Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

Xornimadii 1-da luuliyo iyo sida xaalku yahay maanta!!

$
0
0

abdinuurCabdinuur Faarax Maxamud
Email guuleed72@hotmail.com

Sallaamullahi calleykum Walaalaha Soomaaliyeed Ramadaan kariim dhammaatiin
Meel kastoo aad ku sugantihiin iyo xaalkastoo aad ku sugan tihiin.

1da, Luuliyo waxay ku beegnaayd maalintii Soomaaliya noqotay Qaran madax banaan Waxayna xornimada ka qatatay Gumaysigii qarnigii 19,naad ee Reer Yurub siiba Ingariiska iyo Talyaaniga xiligaas Soomaalidii markaas joogtay waxay u ahayd maalin si gaara Qalbigooda ugu wayn xiligaas waxaa xornimada qaatay Goboladda Waqooyi iyo kuwa Koonfureed in kastoo ay maalmo kala Horeeyeen kadibna ay isku tageen halkaasna ay ka dhallataay Jamuuriyadii Soomaaliya 54,Sano kadib Soomaaliya xagee ku sugan tahay?.
Maamuuskii Xornimadu meeday

Markii aad aragto wadaan ama Qaran xusaya qaranimadiisa ama maalinta uu Xornimadda ka qaatay Gumaysigii xiligii hore gumaysan jiray waxaa lagu xusaa mamuus wayn oo ay ka mid tahay hormarka uu ku tilaabsaday Cuduuda Ciidan iyo dhaqaallaha dalkaas uu gaaray ayey soo ban dhigaan ayaga oo dhoola tus uga dhigaya inay ka Rasteen gumaysigii laakiin Soomaaliya kaliya waxaan ku xusnaa xaflaad inta badaan ka dhacdaa wadamada dabadaa isla markaasna cududii ciidankii dhaqallo iyo dhammaan wixii wanaag ahaa ee Qaranimo wuxuu noqday mid ay aaseen dadka Soomaaliyeed.

Marxallado noocee `ah ayan ku xusnay xornimadeeni ?

Soomaaliya 54, Sano kadib maxaay ku xustay 2014? Xornimadeedii ay ka qaatatay Ingiriiska iyo Talyaaniga? Su, aashaas hadii aan anigu iska jawaabo Soomaaliya waxay ku xustay sanadkaan 2014ka 3,sadex marxaladood oo kala` ah

1,Marxalada koobaad waa bur-bur dhan kasta saameeyey dhanka siyaasada Ayaa ah Soomaaliya mid ay ku jaha wareersan tahay ayada oo inta badaan Soomaaliya ay kala qoqoban tahay ama kala xir-xiran tahaay ilaa ay gaartay in Ajanabigu) uu, u kala tarjumo Soomaalidii.

2,Marxalada labaad ayaa ah Bur-bur dhanka dhaqaalaha` ah) Soomaaliya manta waxay ku tiirsan tahay deeqaha ay siiyaan Beesha Calamka ilaa heer ay gaartay in Barlamanka Qaranka Soomaaliya Ciidankii Qaranka Soomaaliya iyo dhammaan Hayadaha Dawladda Soomaaliya ay mushaarkooda ka sugaan Beesha Caalamka halka Aduunku isku filaansho gaaray soo dibu socod mahan?.

3,Marxalada sadexaad ayaa ah Cadawtinimo iyo Colaad aan dhamaan Soomaaliya markii ay xornimada qaatatay hadiyaad looma siin ee waxaa naftoota u wayey halgamayaal Soomaaliyeed kuna taamayey inay mar xoreeyaan Soomaaliya waxay kale oo |Raadinayeen inay isku keenan Soomaali wayn iyo dhammaan inta af Soomaaliga ku hadasha.

Yaa badalay Halgamayaashii xornimada keenay?

Maxaa manta lagu sugan yahay yase badalay Soomalidii xornimada iyo midnimada keentay? hadii aan iska jawaabo waxaa badalay Soomaali kala Cararaysa Soomaali midkastaa midka kale uu cadow u arkoo waxaa midnimadii Soomalaya iyo walaaltinimadii badashay In maanta Gobol kastaa kan dariska la` ah uu kan kala ka durkaayo xuduud uu ka samaysanaayo ilaa aan gaarray inaan ku doodno gumaysigii ayaa xuduud inoo dhigay ee há igu soo xad gudbin waxan maraynaa heer an an inagii Soomaalida ahayd is qarxinayno oo an leenahay waan ku jano tagaya hebel dilkiisa halkaas ayaa Soomaali manta maraysaa kuna xusaysaa Xornimadeedii oo ay ka soo wareegtay 54, Sono.

Gunaanad iyo dardaaran

Ugu dabayntii Maanta iyo maalintii aan xornimada qaadanay Soomaalaay kee
Baan fiicanahay keebaan midnimo iyo walaaltinimo haysanaa ma maanta mise
maalintii aan xornimada qaadanay? Maanta bal in yar fiiri Soomaaliya halka ay ku sugan tahay dagaalladda Soomaalidda dhex deeda kala qoqobka Soomaalidda dhexdeeda is dilka boobka iyo xududaha lakala samaysanaayo markii aad eegto waxaa ku soo baxaysaa inaan xiligii Gumaysiga ka ficnayn oo Soomaali manta ay ka hoosayso meeshii ay joogtay 54, Sano ka hore waayo walaalo isku mabda, ah.

Allaha wayn Walaalaha Soomaaliyed qulubtoota ha isku soo jeediyo wanaagana ha tuso
Dhammaad

Wixii Su, aal waydiina
Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email guuleed72@hotmail.com


TARTANKII QUR,AANKA EE KOOFUR AFRIKA OO MAANTA FURMAY

$
0
0

Waxaa maanta oo ah 07da ramadaan kuna aadan 05/07/14 masaajidka imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg ka furmay tartankii qur,aanka kariimka oo ay ku tartamaayeen dugisyada dalkan koofur afrika gaar ahaan jaaliyada soomaalida ee dalkan.

somali141

Tartankan oo sanadkan ay ka soo qaybgaleen 10 dugsi oo ku kala yaalo gobolada dalkan koofur afriko ayaa waxaa ku tartami doono inta uu socdo 36 arday, waxayna ardaydaas ku tartami doonaan 5 qaybood oo qur,aanka ah

1. qur,aanka oo dhan

2. 15 juz

3. 10 juz

4. shan juz

5. hal juz

Tartankan oo ah kii labaad oo loo qabto dugsiyada jaaliyada soomaalida waxaa soo qaban qaabiyay majliska albayaan ee dacwada ee dalkan koofur afrika, waxaana tartankan kii ka horeeyay uu qabsoomay ramadaankii 2012ka, ramadaankii 2013ka oo ahayd in la qabto tartan qur,aan ayaan suurtagelin sababo xaga farsamada awgeed.

Waxaa tartankan si rasmi ah u furay sheikh axmed dheere oo ah xoghayaha guud ee majliska albayaan asagoo sheekha sheegay in uu ku faraxsanyahay in caruurtanadii ay maanta kitaabkii allah ay ku tartamaayaan, waxaana uu u rajeeyay dhamaan ardaydii soo xaadirtay guul iyo liibaan, waxaa kalimad wacdi ah oo ku saabsan muhimada qur,aanka ku bilaabay barnaamijkii maanta ee furitaanka tartanka sheikh c/casiis cali axmed oo ka mid ah ducaada koofur afriko, asagoo sheekha aad ugu dheeraaday qur,aanka qiimihiisa iyo in allah uu nagu sharfay hadaan muslimiin nahay, ayna mudantahay in allah aan ku shukrino na siiyay nicmadaas wayn oo ah in kalaamkiisa uu na dhex yaalo maantana aan ku tartamayno.

Kalimada wacdiga ka dib waxaa hadal kooban oo la siiyay gudoomiyaha gudiga qabanqaabada tartanka macalim cali ibraahim cali (cali towxiid) uu tilmaamay ardayda sanadkan tartanka ka qaybgalayso iyo tirada dugsiyada, waxaana uu sheegay macalimka in mudo bilo ah ay socotay qabanqaabada tartankan qur,aanka oo noqon doono kii labaad ee ay qabsato jaaliyada soomaalida ee koofur afriko.

waxaana uu tilmaamay macalimka in gobolo fog fog tartankan ay dadka qaar uga yimaadeen in ay ka qaybgalaan arday iyo macalimiintooda iyo waalidiintii qaar, waxaana uu tilmaamay macalim cali in sanadkan ardayda ay ka kala yimadeen gobolada western cape, eastern cape, waqooyi galbeed, iyo dabcan gobolka Gauteng oo ay ka soo qayb galeen dugsiyada ku yaalo labada magaalo ee Johannesburg iyo Pretoria.

Waxaa tartankan xaga dhaqaalaha ka saaciday ganacsatada koofur afriko oo mar walba garab taagan dacwada koofur afrika ee albayaan ay hogaamiso.

Tartankan waxaa ka ahaa dhex dhexaadiyaal gudi uu madax u yahay qaariga caanka ah bashiir bateel oo ka mid ah culimada ku caan baxday qur,aanka iyo dhexdhexaadinta tartamada caalamiga ah ee aduunka lagu qabto, qaari bashiir waxaa uu ka mid yahay culimada hindida ah ee wadankan u dhalatay,

Tartankan maanta furmay insha allah waxaa uu socon doonaa labo maalin oo kala ah maanta oo sabti ah iyo beri oo ah axad, waxaana la qaban doonaa xaflada gabagabada iyo natiijada maalinta isniinta oo bisha ay tahay ramadaan 09 kuna aadan 07/07/20014, tartankan waxaa si wacan u xiriirinaayay sheikh maxamed c/raxmaan oo ah maamulaha dugsiga cumar faaruuq oo ka mid ah dugsiyada qur,aanka ee magaalda johannesnurg.

Waxaa manta dhamaaday qaybaha ku tartamaayay juzka 1aad ayadoo sidoo kale la guda galay oo ay in yar ka harsanyihiin ardayda ku tartamaayay juzka 5aad, waxaa la filaayaa in beri lagu tartami doono hadii allah yiraahdo 110ka, 15ka, iyo 30ka juz, waxaa masaajidaka soo buux dhaafiyay dadwayne aad u bada oo ishu jiray rag iyo dumar iyo waliba ardayda dugsiyada qu,aanka ee Johannesburg.

WAXAA DIYAARIYAY

MAXAMED AADAN CABDILLE

MADAXA DACWADA GAUTENG

EE MAJLISKA ALBAYAAN

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay Masuul ka tahay Dilal iyo Qaraxada ku soo batey Muqdisho

$
0
0

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk July 5, 2014

· Qarax Ismiidamin ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Afaafka hore Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho ,waxaa Qaraxaasi la sheegey In ay Wayeelo ka soo gaartey Aaskar ka tirsan Cidamada Ilalinayey Xarunta Golaha Shacabka iyo Dad Barakacayaal ah oo ku dhawaa Xaruntaasi , waxaana Qaraxaani ka Hadley Laamaha Amaanka ee Dowladda Federalka oo sheegey in Ciidamada Dowladda ay Fashilyeen Weerar la doonayey in lagu qaado Xarunta Golaha Shacabka oo Xiligaa ay ku shirayeen Xubnaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka.

somali142

· Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Wadooyinka ayaa maanta lagu Diley Agagaarka Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho sida uu Saxaafadda u Xaqiijiyey Taliyaha Ciidamada Wadooyinka Cali Gaab oo sheegey in Muddo Todobaad ah Ciidamadda nabadgelyada Wadooyinka laga diley ilaa Afar Askari ,Tododbaadki hore ayey ahayd markii agagaarka Isgoyska Dabka lagu dilley Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka , waxayna Dilalkaan ku soo beegmeen Xili Magaalada Muqdisho ay sii Xoogeysteen Dilalka iyo Qaraxyada gaar ahaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

· Iyadoo ay sii Xumaaneyso Xaaladda nabadgelyo ee Magaaladda Muqdisho ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxay Dowladda ku eedeeyeen in ay Masuul ka tahay Dilalal iyo Qaraxada ku soo batey Magaalada Muqdisho “ Anagu ma haysano Hub iyo Ilaalo noo gaar ah kuwii diley Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ma baxsadeen Hadii Xildibaanka ay la socon lahaayeen Ciidamo ku Filan “ sidaa waxaa yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegey in Dowladda looga baahn yahay in Xooga saarto sdii looga hortagi lahaa Qaraxyada iyo Dilalka

· Wasiirka Garsoorka iyo Dastuuka ee Dowladda Federaalka Faarax Shiikh Cabduqaadir ayaa waxaa uu digniin u direy raga ku howlan Dekumetiyada Been Abuurka ah ee lahaanshaha Guryaha iyo Dhulalka waxaa uu sheegey in Dwoladda Federaalka ay Talaabo ka qaadi doonto kuwa ku Howlan Dekumentiyada Been Abuurka ah , waxaa uu sheegey in Dekuntiyadaas Been Abuurka ah lagu Jahwareeriyey Guddiga Adeega Garsoorka kuwaa uu sheegey in ay Caqabad ku tahaykala saarista Dadka isku heysta Guryaha iyo Dhulalka .

· Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Cambaareeyey Dilkii loo geystey Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo Kooxo Hubeysan ay ku dileen Magaalada Muqdisho ,waxaana uu ka Codsadey Dowladda Federaalka in ay Cadaalada horkeento kuwii ka dambeeyey Dilka Xlidhibaankaas sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isna ka hadleyey Dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd waxaa uu yiri” Waxaa nala ka diley ilaa Lix Xidhiban Taasi ma aha mid naga hor istaageysa Howlaha aan u qabano Bulshada Soomaaliyeed iyo Weliaba Qaranka Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Qarax ka dhacay Buuulo Xaawo oo ay ku dhinteen 5 askari ee dawladda Federaalka, iyo qarax kale oo ka dhacay meel u dhaw dekeda Xamar iyo goobo ka mid ah Kenya oo lagu laayey dad

$
0
0

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk July 6, 2014 –

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Dagaal ay Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab ku qaadeen Gudaha Dalka Kenya, Weerarkaas ayaa waxaa uu ka dhacay Laba tuulo oo ku dhow Degmada laamuu, Weerarka hore ayaa waxa uu ka dhacay Tuulo lagu Magacaabo Mwanda Njoka waxaana halkaa lagu diley 10 Qof Guryo iyo Hanti fara badan ayaa lagu gubey, Weerarka Labaad waxaa uu ka dhacay Tuulo lagu Magacaabo Gamba oo ku dhow Webiga Tanna River waxaana lagu diley ilaa 20 Qof islamarkaana waxaa lagu gubey Hanti iyo Guryo waxaan Weerarkaan Sheegtey Xarakada Al Shabaab.

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buuulo Xaawo ee Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Maqaayad halkaa ku taalo uu Qarax uu ka dhacay waxaa la Xaqiijiyey in Qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa Shan Qof oo ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaa la sheegey in Qaraaxsi ka dhacay Maqaayada ay waxa ka Cunayeen dad Soomayaali ah waa sida ay sheegeen dad halkaas ka dhawaa markii uu dhacayey Qaraxa, waxaan Qaraxaasi dadkii ku dhaawacmey la dhigey Isbitaalka Magaalada Buulo Xaaawo

· Qarax lagu soo Rakibey Walaxa Qaraxa ayaa waxaa uu maanta ku Qaraxay meel ku dhow Dekeda Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxaasi la doonayey in lagu dilo Masuul ka tirsan Dowlada Fedraalka oo ka shaqeeya Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho , hase eyeshee markii Masuulkii watey Gaariga oo Gaariga dhigey meel gaar , makii in cabaar ka sii maqanaa ayaa waxaa Dhacay Qaraxaasi oo la sheegey in aysan Cidi wax ku noqon, intii ay bilaabantey Bisha Barakeysan waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo iyo Dilal loo geysanyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyo Ciidamo.

somali143

· Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Maxamed Shiikh Xaamud oo ka hadlayey Dilalka iyo Qaraxyada ku soo kordhey Magaalada tan iyo markii ay dhalaty Bisha Barakeysan ee ramaadan ayaa waxaa uu sheegey in Qaraxyada iyo Dilalka looga hortagi karo iyadoo Ciidamada looga baahan yahay in ay si Daacad ah ula dagaalamaan Xarakada Alshabaab waxaa uu intaa ku darey “Falalka dhacay waa ka hortag iyo ka daba tag hadii aan taas la heli wax hagaagaya ma jiraan” marrka waxaa loo baahan yahay in ay Ciidamada u shaqeeyaan si dfaacad ah.

· Maamulada Pundland iyo Jubbada ayaa si Wadajir ah u soo saarey Warsaxafadeed ay kaga hadalyaan Xaalada Dalka waxayna Ugu horeyn ugu baaqeen Dowladda Fedraalka in Dardargelisyo Howlaha dib loogu eegayo dastuurka Dalka , waxaa sidoo kale War Saxaafadeedkaas waxay labada Maamul ku sheegeen in ay Xaq uleeyihiin in Deeqaha ay hesho Dowlada Fedraalka ay dhinacooda ka helaan, waxaa kale lagu sheegey War Saxaafadeedkaas in Labada Maamul ay soo jeedinayaan in Doorashada 2016 ay u dhacdo sidii loogu talagaley hadii loo baahdo Isbedel waa in Labada Maamul lagala tashadaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Xayaysiis Twitterka AqoonKaal.com

R.W Cabdiwali oo furay shirka wadatashiga Xeerka Saxaafadda

$
0
0

Muqdisho, July, 07, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mustafa Sheekh Cali “Dhuxuloow”, ayaa galabta furay shirka wadatashiga xeerka Saxaafadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta. Shirka ayaa soconaya muddo 2 cisho ah, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka socday Hey’addaha warbaahinta, Ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta iyo guddiga madaxa banaan ee ku howlan diyaarinta xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Mustafa Sheekh Cali “Dhuxuloow” oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxay xiligii uu soo bilowday xeerkan saxaafadda iyo marxaladihii kala gadisanaa oo uu soo maray, isagoo sheegay in guddigan ay qodob qodob uga doodeen xeerkan isla-markaana ay ka reebeen waxyaabihii ay u arkeen in aysan dan ugu jirin dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxayna ku soo dareen qodobo ay u arkeen inay yihiin kuwo wanaagsan, iyagoona ugu baaqay wariyaasha ka qeyb galayay kulanka in ay tallooyin ku darsadaan xeerkan Saxaafadda si uu u noqda mid iyaga difaaca Mustaqbalka.
somali144
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo Shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxda Warbaahinta iyo Wariyeyaasha Somaaliyeed inay taageeraan Xeerka Saxaafadda, waxaana uu sheegay in xeerkaan waxbadan oo xuquuq ah siinayo saxafiyiinta, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay xeerkaana ay tahay in la helo qaab bulshadu ugu wada adeegto horumarka dalka.

“Waxaan balan qaadayaa in markasta ay ku dadaaleyso xukuumaddu xorriyadda warbaahinta iyo difaaca xorriyatul qowlka, waxaana cadaynayaa in xukuumaddu wax cadaadis ah ku saarayn saxaafada in ay aqbalaan xeerkaan, xukuumadu waxay soo dhaweynaysaa wixii talo iyo tusaale ah oo lagu kordhiyo sharcigan saxaafada, si loo helo sharci dammaanad qaadi kara xaquuqda wariyaha iyo dhammaamba howlwadeenada warbaahinta xorta ah, taladooda iyo awoodoodana isugu geeya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal, loona baahanyahay warbaahintu inay gacan ka geysato sidii loog adkaan lahaa kooxaha dhibaatada ku haya wariyeyaasha iyo bulshadda qaybaheed kala duwan.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn ku Diley Qoys ka Kooban 10 Qof

$
0
0

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 7-7-2014

· Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose waxay sheegayaan In Diyaaradaha Dagaala Kenya ay Duqeymo ka geysteen Tuulyinka Kudhaa, Buurgaabo, Stanbuul iyo Madhawo oo dhamaantood ku teedsan dhulka Xeebta ah , waxaana la Xaqiijiyey in Dad fara badan ay ku dhiteen Duqeyntaas oo 10 ka mid ah ay ka soo jeedaa Hal Qoys ,iyadoo Odoyaasha Deegaaskaas ay sheegeen in Muddo Saddex Maalmood ah ay Duqeyntaas uga socotey oo ayna waxyeelo ka soo gaartey Dad Rayid , sidoo kale Dowladda soomaaliya ayey ku eedeeyeen in aysan marnaba ka hadlin Dhibaatada ay geysanayaan Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Kenya.

diyaarad5
· Wararka naga soo gaarya Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe waxay sheegayaan in Galbeedka Magaalada Jowhar lagu diley Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, Waxaa a sheegey in Afartaas Askari lagu diley Si Gaadmo ka dibna waxaa la sheegey in laga qaatey Qoryihii ay lahaayeen , Ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ay ku baxeen Goobtii lagu diley Ciidamadaas iyadoo Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe uu sheegey in dadaal u geli doonaan Kooxihii ka dameebyey Dilka Askarataas.

· Xeera ilaayaha Guud Qaran Cabduqaadir Maxamed Muuse oo Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Ansaxintii Baarlamaanka ee uu Ansaxiyey Guddiga Adeega Garsoorka ay tahay mid ka hor imaanaysa Dastuurka Dalka waxaa uu intaa ku darey “ waxaa Diyaar u nahay in aan ku kala baxno Dasuurka hadii taa la diidana Cid ka yeeleyso ma jirto in lagu Xadgudbo Xeerka iyo Dastuurka Dalka aniga waxaa u Xilsaaranahay Ilaalinta Sharuucda Dalka u degsan waxaana mar kale ku Celinayaan in aan marnaba aan ogolaan doonin in lagu Xadgudbo Dastuurka “

· Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa waxay sheegayaan in Maamulka la magac baxay Soomaaliland ay tijaabisey Qalab Casri ah oo ay sheegtey in ay ku Maamuleyso hawada Deegaanadeeda, Qalabkaan waxaa Tijaabiyey Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Maamulka Somaaliland , waxaa la sheegey in taabada Qalabkaas ay ku dhamaatey si guul iyadoo Maamulka Soomaaliland uu doonayo in uu ka Xoroobo Qaramada Midoobey oo h0re u Maamuli jirtey Hawada Soomaaland iyo guud ahaan Mida Soomaaliya , waxayna Qaramada Midoobey Maamulida Hawada Soomaaliya ka heli jirtey Sannadkii Malaayiin Doolar.

· Laba Askari oo ka tirsan kuwa Canshuuraha ayaa maanta kooxo ku hubeysan Bistoolado ku dileen Magaalada Muqdisho , Askariga Koowaad ayaa lagu diley Degmada Wadajir mar uu doonayey in uu Cashuur ka qaado Suuq Hilibka iyo Khudaarta ee Degmadaas , Askarigii Labaad ayaa waxaa isna lagu diley Xafadda Suuqa Xoolaha mar isna doonayey in Canshuur ka qaada Degmada , Dilalkaan ka dhacaya Magaalada ayaa sii kodhey Markii ay Dhalatey Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law no. 37

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

saxiixaQoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref) waxa uu tibaaxay in EEZ-ka (aagga dhaqaalaha badda) uu yahay 200nm, halkii uu ka ahaa 200nm oo ah “Territorial Waters” (dhul badeed). Sidoo kale kama hadlin kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed.

Waxaa sidoo kale qoraalka la socda 39 bog oo ku saabsan ama lagu qeexay dhigaha iyo loolka badda Soomaaliya, laakiin aan lahayn magacyo lagu garto aagga laga hadlayo.

Waxa kale oo qoraalku tibaaxay “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka aragtidaas qaba si markaas loo kala xadeeyo EEZ-ka badda”.

Hadalkaasi waxa uu dhigmaa “muran gelintii badda Soomaaliya ee Kenya damacsanayd” taas oo ay hore uga dhiidhiyeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadalkaas madaxweynaha DFS ku qayaxan in uu hirgelinayo damacii Kenya ee ahaa in la yiraahdo aan ka wada xaajoono baddiina aan muranka geliney xilligii xukuumadii Sheikh Shariif.

Waxaana muuqata in qoraalkaas aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo gudbin Qaramada Midoobey, jawaabta baarlamaanku arrintaas ka bixiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed sugayaa.

Horraantii bishii June 2014 ayey ahay markii ay soo shaac baxday in Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya…

Halkan ka akhri qoraalka uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamud June 30, 2014 , waxaadna barbar dhigtaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972

…………..
Tixraac Bogga UN-ka:

Letter from Hasan Sh Mohamud to UN

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf

Coordinates:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

UN Press release:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/mzn_s/mzn106ef.pdf

Law no. 37 of 1972
http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf


June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay caddeeyeen in: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. akhri….

Maqaayad (Restaurant ) aad ka Heleysid 176 Nooc oo Cunto ah.

$
0
0

Restaurant Khana Khazana International oo markii ugu Horeysey laga Furey Soomaliya

Sayid Hotel oo aad ka heleysid Jiif iyo Cunto Macaan

cunto4
Magaalayadda Caalamiga ah ee Khana khazana ayaa markii ugu horeysey laga furey Magaalada Muqdisho waxay laamo ku leedahay 24 Wadan oo Aduunka ka mid ah, waxay kuu samaynaysaa 176 nooc oo Cuno ah oo ay ku jiraan Cunada dadka Sonkorta iyo Dhiig Karka qaba.

Sidoo kale waxaa ka mid ah Cunooyinka aad ka helayso Restaurant Khana Khazana Naani Jabaati iyo Khubus Carbeed iyo weliba 20 Nooc wax ka badan oo lagaaga sameeyey Kaluunka oo keliya sida:

Fish Appollo
Fish Chili
Fish Yoga
Fish Achar
Fish Finger
Fish and Chips

hotel5
Iyo noocyo kala duwan oo badan Sidoo kale cuno kasta waxaa lagaga samaynayaa Boqolaal nooc oo kala duwan Resturantigaan Khana Khazana International wuxuu ku dhex yaala Hotel Sayid International oo isaguna aad ka dhex heli doonto Jiif Raaxo leh oo ka kooban Sariiro Single iyo Double ah waxaana kuu Adeegaya Shaqaale Aqoon sare u leh Shaqadooda .

cunto5
Hotel Sayid Internatioanal waxuu ka kooban yahay Afar dabaq waxuuna leeyahay Hoolal qaada in ka badan Kun qof oo aad ku qabsan kartid Xafladaha ,Shirarka Aroosyada iyo Munaasabadaha gaarka ah sidoo kale waxaad ka heleysaa Biyo Macaan oo Nadiif ah islmarkaana Qubeysku waa Kuleyl iyo Qabow.

Hotel Sayid International waxuu ku yaalaa ka soo horjeedka Taaladii caanka ahayd ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ,qaybta Bari waxuu ka haystaa wadada Maka-Almukarama Waxii faah faahin ah kala xiriir:

+25261-5231125 ama +25261-5541445
Line ka 653141 ama 941027
E-Mailka buule9593@gmail.com ama
Booqo Website-ka
www.khanakhazana .com


Golaha Wasiirrada oo kulan la qaatay laamaha ammaanka dalka iyo Gudiga Difaaca ee Baarlamaanka

$
0
0

Muqdisho, ….Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyayaasha laamaha Ammaanka, Maamulka gobolka Banaadir, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Furitaanka kulanka waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, wuxuuna ka warbixiyay kulan uu lasoo qaatay Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka, iyo Xildhibaano, kaas oo looga hadlayay qaabka ugu habboon ee si wadajir ah looga hortagi karo fallalka guracan ee ay geysanayaan kooxaha Nabad-diidku, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso sugidda ammaanka, isla markaana uu kulankani yahay mid ay tallooyin isku weydaarsanayaan Xukuumadda, Gudiga Difaaca Baarlamaanka iyo laamaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday hey’addaha amniga inay fuliyaan go’aamadii kasoo baxay kulamadii hore ee ammaanka looga hadlayay isla markaana ay kaashadaan shacabka si looga guuleysto fallalka uu cadowgu maleegayo.

Dhinacyada kasoo qeyb galay kulanka ayaa dood ka yeeshay qaabka looga hortagi karo weerarada ka imaanaya kooxaha Nabad-diidka bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana ay isku raaceen in la xoojiyo howlgalada laga sameynayo magaalada Muqdisho,

Kulanka markii uu soo dhamaaday kaddib waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Difaaca, ahna ku simaha Wasiirka Amniga Qaranka mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxuuna sheegay in laysku afgartay in ay qaadaan tallaabbooyin wadajir ah oo Xukuumadda iyo Laamaha Amaanka ku xaqiijinayaan Nabadgalyada.

Ku-simaha Wasiirka Amniga Qaranka ayaa ugu baaqay bulshadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sugidda amniga Caasimadda , waxaana uu xusay in dhawaan magaalada Muqdisho laga hirgelin doono baro ay kusoo wargeliyaan shacabku Ciidamadda ammaanka si looga hortago falku intuusan dhicin ka hor.

—DHAMAAD—
July, 07, 2014

Axmed-nuur Maxamed
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa Muqdisho ku diley mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahayd

$
0
0

Kabtankii ugu Horeeyey ee Kubada Cagta Maxamed Aadan Khalaf Shongole oo lagu Aasey Duleedka Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 8-7-2014

· Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahaa kaasoo lagu Magacaabi jirey Cumar Yuusuf Caliyow ( Cumar Bagadi ) Dilaka oo ka dhacay Degmada Wadajir waxaana la sheegey in Kooxihii Diley Cumar Bagadi ay ka baxsadeen Goobta ,waxaana soo gaarey halkii lagu diley iyadoo halkaa ka bilaabey baaritaano , Todobadkii hore ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu diley Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Xayd

· Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ka qayb galey Shir looga hadlayey Amaanka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdishoo oo Maalmahii ugu dameeyey ay ka dhacayeen dagaalo , Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan , waxaana kulankaas ka qayb galey Qaybaha ka duwan ee Laamaha Amniga , Xildhibaano iyo Wasiiro waxaana la sheegey in eedo la isku weydaarsadey oo ku aadan dhinaca Amaanka iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu sheegey in Hayadaha Amaanka ay ka soo bixi waayeen sugida Amaanka Muqdisho. Sidoo kale Raiisul Wasaaraha oo ka Hadley Kulankaas ayaa iska difaacay Eedeemaha loo soo jeediyey Xukuumadiisa isagoo Howsha socota ku tilaamey mid ka horeysey.

· Maxakamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun Dil ku ridey nin la sheegey in uu ka dambeeyey Qaraxii Nofembe e Sannadkii hore ka dhacay Hotelka Maka Al – Mukaama ee Magaalada Muqdisho , waxayna Maxkamadu sheegey in Caawiye Axmed Jaamac oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed uu qirtey in uu ka Dambeeyey sidoo kale waxay sheegtey in Maxkamada ay keentey Dukumentiyo la xiriiro sida uu u dhacay Qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al- Mukarama

· Waxaa Magaaalada Muqdisho ku Geeriyoodey Kabtankii ugu horeeyey ee Kubadda Cagta ee Soomaaliya Maxamed Khalaf Aadan Shongole oo Maalmihii ugu Dambeeyey ku Xanuunsanayey Magaalada, waxaa uu ahaa shaqsi muddo ku soo dhex jirey Ciyaaraha isagoo inta uusan Xanuunsan uu qaban qaabo ugu jirey Tartanka Ciyaaraha Gobolada Gaar ahaan Halka uu ka soo jeedo Shongole ee Gobolka Shabeelada Dhexe iyadoo mar la wareystey waxaa uu sheegey in Sannadkii 1943 dii u bilaabey Kubada Cagta ,waxaana halkaan Tacsi uga diraya Bahda Isboorti waxayna leeyihiin Qoyskiisa Samir iyo Iiimaan ka siiiyo isagana Janadii Fardowso. Saakey ayaa lagu Aasey Qabuuraha Macalin Nuur ee Km 13

· Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa furey Shir looga hadlayey Xeer Saxaafadda oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, waxaana Kulankaas ka qayb galey Qayabaha ka duwan ee Bulshada Rayidka, Ururada Saxaafadda, Hayadaha Xaquuqda Aadanaha iyo qaybaha kale duwan ee Warbaahinta, Raiisul Wasaaraha oo ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu ugui Baaqey Saxaafadda Soomaaliyeed in ay taageeraan Saxaafada islamarkaana ay Dowladda kala shaqeeyaan Arrimaha Amaanka

· Iyadoo Shaley uu Banaanbax uu ka dhacay Magaalada Nairobi oo looga soo horjeedey Amaan Xumida ka jirtey Dalka ayaa Raila odinga waxaa uu u soo jeediyey Dwolada Kenya in ay Ciidamadeeda ka soo saarto dalka Soomaaliya Raila oo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka CORD ,waxaa uu intaa ku darey “ Waa wax aan la aqbali Karin Amaandrada ka jirta dalka Kenya waxaa xaqiiqo ah in Dowlada uu Hogaamiyo Uhuro Kenyatta ay ku fashilmeen Sugida Amaanka Dalka , tan iyo markii ay Dowlada kenya Ciidamadeeda u dirtey Soomaaliya waxay la ka bixi weyso Dagaalo , Qaraxyo iyo Dilal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Minneapolis: Gudoomiyaha Degmada 6’aad Abdi Warsame Oo Meel Mariyey Sharciga Takaasiilayda (Taxi/Cab)

$
0
0

Minneapolis : Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis, Mudane Abdi Warsame ayaa maanta gudiga horumarinta bulshada ee golaha degaanka horgeeyey xeerar cusub, cinwaankiisu yahay 13 cutubka 341. Xeerarkaan ayaa isugu jira kuwa cusub iyo kuwa hore oo dib u habayn lagu sameeyey, loogana gol leeyahay in culayska laga qaado darawalada iyo mulkiilayaasha gawaarida takaasiilayda (Taxis).

image

Sharciyadaan cusub ayaa markii u horaysay u fasaxaya takaasiilayda in gawaaridooda ay dhigtaan wadooyinka magaalada, dhimaaya inta jeer gawaaridooda la kormeero (inspections) islamarkaana kordhinaaya sanadaha ay gawaarida taxi noqon karaan. Takaasiilayda magaalada Minneapolis horay looma ogalayn in ay dhigtaan guryahooda hortood, iyagoo la kormeeri jiray gawaaridooda (inspection) 2 jeer sanadkii, markiiba laga qaadi jiray $135.00. Sidoo kale gaariga taksiga noqonaayo da’diisu 6 sano iyo ka yar inuu noqdo ayaa xeerkii horay dhigi jiray halka xeerka cusub dhigaayo 10 sano iyo dheeraad.

image

Abdi Warsame oo maanta horgeeyey sharcigiisi cusub golaha degaanka ayaa si qiiraysan ugu dooday darawalada takaasiilayda isagoo golaha ka dhex sheegay inuu ka damqaday culayska ay magaalada ku hayso darawalada iyo mulkiilayaasha ka ganacsado takaasiilayda.

Gudiga dhaqaalaha ee golaha degaanka ayaa cod u qaaday xeerarkaan cusub islamarkaan ansixiyey isla maanta. Xeerarkaan cusub ayaa markale cod loo qaadi doonaa kala-fadhiga golaha degaanka taarikhdu markay tahay 07/18/2014. Waa sharcigii ugu waynaa ee la horgeeyo golaha degaanka sanadkaan iyadoo la filaayo in saameyn weyn ay ku yeelato 1400 ee darawalo u badan Somaali iyo qoysaskooda.

Qodobada kale xeerarkaan ku lifaaqan ayaa ah:

- baabi’inta Cab Stand Permits (oo lacag dhan $200.00 kharaj ku bixi jiray sanadkii)

- Dhiminta kormeerka gawaarida ee 2 jeer sanadkii ahaa oo hal jeer laga dhigay ($135.00 baa sanadkii darawalada uga bixi jiray.)

- U ogolaanshaha in kormeerka ama (inspection) ay ka samaysan karaan garageka ay rabaan.

- U ogolaanshaha gawaarida in ay dhigi karaan meterada down townka ka baxsan.

- U ogolaanshaha in gawaarida ay dhigan karaan wadooyinka magaalada islamarkaana ay u isticmaali karaan danahooda shaqsiyeed.

- Baabi’inta trip sheets wax loo yaqaan.

- Baabi’inta drop safes.

- Baabi’inta DOT Medical Card

- Baabi’inta claasyada ay magaalada ka qaadan jireen ($35 ugu fadhiyey darawalada, $15 companiyada)

Iyo qodobo kale. Guji linkiga si aad u akhrisid sharcigaan:

https://www.documentcloud.org/documents/1210719-chapter-341-taxicabs.html#document/p16/a164693

Sumaya Mohamed

Minneapolis City Council

Ward 6

Muqdisho oo lagu Diley Garyaqaan si weyn looga yaqaan Dalka.

$
0
0

Dowladda Federaalka ayaa faahfaahin ka bixisey Weerara lagu ekeeyey Xaraunta Madaxtooyada ….
Madaxeynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xilkii ka qaadey Agaasimihii Madaxtooyada

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 9-7-2014

· Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley mid ka mid ah Qareenada Soomaaliyeed kaasoo lagu Magacaabi jirey Cawil Axmed Xabad, dilkaas oo ka dhacay Degmada Degmada Dharkeenleey waxaana la sheegey in Kooxihii Diley Avv Xabad ay ka baxsadeen Goobta ,waxaana soo gaarey halkii lagu diley Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo halkaa ka bilaabey baaritaano , tan iyo markii ay dhalatey Bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Dilal, Qaraxyo iyo Dagaalo

· Dowladda Federaalka ayaa faahfaahin ka bixisey Weerara lagu ekeeyey Xaraunta Madaxtooyada ee Dowladda Federaalka waxaana Weerarkaas ka damebeyey Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo Dowladu ku sheegtey in ay Tiradooda gaarayeen ilaa Afar Askari kuwaa oo ku labistaa Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka , waxay dowlada sheegtey in uu Fashilmey Weearakaas halka Xarakada Alshabaab aya sheegeen in Weerarkaas ujeedkii laga lahaa laga gaarey, Dhinaca kale Dowlada Mareykanka Warsaxaafadeed ay soo saartey ayey ku Camabaareysa Weearakaas lagu qaadey Xarunta Madaxtooyada

· Dowlada Federaalka ayaa markii uu dhacay Weerarkii Madaxtooyada waxay deg deg u Magacowdey Wasiirkii Amniga oo Tan iyo markii uu Iscasiley Wasiirkii hore ee Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed, Jagadaas way banaaneyd waxaana loo magacaabey Khaliif Axmed Ereg oo hore uga soo shaqeeyey Ciidamada Nabadsugida isagoo soo qabtey Xilka Guddomiyaha nabadsugida ee Gobolka Banaadir, sidoo kale Dowladda Federaalka waxay erisey Taliyayaashii Nabad Sugida iyo Booliiska Bashiir Maxamed Jaamac iyo Gen Cabdixakiim Daahir Saacid ka dib markii lagu eedeeye Amni Xumida Dalka waxaana taliyaha Nabad Sugida loo magacaabey Maxamed Cabdulaahi Xaamud taliyaha Booliiska waxaa loo Magaacaabey Maxamed Shiikh Xasan Ismaaciil.

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in halkaa lagu qabtey gaari walaxa Qarxa ka buuxaan kuwaa oo la sheegey in ay wateen Shan nin, warka waxaa uu intaa ku darayaa in gaariga iyo Waxa uu watey ay haatan ku Xiran yihiin Saldhiga Magaalada Guriceel Xarakada Alshabaab ayaa markii ay Curatey Bisha barakeysan ee Ramadaan waxay laba jibaartey Dagaalka , Qaraxyada iyo Dilalka ,waxayna Xoogooda saareen Magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen Weeraro , Qaraxyo iyo Dilal.

· Madaxeynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xilkii ka qaadey Agaasimihii Madaxtooyada ee Dowlada Federaalka oo lagu Magacaabi jirey Taabid Axmed ,waxaana lagu bedeley nin la yiraahdo Cali Cumar ( Cali balcad ) oo lagu tilmaamey aqoonyahan degan dalka Mareykanka, Agaasimiihi hore ee Madaxtooyada Taabid ayaa Xilkaas hayey Muddo hal sanno ah , waxaana Xil ka qaadistaan ku soo beegantey Xili Laba jeer Xarakada Alshabaab ay weerareen Xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.3aad) – W.Q. Aden Colujoog

$
0
0

Qebtii 2aad ee qormadaan waxaan ku xusay in aan soo gudbin doono qaar ka mid ah luuqadaha Qaaradda Afrika looga hadlo ee qarka u saaran in ay dabar go’aan ama dhintaan.

colujoog9Haddaba, maadaama ay jiraan luuqado badan oo dhamaan Qaaradaha adduunka looga hadlo oo kusii socda in ay dabar go’aan, ayaa waxaan halkaan kusoo gudbinayaa inta ay la’eg tahay tirada guud ee luuqadaha Qaaradaha Afrika iyo Yurub kasii dabar go’aaya oo kaliya, waayo ma sahlana in aan qormo kaliya kusoo gudbiyo dhamaan luuqadaha caalamka waqtigaan la jooga kasii baa ba’aya amaba la oran karo way dhinteen.

QAARADDA AFRIKA

Tirada guud ee luuqadaha Qaaradda Afrika ee sii dabar go’aya waxay gaarayaan 63.
Tirada luuqadahaan sii baaba’aya amaba dhawaan qaarkood dhinteen ee Qaaradda Afrika oo badan awgood, iima suurta galeyso in aan kuligood qormadaan kusoo gudbiyo, sidaas awgeed; waxaan hoos kusoo bandhigayaa luuqadaha sii dabar go’aya ama dhawaan dhintay ee wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya oo ah kuwa soo socda:

Soomaaliya: Dalka Soomaaliya luuqadaha looga hadlo waxaa ugu ugu muhiimsan laba luuqadood oo la kala yiraahdo: MAAY IYO MAXAA. Waxaa iyana jira luuqado yar-yar oo aanay tiradoodu badneyn oo looga hadlo gobolka Banaadir, Shabeelada Hoose, iyo Jubbooyinka, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Luuqadaha Banaadiriga, Baajuunta, Galadiga, Dabaraha, Boonta iyo kuwo kale.
Luuqadda Boonta (Boon language) oo ka tirsan bahweynta luuqadaha ku abtirsada “Cushitic” oo looga hadli jiray inta u dhaxeysa deegaanada degmada Jilib iyo Jubbada Dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay u muuqataa in ay tahay mid sii dabar go’ eysa, waayo; tirakoob sanadku markuu ahaa 2000 lagu sameeyay inta ay gaareyso tirada dadka luuqadaas ku hadla, ayaa lagu ogaaday in ay dhan yihiin 59 qof oo kaliya.
Warbixinta laga soo saaray tirakoobka kaddib ayaa lagu sheegay in TOBANEEYADII sano ee lasoo dhaafay dadka luuqadaas ku hadli jiray ay noqdeen kuwo u badashay in ay ku hadlaan luuqadda MAAY ee looga hadlo degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Ethiopia: Dalka Itoobiya waxaa kasii dabar go’aaya 3 luuqadood oo kala ah: Luuqadda “Anfillo” oo tirada dadka ku hadla ay ka hartay 500 oo qof, luuqadda “Birale” oo tirada dadka ku hadla ay gaarayaan 19 qof oo kaliya, iyo luuqadda “Shabo” oo tirada dadka ku hadla ay gaarayaan qiyaastii 400-500 oo qof.
ANFILLO – Luuqadda “Anfillo” oo sidoo kale loo yaqaan “Mao” ama Koofurta “Mao”, ayaa ah mid ay ku hadlaan qowmiyadda “Anfillo” oo ku dhaqan waaxda “Anfillo woreda” oo hoos tagta qeyb horay loo oran jiray Mirab Welega” oo ku taala Koofur Galbeedka dalka Itoobiya.
Luuqadaan oo bah wadaag la ah luuqadda “Omotic” ee looga hadlo galbeedka Itoobiya, ayaa tirada dadka ku hadla ay ka hartay oo kaliya dhowr boqol oo ay da’doodu ka sareyso lixdameeyo.
Dhamaan da’ yartii luuqadaan u dhashay ayaa u leexday oo ku hadla luuqado looga hadlo Galbeedka gobolka Oromiya.
BIRALE – Luuqadda “Birale” oo sidoo kale loo yaqaan “Ongota ama Birayle” oo looga hadlo Koofurta dalka Itoobiya ayaa ah mid ay soo wajahday DHIMASHO (moribund.)
Warbixin ay UNESCO soo saartay sanadkii 2012 ayay ku sheegtay in tirada dadka luuqadda “Birale” ku hadli jirtay oo dhameyd 115 qof ay ka hartay 12 qof oo kaliya, ayada oo in kale oo ku nooleyd xaafadda luuqadaas looga hadla oo ku taala daanta Galbeed ee webiga Weito ay qaateen kuna hadlaan luuqad kale oo la yiraahdo Tsamai.
SHABO – Luuqadda “Shabo” ama “Mikeyir” oo ay ku hadli jireen qowmiyad horay u ahan jirtay ugaarsato ee ku dhaqan Koofur Galbeed Itoobiya, gaar ahaana ku sugnaa kana ugaarsan jiray 3 deegaan oo kala ah: Anderaccha, Gecha, iyo Kaabo; ayaa siday marba meel ugu guurayeen oo ay ugu jireen xirfadooda ugaarsiga si ay noolashooda ula soo baxaan waxay ku kala milmeen qowmiyado kale oo deegaanadooda deris la ahaa, dabadeedna waxay qaateen dhaqamo iyo luuqado kale oo aan kooda aheyn, gaar ahaan luuqadaha “Majang”, Shekkacho (Mocha) iyo Amxaariga.

Kenya: Dalka Kenya luuqadaha kasii dabar go’aya tiradooda waa 5, kuwaasoo kala ah: El Molo, Ogiek, Omotik, Yaaku, iyo Suba.
EL MOLO – Luuqadda El Molo oo looga hadlo Koofur Bari ee harada Turkana oo ay ku hadli jireen dad la oran jiray EL MOLO ayaa qarka u saaran in ay dhimato, waayo, sanadkii 1994 tirada ku hadli kartay luuqadaas waxay dhameyd 50 qof oo kaliya.
Laakiin, in kasta oo horay loo sii saadaaliyay in ay luuqadaas dabar go’i laheyd bartamihii Qarnigii 20aad, haddana waxaa qeybtii danbe ee Qarnigaas la arkay dad wali nool oo ku hadli kara luuqadaas El Molo.
OGIEK (AKIEK) – Luuqadaan OGIEK ama AKIEK ayaa waxay ka mid tahay luuqadda Nilotic ee ay ku hadlaan qowmiyado kala gedisan sida qabiilka la yiraahdo Kalenjin, taasoo sidoo kale ay horay ugu hadli jireen dadka la yiraahdo Ogiek oo ahaa Ugaarsato ku kala firirsan inta u dhaxeysa Koofurta Kenya iyo Waqooyiga dalka Tanzania.
Inta badan qowmiyadda Ogiek, haddiiba aanay kuligood aheyn, waxay ku dhex milmeen oo ay qaateen dhaqanadii qabiiladii ku hareersanaa.
Tusaale: Qabiilka Akiek ee waqooyiga Tanzania hadda waxay ku hadlaan luuqadda Maasai, isla qabiilkan Akiek ee ku dhaqan Kinare ee dalka Kenya ayaa iyana ku hadla luuqadda Gikuyu.
OMOTIK – Luuqadda Omotik waxay ka mid tahay luuqadaha la’isku yiraahdo Nilotic ee Koofurta Kenya, waxaana ku hadla Ugaarsato la yiraahdo Omotik ee ku dhaqan agagaarka harada weyn ee “Rift Valley.” Qowmiyadaan Omotik ayaa waxay muddo dheer ku ag noolaayeen qabiilka la yiraahdo Maasai oo ka tiro badan, kuwaasoo ay aakhirkii qaateen luuqadooda, toodiina ay meesha ka baxday oo ay noqotay mid dhimatay oo aan dhaqmaad danbe laheyn.
Tirakoob lagu sameeyay tirada ku hadasha luuqadaan sanadii 1980 ayaa lagu ogaaday in ay dhan tahay 50 qof oo kaliya.
YAAKU: Luuqadda Yaaku oo sidoo kale loo yaqaano Mukogodo, Mogogodo, Mukoquodo, Siegu, Yaakua, ama Ndorobo, ayaa ka mid ah bah weynta luuqadaha la’isku yiraahdo “Afro-Asiatic” ee looga hadlo Geeska Afrika iyo deegaano kale oo badan oo uu dalka Kenya ka mid yahay.
Luuqadani ayaa la sheegaa in ay gasho faraca luuqadda “Cushitic”, laakiin, ilaa iyo hadda ma sugna ka mid ahaashaheeda farac luuqadeedkaas.
Tira koob lagu sameeyay tirada dadka ku hadla luuqada Yaaku sanadii 1983, ayaa lagu ogaaday in ay dhan tahay 50 qof oo kaliya oo ay da’doodu weyn tahay.
SUBA – Luuqadda Suba oo ay ku hadasho qowmiyadda Suba ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa kusii socota heer la oran karo “qatar bay ku jirtaa”, waayo, qowmiyadda luuqadaas ku hadasha ee Suba ayaa qaatay kuna hadla luuqadda qowmiyadda Luo ee Dholuo.
Luuqadda Suba ayaa hadda qarka u saaran heer dabar go’ ah, sababtoo ah, tirada dadka ku hadla luuqadaas ayaa yar, da’doodana way weyn tahay.

QAARADDA YURUB

Tira koob ay sanadku markuu ahaa 1993 sameysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qabilsan waxbarashada, Sayniska iyo dhaqanka ee “UNESCO”, ayaa waxay tirada guud ee luuqadaha qatarta ugu jira in ay sii dabar go’aan ee Qaaradda Yurub ku sheegtay in ay gaarayaan 153.
Luuqadahaan Qaaradda Yurub kasii dabar go’aaya oo ay mid waliba tirada dadka ku hadla sanad walba si weyn hoos ugu sii dhaceyso, ayaa tan ugu badan ee dadka ku hadla ay wali nool yihiin ay tahay luuqadda “Abkhaz” ee looga hadlo wadamada Georgia, Russian Federation iyo Turkey, taasoo tirada dadka ku hadla ay gaarayaan 110,000.
Wadamada looga hadli jiray luuqadahaan sii dabar go’aaya ayaa waxaa waayadaan danbe laga dhex waayay cid ku hadli karta qaar badan oo ka mid ah luuqadahaan sii dabar go’aaya.
Tusaale ahaan, luuqadda “Wymysorys” ee looga hadlo dalka Poland, tirada dadka ku hadla waxaa ka haray 70 qof oo kaliya, halka luuqado kale oo badan oo ay ka mid tahay “Luuqadda Yiddish” oo looga hadli jiray wadamada Germany, Austria, Belarus, Belgium, Denmark, Estonia, Finland, France, Hungary, Italy, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Moldova, Norway, Netherlands, Poland, Romania, United Kingdom, Russian Federation, Slovakia, Sweden, Switzerland, Czech Republic iyo Ukraine ay gebi ahaanba dabar go’een.
La soco qeybta 4aad ee qormadaan oo aan kusoo qaadan doono IFAFAALE MUUQADA ee sababi kara in mustaqbalka luuqadda Soomaaliga ay dabar go’do hadaanan la dabo qaban.

Aden Colujoog
Qoraa iyo suxufi madax banaan
adencolujoog@yahoo.com

Mar unbaa mid lagu meelmariyo maahir noo kacaye! (qaybta 1aad)

$
0
0

Kacaankii ay u magacdareen kacaankii-warshadaha marka uu ka bilawday dhulalka reer yurub ee uu ingiriisku ugu horeeyay bartimihii qarnigii 18aad, ayay xoogagii reer yurub u tafaxayteen inay raadsadeen dhulal ay ka helaan agab cayriin oo ay ku qalabeeyaan warshadahooda. Waa tii ay qaybsadeen dhulalkii iyo dadyawgii africa, ayaga oo inaba ha yaraatee u aabe yeelin dadka deegaanadaas dagan.

Dalkayagan Burkina-faso waxaa qayb ahaan u halay gumaystayaashii reer yurub kii ugu arxanka darnaa ee faransiiska. Markii koowaad oo ay wadanka soo galeenba waxay isku dayeen inay tir-tiraan dhamaan luuqadihii kale ee dadkeenu ku hadli jiray, ayna ka dhigeen mamnuuc in lagu hadlo luuqad aan faransiis aheen.

Marka xigta waxay bulshadii ka dhax samaysteen koox calooshood u shaqaystayaal ah oo u badnaa dadkii hantida lahaa oo ay si gaar ah u naasnuujin jireen, dadka intiisa kalena madaxa ayay uga istaagnaayeen, ayaga oo gaashanayaa kooxahaasi. Intaas waxaa dheer waxay tir-tireen wixii dhamaan xadaarad iyo qayim aan laheen, aana ka dhaxalnay aabayaasheen. Badalkeeda waxay noo sameeyeen oday dhaqameedyo iyo wadaado(krishtin) gacan ku samays oo ayaga daaha gadaashiisa ka maamulaan.

Ninka hadalka ii wada waa Ibrahima dialo, nin gaari kire ah noogu wada magaalada caasimada dalka Burkino faso ee Ouagadougou. Aniga oo kamid ahaa koox kasocotay iskuul kuyaal wadanka kuyaal woqooyiga yurub. Waxaana safar ku joognay wadankan in todobaad ah. Ibrahim todobaadkaas aan wadanka joognay il-gaar ah ayuu igu hayay, asaga oo dadka intooda kale iiga qaraabaysan jiray.

Malahayga waxaan islahaa waa miskiin iska danyar ah, oo raba inaad wax uun u garato maadaama uu xaga midabka kugu xigsanayo. Cuqdadaas anayba igu jirtaaye, ibrahim waa nin ladan, oo xaas iyo caruur intaba leh. Waa nin haya warbixin iyo taariikh aad u badan, rabana qof ka dhagaysto, laakiin ka baqaya kooxaha uu la shaqaysto ee wakaalada dalxiiska dalkaas oo aan ogaleen in dadka martida ah looga sheekeeyo hoogii iyo ba,ii uu faransiisku mariyay dhulkan, maantana uu ku hayo wali. Xili habeen ah oo ay dhalinyartii kale ay magaalada khamri iyo tamashle u doonteen ayaan ibrahim iska helnay afaafka hotelka aanu daganeen. Markiiba waa kii i geeyay maqaaxi ay ku kulmaan dadka da,yarta ah oo habeenkii ku caweeyaan. Waa kii ii qabtay sheeko dheer. Sheekadaas uu ibrahim iiga sheekeeyay ayaan rabaa maanta idinla qaybsado.

Ibrahima ayaa ku wateee: horaantii qarnigii 19 aad, ayaa waxaa yurub ka qarxay dagaalkii ey ugu magac dareen (dagaalkii 1aad ee aduunka), xaga kalena waxaa xoogaystay iska caabinta iyo gumaysi diidka shucuubtii ay gumaysan jireen. Markaasay fahmeen in gumaysigan tooska ah uusan sii socan karin, balse badalkiisa loo baahanyahay gumaysi kale oo dadban. Markiiba waxay tababar iyo bar-baarin ku bilaabeen jiilkii ayaga badali lahaa marka ay meesha ka baxaan.

Waxay wadanka ka fureen akaadamiyo ciidan oo tiro badan, iskuulo dhawr ah iyo xarumo lagu xanaaneeyo caruurta aan aabaha laheen. Waxbarashadaas waxaa gacanta ku hayay dad gumaysiga u shaqeeya, oo caruurta wax alaala wixii ay rabaan u dhigi jiray, ayagoon ka leh u jeedo fog oo ah in ubadkan noqdaan bari faransiis madow ah. Waxay 100% xooga saareen xaga ciidanka oo ay cudud aan caadi laheyn u yeeleen, intaas waxaa ka daran waxay mushaar fiican u qoreen dhamaan askartii kasoo baxday kuliyadahaas.

Intaas waxaa garab socday inay sameeyeen sharciyo iyo xeerar ku jaan go an danaha gumaysiga, balse la huwiyay magacyo qurux badan, ayaga oo gaashanaya odayaal jeebka loo buuxiyay, laguna dhahay xaga dhuunta nagala socdo, waxaan idiin keenana saxiixa.

1960 Waxaa lasoo gaaray xiligi kala wareega labada nooc ee gumaysiga, waxaa haatan dalka oo dhan gacanta ku hayo dadkii nus-qarniga inta ka badani uu tababarka ku socday, meel walbe iyo taako walba oo dalka kamid ahna waxaa joogo masuul, hoos taga masuul kale, kaas oo isna hoos taga mid kasii sareeyo, ilaa ay jaran-jarantu ka dhacdo Paris. Shucuubtii neceybka u qabtay gumaysiga cad, waxaa loogu sheegeeyay xornimo ayaad qaadateen.

Waa taan dabaal dagnay, calan gaar ah samaysanay, dal iyo dadna aan ismoodnay oo ay na gashay dadnimo iyo dad xor ah oo wax qabsan kara baa tihiin. Waxaan meel walbe dadkeenu isla dhex mareen dhag dheer dhimatay dhulna nabad. Balse sheekadu sida aan moodnay ka qoto dheere, gumaysigii aan niri tag, albaabka intuu ka baxay ayuu daaqada kasoo galay, asaga oo markan wata midab ka duwan kii hore, iyo magac ka qurxoon kii hore.

Madaxweynahii Burkina Faso ee 1983 - 1987.. Isha Sawirka: wikipedia

Madaxweynahii Burkina Faso ee 1983 – 1987..
Isha Sawirka: wikipedia

Hadii markii hore la dhihi jiray gumaysi, hada magaciisa waa dowlada sharciga ah, hadii ninka meesha fadhiyaa uu ahaa cadaan, maanta waa nin madow ah oo waliba laga yaabe inaad walaalo tihiin. Dad aan marnaba sina u matalin danaha iyo dadnimadeena ayaa meesha naloo fadhiisiyay. Ayagana korka ayaa laga naas-nuujin. Faqri, gaajo, waxbarasho la aan, shaqo la aan, taajir faqiiriinta adoonsada ayaa noqday hubka cusub ee gumaysiga.

Waxay dhulkeena ka dhigteen meel ay u iib geeyaan waxa ay warshadahoodu soo saaraan, ayaga wax alaale wixii nacfi iyo kheyraad lahaa dhulkeenana habeen iyo maalin dal-dasha, ayaga jeebabka u biixiya kuwa meesha dawlad ahaanta noogu fadhiyay. Talada wadanka waxaa gacanta u gashay hal qoys. Oday ayaa madaxweyne ah, wiilkiisuna waa wasiirka macdanta iyo kheyraadka, wiilkiisa kalena waa wasiirka maaliyada, walaalkiina waa wasiirka arimaha dibada, xaaska uu qabo walaalkeedna waa safiir, iwm. Dadka intiisii kalena waxay noqdeen masaakiin marti ku ah dalkoodii.

Thomas sankara

Thomas sankara

Goor aan rajo dhignay, dadka intiisii badnaana ay noqdaan kuwo ku quncay lana qabsaday nolosha caynkaas ah, Ayaan habeen madow kooxdii dawlad ku sheega ahayd waxaa af ganbiyay koox ciidan ah oo hogaaminayay captan Thomas Sankara.

Thomas aabihiis wuxuu kujiray dawlada, wuxuu kamid ahaa dabaqaha sare, balse wuxuu ahaa xaq u dirir ilaa yaraantiisii necbaa qaabka ay dawlada ula dhaqmayso dadkeeda. Dadkii u ciilqabay inay mar uun arkaan isbadal cusub ayaa dariiqyada isa soo tubay, ayagoo farxad iyo reyn-reyn la ooyayo.

Gumaysigii faransiiska ayaa markan lasoo baxay waji cusub, wuxuu soo dhaweeyay afganbiga, ayagoo caay iyo eedeyna isugu daray maamulkii ay ayagu gacantooda ku dhiseen. Waxay ku eedeeyeen inuu galay xuquuqul insaanka danbiyo ku lid ah iyo sheekooyinkoodii caanka ahaa, balse ujeedadu ay ahayd inay ku beer laxaysadaan ciidanka wadanka afganbiyay oo taageero buuxda ka haysta dadka wadanka kunool oo dhan. Intaas waxaa dheer, maadaama ay ahaayeen dhalinyaro aan maamulka waayo aragnimo dheeri ah, waxay rabeen inay isaga dhigaan gacan ka weyn oo caawinayso, rabtana inay tusto dariiqa sax ee lagu gaaro horumarka.

Thomas oo si xeel-dheer ula socotay sheekada fransiiska iyo ujeedooyinkiisa, ayaa cirka u laalay dhamaan wixii ay dastuur iyo xeerar ay qoreen oo dhan, islamarkaana wadanka kusoo rogay xaalad deg-deg ah ilaa ay wadanka maamulkiisa sifiican gacanta ugu dhigaan.

LINK: http://somalitalk.com/tag/sankara/ - Kala soco qaybta xigta..

Qore: Said mahamud muuse
Email: said.mahamud10 [oo ah @] gmail.com

Midowga Afrika oo Soomaaliya u soo Magacaabey Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

$
0
0

iyo Safiirkii DF Soomaaliya u fadhiyey Ingiriiska oo loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda DF Soomaaliya….

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk July 11, 2014

afrika6· Midowga Afrika ayaa u Magacaabey Siyaasi u dhashey Wadanaka Nayjeeriya in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Maman Sedikou ka dib markii uu Xilkaas iaka Casiley Bishoo hore Maxamed Saalax Nadiif , waxaana la sheegey in Gudoomiyaha uu noqon doono ninka ugu sareeye Howgalka Amisom , hadii aan dib u Qooraanso Taariikhdiisa waa Dhaqaalyahan , Siyaasada iyo Xiriika Caalamiga ah ku ku takhasusey, waxaa u hore uga so shaqeeyey Banki-ga Adduunka iyo Hayada Mareykanka u qaabilsan Kaalmada USAID, waxaa uu haystaa Shahaadada BHD dhinaca Saxaafadda waxaana u soo noqdey Agaasimaha warfaafiinta ee Dalka Nayjeeriya sidoo kale waxaa uu soo noqodey Danjiraha Nayjeeriya u fadhiya Maeykanka

· Wasirka Maaliyada ee Dowladda Federaalka Xuseen Cabdi Xalane ayaa gaarey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ,waxaana la sheegey in inta uu joogo Magaalada Kismaayo uu kulamo la qaadan doono Maamulka Juba ee uu Hogaamiyo Axmed Modoobe , waxaana Safarkaan uu ku soo beegmey Xili Mamulka Jubba uu sheegey in loo baahan yahay in Kaalmada la siiyo Dowlada Fedraalka si siman loo qaybiya gaar ahaan Maamulada ka jira Dilka Soomaaliya, sidoo kale warar baa sheegaya In Wasiirka Maaliyada uu doonayo in la wanaajiyo Xiriirka Dowlada iyo Maamul Jubba .

· Saacado kama soo Wareegin markii Dowladda Subixi hore Arbacadii ay Agaasimaha Nabadsugida u Magacowdey si ku meel gaar ah Maxamed Xaamud hase yeeshee Wareegto soo baxdey Gelinkii Dambe ee Shaley in Agaasimaha Nabadsugida Magacowdey Cabdulaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) oo ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ingiriika hase yeeshee Qaar ka mid ah Siyaasiyinta Soomaaliyeed ayaa si aad ula yaabey agacaabistaan iyagoo sheegey in Dowlada Xasan Shiikh ay ku Xadgudubtey Nidaamnkii Wax qaybsiga Beelaha Soomaalyeed hadaba la arkii doonee waxaa Hayadda Nabadsuida uu ku soo Kordhiyo Sanbaloolshe

· Afhayeenka Xarakada Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere ) ayaa mar uu ka hadlayey Weerarakii ka dhacay Madaxtooyada ragii Fuliyey Howlgalkaas qaarkood Dib u soo laabteen , waxaa uu sheegey in Weearakaas ay ku dileen Ciiidamo fara badan oo isugu jira Dowlada iyo Amisom , sidoo kale waxaa uu sheegey in Weerarkaas Bartilmaameedkii laga lahaa laga gaarey, islamarkaana qaar ka mid ah kuwii ka qayb qatey Weerarkaas ay dib ugu soo laabteen halkii loogu talagaley , waxaa uu sheegey in markii uu dagaalkii sii qaraaraadey ay u soo Gurmadeen Ciidamo Cadaan ah oo uusan sheegin Dalka ay u dhasheen.

· Gen Cabduqaadir Shiikh Cali Diini oo hore u soo noqdey Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheeegey in loo baahan yahay in la tayeeyo Ciidamada Xooga Dalka waxaa uu intaa ku darey” Ciidamo Shisheeye Nabad kuu soo celinmaayaan ee waa in Xooga la saaraa Dhismaha Ciidamada Shisheeye balse inta la leeyahay Ciidamaop Shisheey ayaa wax noo qabanay marnaba lagama yaabo in Nabad la helo “ waxaa uu u soo jeediyey Beesha Caalamka in gacan ka geystaan dib dhiska Cidamada Xooga Dalka Soomaaliya

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled weyne ee Goboka Hiiraan waxay sheegayaan in Tuulada Deefow ee Galbeedka Magaaladaas uu Dagaal ku dhaxmarey Laba Beelood oo halkaa wada dega , waxaana la Xaqiijiyey in Dagaalkaas Beeleed ay ku dhinteen ilaa Lix Ruux waxaana ku dhaawacmey ilaa 14 Qofood oo dhinacyadii Dagaalamay , Dagaalkaan ayaa la sheegey in uu salka ku hayo Dhul Daaqsin oo mudooyinkaan isku haysteen Labadaas Beelood , waxaana Dagaalkaan uu ku soo beegmey Xilli lagu Guda jira Bishii Barakeysan ee Ramadaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Kulan ku saabsanaa Daahfurka Filimka Dhibaatooyinka Burcad Badeeda ay ku leedahay Bulshada oo ka Dhacay Gaalkacyo.‏

$
0
0

Kulan si heer sare ah loo soo agaasimey islamarkaana lagu soo bandhigey Muuqaal ka Turjumayay Dhibaatooyiinka laga dhaxlay Falalkii Burcad Badeeda ee Sanadihii la soo dhaafey sida Xowliga uga socdey Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtey Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Kulan waxaa soo qabanqaabiyey Xarunta Macluumaad iyo ka Hortaga Burcad Badeeda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SAPIC ayaa markii ka qayb galayaasha Dhameysteen Daawashada Filmkaas ayaa waxaa halkaa ka Hadley Xasan Macalin Cabdulaahi oo ah Madaxa Xafiiska Gobolka Mudug ee Xarunta Somali Anti Piracy Center waxaa uu sheegey in Dhibaato badan laga dhaxay Falalkii Guracnaa ee Kooxaha Burcadeeda ka geysteen Xeebaha Soomaaliya
somali145
“ Waxaan Fiklimkaan idiin ku soo bandhigney in aad Dib u Xasuusataan Falalkii Naxdinta lahaa ee ay geyteen Kooxaha Burcvad Badeeda , waxaana uu u jeedku yahay in aan mar kale dib u soo noqon Falakaas oo aan ognahay in ay idiin ku reebeen Xasuus Mahadho ah “ ayuu yiri Xasan Macalin oo u soo jeediyey ka qayb galayaasha in aysan mar kale nagu soo laaban Falalkaas.

Axmed Jaamac oo ku hadlayey Magaca Dhalinyarada ayaa yiri “ Haddii aa nahay Dhalinyarada ku nool Gobolka Mudug Dhaibaatooyin badan ayaa kala kulaney ficilada Kooxaha Burcad Badeeda waxaana ka dhaxaley Magac Xumo iyo Sumcaddaro “ waxaana uu u soo jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan mar kale dib uga laaban falakaas.

Sahro Cadceed oo ka mid ahayd Xubnhii ka Hadley Kalunkaas ayaa ugu horeyntii u Mahacelisey Hayadii soo qaban qaabisey Kulankaas waxay Baaq u jeedisey Waalidiinta Soomaaliiyeed kaasoo ahaa in waalidiinta looga Baahan yahay in ay ka war qabaan Caruurtaa islamrkaana ka wacyi geliyaan Dahalinyarada Falalkaas Burcadnimo ee ummada Soomaaliyeed u keeney Magac Xumadda

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Baarlamaanka Gal-Mudug Cali Baashi Jimcaale Abti doon oo Khabiir ku ah Badda ayaa Bulshadii ka qayb gashay kulanka u sheegay in Badda Soomaaliya Khayraadka ku jira ay dhalinyarada iyo Bulshada Soomaaliyeed uu ka badan yahay wuxuu sidoo kale Xildhibaanka ku dheeraadey sababahii keenay in Dhalinyarada Soomaaliyeed isku Biimeyaan Badweynta ay una Qowleysi tagaan .

Shiikh Maxamed Macalin oo ku hadlayey Magaca Culimada Soomaaliyeed ayaa halkaa ka soo jeediyey Wacdi ka Ilmeysiiyey ka qayb galayaasha kaasoo ahaa sida aysan Diinta islaamka Ogoleyn in la qafaasho Maraakiib iska mareysa Badaha Soomaaliya waxaana uu u soo jeediyey Xarunta SAPIC in ay halkaas ka sii wado Barnaamijyada lagu wacyigelinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamulka Gal-Mudug Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeed ayaa waxaa uu ku tilmaamey Dhalinyarada Burcad Badeeda ay Qayb ka ahaayeen Falalka Amaandaro ee ka jira Dalka Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegey in Kooxahaas in Xitaa Dhibaatooyin u geysteen Bulshada Soomaaliyeed sidaa darteed waxaa uu soo jeediyey in la badiyo Kulamada Noocaan oo kale ah .

Ugu dambeyntii waxaa Kulankaan soo xirey Madaxweyen ku xigeenka Maamulka Gal- Mudug Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa u Mahadceliyey Xarunta SAPIC oo uu sheegey in ay wado Barnaamijyo wax ka taray in la soo afjaro Kooxaha Burcad Badeeda sidoo kale waxaa uu sheegey Adduunka uu u soo jeestey sidii wax looga qabn lahaa Dhibaatooyinka Burcad Badeeda Badaha, waxaan uu soo jeediyey in Dhalinyarada Soomaaliyeed loo baahn yahay in loo sameeyo Xarfado Shaqo

Tan iyo markii ay Xeebaha Soomaaliya ay ka bilowdeen Qowleysatada Qafaalka u geysta Maraakiibta Ganacsi iyo Doonyaha Dalxiis ayaa waxaa jiray in Dhalinyaradii istustay Dhal dhalaalka lacageed ee faraha badanaa ay kala kulmeen Dhibaatooyin fara badan, hase yeeshee dadaalada Beesha Caalamka iyo Maamulada dalka ka jira ayaa u Muuqda mid sii Ciribtiraya Hamigii Burcad Badeeda Soomaalida .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Somaliya Federal Dawlad la’an ah!! Qaybta 1aad

$
0
0

Marka laga hadlayo Hab-dhiska guud ee dawlada, dawladaha waxaa loo qaybshaa labao nooc:  Dawlad Federal ah (Federal State) iyo Dawlad Midaysan (Unitary State)

adam6Ugu horeyn Nidaamka federalka, waa qaab ay talada maamul  iyo Hanaanka siyaasadeed ee dalka ku wadaagaan Xukuumadda dhexe iyo Maamullo ama Dawlada-Deeganno u madaxbanan arrimaha siyaasada , maamulka iyo sharci Dajinta Deeganadaas. Sadexda Haya’dood ee ay dawldu ka kobantahay ayaa qaybsamaya, iyadoo Dawlad-Deegan kasta uu yeelanayo Sadex Haya’dood oo u gaar ah, Sidoo kale xirirka dawladda dhexe iyo Dawlado-Deganadu waa mid Dastuuri ah. Hayeeshee  Fulinta Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka iyo mamulka waaxaha Qaranka, sida milatariga iyo Jinsiyadda…..IWM  waxay hoostagayan maamulidda Dawladda dhexe.

Nidaamka Federalka waxaa uu ku sameysmaa siyaabo dhawr ah, sida in uu ku yimaado Midaw ay isugu yimaadeen Dawlado kala madaxbanaanaa, marki hore ,lakiin doortay Hananka Federalka si ay u mideeyaan cududdooda ,ayna dhidbaan Qaran baaxadweyn,  Amba uu kadhaqangalo  wadan marki hore Midaysnaa, hayeeshee, baahi looqabo awed, ay lagma maarman noqotay, hergelinta Nidaam Federaali ah, sida in Shucuub kukala gedisan,  Diinta,Dhaqanka, Afka iyo isirka , ay kuwada noolyihin wadan qura, sidaa daraadeed ay cuslaato in lagu dhaqo hal “XEER” .ama Bed-Dhuleedka wadanka oo ah mid baaxadweyn ay adkaato in lagu baahiyo maamulka Dawlada daafaha dalka oo idil.

Guud ahaan Nidaamka Federalka waa hab xukun oo usuuban dawladaha leh tilmaamaha aan soo xusay,si ay u helaan Daganaasho Siyaasadeed iyo Nabad kuwada-noolansho bulshada dhexdeeda ah. Taa casigeeda waxaa ah in uusan nidaamkan u habooneyn dawladaha, ay hal qawmiyad kunooshahay, waayo taa waxay ka dhigantahay in shacab qura loo qeybsho dadyaw, ama Deegaano meersanaa lookala jaro Dawlado yar yar.

Sikaduwan Nidaamka Federalismka ee ay qaybsanyihin  awooddaha siyasadeed , maamul iyo sharci Dajinba , NIDAAMKA “Dawlad Mideysan/ UNITARY STATE” waxaa talada dalka si buuxda gacanta ugu hayo Xukuumadda qura ee Dalka uga arimisa Caasimadda Qaranka. Inkastoo talada dalka laga hago caasimadda ,hadana dawladu waxay kubaahisaa maamulkeeda dalka intiisa kale iyadoo adeegsanayo hab-maamul oo aan markazi ahayn(administrative decentralization) waana in ay dawladdu  uxil saarto maareynta gobalada dalka Goleyaal Deegaan oo ay dadka deeganada soo doortaan. ntabadan habkan waxaa kudhaqmo dawladaha casriga ah ee tixgaliya maabaadi’da maamul wanaaga, laakin sidoo kale qaar badan oo kamid ah dawladaha waxay adeegsadaan hab maamul dhexe ah(central administrative) oo ah in ay dawladu ka maamusho gobalada caasimadda si toos ah, una magac awdo Gudoomiyaal /Barasaabyo .

Sida la ogsoonyahay  Dawladaha Caalamka, marka laga reebo 27 dad ayaa ah Dawlado Midaysan. Habkani waa  mid ka ilaalinayo dawldaha in ay si sahlan uqaybsamaan ama ay kala dhantaalanto awooddoda xiliyada adag ee soofoodsaaro Dalka.

Qore: Adam Abdi Hussein

adam.abdif (oo ah @ ) gmail.com

Quraanka iyo xidhiiidhka la rabo in uu dhex maro qofka Muslimka ah

$
0
0

Asalaamu Alaikum Walaal

Allah wayn waxa aan ka baryayaa in uu inaga aqbalo wanaaga aynu bisha samaynayno.

Intaa ka dib walaal waxa aan halkan ku soo lifaaqay barmaamijkii koowaad ee barmaamijyo taxana ah oo aan kaga hadlayo Quraanka iyo xidhiiidhka la rabo in uu dhex maro qofka Muslimka ah. Waa barmaamija aan marwalba ku eegayno aaayad Quraan ah iyo waxa laga faaidyasanayo. Hadaad soo bandhigtaan Allah ha idinka abaal mariyo,

Said Ali Ahmed
said

Yaa Muqdisho uga Xog –Ogaalsan Nicholes Kay ?

$
0
0

Muungaab “Muqdisho Waa Nabad”

27–dii February ee Sannadkaan waxaa loo Magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) Magacaabistaas ayaa waxaa Masuulka u dheereyd Owood Dheer oo la siiyey ka dib markii la hoos geeyey Ciidamada Nabad Nabadsugida, iyo Kuwa Booliiska ee Gobolka Banaadir, Awooddaas hore uma haysan Duqii ka horeeyey ee Mudane Tarsan, waxaana la loogu yeeraa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqisho ahna taliyaha Ciidamada Gobolka Banaadir, ahna Jeneraal ka tirsan Ciidanka Milatariga ugu Dambeyntiina ah Dadka Deegaanka Xamar iyo Xamar daye waxaana Tarsan uu ku Calaacaley “ Hadii aan heli lahaa Awooda Muungaab maanta la siiyey waxaa Hubaal ah in aan wax badan ka qaban lahaa Amaanka Magaalada Muqdisho”.

Magaabista Muun Gaab dad badan baa soo dhaweeyey ka dib markii ay u soo joogeen sida uu u Maamulayey Maxkamadii Ciidamada Qalabka sida, mar aan la kulmey Hooyo Soomaalieed maalmo ka dib markii la Magacaabey ayaa waxay tiri “Sow Muungaab ma aha ninka loo Magacaabey Gobolka Banaadir haadaan nabad heleynaa, welee qof Dhaaxaa Qoorta waa ka goyn doonaa” Sidoo kale odey ayaa ka Hadley sida uu u arko Magacaabista Muungaab wuxuuna yiri “Wax badan ayaan sugeyney in Gobolka Banaadir loo magacaabo nin ad adag islamarkaana la siiyo Awood Dheeraad ah “ waxaa uu sii raaciyey odeygii hadalkiisa “ Xasan Shiikh markaan ayuu Shiishka la heley meeshii la rabey, waa nin aan dhihi karo waxay Magaaabistiisa ku soo beegantey Xili loo baahnaa”

“Aniga waan ka soo horjeedey Magacaabista Muungaab waayo u melynmaayo nin kaga haboonaa Gobolka tarsan in uu soo mari doono waxaa uu ahaa ka sokow Waxqabadkiisa nin Hadalkiisu Qiiro geliyo dadka intiisa badan Afkiisa kasooni ku abuuran kara, sidaa darteed Awodaha badan ee la siiyey Muungaab hadii la siin lahaa Tarsan waxaan hubaa in Xaalku sidaan ka duwanaan lahaa” waxaa uu sii daba dhigey “ hadii Awoodahaas ninkii hore loo diidey la siiyey mudana Cusub waxay ahayd in Carada lagula dul dhacay Qaar ka mid ah Madaxdii Hayadaha Amaanka lagula Dul Dhaco isaga Laftigiisa Maadaama Dhibaatada lagu eryey mdaxdaas aaney ka dhicin Soomaaliya guud ahaan ee ay ka dhacdey Magaalada Muqdisho oo uu Masuliyadeeda Dhinaca amaanka dusha loo saarey”
kay6
Bal aan dib u Qooraansano wxii ka dhacay Magaalada Muqdisho intii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muun Gaab Soomaalidu waxay tiraahdaa “ Madax meel ka sarreysa oo la salaaxo ma jirto” Haddii min laba jeer la weerarey Xaruntii Madaxtooyada iyo tii Baarlamaanka oo ah meelihii looga taliyey Soomaaliya, Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo kala bar mareysana la diley ku dhawaad 4O qof oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan Xildhibaan , Ciidamada Nabadgelyo Wadooyinka, kuwa Dowladda hoose, Haween iyo Caruur. Waxaan ka sii daran mar uu ka hadlayey mid ka mid Telefishinada dalka Mudane Muungaab wuxuu sheegey in uu Amrey in Gudoomiye kasta ee Degmooyinka Gobollka Banaadir uu dego meesha ugu halisan Degmadiisa waxaana Cadaadtey in qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Degoomiyinka ay Jiifaan Hotelo si aad ah Amaankooda loo ilaaliyo .

AFartii Bilood ee uu Hayey Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Waxqabadkii muuqdey ee la tilmaami karo waxay ahayd markii uu Maalin Cad burburiyey Goob la dhigan jirey Tagaasida agagaarka Km4, Burburintaas oo ay si weyn ay u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Bulshada Muqdisho inkastoo ay jireen dadka qabay in lagu deg degey Burburintaa oo laga hordhacay waayo wax waliba waxaa ka horeeya Amaanka Magaalada , isagoo dhowr jeer ku Celceliyey in ay wax walba ka horeyn doonaan Amaanka, hase yeeshee Dadka qaar baa qaba in Gudoomiyaha Gobolka uusan waxba ku soo kordhin Xaalada nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho , waxaana taas ka sii daran markii uu gabi ahaanba badelay Gudoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir taasoo dad badan u macneeyeen in aysan Maamul ku imaan ee uu ku fogeynayey Raadkii uu ka tagey Maamulkii isaga ka horeeyey .

Mid ka mid aha waxyaabaha ee lagu dhaliilo ayaa waxay tahay Kormeerada uu ku tago qaybo ka mid Degmooyina Gobolka Banadir Xiliyada habeenkii Sida isgoysyada Mihiimka ah isagoo wata Gawaarida Teknikada iyo Askar fara badan, Kaamerooyinkana waxay si toos ah Qabanayaan Tirada Hubka iyo Ciidanka uu wato ayaa hadana waxaa uu meel Fagaare ah ka sheegaa in Xamar nabad tahay, waxaa isweydiin mudan sida ay tahay nabadda uu sheegayo mar hadii ay ku hareereysan yihiin Gawaari Tekniko ah iyo Ciidamo fara badan sow Xaaladu uma eka Faanoole Fari kama Qodna.

dhacdo kale waxay ahayd markii Muun Gaab uu ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu Damaashaad ku geeyey Xeebta liido uu qado ka siiyey ka dibna waxaa uu Afka ku Balaariyaa in Xamar Cade uu nabad yahay, dad badan waxay isweydiiyeen Cida loo sheegeyo in Xamar Nabad yahay iyadoo la ogyahay in ninka ugu Xog Ogaalsan Magaalada Muqdisho uu yahay Nicholes Kay marka laga hadlayo Amaan, Siyaasad iyo Nabadgelyo. Guntii iyo Gabagabadii Soomalidu waxay Tiraahdaa “ Xareed waa la Doogtaa markay kuu Da’ayo “Anna waxaa leeyahay “ Bunna waxaa la Dubtaa markay Nabadda Tahay “. .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Baarlamaanka Soomaaliya ma is-hor-taagi doonaan Madaxweyne Xasan xagal daacintiisa xeerka Badda Soomaaliya

$
0
0

Soomaaliya waxay leedahay mid kamid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, kuna dhereran Badweynta Hindiya iyo Badda Cas (ama gacanka cadmeed), baddaas baaxadda weyn waxaa dhex jiifa khayraad aad u farabadan. Laga soo bilaabo 1991 markii ay burburtay Dawladdii Soomaaliya waxaa khayraadkaas guranayey shirkado iyo dalal shisheeye oo aysan jirin cid weli kula xisaabtantay.

Waxaa in badan oo warbaahinta ah qortay in sidoo kale halkaas lagu duugan sunta halista ah iyo qashinka haraaga wershedaha oo halis ku ah caafimaadka shacabka Soomaaliyeed.

Marka Soomaaliya ay ka dhalato dawlad u adeegta danta shacabkeda waxaa markaas dhici karta in wixii badda Soomaaliya ku xad guddbayey in ka badan 20 sano in sharciga lagula xisaabtamo.

Shirkadahaas/dalalkaas xadgudubka geystey waxay fahamsan yihiin in qaanuun ahaan Soomaaliya ay gar heli karto inta uu jiro xeerka Law no. 37 oo dhigaya : in laga soo bilaabo 1972 ay Soomaaliya leedahay 200 mayl-badeed oo dhul-badeed ah (ama Territorial Waters).

Waxay doonayaan in la yiraahdo Soomaaliya waxay leedahay EEZ oo 200nm ah, halkii ay ka ahayd 200nm oo Territorial Waters ah (cilmiga halkaas ku jiraa waxaa weeye markaad aqbashid 200nm oo EEZ waxaad si toos ah markaas badda Territorial waters ugu soo koobeysaa 12nm).

Waxaa kale oo dhacday in dawladdii KMG ahayd ee ay garwadeenka ka ahaayeen Sheikh Shariif Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ay hashiis la gashay Kenya kaas oo Kenya muran ku gelinaysey badda Soomaaliya, damaceeduna ahaa in ay cabbirato baaxad weyn oo badda Soomaaliya si ay shidaal uga sahamisato heshiisna kula gashay shirkado shidaalka sahamiya. Laakiin waxaa arrintaas si geesinimo leh isu hortaagey baarlamaankii KMG ahaa oo heshiiskaas ka dhigay “waxba kama jiraan”.

Waxaa markale shacabka Soomaaliyeed fajaciso ku noqotay in madaxweynaha hadda ee Dawladda Federaalka Xasan Maxamuud uu bilowgii bisha Ramadaanka qoraal u gudbiyey Qaramada Midoobey, qoraalkaas oo aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya, waxaa ku cad in uu si qayaxan uga hor imanayo xeerka Law no 37, islamarkaasna ku cadaynayo haddii cid muran kaqabto cabirka badda Soomaaliya in uu diyaar u yahay wada xaajood uu ka galo. (Miyeysan taasi ahayn wixii Kenya tu taameysey – madaxweyne ogol dhul-badeedkiisa in uu wada xaajood ka galo.)

Cumar C/rashiid iyo Sh. Shariif oo isa salaamaya iyo Aadan Madoobe oo eegaya (Feb 2009) Cumar Cabdirashiid waxaa July 2014 loo magacaabay safiirka DFS u fadhiya USA

Cumar C/rashiid iyo Sh. Shariif oo isa salaamaya iyo Aadan Madoobe oo eegaya (Feb 2009)
Cumar Cabdirashiid waxaa July 2014 loo magacaabay safiirka DFS u fadhiya USA

Waxaa shacabka Soomaaliyeed ay hadda u dhega taagayaan go’aanka arrintaas uu ka qaato baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga filayaa in ay noqdaan halyeyo u dhigma baarlamaankii 2009 ee la mari waayey markii dharaar cad la isku deyey in badda Soomaaliya muran la geliyo.

Hoos ka akhri warqadii madaxweynaha DFS u gudbiyey UN.

AKHRI: Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law no. 37

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

saxiixaQoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref) waxa uu tibaaxay in EEZ-ka (aagga dhaqaalaha badda) uu yahay 200nm, halkii uu ka ahaa 200nm oo ah “Territorial Waters” (dhul badeed). Sidoo kale kama hadlin kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed.

(Eeg halkan faraqa u dhaxeeya EEZ iyo territorial sea)

Waxaa sidoo kale qoraalka la socda 39 bog oo ku saabsan ama lagu qeexay dhigaha iyo loolka badda Soomaaliya, laakiin aan lahayn magacyo lagu garto aagga laga hadlayo.

Waxa kale oo qoraalku tibaaxay “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka aragtidaas qaba si markaas loo kala xadeeyo EEZ-ka badda”.

Hadalkaasi waxa uu dhigmaa “muran gelintii badda Soomaaliya ee Kenya damacsanayd” taas oo ay hore uga dhiidhiyeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadalkaas madaxweynaha DFS ku qayaxan in uu hirgelinayo damacii Kenya ee ahaa in la yiraahdo aan ka wada xaajoono baddiina aan muranka geliney xilligii xukuumadii Sheikh Shariif.

Waxaana muuqata in qoraalkaas aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo gudbin Qaramada Midoobey, jawaabta baarlamaanku arrintaas ka bixiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed sugayaa.

Horraantii bishii June 2014 ayey ahay markii ay soo shaac baxday in Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya…

Halkan ka akhri qoraalka uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamud June 30, 2014 , waxaadna barbar dhigtaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972

…………..
Tixraac Bogga UN-ka:

Letter from Hasan Sh Mohamud to UN

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf

Coordinates:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

UN Press release:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/mzn_s/mzn106ef.pdf

Law no. 37 of 1972
http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf


June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay caddeeyeen in: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. akhri….

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live