Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

R/Wasaaraha Cusub iyo hawsha sugeysa

$
0
0

Ummad walba waxaa sababa in ay horay-ummarto ama dib u dhacdo iraadada Ilahay ka sokow madaxdeeda. Ilaa 12kii sano ee u dambeeyey waxaa laga dhammanwaayey is-qabqabsiga madaxda Soomalida taas oo ragaadisay howlihii qaran burburay. Addunyadu waxay ka yaabantahy waxa aan ka sameysannahay maxaayeelay mid laggaray labana laggaray ee madax kulligood isdoortay hadan dagaalamaysa hal sono kaddib lama arag innaga ka hortow. Laga- soo- bilaabo Abdiqaasim iyo Cali Khalif illa Hassan Sheykh iyo Saacid Somalidu wax yeelatay 10 R/Wasaare, 4 madaxweyne iyo 5 Afhayeenka Barlaman. Intaas waxaa dheer Madaxweynayaal Dowlad Goboleedyo oo midwalba ay wadato Barlamankeeda iyo wasiiro goboleedyadeeda. Intaas oo madax ah oo Soomali horboodeysay muddaas dheer wax ay ka baddaleen xaaladdi Soomaliya nooma muuqato. Waxaan had iyo jeer maqlaa Musharraxa jago hebla’ iyo hebla’ lakiin barnaamij qeexan oo cadna intooda badani sooma bandhigaan kii soo bandhigaan ma fuliyo ee wadadii kuwii hore buu raacaa.

Hadaba maqaalkaan waxaan kula dardarmaya R/Wasaaraha Cusub Cabduweli Sheykh Ahmed oo ah nin caqli, cilmi iyo waayo aragnimo shaqo leh in uu baddalo waddadii xore ee waxtar xumida ku sifowday, soona bandhigo howlaha uu qabanaayo 6 bilood hore,12 bilood iyo 24 bilood ee soo socota taas oo uu kula xisaabtamayo wasiiradiisa Shacabka iyo baarlamankuna kula xisaabtamaan wax-qabadka dowladdisa. Si taas u dhacdo waa in Madweyne Xassan Sheykh ku ekaadaa Madaxtooyada iyo howsha asaga Dastuurku u qeexay oo fargelinta kaddayo howl maalmeedka golaha wasiirda iyo awooda R/wasaarha uu Dastuurku u qeexayo.

abdiweli13

Haddi uu san Madaxweyna Xassan howsha u dayn R/Wasaaraha ma fursan doonto in isqab-qabsigii yimaado waliba waxaan aaminsanhay in uu halsano ka soo hormarayso maxaa jira haddi aan aqaan Cabduweli Sheykh “Shimbirayahow heesa” iyo yeerinta Dammu Jaddid oo aad moodid in dalka xukumaan ma ogolaandoono. Qof, qof lagu badalay wax matarto ee barnaamij iyo fulintiisa ayaa wax tarta. Waxaa la yaab leh madaxda haatan oo ka degiwaayday dayuurado ay u qaadanayaan caasimadaha addunka si ay isula sawiraan rag iyo dumar dalkoodu u dhisanyahay una qaatay in dowladnimadu sidaas tahay ayaa waayahaan dambe Soomaalida hogaaminayey. Addunka madaxdu waa isku sharfaan casumadaha oo dhalashada xilohooda xatta wa kugu casumyaan mar hadday casumaad arkaan madaxda Soomaalidu waliinjada ay diyaarsadaan. Waxaan ka rajeyneynaa R/Wassaraha cusub in uu arrintaas badalo oo xakameeyo safarda dibadda iyo dalalka deriska ah oo lagu sii dhubuqdhubuq leeyahay. Tankale in uu xooga saaro sidii ciidanka Soomaliya loo dhisilahaa maxaa jira amni iyo difaac-toona ciidan shisheeye kuma hirgelinkaro ee ciidan qaran baa hirgelinkara.

Ugu dambeyntii wasiiro laguu xulay qabiil iyo nin jecleysi howl qaranka iyo barnamijyada aad hirgelineysid midna kuuma fulinkaraan ee waa in R/wasaaruhu xushaa dadkiisa uu ku kalasoonyahay in ay karti iyo aqoon u leeyihii howsha uu u magacaabayo. Mar haddi R/Wasaarihiii hore Saacid lagu casilay waxtar xumo waa in aan wasiiradii hore midna ka soo noqon ee la wada casila illaan howsha waa wada wadeen ee Saacid keliya ma ahayn waxtar xumida lagu sheegay. Wax qarsooni ma jiridoonaan oo shacabka Soomaalidu iyo addunkuba waa garankaraan wasiirkii madaxweynuhu keenay iyo kii afhayeenka barlamaanku keenay. Hadday arrintaasi dhacdo Barlamanka Soomalidu marka horaba waa inay u diidaaan kalsonida R/Wasaaraha illan waxba u fulinmayaan wasiiro cidkale keensatay oo ka haybeysanmayaane R/Wasaaraha. Dastuurka, Dastuurka iy Dastuurka halagu dhaqamo Barlamankowna ilaali asagaad ku dhaaratay in aad ku dhaqantid.

CAbdulqaadir Aaden “Jangeli”

Jangelione@yahoo.com


Gudiga gurmadka oo ay horkacaysay mu’asasada al-minhaaj oo kumanaan neef u qaybiyey qoysaskii duufaanta ku cayroobay.

$
0
0

Gudiga gurmadka oo ay horka caysay mu’asasada  ayaa saaka waxaa ay xoolo u qaybiyeen  dadkii Soomaaliyeed ee ku cayroobay roobabkii dabaylaha iyo duufaanta watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland.

Masuuliyiinta  Muss’adda Al-minhaaj iyo Culimo’udiin uu hogaaminayo Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf  ayaa  saakay aaday degaanada ku teedsadn degaanka Qarxis waxaan la socday Issimo , Cuqaal iyo weilba Madaxweynaha Puntland Dr C/raxaam Faroole iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada waxaan ay  goob joog ka ahaa xoolaha loo qaybiyey dadkii cayroobay.

Issimada saaka goob jooga ka ahaa xoolaha loo qaybiyey dadka cayroobay  ayaa waxaa ka mid ahaa  Islaan Ciise , Islaan Maxamed ,Suldaan Siciid Maxamad Garaase ,Suldaan Cabdisalaan Maxamuud iyo issimo kale.

somali113 somali114

Culimada iyo dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay xoolo qaybinta ay waxaa ay u duceeyeen oo mahad balaaran u soo jeediyeen  dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee deeqaha lacagaha soo gaarsiiyey gudiga gurmada culimada iyo Mus’ssadda Al-minhaaj oo muujiyey howl karnimo.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf  oo la hadlayay qaar kamid ah mareegaha soomaaliyeed ayaa waxa sheegay in maalintii shalay ahayd la isku keenay ilaa 15.000 kun oo neef oo Ari ah loona asteeyey ilaa 3 goobood oo ay gudiga gurmadka culimadu ay u asteeyeen.

Goobta ugu horeysay oo maanta lagu qaybiyey xoolaha ayaa waxaa la yiraahdaa degaanka Tabin waxaana la geeyey ilaa 8600 sideed kun iyo lix boqol oo Ari ah, halka tuulo u dhow degaanka Qarxis la geeyey ilaa 5000 kun oo neef , waxaa kale oo jirta goob saddexaad oo la yiraahdo Dabeecadleyna waxaana la geeyey Ari ku dhow ilaa 2000 kun oo neef. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa noo sheegay in maalinta beri ahna ay qaybin doonaa xoolo kale.

Siciid Maxamed Diiriye

smdiiriye@gmail.com

Wargelin Guryo ku yaal Degmada Buulo Burde.

$
0
0

Anagoo kala ah Faaduma Xaaji Muhumad Dooli iyo Ubax Xaaji Muhumud Dooli oo ku kala Sugan Dalalka Ingiriiska iyo Kanada waxay Dadweynaha Soomaaliyeed ku nool Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Degmada Buule Burde ee Gobolka Hiiraan ku Wargelinaynaa in uusan Beec ahayn Guryahooda oo ku yaal Degamada Buula Burde .

Guryahaas ayaa mid Koowaad waxaa uu ku yaal Xaafadda Oktoober , waxaa uu saaran yahay Jidka weyn ee Magaalada Buule Burde Dhex mara ,waxaa Koonfur ka xiga Reer Raage Barrow , Waqooyi waxaa ka xiga Jid, Galbeed waxaa ka xiga Jid , Barina waxaa ka xiga Guriga Reer Xasan Caddow

Guriga Labaad waxaa uu ku yaal Xaafadda Oktoobar. Waxaa Koonfur ka xiga Jid ,Waqooyi waxaa ka Xiga Guriga reer Maxamed Cali,Galbeed waxaa ka xiga Jid , Barina waxaa ka Xiga Jid ,sidaa darteed Guryahaas Dhamaantood ma aha kuwa Beec ah .

Faaduma Xaaji Muhumad Dooli iyo Ubax Xaaji Muhumud Dooli oo ah Milkiilayaasha Guryaha aan kor soo sheegney Waxay Cadaynayaan in Guryahooda oo ku yaala Magaalada Buulo Burte ee Gobalka Hiiraan ay damceen dad in ay gadaan oo aan wax xaq ah ama Dhaxal ah ku lahayn , sidaa Darteed waxaan Dadwaynaha Soomaaliyeed ku wargalinaynaa in qofkii Iibsada Guryahaas Tilmaantooda aan kor ku soo Xusney wixii Dhib ah ee ka yimaada uu qofkaa Masuuliyadeeda leeyahay.

Waxaa soo tebiyey

Amiin Yuusuf

SomaliTalk Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya oo Madaxweynaha DFS ka dalbaday in uu Ra’iisul Wasaaraha Cusub horkeeno Baarlamaanka Arbacada 18ka December

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tibaaxay “ in Gudigga Joogtada ah isku raaceen in maalinnimada Arbacada ah ee Todobaadkan oo ay taariikhdu ku beegantahay 18ka-December (2013) laga codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka horkeeno”.

Warsaxaafadeedka waxa uu u qornaa sidan:

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo go’aamiyey xiliga Baarlamaanka la horkeenayo Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka “SAWIRRO+VIDEO”

Kulankan oo ahaa fadhiga 24aad ee Guddiga Joogtada ah ayaa ka dhacay xafiiska Gudoonka Baarlamaanka waxaana shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo kulankana ay kasoo qeybgaleen Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Qodobbada looga hadlay Shirka Guddiga Joogtada ah oo socday mudo Lix saacadood ah ayaa waxa ay kala ahaayeen:- Ansixinta qorshe howleedka uu Baarlamaanka ku shaqeynayo sanadka 2014, qorsheynta howlaha muddada ka harsan Kalfadhiga 3aad sida muddeynta anisixinta Xukuumadda cusub,anxisinta miisiiniyadda 2014,dhameystirka Hindiseyaasha Sharci ee Golaha yaala iyo qodobbo kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii uusoo gebageboobay kulanka gudigga Joogtada ah ee Baarlamaanka la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Gudigga Joogtada ah isku raaceen in maalinnimada Arbacada ah ee Todobaadkan oo ay taariikhdu ku beegantahay 18ka-December laga codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka horkeeno ayadoo Baarlamaankana uu Madaxweynaha uga mahad celiyey sida uu ugasoo jawaabay codsigii Baarlamaanka ee ku aadanaa dedejinta magacaabista Ra’isulwasaaraha,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka u mahad celiyey Shacabka.

somali116

“waxaan Madaxweynaha ka codsanay inuu Ra’isulwasaaraha horkeeno Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah waxaanna Madaxweynaha uga mahad celineynaa in mudadii uu ka codsaday Golaha Shacabka magacaabista Ra’isulwasaaraha ka hor u keenay waxaanna uga codsanay shacabka markii ay dhacdo Xukuumad kalsooni kala noqosho wel wel ayaa gala Madaxweynaha sida uu codsigeenna u aqbalay waan uga mahad celineynaa,shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celineynaa kalsoonida ay noo muujiyeen waanna u ballan qaadaynaa inaanan waxba ka hagran doonin oo wixii ay noo xilsaarteen aan gudan doonno”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

somali115

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin u diray XIldhibaannada Golaha Shacabka meelkasta oo ay joogaan isaga oo ka dalbaday iney wada yimaadaan magaalada Muqdisho maadaama laga doonayo iney gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horeyso Ansixinta Ra’isulwasaaraha waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanku tilmaamay ka maqnaanshaha fadhiyada noocaan ah ee Baarlamaanka ay tahay Xilkasnimo Darro.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guddiga Joogtada kulankooda maanta ay uga hadleen sida uu Baarlamaanka u dhameystiri lahaa hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka taasina uu guddiga isku raacay in sida hor u tabinta u kala leeyihiin Baarlamaanku uu fulinayo dhameysirkooda.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Taliyihii Ciidmada Amisom ee Soomaaliya oo la Bedeley.

$
0
0

Munaasibad si heer sare loo soo Agaasimay Xilkana ay kula kala wareegayeen Taliyihii hore ee Ciidamada Amsiom iyo kan cusub ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Taliyihii hore ee ciidamada amisom Gen. Andrew Gutti oo xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub Gen Seles ayaa uga warbixiyay wax qabadkiisii mudadii uu hayay xilka  Ciidamada Amisom ee Soomaaliya isagoona sheegay in mudadaas Ciidamada Amisom ay ku tallaabsadeen guulo la taaban karo.

amisoni117Gen. Gutie oo ka tirsanaa Ciidamada Dalka Uganda ayaa xilkaa soo hayay muddo dheer iyadoona xukuumadda Uganda ay ay xilka Amisom soo haysey muddo Todoba Sanno ah iyadoo ay tahay tanina markii u horreeyay oo ciidamada Dalka Burundi ay qabtaan xilkaas.

Munaasibadda oo ay ka soo qayb galeen Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Al-Nadiif , Wasiirka Gaashaandhigga Burundi iyo sii hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Fiqi ayaa waxaa halkaa isaguna ka hadlay Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi isagoona salaan uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyay saraakiishii xilka ku kala wareegtay.

Cabdixakiim sii hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa mar kale halkaa ka ballan qaaday in sanadka cusub ee soo socda dhamaanba ay soo afjari doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada xarakada shabaab.

Ma aha markii u horeeyay oo uu wasiirkaas ka dhawaajiyo in ay soo af jarayaan dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada Xarakada Shabaab in kastoo marar hore uu sidaa yirina haddana ma jiraan wax badan oo arrintaa laga qabtay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk  

Madaxweynaha DFS oo ka hadlay dagaalada Sokeeye ee deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

$
0
0

Madaxweynaha Somalia “Dagaallo beeleedka waa arin aan loo dulqaadan karin, qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa.”

Muqdisho, 17 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo warbaahinta maanta Muqdisho kula hadlay ayaa ka hadlay collaadaha iyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada qaarkood oo uu yiri “ Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinayo, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda.”

xasan117Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”

“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u diray baaq Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qaswadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka uu ka hirgalo dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci. –

DHAMAAD -

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia, Office of the President of the Federal Republic of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Baarlamaanka oo mudo kooban dib ugu dhigay mudada la horkeenayo Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka “VIDEO”

$
0
0

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mudo kooban dib u dhigay mudada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud horkeenayo Ra’isulwasaaraha cusub ee dalka ee uu dhowaan magacaabay Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

abdiweli13

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay saxaafadda ayaa yiri “waxaan doonayaa inaan halkaan kasoo gudbiyo war gudoonka kasoo baxay oo ah ansixinta Ra’isulwasaaraha cusub oo loogu talagalay in maalinnimada berito ah ay dhacdo arimmo farsamo aawgeed dib loogu dhigay maalinnimada sabtida ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegantahay 21ka-December”

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dib u dhacan uu yahay arimmo maamul oo xag farsamo ay u suurtageli weysay in maalinnimada berito ah la horkeeno XIldhibaannada Baarlamaanka Ra’isulwasaaraha cusub sidaasi darteedna kulanka Baarlamaanka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku hor keenayo Ra’isulwasaaraha cusub oo dhici doono maalinta sabtida ah ee soo socota haduu Alle idmo.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Warsaxaafadeed: R.W. Cusub ee la Magacaabay Dr. Cabdiweli Ayaa Cambaareeyey Dilkii Dhakhaaiirta Kana Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan (Sokorliin)

$
0
0

Muqdisho, 19, Dec, 2013..Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Dr, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii axmqanimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho.

Dr, Cabdiweli ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan daro ah oo ka baxsan bani’adantimada, laguna khal khal galinaya amniga.

“Waa fal laga argagaxo oo meelna raad kaga lahayn Islaanimada iyo Bani’aadantinimada, waana wax laga xumaado in weerar noocaas ah lagu qaado dhaqaatiir habeen iyo maalin u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacab ay colaado daashadeen. Waxaa dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka bulshada dhexdeeda magaca ku leh, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaskii iyo qarabaadii ay ka baxeen dhaqaatiirtaas, waxaan sidoo kale la qaybsanaynaa murugada qoysaskooda, iyo asxaabtii ay is jeclaayeen, Eebana waxaan uga baryayaa inuu samir iyo imaan ka siiyo, iyagana Janadii Fardowsa ka waraabiyo” ayuu yiri Dr. Cabdiweli Sh. Axmed
abdiweli13
Dhanka kale Dr. Cabdiweli ayaa tacsi taa lamid ah u diraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuun ilaahay uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii kaga soo biiray golaha baarlamaanka dalka Jabouti sanadii 2009-ka, wuxuuna mudo ku xanuunsanaa magaalada muqdisho.

—DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Sokorlin

Muqdisho, 19 December 2013 – - – - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Xildhibaan Xasan Muxumed Cali (Sokorlin) oo maalmihii ugu dameeyey ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tacsi u diray Guddoonka Baarlamanka, Xubnaha Golaha Shacabka, Ehelkii iyo Qaraabadii uu xildhibaanku ka geeriyooday iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxana uu illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.
Mudane Cabdi Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku tilmaamay xildhibaanka geeriyooday nin ay ku weynayd u adeegidaa dadka iyo dalka Sooomaaliya, islamarkaasina shaqadiisa si hufan u gudan jiray.

DHAMAAD
Cabdirashiid Muuse Siciid
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 31 88 23

Madaxweynaha Soomaaliya “Kuwii ka danbeeyey dilka takhaatiirta waa in sharciga la hor keenaa”.

Muqdisho, 18 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada lahaa ee loo geystey takhaatiirtii Siiriyaanka iyo kuwii Soomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan mid lagu doonayo in sumcada, karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’an in la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celinta sumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyey falka dilka takhaatiirta in sharciga la horkeeno.

Falkan ayaa maanta si arxan la’aan ah loogu dilay takhaatiir oo 3 ka mid ah u dhasheen dalka Siiriya iyo Soomaali isagu jirta oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Siirya uga tacsiyeeyey geerida 3da takhaatiir ee Siiriyaanka oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaan dhanka caafimaadka.

-DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia


Doodda Soomaalida iyo Damaca Shisheeyaha

$
0
0

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Facebook.com/abuuxafsa

Magaciisa waxa la yiraahdaa Mike. Waxa uu yahay macalin jaamacadeed. Waxa uu baraa taariikhda bariga iyo bartamaha Afrika. Waxa uu aad u xiiseeyaa Soomaaliya iyo Soomaalida in uu xog badan ka ogaado. Wax badan ayuu ka akhriyey burburkii iyo musiibadii Soomaaliya ku habsatay. Waxa uu aad ula socdaa astaamihii iyo asbaabihii keenay dagaalkii sokeeye. Illaa iyo haatanna waxa uu isku mashquuliyaa feker iyo ficilba in uu ka sii barto Soomaalida.

Waxa uu maamuus iyo martiqaad ka helay shir Soomaalidu ay qabsanaysay. Shirkaasoo loogu dabaal degayey mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira. Aad ayuu ugu farxay casumaadda uu ka helay Soomaalida heer wejigiisa laga dareemi karayey farxad weyn oo aan horey loogu arag. Weliba waxaa loo sii sheegey qaddar kooban oo uu ku hadlo in la siin doono. Waxaana laga codsadey qaddarkaas mahad-naq iyo bogaatin in uu u soo jeedsho maamul goboleedkaas. Waxaana loo sii sheegey xog farabadan oo ku saabsan maamul goboleedkaas sida meesha uu ku yaalo, inta gobol uu yahay, qabiillada degan iyo inta ay yihiin tirada dadka ku noolba.

Waxaa intaas loogu sii daray dad badani in ay diidanyihiin maamul-goboleedkaas, oo ay ku diidanyihiin qaab qabiil. Waxaana loo sii raacshey magacyada qabiiladaas iyo sababaha ay u diidanyihiin. Intuba waxaa loogu sheegey marka uu istaago si uu usoo daliishado dadkana uu ula wadaago dareenkiisa ku aadan maamul-goboleedkaas. Sababaha kale ee xogtaas loogu sheegey waxaa ka mid ahaa in uu difaaco maamulk-goboleedkaas, kana difaaco dad kale oo Soomaali ah.

Markii uu masraxa soo fuuley makarafoonkana uu qabsaday ayuu Mike la wadaagey dadweynihii Soomaaliyeed ee hor fadhiyey farxadda ku jirtey qalbigiisa. Waxa uu u sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay ka qayb galka shirka lugu casuumey caawa.

Ka dib markii uu dhameeyey hordhicii hadalkiisa ayuu hal mar aamusey. Kolkaas ayuu feker iyo fiiro dheer galey. Fekerkaas oo u ekaa mid ka fiirsasho iyo dib u gurasho ahaa. Waxa uuna jeebka galiyey waraaqihii ay ku qornaayeen qodobadii mahad-naqa, bogaatinta iyo xogtii la rabay in uu la wadaago dadkii shirka isugu yimid.

Waxa uuna yiri, “musiibadii iyo burburkii Soomaaliya waxaa aasaas u ahaa khilaaf ku salaysnaa qabiil. Waxaan go’aansadey qodobadii la ii wakiishey in aan ka hadlo in aan dhinac iska dhigo oo aan abaaro bookta Soomaaliya laga haysto, Soomaaliduna ay ka bukaan, kaasoo aan is leeyahay in uu yahay khilaafka. Qodobo aan is-leeyahay khilaafka ayeey daawo u noqon karaanna, waan soo jeedinayaa.”

Martidii soo buuxisey kuraasta ayaa hal mar maanka, maskaxda iyo muuqaba u soo taagtey Mike. Ninba dareen gooniya ayaa galey. Qaar baa waxay is yiraahdeen mindhaa waxa uu sheegayo ninkaan caddaanka ah dhagta u raaricaya oo dhuuxa. Iyaga oo markaas is dhahaya laga yaabee hadal qiimo idiin leh in uu idiin sheego. Qaar kalaa waxa ay is weydiiyeen sababta uu ninkani uga boodey cinwaankii loo xilsaarey, cinwaan kale oo aan loo xilsaarinna ugu boodey maxay tahay? Dad yar ayaa is weydiiyey sababta markii horeba loo casuumey ninkani maxay ahayd?

“Shan arrimood ayaan idinla wadaagayaa Soomaaliyeey caawo,” ayuu hadalkiisa ku bilaabey Mike. “Qofkii su’aal ka qaba shantaas arrimood waxaan jeclahay in uu su’aashiisa igala xishoon oo uu I weydiiyo. Qofkii u baahan in uu igala doodana, dooddiis diyaar ayaan u ahay.”

Mike waxa uu bilaabey in uu talooyinkiisii mid mid u soo bandhigo, isaga oo codkiisa kor u qaadaya, una arka dadka meesha fadhiya caqli iyo cilmiba in uu dheeryahay maadaama loogu yeerey iyaga.

“Soomaaliyeey,” ayuu yiri Mike. “Qofkiin haddii uu waayo waxa uu rabo, khilaaf ayuu markiiba abuuraa, dhibaato oo dhanna halkaas ayeey ka bilaabataa. Waxaad ogaataan adduunka qofna sida uu wax u doonayo uma helo. Waxaan idin kula talin lahaa sida khilaafka loo maareeyo in aad barataan. Sidaas daraadeed, ka warama haddii madaxdiina loo soo qaado dibadda si loo baro qaabka khilaafaadka loo maareeyo, dabcan waaba loo soo qaadaaye, ka dibna ay ku noqdaan Soomaaliya iyaga oo yaqaana sida khilaafaadka looga hortago, loona maareeyo. Arrinkan waxaa lugu hirgalin karaa iyada oo madaxda Soomaalida safarka loo badsho si siminaaro joogto ah oo ku saabsan xalinta khilaafaadka loo soo siiyo. Tani waxay sahlaysaa in dalkiina uu hormaro, madaxdiinuna khilaafaadka sida loo maareeyo ay bartaan.”

“Soomaaliyeey”, ayuu yiri Mike haddana. “Dalal waaweyn oo dadkooduna idinka tira badanyihiin ayaa yaqaana sida khilaafaadka loo maareeyo loona xaliyo, idinka oo la idinku tilmaamo in aad tihiin 8 milyan sidee u dhici weydey in aad khilaafkiina u xalin weydaan? Innagu haddii aan Soomaali ahaan lahayn, waxaanba noqon lahayn dadka dunida ugu taajirsan, uguna nolosha fiican. Waddankiinu barwaaqo berri iyo badba waa leeyahay. Intaad heshiiska ku tihiin ayaa ka badan inta aad isku khilaafsantihiin. Sidaas daraadeed soo xal ma aha in barwaaqadaas bad iyo berriba taal la idiin ilaasho oo lugu ilaasho ciidamo badan oo caalami ah oo la dhigo baddiina iyo berrigiinaba. Tani waxay sahlaysaa in barwaaqadaas la idiin xifdiyo, oo la idinka xifdiyo. Waxaanba is-leeyahay khilaafka waxaa idiin keeney dhulka weyn oo aad heysataan oo aydaan ka faa’iideysaneen. Haddii dhulkiinu uu yaraan lahaa waad fekeri lahaydeen, ka dibna khilaafkiina wuu yaraan lahaa sababta oo ah dad fekeraya isma khilaafaan. Qorshaha ah in baddiina iyo berriigana la yareeyana waa qorshe dalal iyo dad badaniba ay soo bandhigeen.”

“Labaatan sano ayuu khilaafka dhib mooyee, dheef idiin keeni waayey Soomaaliyeey,” ayuu yiri Mike haddana. “Maad labaatan sano oo kala dambeyn, samir, iyo khilaaf la’aan ah tijaabisaan. Tani waxay ku dhici kartaa idinka oo iska ilaawa cidda ka noqoneysa madaxweyne Soomaaliya. Cidda rabta Soomaaliya madaxweyne ha ka noqoto– Muslim, gaal, nin, naag, Soomaali iyo qof aan Soomaali aheynba. Sheekadaas sheeko laga soo gudbey ha noqoto. Bal fiirsha hadda dalka Maraykanka cidda madaxweynaha ka ah. Waxaan is leeyahay xal baa lugu heli lahaa haddii arrinkaas la sameeyo.”

“Soomaaliyeey,” ayuu yiri mar afaraad Mike. “Kursiga madaxwene-nimada hal qof oo keliya ayuu deeqaa, si khilaafkiinu u dhamaado, ka warama, haddii qof aan Soomaali aheyn uu madaweyne idiin noqdo? Tani waxay keeneysaa sheygii aad isku khilaaf-saneedeen in xal loo helo. Oo dad kale oo aan Soomaali aheyn dhex-dhexaad ay ka noqdaan khilaafkiina. Soo arrinkaas arin macquul ah idin kula ma eka?”

“Ka warama Soomaaliyeey,” ayuu yiri markii shanaad Mike. “Haddii dalka la idinla wadaago oo markaas khilaafaadka la idinla xaliyo. Waxa ay ila tahay sal iyo baar dhibaatooyinkiinu waxa ay isugu soo wada biyo shubanayaan khilaafka. Waxaana u baahantihiin xirfadaha khilaafka lugu xaliyo in aad barataan. Xirfadahaas waxaa kow ka ah in dalka la idiin maalgaliyo, ka dibna xaq lugu yeesho dalka, diinta iyo dadkaba.”

Mike intaa markii uu yiri ayuu si kalsooni iyo deganaan ay ku jirto uga soo degey masrixii. Cidna ma weydiin mana warsan sababta uu u yiri hadalladii uu yiri. Isaga oo si xarago leh u soconayana waa uu ka baxay hoolkii xafladda.

Abaabulayaashii shirka ayaa hal mar ashqaraar ka qaadey hadalkii Mike. Waxayna garwaaqsadeen xaqiiqda dooddooda iyo damaca shisheeyaha. Waxay ogaadeen kaaf iyo kala dheeri in ay kala joogaan iyaga iyo Mike. Waxayna xaqiiqsadeen nabarka shisheeeyaha in uu ka daranyahay, kana xoog iyo xeelad badanyahay nabarka sokeeyaha. Balse waa goormee? Waa xeero iyo fandhaal mar ay kala dhaceen.

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com

Warsaxaafadeed: Madaxweyneha Soomaaliya “Booliska Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad lagu xusaayey sanad guuradii 70 Aad ee kasoo wareegtay maalinkii la aas aasay ciidamadda Booliska Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa wuxuu maanta xariga ka jaray Saldhiga Booilska Afar Irdoodka iyo Commando Polizia ama Taliska Booliska Soomaaliyeed.

somali117

Waxaa salaan uu ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaaliya cutobyo kala duwan oo ka tirsan Booliska Qaranka.” Waxaan idin leeyahay hambalyo, hambalyo. Waa farxad iyo guul usoo hoyotay dhamaan shacabka Soomaaliyeed.“Booliska Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo waxaana maanta ay tahay maalin taariikhi ah. Waxaan Booliska kula dar darmayaa in ay howsha ay hayaan dalka ay laba jibaaraan.”

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa waxaa u baaq u diray in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeyaan dhamaan ciidamadda Booliska iyo kuwa amniga Qaranka.


Wixii Faah-faahin ah kala xiriir Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Malik Abdalla, mabdalla@presidency.gov.so

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Baarlamaanka Soomaaliya oo daahfuray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay baarlamaanka DFS ayaa u qornaa sidan:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha ee Golaha Shacabka ayadoo kulankanna uu Gudoonka Baarlamaanka ku marti qaaday Boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir ayadoo sidoo kalena kulanka ay ku sugnaayeen gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka daahfurka Dhageysiga Guuxa Dadweynaha ee Golaha Shacabka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayey Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka ahna Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Mudane Warsame Maxamed Xasan (Joodax),Afhayeenka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Yuusuf Cusmaan,Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khdubad ka jeediyey furitaanka kulanka ayaa sheegay in kulankan loogu magac daray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha ay ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamaanka ujeedada ka dambeysana ay tahay in Golaha Shacabka uu dhageysto islamarkaana uu ogaado guuxa dadweynaha,dhaliilaha ay Baarlamaanka u hayaan iyo sida ay jeclaan lahaayeen in Golaha Shacabku u shaqeeyo waxaana uu ka qeybgalayaasha ku wargeliyey iney xor u yihiin aragtidooda maadaama ay fadhiyaan Golahooda Shacabka oo qof walba uu ka hadlo waxa uu tabanayo.

“maanta idinka ayaa la idiin dhageysanayaa qof walba maadaama uu fadhiyo kursi Xildhibaan waxa uu heystaa Xasaanad u ogolaaneysa inuu ka hadlo wax walba oo uu tabanayo,wax dhaliillo,talana noosoo jeediyo, waxaan doonayaa inaan halkaan uga mahad celiyo Shacbiga Soomaaliyeed oo aad idinku ugu horeysaan sidii qiimaha laheyd ee ay codsigeenna ugu hogaansameen ee la xiriiray ineey nagu kalsoonaadaan runtii kalsooni ayey noo muujiyeen anaguna Alle wuu nala garab galay gudashada waajibaadkeenna”ayuu ku yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka khudbaddiisa furitaanka.

 

somali118

Markaasi kadib waxaa kulanka ka hadlay shacabkii kala duwanaa ee kasoo qeybgalay ayaga oo si guud uga mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada sida ay dadweynaha ra’yigooda fursad u siinayaan waxaana ay dadweynihii kulanka ka hadlay soo jeediyeen dhaliillaha soo socda ayagoo sidoo kalena soo jeediyey tallooyin:-

In Xildhibaannadu ay joogteeyaan islamarkaana ay badiyaan la socodka xaaladaha dadweynaha ayadoo la kordhinayo booqashooyinka gobollada iyo degmooyinka Dalka.

In Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanku aanay si buuxda u fulin la socodka baahida bulshada iyo la tashiyadadooda ayagoo si gaar ahna dhaliil ugu jeediyey gudiyada Arrimaha Bulshada, dib u eegista Dastuurka iyo Garsoorka waxaana ay soo jeediyeen iney howlahooda laba jibaaraan.

In Xildhibaannada iyo Gudoonka Baarlamaanka ay si deg deg ah ugu kuurgalaan gobollada ay ka jiraan dagaal beeleedyada sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo hiiraan.

Su’aallaha ugu waaweyn ee ay dadweynuhu usoo jeediyeen gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa?

Xiriirka u bilowday Baarlamaanka iyo shacabka masii socon doonaa?

Maxey inta badan xubnaha Wasiirrada ah ee Baarlamaanku ansixiyo dibadda uga yimaadaan?

Baarlamaanka soo soocda ee bedeli doona Golaha Shacabka hada jira ma odayaasha dhaqanka ayaa soo xulaya ?

Yoolka Baarlamaanka uu hiigsanayo 2016 muxuu yahay?

Sidee Baarlamaanka iyo shacabka uga wada shaqeyn karaan la dagaalanka Qabyaalada?

Si loo gaaro 2016 qaab noocee ah ayuu Baarlamaanka ula xisaabtamayaa Xukuumadda?

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka jawaabay su’aallaha ay dadweynaha soo jeediyeen ayaa tilmaamay in yoolka Baarlamaanka uu yahay in dalkan ay ka dhacdo 2016ka Doorasho waxaana uu rajo ka muujiyey Baarlamaanka bedeli doona Golaha Shacabka ee hada jira inuu noqdo mid ay dadweynaha soo doortaan,arrimaha ku saabsan dagaal beeleedyada ayuu Gudoomiyuhu tilmaamay in gudiyo loo saaray ilaa xalayna ay Madaxda sare ee Dalku ka arinsanayeen xalkooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinaca kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay la dagaalanka Qabyaaladda si dalkan ay dowladnimadiisa usii xoogeysatana ay lagama maarmaan tahay in si Soomaalinimo ah ayadoo qabyaalad aan wax lagu raadin loo wada guntado dowladnimada dalka waxaana uu ballan qaaday in la joogteyn doono kulamada noocan ah ee uu Baarlamaanku ku dhageysanayo Guuxa Dadweynaha.

25ka bishii November ee sanadkan ayaa Xildhibaannada Baarlamaanku cod caqlabiyad leh ku ansixiyeen in Baarlamaanka bishii hal jeer uu qabto kulan uu ku dhageysanayo guuxa dadweynaha ayadoo kulanka daahfurka Dhageysiga Guuxa dadweynaha ee maantana uu kusoo gebageboobay jawi wanaagsan waxaana xubno u hadlay maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka ay aad u ammaaneen qabashada kulamada uu Baarlamaanku kula soconayo rabitaanka shacabka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyey Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub

$
0
0

Warsaxaafadeed: Baarlamaanka oo cod Caqlabiyad leh ku ogolaaday magacaabista R.wasaare Dr. Cabdiwali

Muqdisho, December 21, 2013—–Golaha Baarlamaanka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod Caqlabiyad leh ku ogolaaday magacaabista Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Axmad Maxamed, waxaana kulankan oo ay soo xaadireen 246 Mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka hor inta aan la qaadin codka kalsoonida, ka codsaday xubnaha Baarlamaanku inay codkooda kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali, wuxuuna madaxweynuhu xusay inuu u arkay Dr. Cabdiwali shaqsiga mudan inuu hogaamiyo golaha Fulinta, maadaama uu yahay shaqsi aqoon iyo waaya aragnimo u leh siyaasada iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed ayaa la hadlay xubnaha Baarlamaanka, ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida, wuxuuna ka codsaday inay codkooda siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad dalka ka samatabixisa caqabaddaha hor yaala.

Golaha Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntiina, siiyay codka kalsoonida, waxaana haa u codeeyey 239 Mudane, halka ay diideen 2 mudane, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ansax yahay Mudane Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed.

somali119

Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed ayaa lagu dhaariyay golaha Baarlamaanka hortooda, iyadoo sida caadada ahna lagu dhaariyay kitaabka Qur’aanka kariimka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed ayaa uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka kalsoonida ay siiyeen, isaga oo u balan qaaday wadashaqeyn dhow inuu la yeelan doono, isaga oo dhanka kale xusay inuu soo dhisi doono gole Wasiiro oo ballaaran, isla markaana ku dhisan karto iyo aqoon.

Khudbada Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali uu ka hor jeediyay Golaha Baarlamaanka waanu idiin soo direynaa, iyada oo dhameystiran Insha allah
Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Cusub ka jeediyay Golaha Baarlamaanka

$
0
0

Munaasabadda Ansixinta iyo dhaarinta Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad waxaa ka jeediyey ra’iisul wasaaraha cusub… 

Warsaxaafadeed: 

Khudbadda His Excellency Abdiweli Sheikh Ahmed,
Raiisulwasaaraha Jamhuriyadda Federalka Somalia
Munaasabadda Ansixinta iyo dhaarinta R/wasaaraha

abdiweli13Muqdisho 17/12/2013

Bismillahi R’axmani R’axiim.

Mudane Guddoomiye,

Guddoomiye ku xigeenno,

Xildhibaannada sharafta leh,

Masuuliyiinta iyo marti sharafta kale

Assalaamu Calaykum Warraxmatullahi Wabarakaatuhu

Alankiiaa aha, alankii arlaada aha, jameecadiya ha ku jeeda, saacadun walaagi ka bilowda elbaabkey siin furanya sommali dhanna in furan ya. Salaan badanaa siin salamahaya waana mahadsan tiin.

Waxaa maanta sharaf weyn ii ah inaan hortiinna imaado si aan u helo codkiinna kalsoonida aad ku ansixinaysaan magaaabista uu Madaxweynaha Jamhuuriyaadda Federaalka Somalia ii magaacabay xilka Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federalka Somalia.

Golahani oo ah golaha sharci dejinta oo metala shacabka Somaliyeed kuna dhaqmaya awoodda uu siiyey dastuurka.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Haddii aan helo kalsoonidiina maanta, waxaan ballanqaadayaa inaan noqdo raiisulwasaare soo dhisa xukuumad ka ballaaran tii ka horreeysey, xukuumaddaas oo leh tayo aqooneed, hufnaan, karti waxqabad iyo matalaad shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Aragtida xukuumadda aan soo dhisi doono, haddii aan helo kalsoonidiina, waxaa saldhig u ah abuurid soomaaliya cusub oo nabad ah, kula nool nabad iyo xushmad deriska iyo dunida kalaba. Soomaaliyada cusub waxay ku dhisan doontaa diimoqraadiyad ku salaysan hanaanka federaalka. Aragtidaas waxaa saldhig u ah lixda tiir ee siyaasdda uu hoggaminayo dalka Madaxweynaha JFS

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Dhibaatooyinka iyo caqabadaha dalkeena haysta ama hortaagan maanta waad la wada socotaan haddii ay tahay xag nabadgelyo, siyaasad, ijtimaaci, baniiaadnimo iyo ku fidinta awoodda dowladeed degmooyinka iyo gobollada.

Ujeedada guud ahaan ee dowladda waa dhisid qaran ku dhisan sharci, kala dambayn iyo mabaadii’da dowlad wanaagga si waafaqsan dastuurka ku meel gaarka ah iyo xeerarka dalka, kobcinta dhaqalaha iyo kor u qaadista dakhliga dowlada iyo ilaalintiisa, dib u heshiisin dhab ah, tayeynta Ciidamada nooc kaste oo ay yihiin, baabi’inta caddaalad darada iyo dib-ula soo noqoshada qaranimada Soomaaliyeed.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Ujeeddoyinka aan soo sheegay waxay ku salaysan yihiin ayadoo la lafaguray, lana tixgeliyey xaaladda hadda dalku marayo iyo hiigsashada barnaamijka ina gaarsiin kara 2016. Mudnaanaha lagu gaarayo ujeedooyinkaas oo aan ku tifaftiri doono barnaamijka xukuumadda aan golahaan soo hordhigi doono haddii kalsoonidiina is siisaan maanta, haddii eebbe idmo, waa sida soo socota:

1. Sugidda Amniga iyo xasilinta Dalka. 

Xukuumadda aan soo dhisayo waxa ay mudnaanta kobaad siin doonta xooggana saari doontaa sugidda amniga iyo xasilinta dalka taas oo aan la’aanteed aanay suura galayn wax horumar ah, dhaqaale kobcin iyo adeeg bulsho. Siyaasadda amniga ee xukuumadda aan soo dhisayo waxay ku slaysan thay la dagaalanka argagixisada, xagjirnama, burcad badeedka, khilaafaadka hubaysan ee beelaha, burcadnimada iyo falalka kale ee qaranimadeena wax yeelaya (crimes against the state) Si ujeedooyinkaas looga gun gaadho waxay xukuumaddaydu ku dhaqaaqi doontaa haddii eebbe idmo:

· Dib-udhiska ciidamo muuqaal qaran leh, ha noqdaan kuwa nabadgelyada boliiska, asluubta iyo xoogga dalka sommaliyeed kuwasoo oo hanan kara kalsoonida shacabka Soomaaliyeed kuwasoo tayeysan, tababran hoggan suubanna leh.

· Waxay xukuumaddu u hawl gali doontaa agaanshaha tirada iyo tayada ciidamada aan xusay ee hadda jira. Xukuumaddu waxay joogtaynaysaa waxa allale wixii xuquuq ah ee ay mudan yihiin ciidamada.

· Xukuumaddu waxay dib u habaynbaysaa hayadaha amniga heerarka kala duwan. Hayadahaas waxaa saldhig u noqon doona shaqo qaybsi cad, wada shaqayn dhab ah, laxisaabtan iyo u adeegidda bulshada

· Xukuumadaydu waxay ku dhaqaaqaysaa hub ka dhigista iyo dhaqan celinta malleshiyaadka ayadoon la aqbali doonin ciidamo hubaysan oo ka baxsan ciidamda qalabka sida ee dowladda.

· Sidoo kale xukuumaddu waxay qorshe u dejin doontaa in ay gacanta ku dhigto aagagga ay ku sugan yihiin xoogagaga nabad diidka nooc kastoo ay yihiin anagoo kaashanayna saaxiibdayada AMISOM iyo beesha caalamka.

· Xukuumaddu waxay la shaqaynta doontaa dhamman qaybaha bulshada, si ay gacan wax ku ool ah uga gaystaan sugidda amniga iyo xasalinta dalka taasoo dantoodu and tan dalkuba ku jirto.

· Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay soo dhawayso cid allale ciddii ka soo noqonaysa xagjirnima oggolna jiritaanka qaranimada soomaliyeed iyo ku dhaqanka diinteena suuban ee saxda ah.

· Xukuumaddu waxay wacyi gelin doontaa dhallinyarada fekerkooda la khalday waxayna u fidin doontaa gacan horumarineed sida tababar xirfadeed, fursado shaqo iyo wixii kale ee ku dhiirigelinaya in ay ku soo biiraan bulshadoodii.

· Xaga amniga Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay xoojinaynaa Iskaashiga iyo wada shaqaynta dalalka deriska iyo beesha callamka.

Dhaqaalaha:

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Haddii aad isiisaan codkinna maanta xukuumadda aan soo dhisi doono waxay noqon doontaa mid ku shaqaysa siyaasad furfuran oo dalka u horseedi karta koboc dhaqaale taasoo door weyn ka qaadanaysaa dib-udhiska iyo xasilinta dalka. Si aragtidaasu u hirgadsho xukuumaddu waxay ku dhaqaaqi doontaa tallaabooyinkan.

· Diyaarinta shuruucda iyo siyaasadaha lagu maamulayo dhaqaalaha iyo maaliyadda oo tifaftiran oo ay ka mid yihiin xeerarka iyo siyaasaha canshuur ururinta, maareynta daklinga dowladda iyo maalgelinta.

· Xukuumadaydu waxay u hawl geli doontaa dhisidda iyo tayeynta hayadaha lafdhabarka u ah dhaqaalaha iyo maaliyadda sida bankiga dhexe, hantidhowrka guud, xisaabiyaha guud iyo hayadaha kale ee lagamamarrmaanka ah.

· Xukuumaddu waxay dhiirigelinaysaa waxsoosaarka iyo suuqgeynta beeraha xoolaha iyo kallunumysiga si kor loogu tayada nolosha dadweynaha.

· Xukuumaddaydu waxay abuuri doontaa mashaariic keeni karta shaqo abuur ayadoo looga faaiideynayo shacbiga gaar ahaan dhalinyarada, haweenka iyo barakacayaasha dalka gudihiisa.

· Xukuumaddu waxay dhiirigelinaysaa baarista iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka ayadoo laga baaraandegayo qaabka ugu haboon ee lagu gaari karo ujeedadaas waafaqsana shuruucda.

· Xukuumaddaydu waxay fulin doontaa barnaamijka “New Deal compact programme” iyadoo la sugayo tayada barnaamijka si shab ahana loola xisaabtamayo hayadaheena u xilsaaran iyo deeqbixiyayashaba.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Ujeeddada xukuumadayda ee ku aadan arrimaha dibedda waxaa sal u ah soo celinta siyaadada iyo sharafta dalkeena. Si loo gaaro gaaro taa:

· Xukuumadaydu waxay ku shaqayn doontaa siyaasad furfuran oo ku dhisan is ixtiraam, is xaqdhawrid iyo faragelin la’aan.

· waxay wada shaqayn buuxda la yeelan doontaa dhammaan dunida gaar ahaan dalaka aynu saaxiibka nahay iyo ururada aynu xubinta ka nahay.

· Xukuumaddaydu waxay dhowri doontaa dhamman heshiisyadii hore loo galay hadii ay waafaq san yihiin dastuurka iyo shuruucda dalka.

· Xukuumaddu waxay tayeyn doontaa adeegyada diblomaasiyadeed ee qaranka.

Siyasadda Arrimaha Gudaha

Hawlaqabadka xukuumadayda ee arrimaha gudaha waxaa bartilmaameed u ah dib-u-heshhissin dhab ah, xiriir wada shaqayn ee u dhexeeya gobollada iyo dawladda oo ku dhisan hannanka federaalka iyo higsashada doorashooyin xor ah.

· Xukuumaddu waxay ka shaqayn doonta sii xoojinta iyo horumarinta haykalka dawliga ah iyo kan dastuuringa waxayna si dhaqsa ah ugu hawlgalaysa soo jeedinta dhismaha guddiyada dastuurku idmay ee aan weli la dhisin.

· Xukuumadaydu waxay soo jeedinaysaa dib u eegista dastuurka qabyada ah waxayna diyaarin doontaa aftida loo qaadi doono dastuur dhamaystiran dhammadka 2015

· Xukuumaddu waxay soo jeedin doontaa shuruucda lagu maamulayo qabashada doorasho xor ah oo madax bannan sannadka 2016.

· Xakuumaddu waxay horseedi doontaa gaarsiinta dalka hanaanka federaalka ayadoo lagu dhaqmayo dastuurka iyo shuruucda dagsan

· Xukuumaddu waxay u hawlgeli doontaa helitaanka hannan xiriir iyo wadashaqayn ka dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulada gobolada ayadoo loo marayoo wadada wada tashiga.

Arrimaha Bulshada:-

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Haddii aad codkiinna maanta I siisaan; waxa aan soo dhisi donaa xukuumad kor u qaadda adeegga bulshada dalka.

Siyaasadda xukuumadaydu waxay noqon doontaa in la gaarsiiyo shacbiga Soomaaliyeed adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, isboortiga shaqo abuurista iwm. Si taa loo gaaro xukuumaddu waxay ku tallabsanaysaa

· Gacan ku soo celinta, dib u-dhiska iyo tayaynta xarumaha adeegyada bulshada sida isbitaalada, waxbarashada iyo isboortiga

· Dib-u-habaynta shuruucda saameysa dhammaan laamaha adeegga bulshada.

· Dib u-dhiska iyo dib-u-habaynta hayadaha adeega bulshada ha noqdaan kuwa dowladda iyo kuwa gaarka ahba

· Xoojinta iskaashiga adeegga bulshada ee aynu la leenahay dunida iyo toosinta maamulkooda.

Kobcinta kaalinta qaybaha bulshada. Xukuumaddu waxay ka hawlgeli doontaa

· Xoojinta kaalinta ururada bulshada rayidka ah, haweenka, dhallinyarada iyo naafada ay ka qaadanayaa arrimaha siyaasdda, mujtamaca iyo dib-udhiska dalka iyagoo u madax bannaan hawlahooda.

· Xukuumaddaydu waxay fiiro gaar ah u yeelanaysaa waxna ka qabanaysaa dhowrista xuquuqda kooxaha jilicsan ee bulshadeena sida haweenks, caruurta, da’ weynta naafada iwm

· Xukuumadda waxay hawlgelinaysaa guddiga madaxa bannan ee xuuququ insaanka

· Xukuumaddaydu waxay kor u qaadaysaa kaalinta oday dhaqameedyada, culuma-u-diinka iyo indheer garadka. Sidoo kale xukuumaddaydu waxay dhiirigelin doontaa warbaahinta xorta ah oo ku dhisan dhaqan saxaafadeed suuban (code of conduct)

· Xukuumaddaydu waxay balan qaadaysaa inay difaacdo xuquuda shaqaalaha iyadoo dib u habayn doonta oo dhaqan doonta shuruuc ku saabsan arrintaas

· Xukuumada waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib udejinta barakacayaasha gudaha, isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareenta habsami u soo noqoshada iyo dib u dejinta qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddisa

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Addeegga Garsoorka: Dowladda aan dhisi doono haddii aad i siisaan codka kalsoonida waxay ku dadaali doontaa inay xaqiijiso in muwaadhinku helo adeeg garsoor oo ku dhisan caddaalad cid walba u siman tahay qofna qof kale ka sarayn qanuunka hortiisa. Si taa loo gaaro,

· Waxay xukuumaddaydu dib u habayn doontaa si dhaqsi ah kaabayaasha garsoorka sida maxkamadaha, xeer ilaalinta, booliiska dembiyada baara, xabsiyada iyo xubnaha garsoorka.

· Xukuumaddu waxay xuli doontaa garsoorayaal caddaalad ku shaqeeya oo lagula xisaabtamo hufnaatooda ayadooxukuumaddaydu aqoonsan kala qaybsanaanta awoodaha qaranka (separation of powers) sida ku qeexan dastuurka.

Deegaanka iyo Biiadda.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Waxaad la socotaan xaalada murugada leh ee ay sugan tahay bii’adeena taasoo ay tahay in deg deg wax looga qabto. Xukuumaddada, haddii aad kalsoonida i siisaan waxay soo jeedin doontaa shuruucda ka hortagga xaalufinta deegaanka iyo bii’adda.

Deegaameynta Hayadaha Dowladda

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Xukuumaddaydu haddaad I siisaan kalsoonida waxay qorshe u dejinaysaa in hayad waliba ku noqoto xarunteedi hore. Arrintaas oo fududeynaysa gaarsiinta adeegyada degmooyinka kala duwan ee dalka islamarkaana wax weyn ka beddeli karta arrimaha la xiriira nabadgelyada.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Waxaan intaas kusoo koobayaa aragtidayda siyaasadeed ee xukuumadda aan si dhisi doono ay ku shaqayn doonto haddii ay hesho kalsoonidiina.

Waxaan mudanayaal idiin ballanqaadayaa haddi ilaah idmo in xukuumaddaydu noqoto mid fulisa dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee uu ansixiyo golahaan.

Waxay xukuumaddaydu noqon doontaa mid u dhega nugul kormeerka iyo la xisaabtanka (oversight and accountability) ee golahani xaqa dastuuriga ah u leeyahay.

Waxay si dhaw ula shaqayn doontaa xukuumadeydu guddiyada kala duwan ee baarlamaanka si loo dedejiyo mashruucyada sharciyeed iyo heshiisyada xukuumaddu hor keeni doonto golihiinaan sharafta leh.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

waxaan si xushmad leh idiinka codsanaynaa in aad I siisaan iiguna deeqdaan kalsoonidiina buuxda si aan u soo dhiso xukuumadda iyo barnaamijkeeda aan idiin horkeeni doono sida ugu dhaqsiiyaha badan.

Waad mahadsantihiin, WABILLAHI TOWFIIQ

20 ka December 2013

Mudane: Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed
Riisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya

Ansixintii Baarlamaanka ee Ra’iisul wasaaraha Cusub.. AKHRI…

Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo isku haysta Qaabka loo Dhisayo Maamul Goboleed.

$
0
0

Iyadoo weli shirkii Maamul u samaynta Gobolada Koofurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo uu halkaa ka soconayo ayaa haddana siyaasiinta ku kala aragti duwan yihiin furnaanshaha shirkaas.Xildhibaan Maxamed Ibraahm  Xaabsade oo ka mid ah xildhibaano dhawaan halkaa booqday isla markaana dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in shirku uu si habsami ah halkaa uga soconayo isla markaana ay ku dhan yihiin ergadii ka qay galaysey.

Xildhibaan Afaraale oo ka mid ah isaguna Xildhibaanada halkaa booqday ayaa sheegay in shirku haatan u gudbay wejigiisa labaad isla markaana la filayo dhawaan in la soo gaba gabeeyo.Xildhibaan Afaraale ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay gacan ka gaysato sidii shirkaas Maamulka loogu samaynayo Gobolada Koofureed uu u taaba geli lahaa.somali120

Xildhibaan Muqtaar Cali oo isaguna ka mid ah xildhibaanada booqday Gobolka bay gaar ahaana Magaalada Baydhabo ayaa meesha ka saaray in wax shir la dhahayo oo Baydhabo ka dhacay inaysan jirin,Xildhibaankan ayaa sheegay in ay soconayaan qaban qaabada shirka rajana uu ka qabo in dhawaan uu halkaa ka furmi doono haatanse aysan jirin wax shir ah oo soconaya.

Shirka maamul u samaynta Gobolada Koofureed ayaa muranka u weyn oo ka jira waxa uu yahay isku haysiga in lix Gobol lagu saleeyo Maamulka iyo in Seddax Gobol lagu saleeyo, aragtiyadaas oo ay kala wateen Shiikh Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan. Oo labaduba soo maray Guddoomiyanimada Baarlamaankii ku meel gaarka  ahaa.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si wyn uga soo hor jeeda in Soomaaliya ay qaadato Nidaamka Federaalka , iyagoo sheegey in Federaalka uu yahay mid Ummada Soomaaliyeed u Horseedaya Dagaalo Hor leh sida haatan laga dareemey qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed kuwaa oo sku dilaya qaab beeleed, ayna ku dhinteen  Dad fara badan , kuwa kalena ay ku dhaawacmeem , iyadoo sidoo kale ay ku barakaceen Kumanaan dad iyaga iyo Xoolahoodii

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Hambalyo u siray Ra’iisul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in “Ra’iisul Wasaare Heilemariam ugu hambalyeeyey dhiggiisa Soomaaliya xilka loo magacaabay”, waxana uu sidaas ku caddeeyey warqad uu u soo diray 17ki December 2013 oo hoos ku lifaaqan. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhanbaal hanbalyo ah ka helay dhiggiisa Ethiopia

Muqdisho, Dec, 22, 2013…..Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamuud ayaa dhanbaal hambalyo ah ka helay dhiggiiisa dalka Ethiopia mudane Hailemariam Desalegn, waxana warqadda hanbalyada ah ku aaddan tahay magacaabistiisa iyo ansixintiisa ee xilka Ra’iisul Wasaarenimada Soomaaliya.

Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dowlada iyo kan shacabka Ethiopia, ayuu Ra’iisul Wasaare Heilemariam ugu hambalyeeyey dhiggiisa Soomaaliya xilka loo magacaabay, isagoona u rajeeyey in uu ku guulaysto howlaha ballaaran ee horyaalla. Mudane Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu filayo in hoggaanka mudane Cabdiweli Sheekh Axmed uu sii xoojin doono xariirka saxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

itoo

—DHAMAAD–

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director of the Office of the PM
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so


Kulan Wada Tashi ah oo ku saabsan samaynta Hab-Raac Cad oo Jilayaasha aan Dowliga ahayn uga qaybqaadan karaan howlaha Sharci u samaynta Dalka.

$
0
0

Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENSA)

War-saxaafadeed:
23 December, 2013
Maanta oo ay taariikhdu tahay 23ka December 2013 waxay Daladda SOSCENSA ku qabatay Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdiso kulan wada tashi ah oo ku saabsan samaynta hab-raac cad oo Jilayaasha aan Dowliga ahayn uga qaybqaadan karaan howlaha sharci u samaynta dalka.
Kulaankaas oo ay ka soo qaybgaleen xumno ka socda qaybaha bulshada Jilayaasha aan Dowliga ahayn sida: Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo xirfadleyda.

somali121
Shirkaan ayaa waxaa looga dooday sadex qodob oo kala ah:
1) Sidee bulshada Soomaaliyeed talo iyo aragti cad ugu yeelato sharciyada dalka loo samaynaayo, heerkee loo baahan yahay in laga talo geliyo afarta marxaladood ee uu uu maro samaynta sharciyaddu?

2) Sidee ururada bulshada rayidku u heli karaan hab-raac iyo qaab cad ( clear mechanism) oo ay uga qeybqaataan howlaha sharci u samaynta dalka?

3) Maxay ururada bulshada rayidku u baahan tahay yeyse tahay in ay kala xirrito marka sharci la samaynaayo?

Dood dheer iyo falanqeyn ka dib, waxay ka qaybgalayaashasoo jeediyeen talooyinka soo socda:

Waxaa ururada bulshadu ugu baaqayaan dowladda Soomaaliyeed iney bulashad Soomaaliyeed ka talo geliyaan samaynta sharciyadda

1. In baarlamaanka dalku sharci ka dhigo in la sameeyo latashi dadweyne ka hor ansixinta sharci kasta.

2. In hay’add kasta oo hindise sharci samayneysa ay latashi layeelato bulshada Soomaaliyeed ee sharcigaasi saamaynta ku yeelan doono hor inta aan loo gudbin baarlamaanka.

3. In bulshadu yeelato hab waxtar leh oo lawada ogyahay oo ay uga qeybqaadato dejinta sharciyadda dalka.

4. In Bulshadda Rayidku la yeelato xiriir wanaagsan dhamaan hay’adda ku lugta leh dejinta sharciyadda dalka.

 

waxaa soo tebiyey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

UNSOM Warsaxaafadeed: Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo mar kale ku baaqay doorasho hufan oo ka dhacda Puntland

$
0
0

WARSAXAAFADEED DEGDEG AH

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo mar kale ku baaqay doorasho hufan oo ka dhacda Puntland

Muqdisho, 24 December 2013 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa mar kale ku baaqay doorasho dhacda waqtigii loogu talagalay iyo geeddi-socod siyaasadeed ee lagama maarmaan ay tahay in lagu gaaro baarlamaan cusub oo ay Puntland yeelato sannadkan iyo doorasho madaxweyne oo dhacda 8da January 2014.

“Iyadoo ay doorashu soo dhowaanayso, murankan siyaasadeedna uu noqonayo mid sidii hore ka sii kulul, waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharaxiinta iyo dadka ay arrintu khuseyso, gaar ahaan odey dhaqameedyada soo jireenka ah, inay wada shaqeeyaan diyaarna u ahaadaan in mararka qaarkood ay isu tanaasulaan oo meel dhexe isugu yimaadaan, haba ku adkaatee,” ayuu yiri Md. Kay. “UNSOM wuxuu taageeray dadaalka loogu jiro dhexdhexaadinta iyo wadatashiga tan iyo inta uu socday geeddi-socodka, anigana waxaan weli rajeynayaa in musharaxiinta dhammaantoodu ay u heellanyihiin doorasho nabad ah oo hufan.”

Md. Kay wuxuu dhammaan dadka ay arrintu khuseyso ku dhiirigeliyay inay iskaashi buuxa la yeeshaan Taliyaha Ciidaanka Daraawiishta Puntland, Janaraal Saciid Maxamed Xirsi Dheere, oo ka mas’uul ah amaanka doorashada, wuxuuna ku booriyay dhammaan musharaxiinta inay u ololeeyaan si nabad ah si loo taageero doorasho nabad ah.

Sidoo kale, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay in dhammaan musharaxiinta madaxweynenimo loo dammaanadqaado inay si xor ah ay u socon karaan, dadkoodana u ururin karaan, amaankooda la sugo, ayna si sinaan ah ay ku heli karaan warbaahinta.

“Waxaan sii wadi doonaa inaan dhacdooyinka si dhow ula socdo, waxaana bixin doonaa dadaal kasta oo aan karo si aan gacan uga geysto in Puntland ay hesho doorasho xor ah, oo caddaalad ah, oo loo wada dhanyahay, iyo geeddi-socod nabad ah,” ayuu raaciyay.

Ends

Get updates from UNSOM:
www.unsom.unmissions.org

Hayadaha SOGWO iyo KAASHIF oo Dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira u soo Gabagabeeyey Tababaro Xirfadeed oo ay Maalgelsiey Hayadda Danish Refuge Council (DRC)

$
0
0

Xaflad Shahaadooyin lagu Guddoonsiinayay Haween Dhameystay Tababar ku saabsan dhanka Xirfadaha gacanta ah oo ay si Wadajir soo qaban qaabiyeen hay’adaha DRC Danish Refuge Council iyo SOCWE ayaa lagu qabtay Hotel Raasa ee Magaalada Muqdisho.

Xafladaan oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Adeega Bulshada, qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa waxaa halkaasi Shahaadooyin lagu Guddoonsiinayay 157 Arday oo Haween ah, kuwaasi oo muddo lix Bilood ah baranayay Barashada Farsamada Gacanta sida Harqaanka, Computer-ka, Cuno Karinta, Kalareynta Dharka iyo waxyaabo kale.

Ugu horeyn waxaa Xafladaas ka hadal ka jeedisay Safiyo Abuukar Mukhtaar oo ku hadlaysay magaca Hay’adda SOCWE, waxaana ay sheegtay in Tababarkaasi ay ka faa’iideyteen Gabdho badan oo Soomaaliyeed, ayna ugu baaqday inay u faa’iideeyaan Bulshada inteeda kale.

somali122

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Wakiilo ka socdey Hay’adda DRC Danish Refuge Council oo sheegeen in Tababarkaasi uu wax weyn ku soo kordhin doono aqoonta Gabdhihii ka faa’ideystay ee mudada lixda Bil ah u dulqaatay Barashada Xirfadahaas noocyada kala duwan.

Ugu dambeyntii waxaa Xafladda hadal kooban ka jeediyay Daa’uud Maxamed Makaraan oo ka socday Wasaarada Adeega Bulshada, isagoo sheegay in Tababarka nuucaani oo kale ah uu yahay mid ay dhiirigelinayso Wasaaradda Adeega Bulshada, waxaana uu kula dardaarmay Gabdhihii Tababarkaasi ka qeyb galay in ay ku dabaqaan waxa ay barteen howl Maalmeedkooda, si ay wax ugu qabtaan Bulshada Soomaaliyeed. Gebogabadii xafladda waxaa 157dii gabdho ee tababarkaasi ka faa’iideystay la Guddoonsiiyay Shahaadooyin iyo Qalab ay ku shaqeysan karaan

Sidoo kale Xarunta FPENS ee Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey 139 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kaasoo Waxbarashadooda Bilaabeen Bishii May ee Sannadka waxaa Dhalinyaradaa la soo Barey Dhowr Xirfadood oo kala ah Harqaanimo , Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Makaanikadda , sida loo Dayactiro Mobile-da iyo sida Cuntada loo kariyo

Munaasabadaan oo ay ka soo Qyabgaleen Masuuliyiin ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir , Madaxda Hayadaha Samafalka , Waalidiinta Ardeydii wax la barey,iyo Marti Sharaf kale , waxaana Mashruucaan Hirgeliyey Hay’adda DRC Danish Refuge Council , waxaana Hirgeliyey Hayadda KAASHIF

“Markaan aragney Sida Dhalinyarda aysan u heysan Shaqooyin ay ku shaqeytaan ayaa Go’aansaney in Intii Awoodeenna ah Dhalinyarda Soomaaliyeed uga Faaiideyno Mashruucaan waxaana Xirfado kala duwan u Tababarney 139 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kuwaa oo la barey Xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan” sidaa waxaa yiri Agaasimaha Hayadda KAASHIF Cabadirxmaa Xuseen Maxamed oo intaa raaciyey

“139-kaas Ardey waxaan barney Xirdafadaha Harqaanimada ,Fuudanimada,,sida Cunta loo Kariyo iyo sida loo sameeyo Mobilada waxaana siiney Qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen ayuu iri Agaasimaha KAASHIF oo u Mahadceliyey Hayadihii gacanta ka geystey sida DRC iyo OFDA

Sidoo kale waxaa Munaasabadaas ka Hadley Xuseen Tooxow oo kula dardaamey Ardeydii dhameysatey Xirfadahaas kala duwan in looga baahan yahay in ay si Daacad ah u fuuliyaan wixii la baray waxaana uu u soo jeediey hayadda KAASHIF in ay ku kormeeraan Ardeyda wax la barey ee isugu jira Wiilasha iyo Gabdhaha sida ay uga soo baxeen Wixii la barey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Milkiilayaasha Warshad Sameysa Qalabka Dhismaha oo Sheegey in Burburin loo Geystey Hantidii Warshadda , Baaqna u Direy Dowladda Federaalka

$
0
0

Shir Jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay Maamulaha Shirkadda Qalabka Dhismaha ee Rajo ayuu ku faah faahiyay dacwad dhex martay Maamulka iyo dad hore si qalad ah uga kireeyay Xarunta Warshadda Qalabka dhismaha ee Rajo.

Cabdicasiis Maxamed Xasan (Dhagaweyne) oo ah Milkiilaha Warshad soo saarta qalabka dhismaha oo ku taala Degmada waaberi ayaa sheegay in hadda ka hor heshiis ay la galeen rag ka kireeyay dhismo ku yaala degmadaas iyadoo ay heshiis kala qorteen isla markaan ay horumariyeen kiradii lagu heshiiyay.

somali123Cabdicasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in markaas kaddib la isku qabsaday Dhulkaas, markii Maxkamadda Gobolka la geeyeyna dhulkii loo xugmiyay Raggii danbe ee soo sheegtay lahaanshaha dhulkaas

Milkiilaha Warshadda ayaa sheegey intaas kaddib in ay dooneen inay heshiis cusub la galaan qoladii dambe hase yeeshee ay arrintaa diideen kuna adkaysteen in Warshadda laga raro halkaa waliba muddo gaaban looga raro.

Arrintaas ayuu sheegay Milkiiluhu in ay Maxkamadda Gobolka u gudbiyeen si muddo loo siiyo maadaama qalabka warshadda ku rakiban uu yahay mid culus isla markaana aan lagu deg degi karin fur furiddiisa iyo rariddiisa taasoo Maxkamaddu ay ku gacan seeyrtay.

Cabsicasiis Maxamed Xasan ayaa sheegay in arrintaasi ay keentay in Maxkamddii ciidan amarto isla markaana Qalabkoodii qaar ka mid ah markii la fur furi waayay in la bur buriyay halkaasna uu ka soo gaaray khasaare ballaaran arrintaas oo xad gudub ku ah Hantidooda.

Milkiilaha shirkaddaas ayaa sheegey in iminka lagala wareegay Qalabkii iyo Alaabtii kale oo halkaa u taalay iyagiina loo diiday in ay halkaa ku laabtaan arrimahaas oo dhammaantooda uu ku eedeeyay in ay ka dambaysey Maxkamadda Gobolka Banaadir oo diidday inay tixgeliso codsigoodii ahaa in la siiyo muddo ay qalabkaas ku furaan maadaama Engineerkii rakibay uu dibadda jiro.

Ugu dambayntii ayuu Milkiiluhu baaq u diray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Barlamaanka iyo wax garadka isagoona ka codsaday in ay soo fara galiyaan go’aanka aan naxariista lahayn ee Maxkamaddu ka gaartey Dacwadooda iyo burburka loo gaystay Hantidooda , ka dib waxay Saxaafadda u qabiyeen War-Saxaafadeed wuxuuna u qornaa Sidatan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

WAR-SAXAAFADEED 24/12/2013

Annagoo ah Milkiilayaasha Shirkadda Rajo Construction and Transportation co. ltd ayaa sanadkan horraantiisii waxaa shirkada loo kireyay dhul ku yaalla Xaafadda Waaberi agagaarka Dugsiga 21 oktoobar, waxayna xilligaas ay Shirkadda Rajo keentay Warshad samaysa Bulikeetiga Casriga ah iyo dhagaxa loo yaqaan Inter-logga ee lagu sameeyo waddooyinka, waxaana rakibideeda laga maray culays aad u fara badan, waxaana la keenay Engineero u dhashay dalka China kuwaaso muddo 2 bilood ah u joogay inay rakibanaan shaqaalahana tababaraan.

Intii aan la rakibin Warshada ayaa waxaa milkiilayaasha Shirkadda Rajo Construction and Transportation ay heshiis la galeen ciddii markaas lahayd booska lagu rakibay warshadda, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in dhulka ay shirkadda Maalgeliso mudo hal sano ah loo shubo wixii qarashaad ah oo kireynta dhulkaas ah.

Intaas kaddib waxaa dhacday in dhulkii Warashaddu ku rakibnayd oo ay shirkaddu ku shaqaynaysay in qof kale uu sheegto dacwadna ka furo , wixii ay dacwaddu socotaba ugu dambayntii oo ku aaddanayd bishii aynu soo dhaafnayd dhammaadkeedii waxay maxkamaddii ugu dambaysay soo go’aamisay in dhulkaasi loo xukmiyo qoladii aan ka kireysanay mooyee qoladii kale, markii uu xukunkaasi dhacay ayaa waxaan go’aansanay in aan qolada cusub ee dhulka loo xukmiyay aan heshiis cusub la galno oo aan dhulkaas uga kireysano, nasiib wanaag waxay noo sheegeen inaysan guriga naga kireynaynin oo aan uga guurno, waxaan ka codsanay inay na siiyaan muddo 6 bilood ah maadaama ay warshaddu tahay warshad weyn oo u baahan in Engineeridii horey u rakibay dib loogu soo celiyo si dhulka kale oo warshaddu degayso ay ugu rakibaan, muddadii aan ka codsanay qoladii loo xukmiyay way naga diideen oo muddo toddobaad ah waa inaad nooga guurtaan ayay nagu yiraahdeen.

Maadaama waan waan iyo si walba ay nooga diideen ama inay naga kireeyaan amaba ay waqti na siiyaan waxaan isku daynay bal in aan u marno habka cadaalada iyo maxkamada, waxaan qabsanay Qareen waxaana markiiba warqad u qornay Maxkmadda Gobolka Banaadir si ay noo siiso waqti ku filan oo aan ku guuri karno, nasiibdarro waxaa dhacday in iyadoo aysan maxkamaddu na dhageysan ay diidmo na soo siiso iyadoo leh waa inaad si degdeg ah uga guurtaan.

Intaas kaddib kama aanan daalin in qoladii guriga loo xukmiyay aan xeerjabab iyo heshiis lagu dhammeeyo oo waxaan u dirnay ergo 3 dhinac ka kooban, waxaana shirkadda go;aan ku gaartay in sida suurtgalka ah ee macquulsan inay kaga guurto dhulkaas, markii aan isu diyaarinay shaqooyinkii iyo waxsoo saarkii ay warshaddu haysanay aan joojinay, maadaama China inay Engineero ka yimaadaan aysan sahal ah muddan qaadanayso waxaan go;aansanay in aan keeno Engineero Kenyaan ah si ay mar kale u rakibaan warshadda, iyadoo hawshu halkaas inoo marayso ayaa waxaa dhacday in Shalay ciidan fara badan oo wata wiishash ay yimaadaan xarunta Warshada dabadeedna ay Matooradii warshada, qalab kale oo warshadu lahayd iyo sidoo kale qayb ka mid ah warshada oo furideedu sahlanayd ay halkaas ka qaataan maadaam Warshadu ay weyn tahay iyadoo isku rakibana aysan suurtogal ahayn in la qaado, qalabkaasna meel ay la aadeen ma garanayno oo cid nagu war gelisay ma jirto, waxaa kaloo la yaab lahayd in si gardarro ah uu u xiran yahay Waardiyihii warshada waardiyaynay.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir baaq uu horay u jeediyay sanad iyo bar ka hor oo uu ku yiri; qurbajoogta waxaana ka codsanaynaa in dalkooda ay maalgashi ku sameeyaanm, weliba gaar ahaan wuxuu baaqu si gaar ah ugu jeediyay in dalka la keeno warshadaha si uu dalka dib ugu dhismo. Isagoo weliba ballanqaad u sameeyay inuu siinayo dhul ay dowladdu leedahay oo warshadahaas lagu rakibo”, annagoo ka duulayna baaqa gudoomiyaha Gobobolka Banaadir, Mudane Tarsan ayaan keenay Warshadaas si aan uga qayb gaadano dib u dhiska dalka.

Haddaba nasiib darro waxaa dhacday in amarka warshada lagu burburiyay uu ka yimaado Isla guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Tarsan.

Waxaan halkaan ku soo bandhigaynaa Documentigii guriga noola kireeyay, Dacwaddii aan Maxkamada Gobolka Banaadir uga codsanay in muddo aan warshada ku furfurano oo aan ku guurno na siiso iyo warqaddii ay maxmakadda noogu diiday inay waqti na siiso, sidaas darteed waxaan dowladda, Baarlamaanka, shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba u sheegaynaa in nala ogaadaan dhibaatada na haysata, gaar ahaan waxaan baaq u jeedinaynaa ganacsatada qurbo joogta ah ee jecel inay dalkooda maalgashi ku sameeyaan aysan ku kedsoomin oo wixii nagu dhacay ay iyagana ku dhicin si aad ah uga foojignaadaan.

Waxaan si gaar ah baaq ugu diraynaa Xukuumadda iyo Baarlamaankaba inay arrintan baaritaan ku sameeyaan guddina u saaraan xaqiiqada dhabta ah ee jirta markii ay ogaadaana ay go’aanka ku habboon uga gaaraan.

Waxaan Rajaynaynaa in Baaqeena la tixgelin doono.

Guddoomiyaha Shirkada Rajo Construction and Transportation Co. Ltd

Abdiaziz Mohamed Hassan

Maamulaha Shirkadda

Abdikarim Maxamuud Ibraahim.

Hayadda WARDI oo 120 Dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho u soo Gabagabeeyey Waxbarasho Dhinaca Xirfadaha ah oo ay ku Shaqeystaan.

$
0
0

Waxaa Xarunta Hayadda WARDI ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey 120 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kuwaasoo Waxbarashada Bilaabey oo Bishii May ee Sanadkaan waxana la barayey Xirfadaha kala ha , Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Alwaaxda,sida loo Dayactiro Mobile-da,Farsmada Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha , Barashada Computerka iyo Alxanka
Munaasabadaan oo ay ka soo Qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir , Madaxda Hayadaha Samafalka , Ardeydi Dhameystey Waxbarashada , iyo Marti Sharaf kale,waxaana Mashruucaan Hirgeliyey Hayadda WARDI oo gacan ka heleysa Hayadda Danish Refuge Council (DRC)

Waxaana ugu Horeyntii halkaas ka Hadley Maamulaha Machadka Cabdikariim oo ku Dheeraadey Qaabkii ay ku bilaabantey Waxbarashada ardeyda lagu barayey Xirfadaha kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan waxaa uu intaas sii raaciyey “Markaan aragney Sida Dhalinyarda aysan u heysan Shaqooyin ay ku shaqeytaan ayaa Go’aansaney in Intii Awoodeenna ah Dhalinyarda Soomaaliyeed uga Faaiideyno Mashruucaan waxaana Xirfado u Tababarney 120 Dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal ”ayuu yiri Maamulaha oo Intaa ku darey
somali125

”Markii hore ardeyda waxay ahayeen 168 ardey waxaa Waxbarashada Dhameystey 120 ardey oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal kuwaa oo la barayey, Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Alaabta, sida loo Dacatiro Mobile-da iyo Farsmada Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha , Barashada Computerka iyo Alxanka “ ayuu yiri Maamulaha Machadka oo u Mahadceliyey intii Gacan ku siisey in ay ardeydaas Dhalinyarada ah wax la Baro

Marwo Iiisho oo ah Gudoomiyaha Haweenka Degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn waxay u Mahadcelisey Hayadaha DRC WARDI oo ay sheegtey in ay qabteen Howl loo baahnaa oo Xiligeedfii ku soo beegantey maadaama Dhalinyarada Soomaaliyeed ay haatan yihiin kuwa aan heysan wax Shaqo iwaxayna u soo jeedisey Hayadaha Barnaamjikaan wadey in ay Laba Jibaaraan si loo helo Dhalinyaro Dhinac walba ka dhisan ,waxayna Mawro Faadumo aad u Amaantey Gabdhaha gartey in ay Macalimiintooda Gudoonsiiyaan Haddiyado iyo Shahaadooyin

Ugu Dambeyntii 120 Ardey ee Dhameystey Xirafadaha kala Duwan ayaa waxaa lo Qaybiyey Qalabkii ay ku Shaqeysan lahaayeen sidoo kale waxaa Ardeydaas la Gudoonsiiyey Shahaadooyin ka Turjumaya Aqoonsigooda Aqooneed iyadoo Munaasabadaas ay Goob joog ka ahaayeen Wakiilo ka socdey Hayadda Danish Refuge Council (DRC) kuwaa oo Kormeerayey sdia ay u soctey Howsha Waxbarashada Qaybinta Qalabka la siinayey Ardeyda

Saddexdii Maalmood ina soo dhaafey waxa la qabtey Munaasabado ku aadan ardey Dhameystey Waxbarasho Dhinaca Xirfadaha kuwaa oo isugu jirey Dhallinyaro Gabdho iyo Wiilal waxaana Mushruucaan iyana Fuliyey Hayadaha SOGWE iyo KAASHIF oo gacan ka helaya Hayadda Danish Refuge Council (DRC) , iyadoo Masuuliyiin ka soctey Hayadaha SOGWE , KAASHIF iyo WARDI ay u Mahadceliyeen Hayadda Danish Refuge Council (DRC) oo ay sheegeen in La’aanteed aysan Suurtageli lahayn in Dhalinyaradaan ay helaan Xirfado ay ku Shaqeystaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live