shabaab remained but was taking a different form, as the fight moved from being one over territory to a fight over the perceptions of the people. He encouraged the people to play their part in defeating al-Shabaab once and for all by remaining vigilant and cooperating with the security forces.”

The Minister of Information spoke on the historic visit by UN Secretary General, Ban Ki-Moon: “On 29 October 2014, HE Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Republic of Somalia, the Speaker of the Parliament and the Prime Minister met in Mogadishu with a delegation led by the Secretary General of the UN, and which also included the President of World Bank, Jim Yong Kim, the President of Islamic Development Bank, Ahmed Mohamed Ali, and senior officials from the African Development Bank, the AU, the EU and other dignitaries. Ban Ki-Moon thanked the Somali President for the warm welcome accorded to him and to his delegation in Mogadishu and he acknowledged the huge progress on the ground between when he visited in 2011 and now. Ban Ki Moon said that he has two messages, one to acknowledge the progress in political affairs, good governance, security and development in Somalia, and second, that the UN, World Bank, IDB, ADB, EU, AU and others are committed to supporting the Somali people so that the country can move forward. “Somalia is on the right path. We are here in Mogadishu to tell Somali people that they are not alone, and that we will redouble our efforts to help Somalia so that the progress is maintained.” Jim Yong Kim, the President of World Bank, stated that Somalia has a unique opportunity on the country’s economic sector so that the people are able to produce goods that can reduce the dire poverty in many parts of the country. H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed, the Prime Minister of Somalia, stated that there are numerous examples of progress in terms of implementing the Federal system and that the country is on track to hold elections by 2016. Somali President said that Somalia can now stand on its own feet, and that the Government is committed to ensuring that the country moves forward to prosperity. The President concluded that the visit is a strong sign of solidarity that will encourage everyone to redouble their efforts to bring peace and stability in Somalia. At the conclusion of the visit, Somalia and the UN signed an agreement of partnership.”

The Minister of Information spoke on the Youth Consultation: “On 30th October, I participated in a consultation meeting in Mogadishu organized by Somali National Youth. The aim of the meeting was to discuss and debate the role of youth in Somalia and how youth can participate effectively in politics. Other issues discussed included the obstacles or challenges faced by young people in Somalia, including access to education, employment, job creation, and the lure of terrorist groups. The meeting took place in the Somali National Youth offices in Mogadishu and was organized by the Chairperson of the SNY. I was very pleased to witness genuine debate and discussion on key issues that matter to our young people, which gave me real hope. We need to do all we can to support young people’s participation in politics in Somalia. I promise that the government will support young people who want to take an active role in the society. I also promised to prioritize young people’s programs at Radio Mogadishu and at SNTV, which will further empower young people. Debate and discussion of this kind will prevent young people from joining terrorist groups.”

The Minister of Information spoke finally on the release of seven (7) Indian sailors who had been held by a pirate gang: “The Federal Government of Somalia with the support of Galgadud Authority and other stakeholders in the area successfully negotiated the release of seven sailors from India who had been in the hands of pirates for 4 years. On 30 October all seven individuals were flown from Dhuusamareeb district in Galgadud region in a specially chartered plane provided by the Federal Government of Somalia. The seven men had been held in the area of Harardhere after pirates hijacked their ship. The ship was released some time ago after pirates were paid a ransom. All seven have now been transferred to neighbouring countries with a view to passing them over to Indian government and subsequently returning them to their families.”

ENDS Ministry of Information, Federal Republic of Somalia, media@moi.gov.so

Maamulka Al-Minhaaj oo Safar daco ku gaaray Galdagob

$
0
0

Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj ee Mudug iyo Qaar kamida Ducaada Gaalkacyo oo Safar Dacwo ku tagay Degmada Galdogob.

Gaalkacyo-Galdogob: Oktoober 31, 2014. Safarkaan oo ay ujeedadiisu ahayd u kuurgalida Xaalada Dacwada ee Degmada Galdogob ayaa waxaa qayb ka ahaa :-
unnamed (18)

Sawiro dheeri a halkaan ka daawo

1-Dr.Aadam Muxamed Cigaal : Gudoomiyaha Shuurada ee Mu’asasada Al-Minhaaj ( Mudug) ahna Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo).

2-Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug) Muxamed Siciid Muuse.

3- Macalin C/wali Jaamac Gaani.Gudoomiyaha Maktabka Haweenka ee Al-Minhaaj (Mudug)

4-Gudoomiyaha Maktabka Dhalinyarada iyo Warfaafinta C/raxmaan C/nuur C/laahi iyo Gudoomiyaha Laanta Dhalinyarada Maxamuud C/rashiid Jaamac.

5-Macalin C/naasir Yuusuf (Cabdinaasir Cadde) Imaamka Masjidka Ramadaan kana mid ah Maktabka Dacwada ee Minhaaj (Mudug).

6-Gudoomiyaha Maktabka Tacliinta ahna Hormuudka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo) Ustaad Badal Maxamuud Sugule.

7-Axmed Yuusuf Sh.Maxamuud Jaamici kamid Ducaada Gaalkacyo Iyo Rag kale.
unnamed (12)

Wafdiga ayaa waxaa lagusoo dhaweeyay Magaalada waxaana Subaxdii Hore ee Jimcaha ay Kulan Saacado qaatay la yeesheen Ducaadda Galdgob , Gudoomiye kuxigeen Al-Minhaaj (Puntland) Ciise Siciid Muxamed , Culimo ay kamid yihiin Sh.Maxamed Macalin Axmed iyo Sh.Faarax Muxamed Cajab , iyo Wafdi Culimo ah oo Bursaalax ka yimid waxaana Halkaas laysku dhaafsaday Xogo iyo Talooyin wax ku oola.

Sawiro dheeri a halkaan ka daawo

Saaladii Jimcaha waxaa ay Wafdigu ku tukadeen Masjidka Jaamica ee Magaalada Galdogob waxaa Khudbadii Jimcaha oo ku saabsanayd Tilmamaha Mutaqiinta (Mu’miniinta) Akhrinayay Sh.Muxamed Macalin Axmed.

unnamed (25)

Galinkii Danbe qaybtiisii hore waxaa ay Ducaaddu u bexeen Meelaha Doogga ah iyo Baliyada Degmada waxaana halkaasi ay ku yeesheen Kulamo ay uga wada hadlayeen sidii Dacwada kor loogu qaadi lahay , Dadkana loo wacyi galin lahaa.

Galabtii waxaa ay ka qayb galeen Xaflada lagu Daahfurayay Mu’asasada Al-Minhaaj Galdogob ayna kasoo qayb galeen Gudoomiye kuxigeenka Mu’asasada(Puntland) Ciise Saciid Muxamed , Gudoomiyaha Al-Minhaaj (Mudug) Maxamed Siciid Muuse , Gudoomiyaha Al-Minhaaj (Galdogob) Sh.Axmed Faarax Muxamed (Axmed Dheeli) , Madaxda Dawlada Puntland , Gudoomiyaha Gobolka Mudug Muxamed Yuusuf Jaamac Tigey , Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galdagob Ismida Dhaqanka , Nabadoono , Dhalinyaro iyo Haween , waxaa halkaasi ka hadlay Culimada Sh. Mahad Cabdulaahi , Sh.Muxamed Macalin Axmed , Sh.Faarax Muxamed Cajab iyo Sh. Muuse yuusuf Xaaji oo Magaalada Bursaalax ka yimaaday.

Waxaa Daahfuray Mu’asasada Al-Minhaaj (Galdogob) Sh.Muxamed Macalin , Muxamed Yuusuf Jaamac Tigey , Gudoomiye kuxigeen Galdogob C/risaaq Axmed Toox Yare , iyo Cabdulaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaarada xanaanada Xoolaha.

unnamed (23)

Sawiro dheeri a halkaan ka daawo

C/raxmaan C/nuur C/laahi – Madaxa Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)
sanka2014@gmail.com

Caashuuraa Waa Maalin Fadli Badan- Waxay ku beegantahay Isniinta

$
0
0

Bisha Muxaram waa bil fadli badan, tobnaadka oo Caashuuraa ah waxay ku beegan tahay November 03, 2014 waa Isniin. Sagaalaadkuna waxay ku beegantahay Axada November 02. 2014. Taariikhada maalinta tobnaad ee Caashuraa, Fadligeeda muxaram iyo arimo la xiriira ayaan ku eegi doonaa qoraalkaan.

xasan dhooye

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu

Bismillaahi Raxmaani Raxiim ::: Muxaram 08, 1436

Walaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay subxaanahu watacaalaa,Nabi Maxamedna nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.

Walaal waxaan idiin rajaynayaa sanadkaan cusub oo inoo dhashay inuu ilaahay nawaafajiyo khayr dhamaantiin waxaan ku jiraa Muxaram[sako]oo u horaysa taariikhda bilaha hijriyada ama taariikhda bilaha isalaamka 1436.

Walaalayaal waxaa nagala doonayaa inaan isxisaabino intaan nala xisaabin oo sanadkan cusub aan nafteena waydiino sanadkii hore maqasaarnay mise waa faa’iidnay,sida ay u xisaabtamaan ganacsatada ama ay xisaab xir u sameeyaan sanad walba dhamaadkiisa ayna uga leexdaan waxaan faa’iido ugu jirin ama ay ku khasaareen sanadkii hore.

walaal ilaahay dhaafidiisa iyo naxariistiisa ayaa ka wayn danbi kasta oo lagalo,ilaahayna waa mid aad u dulqaad badan jecelna adoonkiisa toobad keenka ah, hadaba walaal sanadkaan cusub furo bog cusub oo aad ilaahay ugu dhawaanayso kuna tirtiraso waxii kaa dhacay ee gaf ah.

Waxaan hadda kujirnaa bishii 1aad ee Sannadka Hijriyada, maalmaha 9-aad & 10-aad  Muxaram waxay ku beegan yihiin Nov 02 & 03 , marka ka faa iidayso oo soon labada maalmood fursadaas qaaliga ah.

Intaa kadib walaalayaal inagoo kaduulayna ilaahay qur’aan kiisa sw uu ku yiri [isu kaal maysta wanaaga iyo cabsida alle] iyo hadiiskii Nabiga scw oo ahaa [qofkii qof khayr tusa waxuu leeyahay ajarka kan khayrka uu tusay oo kale labadoodna waxba lagama yaraynayo] iyo hadiiskii kale oo Nabigu kulahaa scw[qofkiina iimaan dhaba malahan ilaa uu walaalkiis lajeclaado waxa uu naftiisa lajecelyahay] axaadiistaasna waa saxiix.

Walaalayaal anigoo ka shidaal qaadaanaya nasuustaas sharafta badan ayaa waxaan is tusay inaan idiin soo gudbiyo xoogaa baraarujin ah oo ku saabsan bishaan aan ku jiro.

Fadliga Bisha Muxaram

Walaalayaal bishaan aan kujiro ee Muxaram [Sako] waa bilwayn oo barakaysan kuna jirta afarta bilood oo xurmada leh sida ilaahay ku sheegay kitaabkiisa sharafta bada[bilaha tiradooda ilaahay agtiisa waa labo iyo tobon ilaaahay kitaabkiisa dhexdiisa saas bay ku tahay ilaa maalintii la abuuray cirarka iyo dhulka waxaa kamid ah afar xurmo leh taas waa diintii toosnayd hadulminina bilahaas dhexdooda naftiina]Waxuu leeyahay C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha karali noqdee oo fasiraya aayadaas siiba [hadulmina naftiina] bilohoo dhan ha isdulmina hadana waxaa gooni ilaahay u xusay afarta bilood oo sharata leh danbiga lagalaana waa ka wayn yahay kanlagalo bilaha kale wanaaga la sameeyaana waa ka ajar wayn yahay kan bilaha kale lasameeyo.

Walaalayaal waxaa kaloo Nabigu scw noo sheegay xadiis uu kawarinayo Abuu bakar ilaahay ha ka rali noqdee [sanadku waa 12 bilood waxaa kamid ah afar xurmo leh sadex waa isku xigtaa Sidataal, Arafo, Sako iyo rajab oo u dhaxaysa Jamaad iyo Shacbaan] xadiiskuna waa Bukhaari.

Xukunka bishaan soonkeeda

Walaalayaal bishaan soon keedu waa sune majiro soon wajib ah oo aan ahayn bisha Ramadaan markii hore Nabigu scw waa ku adkeeyey saxaabada laakiin markii lawaajibiyey Ramadaan ayuu yiri Nabigu scw [Qofkii doonana ha soomo kii doonana ha iska daayo]rawaahu bukhaari laakin waxaa ku jira ajar wayn oo aan la iska dayn Karin sida aan arki doonaba taariikhdeedana wax baan ka sheegaynaa insha alaah.

Ajarka in soonka labadiyo bishaan Muxaram

Waxuu Abuu Hurayra ka wariyey Nabiga scw inuu yiri [waxaa soon ugu ajarbadan Ramadaan kadib bisha ilaahay ee Muxaram]rawaahu muslim.
Walaalayaal sidaan ujeedno bishaan ilaahay baa isu tiiriyey isu tiirintuna waxay keentaa waynayn waayo bilaha oo dhan ilaahay baa leh hadana tan Nabigu scw waxuu leeyahay [bisha ilaahay ee muxaram] marka waa wayneen xag ilaahay laga waynaynayo anagana waxay naga mudantahay waynayn iyo soo dhowayn.

Taariikhada maalinta tobnaad ee Caashuraa

Ibnu Cabaas waxuu yiri ilaahay ha karaali noqdee [Nabiga scw ayaa Madiina soo galay markaasbuu arkay Yahuuda oo soo maysa maalinta tobnaad”markaas buu yiri maxaad u soomaysaan? markaas ayey yiraahdeen waa maalintii Saalix, waana maalintii reer baniiIsraa’iil ilaahay ka badbaadiyey cadowgoodii waxaana soomay Nabi Muuse cs, markaasbuu yiri Nabigu scw [anaa Muuse idinka xaqleh] waana soomay waana amray in lasoomo]rawaahu Bukhaari.

Hadiis kale oo Muslim warinayo waxuu yiri Nabigu scw[tani wa maalin wayn ilaahay waxuu badbaadiyey Nabi Muuse cs waxuuna halaagay Fircoon iyo qoomkiisii saas baa Nabi Muuse usoomay isagoo ilaahay mahadinaya saas baan u soonay]
Walaalayaal soonka maalinta tobanaad waxuu ahaa mid macruuf ah carab dhexdeeda intaan la soo saarin Nabiga scw Caa’isha waxaa lagawariyey ilaahay ha ka raali noqdee xiligii jaahiliyada waa soomijireen “waa islaamika ka hor” waxuu yiri Imaamu Qurdubi waxaa dhicikarta in quraysh ka soo gaareen shariyadii hore sida Nabi Ibraahiim cs.

Waxaa kaloo sugan in Nabigu scw uu soomi jiray intuusan u hijroon Madiina markuu Madiina tagay ayuu waxuu arkay yahuud oo dabaal dagaysa markaas buu waydiiyey sababta waxayna sheegeen xadiis kaan kor ku soomaray kadibana waxuu yiri Nabigu scw hadiis abuu Muusaa kawariyey ilaahay ha ka raali noqdee [maalinta tobnaad waxay noqotay mid yahuud ciid ka dhigtaan- riwaayo kale-maalinta tobnaad waxaynoqotay mid yahuud waynayso oo ciid kadhigtaan dumarkoodana ay u labisaan dahabkooda ayna qurxiyaan, waxuu yiri Nabigu scw [idinku sooma]rawaahu bukhaari.

Walaalayaal saan arkayno maalintaa waa maalin cidkasta iyo marwalba la waynayn jiray sida aan arkayno marka inagaa kamudan cid walba sida uu noo sheegay Nabigeenu scw waxaa iyana haboon inaan yahuud nacalad ha ku dhacdee raacin oo aynaan ku waynayn maalinkaan isaga ah soon waxaan ahayn sidaan ka arkayno nasuusta waayo ciid ma’ahan, xafladna looma baahna waa soon oo kaliya cibaadana waxaa ugu saxsan ale agtiiga tii Nabigiisu jideeyey iyadaana ugu fadli badan hadii kale bidco ayey noqonaysaa waana lagu naar tagaa bidcada ee aan ku kaaftoono nabigeenu waxuu noo jideeyey camalkoo dhan.

Fadliga Maalinta Tobnaad

Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey ilaahay ha karaali noqdee [ma'arag Nabiga scw oo ku dadaalaya maalin soonkeed kafadli badan maalintaan tobnaad] rawaahu bukhaari.Waxuu yiri Nabigu scw [maalinta tobnaad soonkeeda anigu waxaan xisaabsanayaa ilaahay agtiisa inuu iigu dhaafo-danbigayga- sanadii ka horaysay ee lasoo dhaafay].Walaal taasi waa ilaaahay fadligiis uu korkeena ku manaystay halmaalin soon keed oo laguugu dhaafi halsano oo dhan alaahu akbar.

Sunanimada in la isla sooma maalinta sagaalaad iyo maalinta tobnaad ee bishaan

Waxaa laga wariyey C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha ka raali noqdee [markii uu sooomay Nabigu scw maalinta tobnaad oo uu amray soonkeeda- waxay yiraahdee saxaabadu rasuulkii ilaahay waa maalin ay waynayso yahuud iyo nasaaroba-waxuu yiri Nabigu scw [hadii lagaaro sanadka soo socda insha alaah waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad] C/laahi Ibnu cabaas waxuu yiri sanadkii Nabigu scw magaarin oo ilaahay baa oofsaday.

Waxaa kaloo wanaagsan in lasoomo maalin kahor ama kadib maalinta tobnaad sida uu wariyey imaamu Axmed waxuu yiri Nabigu scw[sooma maalin kahor ama maalin kadib]arintaas oo lagu khilaafayo cadowga ilaahay ee yahuud iyo nasaaro.

Waxuu yiri Imaamu Shaafici iyo asxaabtiisii, Imaamu axmed,Isxaaq iyo kuwo kaleba waxaa suna ah soonka maalinta sagaalaad iyo tobnaadba maxaa yeelay Nabigu scw tobnaad wuu soomay sagaalaadna waa niyeystay,iyadoo halkaa laga qiyaas qaadanayo maalinta tobnaad waa dhowr maraatib waxaa ugu fadli hooseeya in kaligeed la soomo waxaana ugu fadlibadan in lasoo soomo sagaalaad iyo tobnaadba markastoo soonku bato bishaan dhexdeedana ka ajar badan kana sii wanaag badan.
Walaalayaal hadaan ogaanay waxaas oo khayr ah waxaan u dardaarmayaa naftayda iyo tiinba cabsida ilaahay iyo noolaynta sunda Nabigeeena scw iyo inaan ka faa iidaysano fursad badan oo aan manta haysano laakiin bari ilaahay garan sida xaal noqon waxaan ilaahay kabaryayaa inuu idinkana idinku anfoco anigana iigu kabo miisaanka xasanaadkayga maalinta lawada qaawanyahay iyo in ilaahay janadiisa nagu manaysto naarna naga bad baadiyo inagoo dhan.

Xasan Dhooye [abu xafso] dhooye@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb , 2005 | Updated: Feb 7, 2006 | Updated: Jan 26, 2007 | Update: Jan 9, 2008 |Update: Dc 27, 2009 | Update: Dc 15, 2010| Update November, 24, 2013|Update November 01,2014
———————————————————–
Jadwalka Taariikhda Islaamka

Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan “Gregorian”.

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada “Al-Tawbah” ee macneheedu yahay “Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh….” [9:36].

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA
——————————————————————————–
1. Muxarram 7. Rajab 2. Safar 8. Shacban 3. Rabi’c al-awwal 9. Ramadan 4. Rabi’c al-thani 10. Shawwal 5. Jumada al-awwal 11. Dhu al-Qic’dah 6. Jumada al-thani 12. Dhu al-Hijjah
Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha. [Eeg bogga muujinaya khariida bisha].
Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.
Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].
Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan
Share:

Geediga Wadaay & Maxaa Iga Gallay!

$
0
0

——— ———- BULXAN ——– —–
1) Kacaan baa dhashay; Bishaaro! Bishaaro! Geeddiga wadaay!
2) Qabyaaladdii waa la aasay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
3) Af-Soomaaligii waa la qoray; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
4) Waxbarashadu illaa jaamacad waa billaash, Geeddiga wadaay!
5) Ololihii -Miyigaa waa la hirgaliyay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
6) Waxqoreyaal oo ahaa 3%, hadda waa 67%; Geeddiga wadaay!
7) UN Billado ayay ina siisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
8) Abaartii 1974 dadkii waa loo gurmaday; Geeddiga wadaay!
9) 30 warshadood baa la dhisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
10) Laamiyo dhaadheer baa la dhisay; Geeddiga wadaay!
11) Dakado waawayn baa la dhisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
12) Airportyo waawayn baa la dhisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
13) Bacaadkii Shalambood waa la joojiyay; Geeddiga wadaay!
14) Jaamacaddii Ummadda waa la hirgaliyay; Geeddiga wadaay!
15) Wadankii wuu horumaray; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
16) Dadku way is jecel yihiin; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
17) 1980-ku waa higsiga isku filnaanshaha; Geeddiga wadaay!
18) Xoogga Dalkaa Africada madow u fiican; Geeddiga wadaay!
19) Jabuuti waa la xoreeyay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
20) Ruushku hanaga baxo; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
21) Soomali Galbeed waa la xoreeyay; Geeddiga wadaay!
22) Qaadkii waa la mamnuucay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
——— ———— GURXAN ——– ——–
1) Dalku waa hawl & hanti wadaag; Maxaa iga gallay!
2) Wadaadaddii waa la laayay; Maxaa iga gallay!
3) Ruushku wuxuu yiri ciidankiina la baxa; Maxaa iga gallay!
4) Ciidamadii waa la soo celiyay; Maxaa iga gallay!
5) Inqilaab baa kashifmay; Maxaa iga gallay!
6) Majeerteen mucaarad buu noqday; Maxaa iga gallay!
7) Majeerteen waa la laayay; Maxaa iga gallay!
8) SSDF oo Ethiopia caawiso ayuu samaystay; Maxaa iga gallay!
9) Majeerteen waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
10) Galdogob & Balanbal xabashi baa qabsatay; Maxaa iga gallay!
11) Booli qaran baa la dhistay; Maxaa iga gallay!
12) Qabyaaladdii way soo noqotay; Maxaa iga gallay!
13) Madax baa la xirxiray; Maxaa iga gallay!
14) Isaaq mucaarad buu noqday; Maxaa iga gallay!
15) Isaaq waa la laayay; Maxaa iga gallay!
16) SNM oo Ethiopia caawiso ayuu samaystay; Maxaa iga gallay!
17) Isaaq waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
18) Hawiye mucaaradbuu noqday; Maxaa iga gallay!
19) Hawiye waa la laayay; Maxaa iga gallay!
20) USC oo Ethiopia caawiso ayuu samaystay; Maxaa iga gallay!
21) Hawiye waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
22) Ogaadeen mucaaradbuu noqday; Maxaa iga gallay!
23) Ogaadeen waa la laayay; Maxaa iga gallay!
24) SPM oo Ethiopia caawisuu samaystay; Maxaa iga gallay!
25) Ogaadeen waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
26) Raxanwayn mucaarad bay noqotay; Maxaa iga gallay!
27) Raxanwayn waa la laayay; Maxaa iga gallay!
28) RRA oo Ethiopia caawiso ayay samaysteen; Maxaa iga gallay!
29) Raxanwayn waxbay laysay; Maxaa iga gallay!
30) Dawladdii way burburtay; Maxaa iga gallay!
31) Daarood waa la laayay; Maxaa iga gallay!
32) Daarood waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
33) Waquuyigu goosashuu ku dhawaaqay; Maxaa iga gallay!
34) Beesha shanaad waa la laayay; Maxaa iga gallay!
35) Mooryaan baa dillaacday; Maxaa iga gallay!
36) Gabdhihii dariska waa la kufsaday; Maxaa iga gallay!
37) Odaygii deriska waa la dillay; Maxaa iga gallay!
38) Deriskii waa la biliqaystay; Maxaa iga gallay!
39) Warshad $50 Million ah, $50 kun lagu gaday; Maxaa iga gallay!
40) Xarkahii korantada maar-nimaa loo gaday; Maxaa iga gallay!
41) Taalladii qaranka macdan-nimaa loo gaday; Maxaa iga gallay!
42) Tuumbooyinkii biyaha bir-nimaa loo gaday; Maxaa iga gallay!
43) Dhirtii dhuxul ahaan baa loo xaalufiyay; Maxaa iga gallay!
44) Dalkii macaluulbaa ka dillaacday; Maxaa iga gallay!
45) Abaarihii way soo bateen, Maxaa iga gallay!
46) Baddii sun baa lagu aasay; Maxaa iga gallay!
47) Baddii maraakiib Jiriif ah baa xaalufisay; Maxaa iga gallay!
48) Dad tahriibay ayaa badda ku le’day; Maxaa iga gallay!
49) Soomaali baa South Africa lagu laayay; Maxaa iga gallay!
50) Ragbaa Ethiopia loo gacan galiyay; Maxaa iga gallay!
51) Niman afduuban baa dad laayay; Maxaa iga gallay!
52) Argagixiso la dirir baa dad iibiyay; Maxaa iga gallay!
53) Gaajo, silic, abaar, & colbaa naga dhergay; Maxaa iga gallay!
54) Diinta xageedaa loo cararay; Maxaa iga gallay!
55) Maxkamaddo Islaami ah baa midoobay; Maxaa iga gallay!
56) Ashahaado la dirirkii waa laga adkaaday; Maxaa iga gallay!
57) Dawlad taag daran baa dhalatay; Maxaa iga gallay!
58) Dawladdii riddaa lagu sheeggay; Maxaa iga gallay!
59) Dhiigga riddadu waa xalaal baa la yiri; Maxaa iga gallay!
60) Dawladdii dagaal baa lagu qaaday; Maxaa iga gallay!
61) Ethiopia ayay hiil waydiisatay; Maxaa iga gallay!
62) Maxkamadihii waa laga adkaaday; Maxaa iga gallay!
63) Ethiopia hanaga baxdaa la yiri; Maxaa iga gallay!
64) Shabaabbaa dalkii dib u qabsaday; Maxaa iga gallay!
65) Shabaab alqaaciday noqotay; Maxaa iga gallay!
66) Badda shidaalka leh Keyna ayaa sheegatay; Maxaa iga gallay!
67) Burcad baddeed baa badihii la mari wayaay; Maxaa iga gallay!
68) Burcad & Argagixiso baa la noqday; Maxaa iga gallay!
69) Caalamkii baa naga qayliyay; Maxaa iga gallay!
70) Cawaanka dawlad haloo dhiso baa la yiri; Maxaa iga gallay!
71) Africaan & reer galbeed baa soo gurmaday; Maxaa iga gallay!
72) Kenya Jubooyinkii bay qabsatay; Maxaa iga gallay!
73) Ethiopia hanoo soo noqotaa la codsaday; Maxaa iga gallay!
74) Shabaab waa laga adkaaday; Maxaa iga gallay!
75) Burcadbadeed waa la tirtiray; Maxaa iga gallay!
76) Maamul gobolleedyo ayaa naloo dhisay; Maxaa iga gallay!
78) Deeqdii Turkiga Xamar uun baa lagu dhisaa; Maxaa iga gallay!
79) Faraax badel & maya ayaa layku haystaa; Maxaa iga gallay!
80) Caalamku muraad igama laha illaa ay iga baqaan mooyee!
81) Burcad & Argaxiso dartood ayuun baa la inagu caawiyaa!!!!
82) Haddaba, miyaan inoogu duceeyaa inuu Illaahay labadaa inoo soo badiyo, mise Bulxanoow reerka sida waa laga daynayaa????

W/Q: Axmed-Assad
Ahmedy98@yahoo.com
unnamed

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live