Waraysi uu bixiyey wasiirka macdanta iyo batroolka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in uu baaqday shirkii horraanta bishan June 2014 lagu qaban lahaa London, shirkaas oo ka baaqday dhanka dawladda federaalka soomaaliya.
Dhegeyso waraysiga
Waraysi uu bixiyey wasiirka macdanta iyo batroolka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in uu baaqday shirkii horraanta bishan June 2014 lagu qaban lahaa London, shirkaas oo ka baaqday dhanka dawladda federaalka soomaaliya.
Dhegeyso waraysiga
GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, Aqrisyoow mudadii burburka ee 23-sano iyo dheeraadka aheyd dalkeena hooyo wuxuu noqdey “Qubrustii Jawaasiista!”. Wadamada dariska gaar ahaan Ethiopia waxeey sirdoonkeeda heerarka kala duwan ka dhexsameeysatey Soomaalida, iyadoo kuweedana dalkeeda ka keeneeysey mudadaa aadka udheer. Waxaa labarey Af-Soomaaligii iyo Abtirsiimihii qabaa’illada Soomaaliyeed, kadibna waxaa loo kala direy gobollada dalkeena hooyo. Qaarka loo diro “Gobollada Waqooyi” waloow xilliyadii dambe aaneyba dhib ku heyn, hadana waxeey sheegtaan qabaa’llada “Gobollada Koonfureed”, halka kuwa loo diro “Gobollada Koonfureedna” eey sheegtaan Qabaa’illada dega Gobollada Waqooyi, si Soomaalida loo khaldo una fududaato ku dhex qarsoomidooda iyo ku dhex milmidooda. Jawaasiistaa waxeey wada guursadeen gabdho Soomaaliyeed oo ilmihii eey gudaha dalka ugu dhaleen ayaa maanta dhowr iyo labaatan jir ah. Waa kuwa mustaqbalka dhow dalalka dariska ahi eey ku tashanayaan in eey ku garab istaagaan oo kumaalgaliyaan soo galitaankooda “Goleyaasha Dowlada”, iyo xafiiska ugu sareeya qarankaba, sidaana si fudud ay ula wareegaan hogaanka talada dalka, iyo masiirka dhan ee ummadeena Soomaaliyeed. Sheekh Xasan Daheeye oo ka hadlayey sida Soomaalida dalka uga sii yaaceeyso, cadowga dariskuna ugu soo qulqulayo ayaa daqiiqada Vide-gan daqiiqadiisa 7:40aad-illaa-9:20aad wuxuu ku leeyahay, “Habeenkasta Boorama oo kaliya waxaa soo gala 20-qoys oo Oromo ah oo is wadata, 50-ka sano ama 100-ka sano ee soo socota waxaa laga Yaabaa in Boorama eey noqoto magaalo Oromo sidii Dirirdhaba”.
Waxeey sidoo kale dabcan Dastuur-Ku-Sheega ku darsadeen qodobadii Diinta ku saabsanaa ee laga badaley dastuurkii 60-kii. Dastuur-Ku-Sheegan wuxuu dhigayaa in aanba loo baahneyn in Madaxweynaha Soomaaliya Muslim yahay, waxaa kaloo waxbadan laga badaley qaabka eey u qornaayeen Diinta rasmiga ah ee Dalka, ku dhexfaafinta Diimaha kale Dalka gudihiisa IWM, illaa Hey’ada Culimada Soomaaliyeed eey Bayaan kasoo saareen taariikhda markii eey ku beegneyd: 09/04/2012 iyagoo af labadii qeeylinaya. Dastuur-Ku-Sheegan waxaa sidoo kale aad uga digey aqoonyahanka Soomaaliyeed oo talo bixin wax ku ool ah ka biyey. Qeybihii ugu yaabka badnaa ee dowladaha Dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ay ku darsadeen waxaa ka mid ahaa: Qeeybaha xuduuda Dalka oo buuq badani ay ku galiyeen. Jinsiyad qaadashada oo ay ka dhigteen Shan sano oo kaliya, iyo ku dhalashada dalka oo kaliya oo muhiim ay ka dhigteen iyadoo laga saaray in waalidka cunugaa dhalay ay Soomaali wada yihiin.Waxaa halistiisii sidoo kale ka mid ahaa: Daciifinta awooda dastuuriga ah ee Dowlada Dhexe iyo dhinaca kalena xoojinta “Maamul-Beeleedyada”, iyadoo ugu dambeyn dowladuba laga dhigey “Isutaga Maamul-Beeledyada“.
Hadii taasi tahay qorshaha istaraatijiyadeed ee yoolka fog (Long term strategic plan), waxaa jira mid kasokeeya oo dalka ay kusii qasayaan taa inta aaney udhaboobin. Waxeey sameeysteen kooxo dhuuniqaateyaal ah, sheegtana in eey siyaasiyiin yihiin oo si kal iyo lab ah ugu shaqeeya cadowga.Waxaa taariikhda kuwaa ugu horeeyey hogaankoodana ahaa Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed hadana waxaa booskiisii buuxiyey oo hogaanka uqabtey: Shariif Xasan Sheekh Aadan (Shariif Sakiin) oo eey garbaha ka kala ordayaan hogaamiyeyaasha “Maamul-Beeleedyada” Somalilnd iyo Puntland-ba ha ugu darnaadeene, balse tirada guud ee kooxdani mayara. Kuwani maqaarka sare ka ah Soomaali, waxeey qaarkood ku kala jiraan golayaasha dowlada ugu sareeya. Waxeey joogaan xafiiskasta. Waxeey mas’uul uga yihiin cadowga Soomaaliyeed fulinta qorshe kasta ee loo baahdo waqtikasta. Waxaa lagula dagaallamaa rajada Qarannimo ee Ummadeena Soomaaliyeed.
Bal u fiirso dhacdooyinkan adigoo indhaha u furaya sida dhacdooyinka isu fasirayaan. Sida la wada ogsoonyahay Kenya waxeey tiro lagu qiyaasey 5000 oo qof oo masaakiin Soomaaliyeed ah, una badnaa Marras: Dumar, Caruur iyo Waayeel raaf, silic iyo bahdil raaxada uga qaadey xaafada Islii iyo Nairobi, oo eey ku jiraan in badan oo Card-ka iyo warqadaha UNHCR-ta ee qaxootinimo heeysata. Jirdil, Kufsi, Dhac iyo Boob ayaa usii dheeraa wixii loogu geeysanayey garoonkii Karasai ee lagu karantiiley, kaasoo lala barbardhigey “Concentration Camps-kii Hitler” ee uu Yahooda ku heynjirey.
Kenya intaa kuma aaneey ekaane, waxeey xirtey Qunsulkii dhamaa ee Safaraada Soomaliyeed ee Kenya sida rasmiga ah ugu fadhiyey. Taasoo ah wax aan la arag oo aan la maqal. Sida caadada Diplomaasiyadeed ay tahay (Diplomatic Custom), marka dowladuhu muujinayaan in xiriirka labada Dal uu xumaadey, waxeey dalkooda ka eryaan Safiirka dalkaas, koodana weey u yeertaan, xiridse waa wax aan ka mid aheyn dhaqanka Diplomasiyadeed, oo qofkaa Diplomaasiga ahi ee dalkiisa sida rasmiga ah u matalaya, wuxuu leeyahay wax afka qalaad lagu yitaahdo “Diplomatic Immunity*” ama Xasaanad Diblomaasiyadeed. Inkastoo Soomaalida qaar meelkastaba ha joogtee aaney jecleyn in wanaagaa ay dowladooda u qiraan, “Sababo liita” aawadeed, hadana waxaa ka dhiidhiyey Madaxweynaha, Golahada Waziirada iyo Gobolaha Baarlamaanka intaba, oo cod dheer uga hadlida kasokoow, shirkii looga hadlilahaa arimaha qaxootiga ay dadkeedan la dhibaateeyey darteed u qaadacdey.
Kenya oo aan dhawaanahan ubaran dowlad Soomaaliyeed oo damiir, dadnimo iyo dhiiranaan intaa la eg inta iska baarta, ficilladeeda si public ah u radisa/uga jawaabta, ayaa waxeey kaga jawaabtey iyana in ay si toos ah markii ugu horeeysey eey “Qunsullo” usoo kala dirsato Hargeeysa iyo waliba Kismaayo oo ah xarunta maamul-ka kumeelgaarka ah ee ay xoogga ku heeystaan Maleeshiyo-Beeleedka Raaskambooni ee ay iyadu soo carbisatey, kuwaasoo ay kubadashey maamulkii asalkooda ahaa ee “Azania”, kuwaasoo hadda ay meesha ku heeyso, maadaama uuyahay maamul xeeyndaab ah (Buffer zone) u ah Kenya. Waxeey Kenya Qunsul-ku-sheegyadaa soo direeysaa iyadoo aaneey soo ogeysiin dowladii rasmiga aheyd ee dalka Soomaaliya mas’uulka kawada aheyd caalamiyan, hadeey rabto yaaneey dalka gacanta kuwada heyne.
Waxeeyse ugu akhassaneyd markii si damiir la’aan ah waraaqihii Qunsul-Ku-Sheegaa Kenya uu ka gudoomey hogaamiyihii Jabhad Beeleed-ka Raaskambooni ee madiidanka u ahaa Kenya, hogaamiye kooxeed: Axmed Madoobe!
Maadaama wadamada Dariska ee dhulka iyo dadkaba ka heeysta Qaran weynaha Soomaaliyeed eey umidoobeen cadowtinimada Soomaaliya, markastana siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya ay isku dubaridaan, ayaa dhinaca kalana Ethiopia waxeey shirkii ammaanka “Dalalka” Africa oo ay ka qeyb galayeen “Madaxweyneyaasha Dalalka”” qaarada Africa ee ka furmey April 25, 2014 magaalada Bahar-Dar ee dalka Ethiopia, ayaa meeshii eey ku casuumi laheyd Madaxweynaha Dalka Soomaaliya: H.E. Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxay booskiisii ku casuuntey “Chief-Minster-ka” gobollada Bari, ama Madaxa Maamul-Beeleedka Puntland: Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu sidaa la dhacsan, jeclaan lahaana in maamulka uu madaxda ka yahay lagala tashado wixii Soomaaliya oo dhanba ku saabsan. Waxaa sidoo kale la socdey wafdi isla Maamulkaa ah, oo si toos ah Garowe uga baxay. Taasoo aheyd xagaldaacin toos ah oo aan qarsooneyn, laguna niyadjabinayey dadka iyo dowlada Soomaaliyeed. Foowdadaa waxaa sii waaley garasho la’aanta qollada maamusha website-ka dowlada (radiomuqdisho.net) oo qaab indho-sarcaad ah website-kii Dowlada Dhexe ugusoo qaatey.
Maadaama siyaasadaha fog ee dowladaha dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ay Soomaaliya ka leeyihiin ay tahay mid hore u dagsan, oo aragti fog leh, ayaa si duruus loogu dhigo dowlada hadda jirtaahi, loona tuso in aaneey awoodeedu gaarsiisneyn in ay wax kadhiidhiiso, mardambana aaney madaxaba kor uqaadin, ayaa waxaa isla markiiba lagu abaabuley kuwa jawaasiista u ah wadamada dariska, kuna dhexqarsoon gudaha Baarlamaaka Sooamaliya, kuwaasoo u dhexfadhiya danaha Dowladahaasi, iyo waliba kuwa Maamul-Beeleedyada aan qaarkood kor kusoo xusney. Maamul-Beeleedyadaa ulajeedooyinkii horee loo abuureyba waxay aheyd in Soomaaliya lagu kala dhantaalo, abidna aan la arag Soomaaliya oo ah dal mideeysan, lehna dowlad dhexe oo awood leh, taasoo caalamka u matali karta danahooda mideeya ee Qaran. Qaarkii hogaaminayey “Xildhibaannadii” waday mooshinkii lagu doonayey in madaxweynaha dalka lagu rido ama uu is ku casilo ayaa waxaa hormoodaya: Xildhibaanada kala ah: C/qaadir Cosoble, C/llaahi Jaamac Kabaweyne, Maxamuud Guure, Prof. Gaandi, Prof. Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo C/risaaq Jurille.
Soomaalida qaar oo meesha dhow wax ka aragtase waxeey u arkaan oo kaliya in ujeedada riditaanka Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud uusan ku saleysneen wax mabda’ ah, iyo mid Soomaalinimo ku dheehantahy, ama Xasan wax buu qabtay ama wax ma qaban lagu leeyahay, balse arintu tahay oo kaliya maqaayadii baa qoryo beeshay oo dhaqaale baa la abuurayaa, sida caadaduba aheyd markii mudo la joogaba. Micnaha qorshuhu hunguri ma dhaafsiisna oo waa kan la riixayo iyo kooxdiisaba lacag ka qaata, kan la doonayo in la keeno iyo kooxdiisana sidoo kale lacag ka qaata. Marka waa hal dhagax labo shimbirood kuwada dila, oo lamid ah hal mooshin labada jeeb Dollar (Xaaraan ah) hakuu wada buuxiyeen.
GUNAANAD
Dalalka dariska ah maadaama Soomaaliya taariikh mugdi ah eey kala dhaxeeyso, dad iyo deegaan in eey kawada heeystaanna eey ogyihiin, ayaa waxa ay waxkasta usoomaraan caadifada qabiilka, maadaama ay ka dharagsanyihiin wixii ummada kala gaarey iyo in boogta Soomaalidu tahay qabyaalada, taasoo ummadeena intooda ugu badani indhatirtey, hilmaansiiseyna cadowgooda rasmiga ah, oo qofka Soomaaliga ahi marka laga reebo in yaroo fara kutiris ahi, aragtidooda aaneey dhaafsiisneyn tan qabiilka iyo Maamul-Beeleedka, oo tan Qaran inta eey u tirsantahayba ay aad u yartahay.
“Orgiga Oohinta ka weeyne” aqristoow bal meel fog wax kafiiriye, bal maxaa dhacdooyinkaa isku soo wada beegey, oo maxaa kulmiyey kadeedkii wadamada dariska iyo kacdoonkii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya?-Allahuma Ballaqtu.
C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”
Maamule ku xigeenka Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ahna Bare isla kulliyadaa ah
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: AminArts iyo Google images search
——————————————————————————————————————
*Diplomatic immunity is a form of legal immunity that ensures that diplomats are given safe passage and are considered not susceptible to lawsuit or prosecution under the host country’s laws, although they can still be expelled. It was agreed as international law in the Vienna Convention on Diplomatic Relations (1961)
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya xafiiskeeda warfaafinta kuna saabsan sannadguurada UNSOM ayaa u qornaa sidan:
Mogadishu, 03 June 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Duhulow
ayaa maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta ku martigeliyey xafladda
sanadguurada 1aad ee UNSOM, una mahadceliyey Mr. Nicholas Kay, Ergeyga
Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Somalia oo si hagar-la’aan ah u
taageera Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, si dalka loo
gaarsiiyo amni iyo kala danbeyn buuxda. Ka soo qeybgalayaasha waxaa ka
mid ahaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha Somalia, Mudane
Ridwan Hirsi Maxamed, Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha iyo Mr Nicholas
Kay, Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM u qaabilsan Somalia ahna Madaxa
UNSOM.
Wasiirka ayaa soo dhoweeyey ka soo qeybgalayaasha xafladda
Sanadguurada 1aad ee UNSOM. Waxaa goobta lagu soo bandhigay sawirro ka
tarjumaya horumarka dalka iyo filin la magac baxay “Wadajir baa nabad
lagu helaa Somalia” oo muujinayey horumarka baaxadda leh ee laga
gaaray sidii nabad iyo degennaansho ay dalka uga dhici laheyd.
Wasiirka Warfaafinta oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Wasaaradda
Warfaafinta aad iyo aad bey ugu faraxsantahay inay martigeliso
xafladan muhiimka u ah Somalia. UNSOM waxey nala joogtay 12kii bilood
ee la soo dhaafay, waxaana na farxad gelineyso isbedelka horumarka leh
ee taageerada QM ee Somalia. Waxaan hadda heysanaa hoggaan si hagar
la’aan ah u shaqeeya oo ay ka go’antahay inuu nagala shaqeeyo sidii
loo mideyn lahaa taageerada caalamka ee Somalia. Mudane Kay waxuu ka
howlgalay sidii aan u heli laheyn hal albaab ee laga soo galo
hay’adaha QM, oo ah arrinkii uu Madaxweynaha Somalia codsaday markii
la doortay September 2012. Nicholas Kay, horumar weyn buu ka sameeyey
arrinkan oo uu xitaa dadaal dheer ah sameeyey oo uu beesha caalamka ku
mideeyo sidii ay u taageeri lahaayeen Somalia.
“Sida aad ka aragtaan sawirada la soo bandhigay iyo filimka aad
daawateen oo nawada tusaya sida aan horumarka ballaaran uga sameeynay
dalka, waana inaan u dabaaldegno horumarkaas baaxadda leh ee aan sida
wada jirka ah u wada sameyneyno si dalku u noqdo mid nabad ah oo
horumar ku tallaabsado.
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka dowladda ayaa yiri
“Waxaan maanta jira wada-shaqeyn xoogan oo nagala dhaxeysa UNSOM, oo
4tii bilood ee la soo dhaafay waxaan horumar ka sameyney arrimo badan
oo ay ka mid yihiin inaan sameynay la tashiyo ballaaran eek u wajaran
Sharicga Saxaafadda iyo Sharciga Isgaarsiinta oo aan la tashanay
qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan in ka badan 10 degmo ka
xorreynay kooxaha Argagaxisada, waxaan wadnaa xasilnta dalka oo aan
shacabka la kaashano, waxaan sameyney Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u
Eegista Dastuurka oo 5 qof oo sumcad ku dhex leh dalka aan u xulnay oo
matala shacabka Soomaaliyeed si ay u hoggamiyaan dib u eegista
Dastuurka, Waxaan sameynay guddi-hoosaadyo heer wasiiro si aan u
sameyno maamul wanaag, Waxaan diyaarinay Istraatejiyada Warbaahinta oo
naga saacideysa inaan haggaajino xiriirkeena iyo fariimaheenna, Waxaan
sameynay Xarunta Wadajirka ee Amniga oo aan xiriir wanaagsan leenahay
AMISOM, Madaxda Qaranku waxey tageen gobolada dalka oo ay dadka
deegaanka ugu baaqeen dib u heshiisiin iyo maamul wanaag, Maamulka iyo
Maareynta Maaliyadda oo horumar weyn laga gaaray, waxaan maanta
heysanaa Guddi maamula, Guddoomiye iyo Ku xigeen oo uu leeyahay
Bankiga Dhexe oo ku yimid si tartan furan oo loo siman yahay oo ay
nagala shaqeysay Bankiga Adduunka, Sidoo kale waxaan heysannaa Hanti
Dhowr Guud iyo Xisaabiye Guud oo iyagana ku ymid nidaamka tartanka
furan ee loo wada siman yahay. Arrimahan oo dhan waxaan ku guleysannay
iyadoo ay jiraan caqabado fara badan.”
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey oo yiri “Shaki iigama
jiro in UNSOM ay sii wadeyso la shaqeynta Dowladda Federaalka sidii ay
arrimaha muhiimka u ah uga shaqeyn laheyd sida Dib u eegista
Dastuurka, dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta nidaamka
Dimoqraadiyadda ah si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ka
dhaca 2016ka. UNSOM maanta waxey joogtaa xaalad ay ku fahamtay
mudnaanta dalka iyo caqabadaha jira, oo ay ka mid yihiin bulsho kala
firirsan, soo celinta amniga iyo nabadeynta iyadoo dhanna aan kula
dagaaleyno argagaxisada, dhaqaale la’aan, iyo caqabadaha kale ee jira.
Sanad ka hor Nicholas Kay macluumaad fara badan kama uusan heysan
Somalia, laakin hadda waxuu fahamsanyahay caqabadaha faraha badan ee
jira ee dowladdu maalin walba la kulanto. Habka ugu fiican oo looga
bixi karo mushkiladaha ayaa ah in si buuxda loo taageero Dowladda
Federaalka oo ah hay’adda kaliya oo Soomaalidu ay ku dhan tahay oo
matasha dhammaan shacabka oo dhan. Waxaana muhiim ah in dhammaan
taageerada Somalia loo soo marsiiyo Dowladda Federaalka oo ah hay’adda
sharciyadda u heysata Somalia oo matali karta midnimada iyo Xaduudaha
Somalia. Waxaan rajeynayaa in sanadka danbe sanadguurada 2aad aan ku
dabaaldegno horumarro waaweyn oo aan sameynay, waxaana idiin rajenayaa
guul. Mahadsanidiin.”
DHAMAAD
Ministry of Information, Mogadishu, Somalia
Muqdisho, 04, June, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta furay wajiga koowaad ee kulanka wadatashiga bulshada iyo dawladda oo ka dhacay xarunta Degmada Xamar Ja-Jab, waxaana kulanka kasoo qeyb galay , xubno kamid ah golaha Wasiirrada, Maamulka gobolka Banaadir, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo 125 waxgarad ah oo laga soo xulay afar degmo oo dhaca bartamaha Muqdisho.
dadweynihii kasoo qayb galay kulanka ayaa soo jeediyey hadalo iskugu jira dhiirgelin iyo bogaadin ku wajahan hawlaha Xukuumaddu u hayso Shacabkeeda, waxayna su’aalo ka weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga oo tilmaamay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa shacabka iyo laamaha amniga, taas oo sahalayso in si wada jir ah logo hortago falalka amni xumo ee geysanayaan kooxaha nabad-diidka Al-shabaab
Maxamed Aadan Guuleed “Caanogeel” Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna g ku-xigeenka arrimaha siyaasadda, ayaa soo dhaweeyay furitaanka wajiga koowaad ee kulanka wadatashiga bulshada iyo dawladda, wuxuuna sheegay in wax badan uu ka badeli doono kulankaan xiriirka u dhexeeya shacabka ,Dawladda.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Khaalid Cumar Cali, ayaa tilmaamay fikirka wada-tashiga Bulshada iyo Xukuumadda in uu soo Hindisay Ra’iisul Wasaare Cabdiwali, kadibna uu hor keenay guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirrada, si tallada loo siiyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo gabagebadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay wada-tashiga dadka shacabka ah iyo dawladda inuu socon doono isla markaana la gaarsiin doono degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.
Mudane Cabdwali Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibeddaba inay hormuud u noqdaan isbaddel weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada ay marin habaabiyeen kooxaha Nabad-diidka Al-shabaab in ay ka soo laabtaan fikirka qaldan Xukuumadduna ay soo dhaweeneyso
“Kulankaani wuxuu bilow u yahay kulamo joogto ah oo wadatashi iyo isku tiirsanaan shacabka iyo dawladda , ujeedka aan ka leenahay kulamadaan waa in Xukuumadda iyo dadkeedu wadatashadaan, waxaa halkaan jooga Wasiirradii ka tirsanaa guddi-hoosaadka arrimaha bulshada oo todobo wasaaradood ka kooban. Tallooyinkii aad soo jeediseen runtii waxay ahaayeen kuwa wax ku ool ah oo aanaan ka helin dad badan oo horay isku aragnay balse waxaan idiin balan qaadaynaa in Xukuumaddu qaadan doonto tallooyinka aad soo jeediseen ficilna u badali doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Kulamada u dhexeeya Xukuumadda iyo Shacabka ayaa noqon doona kuwa si joogta ah uga dhaca degmooyinka gobolka banaadir iyo gobolada dalka si shacabka iyo Dawladdu u yeeshaan wada shaqayn dhab ah.
—DHAMMAAD—
Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so
Muqdisho, June 05, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo looga dooday xaaladda uu dalku marayo. Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey qorshaha ay dowladda Maraykanku safiir ugu soo magcaabayso Soomaaliya, tallaabadaasi oo kor u qaadaysa xiriirka diblamaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ka hadlayey shirka ayaa yiri:
“Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanku waa mid muddo soo jiray oo lahaa maalmo wanaagsan, waxay labada qaran ay maanta diyaar u yihiin inay xoojiyaan xiriirkaasi oo faa’iido wada jir ah leh. Tallaabadani waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay dib u soo ceshanayso kaalinteedii caalamka.
“Xiriirka diblamaasiyadeed ee labada dal waa mid muhiimad u leh labada shacab si la is kaga kaashado dhinacyada muhiimada wada jirka ah leh.Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadaysaa tallaabo la mid ah tan Maraykanka oo lagu adkaynayo cilaaqaadka diblamaasiyadeed ee labada ummadood.
“ Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xiriir diblamaasiyadeed oo wanaagsan la yeelato beesha caalamka si ay gacan uga geysato waajibka caalamiga ah ee saaran iyo u adeegista danaha Soomaaliya iyo masaalixda la wadaago ee dalalka iyo adduun-weynahaba”
Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa dood ka yeeshay Hindise-sharciyadeedka Dib-u-habaynhta Hanti-dhawrka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuuamadda Federaalka Soomalaiya.Hanti-Dhawrka oo dib –u-habayn lagu samaynayo ayaa asaas u ah qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee la dagaalanka musumaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka.
“ Hanti-dhawrku waxa uu muhiimad weyn u leeyahay ilalainta hantida qaranka, isagoo leh awoodo uu ku dabagalo xafiisyada dowladda. Xilliyadii la soo dhaafay waxaan xoojinay shaqada iyo waxqabadka Hanti-dhawrka dalka. Dib-u-habaynta Hanti-dhawrku waxay leedahay muhiimad gooni ah si loo xaqiijiyo hadafyada la hiigsanayo. Ayuu yiri Hanti-dhawraha Guud mudane Dr. Nuur Faarax.
Dhammaad
Abdirashid Muse
Press Officer
Warbaahinmta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
Tel: +252 6163 18823
Email: media@opm.gov.so
kulankan oo ahaa mid sanadle ah ayaa sanadkan ka weynaa kuwii ka horeeyay, waxaana ka soo qaybgalay Culimo Soomaaliyeed oo waawayn oo ka kala yimid Dalalka USA iyo UK . Waxaa sidoo kale kulanka kasoo qayb galay Culimo reer Canada ah oo isugu jira Soomaali iyo Culimo kale intaba.
Cinwaankan Shirka oo ahaa (Xageen u Soconaa Haddaan nahay Qurbajoogta Soomaaliyeed) ayay culimadu waxay dadka aad ugu baraarujiyeen muhiimada ay wadajirka iyo wax wada qabashadu leeyihiiin, si ay aayahooda iyo Carruurtoodu u badbaadaan. Taasna waxay ku suurto galaysaa oo kaliya in la helo Maraakiz ka kooban Masaajiddo,Iskuulo iyo Goobihi kale ee Jaaliyadda loogu adeegi lahaa baahidooda.
Sidaa awgeed ayaa waxaa ka mid ahaa ujeedooyinki shirkaan loo qabtay uguna muhiimsanaa sidii loo hirgelin lahaa dhisidda mashruuca Al-Faaruuq Islamic Centre. Mashruucan Al-Faaruuq ayaa ku gudo jiray inta muddo ahayd sidii jaaliyadda loogu iibin lahaa Xarun ama Center Weyn oo daboolaya baahida jaaliyadda ee aan kor ku xusnay.Xaruntaas oo loogu talo galay in lagu badbaadiyo ubadka Soomaaliyeed ee ku koray ama ku dhashay Dalkan Canada, maadaama mashkilada ugu weyn ee dadka wadamadan soo dagay ay tahay dhanka caruurta.Waxaa xusid mudan in magaaladaan Edmonton ama gobolkaan Alberta lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay tiradoodu kor u dhaaftay Soddon ilaa iyo dhowrki sano ee la soo dhaafay gudahood.
Shirweynaha oo ka dhacay Xarunta Dugsiga Islaamiga ah ee Edmonton waxaa ka soo qaybgalay kumanaan dadwayne Soomaaliyeed ah oo ka kala yimid magaalooyinka ku yaala Gobolka Alberta,iyo Gobalada kale ee Galbeedka Canada.
Waxaa Mu’tamarkaan kasoo qayb galay oo muxaadarooyin kala duduwan kasoo jeediyay Culimada kala ah :
1-Sheekh Maxamed Idiriis
2-Sheekh C/raxmaan Sh. Cumar
3-Sheekh Saciid Maxamed Faarax
4-Sheekh Maxamuud Sh. C/raxmaan
5- Sheekh Cismaan Xaji Madad
5- Sheekh C/rasaaq Cilmi Fagare
Iyo Culimo kale.
Allah waxaan ka baryeynaa inuu ka ajar siiyo Culimadeenna kheyrka ay noo soo gudbiyeen iyo dhammaan walaalihii ka qayb qaatay inuu suurto galo Mutamarkaan weyn,Mashaa Allah.
Daawo Muxaadaro Cusub ” Mashaakilka Qurbaha” oo Sheekh Maxamed Idriis uu ka jeediyay Mu’tamarki Edmonton May 31,2014.
Jazaakumullah Khayran
C/Rashiid Cali Maxamed (Akhi)
Maamulaha Masjidka Sahaba – Edmonton
www.sahabamosque.com
info@sahabamosque.com
Gudoomiyaha Baarlamaanka Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Hon. Poul Thissen iyo Seddax xubnood oo ka socdey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshey xarunta golaha baarlamaanka State-ka Minnesota June 3, 2014.
Kulankan oo ahaa mid aad u muhiim ah, isla markaana uu soo qaban qaabiyey Madaxa soomaali American community Maxamed Axmed Cali (Maxamed Kaaley) ayaa ku bilowdey is-barasho iyo is-dhaafsiga warbixino ku saabsan sida ay u shaqeeyaan labada baarlamaan iyo hindise sharciyeedyadii ay baas-gareeyeen.
Mas’uuliyiintan waxay keloo isla sooqaadeen xiriir iskaashi addag oo dhex mara labada dhinac, kaasoo bilaaban doona waqtiyada soo socda. Hon. Poul Thissen waxaa uu xusey in ay baas-gareeyeen dhowr hindise sharci oo arrimaha soomaaliya, kuwaasoo uu ka mid ahaa hindise sharciyeed ku saabsan dhibaatada baaxada lahayd ee dowladda Kiiniya u geysatey shacabka soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaas, kaasoo ay u gudbiyeen aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Mareykanka.
Xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ayaa si weyn uga mahad-celiyey hindise sharciyeedkan, waxay keloo isla garteen labada baarlamaan in la is-dhaafsado booqoshooyin muhiim ah oo mustaqbalka xoojinaya wadashaqeyn toos ah oo dhex marta labada dhinac.
Xubnahan la kulmey gudoomiye Hon. Poul Thissen iyo Xildhibaanad Karen Clark oo ay kala ahaayeen Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan, Xildhibaan Ibraahim Suleymaan Xaajinuur, Madaxa Somali American Community ee Minnesota Maxamed Axmed Cali (Kaaleey) iyo madaxa hay’ada Voice Of East African Women Farhio Khalif Jordan, isla markaana ah Manager Campaign member of parlament Minnesota Representative Karen Clark
Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf (Direed) oo aan wax ka weydiiyey ayaa wuxuu yiri “waxaan la kulaney Gudoomiyaha Baarlamaanka Gobolka Minnesota Hon. Poul Thissen iyo Xildhibaanad Karen Clark oo golihiisa baarlamaanka ka tirsan, waxaan ka wada hadalney sidii xiriir iyo iskaashi u dhexmari lahaa labada baarlamaan iyo sidii aan ugu mahad-celin lahayn Hindise Sharciyeed uu soo saarey baarlamaankooda kaasoo ku saabsanaa dhibaato aan loo meel dayin oo ay ugeysatey dowladda Kiiniya shacabkii soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaasi”.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan oo aan wax ka weydiiyey kulankooda Ayaa wuxuu yiri “waxaan ka gudooney hindise sharciyeedkii ay baas-gareeyeen Golaha Baarlamaanka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ku saabsanaa dhibaatadii baaxada lahayd ee ay u geysatey dowlada Kiiniya shacabka soomaaliyeed ee ku noolaa dalkeeda, waxaan keloo tegney xarunta madaxtooyad Gobolka Minnesota, xarunta baarlamaanka iyo maxkamada Gobolka”
Laakiin marka si guud loo eego kulankan iyo sida uu u dhacay ayaa waxay muujineysaa, tilaabo horumar oo wax ka bedelikarta habdhaqanka baarlamaanka soomaaliya oo inta badan ku hawlan arrimo hoose oo aan loobaahneyn, taasoo mararka qaar mugdi gelisa guud ahaan dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo xubinimadooda, balse iyagu ay ula muuqato wax-qabad wanaagsan.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk USA
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS:
Wasiirka Warfaafinta: “Waxaan soo dhoweyneynaa Sheekh Maxamed Saciid Attam oo diiday ka mid noqoshada Al-Shabaab, tanoo dhiiri gelin u noqoneysa kuwa la jooga Al-Shabaab inay tusaale ka dhigtaan oo midnimada iyo nabadda dalka ka qeybqaataan.”
Mogadishu, 07 June 2014: Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Dowladda Somalia, Waxaaradda Warfaafintu waxey ammaaneysaa doorka Sheekh Maxamed Saciid Atom oo uu iska diiday ka mid noqoshada Al-Shabaab, annagoo rajeyneyna in go’aanka geesinimada leh uu dhiiri gelin doono kuwal Al-Shabaab la jooga inay tusaale ka dhigtaan oo midnimada iyo nabadda dalka ka qeybqaataan.
Seekh Atom waxaa kashifay xaqiiqada dhabta ah ee Al-Shabaab oo ficilkoodu uusan aheyn mid Islaamka iyo Soomaalinimada aaminsan oo ay kooxo ajaanib ah ay ku amarku taagleeyaan oo ay dhexdooda isku diraan. Macluumaadka hoose ee uu ka bixiyey ku hoos noolaanshaha kooxaha Al-Shabaab ayaa si buuxda uga soo horjeeda beenta iyo mala-awaalka ay warbaahinta ka sheegan jireen, shacabka Soomaaliyeedna aad bey uga mahadcelinayaan Sheekh Atom inuu ka shifay beentii ay dhoodhoobi jireen kooxahan argagaxisada ah. Diidmada ay dadka u diideen in gar-gaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo ayaa ah dembi laga galay shacabka Soomaaliyeed, Sheekh Atom cabirkiisa ku wajahan arrinkan ayaaba dhameystiraya fikirkan qaldan oo uu yiri “Kama naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysato, sida kuwa barakacayaasha ah oo ay ka hor-istaageen in la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo ee ka kala imaanayey dhammaan beesha caalamka.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dhowr jeer bey ku celcelisay in cid allaale iyo cidii fahamta khaladka ay ku jirto oo caddeysa inay qoryaha iska dhigeen in la siinayo fursad ay shacabka uga mid noqdaan oo la badbaadinayo. Sida uu sheegay Sheekh Atom, fikir kala duwanaanshaheena waxaan ku dhameyn karnaa si nabad ah “Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka caddeeyo laga bilaabo maanta inaan go’aansaday inaan ku xaliyo arrimaheyga diinta iyo siyaasaddaba is nabad ah iyo is faham.” Sheikh Atom ayaa sidaas yiri.
DHAMMAAD
Wasaaradda Warfaafinta
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya
________________
Shir-Jaraa’id – Sabti 07 June 2014
Anigoo ah Sheikh Maxamed Siciid Maxamed (Atom), waxaan u hayaa shacabka Soomaaliyeed farriin muhiim ah.
Waxaan in muddo ah u dulqaadanayey qaladka Axmed Cabdi Godane iyo shabakadiisa ay ku hayaan shareecada Islaamka iyo dadka muslimiinta ah.
Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood.
1. Waxaa dhalinyarada loo sheegay in loo dagaalamayo iskuxirka shareecada islaamka, dadkana waxbay ka xukumaan, haddana Axmed iyo shabakadiisu shareecada ma qabato umana hogaansamaan.
2. Waxey baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah, sidaas darteed waxey ku laayaan suuqyada, jidadka ilaa masaajidka.
3. Waxey baneysteen dhiiga Culumada Muslimiinta iyo qof kast oo muhiim ah oo ay mas’alo isku khilaafaan, ilaa culumada ku dhex laayaan masaajida dhexdeeda.
4. Jihaadku waa Cibaado Allaah baa iska leh, waa wax laga doonaayo muslimiinta oo dhan, weliba iyagoo isku duuban. Axmed Cabdi waxa uu ka dhigtay wax uu isaga iska leeyahay, sidaas daraadeed, waxuu amar ku bixiyey in la laayo, hubkana laga qaato cidii kale ee hub qaadata, waxeyna ka dhigaan mid ay dilaan, mid ay xiraan, mid ay duleeyaan iyo mid iskaga carara.
5. Xagga shacabka qaxa iyo rafaadka ay ku jiraan wax naxariis ah uma hayaan, waxeyna ku sameeyaan, cunaqabateyn dad maato ah oo muslimiin ah oo tabaaleysan.
6. Waxaan u sheegayaa dhalinyarada qofka shabaab ka tagay, ma aha qof islaanimada ka tagay, qofkii fikirkooda dhaliilana ma aha qof diinta islaamka wax ka sheegay. Maxaa yeelay, islaanimadu waa diin ee ma aha dad gaar ah fikirkood.
7. Dadka muslimiinta ah waa ay is khilaafi karaan, laakin ilaahay waxuu amray inay kitaabka iskula noqdaan iyaguna midoobaan, labadaas arrimood Axmed iyo shabakadiisa waa lagala quustay. Midnimo umadeed iyo marjac kitaab midna ma rabaan, Sidaas daraadeed, waxaan tuhunsanahay inaanay ka marnayn dano shisheeye. Haddaba waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey.
Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya…
Wararka ay baahiyeen warbaahinta Kenya ayaa tibaaxay sida “Kenya ugu niyad santahay uguna rajo-weyn tahay in ay heshiis xagga badda ah la gelayso Soomaaliya.”
Hadallada ay warbaahinta Kenya ku celcelinayaan, shacabkoodana ka dhaadhicinayaan, waxaa ka mid ah: in Kenya muran badeed kala dhexeeyo Soomaaliya, hadalkaas oo qadaf ku ah jiritaanka dhulka Soomaaliyeed inta ka madax bannaan gumaysiga.
Warbixinada arrintaas ka hadlaya waxaa ugu dambeeyey qoraalkii jariidada BusinessdailyAfrica daabacday June 5, 2014 oo cinwaanka uga dhigtay “Kenya upbeat on ocean deal with Somalia” kuna bilowday “Kenya waxay ku rajo weyn tahay in ay heshiis la gaarto Soomaaliya kaas oo ku saabsan sahaminta khayraadka ku jira qaybta lagu muransan yahay ee xuduud badeedka ay ka wadaagaan badwaynta Hindiya.”
Waxaana qoraalku intaas raaciyey in Kenya sheegtay in labada dal uu wadahadal uga socdo dukumiintiyadii ay u kala gudbisteen qaramada midoobay qaybta u qaabilsan qalfoofka qaarada (ama xadaynta badaha).
Dawladda Federaalka Soomaaliya arrintaas weli jawaab kama bixin.
Laakiin shacabka Soomaaliyeed aad ayey ugu baraarugsan yihiin in Soomaaliya iyo Kenya uusan ka dhaxayn “muran badeed”, balse waxaa ka dhexeeya muran dhuleed, maadaama Kenya gumaysi ku haysato dhul ballaaran oo Soomaaliyeed oo ah Northern Frontier District (NFD) ayna ula baxeen North Eastern Province.
Madaxweynaha Soomaaliya oo bishii April 2014 magaalada Nairobi kaga qayb galay xaflad madaxweynaha Kenya u dhigay diyaaradda Kenya Airways Dreamliler B787 ee Kenya soo gadatay
Muranka “badda” ay Kenya ku andacoonayso waa mid laga dheregsan yahay in la dhoodhoobay xilligii xukuumadii Soomaalida loogu soo dhisay Jabuuti ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Axmed.
Cabbirka ay Kenya sida indhasarcaadka ah u wadato waxaa kamid ah in ay doonayso in xarriir u socota dhanka bari ay ku xadayso badda taas oo xuduudkeeda badda keeneyso meel u dhow Kismaayo, halka cabirka caadiga ah jiray uu yahay xarriiq u socota Koonfur bari.
In badan oo shacabka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa rumaysan in xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Xasan Maxamuud iyo Cabdiwali Axmed ay u muuqato xukuumad aan si geesinimo leh u qaabili karin ka hortagga damaca gurracan ee Kenya ku doonayso inay dhaxal wareejiso baaxad weyn oo badda Soomaaliya ah.
Laakiin shacabka Soomaaliyeed waxay weli rajo ka qabaan in baarlamaanka Soomaaliya ay markale u babac dhigi doonaan, kana hortegi doonaan damaca qaawan ee Kenya ku doonayso dhul iyo bad ballaarsiga.
Kulan lagu qabtay Minneapolis oo ay ka qayb galeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin iyo aqoonyahan kale.
Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex oo isaga si gaar ah loogu weyneynayey kulanka, isla markaana u muuqdey nin u sharaxan xilalka qaranka ayaa ugudambeyn meesha ka Hadley.
(Khudbadii oo dhameystiran halkaan ka daawo)
Md. Cabdiwaaxid waxaa uu si faah faahan uga Hadley sababihii burburka soomaaliya, dhibaatada soo gaartey Qaranka soomaaliyeed, tan shacab, diin iyo dal intuba waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Bur burka Soomaaliya muruqeeda annagaa lahayn, maskaxduna Ummad kalaa lahayd, sababtoo ah, bur bur Ummudu ma rabto, burburkii cayn kaas ahaa xagee buu gaarey, wax bur burey waxaa ka daran shacabku in uu Ummad ahaan u dumo, nuxur ahaan annagu seddax wax baa isku keen xirayey, dad ahaan waan u dhaawacanay, diin ahaana waan u dhaawacaney, dal mid ah oo innaga dhexeeya waan u dhaawacaney. Diintu maanta ayaa loo aqoon badan yahay, laakiin maanta ayaa ku dhaqanku xun yahay, hadda waxaa weeye masaajidadii baan dadka ka dhaxeyn kuligoodna kuli far baan isku fiiqeynaa, laakiin hadaad u fiirsato dadku wax badan uma dhexeeyaan laakiin cilmi yari baa ku jirta”.
“waxaanu mareynaa magaalo hebla dadka aan u dhalan ha iskaga badan, maxayse kaga duwan tahay Nayroobi ka bax kaan u dhalanoow haddii la dhaho, soo dhaawac aan qabno ma ahan, wadaniyadii baa la luntey, kalsoonidii baa luntey, isku duubnidii baa luntey, markaas baa waxaa soo baxay in nalootaliyo wax alle wixii shirar nalo qabtey oo hadba dhinac naloo wadayey, wadaniyadii, kalsoonidii, isku duubnidii, baa maskaxdeena ka baxdey, xitaa ceeb waan u qaadan weyney sidii Arrigii in laysku kaaya cel celiyo war caqli aynu isku hogaamino aanu helno waan weyney…”
“wax wax natara oo aan dowlad ku noqono marna nalama siineyn, dawacooy afku dufan leey baa hawladeedu ahayd, nin kasta oo madaxweyne soo qabta iyo dowlad kasta waa laga harayey, tusaale fiican waxaa ah sidii la sheegey raga qaarkii lacag bay qaataan oo askariga AMISOM $1080 buu qaataaye waa markii iigu dambeysey oo aan talada wax ka ogaaa, war kan maa bil walba laba boqol la ii siiyo, haddii la igu eedeeyey inaan xumahay, ciidankan goormuu kor u sookacayaa, soomaaliya dowlad nimo waxaan heleynaa, markeynu xukunkeena iyo amnigeena iyo jiritaankeena markeynu mas’uul ka nahay oo gacanta inoogu jirto…”
“maxaa dowlada haysta oo aan dadku ogeyn, ciidanka dowladu waa dagaalamaa, isagaa horeeya dagaal la galayo, waa dhintaa, kuwa mar walba horeeya oo baaba’aya iyaga weeye, subaxay dhaqaaqayaan oo dagaalamayaan ayaa laba khasnadood la siiyaa, waagii dambo oo dagaal la qaadayo ayaa laba khas nadood la siiyaa, hub ma leh…! Marka AMISOM ilaa iyo yowmul qiyaamaha ayey ila joogeysaa, mee ciidankeygu goormuu imaanayaa, waxa dalka ka jira iyo xaalada taalaa sidaa weeye”.
“wadankaanu cidaan annaga ahayn ma sugayo haba yaraatee, Ummada soomaaliyeed iney ayadu shucuur wadani ah la soo kacdo oo wadankaan u istaagto, lagama maarmaan weeye, dhibaatooyinka jira waxaa weeye shacabka iyo dowladu ma wada socdaan, shacabku waa ninkaas ciriiriga ku jira oo shaqo la’aantu ka badatey weeye, dowladuna shacabka aad ay u wacyi geliso weeye oo shacabka kiciso, iyadoo shacab adeegsaneysa iyo nolosha Ummada soomaalidu waxa ay tahay ay beesha caalamka la hortagto oo la yiraahdo annagu saanaan rabnaa, baahideyda iyo cudurkeyga annigaa aqaan…”
Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
Somalitalk Minnesota USA.
fatxumaalik@hotmail.com
SomaliTalk oo waraysi la yeelatay Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, daawo waraysiga
Warbixintii kulan lagu qabtay Minneapolis hoos ka akhri
Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf oo Khudbad Kulul U Jeediyey Soomaalida Minnesota. “…Meelo Waxaa badan Adigaagan Soomaaliga Ah Aadan Tegikarin, Xalane Wixii Xagaas Ka Xiga Waxaa Ku Yaal Hoteelo Lagu Seexdo $300, Waan Maqley Anniguse Ma Tegikaro…!”
Seddax xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana xilal wasiir, wasiir ku xigeen ka soo ahaa dowladihii KMG-adda ee dalka Soomaaliya iyo Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (goonjeex) oo isna ku xigeen Ra’iisul wasaare, wasiir iyo xildhibaan ka soo ahaa Dowladihii KMG oo kulan ay ka soo isugu yimaadeen xubno isugu jira, aqoon yahanada Diinta iyo kuwa maadiga, siyaasiin, wax garad, haween iyo dhalinyaro, isla markaana looga hadlayey xaalada siyaasadeed ee dalka soomaaliya, ayaa khudbado kul kulull ka jeediyey hoolka shirarka Safaari ee State-ka Minnesota ee dalka Mareykanka 19/05/2014.
Kulankan oo ahaa mid si gaar ah loo soo qaban qaabey ayaa waxaa ka Hadley Xasan Dhooye, Xildhibaan Maxamed Keynaan, Xildhibaan Ibraahim Suleymaan Ilkocase, Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf iyo Md. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex oo mas’uul hore ahaa. Dhamaan mas’uuliyiinta meesha ka hadashey ayaa waxay si weyn uga hadleen xaalada dalka soomaaliya ee xiliga iyo is-bedeladii kala duwanaa ee uu soomarey dalka soomaaliya iyo baahida loo qabo in laga gudbo caqabadaha taagan xiligan.
Xildhibaan Dr. Cabdicaasiis Sh. Yuusuf oo kulanka ka Hadley ayaa wuxuu si adag uga Hadley qaabka loola dhaqmo dowladaha deriska, kuwa caalamka, ciidamada jooga dalka soomaaliya “walaallayaal dowladeenii markey burburtey, dowlad macno leh oo xoog badan bay ahayd marka Afrika la eego, kadib waxaa la galey in la yegg leelo dowlad, markaa qof walbaba leebalka uu yahay ayey waajib ugu tahay in uu wax ka yag leelo si aan u helno qaran xoog badan, meelaha fadhi ku dirirka aan ka sameyno aan ka deyno waan codsanayaaye” ayuu hadalkiisa ku bilaabey.
Isagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya Madaxda sare wuxuu yiri “sida muuqata caawa wax badan baad rabtaan inaad ogaataan, adinkana wax badan baan idiinka ogaadey, walaallayaal dowladan hadda jirta iyo dowladihii ka horeeyey ee KMG ahaa, isla mid ma ahan. Dowladani, waa dowlad rasmi ah, kuwii hore KMG bey ahaayeen, waxyaalo fara badan ayeyna xaq u lahayn in ay dhex galaan, isla mid noqon ma hayaan marka wax laga sheegayo dowladan wax badan ayaa laga sugaayey inay qabato, anniga waxaan rumeysanahay dhibaatadu iney hogaanka tahay ama hogaanka iyo sida uu wax u maamulo…”.
Waa sida uu qabo isaguye wuxuu sii sharxaya sababaha uu farta ugu fiiqayo hogaanka sare “…maadaama dowladu ay ka baxdey KMG-kii oo meel walba laga aqoonsadey oo dhaqaalo fara badan loo balan qaadey, waxaanu haatan mareynaa inaan waxba nalaka siinin, aqoonsigiina aanu sidii ahayn sidii annagoo KMG ah aan ku laabaney, markaa waxay halkaas ku laabeyneysaa sida loo maamuley siyaasada arrimaha dibadda…”
Xildhibaan Cabdicasiis mar uu ka hadleyey dowlada Kiiniya iyo sida ay ula dhaqantey shacabka soomaaliyeed ayaa wuxuu yiri “…waa adinka hada maqlayey madaxdii iga horeysey iyo dadkii oo dhan Kiiniya sida ay dadkeena u galeen waad arragtaan, dadkaasi hadde waa Kiiniyaan nidaamka Afrika ayaa sidaas iska ah, waxayna ku leeyihiin dhaqaalo aad u fara badan waxa ay u dhimanayaan ma ahan in ay dembi galeene, waa inay Soomaali yihiin, waxaa la xusey inay Kiiniya nafaganeyso oo meel walba Qunsul baan geysanayaa leh, siyaasada arrimaha dibada oo qaloocatey iyo qiimaha hogaanka oo hoos u dhaacay sow ma ahan…”
“Khudbadii halkaan ka dhegeyso” – Qaybta 1aad
Daawo Qaybtii 2aad ee Kudbaddii Dr. C/casiis Yuusuf:
Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
Somalitalk Minnesota USA.
fatxumaalik@hotmail.com
Waxaa qoray
Cabdinuur Faarax maxamuud
Email-guuleed72@hotmail.com
Sallaamullaahi calleeykum
Xigmaad Soomaaliyeed ayaa oranaysa Qofna dushiisa biyo kama hagrado waxaan ula jeeda Ganacsatata Soomaaliyeed waxay dalkooda kahagradeen inay maal gashi ku samaystaan taas badalkeedna ay dalal Shisheeye maalgashi ku sameeyan taas oo marar badaan keentay in taajiriin Soomaaliyeed intay dal shisheeye Hantitoodii galiyeen hadana ka shalaayeeyn ama ka Qomameeyeeyn kuna hanti beelaan.
Yaa dal hormariyaa?
Aduunku wuxuu ku hormaraa waa dhaqaalo hadii aan dhaqaalo lasamaayn Hormaar iskama yimaado Dal wuxuu ku hormaranaa waa dadka iska leh dalkaas oo maalgashi ku samaystaa mal Qabeenadda Soomaaliyeed Dalkooda ayey kala guuraan malkooda hadana waxay ku doodaan dalku muxuu la xasili la,yahay hadee is waydiih dal ay Ganacsatatiisii maal gashi ku samaysanayaan dalal kale sidee xasilooni iyo hormar ku gaarayaa?.
Ganacsatata Soomaaliyeed waxay maal gashadaan dalalka shisheeye iyaga oo dalkoodu uu yahay dalka ugu Ganacsiga wanaagsaan caalamka lagana heli karo wax kasta oo bini`aadamku ku ganacsaan karo hadii ay noqon lahayd Xoolo Beero Bad Maydi Kalluun IWM waxaa laga yabaa inay ku doodaan Dalku nabad mahan laakiin gayiga Soomaali ama dhulka Soomaliya oo dhan colaad kama jirto ganacsatata Soomaaliyeed waxay maal gashi ku samaysan karaan Puntland Soomalind iyo Gobolka Soomaali galbeed ee (Kilirka) loo yaqaan oo ah dhul Soomaaliyeed waayo intaas ba waxaa ka jirta xasilooni la isku halayn karaayo.
Ganacsatata Soomaaliyeed iyo dalalka ay malgaliyaan
Taajiriinta ama ganacsatata u dhalatay Soomaaliya waxay maalgaliyaan dalalka dariskaa sida Keenya Ethiopia Emirates Jabuuti Ugandha Zambia iyo dalal kale oo badaan hantitaas ay Soomaalidu dalalkas shisheeye Galinayaan waxaa hubaala hadii ay dalkooda ku soo celin lahayeen canshuurta ay dalalka shisheeye siinayaana, ay dalkooda ku bixin lahayeen waxaa hubaala in dalkeenu noqon lahaa mid xasiloon waayo hadii shaqo abuuris la sameeyo waxaa meesha ka baxaysa shaqo la,aanta colaada iyo faqriga.
Fursadaha qaaliga ee dalkeenu dheeryahaay dalalka kale
Fursadaha an dalalaka kale laga helin laakiin lagahelo dalkeena waxaa ka mid inaan haysano Badii Birigii Xoolihii Furdadihii ama Dakadihii laakiin ummadda Soomaaliyeed ayaa dayacayday dhulkii aduunka ugu Ganacsiga wanaagsanaa oo ah dalkooda Soomaaliyeed waxaad arkaysaa Ganacsato Soomaaliya ka soo guuraya hadana maalgashanaya dal xitaa bad iyo biri midna ku wanagsanayn deedna laga yaabo inay halkaas ku hanti beelaan soo talo xumo mahan?.
Waxaa jirta xigmaad dhahaysaa Geelu wuxuu ka mid yahay xayawaanka Ugu awooda badaan xayawaanadda laakiin awoodiisa waa laga qariyey waxaan ula jeeda Ganacsatata Soomaaliyeed waxaa laga qariyey dhulkooda wanaaga yaal waxaa xaqiiqa Ganacsatata Soomaaliyeed dhibka ka soo gaara dalalka ay maal gashadaan inuusan ka soo garayn hadii ay maal gashadaan dhulkooda Alle siiyey.
Kalsooni darata ummadda Soomaaliyeed dalkooda ka haysata
Waxaa umadeena ka luntay dhammaan kalsoonidii ay ku qabeen dalkooda taas oo keentay inay maalkooda galiyaan dalal ka liita Soomaaliya kadibna intoota badaan ay ku hanti beelaan taaso aan cidna uga garabay ama cidna ka naxayn xitaa hadii hantidood hortoota lagu boobaayo ilen ayagaa doortaye.
Tusaale Muhiima
Waxaan tusaale yar idinka siinaya Shirkadda Golis oo Soomaaliya ka Ganacsata waxay ummadda Soomaaliyeed ku soo kordhisaay hormar aan caadi ahayn waxay caawisay boqolaal Soomaaliyeed ayada oo ay shaqo Abuur u samaysay taas badalkeednaa Golis waa ka faa,iiday ka ganacsiga dalka gudihiisa waana ka faa,iido badan tahay kuwa dalalka shisheeye maalgashada.
Golis kama wal-walaan goormaa la idin dhihin nooga guura dalka waayo Ganacsatata Golis waxay malkoodii galiyeen dalkoodii hooyo waana tusaale ay ku cimri qaadan karaan taajiriinta Soomaaliyeed ee malkooda ka dhoofiya dalkooda dabcan waa jiraan shirkado kale oo dalka maal gashadaay laakiin tan waxan u soo qaatay waa tusaale iyo in ganacsatata Soomaaliyeed ay aminaan dalkood maalgashina ku samaystaan.
Talosoo jeedin
Talo soo jeedin ku socota maalqabeenadda Soomaaliyeed Somalidu waxay ku mahmahdaa sal iyo dhul isma gafaan) meel kastoo aad u guurto waxaad tahay Soomaali meesha kaliya ee aad ku kalsoonan karto waa dhulkaaga hooyo Ganacsatata Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa inay dhulkooda maalgashadaan kuna sameeyaan maalgashi dhan kastaa ayaguna ay ka faa,iidaan bulshada Soomaaliyeednaa ay u faa,iideeyeen
Dhammaad
Horudhac :
Qeybtii labaad waxaan ka soo hadalnay Taariikhdii sheikh Xasan Daahir ilaa aan ka soo gaarnay asaaskii xisbul islaamiyo iyo dagaalkii uu bilaabay May,2009 ee uu ku qaaday Dawlladdi Shiikh Shariif ee isla sannadkaas jan,2009 la amaamuday .
Qeybtaan waxaan ku eegeynaa burburkii xisbul Islaam ???!!!.
Haleeshiin :
Intaanan u galin burburka xisbul islaam horta yey ahaayeen xisbul Islaam ???!!!.
Akhristoow annigoo aad iyo aad u soo koobaaya ,xisbul Islaam waa
Ciidamaddii Al-itixaad ee dagaalka sii waday ,waxaanna hormuud u ahaa sheikh xasan Daahir iyo sheikh xasan turki oo aasaasay ururka la magac baxay Raaskamboodi ee mucaskarka ballaaran ka sameystay dhulka xeebaha iyo Howdka ah ee koonfurta kismaayo.
Ururka Raaskamboodi waxay wiilashoodii iyo diricyadoodii ku le’deen Dagaalkii warlordka oo ilaa 5000 ciidam ay u soo direen, Meydkooduna uu daadsan yahay Xamar ilaa jowhar.
Waa raggii ku cunay Say Biyaano Cabdi qeybdiid , ugu galay xaafdda CC Bashiir Raagge ilaa ay Jowhar ka qabsadeen Mohamed Dheer ???!!!.
Waa raggii dhidibadda u taagay Maxaakiimtii , haddana ka qeyb qaatay markii la jabshay badbaadintoodda oo Shiikh Xasan Daahir iyo Shiikh shariif caanaha iyo hilibka afka ugu guraayey ee ku ilaalinaayey dhiigga Masaakiinta degta jubbooyinka ??? Halka lo’ iyo dameero & dadba diyaardi ku rushaysay jubooyinka si loo badbaadiyo Maxaakiimta.
Dab wax gubba Diyaarad wixii nalagu gowdiidshay
Dakharooyinkii nagu dhiciyo wabi dabaashiisa.(1).
Shiikh Axmed madoobe 8 xabadood ayaa lagu dhuftay asagoo difaacaaya sheikh xasan Daahir, kadibna asagoo dhaawac ah loo taxaabay xabsi addis ababa ku yaal ama Allan bakho ???!!.
Haddaba Akhristoow horaa Soomaalidu u tiri maahmaahdaan :
( Ninyahow sidaan kuugu lisay iiguma aadan hanbeynin ) !!!!
Shiikh Axmed Madoobe markii ay AL-shabaab isku dhaceen 2010 oo uu Shiikh xasan daahir macaawino ka soo dalbaday looma jawaabin ??? balse Ciidamo Raaskambooni ah oo xamar iyo ceelasha biyaha joogay waa loo diiday in ay u hiishaan Ahmed Madoobe , ilaa hogaamiyahoodii Barre Cali Barre maalin lagu casheeyey suuqa Bakaaraha ??? tolow ma xisbul Islaam baa dilay mise Al-shabaab ??
الا اني اكلت يوم اكل الثور الابيض
Akhristoow waxaa Shiikh xasan Daahir ka guuxaayey wallaalihii Reer Galgaduud oo ma uusan ogaleyn in Shiikh Axmed Madoobe Jubooyinka maamulo Qabiil dartiis ??? Taasina waa qorshihii Madaxweyne C/qaasim Salaad laga soo bilaabo 2000 kii waaggii Wallaalaha Galgaduud ???!!!
Maxaa caawa xalay uga eg ??? iyo waliba qorshihii Madaxweyne Xasan sheikh Mohamud 2013 .
Nabsigu Ma raago waxaan u soo joognay Shiikh Xasan Daahir oo Ceelasha Biyaha lagu weeraray oo Qasab Shabaab looga dhigay ???!!!.
Taas waxaad ku dartaa baqo cararkii uu naf caari Doonta uga soo raacay Magaallada Baraawe ??? !!!.
Shiikh xasan Daahir la ma cunin maalintaan ee waxaa la cunay Maalintii Shiikh Axmed Madoobe Kismaayo loogu xoog sheegtay, ee si kastaba ha u dhacdee uu u hiilin waayey ??? waana maahmaahyadda Carbeed ee oraneysa : ( waxaa la I cunay maalintii dibiga cad la cunay ) !!!( الا اني اكلت يوم اكل الثور الابيض ).
Maxkameynta Shiikh xasan Daahir Aweys :
Dawlladda xasan sheikh mohamud waxay mudneyd in Shiikh xasan Daahir Aweys Maxkamad la soo taago ??? dhihi maayo waa danbiile se waa in Maxkamad la hor keenaa : Qof kastaayi danbi ma leh ilaa lagu cadeeyo dambi (anyone is innocent until proven guilty ) !!!.
Maqaalkaygu in uu saxan yahay Akhristoow ma dhageysatay wareysigii Radio Shabeelle ee Shiikh Xasan Daahir , Nin Maxbuus ah in uu sidaas u hadlo lama rabin ???!!! Midda kale wali Khaladkii uu Ummadda Soomaaliyeed ka galay ayuu ku sii indho cad yahay ???.
Waa in aan jihaadnaa ??? jihaad maa shee ??? waar ummadda Soomaaliyeed ha loo turo 24 sano ayuu Dhiigeedu tifqaayey !!!!.
Shiikh Xasan Daahir wuxuu ku dhiiraday in uu Dawlladda Soomaaliyeed asagoo u xiran uu ku eedeeyo in ay Ethiopia ka amar qaadato ???!!!.
Haddaba Akhristoow maxay kula tahay oo dawlladdu u soo taagi weyday Maxkamad Shiikh Xasan Daahir ???!!!.
1) Ma qabiilkiisa ayey ka baqeysaa , xaqu qabiil ma leh ???
2) Ma wax naga qarsoon baa jira oo markii horeba Shiikhu wuxuu u shaqeynaayey Dawlladda amaba ururu sired ( Foreign Intelligence) ???
3) Ma waxaa la rabaa in lagu soo dabo shabaabka kale ,si ay isku soo dhiibaan ???.
4) Haddaba maxaa laga yeelayaa haddii la soo qabto Godane, Rooboow iyo Fu,aad shongole iwm . Maxkamad ma la soo saarayaa mise Tv, Samsung Mobile iyo Lap Top baa guri loo dhigayaa ???!!!!
Kolley annigu garan maayo, ii sheeg aan kuu sheegee ??? se Dadweynaha intooda badan waxay sugayaan in uun mar maxkamad la keeno Shiikh xasan daahir , Godane, Rooboow, xasan Turki ,Fu,aad shongole , Cali Indho guduud , Abuu Muscab , Dulyadeen ,Innakaba jecel , Xasan yacquub , kaba kutukade, Xasan afrax iwm.
Akhristoow bal haatanna shirkiisii jaraa’id ee ugu danbeeyey ila dhageysta :
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shir jaraa’id qabtay
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shir jaraa’id qabtay
View on www.youtube.com
Preview by Yahoo
Maqaalkayga xigga waa ( xamar waa RI’ geeso leh oo mid seenyoon looga aargudaayo ) !!!! Dhibaatooyinka xamar ku soo noqnoqonaaya maxaa u sabab ah ??? waa caddalad daradii ay sameysay 1991.
وَلاَ تَحْسَبَنَّ اللّهَ غَافِلاً عَمَّا يَعْمَلُ الظَّالِمُونَ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍ ( تَشْخَصُ فِيهِ الْأَبْصَارُ
Fii amaani laah !!!
Shiikh sahid Mohamed yusuf
USA,VA.
sahidyusuf@yahoo.com
Al-mutakhasis fil xarakaat AL-Islaamiyah
1) Gabaygii Sayid Mohamed Cabdille Xasan.
09/09/1435H kuna began 07/06/2014, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka furmey Dowro ay soo qaban qaabisiyey qabashadeeda & fulinteedaba Mu’asasada Dacwada & Tacliinta ee SAFA looguna talo galey ardeyda Dusgiyada Sare ee Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Dhanka Koonfureed.
Dowradu waxey soconeysaa inta u dhaxeysa 9 ilaa 14 Bisha Shacbaan ee Sanadka 1435H, Intey socotana ardeydu waxey ku qaadanayaan duruus kale duwan ee ku aadan horumarinta Tacliinta.
Ugu horeyn xaflada furitaanka ee Dowrada waxaa ka Hadley Agaasimaha Iskuulka A’Shacab ee Magaalada Gaalkacyo, Ustaad C/raxmaan Cumar Sh, Nuur, kuna soo dhaweeyay Culimada, Ardeyda & Marti Sharafka kaleba Furitaanka Dowrada.
Waxaa xigey oo hadalka qaatey Wakiilka Dacwada ee Gobolka Mudug Sh. Saciid Maxamed Cilmi oo sheegay Gobol ahaan iney Dowrada soo dhaweynayaan qeybna ka qaadayaan, ayna muhiim u tahey ardeyda & waalidiinta Gobolka iney helaan Dowrooyin noocan oo kale, qeybna ka qaadaneysa hormarka waxbarasho ee dhalaanka Gobolka Mudug.
Intaa ka dib waxaa isna hadalka qaatey Mas’uulka Xiriirka guud ee Mu’asasada Safa ee Dacwada & Tcliinta, Sh. C/casiis Cali Xasan oo ku booriyey ka qeyb galaasha Dowrada iney ka faa’iideystaan, halka ay joogaan sare uga qaadaan Waxbarashooda, sida hal ku dhiga Dowrada ka muuqatana Waxbarasho ay tahey furaha guusha & hormarka.
Ugu danbeyn Xaflada furitaanka Dowrada waxaa ka Hadley Sh. Maxamuud Sh Axmed - Abu Sheyba oo dhankiisa taageero & bogaadinba u muujiyey Dowrada, una rajeeyay ardeyda qeybta ka ah iney ka faa’iideystaan, waxna ay ka badesho tayadooda Waxbarasho xiliga soo aadan.
Ka dib furitaanka Xaflada waxaa si toosa u bilowday Dowrada oo la fuliyo Insha Allah, ardey badan iney faa’iideysataan intey socoto.
waxaa soo tebiyey maxamed maxamuud.
Gabaygan waa gabaygii 1-aad ee silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda) Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad Gabayeed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano iyo Ardeyba leh, kalana joogta adduunka dacaladiisa, Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed hal ujeedo ah oo ka mideysan inuu qof weliba ku cabiro Hal abuurkiisa qaabka uu arko, dhibkeeda iyo sida looga badbaadi karo, Silsillada ayaa ka socota, Golayaasha Suugaaneed, ee Barta xidhiidhka Bulshada, “ Facebook” Golaha Tartanka Suufgaanta, iyo Golaha Abwaanka iyo geedka Suugaanta Haddaba gabaygam oo noqon doonaa kii koowaad ee aanu ku faafino, Mareegaha Afka Soomaaliga lagu qoro, haddaba Silsiladdan oo ka socota labadaa Gole ayaa waxaa la soo bandhigayaa Gabayada lagaga qaybgeliyo, labada Maalmood ee Sabtida iyo Jimcaha, haatana Bogasho wacan iyo Gabaygii “Dacwad eebbe”
GABAY:- (DACWAD EEBBE )
CURIYE:- Faysal Bariir Adam
1. Dad alloow aduunyada duntaye, duraysa iimaanka
2. Digashada abraarkiyo wakhtigan, damacu waynaaday
3. Danbaaburadu ay saaa’idee, laguba daynaynin
4. Damaceedu way mari la’yahay, tan iyo daw dheere
5. Dantiis nimaan aqoon baan helayn, darajo tii dheere
6. Dagam weeye ruuxaan is dirin, daadahna aqoone
7. Hadal laguma daalee dadyahow, dulucdu waa meele
8. La dabaasha maansada hadaan, sooo durkinayaaye
9. Afartaas da’dii aan bartiyo, daw ma ku hagaajay
10. Duxda hadalka lama dacal mare, dirito maw sheegay
11. Deel qaafku waa ba’anyahee, dayr makaga xeeray
12. Afarkalana dacwad aan wadiyo, doonis iyo goob dheh
13. Dayday baan iraahdaa waxaan, duniba oolayne
14. Dadkaygoo is diidaan dhahaa, dawga garansiiye
15. Dantii guud ayaan baafiyaa, taniyo daw dheere
16. Danbaaburo ayaan diidayaa, nabadi duushaaye
17. Daanada ayaan joojiyaa, oon ka digayaaye
18. Naftu dawladnimo bay rabtaa, wayna door bidiye
19. Qabyaalada inaan duudsiyaan, doonayaa Abide
20. Ma dansiiyo hadalaan dux layn, lagana dooodaaye.
21. Afartaa dadii aan bartiyo daw ma ku hagaajay
22. Duxda hadalka lama dacal mare, dirito maw sheegay
23. Deelqaafku waa ba’anyahee, dayr ma kaga xeeray
24. Afar kallena dacwad Eebbe iyo, duco illahay dheh.
25. Illaahoow dalkii noo midee, daa.im baa tahaye
26. Illaahoow nawada doojiyoo, dawlad nagu baaji
27. Illaahoow dantaan leenihiyo, damaca no oofi
28. Illaahoow daruus khayr qabtiyo, darajo noo muuji
29. Illaahoow dalkoo nabad ah iyo, dooga nagu waaro
30. Illaahoow adaa deeq baxshee, nabadu noo daahdo
31. Illaahoow dan gaariyo ma wado, duudsi iyo xooge
32. Illaahoow dadkaas wada dhashaye, dirirtu baabiisay
33. Illaahoow dadkaas daalayee, qorigu daanneeyay
34. Ilaahoow jidhkay diirayoo, waw damqanayaaye
35. Ilaahoow duxdii dawladnimo, maruun usoo dooji
36. Daadihi illaahoow adaa, darajo waynaaye
37. Ilamaaa dushiyo baarka iyo, dirinta hoos taalba
38. Soomaali daw khayrle mari, Duulka wada sheegta.
FG.
Haddaad tahay Hal buur inuu aragtidiisa ka geeysto am ka qayb gelayo doonaya la xidhiidh, Maamulka Labada Gole ee facebook. Mahadsanidiin dhammaan.
Cabdiraxiin H. Galayr
galayr1977@hotmail.com
Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan Shabeelada Hoose
iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika oo Walbahaar ka muujiyay isku dhacyada ka taagan Gobolka Shabelle Hoose
Warsaxaafadeedka DFS:
Muqdisho, June 9, —–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo saaka shir gudoominayey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen gudiyadda Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya dadka walaalaha ah ee maalmihii u danbeeyey kasoo cusboonaaday gobolka Shabellaha Hoose.
Shirkan ayaa Gudiyaddu waxay ku lafa gureen xaalada murugsan ee ka taagan gobolka Shabellada Hoose. Kadib markii ay xukuumaddu heshay xog sheegaysa in magaalada Marka ay saaka markale dagaalo ka dhaceen.
iyadoo laga jawaabayo xaaladaas deg dega ahna, waxaa xukuumaddu go’aansatay qodobadaan hoos ku qoran:
1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2014, dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay joojiyaan xabadda iyo colaadda.
2. In si deg deg ah looga saaro dhammaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan goobihii lagu diriray laguna wareejiyo ciidanka dowladda.
3. In mas’uuliyadda amni ee magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose ay si deg deg ah ula wareegaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.
4. Si loo fuliyo howshaas deg degga ah, waxaa magaalada Marka tagaya wafdi sare oo ay hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Wasiirka Gashaandhigga ahna sii haya Wasiirka Amniga Qaranka.
5. Waxaa laga dalbayaa Taliska Ciidamada AMISOM in ay gacan baaxad leh ka geystaan xabad joojinta iyo xasilinta amni ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolka shabeelada hoose nasiibo daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo colaado soo daashadeen.
“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey gobolka Sh/hoose maalmihii u dambeeyey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, khilaafkana goggol nabadeed lagu xaliyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku wax-yeeloobeen dagaalkaas.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadn karin dhiig Soomaaliyeed oo sii daata, dagaalada hada socdana ay yihiin kuwo ay ka fa’iidaysanayaan codawga soomalaiyeed ee Alshabab,
“Xukuumaddu waxay aad ugu mashquulsan tahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dagaalkaan kusoo noq-noqonayey gobolka Sh/hoose” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo dhinaca kalana ka codsaday waxgaradka gobolka Shabellaha Hoose inay ka qeyb qaataan xal-u-helida dhibaatada gobolka ka jirta.
—DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so
………………………..
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)
Faafin Deg-deg ah
War Saxaafadeed 25/2014
Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan Shabeelada Hoose
Muqdisho, 9 Juun 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay dagaal beeleedka ka socdo gobolka Shabeelada Hoose kaas oo sababay in tiro dad ah ay wax ku noqdaan.
“Waxaan ku baaqayaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaada ka socoto halkaas. Waa in dhinacyada arrintu khuseysana ay ka joogsadaan falalka dagaalka, ayna si dhakhso leh u sameeyaan dadaal ay ku daminayaan xaaladda, kuna xallinayaan khilaafkooda, ayagoo u maraayo si nabad iyo isu-tanaasul ku dheehantahay.”
“Waxaan soo dhoweynayaa dadaalka uu sameeyay Ra’isul Wasaaraha, Cabdiweli Sheekh Axmed, kaas oo lagu daminaayo xasaradda halkaas ka taagan, laguna soo celinaayo xasiloonida. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada in ay ixtiraamaan baaqa ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha, kaas oo dalbanayo in colaada si deg-deg ah loo joojiyo loona hogaansanaado wafdiga wasiirada ah ee loo diray Gobolkass. Dadka Soomaaliyeed in ku fulan ayey soo dhibtoodeen waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aanay ka imaaneyn colaad iyo amni xumo hor leh oo hadda la galo. Waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano wixi dhexdhexaadin ah” ayuu yiri SRSG Kay.
Dhamaad
Get updates from UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
www.facebook.com/UNSomalia
……………..
WAR SAXAAFADEED
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika oo Walbahaar ka muujiyay isku dhacyada ka taagan Gobolka Shabelle Hoose
Mogadishu 09ka June 2014: Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa muujiyay walaaciisa dagaalada ka sii dhex socdo dhinacyada ku dagaalamayo gobalka Shabelle Hoose wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaas inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka.
“Waxaan ku baaqayaa degenaansho iyo dib u heshiisiin. Xaalada laguma xalin karo gacan ka hadal. Hinacyada oo dhan waa inay ka joogsaaan falalka gacan ka hadalka ah, sameeyaana dadaalo toos ah oo ay uga gudbayaan xaaladaas kuna xaliyaan farqiga u dhexeeyo wada hadal nabadeed iyo xal meel dhexaad ah,” ayuu yiri Ambassador Annadif oo ku daray dagaal wuxuu u adeegayaa wax fool xumeynta iyo hor istaaga geedi socodka guulihii laga gaaray xasilinta Soomaaliya.
Wararku waxay sheegayaan inay dadka rayidka ah bilaabeen inay ka qaxaan magaalada iyo dhulka ku hareereysan, cabsi ay ka qabaan inuu dagaalka dhib ka soo gaaro ayadoo ay wax ka badan 250 ruux gudaha ku barakeceen. Bara kacayaashu hada waxay magan gelyo u galeen xarumaaha AMISOM ee Ceel Jaale iyo Marka.
Ambassador Annadif wuxuu ku cel celiyay balan qaadka AMISOM ee ah inay la shaqeyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogageeda nabad gelyada sidii loo xasilin lahaa amaana looga dhigi lahaa Soomaaliya.
“AMISOM oo la tashaneyso bulshada caalamka waxay u joogtaa inay ku taakuleyso dhamaan dhinacyada sidii loo heli lahaa is fahan buuxo taasoo qeyb ka ah dadaaladeeda ay sare ugu qaadeyso nabada, amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu ku soo dhameeyay hadalkiisii.
____________________________________
For more information, please Contact; Eloi Yao and Colonel Ali Eden Houmed, Spokespersons,
Cell phone: (Somalia) +252 618 508 181; (Nairobi) +254 702 155 126; Email: amisommediacentre@gmail.com
Kulan aad u balaaran isla markaana si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaana kulankaas wada yeeshey Marwada Madaxwerynaha Sahro Cumar Xasan iyo Xubno ka sodey Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SWJ (Somali Women Journalism, wuxuuna Kulankaas uu ahaa mid is Barasho ah ayaa Xooga lagu saarey qaabka ay u shaqeeyaan Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed .
Marwda Madxweynaha Sahro Cumar Xasan oo ka hadashey Kulnkaas ayaa waxay sheegety in ay soo dhaweyneyso Haweeka Suxufiyiinta eek u jira Ururka SWJ , iyadoo ku Tilmaantey Haweenka Suxufiyiinka ku shaqeeya marxalad, waxayna balan qaadey in wxii awoodeeda ah ay gacan Siin doonto Haweenka Suxufiiyiinta si ay dhinac waliba uga hormaraan islamarkaana u soo baxaan Haween Aqoontooda Sareysa.
“Waxaan ku boorinayaa Haweenka suxufiinta ee ku jira ururka SWJ in ay ka shaqeeyaan sidii Bulshada Somaaliyeed u gaari lahaayeen Horumar iyo Nabad “ayey tiri Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan oo sheegtey in ay aad ugu faraxsan tahay in ay Kulan la qaadto Haween Suxxfiyiin ah
Qaar kamid ah Gabdhihii Saxafiyiinta ee Kulanka qado sharafta goob joog u ahaa ayaa u Mahadceliyay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya , waxa ayna sheegeen in ay ku dadaali doonaan Hormarinta Gabdahaha Suxufiyiinta ee ka howlgala Warbaahinta kala duwan ee Dalka iyagoo balan qaadey in ay qaadan doonaan wixii talooyin ee loo soo jeediyey.
Kulanka qado Sharafta ah ee Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Zahro Cumar Xasan u sameesay Gabdhaha Suxufiyiinta ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa ku soo dhamaaday Jawi aad u dagan iyadoo lagu balamey in Kulamada Noocaan oo kale ah la joogteeyo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Warar Goos-Goos ah oo ku Saabsan Soomaaliya
Somalitalk: June 11, 2014
· Waxaa Dalka Holand ka dhacay Shirweyne ay isugu Imaanayaan Xisbiga Tayo, waxaana uu shirkaas lagu qaban doonaa Dalka Holland 21 June ee Sannadkaan ,waxaana lagu waramey ion shirkaas uu ka soo qayb geli doono raiisul wasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyadoo Shirkaas looga hadli doono Xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya
· Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh in uu ka dambeeyo Dagaalada ka socda qaar ka mid Degmooyinka Gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii Xildhibaanadaas ay isgu yimaadeen Kuloan ka dhacay Magaalada Muqdisho , waxaana ka mid Xildhibaanadaas eedeynta u jeediyey Madaxweyne Xasan Shiikh Xildhibaan Cabdulaahi Abshirow iyo Saynab Caamir halka cabdinaasir Gaarane uu sheegey in ay Baarayanaan in Ciidamo ka tirsan Dwolada ay ka qayb qaaten Dagaaladii Shabeelada Hoose
· Nabdoon Maxamed Xasan Xaad oo isna ka waramey dagaalada Gobolka Shabeelada Hoose ay ka dambeeyaan Dad ka soo jeeda Gobolo Fog Fog oo aan degin Gobolka Shabeelada Hoose , waxaa kale uu sheegey in Gobalka Shabeelada Hoose uu yahay Gobol la wada degan yahay oo yasn jirin Beel si gaar ah u leh Gobolkaasm
· Faysal Cali Waraabe oo ka soo jeeda Gobolada Soomaaliland ayaa sheegey Dagaalka ka jira Gobolka Shabeelada hoose ee Ceeb iyo Fadeexad ku yahay Dowlada Federaalka ewe uu Madaxda uu ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh , wuxuuna Dowladda Federaalka uu ka dalbadey in xal ka gaarto dagaaladaas
· Madaxda Sare ee Dowladda ayaa isku Khilaafsan Cidda loo Magacaabay Wasiirka amniga Qaran , wuxuuuna Khilaafkaas uu u dhaxeeyeeaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed iyadoo mid waliba uu wato Shaqsi uu doonayo in loo Magacaabo Wasiirka Amniga ,waxaana Xilkaas si Kumeel Gaarah u haya wasiirka Gaashaandhigga
· Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayuaa Dowladda Federaalka ka Codsadey in loo soo gacangeliyo Shiiklh Maxamed Saciid Atam ka dib markii uu ku eedeeyey in uu Gobolada Punland ka galey Dambiyo waaweyn halka Atam uu sheegey in Dagaalkii ka dhacay Pund;and isaga lagu qasbey
· Wararka Naga soo gaaraya Degmada Balanbale ee Gobolka Galguduud waxay sheegayaan in Deegaankaas ay ka dhaceen Dgaalo u dhaxeeya laba Beelood oo halkaa wada dega waxaana Dagaalkaas la sheegey in ay ku dhinteen 13 Qof oo Dhinacyadii Dagaalamey , waxaana Dhaawacyo gaaraya 30 la gaarsiiyey Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel, waxaana isa soo taraya baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo Dhinacyadaas
· Wararka haatan naga soo gaaraya Magaaladda Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegeya in Kolanyo ka tirsan Ciidamada Amisom gaar haan kuwa jabuuti Qarax Miino lagula eegtey Bartamha Magaalada Buulo Burde , waxaana Qaraxaasi la sheegey in uu ka dhashey Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac iyadoo wararkii ug Dambeeyey ay sheegayaan in Isgaarsiintii Magaalada Buula Burde ay Hawada ka maqan tahay
- SomaliTalk Muqdisho June 11, 2014
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Sheekh Maxamed Idriis Axmed oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee baaca dheer ku leh dacwada gaar ahaan isaga goosha qaaradaha dunida isaga oo xambaarsan farriintii Rasuulkeenu صلى الله عليه وسلم inooga keenay xagga Rabbigeen ayaa faafiyey qoraal uu ku caddaynayo in aanu ahayn Sh. Maxamed Idriis-ka lugu dilay Mombasa.
Subaxnimadii Sheekha Mombasa lugu dilay ilaa shalay waxaan ku jirey ma aha Sheekh Maxamedkeenii ama maaha Sheekhii aad taqaaneen, isagii maaha, waa Sheekh kale oo sawaaxili ah iwm. Marna iguma soo dhicin in aan jawaabtaas hal mar qoro. Kolka saaka ayaan arkay qoraalka Sheekhu faafiyey isla subaxdiiba. Waxaan la cajabay sida loo waafajiyey, haddana waxaan xusuustay inuu Sheekhu ahaa saxafi islaami ah oo khibrad dheer u leh iclaamka, dacwo ahaana aad ugaga faa’iideeya.
Sheekh Maxamed Idriiska xaqdarada lugu dilay Alle ha u naxariisto, Sheekh Maxamed Idriiska inoo noolna Alle ha inoo xafido meel kasta iyo goor walba.
Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
Warsaxaafadeed DFS:
Mogadishu, 12 June 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta ka hadlay horumarka laga sameeyey nidaamka Dastuurka dib u eegis loogu sameynayo oo Wasaaradda Garsoorka & Dastuurku ay hormuud ka tahay, isla makraana si hab furfuran, hufan oo isla xisaabtan leh u dhici doonto dib u eegista dastuurka, oo qeyb ka ah tiigsiga 2016ka.
29kii May ayey Golaha Wasiiradu ansixiyeen Guddiga Madaxbannaan ee Dib u eegista Dastuurka, oo ka kooban 5 qofood oo sumcad weyn ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed. Barlamaanka ayaa dhowaan ka doodi doona guddigan si ay u ansixiyaan.
Wasiirka Garsoorka & Dastuurka, Mudane Farah Abdulkadir oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Bacdamaa sanadka 2014 uu ahay sanadkii waxqabadka, Dowladdu waxey wadaa qorshihii guddiga madaxabannaan ee Dastuurka ay ku howlgali lahaayeen si ay u guda galaan howlahooda muhiimka ah. Qorshahan ayaa waxaa ka mid ah sidii guddiga loogu heli lahaa xafiis, inay helaan dhammaaan dokumentiyadii hore oo dhan ee ka saacidaya howshooda, shirar ay la yeeshaan golaha wasiirada iyo baarlamaanka oo la filayo usbuuca labaad ee July, ka dibna ay xiriir la sameeyaan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee dalka oo ay macluumaad iyo talo ka helaan, ka dibna waxey la tashiyo la sameyn doonaan maamulada dalka ka jira oo tallooyinkooda muhiim yihiin, ka dibna qorshahaas golaha wasiirada ayaa ansixin doona, loona gudbin doono Baarlamaan ka hor inta aan la xirin 20ka July. Qorshahan ayaa ka dib waxaa lala wadaagi doonaa shacabka oo Guddiga Madaxabannaan si rasmi ah loo caleemo saari doono.”
Wasiirka Garsoorka oo ka hadlayey ujeedka qorshahan ayaa yiri “Ujeedada qorshahan ayaa ah in si haf furfuran, hufan oo isla xisaabtan ah loo fuliyo barnaamijka si shacabka loola wadaago qorshaha isla markaana loo abuuro marxalad kalsooni lagu qabi karo sharciyada Dib u eegista Dastuurka, aragtiyada kala duwan oo laga faa’iideysto, isla markaana xiriirka iyo wadashaqeyntu u noqoto mid heer sare ah. Dowladda Federaalka waxey kaloo qorsheyneysaa in barnaamijkan lagala tashan doono beesha caalamka si loo dhiso marxalad wadashaqyn buuxda ay ku dhalato.
Wasiirka Garsoorka ayaa hadalkiisa ku daray “Bisha August ayaa la qorsheynayaa sidii loo kordhin lahaa tayada iyo waxqabadka oo loo sameyn lahaa wadatashiga dadweynaha si dadka ay u noqdaan kuwa fahamsan oo heysta macluumaad ku filan. Dib u eegista Dastuurka waa mid u baahan in dhammaan dadka deegaanada laga wadda qeybgaliyo si ay uga hadlaan muhiimadda iyo caqabadaha jira. Si dadka oo dhan looga qeybgaliyo qorshahana waxaa muhiim ah in barnaamij baaxad leh loo diyaariyo si dhammaan dadka oo dhan loo dhageysto fikirkooda, taladooda iyo fariimahooda.” Wasiirka Garsoorka ayaa sidaa yiri.
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey muhiimadda qorshahan ayaa yiri “Dowladdu waxey aaminsantahay in Qorshaha Dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaamineyso, si ay u lahaato qorshaha, oo muhiim u ah sharciyadda iyo guulaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in la hirgeliyo Tiigsiga 2016, oo ay ka mid yihiin Dib u eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta Dimoqraadiyeynta dalka, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Dib u eegista Dastuurka waa aasaaska Tiigsiga 2016. Marka la dhameystiro Dib eegista Dastuurka, waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (referendum). Ka hor codeynta waxaa jiri doono barnaamijyo is-xig-xiga oo ay ka mid yihiin wacyigelin, la tashiyo shacabka lala sameynayo, waxbarasho, doodo iyo is faham keeni kara in shacabku ay fahmaan Dastuurkooda.
Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Dowladda Federaalku wey ka go’antahay in nidaamkan uu noqdo mid furfuran, hufan oo si isla xisaabtan ah loo fulinayo. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Soomaalidu ay ka qeyb-qaataan qorshahan muhiimka ah, si qorshahu u noqdo mid shacabku iska leeyahay oo guuleysta. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan in la taageero qorshahan dib u eegista Dastuurka oo muhiim weyn noo leh, naguna horseedaya inaan dalka ka qabano doorsahooyin sanadka 2016.”
DHAMMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Mogadishu, Somalia
…………
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo dib ugu soo laabtay dalka
Mogadishu, June 12, 2014—– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galay shirweynaha 26-AAD ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xubno ka tirsan labada golle ee dawladda.
Ra’iisul Wasaaraha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkii IGAD iyo go’aanadii kasoo baxay kulankii looga hadlayey xallinta iyo heshiisiinta mucaaradka iyo dawladda Suudaanta Koonfureed, isagoo xusay in arrintaasi meel wanaagsan la gaarsiiiyey isla markaana masuuliyiinta IGAD ugu hambalyeeyanayaan heshiiska ay gaareen.
“Waxaan magaalada Addis Ababa uga qeyb galnay shir aan caadi ahayn oo isugu yimaadeen madaxda Urur gobolleedka IGAD, waxaana looga hadlay saddex arrimood oo khuseeya koonfurta Suudaan kuwaas oo kala ah joojinta colaada, gaarsiinta gurmad deg deg ah dadkii colaaduhu saameeyeen iyo sidii loo sii wadi lahaa dib-u-heshiisiin dhinacyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo dhinaca kale tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyada Koonfurta Sudan in uu yahay tusaalooyin xal looga gaarayo mushkiladaha inta badan kusoo noq-noqda qaarada Afrika.
Dhanka kale RW Cabdiwali ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa uu wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalka Ethiopia Hailemariam Dessalegn iyo madax kale ayna ka wada hadleen arrimo quseeya labada dal sida iskaashiga ammaanka, la dagaallanka argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim ah. “Dalka Ethiopia waxaan kula kulanay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo qaar kamid ah Golahiisa wasiirada, waxaan ka wada hadalnay arrimaha dalka iyo tan gobolka, sida Koonfurta Suudaan waxa ka socda, horumarka xagga amniga ee Soomaaliya ku talaabsatay, maadaama uu yahay guddoonka IGAD, Dawladda Ethiopia waxaan leenahay iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Ethiopia sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
Masuuliyiinta dalalka gobolka ayaa si weyn u taageeray heshiis ay magaalada Addis Ababa ku gaareen madaxda Koonfurta Sudan oo bilihii u danbeeyay ay ka soconayeen dhibaatooyin ka dhashay khilaaf siyaasadeed.
—-DHAMAAD—
Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so