Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

Xaasilkii Dawlad nimada Puntland Ee 15 jirsatey | W.Q.Cabdulaahi Ciise Yuusuf

$
0
0

Ka qeybgalkeygii kulanka Garowe, Karkaar & Haylaand 31/12/2011

Shirkii Garowe 2aad, ee leysguku keenay odey-dhaqmedyada 2gobol, waxaa ka horeyey 3 shir, oo odayo dhaqmedyada 6gobol laga qeybgeliyey shirarka soo socda:
1) Garoowe1aad “Nugaal iyo Sool”
2) Galkacyo “Mudug & ceyn
3) Bosaaso “ Bari & Sanaaag”

Hawlwadeennada dawlada P/Land, waxay ka soo xuleen 8 gobol, odayo dhaqmeedyo laga qeybgeliyey hadalheynta “tiirka demoqradiyada iyo halkudhegyo, lagu dabamaryeeyey ka hadal
Dastuur, kaney ku tahay qodob ka mid ah. Xukuumada P/Land, waxey ka soo siideyn jirtey warbahinta xayeesiin ah; in shirarka looga doodayo ka baraandegida dastuurka, oo ah xafrin geed loogu soo gabanin. Shirkasta, ee ka mid ah 4 shir, odayasha waqtiga loo xadidey waa 45 daqiiqo, in ay kaga qeybgalan maaweelada “tiirka demoqradiyada”,ay ka dhega xiranyihin. Odayasha 8 gobol, ee laga qeybgeliyey 4 shir,waqtiga loo xadidey waa 3saac.

Shirka waxaa furey wasiirka Cabdi Xasan Jimcaale “ xaasha lillahi,” oo ahaa wasiirka dastuurka,ahaan guddomiyaha “ guddiga hogaaminta tiirka demoqradiyada “ee lagu lifaaqey halkudhegyo, ka fog qodob ka mid ah dastuurka la baal marey, ee jirsadey 11sano markaa. Waxaa hadalkii qaatey Burhan Muuse Boqor, oo ka mid ahaa “guddiga hogaminta tiirka demoqradiyada. Waxaa ku xigey cilmi bare DRC, Xasan Adan Maxamed, oo kormeerey u- jeeddada “Tiirka,” oo aad moodo madaxda “hogaminta tiirka, seey ugu tun tuunsadeen, In uu yahey ul sixir ah, oo looga talaabsan- karo dastuurka laalan, ee aan dhameystirneen. Hawlwadennada P/Land, waxey soo xuleen odayo looga danlaha keliya, in ay goob joog ka noqdaan maweelada “Tiirka” iyo filim loogu muujinayey ka qeybgalayashii shirarkii ka horeeyey. Hawlwadeennada, iyagoo fulinaya habraaca xulka odayasha, ayeey 2 ka mid ah 13 odayada beesha, guuro ku keenen Garowe. Taasi, wexey ku tusi xukumadda P/Land, in ayan tixgelineynin midnimada gurtida beelaha iyo in ay doortaan kan wakilka ka noqonaya. Odayasha laga qebgeliyey shirka, midba si buu u cabirey ka qebgalkiisa:
1) Mid maadeeyey, wuxuu yiri: marwada ka tirsan dawlada, waa i cajabisey khudbadeedii, haddey ahaan laheed carmal, waa gursan lahaa. Marka qosol loogu bogaadiyey, kursigiisii buu dib ugu dhacadiidsadey.
2) Mid baa jiley bawsad diineed.
3) Mid kale wuxuu iskugu bogaadiyey tarikh nololedkiisa
4) Mid kalana wuxuu yiri: askari baan ka ahaa 12dawlad, 6ka mid ah waa P/Land: 1) Cabdullahi Yuusuf. 2) Jamac Cali Jamac. 3) Cabdullahi Yuusuf. 4) Maxamed Cabdi Xaashi. 5) Maxamud Muuse cade. 6) Cabdirahman Sheekh Maxamed.
Hawlwadeennada, oo ku adeganayey odayasha qaarkood, wexey iskugu keeneen 480, la yiri wakiillada beelaha P/Land Garoowe, oo ku ansexiyey dasturka qabyada ah, baa bacada taaga, abalgudna loo siiyey USD600 midkiba. Dasturka wuxuu ku soo baxey 3 nuqul: midka 1-aad, uu mudane Cabdiraxmaan keligii ku duugey qalinka, in loogu dhaqmo si ku meelgaar ah. Kan 2-aad,ay wadasaxiixeen Md. Cabdiraxmaan iyo Md Cabdirashid. Magaranin wexey ku kala duwanyihin marba hadduu dasturka qabyatirneen, ay hirgilintesuna laa’lantahay. Midka 3-aad ay wada saxiixayn labadooda iyo Md Xasha-Lilahi,waxaa lugu soo biriyey qodobka141, afti kooban. F.g. tasarufka isbedalka saxixiyasha wexey qeymi tiri dasturka.

Aan isla eegno dastuurka, dib u dhigid iyo dhameystir la’aanta ku laalan, Inkasta, oo la yirahdo ku meel gaar baa loogu dhaqmikaraa, hadalheyntisa, ficilna uusan jirin. Dhameystir la’anta dastuurka iyo ku ansixid la’anta afti dadweyne, waa sababta ka yeeshey xukumadaha P/Land fadhiid dib jir ah kuna amar ku tagleeyeen keligiis taliyashii, sharciga iska sareeysiiyey, ee ku adeegtey odayasha doorsoomey, ee duudsiiyey dadweynaha, wacyiga leheen, ee tiiha ku jiro. Haddaan korjogsado maraaxisha uu soo marey dastuurka, ay cududeen keligiis taliyashii ku amarkutagleyey P/Land.Waxaa la’ansixiyey;
1) Cahdiga P/Land, ee lagu dhaqmin 1/8/1998.
2) Waxaa loo xilsarey ka baaraandegida dastuurka “Garowe constitutional committee”1-15/8/1998.
3) 2 june 2001 golihii wakilada P/Land,ayaa ansixiyey dastuur ku talagalka hirgelintiisa la filayey 2004.
4) Feb.2007, dawlada P/Land, waxeey uu magacawdey dib u eegista dastuurka 14 xubnood “ constitional review committee”
5) Feb.2008, waxaa loo bandhigey korfeynta dastuurka, oo laga qeybgeliyey ururro ka mid ah bulshada iyo shakhsiyad loo xushey aqoontooda, waa sida la leeyehee.
6) Golaha wakillada P/Land, ee xukumada Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, waxey ansixisey dastuur ku talagalka hergelintisa aheyd 2010.
2 gole, ee wakilladdooda ansexiyen isla dastuurka, waqtika u dhexeya waa 2009-2001=8 sano. Haddad ku biiriso ansaxinta aftida kooban, dastuurka lagu durduriyey dhaqangelintiisa, fari kama qodna. Ceelna uma qodna, cidina uma maqna badbaadintisa,. Meel aan iskadhigno dastuurka laalan iyo kooxda ku halmashey ku dhaqan la’aantiisa, dib aan u eegno qodoba ka mid ah dastuurkakan, lagu nagaadiyey, in uu qabya tirmin;
1) Qodobka 5aad, ee ku sabsan aqoonsiga degaanka, faqrada 2aad: xeer gaar ah ayaa qeexi doona.
2) Qodobka 6aad: tirakoob, faqrada 2aad: xeer u gaarah ayaa tilmaami doona.
3) Qodobka 16aad. Xoriyada dhaqdhaqaqa, faqrada 2aad: sharci iyo xeer hoosadyo u gaar ah, ayaa cadeynaya. Ma jiraan xeer hosadka iyo sharciga la cuskadey?
4) Qodobka 14aad. xuriyada fikirka, waxeey ku dabrantahay qodobka 22: xaqa saxaafada, faqradiisa 2aad. xeer ayaa xadidaya xoriyada saxaafada. 6) Qodobka 25aad. Xaqa dacwadda iyo isdifaaca, faqrada 4aad xeer gaar ah ayaa nidaminaya.
5) Qodobka 23aad. Waxbarashada aqris/qoris la’aanta, hormarinta af soomaliga iyo carabiga, dhiirigelinta iyo tayeynta waxbarashada diineed, ee dugsiyada quranka waxaa lagu dabrey faqrada 12: xeer gaar ah ayaa nidaminaya waxbarashada gaarka ah.
6) Qodobka33 caafimadka, si loo fuliyo waajibadka caafimadka ka saran xukumada, waxaa lugu dabrey faqrada 3aad: waxaa nidaminaya xeer gaar ah.
7) Qodobka 34: agoomaha,curyaamada, garaad dhimanka, dadka gaboobey iyo qofkasta oo aan isdaryelikarin, faqrada 3aad xeer gaar ah ayaa qeexaya dadka loo aqoonsanayo, in aaney isdaryeeli Karin
8) Qodobka 37aad, xuquqda shaqaalaha, faqrada 9aad dhismaha, doorka iyo waajibadka ururrada shaqalaha waxaa lagu qeexi donaa xeer gaar ah
9) Qodobka 55, illaalinta deegaanka. Faqrada 7aad xeer gaar ah ayaa nidaamin doona ilaalinta deegaanka. F.g P/Land ma jiro dhul ay leedahay “ municipal” iyo dhul ay leedahay dawlada” “demanio,” beelaha ayaa toleeyey dhulkii, kaney kutahay kuwey dawlada lahan jirtey, sida biyo kulule “Bosaaso, xeradii daraawishta Galkacyo.
10) Qodobka85 wakaaladaha gaarka ah, faqrada 2aad, wakaaladaha gaarka ah, wexey yeelanayaan xeer gaar ah, oo laga ansixinayo golaha wakiilada.
11) Qodobka 106aad. Xaafiska hanti dhowrka guud, faqrada 6aad: qaab dhismeedka iyo habraacyada xaafiska hanti dhawrka guud, sharci gaar ah ayaa qeexaya.
12) Qodobka 109aad Bangiga dhexe, faqrada 3aad. Qaab dhismeedka iyo nidaamkuu ku hawlgalayo bangiga dhexe, waxaa qeexaya xeer gaar ah.
F.G hadduusan jirin bangi,hadduusan jirin hantidhawr iyo xisaabiye guud, lacagta ka soo xaroota marsada Boosaaso iyo canshuuraha furaha khasnada, nindoorka heysta ma cidbaa lawadagta, gacanta, in loo horsada moyee?. F.G waa dhaqan soo jireen ahaa 23sano.
13) Qodobka 120. baahinta maamulka qobollada iyo degmooyinka, faqrada 5aad: kala xadeynta canshuureed, ee dowlada, gobollada iyo degmooyinka, waxaa lagu qeexaya xeer gaar ah.
F.g dib u dhigida baahinta mamulka, waxaa sabab u noqdey nindoorka ku kaliyeystey canshuuraha.
14) qodobka141aad faqrada 1aad: dastuurkani wuxuu si rasmi ah, u dhaqangelayaa, marka lagu ogolaado afti dadweyne. Lifaaqa 1aad tirsigiisa 6aad. hadii dastuurka lagu diido afti dadweyne, waxaa lagu sii dhaqmayaa, si ku meelgaar ah dastuurka la diidey, inta laga damestirayo dastuur kale, oo afti dadweyne lagu oggolanayo.
15) Qodobka 79aad muddada xilheynta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeynka, waa 4sano, laga bilaabo malinta natiijada doorashada lagu dhawaqo. F.G Cabdiraxmaan Sheekh 4sano in uu ku heynayo xilka, ayuu kula wareegey. Asagoo dhexda kaga jira 4sano, ayuu ku kordhistey sanad. Waxaa habbooneed, in uu la tashto aqonyahannada qawaniinta, suu u ogaado dejinta habraca qawaniinta, in ay leedahay shuruudo, ka mid ah:1) General 2) abstract 3)radioactive, oo ah sharci la dejiyo, in loogu tala galo mustaqbalka,iyadoo dhexda looga jiro xilheynta, sharci aad dejiso dib u celin kuma hirgelayo “radioactive”. Micneheedu waxaa weeye, go’aan aad ku kordhisato sanad, adoo dhexda kaga jira, xilka 4sano laguugo dhiibey, sharci ma noqanayo. Waa haddii la xushmeynayo dhaqanka dawladaha demoqradiga ee u hogansama sharciga, ee ka duwan kuwa keligiis taliyasha ah, oo sharciga gacanta ku qata “jungle law”
16) Qodobka 9aad culimada diinta, faqrada 4: waxaa reeban xeer iyo dhaqankasta, oo ka hor imanaya diinta islamka.
17) Qodobka 111. guddiga culimada diinta, faqrada 2aad guddiga culimada, oo kala taliya dawlada arrinkasta, oo sharicada islamka ah, gaar ahaan marka looga baahdo iswaafajinta sharecada iyo xeerka P/Land. F.G qodobka 9aad faqradisa 4aad iyo qodobka 111aad, faqradisa 2 aad waa iska horimanayaan.
Fg magaranin xeerka P/Land, wuxuu kaga duwayanyahay xeerarka somalida?. Magarowsanin xeerka P/Land, ee lagu dereriyey, ee la wafajinayo shareecada islamka. Waxey ii la tahey qof ama koox ku qanacsaneen shareecada islamka, in ay ku kordhiyeen xeerka dabraya sharecada. Isla qodobkakan wuxuu shegayaa magacabida guddiga culimada, oo tira ahaana ka kooban 9 xubnood.
F.g xafiiska culimada diinta, iyagaa isku xushmeya ciddii ay u doranayaan tira ahaan, aqoonna ay bidayan. Gudoonka xafiiskoda, waa ninka ay u aqonsadaan, in uu mudan yahay xilkaa diined. Saa awgeed guddomiyahooda, tiradooda wexey ku salesantahay takhasuskooda sharecada islamka. Talada ay dhibanayan waa talo shareeco, aan barxaneen.
Dib jirnimada iyo faddidka ay ku yuurursatey xukumadaha P/Land, waxaa loo aaneeyaa ciddii isa siisey masuuliyada 15sano, siiba 3madaxweyne, oo daalacaan dashey, ee iskaga mid ahaa:1) amar ku’tagleyn awood kaligis taliye 2) xalufinta keytka kalunka, marba haddii laga siinayey saami. 3) askareynta & hubeyn mid kasta beshiisa. 4) ku kaliyeesi tasarufka lacagta, ka soo gasha marsada Bossaso iwm. 5) 3da magaalo, oo saldhiga u ahaa iyo marsada Bossaso, isha dhaqaale P/Land, ay wadagi jireen, ayaa lagu hormarinjirey mashariqda iyo deqda laga hello hey’adaha & besha calamka. 4 ka mid ah 8qobol P/Land, waa gaariwaa:1) Sool 2) Ceyn 3) Heylaand 4) Sanaag.
Degmoyinka dacalada, ee ku teedsan xeebaha badda hindia iyo bada cas, laga billabo garacad ilaa laasqorey, deeqo mareykanka iyo hey’ado ugu talagaleen, in wax loogu qabto, waxey ku hagan jiren Baargal. Marna lama garsin jirin deqahaa: Qow,Ceelayo iyo Laasqorey. Magaaloyinkan, oo ka tirsanaa Qariwaa, dacalladana ka mid ah, laba hungo’ ayaa iskugu darsamey.
3 madaxweyne falalka ay ku kala duwaynihin waxaa ka mid ah:
1) Cabdullahi Yusuf, wuxuu aaminsanaa saanad, in uu ku hanto hogaanka qobollada P/Land iyo in uu kursiga u noqdo, mid uu uga gudbo mid heer qaran ah. Markii loo doortey madaxweynaha jamhuuriyada, wuxuu ka soo wareejiyey Waxara Cade, guuto dhufeys uga jirtey, tiradeeduna aheyd 500, oo askari, suu ugu xoojiyo ciidanka ilalinayey. Cabdullahi, asagoo ka abaabulayey Galkacayo, militia uu uga rogaal celiyey Growe, wuxuu soo saarey bayaan, uu saxiixey gudomiyihii parliament Yuusuf Siciid 17th July, uu ku leeyahay, muddada xilka, hadey iiga dhamaato, ma weynayo wakiilo ka tirsan belihii leyskugu keeney, shirkii leygu dortey, ee cusbeya xilka madaxweyne
2) Maxamud Muuse Xirsi Boqor, wuxuu ku soo labtey Somaliya, assagoo ku dhawaaqaya , in uu gaashaanka uga dhigayo xigtadiisa weerarka Cabdullahi Yuusuf. Ka dib dagaalkii dhexmarey labada hogaamiye, waxaa lagu heshiiyey qeybsi awoodda saldanada, ee ah sadbursi beeleed, eexna laga galey beelaha kale. Cade markii loo dortey madaxweynaha P/Land, dheef buu ka raadiyey macadintii Mijiyahan, uu dhiigna gacanta la galey iyo, in uu isku shuqliyey petroleum shaqsi ahaan, uu markii dambe kula shirkey Cadirahman Sheekh ceel laga qodey dharoor. Tasarufkisa misaaniyada, oo loo meeldayin, ay isla qabeen jaalkiisi, wuxuu ka yiri, taliyaha amniga, ay cid iskuugu xigeen: ciidankeyga, oo u xilsaaran soo xareynta canshuurta, lama siiyo mushaarkooda. Kolka Cade xilka uu ku wareejinayey Cabdiraxmaan, wuxuu ku yiri: waa eega kala daadatey P/Land. Waa markuu Cade gacanta ka labtey gaashan, in uu uga digo weerarada S/land, qobolada Sool,Ceyn,Sanaag iyo Haaylaand.
3) Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud, wuxuu ka bilaabey raadin mansab P/Land, mar uu ugu tegey Cabdullahi Yussuf Galkaciyo, assgoo ababulayeye militia, uu urugaal celinayey Garowe, suu u soo dhacsado geela horweynka ah, u ku raacda joogey. Halkaa waxaa laga dareemi karaa Cabdiraxmaan, in uu yahay nin colaaded, aan la dhayalsankarin. Waxaa ka mid ah ku tagarfalka awoodisa:
1. Masaafiris muruqmaal
2. Earata raxweyn ah
3. Galgala
4. Tuka Raq
5. Danadka uu kordistey
6. Taleex.

MASAAFIRIS
Cabdiraxmaan Sheekh, wuxuu soo kordhiyey masaafiris 1000 xoogsato, ee iskugu jirey muruqmal Reer Shabelle iyo warato Raxweyn oo laga saarey P/Land. Gebagebeen ku soo lalaabatey ganacsata raxweyn, ee lagu dhibateyey Garowe, siiba Bossaso,oo lagu afduubijirey waratadaa, iyadoo badecadoodi warantahay suqyada.Waa jawrfal & dhac logu gaboodfaley muwadhinin Somali ah. Waxaa lagu dhibateeyaa ilaa maantadatan Somalida konfureed, ee iskaga goosha P/Land iyo konfur jidgoyeda garowe.

CABDIRAXMAAN & GALGALA
Cabdiraxmaan wuxuu la shirey odeya dhaqmeedka Heyland 12/1/2010, seey uga heshiyan wexey ka tabanayan xukumaddisa, ee ka kooban 6qodob, wuxuuse kadalbey, in ay u kuur galaan, warbixina ka keenan, waxey isku hayaan odaga Galgala Xussein Gurxan iyo Maxamed Saciid “Aatam”, ee markaa lagu tuhmayey Alshabaab. Odiyaashii waxey shir ugu qabteen Galgala odey Xussein iyo laba inan, oo ay ismandhaafeen, mid uu adeer u ahaa iyo mid uu awoow u ahaa. Cuqaashii wey heshiisiiyeen, gacamaha wey isu saaren 2da dinac. Kolkeey ku soo labteen Garowe, wexey ku yiraahdeen Cabdiraxmaan: naga guddoon Atam, oo sita khamis iyo macawiis, halkaad ku meleysataba. Wuxuu ugu warceliyey odayashii, asagoon jawab ka siinin arrintuu u xilsaarey, iiga warsuga, waxaan ukicitimi Addis Abbaba. Ku soo laabashadiisi Garowe, jawaabta Cabdiraxmaan wexey noqatey, in Aatam uu ku jiro tixda aragagixistada mareykanka, ee aan laga guddoomikarin. Cabdiraxmaan wuxuu faraha ka bixiyey, nin lagu tuhmey Alshabaab oo u soo qordhiibtey odayashisii. Sida aan ognahayna ay jiraan saraakiil sare Alshabaab, oo dawlada isu soo dibey ama kuwa la mid ah, oo u soo joogsadey nabad, oo mareykanku dib ugu celiyey Afghanistan, Yemen iwm. Xaliga Cabdiraxmaan uu doorbidey, wuxuu noqdey, dagaal aan dib loo dhigikarin. Waa aragtidisee. Taas, oo sababtey, in Aatam looga soo gurmado Bari, Nugaal,Konfur,iyo Woqoyi/galbeed. Cuqaashii, uu mardabeyey, waxey ku tuntunsadeen, in la soo dedejiyo heshiis laga garo 6dii qodob. Markale Cabdiraxmaan, oo u socdaaley Istanbul, wuxuu ku bireyey 5 wasiir odayashii, si qoraal ay isula mel digan. Ka soo labadashadisiI Istanbul, odayashina ku labteen guriyahoodii, wuxuu ka codsadey xilahayashisii la shaqeynayey in ay ka garsiiyan balankii ku sabsanaa 6dii qodob, in uu uga baxey odayasha. Waxaa xigey xalad deg/deg dagal, ee laga ansexiyey barlamanka iyo cidammo iyo jidgoyoyin la dhigey Laak, Kalabeer ilaa Aaga Ceel dahir. Si halhaleel ah, ayeey cuqashii belaha Heylanda & Sanaag, shir ugu faristeen Daxar&Baran.

Go’aankey ku gaareen wuxuu ahaa, in ay gacanta ka soo qabanayaan dhalintooda, gaashankana iskaga digayaan aafada dagaalka, oo ku soo fol leh. Cuqaashii, kolkey kula kulmeen Boossaaso wasiiro u xilsaaran hawlgalka dagaalka, wexey u sheegen, in ay iskaga filanyihin gaashan u dhigidda kuwa iskugu habar wacdey deegaan eyan u dalanin. Waxaan loogu jawabey beri, oo ay tarikhduu tahay 4/8/2010, in lagu wargelin doono. Beridii waxaa haatif loogu shegey, in hawlgalka dafaalka, uu yahey go’aanka xukumada. 8/8/2010 dagalkii baa bilawdey. Sidey wax u dheceen wa laga wada warheyaa. Waxana laga barakiciyey Galgala 600 qoys, oo ahaa beraleyda ugu soo saarka badnaa geed mirodka & khudarta P/Land.
Qoxootigii wexey u barakeceen Boossaso, Ceel-Daahir, Dhahar iwm. Ilaa maantadatan, lagama hayo xukumada P/Land gargaar iyo daryeel midna, deeq Eebe mooyee. Raxan daanyeer ah ayaa ku habsadey geed miroodkii, nabad ku soo celin galgala iyo dib u dejin barakacayashii lama hadal hayo, cidina uma maqna celna uma qodna raxmad Eebe moyaan:

TUKA RAQ

Degalkii Tuka Raq wuxuu daaha ka qaadey, cidammda P/Land iyo S/L, ee isku horfadhiya jeediinta u dexeysa Growe & Lascaanod, in ay gacan saar ka leeyihiin gashan iskaga dhigidda militiada Khaatumo. Kolkey malitiada ka kicisey ciidankii P/Land Tuka Raq, ayaa cidankii S/L, ee uga yimid gurmad, ka kiciyey malitiadii Tuka Raq, haatifna kula xeriirey sarkaal sare P/Land, seey ugu soo labtaan saldigoodi. Sidey arinta u dhacdey, waxaa iigaga, sheekeyey inan la kulmey dagalkii. Wuxuu ii shegey, in uu soo marey dariiqa, mar firimbi loogu dhuftey ciidankii P/Land, seey ugu laabtaan xaruntoodi loo xureeyey.

Haddey xilhayashii xukummadihii P/Land, dayaceen qobollada Sool, Ceyn, Heyland iyo Sanaag, dastuurka fedaraligana u oggolanayo, in 2 gobol iyo ka badan laga yagleerikaro dawlad goboleed, ma cidbey wax u dhimeen beelaha iskugu yimid ka wadatashigoda ismamul qoboleedka? Maka muteysteen Cabdiraxmaan Sheekh iyo Cabdisamad Cali Shire, magaca P/Land, hoalac dhab ah, in ay ku barakeciyaan guurtidii, wax garadkii iyo dadweynihii iskugu yimi aaya ka talintooda? Saanad leeysu adegsado beeluhu ma iso dhoweynkaraan mase wa ku kala foganayaan? Isimada, wax garadka, iyo siyaasinta P/Land, miyuusan jirin qof qura, oo si xaq ah barerihiisa uga dhiibto dhacdadii taleex 29/11/2013.
Magarwaaqsanin mowqifka xilhayeeyashii xukamadihii P/Land, oo ku keliyeysteen tasarufka awooda saldanada 15sano, odeya daqmedka hayeshalaha ah iyo wakiilada 480ka, ay u soo xuleen in ay wadajir u ansexiyan destuur laa’lan, ee an dhameystirneen. Miyeyan qarjajac aheen falalkana, oo kale. Waxaa la sheegaa yagleelidii dawlada P/Land 1/8/1998, lacagta marsada Boosaaso looga qoondeeyey Kismaayo, in loo qeybiyey guurtida saldhiga u aheyd shirkii!!!

SHIRKII CARTA
Shirkii Carta ay guldarrada ka soo raacdey P/Land iyo S/L, saami u qeybintii xildhibannada, ayaa isimo ka mid ah P/Land, afkoodi laga saariweye Carta Carta. Taas oo ugu jiibiyeen dadweynihii soo dhaweynayey Carta Carta, sida iyadoo guuldarradii isu rogtey guul. Waa arrin xalxiraala ku ah Isimada iyada iyo dhacdooyinka ay ka mid yihiin: Masaafiris, Galgala, Tuka Raq,Taleex iwm

GARSOORKA PUNTLAND

Garsoorka, ee kaga jira kaalinta seddexaad ka dib: 1) golaha sharci dejinta 2) golaha fulinta 3) golaha garsoorka. Aan isla eegno qodoba ka mid ah destuurka P/Land.
1) Qodobka 88aad. Guddiga sare, ee mamulka garsoorka, faqrada 4aad : guddiga sare, ee mamulka waxaa hawlahiisa nidaminaya sharci gaar ah.
2) Qodobka95. Maxkamadda darajada 1aad, faqrada 2aad: tirada garsoryasha maxkamada drajada1aad, waxaa qeexaya xeerka nidamka garsoorka.
3) Qodobka 96. Maxkamada ciidanka. Faqrada 2aad: maxkamada ciidanka iyo xeer ilaaliyashooda waxaa nidamineya xeer gaar ah
4) Qodobka98. Awoodaha iyo xilka maxkamada destuurka, faqrada 6aad xeer gaar ah ayaa qeexaya, sida maxkamada destuurka ay u gudaneyso xilkaas.
5) Qodobka 106aad. Hanti dawrka guud. faqrada 6aad: qab dismedka iyo habraacyada xafiiska hantidawrka guud, sharci gaar ah ayaa qeexaya.

F.G 5ta qodob, ee saldhig u noqon lahaa garsoorka P/Land, waa laalanyihin, sida qodobyo ka mid ah destuurka, aan dhamestirneen u laa’lanyahey. Taasi waxey daaha ka rogi xukumooyinka P/Land, in ay u aabayeeleynin ku dhaqan sharci!!! Tusaale, haddaan u soo qaato nin oday ah, Eebe jana iyo raxma haa siiyee, isjiid “rimorchio” looga bililiqeystey Xamar, cagadhigadkisi Galkaciyo, ayaa qof isla deganka ay ahayaayeen kadacey isjidkii, kana kireystey marsda Boosaso. Mid ka mid aha kuwii dhaxalka lahaa, ayaa ku ashtakeeyey maxkamada, asagoo shahaadoyinkii lihida hordhigey maxkamada. Maxkamaddii markey waxba u qabanweysey dacwadiisii, mulkilihii farahuu ka labtey daba socodka maxkamada lugooyada ah. Garyaqaan waaya arag ah, oo u caqli celiyey mulkilihii, wuxuu ku yiri: ka yeel, in laguu xukumo yaa kuu fulinaya?!!!

Xaga kale haddaan wax iska tusno, qawaaniinta la leeyahay waa looga dhaqmaa garsoorka P/Land. Waxaa kamid ah “il codice penale somalo,” oo uu habeyey prof. Renato Angeloni, ahaana lataliyihii qawaninta maamulkii talyaani “Afis.” Ka dibna noqdey lataliyihii qawaaniinta dawladda Soomaaliyeed. Prof. Angeloni wuxuu ka mid ahaa garsoorayaasha maxkamada sare (corte suprema), gacan saarna ku lahaa kala talinta dawlada iyo habenta qawaninta.
Wuxuu ka yiri mawqifkisa, bare sare Petiol,oo ku xeeldheraa qawaaniinta ciqabta “Penale”, in Prof. Angeloni goobta soo joojiyey “il codice penale somalo”, che deriva sostensialment codce penale italiano. Macnaheeduna yahay, kan loo dejiyey Soomaalida, in laga soo minguuriyey lud & lafba kan tal yaaniga,ee la dejiyey waqtigii Musaliini 1932. waxaa kale uu leyahay Prof. petiol, in Prof. Angeloni gacan ku siiyey Jamhuriyada Somaliya, in ay yeelato hab qaannun casri ah, oo uu filaayey Jamhuriyadu, in ay ku daqanto sharci ( stato di diritto). Qaanuunka ciqabta S/L wuxuu ka soo jeedaa ( the Indian penale code of 1860).
F.G maxaa nagu xirey qaanuunka ciqaabta, ee la dejiyey waqtigii keligis taliyihii ( nazi fasciste Banito Musalinn 1932), oo talyanigaba marhore bedelay.


Biibto: Madaale Howlkar ah oo aan ku Guuleysan Abaalmarin Caalami ah

$
0
0

Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto): Mucjisada Saxaafadda

In ka badan Muddo 24 Sanno ayaa aad u aqaaney Xabiibo Axmed Jimcaale oo ku Magac Dheer Biibto , waxaana dhawaan kula kulmey Munaasabad ka dhacaysey Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho ka dib markii aan Xoogaa ismoogeyn, hase yeeshee mudadaas dheer ee aan is naqaaney Biibto waxaa inta badan aan  ku kulmi jirey Goobaha Saxafada ee ay wararka ka sameeyaan. Waxay ahayd Haweeney aad u Firfircoon oo marka la yiraahdo Howlaha Saxaafadda , waxaana muddo badan  aan isla qaadaney Tababaro Dhinaca Saxafadda iyo Siminaaro

Haddii aan dib u Qooraansano Biibto Taariikhdeeda  waxay si aad ah iiga Sheekeysey waayaheedii hore  gaar haan waxay markii ay dhignaysey Dugsiga Hoose Dhexe Yaaqshiid ayey ka tilmaamneyd Ardeyda kale ee wax la baraneysey gaar ahaan Dhinaca Hiwaayada Isboortiga ,waxayna Dugsigaas ay kala qayb qaadatey Tartamo isboorti oo ku Dhiirageliyey in ay u Ciyaarto Gobolka Banaadir  siiba dhinaca Kubadda Kloleyga , waa ay ka sii  Gubtey Gobolka Banaadir  waxay Hal mar Dalabyo uga yimid kooxihii Heerka Koowaad ee Dalka ka jirey gaar ahaan Sanadihii Sideetameeyadii waxayna markii ugu horeysey u Ciyaartey Naadiga INJI  sidoo kale waxay u soo Ciyaartey Naadiyada Dowladda Hoose , Batroolka , Horseed iyo Badda .

biibito

ka sokow Dhinaca Kubadda Koleyga, waxay Biibto ay ciyaari jirtey Tartamada Kubadda Laliska ,Kubadda Gacanta, iyo Oradka , markii aan ka soo Gudubno ku dhex jirka Bahda isboortiga, Biibto waxay ka mid ahayd Shaqaalaha Madbacada Qaran waxay si gaar ah uga shaqeyneysey Qaybta Daabacaada Baasaboorada, sidoo kale waxay ahayd Iibiye Sare Dhinaca Joornaalka Xiddigta Oktoobar , waxayna Biibto ka dhex Muuqatey Shaqaalihi markaas la Shaqeynayey waxaana  dhowr jeer la Gudoonsiiyey Shahaado  Sharaf

Markii ay Dhaceen Dagaaladii Sokeeye Biibto kama harin Mihnadeedii  Dhinaca Daabacaada iyo Saxaafadda sidoo kale waxay iibiye Sare ka noqtey Joornaaladii faraha Badnaa ee ka soo bixi jirey Dalka , iyadoo Howshaas ku  dhex jirta ayey Bilawdey in ay Sameyso Wargeyskii ugu horeeyey oo lagu Magaabi jirey Danjire  kaasoo ay ka noqtey Tafaftire,Farsamayaqaan wax Daabaca , Qoraa Wargeyskaas wax ku Qora  sidoo kale Biibto Haweeney ku fiican  Dhinaca Farshaxanka (Arts ),  Biibto dadaalkeedii halkii ayey ka sii wadey, waxay kaloo ay Dhidibada u Aastey Wargeyskii isna lagu Magacaabi jirey Xog-Waran

XabiIbo  Xaaji Jimcaale (Biibto) intii ku dhex jirtey Bahda Saxaafadda  waxay Samaysey Urur Saxaafadeed  Sanadihii Sagaashameeyadii  dhinaca Gabdhaha oo lagu Magacaabo SOWPA kaasoo qabtey Tababaro fara badan oo Gabdhaha Saxafiyiinta waxayna Biibto ii sheegtey in  aan cidi Dhaqaale ku siisey aaney jirin  waxayna soo saartey Gabdho badan  oo Dhinaca Saxaafadda oo qaarkood maanta meel sare ka gaarey

Howlkarnimadeedii  waxaa uu keeney in Salka u dhigto Wargeyska Maalinlaha ee  Muqdisho Times  oo iaa iyo haatan Shaqeeya , Nasiibdaro Sanadihii Sagaashameeyadii ayaa Biibto waxaa soo gaarey Dhaawac Xili ay ku Guda Jirtey Howlaheeda Saxaafadeed , waxana Dhaawac Culus uu ka soo gaarey gacanta oo ilaa iyo haatan si aad ah looga Dareemo sioo kale Biibto haatan waa Gudoomiye ku xigeenka Ururka Suxifiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (Nusoj)

Madaalaha Saxaafadda Biibto ayaa waxaan wax ka weydiiyey Sababta intaas oo shaqo adiga oo Haween ah soo qabtey aad Abaal marin Caalami ah laguu siin waayey  waxayna ku Jawaabtey Xabiibo  “ Waa Runtaa waxaan kuu sheegayaa in Dad aan Ehel u ahayn Saxaafadda ay Soo Xulaan sidoo kale waxa ka sii yaab badan in dadka la siiyo Abaalmarinta ay yihiin kuwa iyana aan Ehel u ahayn  Saxaafada marka walaal waan iska Sugayaa  Goortii Ilaah ii Qadaro ayaa Heli doonaa “  waxay sii raacisey “ waxaana u soo jeedinayaa Dhinacyada Isku haya Siyaasada Soomaaliya in ay Warbaahinta  u ogolaadan in Howlahooda si wanaagsan u Gutaan’

Biibto markii ay ii sheegtey in intaa oo Hawlood ay ka qabato  Dhinaca Saxaafada ayaa ku tilmaamey Mucjisada Saxaafadda waayo howlaha Biibto ilaa iyo haatan ku dhex jirto Dhinaca Saxaafadd  iyadoo Haween ah  oo mararka qaar Xirfadaha ay ii Tilaamaantey in ay qaban karto oo raga Qaarkii  aysan qaban karin ayaa mar kale ku tilmaaami karaa Madaalaha Saxaafadda Soomaaliya  ama Maamada Saxaafadda,  waxaan kaloo aan weydiiyey maadaama Wargeyska  Muqdisho Times  uu weli uu soo baxo halka  Wargeysyo kale oo fara badan   ay Baaba’een oo aan ogahay in aan  wax Dhaqaale ah laga helin maxaa u soo saartaa  waxay ku jawaabtey “ Runtii waxba kama helo hase yeeshee waxaa Wargeyska ku Xiran dad fara badan oo ka raadsada Biilkooda kuwaa ayaa u daneynayaa “

Biibto waa Saxafiyada si aad ah looga yaqaan Dalka  waxaana Xaqiiqo ah in Biibto ay u qalanto in la Gudoonsiiyo Abaalmarin Caalami ah  si ay Dhiiragelin ugu noqoto Howsha Baaxadda leh ee ay ku dhex jirto  maadaama ay tahay Qof Haween ah oo intaa Shaqo qabta sidoo kale Biibto  waxaan dhihi karaa waa Saxafiyad Garab weysey marka waxay ugu Dambeyntii halkaan uga Mahacelineysaa Saxafiga weyn Cali Muuse Cabdi oo ay ku tilmaantey in uu ku dhiirageliyey in ay ku sii dhex jirto Mihnadda Saxaafadda Sidoo kale waxay u Mahadcelineysaa Xaaji Muxyadiin Yuusuf oo ay oo mararka qaar Takaakuleyn ka heli jirtey, Waxay Biibto halkaan uga Mahadcelineysaa Hayadda SAACID  oo ay sheegtey in ay Gacan weyn ka heshey markii uu Dhaawaca soo gaarey waxay sidii kale u Mahadcelineysaa Dhamaan qaybaha Warbaahinta Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS.

Muqdisho, January 3, 2014—- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

abdiweli_and_un

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay Danjire Kay taageerada joogtada ah ee Q.M ee ku aadan dib u dhiska dalka, waxaana uu xusay in uu rajaynayo in ay sii xoogaysataan dhamaan dadaaladda lagu samatabixinayo dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergayga gaarka ah ee Q.M ee Soomaaliya waxaa kaloo ay ka wada hadleen soo magacaabidda Golaha Wasiiradda, qorshaha Hiigsiga cusub iyo sida ay dawladdu uga go’antahayu diyaar garowga doorashooyin dhacaya 2016.

“Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Q.M waa mid soo jireen ah. waxaan soo dhoweynaynaa taageeradda ay Q.M u fidiso Soomaaliya, waxaa jiri doona shaqo balaaraan oo na dhaxmari doonta sanadkan, gaar ahaan qorshaha Nabadda, Amaanka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Labada dhinac waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah sidii loo balaarin lahaa howlgallada Amniga ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab kadib markii dhowaan uu Golaha Amaanka ee Q.M ansixiyay kordhinta ciidamada Amisom iyo taageeradda ku wajahan qalabka ay u baahan yihiin ciidanka Soomaaliyeed. Kay waxaa uu la qaybsaday Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsida dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay isku daygii weerarkii Jaziira Hotel.

“Ciidanka Soomaaliyeed oo kaashanaya Amisom waxaa ay sii xoojin doonaan howlgaladda lagu qaadayo goobaha dib looga xoraynayo Al-Shabaab sanadkan cusub” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli isagoo uga mahadnaqay Danjire Kay taageerada iyo gacanta ay ka gaysanayaan howlgaladdan.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf

Press officer, PM office

Mob.+252-61-6263434

Mogadishu, Somalia

Madaxtinmada Soomaaliya Waa Xabsi iyo Qaxootinimo!!

$
0
0

Tan iyo markii ay dhaceen Dagaalada Sokeeye ee Soomaliya waxaa mar waliba aad arkeysa waxaad la yaabtid oo ku soo kordha Dhacdooyinkii Soomaalya ka jirey , waxay 10-kii September ee Sannadkii 2012  markii lagu Dhawaaqey in Xasan Shiikh  uu noqdey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markiiba Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo wada jira  ay Guryahooda ugu tageen Qoyska Madaxweynaha la doortey si loo geeyo Goob Amaan ,  iyadoo inta uu socda Howlgalka lagu Badbaadinayo Dadka Ehelada la ah Madaxweynaha ayaa waxaa  si aad ula yaabay Bulshada waxayna  qaarkood  ku Calaacaleen  ” Haddii Madaxtinmada Soomaaliya ay sidaan tahay walee iguma ogid in aan dalkaan Madax ka noqdo marka in aan sidaa iska ahaado oo Xabada Rootiga aan kala goosano saaxiibadeey ama Deriskeyga  ayaa ii roon intii la I Barakicin lahaa oo Deegaankii la iga wadi lahaa  “

somali136Wiil Dhalinyaro ah oo isna la yaaban sida loola  Badbaadinayo Qoyska Madaxda Dowlada ayaa yiri “ inkastoo ay wanaagsan tahay in aan dalkaan Madax ka noqdo hadana markaana arkay in Ehelkeyga laga  Barakicinayo Deegaankii ay  ku noolaayeen waxaana Xaqiiqo  ah in Madaxtinimadaas noocaas  ay tahay  mid aan qiimo lahayn waayo hadi aanan dhexgeli Karin Bulshadda oo aan ka  noolaan Karin Deegaanka waa Madaxtinimo aan Sharaf lahayn

Iyadoo Dhacdadaas ay ahayd mid si aad looga Sheekeyo Soomaaliya ayaa dhawaan markii Raiisul Wasaare loo Magacaabey Cabdi weli Shiikh Axmed ayaa Ciidamo isugu jira Amisom iyo Soomaali waxay  hareereeyaan  Guri ku yaal Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan waxayna Dhacdaan ahayd  mid aan Goob Joog u ahaa , waxaana aan arkayey Ciidamada oo dadk ku amraya in ay Guryahooda ku  Xaroodan . markaa waxaan saarnaa Gaari BL ah oo isna lagu amrey in uu Wadada ka leexdo , waxaa markiiba aan biaabey in aan raadiyo Xog ku saabsan waxa ay Ciidamada meesha ay ka sameynayaan , waxaana wareystey Nin Odey ah oo  meesha ka dhawaa waxaana weydiiyey waxa ay qabanayaan Ciidamada markiiba waxaa ii dhibey War aan ku Qanci waayey oo ah in uu I yiraahdo “waxaan u maleynayaa in Ciidamada ay raadinayaan  dad ay ka shakiyeen oo ku jira mid ka mid ah Guryaha la hareereeyey”

waxaan bilaabey Xuuraansi kale si aan u helo waxa ay Ciidamada halkaan ka qabanayaan nin kale oo isna ka dhawaa Goobta oo la soo daayey ayaa I yri “ waxaana arkayey Hooyo  iyo Dhowr qof oo isugu jira Gabdho iyo wiilal oo la saarayo Gawaarida AMISOM ,welibana lala saarayo Boorsooyin iyo Alaabo kale marka ma garanayo ujeedka ka dambeysa in dadkaa halkaas laga saaro”

Markii Howgalkii Gabagaboobey ayaa dadkii Hal mar soo wada baxeen waxa markiiba aan heley qof degenaa Halkii Gurigii Howlgalku ku wajahnaa waxaana weydiiyey waxa Xiligaan ay Ciidamada ka sameeyeen waxaana uu yiri” Walaal ma garanayo waxa meesha ka jira waxaan u maleynayaa in ruux la tuhunsan yahay in uu meesha ku jiro “ Sheekadaas mar kale waan ku  Qanci waayey ,  waxaan u sii dhawaadey Goobtii Howlgalka uu ka socdey waxaan heley Islaan Deris la ah halka Howlgalku  ka socday waxaa weydiiyey waxa meesha ka jira , iyadoo  naxsan oo Fiigsan ayey I tiri” Amiinow walaal Guriga waxaa Degenaa Islaan Dhashey Raiisul Wasaaraha Cusub Cabdiweli Shiikh Axmed iyada ayaa halkaas laga wadayey oo la Badbaadinayey” waxay ii sii raacisey “Islaanta ma ogeyn  in Wiilkeeda Raiisul Wasaare Noqdey oo markii la saarayey ayaan waxaan ka maqalyey iyadoo Ciidanka ku eh maxaa iga rabtaan,  igana ugu jawaabayay “ Hooyo wax kale ma jiraan wiilkaadii Cabdiweli ayaa maanta Riisul Wasaare loo Magacaabey

Islaantii inta naxdey yey ku tir ragii ka xayn lahaa ” Maandheyskow oo qofkii madax laga dhigo Dadkiisana Ma la Barakiciyaa? Aniga meeshaan ayaa bartey Deris fiicanna waa leeyahay ee maad iska  kay dhaaftaan aan dadkeyga ku dhex jiraa “ Sarkaallkii watey Ciidamada oo Soomaali ahaa  ayaa Islaanta ugu jawaabey “Hooyo  sidaan baa nala soo amrey ee Gaariga nasaar si aan kuu ag dejino wiilkaaga “ islaantii oo ka Xun in ay ka barakacdo Deegaanka  ayaa si hal halaal ah u Fuushey Gaariga  waxayna horey u Macsalaameysey Deriskeedi muddo dheer la nooleyd hase yeeshee islaanta waxay ahayd  qof si aad ah looga jaclaa Deegaanka welibaa Deeqsi ah , waxaana barakaceeda ka Xumaadey dhamaan dadkii Deriska ahaa oo laba iyo Saddex  inta u fariisteen ka sheekeynayey islaantii halkaa laga kaxeeyey

Nin odey oo is aad ah u yaqaaney Islaanta Dhashey  Raiisul Wasaaraha cusub oo aad uga  Murugeysaa  ayaa ku Calaacaley “ Islaantaan waa qof aad u wanaagsanaa oo Deriskeeda u roon marka  waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu meel wanaagsan geeyo “hase yeeshee waxaa  uu  aad ula yaabey oo uu si barbar dhigey sida Madaxdii hore  Ehelooda iyo Caruurtooda ugu dhex jireen Bulshadooda iyo kuwa maanta aysan Bulshadooda ugu dhex noolaan Karin Xitaa hadii ay ka degaan Xilka bal fiiri inta Madax ee na soo martey 23 kii Sano ma jiro  Qof  si caadi ah dadkooda ugu dhex noolaan karo halka Madaxdii hore gaar haan Xilyadii Lixdameeyadii waxaan arki jirey Aadan  Cadde oo Caruurtiisa iska lugeyn jirey Xitaa marka ay imaanayaan Dugsiga ay soo raaci jireen Gawaarida Dadweynaha ama BL-ka bal fiiri Maxamed Siyaad Caruurtiisa iyo EhelkIisa sida ay ula noolaan jireen Bulshadooda, waxaana arki jirey Wiil uu Dhaley Maxamed Siyaad oo aan isku Fasal ahayn marka aniga waxaan  arrinkaa ku tilmaami karaa isbedelka Xiliga ilaahna ha nasiiyo Madax nala noolaato.

Hooyo kale oo muddo Deris ahaayeen Hooyada Dhashey Raiisul Wasaaraha Cusub ayaa iyana ku Catowdey” waa arrin la yaab leh  haddi qof  aad Ehel tihiin si la filaan ah madax looga dhigo dalka  in ay ku soo wajehyso cabsi aad u daran marka Islaantaan maanta Wiilkeedii laga dhigey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya  waa islaan aan ku tilmaami karo qof aad u Ciseeya Deriskeeda islamarkaana si aad ah uga war qabta dadka la nool weliba Gurigeeda waxaa ku noolaa dad fara badan marka in maanta halkaa laga wado waa wax la yaab leh oo Nasiibdaro ah,marka Ilaah ha na siiyo Masuuliyiin Dadkooda la nool islamarkaaa aan ka Qaxayn  marka Madax Noqdaan iyo marka ay Xilka ka degaan.

Waxaa la soo gaarey Gunaadka Maqaalkeyga, inkastoo Madaxtinimada  Soomaaliya laga helo Magac ,Maamuus, Maal iyo Sharaf hadana  waxaa Nasiibdaro ah  in Qofka Madax noqdaahi aanu si  rasmi ah ugu raaxeysan Karin Araga Caruuirtiisii uu aadka  u jeclaa ka hor intii aanu Madaxda noqon waxaana intaa dheer in marka uu Xilka si uun ku waayo uusan ku sii nagaan Karin dalkiisa Hooyo waxayna taasi sababtaa in isaga Laftiisa uu ka daba Qaxo Caruurtii uu mar hore Qixiyey halka Madaxdii hore ee dalka ay hal Xeero wax kuwada cuni jiraan iyaga, Caruurtooda iyo Xaasakooda , Hadaba Madaxtimada Soomaaliya sow lama dhihi karo  waa  Xabsi uu ku jiro Qofka Madaxda Noqda  iyo  Barakac ku yimaada Caruutiisa  iyo Xaasaskooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk     

Dawro aqoon iswaydaarsi ah oo loo qabtay qayb ka midah ardada iskuulka imaamu shaafici.

$
0
0

Bosaaso:- magalada Boosaso ayaa waxaa ka bilawday manta oo tariikhdu tahay 05/01/2014 dawro aqoon iswaydaarsi ah oo ay soo qabanqabisay iskuulka imaamu shaafici oo kashanaya mu’assada Minhaaj ee dacwada iyo horimarinta lana magic baxday raad ku reeb bulshada, dawradan oo soconaysa muddu labo maalmood ah loona qabtay qaybka midah ardayda iskuulka.

Dawradan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee AMAL PALAZA ayaa waxaa kasoo qayb galy furitankedii maamulka iskuulka, macallimiinta iyo xubna ka socda mu’assasada minhaaj.

Ugu horreyntii dawrada waxaa lagu furfuray qadar kamidah quranka kariimka ah kaddibna waxaa si rasmi ah ufuray maamulaha iskuulka imaamu shaafici Mxamed cabdullahi cabdulle kaasoo kalimad dhiiri galin ah ardada halkaas uga soo jeedshay kuna dhiirri galiyay inay si fiican uga fa idaystaan casharrada qiimaha badan eek a bixidoona dawrada.
somali137
Sidoo kala waxaa madasha kalimad gaaban ka jeedshay madaxa mu’assasada minhaaj ee faraceeda Bari Sh Faarax Maxamed Cajab isagoo kasojeedshay madasha kalimaad alle ka cabsi ah wuxuu shiikhu sidoo kale da’yarta ku boorriyay inay qataan dawrkodii ku adanaa bulshadooda iskuna diyariyaan siday xilka ugala wareegi lahaayeen dadka ayiga ka horryay waana arrinka dawradu ku saabsantahay.

Intaa kaddib waxaa sitoosa u bilawday duruustii dawrada waxana manta galinkii hore baxay labo cashar oo kala ah:

1. Habka fakkarka toosan.

2. Habka wax loo jeedsho.

Iskusoo wada duubo dawradan ayaa waxay ka midtahy dadaalka ay maamulka iskuulka iyo mu’assasadu ka wadaan da’yarta dhexdooda si naftooda wax utaraan kaddibna ummadoda iyo diintooda wax utaraan

Mu assasa minhaaj
minhaajfoundation@gmail.com

In ka Badan 2000 Arday oo u Fariisatay Imtixaanka Semester Dhamaadka ee Jaamacada Somali international University (SIU)

$
0
0

Ku Dhawaad 2000 oo Arday oo wax ka Barata Campus-yada kala duwan ee Jaamacada Somali international University (SIU) ayaa waxa ay si rasmi ah ugu fariisteen imtixaanka Semester Dhamaadka ee Sanad Wax-Barashadeedka 2013-2014.

somali138

Cabdulaahi Cali Culusoow, Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka ee Jaamcada SIU oo aan wax ka weydiinay habsami u socodka Imtixaanka ayaa waxa uu yiri, “Waxaa si rasmi ah u bilaawday Imtixaanka Semester Dhamaadka ee Jaamacada ,Imtixaan waa shaqo culus oo dhinacyo badan taabanaysa, hasa yeeshee waxa aan rajeyneynaa in aan si guul ah ku Dhameysanno innaga oo ka Faa’iideysaneyna khibradihii hore”

Ardada oo isugu jirta kuwa wax ka barta Kulyadaha kala duwan ee Jaamacada oo ay kamid yihiin Engineering-ka Caafimaadka ,Computer-ka, Siyaasada, Ganacsiga, Shareecada iyo Kuliyada kale oo leh ku dhawaad 24 Takhsasus ayaa waxaa ka muuqanayay dadaalka weyn oo ay ugu jiraan sidii ay ugu gudbi lahaayeen Natiijooyin wanaagsan.

Axmed Jowhar oo dhigta Kuilyada Health Science Semester-ka Afaraad ayaa waxa uu yiri, “Markasta Imtixaanku waxa uu leeyahay naxdin iyo wal-wal. Markasta imtixaan waa imtixaan hasa yeeshee waxa aan rajeynayaa in aan guuleysto”.

Jaamacada Somali International University (SIU) ayaa waxa ay k amid tahay Jaamacadaha sida xowliga ah ku soo koraya ee Saldhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya iyada oo horay ay Maamulkeedu u balan qaadeen in ay Xarumaha jaamacada ku baahin doonaan Dalka oo dhan si ay uga Faa’iideestaan Soomaalida oo dhan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee Dalka Soomaaliya ka dhacay Sanadkii 2013

$
0
0

amiin6
9-kii Janaayo 2013  waxay Dowlada Xirtey Warie Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo u shaqeynayey Idaacada Dalsan ka dib markii Dowlada ku eedeysey in uu sameeyey  war been Abuur ah balse markii Dambigaas lagu waayey isaga iyo Gabadhii uu Wareystey

January 17, 2013 Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiik Maxamuud ayaa Booqasho ku tegay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo isagoona halkaa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dawladda Maraykanka Barrack Obama

Janaayo 20 -2013 -keeda waxaa Jubada Hoose ku geeriyoodey Suldaan si weyn looga yaqaaney Deegaankaas oo lagu Magacaabo Suldaana Cabdi Cali Sokor  oo Muddo halkaa Nabadoon ka ahaa

January 23, 2013 Abuu Mansuur Al Amriiki ayaa waxaa uu soo direy Fariin uu ku Dalbanayo in laga badbaadiyo Xarakada Alshabaab, waxayna Fariintaan ay ahaysd mid Muuqaal isagoo fariintaasi ugu baaqey Urur Weynaha Alqaacidda in ay Badbaadiyaan ,Abuu Mansuur Al Amriiki oo hore loogu yaqaaney Cumar Xamaami

January 21, 2013 Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa  boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay Banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen go’aankii Dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay Dowlad-nimada Soomaaliyeed

29  Janaayo 2013 Waxaa  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada Jeffrey Feltman oo Muqdisho soo gaarey

Jan 29, 2013  waxaa Qarax ismiidamin ah uu ka dhacay Afaafka hore ee Guriga Raiisul Wasaaraha Cabdifaarax Shirdoon

Feb 27, 2013 Waxaa Mudooyinkii Dambe la isla Dhex marayay Warar ku saabsan in Khilaaf uu xiligan u dhaxeeya labada Mas’uul ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirddoon. Mar uu la hadlayey qaybo ka mid ah Warbaahinta ayaa arrintaa Tafaasiil dheerad ah ka bixiyay isagoona sheegay in aysan jirin haba yaraatee wax khilaaf ah ee ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynuhu ay ka dhaxayso wada shaqayn wanaagsan isla markaana ay si joogta ah u kulmaan isagoona hadalada la isla dhex marayo ee ah in khilaaf uu jiro ku tilmaamey Dicaayad rakhiis ah.

24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa  xafiiskiisa kulan balaaran kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Boucher, iyo wakiil ka socda Safaarada Faransiiska ee Keny mar ay soo gaareen

24, Feb, 2013 Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho Barqanimadii ayaa a ayaa ka soo degay Wafddi Ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaer ku Xigeenka Dalka Turkiga Bekir Bozdag. Wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay Ra;iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji…

Ferbaayo 15, 2013 Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa  lagu dilay gudaha Masaajid ku yaal bartamaha magaalada Garoowe wuxuuna ahaa Shiikh si aad ah  looga qadiro Gobolada Pundand

somalia2013Feb 15, 2013 Gudaha Magaalada Muqdisho waxaa ku Geeryooday Marxuum Shiikh Nuur Cali Aadan oo ka Tirsanaa Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

March 31.2013 Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  iyo wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyey  Garbahareey,

26,2013 Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayo soo gaaray Magaalada Kismaayo…

Mar 26, 2013  Agaasimhii Guud ee Ciidamada Nabdsugida Axmed Macalin Faqi ayaa Istiqaalad ama iscasilaad oo uu u Gudbiyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ,

March 17, 2013, Mar kale Maxkamadda Sare ay u farsiisatey Dacwadii Wariye Cabdicasiis Koronto ka dib markii Qareenadda u doodaya Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim ay Racfaan ka qaateen Xukun ay Ridey waxaa na Maxakamada Sare ay Xukuntey in Xabsiga laga siidaayo islamrkaana  waxay sidoo kale ay  Maxkamada oo Go’aamisey in aan wax Mag dhow ah la Weydiisan Karin Hayadihii ku Lugta lahaa Dacwdaan

Mar 9, 2013 Waxaa Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Marxuum Xaawo Cawaale Abtidoon (Xaawo Yareey )oo ahayd Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeysey ee Dibutaati ama Xildhibaan ka Noqota Baarlamaan Soomaaliyeed. Sanadhii Lixdameeyadii

March 5, 2013 Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey Dalka Qadar  iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdi uu hogaaminayo oo  gaaray Dhuusamareeb

Mar 3, 2013 Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ay wehliyaan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa horgeeyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxqabadka xukuumada ee Boqolkii maalmood ee tegay

Apr 29, 2013  Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo oo gaarey dalka Turkiga

April 27, 2013) Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa booqasho degdeg ah waxa uu ku tegey Magaalada Mombasa, halkaasoo uu kula kulmey Madaxweynaha Kenya Uhuro

April 21-dii waxaa Magaalada Muqdisho lagu Diley Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo u shaqeynayey Idaacada Radio Muqdiho

Apr 20, 2013  Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegey Itoobiya si uu uga qayb galo shirka loogu magacdaray ” Tana Forum.”

14 Abril 2013 waxaa weerar lagu qaadey Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir waxaana halkaa ku dhintey dad fara badan oo isugu jrey Qareeno , Garsoorayaal iyo Wariyayaal

Apr 6, 2013 Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray Magaallo madaxda dalka Norway ee Oslo halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey

May 28, 2013  Shirkad Cusub  oo Taxi  lana  magac baxday Mogadisho Taxi Company ayaa markii ugu horeysey laga hirgeliyey Magaalada Muqdisho

May 22, 2013  waxaa Baarlamaanka Soomaaliya uu Dib u celiyey Mooshin ka dhan ah Xukuumada uuu Hogaamiyo Raiisul Wasaare Saacid

May 16, 2013—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shirkan Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Golaha ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedyo gaaraya 8 una gudbiyay Baarlamaanka, waxayna kala yihiin Hindise Sharciyeeda:
1. Guddiga Dib-u-eegida iyo Hirgelinta Dastuurka.
2. Xafiiska Gardoonka iyo Illaaliyaha Dadweynaha.
3. Dhismaha Maxkamadda Dastuurka.
4. Golaha Adeegga Garsoorka.
5. Guddiga Xaquuqda Aadanaha.
6. Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Dalka.
7. Sharciga Arrimaha Dibadda (Foreign Service Law). Iyo
8. Sharciga La-dagaalanka Argagixisada.

May 6, 2013 Madaxweynaha Dowladda Federalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Furey Shirkii Soomaalida ee Magaalada London

May 5, 2013 Wasiirka Arimha Gudaha oo ka badbaadey Qarax Ismioidaamin oo la doonayey in lagu Khaarijyo mar uu Marayey Agagaarka Lambar Afar

27-da June  2013 Dowlada Fedraalka iyo Dowladda Norway oo heshiis  ku kala saxiixdey Magaalada Muqdisho ka dib markii uu soo gaarey  Wasiirka Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada Norway Mr. Heikki Holmes

Jun 26, 2013 Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno kale oo gaarey Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb .

Jun 25, 2013  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya arag dhanka Warbaahinta ah.

Jun 24, 2013  Boqor C/laahi Boqor Muuse oo ka mid dadka sida aadka looga yaqaan Soomaaliya gaar ahaan Pundland ayaa  ku geeriyoodey Dalka Finland

Jun 21, 2013 Golaha Wasiirada DFS ayaa ansixiyeyey Heshiishka “Coutonu” oo ay Soomaaliya dhowaan saxiixday,

Jun 20, 2013 Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya. Ayaa  ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee Magaalda Muqdisho

Jun 16, 2013 Madaxweynaha DFS ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron, isla markaana ka qey bgalay Xafladda Dhalashada Boqortooyada UK,

Jun 12, 2013 Shirkad lagu Magacaabo Favori oo laga leeyahay Turkiga oo lagu wareejiyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka dib markii laga wareejiyey Shirkadii hore SKA

Jun 3, 2013  Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay Wakiilka uga noqonaya Soomaaliya Nicholas Kay ayaa  soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoona isla shaqadiisa ka bilaabay Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

 

Jun 1, 2013 Madaxweynihii hore ee Somaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan oo iminka ku sugan Magaalada Qaahira ee Waddanka Masar ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid tahay Xaaladda Gobolada Jubbooyinka. Waxaana uu sheegey in Wada hadal Xal lagu gaari karo

July 30, 2013 faafiyey  Warsaxaafadeed  ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qandaraas la gashay shirkad lagu magacaabo “Atlantic Marine and Offshore Group”,

Jul 30, 2013 Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa  Kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ee ka Howlgasha dalka ayaa ku baaqey in dardar lageliyo Xeeraka Saxaafadda

 

Jul 29 2013 Weerar ayaa lagu qaadey Xarunta Qunsuliyda Turkiga waxaana weerakaas ku Geeriyoodey  mid ka mid Shaqaalaha Turkiga waxaana sheegtey weerarkaas Xarakada Alshabaab

Jul 24, 2013 waxaa Magaalada Nairobi Kulan ku yeeshey Sadex Raiisul Wasaare oo kala ah Cali KLhaliif Galeyr , Cali Maxmed Geedi iyo Cumar Cabdirashiid waxayna kulnakoodu ahaa mid looga soo horjeedey Dowladda Federaalka

Jul 1, 2013 Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa soo gaarey Magaalada Muqdisho waxaana gacanta loo geliyey Dowladda Fedraalka iyadoo Ergedii soo galbisey si Xun loola Dhaqamey

Aug 5  2013  waxaa Magaalada Muqdisho ku Geeriyoodey Siyaasigii Caanka ahaa Cismaan Xasan Cali oo muddo 23 Sanno ku dhiex jirey Siyaasada Soomaaliya weliba si aad ah u soo shaac baxay Xiligii Jen Caydiid kaasoo markii dambe ay isku dhaceen

Aug 27  2013 oo Magaalada Adis Ababa ayaa waxaa Heshiis ku gaarey Dowlada Federalka iyo Maamulka Axmed Madoobe Jubba

Aug 17  2013 Kooxo ku Hubeysan Bistoolado ayaa  Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ku dilay Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Aug 17  2013 Kulanka Kambala  Madaxda waddamada Somalia, Kenya, Ethiopia, iyo Uganda ayaa lagu soo qaaday in Dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal guud oo waara loo helo,

Sep 27, 2013 Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane SAACID oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Turkiga  waana Booqashiid ugu horeysey  oo uu Raiisul Wasaarajha ku tago Dalalka Yurub  Tan iyo markii la  Magacaabey

Sep 21, 2013 waxaa  weeara lagu ekeeyey Xaruntii Ganacsiga ee Westgate ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Sep 22, 2013 Xildhibaan Xuseen C/salaan oo k amid ahaa Xildhuibaanada Baarlamaanka ayaa  lagu diley Magaalada Muqdisho

Sep 20, 2013  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland

Sep 16, 2013 Magaala Brussels ee Dalka Belgium isla markaana ah Xarunta Midow Yurub waxaa si rasmi ah uga furmay Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Furitaankii shirkaas Khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimaha Ammaanka ee Soomaaliya iyo Xaaladaha iminka Dalka ka jira

Sep 9, 2013—-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku tagey  dalka Yemen, waxaana si weyn ugu soo dhoweeyay Garoonka Magaaladda Sanca Mas’uuliyiin ka socday Dawladda Yemen oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka Dr. Axmed Qaasim Al-Cansi , Madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Safiirka Soomaaliya ee Yemen Gen. Ismaaciil…

Sept 7, 2013) ka dhacay Village Market Restaurant ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya ay sheegeen in ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof.

Sep 6, 2013 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaarey Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose

Oct 30, 2013 Magaalada Nairobi ee Dalka kenya ayaa Isbitaal ku yaala Magaaladaas  ku Geeryooday Xildhibaan ka Tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaankaas oo lagu Magacaabi jiray Cumar Islow Maxamed oo muddo ku Xanuunsanayay Magaalada Nairobi

29 October 2013  Madaxweynaha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Turkiga Istanbul, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh ayaa ka qayb galaya  90 Guurada markii Turkiga uu Xornimada qaatay…

28 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ee dalka Holland

27 October 2013  Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Gaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdulaahi Ciil Mooge Xirsi waxaa uu soo saarey wareegto uu ku Amrayo in Qaybha Warbaahinta kala duwan , isgaariisnta , Internet-yada iyo  Goobaha wax lagu Daabaco in ay iska soo diwaan geliyaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta…

27 October 2013  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ku ammaanay Booqashadan Taariikhiga ah iyo furitaanka xafiiska cusub ee Qaramada Midoobey ay ka furaneyso Soomaaliya.

Oct 11, 2013 Wasiirka Gaashaandhiaga Cabdixakiim Fiqo Dagaalkii dhawaan Maraykanku ku qaaday Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeeladda Hoose ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo la Dagaalamaysa Xarakada Shabaab.Cabdixakiim Fiqi ayaa ku tilmaamay Xarakada shabaab kuwo lid ku ah Nabadda iyo Dib u dhiska Dalka sidaa darteedna uu kala dhaxeeyo Dagaal aan kala go’ lahayn.

Oct 1, 2013 waxaa Duleedka magaalada Beled weyne Gobolka hiiraan Tuullo ku taal ay dhacdey Dhacdo Xanuun badan ka dib markii Aabbe Dhaley Afar Caruur oo Wiilal ah uu halkaa ku Gowracey waana dhacdii ugu Muragadii badney ee Dhacda Sannadkaas waana midii ugu horeysey ee oo nooceeda  uu ka dhaco Gayiga Soomaaliyeed

Nov 24, 2013 Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala dareeray kulan loogu qaybiyey Mooshin la doonayey in xilka looga xayuubiyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Mooshinkaas oo aan lagu soo lifaaqin magacyadii xildhibaanada saxiixay

,23, Nov.2013…Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga dhagaystay warbixino gudiyo wasiiro oo loo kala diray Gobolada shabellooyinka iyo Hiiraan, Miisaaniyada sanadka 2014

Nov 22, 2013 Dowlada Kenya oo go’aamisey in Qaxootiga  Soomaalida eek u sugan dalkeeda in ay isaga Baxaan taasoo welwel ku Abuurtey Dadka soomaaliyeed ee ku sugan Kenya

Nov 20, 2013 Gobolada Pundland ayaa waxaa ku dhuftey Dabeylo oo dada Badan Khasaaro ka soo gaartey, sidoo kale waxaa iyana fataahaada webiga Shabeele waxyeelo ka soo gaartey dadk ku Dhaqanaa Tuulooyin ku dhow Magaaladda Jowhar

Nov 18, 2013 Magaalada Beled weyne ee Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Qaraxay ismiidaamin oo ay ku dhinteen 25 Qof waxaana uu Qaraxaasi uu ka dhacay Xarunta Booliska

Nov 16, 2013 Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Shirjaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo Dalka gaar ahaanna dhanka siyaasadda iyo Khilaafka Xasan iyo SAACID isagoo sheegey Khilaafka  lagu xalin karo Wadahadal iyo Isfaham

Nov 12, 2013 Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa – Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa  ayaa shaaca ka qaaday in uu dhab yahay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, waxana uu sheegay “Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah,…

Nov 3, 2013 Ra’isiul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si rasmi ah u furay  shirkii dib-u-heshiisiinta Jubooyinka, kaas oo ay ka soo qayb galeen Ergooyinka ka kala socday Gobolada Jubboyinka

December 2-12-2013 ayaa Kulan uu isugu yimid Baarlamaanka Federaalka ayaa Codka kalsoonida u qaadey Raiisul wasaare Saacid wuxuuna Aakhirkii Kulnkaas ka soo baxay in Dowladda Saacid ay Baarlamaanka ka weyso Codka Kalsoonida

December 12-12-2013 ayaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh waxa uu Raiisyul wasaare u Magacaabey Prof Cabdiweli Shiikh Axmed oo aan Siyaasadda hore loogu Aqoon

December 6-12-2013 hadiii  aan u laabano Caalamka waxa ugu weynaa Sannadkaas Geeridii ku timid Nelson Mandela, Madaxweynihii ugu horeeyay ee Madaw ah ee Koonfur Afrika ahaana halyeey la dagaalamay Midabtakoor iyo Cunsuriyadda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo shuruud looga dhigay in ay isku-diiwaan geliyaan $10,000

$
0
0

Guddiga Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee qaabilsan doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka ayaa Axad Janaayo 5, 2014 waxay soo saareen go’aan ay ku kordhinayaan lacagta ay isku diiwaan gelinayaan musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamul goboleedka Puntland.

dollarGo’aankaas soo baxay Maanta (janaayo 5, 2014) iyo shuruudaha lagu xiray musharaxiinta waxaa shardi laga dhigay in ay soo buuxiyaan berri oo ah Isniin Janaayo 6, 2014. Shuruudahaas oo ah in:

1. Musharaxa Madaxweynaha uu bixiyo lacag dhan $10,000 (toban-kun oo doolar) si loo diiwaan geliyo.

2. Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka in uu bixiyo $5,000 (shan kun oo doolar) si loo diiwaan geliyo.

Lacagtaas sannadkan 2014 ayaa ah laban -intii ay ahayd doorashadii 2009 ee Puntland oo lagu diiwaan geliyey Madaxweynaha ($5,000), iyo madaxweyne ku xigeenka ($2,500).

Sidoo kale waxaa shuruudaha ka mid ah in musharaxiintu ay soo buuxiyaan sida uu dhigayo Qodobka 78-aad ee Dastuurka maamul goboleedka Puntland, oo ah:

1. Muwaadin kasta oo Puntland ah waa u furan tahay in uu u tartamo Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-Xigeen haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka oo ah:-

(b) Inuu yahay muwaadin Puntland ah, Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana guursan karin.

(t) Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay.

(j) Inaan xuquuqdiisa muwaadininimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii sano ee ugu dambeysay.

(x) In uusan hore u gelin khiyaamo qaran ama ku xad gudbin xuquuqda bani’aadamka.

2. Musharraxiinta jagada Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenku waxay ka imaan karaan Golaha Wakiillada iyo dadweynahaba.

3. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada loo doorto Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen wuxuu bannaynayaa xubinnimadii Golaha Wakiillada, waxaana beddelaya qofkii xubin- sugaha u ahaa.

December 30, 2013 ayey ahayd markii lagu dhawaaqay xildhibaanada cusub ee Puntland oo ka kooban 66, oo hawl gelaya 2014-2018 (Eeg magacyadooda). Waxaana xildhibaanadaas la dhaariyey Janaayo 1, 2014.

Xildhibaanadaas cusub ayaa Janaayo 4, 2014 ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland waxay u doorteen Saciid Xasan Shire iyo ku xigeenadiisa oo ah C/xamiid Sheekh C/salaan Ciise iyo Xuseen Yaasiin Xaaji.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ku beegan Arbaca January 8, 2014.


Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD

$
0
0

Warsaxaaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, madaxtooyada DFS ayaa tibaaxay sidan:

Muqdisho, 06 January 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Ambassador Mohamed Abdi Afey oo bishii December loo magacaabay xilkan cusub.

Ambassador Afey oo si weyn loo yaqaano isla markaana aad u fahamsan arrmaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta madaxtooyada ku soo booqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana u ballanqaado sida ay uga go’antahay inuu Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Ambassador Afey xilkan cusub isla markaana sheegey in IGAD iyo Dowladda ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in aragtida fog ee dowladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo isla markaana caalamka aan kaalin fiican ka qaadan karno.
- DHAMAAD -
somali139
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Maxaa kala Haysta Fariimaha Mobile-lada iyo Lamaanayaasha !!

$
0
0

Markaan arkey Dhibaaatada ka Dhex Dhacda lamaanayaasha is qaba ama Is jecel  ee uu sababo  Mobil-ka ayaa waxaa go’aansadey in aa wax ka Qoro ka dib markii  maalin maalmaha ka mid ah aan arkey  nin Saaviibkey  ah oo meel gaar ah Fadhiya islamarkaana Fekeraya kana muuqata  Murugo ayaan inta u yeerey  waxaana  weydiiyey  halka laga heysto?,waxaana uu i yri  “Saaxiib sidee ii fahamtey  nin Fiiro dheer baa  tahay  “ waxaan ugu Jawaabey” Saaxiib  Maalmahaan  waan ku arkayey caadi ilama ahayn  waxaana kaa muuqda Isbedel aan hore  kuugu aqoon  “ inta  uu ii soo dhawaadey ayuu yiri” Saaxib arrin baa i haysata marka maxaad ka qaban kartaa? “ waxaan iri” wixii karaankayga ah ayaan ka qabanayaa madaama aad tahay Saaxiibkey Qaali ah  oo agteyda  aad iigu weyn“

somali140Markiiba inta Mobil-kii dib ugu laabtey ayuu soo bixiyey fariin Qoraal ah (Massage) oo uu i yiri “ Saaxiib Fariintaan ayaan Afar Maalmood  tiri waayey” waxaan iri Saaxiib “meesha ha isaga taalo maxaa Dhib ah “inta uu I  fiiriyey ayuu yiri “ Saaxiib Fariintaan waxaa ii soo direy Gabar aan Xaaskeyga ahayn marka waxaan ka baqey  inta Gacalisadeyda aragto oo ay dhibaato iiga timaado “Mobil-kii inta aan ka qaadey ayaan akhriyey Fariintii “ waaba halis Sababi karta in Saaxiibkey iyo Gacalisidiisa ay kala tagaan “ markiiba intaan Gudaha u galey Mobil-kii ayaa si Fudud  u Tir-tirey Fariintii “ waxaana saaxiibkey ku iri “ waan tirtirey “markaasuu intuu soo boodey oo Neef weyni ka soo Go’dey  yiri “ ma Dhici kartee !! “ inta aan tusiyey sidaan u tirey ayuu waxaa uu ku qayliyey “AlXamdulilaahi” war Saaxiibkeygiiyow maanta ayaa Murugadii iga hartey  waayo Mobil-ka Afar Maalmood ayaan Waardiye ka ahaa waayo waxaan ka Cabsanayey in Gacalisdeyda ay aragto marka Saaxiib maanta aad baan u faraxsanahay waxaana iigu leedahay maanta Qado ”

Ma yara Dhibaatada Mobilada iyo Lamaanayaasha kala haysta waxaan soo qaadaneynaa dhacdo kale  waxaan arkey meel lagu Buuqsan yahay inta aan u soo dhawaadey ayaan Dhageystey dooda meesha ka socota,waxay dooda u dhaxeysa Nin iyo Xaaskisa oo ku Muransan Cod Mobil ah oo la soo direy iyadoo  Codka uu yahay mid  Haween ah oo Oronaya “Gacaliye waan ku jeclahay Har iyo Habeen,Muuqaadana waa mid aan ka Seexan waayey” Fariintaa ayaa dadkii meesha ay dhageysteen “ Waaba Cod Haween ah” waxaana Gartii la siiyey Haweeneydii “ hase yeeshee  ninka ayaa waxaa uu ku doodayaa “ Codka ma aha Cod Haweeney  ee Waa yar Saaxiibkey ah oo Cod Haween iska Dhigey “ markiiba  waxaa la  weydiiyey inuu keeno ninkii   sidaan isaga dhigey Codka Haween ‘ markiiba  Taleefoonkii ayaa waxaa uu u direy Saaxiibkii oo meesha ka dhawaa  isagiina markiiba si Hal Haleel ah ayuu Goobtii  u yirmid  , waxaana la weydiyey waxa uu ka og yahay arrintaan inta fariistey ayaa Codkii la Dhegeysiiyey, markii uu Dhegeysiga Dhamaadey  ayaa la soo wada fiiriyey maadaama Xaaladu isku cakiran tahay , waxaana uu ku jawaabey” Haa waa Codkeyga “ waa la rumeysan waayey oo dadka qaar waxay yiraahdeen “ Waa wax aan Dhici Karin “ Inta Mobil-kii farfareeyey “ ayuu saaxiibkii oo Goobta Fadhiyey wacan isagoo isaga dhigaya Cod Haween’ inta la yaabey ayaa Dadkii Goobta fadhiyey hal mar Qosol la Daateen”  oo qaarkood ka dalbadey sida uu isaga dhigey Cod haween waxaana uu soo saarey Meel ka mid Mobil-ka oo Codka Haween la saaro sidii baa gartii lagu soo Gabagabeeyey Haweeneydiina lagu yiri “Reerkaada Dhaqo loona sheegey in ay wax waliba  iska Hubiso”

Nin kale oo Saaxiibkeyga  ayaa mar aan isla soo qaadney arrimahan ku saabsan Dhibaatada ka dhex dhacda Mobil-da iyo Lamaanayaasha ama Qoysaska ayaa waxaa uu yiri” Dhibaatadaas waa jirtaa waxaana kuu sheegeyaa aniga marka aan Shaqada ka Rawaxo oo Maqribkii aan tago Guriga markiiba Mobilka ayaa Gacalisadeyda ku Wareejiyaa ilaa laga gaaro Subaxii hase yeeshee hadii uu MobilIi soo dhaco iyada  ayaa qabata  oo ii keenta ,  markaan Dhameysto Muraadkeyga ayaa dib ugu celiyaa , waxaana Farta Wadnaha ku hayaa hadii Haweeney Dool ah ama si Khalad ah u soo garaacdo Mobil-ka marka waa arrin iyana halisteeda  leh waxaana sidan u sameeyaa in aan Kalsooni siiyo Xaaskeyga waxayna Saaxiibdey ii yaqaanaan Mobil Wareejiyey maadaama Xiliga Habeenkii Xaaskeyga Qabato Mobil-keyga ”

Sheeeko kale Nin Saaxiibkey ah ayaan weydiiyey maadaama uu yahay nin Shukaansi badan sida uu uga badbaado Gacalisadiisa markaan ka hadleyno Mobil-ka iyo Arimihiisa , markaasuu yiri” Saaxiib arrintaas waa Fududahay aniga Magacyada Haweenka aan barto waxaan u Bixiyaa marka aan  doonayo in aan   Keydsado Mobil-ka ( Save)  Magac ay Gacalisadeyda cabsi geliya oo aaney ku dhicin in ay si Fudud u qabto  ama waxaan ku Keydsadaa Magac Rageed  si aysan u fahmin  Saaxiibteyda kale“ hase yeeshee mararka qaar arrintaan waa la isku Fahmaa oo Khatar bay keentaa marka Saaxiib ma yara Dhibaatooyinka ay keenaan Mobilada kumana sii jirto marka aad leedahay Gacaliso waxay u baahan tahay Taxadar dheeraad walow Haweenkeena ay yihiin kuwa Maseyr badan

Isku soo  Duuboo Dhibaatooyinka ka dhex dhaca  Lamaanayaasha iss doortey ee uu sababo Mobil-ka   ayaa   abuura Muran iyo kala Shaki sababi kara Aakhirkii kala tag , waxaana la Gudboon Ragga in ay ka Digtoonaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac uu sababo Mobil-ka uu wato , Sidaa Si la mid ah Dumar oo la  ogyahay iney  Hinaaso badan yihiin  ayaa iyana waxaa la Gudboon in ay ka fiirsadaan wax walba oo keeni kara in ay isku Dhacaan saygooda kana feejignaadaan ku deg  degida Akhrinta fariimaha u soo dhaca Saaxiibkood oo  mar waliba  loo baahan yahay in ay Kalsoonidu Sareyso

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Madaxweynaha Somalia “Doorashada Puntland waa horumar lagu tallaabsaday.”

$
0
0

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa madaxweynaha DFS waxa uu kaga hadlay doorashada Puntlad. Waxana uu u qornaa sidan.

Muqdisho, 07 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Puntland horumar lagu tallaabsaday, una rajeeyey in doorashada madaxweynaha Puntland ee berri dhaceysa ay noqoto mid sii xoojisa horumarka iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u soo dhoweyneynaa in doorashooyinkii Maamulka Puntland ay marayaan marxaladdii ugu danbeysey oo maalinta berri ah xildhibaanada Puntland ay dooran doonaan shaqsigii noqon lahaa Madaxweynaha Puntland 5ta sano ee soo socoto.”

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Saciid Xasan Shire iyo ku xigeennada Guddoomiyaha oo ku guuleystay doorashooyinkii 4ta Janaayo. Baarlamaanka Puntland waxey muujiyeen mas’uuliyad, weyna ku ammaananyihiin sidii quruxda badneyd oo ay doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa u maareeyeen, tanoo kalsooni buuxda siisay shacabka Soomaaliyeed. Maalinta berri 8da Janaayo waa maalin taariikh weyn oo aan ka wada rajeyneyno in Baarlamaanku uu si habsami leh u gudan doono waajibaadkiisa, isla markaasna ay dooran doonaan shaqsiga noqonaya Madaxweynaha Puntland.”

“Waxaan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa Odayaasha dhaqanka ee Puntland oo soo xulay xubnaha Baarlamaanka, iyo sida maamulka Puntland ay uga dhabeeyeen in doorashooyinka waqtigoodii ay ku dhacaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhammaan musharixiinta xilka Madaxweynenimo oo la’aantood aysan suurtogal noqon laheyn in si dimoqraadiyad ah ay baarlamaanka u doortaan Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Guddiga doorashooyinka oo waajibkooda si xilkasnimo leh u gutay. Waxaan iyagana la illoobi karin kaalinta hay’adaha amniga Puntland ay ka qaateen inay sugaan amniga iyo xasiloonida Puntland.”

“Ugu danbeyntii dhammaan musharaxiinta xilka Madaxweynenimo waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah, waxaana u rajeynenaa guul oo shaqsi kasta oo ku guuleysta doorashada waxey guul u tahay dhammaan musharaxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka deegaanada Puntland. Sidaas daraadeed, waa muhiim in go’aanka doorashada la aqbalaa isla markaana lala shaqeeyaa Madaxweynaha la doorto oo lagu garab siiyaa xilka culus.”

– DHAMAAD -

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia, Office of the President of the Federal Republic of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com, Twitter: @thevillasomalia, @engyarisow, Facebook: Eng. Yarisow, +252615479911

Cabdiweli Gaas oo ku guulaystey doorashadii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland

$
0
0

Arbaca Janaayo 8, 2014 waxaa magaalada Garoowe ka dhacay doorashadii madaxweynaha maamul gobolledka Puntland.

Doorashada oo 66 xildhibaan ee baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen musharaxiinta ayaa wareegii saddexaad waxaa codadka 33 ku guulaystay C/weli Gaas, halka uu madaxweynahii hore ee Puntland helay 32 cod. (1 xildhibaan ayaa codkiisii xumaaday).

gaasWareegiis kaas ka horeeyey ee labaad waxaa Cabdiweli Gaas helay 18 cod, halka Faroole ka helay 31 cod, halka Cali Xaaji Warsame helay 16 cod.

Wareegii koowaad waxaa Cabdiraxmaan faroole helay 27 cod, halka C/weli Gaas ka helay 13, Cali Xaaji Warsame uu helay 12 cod, musharaxiintii kalena ay qaybsadeen codadka dhiman.

Sidaas ayaa Cabdiweli Gaas ku noqday madaxweynaha maamulka Puntland 2014-2018.

C/weli Gaas ayaa soo noqday ra’iisul wasaaraha Dawladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya ee uu madaxsweynaha ka ahaa Sheikh Shariif.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaa loo doortay Cabdixakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey.

December 30, 2013 ayey ahayd markii lagu dhawaaqay xildhibaanada cusub ee Puntland oo ka kooban 66, oo hawl gelaya 2014-2018 (Eeg magacyadooda). Waxaana xildhibaanadaas la dhaariyey Janaayo 1, 2014.

Xildhibaanadaas cusub ayaa Janaayo 4, 2014 ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland waxay u doorteen Saciid Xasan Shire iyo ku xigeenadiisa oo ah C/xamiid Sheekh C/salaan Ciise iyo Xuseen Yaasiin Xaaji.

Janaayo 7, 2014 ayaa musharaxiinta xilka u tartamaya waxay hor tageen baarlamaanka Puntland oo ay ka hor jeediyeen khudbado. Baarlamaankaas oo ka kooban 66 xildhibaan ayaa Janaayo 8, 2014 waxay u codeeyeen musharxiintaas madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

Magacyadii musharaxiinta iyo shuruudihii doorashada halkan ka akhri.

Hoos ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda DFS.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas

January 8, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay ee dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhi ah, una dhacday si hufan oo Dimuqraadi ah, waxa uuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub Dr. Cabdiweli Gaas, isaga oo alle uga rajeeyey inuu xilkan culus la garab galo.

“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe ee Puntland oo ah saaxiib aan aad u garanayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inuu ku ammaanayo Cabdiweli Gaas howshii uu horay uga soo qabtay dalka xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dawladdii KMG aheyd.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay madaxweynihii hore Puntland Dr. C/raxmaan Faroole kaalintii uu ku lahaa hirgelinta doorashooyinka iyo xasiloonida, iyo sida uu u aqbalay natiijada codeynta Baarlamaanka oo ah mid muujinaysa mas’uuliyad.

“Waxay aheyd doorasho mugleh oo muujisay biseylka ay Puntland horay ugu talaabsatay dhanka Dimuqraadiyadda, waxayna ku dhacday jawi aad u heer sareeya oo dadka Soomaalidu u riyaaqeen, waxayna muujineysaa in ay dalka ka dhici karaan doorashooyin xor ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo balan qaaday in xukuumadiisu ay la yeelan doonto xiriir dhow iyo wada shaqeyn madaxweynaha cusub ee Puntland, isla markaana ay si buuxda u garab istaagi doonaan.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumada
Muqdisho, Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo noqday Madaxweynaha Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay Soomaaliya.

Muqdisho, 08 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”

“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”

Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.

“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole oo madaxweyne ka ahaa Puntland 5tii sano ee la soo dhaafay islamrkaana fuliyey doorashooyinka inay waqtigooda dhacaan, uuna aqbalo go’aankii codynta”.

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to 
the President of Somalia
Office of the President of the Federal
Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so

Madaxweynuhu yuu matalaa?

$
0
0

Xaqiiqa ahaan madaxweynaha, xildhibaanka iyo wasiirka waxaa loo xushay inuu ummadda wada matalo laakiin dadkeenu waxay sheegaan in madaxweynaha ama xildhibaanka ama wasiirku tolkiis matalo, dawladda ama wasaaradda uu maamulayana ay tahay dowlad ama wasaarad reer hebel laakiin marka la eego dadka badan ee jifo walba usoo safanaya jagada madaxweynenimada ama xildhibaanimada ama wasiirnimada waxaad ogaanaysaa in aan raggaas tolku soo wada dirsan; waayo haddii uu tolku cid soo dirsanayo nin kaliya ayuu soo dirsan lahaa ee rag iyagu isjabiya masoo wada rashaxdeen.

Haddaba waxaa is weydiin leh sababta ay madaxtooyada ama xarunta wasaaradda ugu uruuraan jifada madaxweynaha ama wasiirka cusub, jifada kii laga badalayna uga guuraan?. Maxaase keenay in madaxweynaha ama wasiirka ama xildhibaanku thaqaafada qabiilka ku shaqeeyo kolkuu xilka helo?.

Jawaabtu way sahlantahay; waayo inta badan ninkaan wuxuu ka maranyahay mabda’ iyo fikrad uu hirgaliyo ama dadka ugu baaqo, mana xambaarsana barnaamij shaqo ama hormarineed oo uu dadka ku hoggaamiyo. Waxaa kale oo dhici karta in waxa kaliya ee u kaydsan ee uu fikradda ka haystaa uu qabyaalad yahay.

Way jiraan rag soo bartay nidaamyo kale ama soo maray dhaqamo iyo hiddeyaal kale laakiin waxaa dhici karta in kuwaasi aysan xiliigaan dalkaan iyo dadkaan ka dhexshaqayn karin; sidaas darteed waxa kaliya ee usoo haraya ee suuqa lihi uu noqdo qabiilka iyo qabyaaladda.

Dhinac kale qabyaalad kaliya maahee nin walba wixii uu aaminsanaa ama soo bartay ama sidii dhaqankiisu ahaa intaanu xilkaan qaban way kasoo if baxayaan markuu madax noqdo. Waxaas kasoo if baxaya ha weynaadeen ama ha yaraadeen, wax xun ha ahaadeen ama wax san.

Waxaa kale oo saamayn qofka ku leh hadba dadka ku xeeran oo waxay cabsan yihiin ku daaranaya. Intaa waxaa dheer ninka madaxda ahi wuxuu u baahanyahay dad gar iyo gardaraba ugu nacamleeya, mana helayo cid bilaash durbaanka ugu tunta oo aan ahayn tolkaan la dagay.

Gunaanadkii nin walba isagaa is matala, nin nin matalana ma jiro, anfac gaara oo qabiilku ay ku qabaan oo aan faan iyo anagaa xukuna ahayna ma jiro, aakhirana kaligiis baa su’aasha la weydiin, ninkii xumaan ku taageerayna dambi u gaara ayuu helayaa ee nin walbow naftaa iyo aakhiradaa.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Warsaxaafadeed – Madaxweyne Xasan “Hay’adda Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Somalia.”

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa tibaaxay in: Muqdisho, 09 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xalay ka qeybgalay xafladii xuska sanadguuradii 44aad ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa yiri “Hay’ada Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.”

Xafladan ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Sii Hayaha Xilka
Ra’iisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sii Hayaha
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha ciidamada,
Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo mas’uuliyiin kale. Xafladan oo si
heer sare ah loo soo agaasimay ayaa fannaaniinta Heegan ay ruwaayad
iyo madadaalo halkaas ku soo bandhigeen.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xaflada ayaa yiri “Waxaan hambalyo
u dirayaa dhammaan shaqaalaha Hay’ada Nabadsugida, xaasaskooda iyo
dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo caawa u dabaaldegaya 44 guuradii ka
soo wareegtey maalintii la aasaasay hay’adan muhiimka u ah amniga
nabadeynta iyo xasilinta dalka. Dowladuna waxey ahmiyad gaar ah siisey
amniga oo dhaqaalaheeda kooban ay u hurtay. Waxaan ammaanayaa hay’ada
Nabadsugidda oo sanadkii la soo dhaafay howlo muhiim ah ka qabatay
dalka kana hortegtey falal amni daro lala damacsanaa shacabka
Soomaaliyeed, isla markaana ay ku guuleysteen inay falalkii ka dhacay
maxkamadda iyo xeradii QM ay si deg-deg ah u soo afjareen isla
markaana ay ku wada dileen kooxihii Al-Shabaab ee weerarka soo
qaaday.”

Madaxweynaha ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Garowe oo uu
yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku
guuleystay xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana EEBBE uga baryayaa
inuu xilkiisa u sahlo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey diyaar u
tahay inay wax allaale iyo waxii lala qaban karo Puntland lala qabto,
isla markaana aan si wadajir ah uga wada shaqeyn doono arrimo fara
badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka Federaal looga dhigi lahaa isla
markaana dalka oo dhan loo xasilin lahaa.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii tacsi u direy reerkii, eheladii iyo
dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Abwaan Aw Jaamac
Cumar Ciise oo ku geeriyooday Djibouti. “Aw Jaamac waxuu ahaa qoraa
Soomaaliyeed oo taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed wax badan ka
qoray, waxuuna nooga wada baahanyahay inaan wada xasuusanno oo aan u
wada duceyno.”

-DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
+252615479911 yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Sannad Guuradii 41-aad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo la Xusey.

$
0
0

Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guurada 41 aad ee Aas-Aaska Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyina Gobolka Banaadir  oo ku began 8-da Janaayo ,waxaana ka qayb galey Masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaano, Urarada Bulshada Rayidka, Qaybaha ka duwan ee Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyntii halkaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo   ku dheeraadey qaabkii ay ku Abuurmeen Qaybaha ka duwan ee Iskaashatooyinka isagoo sheegey in Mudadii dagaalada Sokeeye  ay jireen Iskaashatooyinka waxay  ahaayeen kuwa saameeyeen ku yeeshey  Dagaalada , waxaa kale  uu sheegey in maanta wixi ka Dambeeya Iskaashatooyinka  ay yihiin kuwa doonaya in ay ka qayb qaataan Horumarka Dalka  ayna muujiyaan awooda wax soo saar

somali141

Xubnihii sidoo kale halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkow oo  ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka waxaana uu sheegey in  Dhinacooda ay gacan siin doonaa Iskaashatooyinka si kor loogu qaado Aqoontooda sidoo kale waxaa uu u rajeeyey Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir  in ay  ku dadaalaan sidii ay ugu Gudbi lahaayeen heer Qaran

Waxaa sidoo kae Munaasbadaas ka Hadley Gudoomiyey ku Xigeenka Dallada SOSCENSA Liibaan Bile  Xiireey oo sheegey in Dalladda ay soo dhaweyneyso  in marka kale ay soo Muuqdaan Ururadii iskaashatooyinka , waxaana uu balan qaadey in Dallada ay la shaqeyn doonto Ururka Iskaashatooyinka  Gobolka Banaadir.

Ugu Damabeyntii waxaa Munaasabadaas ka Hadley  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa  Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  wuxuuna ugu horeeyntii u Mahadceliyey sidii Iskaashatooyinka Gobolka Banaadiri uga gacansiiyeen Nadaafadda Gobolka Banaadir  sidoo kala waxaa uu uga Mahadceliyey  Doorkii muuqday ee ay ka siiyeen sidii dadkii Abaaraha  dib u dejin loogu sameyn lahaa oo uu sheegey in la’aantood aysan Suurtagali  lahayn  in dadkaas dib u dejin lagu sameyeeyo

Mudane Tarsan waxaa uu intaa raaciyey “ Aduunyada iskaashatooyin ma qabaan laakiin waxay   qabaan wax la yiraahdaa Trade Union oo la mid Iskaashatooyin   iyaga ayaa ah Ururo awood badan oo wax kasta lagala tashado marka waxaan dooneynaa in Iskaashatooyinkeenna  ay la mid noqdaan kuwa Adduunka”

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Soomaalidu Meel ay ku Sugan Tahayba Maxaa Silica Baday?.

$
0
0

Somaali baan ahay, waxaan ka sii ahay Islaam, taasina mahadeeda waxaa iska leh Ilaaheey Subxaanuhu wa-tacaalaa ee Jinsiyaddeyda Soomaali ka yeelay, kolleybase waan filayaa in ruuxna Jinsiyadda uu yahay marnaba aysan baab’eyn walow aad maqasho mararka qaarkood hebel oo haysta Jinsiyadda dal fulaan asalkiisi horesae ahaa Somali ama dal kale, waxayna murti hore u tiri  “waa loo Dhashaa Waddani’ ee la iskama dhigo waddani.

Araarta maqaalkeyga waxaan uga go leeyahay in badan maqalka silica Soomaalida ku haysta dalka dibaddiisa ama gudhiisa oo har iyo habeen ah mid qof kasta uu arkayo ama uu maqlayo,sababtaasina ay igu dhalisay inaan wax ka qoro dhibaatada Soomaalida dibad iyo gudaba.
adaamo42
Sanadkii 2011kii habeen habeenada ka mid ah ayaan dhagaysanayay Idaacadda BBCda oo waraysanaysa Muwaadin u dhashay Soomaaliya oo ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Talaabiib waa Dalka Israa’iile kaasoo sida uu sheegayay muddo dheer ku xirnaa Xabsigaas mar wax laga weeydiiyay cidda madaxweynaha ka ah xiligaas Dalka Soomaaliyana garan waayay isagoo sheegay inuu xabsigaasi galay intii aysan dhicin Xukuumaddii Milateriga ahayd iyadoona xilligaas loo sheegay inuu dalka Madaxweyne ka yahay Shiikh Shariif nin lagu magacaabo markaas oo uu ka codsaday in dawladdaasi ay ka shaqayso sidii looga sii deyn lahaa Xabsigaas mudada dheer uu ku xirnaa…. Waa Silic ka mid ah Silicyadii aan soo sheegay.

Soomaalidu meel ay ku sugan tahayba maxaa Silica baday dabacan waa mid intaa ku koobneyn, dalka Sacuudiga Soomaalida ku sugan dhibaato aan dhamaansho lahayn ayaa haysata kuwo xiran oo la jir dilay, kuwo la dhacay iyo kuwo si dhuumaaleysi ah ku jooga dalkaas oo waagii baryaba ka cabsi qaba in la xiro ama la qabto kaddibna la masaafuriyo waa silic kale oo Soomaalida Sacuudiga ku haysta.

Dalka Koofur Afrika iyo silica Soomaalida ku haysta ka sheekeyn uma baahna heer waxayba gaareen Afrikaanta halkaa joogta ee Cawaanta ah in Soomaalida Nolosha lagu gubo hantidoodana si bareer ah loo qaato.

Koofur Afrika abaalka aan u galnay iyo waxa ay noogu abaal gudday waa Kaaf iyo kala Dheeri oo waa halkii Ninkii Soomaaliga ee Murti yaqaanka ahaa uu ka yiri “Ninyahow Sidaan kuugu Lisay iigumadan Hambayn” waa Silic kale oo Soomaalida halkaa ku haysata Ilaahayow ka samata bixi.

Koofurta Suuddaan iyo wacdarihii ka qabsaday Soomaalida ayaa weli dhegahayaga ka qooyanayaa  Kenya, Tanzania, Musambiig, Angoola iyo meel kastoo caalamka ka mid ah ayaa sidaa Soomaalidu ugu silicsan yihiin.

Bal aynu eegno Dalka Talyaaniga oo in ka badan kumanaan Kun oo Soomaali ah ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah ama inta badan ee Soomaalida Rooma ku sugan waxay ku silcayaan waddooyinka Magaaladaas iyagoon haysan Hu Hooy iyo Hunguriba, waxayna qaarkood  Baakado ku seexdaan waddooyinka magaalada in kastoo waayadan dambe ay degaamaystaan dhismaha Safaaradda soomaalida ee Roome.

Soomaalidan ayaa maalintii u qaraabsi tagta magaalada habeenkiina u soo hoyda Safaaradda dhismaheeda iyagoo intaa ka cabanaya shaqo la’aan  iyo daryeel la’aan halkaa ku haysata waa nooc kale oo ka mid ah Silica Soomaalida adduunka daafihiisa kala duwan ku haysata.

Sanadkii hore ayay ahayd markii Dalka Neder-land ama Holand Soomaali ku sugan ay ka qayla dhaaminayeen diidmadii codsigoodii magan gelya doonka ahaa lagu diiday isla markaana xeryahii ay ku jireen dibadda looga saaray xilli qabow xun uu halkaa ka dhacayay taasoo ugu dambayntiina gabbaad laga siiyay Kaniisad ku taala dalkaasi

Maraykanka oo la is leeyahay inta badana dadku ay ku hamiyaan sidii mar uun ay halkaa u tegi lahaayeen iyagoo qaba fikirka in halkaasi barwaaqo adduun ay taalo ayaa Soomaalida ku dhaqan waxay ku jiraan wel wel iyo silic badan, waaliddiinta iyo caruurtooda ayaa dhibaato kala haystaa, Xaasaska ayaa si taxadar badan u nool, qarax hadduu dhaco wey cabsdaan oo waxa ay is dhahaan armaa la idin qabsadaa, marka aad la sheekeysatana dadka Soomaalida ah ee halkaa ku dhaqan waxay kuu sheegayaan in “Dal aan Dalkaaga ahayn uu Dareen ku Joog yahay

Soomaalida dibadda iyo silica ay ku nool yihiin haddii aan ka hadlay bal aan eego Soomaalida ku dhaqan gudaha iyo silica ay ku nool yihiin, gaar ahaana marka ay timaado wax la’aanta.

Qooysas badan ayaa u dumay wax la’aan, raggii waxa ay ka cabanayaan silic badan oo shaqo la’aantu ay badday, Dhallinyaro ka cabanaysa wax barasho la’aan kuwasoo ka wel wel qaba Mustaqbalkooda, qaar ka shakisan ammaanka oo kuu sheegaya in shaki badan ay ka qabaan sidii ay dalka uga dhax shaqaysan lahaayeen xaaladda amni oo aan wanaagsan darteeda.

Arrimahaas oo dhan ayaa anigu shakhsiyan waxay igu abuureen Yaab aad u fara badan, waxaanan wax iska weeydiiyay Soomaalidu meel ay ku sugan tahayba maxaa Silica baday, maxaa xal ah oo loo qaban karaa, runtii arrimahaas oo dhan waxay igu abuureen dareen aan wanaagsanayn, maxaa yeelay marka uu dadkaagu wada cabanayo ama silicsan yahay asii aadan wax u qaban karin waad la murggootaa murug mooyee wax kale ma jiraan waxaanse oran lahaa Soomaalida dibadaha ku nool ha loo qaaraamo.

Dabacan Qaaraanka ulama jeedo in wax loo Ururiyo balse waxaan ula jeedaa bal talo ha la isugu biiriyo, angana aan bilaabaa waxaan kula talinayaa guud ahaan Soomaalida dibadaha ku silicsan marka hore haddii ay yeelayaan in dalkooda hooyo ay isaga soo laabtaan lama Huraan waa Cawska jiilaaleedee, waxaan kaloo ku caawinayaa in ay iska dhaafaan dhaqanada qaar sida laaluush bixinta, samaynta waraaqaha been abuurka ah iyo wixii sharaftooda, diintooda, dadnimadooda iyo karaamadooda wax u dhimaya, hana ku dheggenaadeen Diintooda sharafta leh iyo hiddahooda ma guuraanka ah.

Ugu dambayntiina Soomaaliyeey bal Soomaalida silicsan talo u soo qaraama waa intaasoo taladaas ay ku aflaxaane.

W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aaddaamo

E-Mail .aadaamo2@hotmail.co.uk

Tel  00252615511863

Qofkii Dareen Naxariis lihi ku jirto ha u Gargaaro Labadaan Gabdhood ee Walaalaha ah.

$
0
0

Ma jirto cid aan ALLE aheyn oo sidii uu doono heli kara ama sameeyn kara aAadamiguna waa mid ka mid ah noolaha la Maamulo.Sacdiyo Macalin Cismaan Macalin Cali oo 13jir ah iyo Naciimo Macalin Cismaan Macalin Cali oo 11jir ah ayaa ku nool xaalad aad u liidata ka dib markii Sanado badan ay la jiifeen Cudur ay ku Dhasheen kaasi oo Daashaday.

Waxa ay Qoyskoodu ku nool yihiin Degaan Miyi ah oo lagu magacaabo Gubad Halalac isla markaana Qiyaastii 50-km dhanka Bari kaga beegan Magaalda Cadaado ee Xarunta Ximan iyo Xeeb. Gabdhahaan Xanuunka la jiifay Sanado badan isla markaana aan la aqoon Cudurka ay qabaan balse loogu yeero oo kaliya Cudurka kor Dil Dilaaca ayaa si fiican u hadli kara una fahmi kara waxa ay u baahan yihiin ama ka jawaabaya wixii la weydiiyo xili ay haboonaan laheyd in ay helaan Caawinaad Caafimaad.
somali142
Aabbe Macalin Cismaan waxaa uu sheegay in ay mudo dheer la Tacaalaayeen Xanuunka haya gabdhihiisa basle xiligaani ay u tabar waayeen latacaalidooda xili uu xusay in aysan awoodin u raadinta adeeg Caafimaad oo dhanka Dibada ah. Aabe Macalin Cismaan ayaa yiri “ Isagaa kaa jecel Beer wax Dhalay Daryeelka Caruurtiisa balse Daruufaha Dhaqaale aawadeed ayaa u diiday Aabbe Macalin Cismaan in uu daryeel Caafimaad u fidiyo Caruurtiisa

sidoo kale Hooyada Dhashay labadaan Gabdhood ee Xanuunsan ayaa sheegtay in taageerida ugu badan ee ay caruurtooda siiyaan ay tahay Saliid Korka u Mariyaan si uu u jilco Jirkoodu hasa yeeshee ay qirtay in mararka qaarkood looba heleyyn Saliidaasi. Waxayna ka Dadka Soomaaliyeed ee wax haysata ka codsatey in ay ila gaar ah ku eegaan si Caruurtooda u helaan Caafimaad

Aabe Macalin Cismaan Macalin Cali oo dhalay labadaan Gabdhood oo xanusanaya ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan la Tacaalidooda xili uu sidoo kale xusay in xitaa aysan cuni karin Raashiinka dadku ay cunaan waxaana uu xusay inay Gabdhanaahu la dhasheen Cudurka Dhibaatada ku haya waxaana uu dhamaan Ummada Soomaaliyeed eek u Nool; Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ,Hayadaha Samafalka iyo Cid kasta oo wax Haysta ka codsaday in laga caawiyo sidii Gabdhihiisa loogu fidi lahaa Adeeg Caafimaad oo Dibada ah maadaama sida ay dhaqaatiiru sheegeen aan wax looga qaba karin Gudaha Dalka Soomaaliya.

Hadaba Ciddii Dooneyso in ay Caawinto Gabdhahaasi ha la xirireen

Aabbe Macalin Cismaan Macalin Cali
Tel 00252615367019
Cabdiweli Macalin Cali
00252615985533
Account Lambar 30104730 Salam Bank

Waxaa soo Gudbiyey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Warqad furan oo ku socota Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed – By Aden A. Colujoog

$
0
0

Dhambaal xambaarsan talo soo jeedin oo si toos ah ugu sacota Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdiweli Sh. Axmed

culujoog

Mudane Ra’isal wasaare,
Marka koowaad iga guddoon salaan diiran oo kal iyo laab ah, salaan kaddib, waxaan Ilaah kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilka culus ee aad dusha u ridatay, marka labaadna, waxaan kuu sheegayaa in magacaabistaadii Ra’isal wasaare-nimo ay igu reebtay dareen isku dhaf ah (mixed feeling), taasoo aan oran karo waxay saameyn ku reebtay qaab qoraalkeyga, qaab u fekerkeyga, iyo xataa wadaniyadeyda (my patriotism) ee ku wajahan waxii aan ka dhihi lahaa Ra’isal wasaare ay soo magacowday dowlad u muuqata in ay tahay fawdo aanan ku dhaqmeyn sharciga dalka u yaala oo markii ay rabto Ra’isal wasaaraha howlgab ka dhigeysa, markii ay rabtana sabab la’aan shaqada ka ceyrineysa!

Mudane Ra’isal wasaare,
Si la mid ah dareenka ay in badan oo Soomaali ah qabaan, marka la eego CV-gaaga, shaki kuma jiro in aad tahay shaqsi leh aqoon iyo khibrad uu waqtigaan adag Soomaaliya ku hogaamin karo oo mudan in magacaabistiisa lagu farxo lana soo dhaweeyo, balse, maadaama ay caado noqotay in madaxweynaha markaas xilka haya iyo sharci-dejiyaasha dalka (Xildhibaano) ayaga oo sharciga dalka u yaala ku tumanaya, danahooda gaarka ahna eeganaya ay mar kasta si sharaf daro ah shaqada uga ceyriyaan Ra’isal wasaare kasta oo ay Soomaaliya yeelato, ayaa markii arrinka dhankaas laga eegana waxay magacaabistaada igu dhalisay tallan (dilemma) oo ah in aan wax kale iskaba daaye mustaqbalkaaga u baqo iyo in ay kugu dhacdo fool-xumadii horay ugu dhacday Ra’isal wasaare-yaashii kaa horeeyay ee sida sharci darada ah ayaga oo xilkooda gudanaya shaqada looga ceyriyay.

Mudane Ra’isal wasaare,
Kaddib markii aan waqti dheer ka dhur sugayay bal waxa uu noqon doono mustaqbalka dadkeyga iyo dalkeyga hooyo, aniga oo isla markaana mar walba rajo fiican ka qabay dowlad kasta oo timaada in ay wax weyn ka qaban doonto soo celinta amnigii faraha ka baxay, dhisidda sharci lagu kala danbeeyo iyo horumarinta mashaariic wax tar u leh umadda Soomaaliyeed, ayaa nasiib daro, ku dhawaad rubuc Qarni (half a century) bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib maanta ay Soomaaliya ku sugan tahay marxalad quus iyo aragax ku reebeysa muwaadin kasta oo Soomaali ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa, waana aragatidaas iyo masawirkaas foosha xun ee Soomaaliya ka muuqda waxa igu beeray in aan goor hore si fudud wax uga soo qori waayo magacaabista xilka Ra’isal wasaaraha ee lagoo magacaabay.

Run ahaantii, dhibka maanta Soomaaliya haysta ma ahan mid ugub ah, balse waxaa jira wadamo badan oo sideena oo kale soo maray duruufo ad-adag qarniyo kala duwan, kuwaasoo wajiyo kala gedisan lahaa.

Sida sooyaal taariikheedka ku cad, dhamaan wadamadii duruufahaas ad-adag soo maray waxaa kasoo saaray hogaamiye isku darsaday daacadnimo, geesinimo, ad-adeyg iyo wadaniyad ay ku dheehan tahay aragti hufan (vision), taasoo aakhirkii wadamadaas dhaxalsiiyay in ay maanta dhanka horumarka dhaqaalaha, aqoonta, teknolojiyada, daryeelka arrimaha bulshada, ciidamada iyo hogaamin wanaagga adduunka uga jira safka hore, dadyowgoodana ay ku naaloonayaan noolal fiican iyo amni la’isku haleyn karo.

Waxa aan kugula talinaayo iyo sida aan u arko xalka Soomaaliya

Mudane Ra’isal wasaare,
Si ay Soomaaliya uga baxdo caqabadda adag ee ay ku jirto, loo helo midnimo umadda Soomaaliyeed, adna uu magacaaga ugu qormo baal dahab ah, waxaan kugula talinayaa in aadan lumin fursadda qaaliga ah ee aad haysato, isla markaana aad ku dhaqaaqdo hergelinta qodobada soo socda oo aan u arko in ay yihiin kuwo ay ku dhici waayeen mas’uuliyiintii adiga kaa horeeyay, qodabadaasna waxay kala yihiin:

I)- Dib u heshiin iyo dib u dejin

Dadka Soomaaliyeed meel uu joogaba waxaa dhex maray dagaal ahli ah (civil war), waxaana qabaa in talaabada meesha ka maqan oo aanan ilaa iyo hadda la’is weydiin ay tahay “maxaa keenay in ay Soomaalida dagaalanto? Haddiise la dagaalamay, maloo baahan yahay in dadka la’isugu yeero oo dib u heshiisiin loo sameeyo, kaddib markii la heshiiyo oo la’isu celiyo waxii hanti ahaa ee la kala dhacay ama la kala qabsaday, waa in dib u dajin loo sameeyo qaxootiga faraha badan ee adduunka ku kala firarsan. Talaabadaas waa muhiim sida aan isleeyay, mana garanayo ilaa iyo hadda waxa dowlad kasta oo timaadaba ay uga meer-meereyso fulinteeda!

II)- Xoreynta Soomaaliya

Marka dhan walba laga eego, waxaa muuqata in uusan dalka Soomaaliya waqtigaan la joogo xor aheyn ee waxaan qabaa in aad ka howl gasho sidii loo xoreyn lahaa. Meelaha u baahan in dalka laga xoreeyo waxaa ka mid ah:

A- Guddoomiye-yaasha gobolada iyo degmooyinka ku teedsan xuduudda uu dalku la leeyahay labada dowladood ee deriska ah waa horay xarko goosteen oo meelo kale ayaa looga taliyaa oo ay ka amar qaataan ee waa in farsamadaad doontaba u adeegsee aad kusoo xirtaa wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

B- Bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, dadka Soomaaliyeed waxaa ka lumay qabkii iyo wadaniyaddii ay waa lahaayeen ee waa in la sameeyo Hay’ad wacyi galineed oo bulshada wadaniyadeeda, qalbigeeda, maskaxdeeda, caqiidadeeda, sharafateeda, qabkeeda, karaamadeeda iyo  sharafateeda dib u soo nooleysa.

C- Waa in wada hadal lala furo mucaaradka hubeysan, lana helo farsamo lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Soomaalida dhexdeeda.

III)- Sii wadid wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Si dalka looga saaro jahawareerka siyaasadeed ee uu ku jiro, midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliyana ay usoo noqoto, waxaa loo baahan yahay in lasii wado wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, waana in wada hadalkaas iyo dib u heshiisiintaas loo maro abuuris shuruuc tiirar adag ku taagan oo ay dib ugu midoobi karaan labadii Jamhuuriyadood ee midoobay July 1, 1960, si aan habooneyna u kala tagay wixii ka danbeeyay sanaddii 1990-kii.

IV)- In la dhameystiro sharciga qabyada ah 

Maadaama sharciga hadda dalka Soomaaliya u yaala uu yahay mid qabyo ah, waxaa lagama maarmaan ah in dhaqsiyo loo guda galo dhameystirkiisa, haddii kale, afarta sano ee xukuumadda hadda jirta loo qabtay in ay shaqeyso waxay ku dhamaan doontaa sharcigaas oo qabyo ah, haddii ay taas dhacdana waxaan ka wal-walayaa sidii la’isu waafajin lahaa qabsoomidda doorashooyinka dhici doona sanadka 2016 iyo dastuurka qabyada ah oo horay loo sheegay in la dhameys tiri doono inta lagu guda jiro afarta sano ee ay xukuumadani jireyso.

V)- Cadeyn ama qeexid shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha 

In kasta oo sida aan qabo uu sharciga Soomaaliya kala qeexayo shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, haddana maadaama ay marar badan soo noq-noqotay cudur bixi waayay oo ah in mar kasta la arko madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha oo qoorta iskula jira, si mushkiladaas hari weysay ee dadka Soomaaliyeed qalbi jabka ku riday, magaca iyo sumcadda Soomaaliyeedna dilay meesha looga saaro, waxaa haboon in sharciga dib loogu noqdo, si fiicana sharciga dib loogu qeexo shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya.

VI)- In sharci laga soo saaro xildhibaankii jebiya sharciga dalka u yaala ama ku kaca fal anshax xumo ah

Marar badan waxaa dhagaha umadda Soomaaliyeed maqlaan, waxaa socda dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, ama waxaa jirta kala xod-xodasho hoose iyo xildhibaanada oo lacago laaluush ah la siinayo si ay qofkii lacag badan siiya u taageeraan!

Mudane Ra’isal wasaare,
Qaab u dhaqankaan xildhibaanada ee ku saleysan “maxaa kaa galay dowlad iyo cadaalad, maad laaluushkaaga iska guratid” qatarteeda ayay leedahay. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Ruqo uu ninkii lahaa gadaal uga fadhiyo ma kacdo!”. Waa la yaabe, dal sharci dajiye-yaashiisii sidaas u dhaqmayaan maxaa laga filan karaa?

Mudane Ra’isal wasaare,
Anigu waxaan qabaa in dib loogu noqdo sharciga dalka u yaala, laguna daro in xildhibaankii lagu arko ama lagu tuhmo laaluush qaadasho iyo ku kicis fal danbiyeed liddi ku ah qaranimada Soomaaliya talaabo cad oo aan naxariis laheyn laga qaado, haddii kale, koley anigu ma garanayo halka ay gaareyso qaranimada wadan ay xildhibaanadiisii sidaas u dhaqmayaan ayada oo aanay jirin sharci qabanayo oo ay ka baqayaan!

VII)- Bur-burinta nidaamka Federaalka iyo kan ku dhisan saami qeybsiga awood dowladeedka qabiilka ee 4.5

Sida aan qabo, labadaan nimaad ee Federaalka (Federalism) iyo kan ay Soomaalida u adeegsato awood qeyabsiga dowladda ee ku dhisan qabiilka ee 4.5 (tribal power sharing), midkoodna Soomaaliya faa’iido uma lahan ee waxaa loo baahan yahay in la bur-buriyo.

Mudane Ra’isal wasaare,
Waan hubaa in aad si fiican uga warqabto oo aad ogtahay in nidaamka Federaalka dowladaha ku dhaqma caalamka ay tiradooda aad u yartahay, ayada oo sababta ay u doorteen kuwa ku dhaqmana ay tahay ayada oo wadamadooda ay ku dhaqan yihiin qowmiyado ku kala gedisan dhinacyada luuqadda, dhaqanka iyo diinta, balse, nasiib wanaag, dadka Soomaaliyeed waa dad tiro ahaan aad u yar oo haddana ku dhaqan dhul qani ah oo ay baaxaddiisu weyn tahay, isla markaana aanay jirin wax farqi ah oo ku kala dhex jira haba yaraatee oo aan qabiilka baas ee lagu saladay ka aheyn.

Sidaas awgeed, waxaan qabaa in dalka loo helo farsamo wanaagsan oo la’isugu keeni karo ama lagu dhaqi karo oo aanan ka aheyn Federaaal iyo 4.5, haddii kale oo laga dhago adeygo in nidaamyadaan qariban meesha laga saarana, waxaa dhici doonta in aanan marnaba xal waara loo helin sidii dalka iyo dadka kala go’go’ay la’isugu soo celin lahaa, ayada oo dhanka kalena lagaba yaabo in ay dib usoo cusboonaadaan dagaaladii sokeeye ee laga soo gudbay.

Ugu danbeyntii, mudane Ra’isal wasaare;  Soomaalidu waxay tiraahdaa “waari meyside war hakaa haro” ee inta ay goori goor tahay oo aad fursadaan Ra’isal wasaare-nimada haysato la imow hab qorsheed hufan oo waxtar u noqon kara umadda Soomaaliyeed, adigana mustaqbalka lagugu xasuusan karo, haddiise aad maanta oo ay umadda Soomaaliyeed dhib weyn qabto una baahan tahay nin geesi ah oo ka gudbiya caqabadaha ad-adag ee ku hor gudban u hiilin weyso, la soco in laga yaabo in laguula dhaqmo si la mid ah sidii loola dhaqmay Ra’isal wasaare-yaashii kaa horeeyay oo ayaga oo aanan wax danbi ah galin howshoodana wata shaqada si xushmad daro ah looga ceyriyay!

Dhambaalkaan waxaa Ra’isal wasaaraha u diray:
Aden A. Colujoog
freelance independent writer
adencolujoog@yahoo.com

Afar Soomaali ah ayaa ku Geeriyoodey Shil Gaari oo ka dhacay Maraykanka, gobolka IOWA

$
0
0

Wiil & Hooyadiis iyo Habaryartiis iyo gabar ay qaraabo ama asxaab ahaayeen oo ku geeriyoodey shil gaari.

Afar qof oo Soomaali ah oo deganaa magaalada Postville ee gobolka IOWA ayaa ku dhintay shil gaari oo Jimcadii (Jan 10, 2014) ka dhacay meel u dhow dhanka Woqooyi ee Magaalada Clermont ee Gobolka Iowa ee dalka Maraykanka, aagga loo yaqaan Fayette County.

Shilkan ayaa ka dhacay Highway 18, waxana uu dhacay 8:46 ee barqanimo kaddib markii ay isku dhaceen gaari ah nooca loo yaqaan Chevy Truck iyo Toyoto Van.

Gaariga ah nooca Toyota Van waxaa watey afarta Soomaalida ah ee geeriyoodey. Gaariga kale waxa uu jiidayey ama sidey caws bundado ah ama aad u tiro badan, sida ka muuqata sawirada hoose.

Gaariga Van-ka ah waxaa wadey Shariff Hussein Warsame (28 jir), waxaana la saarnaa saddexda qof ee la geeriyoodey oo kala ah Miski Yahye Mohamed (34-jir); Khadijo Mohamed (53-jir); Maryan Kulane (25-jir) oo dhammaan deganaa magaalada Postville ee gobolka Iowa. Waxayna ku geeriyoodeen isla bartii shilku ka dhacay.

Gaariga kale labadii qof ee saarnaa waa dhaawacmeen waxaana loo qaday cisbitaal iyagoo ah dhaawac, waxaana magacyadoodu kala yihiin Tony Schlee (57-jir) oo ahaa dareewalka iyo Pamela Schlee (58-jir).

Afarta Soomaalida ah ee geeriyoodey waxay deganaayeen magaalada Postville, Iowa.

Wararku waxay tibaaxeen in baaritaan ay boolisku ku wadaan sidii shilkaasi u dhacay.

Dalka maraykanka waxaa sannad kasta ka dhaca shilal ay ku naf waayaan dad aad u farabadan, tusaale ahaan sannadkii 2012 waxaa shilal ka dhacay Maraykanka ku geeriyoodey dad gaaraya 34,080 qof – (Eeg USA Today ama Wikipea )

Sawirada hoose waa shilkii gaariga, waxaana sawiradaas faafiyey booliska Iowa.

Xuquuqda sawirka: Fayette County Sheriff, xigasho KCCI news

Xuquuqda sawirka: Fayette County Sheriff, xigasho KCCI news

clermont-crash

Photo from the Fayette County Sheriff’s Office, xigasho KCRG news

Allah ha u naxariisto marxuumiinta.

Howlaha ugu muhiimsan ee horyaal madaxweyanaha cusub ee Puntland

$
0
0

Hordhac

abdirisaaqSida lawada ogsoon yahay waxaa 8-dii janaayo 2014-ka madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland loo doortay prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Doorashada ayaa u dhacday si aad iyo aad u saraysa, taasoo soo jiidatay indhaha guud ahaan caalamka iyo weliba soomaaliya. Goobjoogayaashii ka socdey guud ahaan aduunka waxaa ay isku raaceen in qaabka doorashada loo agaasimey ay ahayd mid sharaf weyn iyo sumcad usoo hoydey Puntland iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waxaa isagana amaan iyo bogaadin gaar ah loo soo jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland mudane Cabdiraxmaan Faroole. Waxaana aad loogu amaanay sida sharafta leh oo uu u aqblay natiijadii kasoo baxday doorashada. Madaxweynaha la doortay prof. Cabdiweli Gaas waxaa sugaaya howlo aad iyo aad u balaaran. Haddaba waa maxay howlahaas kuwa ugu muhiimsan? Sidee ayaa ku haboon in loo kala hormariyo? Waa maxay waxyaalaha uu u baahan yahay madaxweynaha cusubi si uu howshiisa ugu guuleysto?

Amaanka guud ee gobolada Puntland

Amaanka guud ee gobolada Puntland ayaa u baahan in si fiican loo sii adkeeyo. Waxaa dhacay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Boosaaso  caasimada ganacsigaPuntland. Waxaa jirey weeraro badan oo lagu qaaday meelo ka mid ah magaalooyinka iyo  goobo kale oo muhiim ah. Meesha u baahan in si wanaagsan amaankeeda xooga loo saaro waa magaalada Boosaaso oo ah magaalada ugu weyn uguna dad badan deegaanka Puntland. Waxaa kaloo jira amni xumo kale oo ka dhaca meelo kale oo gobolka ah. Dhamaan arimahaas waxaa la doonayaa in loo dejiyo qorshe balaaran oo qoto dheer oo wax lagaga qabto.

Middaynta Puntland

Waxaa waayadaan dame khilaaf iyo jahwareer siyaasadeed ka jirey qaar ka mid ah goboladii Puntland wax ka dhisay. Waxaa jira magaalooyin Puntland ah oo maanta aan gacanta dowlada Puntland ku jirin. Waxaa jira deegaano kale oo qarka u saaran iney ka baxaan Puntland. Waxaa jira jira gobolo ka mid ah Puntland balse tabanaaya cadaalad xumo iyo in maamulkii uu ku soo koomay magaalooyin tirsan. Waxaa Madaxweynaha cusub laga doonayaa in isagoo kaashanaaya isimada, dowlada uu dhisi doono iyo shacabka Puntland uu ka shaqeeyo sidii markale Puntland loo mideyn lahaa, loogana gudbi lahaa khilaafyada jira. Waa in laga shaqeeya sidii deegaanada Puntland ay dhamaantood u hoos imaan lahaayeen dowlada Puntland.

Kobcinta dhaqaalaha iyo tixgelinta gobolada oo dhan

Dhaqaalaha guud ee Puntland ayaa ah mid aad hoos ugu dhacsan. Waxaa aad u hooseeya kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka,  dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo weliba suuqyada waaweyn. Waxaa aad u jahwareersan qorshe cashuureedka degan, kaas oo ah mid ay dadweynaha iyo ganacsataduba aad uga cabanayaan. Waxaa jira ganacsato badan oo ka huleelay Puntland, aadeyna gobolo kale si ay faa.iido ganacsi u helaan. Waxaa loo baahan yahay qorshe dhaqaale oo aad looga fekeray kaas oo dan u ah dhamaan dadweynaha Puntland. Qorshahaas waa in saldhigiisu yahay in dadku dareemaan in cashuurta ay bixinayaan iyaga ruuxooda dan u tahay,. Waa in cashuurtu dib ugu noqotaa horumarka wadanka. Waana in dadweynaha reer Puntland loo sheegaa halka ay cashuurtoodii ku baxday. Waana in cashuurtu tahay mid aan dhib dhaqaale u keeni karin qofka ganacsadaha ah. Kolka si wanaagsan loo habeeyo dhamaan cashuuraha kala duwan ee dalka waxaa taasi saamayn ku yeelan doontaa arimaha waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan hay;aadka u shaqeeya bulshada. Waxtarka dhaqaalaha dalku waa inuu gaaraa dhamaan gobolada iyo degmooyinka Puntland. Dowladii hore ee uu hogaaminaayey madaxweynihii hore Dr C/raxmaan Faroole ayaa ahayd mid ku koobnayd magaalooyinka waaweyn ee Laamigu maro. Waxaa dowladaan cusub laga doonayaa in maamulkeeda kobcinta dhaqaaluhu gaaro magaalooyinka yar yar iyo tuulooyinka ka fog laamiga. Arrintani waxaa ay ka mid ahayd balanqaadyadii uu bixiyey madaxweynaha cusub kolkii uu ku jirey ololihiisa tartanka madaxtinimada.

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan

Si horumar la taaban karo iyo dimoqraadiyad rasmi ah loo gaaro waa in laga gudbaa nidaamka beelaha ku salaysan loona talaabsadaa nidaamka xisbiyada ku salaysan. Dowladii hore ayaa arinkaas si deg deg ah ku bilowday balse ma mira dhalin arimo jirey awgood. Nidaamka xisbiyada ayaa waxaa uu u baahan yahay shaqo badan iyo diyaarin xoog leh balse waxaa haatan la haystaa wakhti dheer oo lagu diyaarin karo qorshahaas. Waa in si wanaagsan loo dejiyaa sharciyada nidaamka xisbiyada badan, waa in dadweynaha puntland ee doorashada ka qaybgeli kara la tiro koobaa, waana in hay`ad dowli ah loo xilsaaraa nidaamka xisbiyada badan. Doorashada tan ku xigta waxaa lagama maarmaan ah in lagu galo nidaamka xisbiyada badan. Nidaamkaas ayaa shacabka Puntland waxaa uu u suurtogelinayaa iney doortaan qofka ay doonaan halka haatan 66 wakiil ay madaxweynaha doortaan. Howshaan waa in dowladu la kaashataa hay`adaha caalamiga sida qaramada midoobey iyo ururka midowga yurub. Waa in dhamaan shacabka Puntland loo diyaariyaa nidaamka xisbiyada badan. Waa in loo gudbaa in qofka kartidiisa iyo aqoontiisa lagu doorto lagana gudbaa habka beelaha ku salaysan oo ah mid aad cadaalada uga fog.

Xiriirka Puntland iyo dowlada Federaalka

Puntland waxaa ay ka mid tahay dolwada federaalka ee Soomaaliya. Waana dowlad goboleedka keliya ee u shaqaynaaya sida waafaqsan tastuurka federaalka ah ee soomaaliya. Maxaa yeelay sida uu dhigaayo tastuurku, waa in dowlada federaalku ay ka koobnaataa dowlada goboleedyo. Dowlada goboleedka Puntland ayaa qayb weyn ka qaadatay dhisitaanka dowlada federaalka iyo weliba tastuurka fedraalka ah. Waxaa jira nidaam qeexan oo sheegaaya waxyaalaha ay dowlada federaalku xaqa u leedahay iyo waxyaalaha dowlad goboleedyadu xaq u leeyihiin. Waana in qolo weliba ay waajibaadkeeda fulisaa. Haddii taasi dhacdo waxaa imaanaaya isfaham iyo wada shaqeyn dhex mara dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada. Sanadihii la soo dhaafay waxaa jirey isfaham la`aan ka dhex taagnaa dowlada federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland, taasoo keentay in madaxweynihii hore ee Puntland mudane C/raxmaan faroole uu xiriirka u jaray dowlada federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sh. Maxamuud. Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in xiriir wanaagsani dhexmaro Puntland iyo  dowlada federaalka balse waxaa lagama maarmaan ah iney jirto daacadnimo iyo dhaqan ku salayasan waxqaybsi iyo cadaalad. Madaxweynaha dowlada Federaalka waxaa lag doonayaa in aanu u dhaqmin sidii madaxdii keligood taliyayaasha ahaa ee soomaaliya soo xukumi jirey. Waa inuu Xasan sheekh fekerkiisa balaariyaa  kuna saleeyaa dalka oo dhan. Waa in dhaqaalaha iyo mucaawinooyinka aduunka ka yimaada lagu baahiyaa gobolada soomaaliya ee nabada ah ee puntland ugu horeyso. Waa in mashaariicda horumarineed ee aduunka laga soo helo sida turkiga oo kale laga qaybgeliyaa Puntland. Waa in dhisitaanka kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka iwm lagu baahiyaa gobolada nabada ah oo dhan oo puntland hormuudka ka tahay. Dhisitaanka ciidamada qalabka sida iyo booliiskaba waa in Puntland ku yeelataa qayb lixaad leh. Tababarada ciidamada ee dibada loo aado waxaa laga  hirgelin karaa Puntland tusaale ahaan xerada tababarka ciidanka booliiska ee Carmo iyo xerada weyn ee banaanka magaalada qardho ee gobolka karkaar.  Qaybo ka mid ah ciidamada cirka ee soomaaliya waxaa la degjin karaa laguna tababari karaa garoonka soomaaliya ugu weyn ee ku yaal magaalada Iskushuban. Garoonkaas waxaa isticmaali jirey dowlada talyaaniga kolkii ay soomaaliya joogeen, waxaa kaloo isticmaali jirey ciidamadii cirka ee Soomaaliya. Waxaa uu u baahan yahay dayactir balse waa garoon diyaaradeed oo rabaani ah, waxaana uu qaadi karaa diyaarado aad u badan. Haddii dowlada Puntland ay aragto in cadaalad iyo sinaan ay dowlada federaalku wax ku maamusho, waxaa iyadana waajib ku noqoneysa in ay fuliso waxii waajibaad ah ee laga rabo.

Mahadsanidin 

Qore: C/risaq Maxamed Xuseen. ( ina-xuseen dheere)

Master degree in economics and Business Administration

habdirisak@hotmail.com

Eskilstuna, sweden

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live