Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all 1579 articles
Browse latest View live

HORMUUD TELECOM FOUNDATION IYO JAAMACADA BANAADIR OO DHAKHAATIIR U DIRAY JOWHAR

$
0
0

Munaasabad Gurmad loogu dirayey dadka ay fatahaaduhu saameyeen ee degan Gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar laguna Sagootinayey Dhaqaatiir iyo arday wax ka barata Jaamacadda Banaadir qeybteeda caafimaadka kuwaasoo ka qeyb-gali doona hawla gurmad caafimaad loogu sameeynayo dadka degan magaalada Jowhar ee ay asiibtay fatahaada webiga shabeelle.
somali72
Mashruucaan waxaa soo abaabulay oo iska kaashaday Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation iyo ururka Midowga ardeyda jaamacadda Banaadir ee loo yaqaano BUMSA.

Munaasabadaa ayaa waxa aay ka dhacday xarunta Jaamacadda Banaadir, waxaana ka soo qeyb galay, madaxa Hey’adda Hormuud Telecom Foundation iyo macalimiinta, maamulka Jaamacadda Banaadir, iyo dhakhaatiirtii iyo ardeydii u ambabixi laheyd Gurmadkaa caafimaadka ah.
somali71
Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation oo ah qeybta qaabilsan xaga horumarinta iyo gargaarka bulshada ee shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom iyo Jaamacadda Banaadir ayaa waxay ugu tala galeen dadka mashruucaan ka faa’ideysanaya inay gaarsiiyaan daawo waxtar badan leh oo kala duwan maadaama ay cuduro dilaacaan markay fatahaaduhu dhacaan.
somali70

Madaxda Hormuud Telecom Foundation mudane Abdullahi Nur Osman ayaa waxaa uu sheegay inay la garab taagan yihiin dhaqaatiirta fulineysa mashruucaan kaalmo iyo wixii tasiilaad ah ee aay u baahan yihiin, ayna ayaga balan qaadayaan dhammaan wixii kharashaad ah ee ku baxaya safarkaan gurmadka caafimaad ee loogu ambabaxayo Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.


Madaxweynaha oo ku baaqay Joojinta dagaalada Jowhar iyo Ra’iisul wasaaraha oo qoraal ka soo saaray Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland

$
0
0

War-saxaafadeed

Shirkii Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaare Saacid:”Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland Waxaan U Aqoon sanahay Masiibo Qaran, Deg Degna Waan Uga Jawabaynaa”

Muqdisho,12, Nov,2013…Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta isugu yimidi shir aan caadi ahayn kaas oo looga hadlayey Duufaanta ku dhufatay deegaano balaaran oo ku yaala Puntland taas oo dhalisay khasaaro lixaad leh, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dufantaan ka dhacaday xeebaha Puntlanad ayaa bilaabatay Axadii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa inay sii socoto ilaa barito, iyadoo waxyeelo xoogan u gaysatay dhul gaaraya ilaa 700km oo dhanka xeebta ah, waxayna soo gaartay deegaamo ku yaala laamiga isku xira Garoowe iyo Boosaaso.

Ra’iisul Wasaaraha saacid oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka Gollaha ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dadkii ku dhintay Dufantaas, uguna baaqay beesha caalamka in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto deeganada ay Duufaantu ku dhufatay.

“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku dhamaadeen Dabaylaha iyo Roobabka wada socday ee ku dhuftay dhul balaaran oo ku  yaala Puntland. Anigoo aad uga xun kuna hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, ka xukuumad ahaana waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Dufaantaas. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey Madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladu. Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg deg ah oo aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana sheegay in waxa meesha ka dhacay ay dowladda Soomaaliya u aqoonsantahay Masiibo Qaran, waana ka xunahay inay sii socoto.

somali74Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo faah-faahin ka bixinayey qaabka loo wajahayo masiibadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland.

“Dufaanta waxaa ka dhashay khasaaro aad u balaaran waxayna ku dhufatay laga soo bilaabo Laasqoray ilaa Hobyo, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen 101 qof, waxay saamayn ku yeelatay dad gaaraya 50,000, ilaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan yihiin deegaamada ay Duufaantu wax yeelaysay, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas ka sii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan Tuuloyin badan oo ku yaala xeebta” ayuu yiri Wasiirku

Ugu danbaynti golaha ayaa ka soo saaray baaq ku aadan beesha caalamka, iyo umadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dhibaatada ka dhalatay Dufaantas.

Baaqa Golaha

1.      In Tacsi Tiiraanyo leh loo diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka  reer Puntland oo masiibadaan ku habsatay.

2.      In Golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka dhacay in ay tahay Masiibo Qaran, taas oo macanaheedu yahay in ay waajib tahay in dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo Beesha Caalamku ay u gurmadaan dhibaatada ka dhacday meeshaas.

3.      In Wafti Heer Wasiir ah loo diro Puntland si ay u soo qiimeeyaan dhibaatoyinka ka dhashay duufaantaas, loolana qaybsado dhibka soo gaaray.

4.      In dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa  $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan gar-gaar kaas la mid ah.

5.      Golluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay gudi heer Qaran ah oo ka kooban

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha
  • Wasiirka Maaliyadda
  • Wasiirka Adeega Bulshada
  • Wasiirka Gaashaandhiga
  • Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho
  • Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed
  • Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka ah

Gudigaan ayaa waxaa uu noqonayaa wajibaadkiisa in ay abaabulaan kaalmooyinka ka imanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Sidoo kalana waxay qaylo dhaan gaarsiiyaan beesha caalamka sidii ay uga bixin lahayd jawaab deg deg ah masiibada ka dhacaday Puntland.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the PM

Mogadisho-Somalia

Media@opm.gov.so

….
Madaxweynaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada iyo collaadaha Jowhar

Muqdisho, 12 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ugu baaqay dhammaan kooxaha dagaalamy inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

somali73Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleystay inay dagaalada joojiyo oo uu ciidamo kala dhexdhigay. Sidoo kale ciidanka Xoogga waxuu ku guuleystey in shacabkii barakacay lagu soo celiyey guryahoodii.

“Dadkii barakacay ee dagaalada saameeyeen hadda waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo.” Ayuu yiri Madaxweynahu “Dowladdu waxey qorsheyneysaa inay dib-u-heshiisiin dhex dhigto oo madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka deegaanku waxey ku howlan yihiin sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaalada iyo Collaadahu waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin kara dagaalada.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula shaqeeyey dowladda, waxaana rajo ka qabnaa in dib u heshiisiinta socota ay noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay si wadajir ah oo nabad ah ay ku wada noolaadaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo iyagana dowladda ka saacidaya dhanka tasiilaadka. – DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, media@presidency.gov.so, +252615479911

Cashuura waxay ku beegan tahay Nov 14, 2013

$
0
0

Maxaad uga faa’iidaysan weydey maalmahan “gaarka” ah ee uu kuugu deeqay Allaha weyni? Maxaa loo soomayaa maalmahan?

Abu Qataada (rc) wuxuu yidhi: Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ayaa la weydiiyey soonka maalinta Caashuuraa suu yeen: {waxaa lagu dhaafaa [denbigii] sannadkii tagey} Muslim ayaa wariyey. 

Taasuucaa waxay ku beegantahay Nov 13, 2013

Caashuuraa waxay ku beegantahay Nov 14, 2013

Maalinta Caashuuraa ee uu Rasuulku (s.c.w)fadligeeda ku sheegay xadiiska kor ku qoran iyo axaadiis kale oo badani waa maalinta tobnaad ee bisha Ilaahay ee Muxarram. Waxaa sunne ah in la soomo iyada iyo maalinta ka horraysa ee taasuucaa’.

Waa maalin fadli badan ummadaha oo dhanna ay weyneeyaan. Waa maalintii uu Ilaahay badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.) isla markaana uu halaagey Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay.

Markii uu Rasuulku (sc.w.) usoo haajirey magaalada Madiina wuxuu la kulmay Yuhuuddii halkaas deggenaa oo soomaya, markii la weydiiyeyna waxay sheegeen in ay maalintani tahay maalintii uu Rabbi (s.w.) halaagey Fircoon oo uu badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.). Markaas ayuu Rasuulku wuxuu sheegay in aynu innagu Nabi Muuse (c.s.) ka mudannahay ama ka xigno Yuhuudda, sidaas darteedna ay tahay in aynu soonno.

Maadaama oo Nabigu (s.c.) uu jideeyey in la khilaafo dadka Ahlu Kitaabka ah ayay saxaabadu rasuulka war kusoo celiyeen oo waxay yidhaaheen: Maalintan aad noo jideysey in aan soonno waxaa iyana nala sooma Yuhuudda! Ee maxaannu yeelnaa? Wuxuu Rasuulku (s.c.w) markaas sheegay in la soomo hal maalin oo Caashuura ka horreysa iyo maalin ka danbaysa. Sidaas darteed wuxuu Rasuulku (s.c.w) inoo sharciyeeyey in aynu soonno maalinta 9-aad, 10-aad iyo 11-aad. Taas waxaa loo sameeyey si aynu u khilaafno Yuhuudda, maalintana uga faa’iidaysanno.

Ibnu Qayyim (A.n) wuxuu sheegay in soomidda Caashuuraa ay leedahay saddex darajo oo kala ah:

1.  In la soomo saddexdaas maalmood ee aynu soo sheegnay, waana tan ugu fiican.

2.  In la soomo maalinta 9-aad iyo 10-aad, waana tan fadli ahaan ku xigta.

3.  Iyo in la soomo maalinta Caashuuraa oo kaliya.

Haddaba qofkii aanay u suura gelin inuu soomo maalinta 9-aad wuxuu maalinta 10-aad ku dari karaa maalinta 11-aad.

Guud ahaan soonka Caashuuraa waa sunne fadli dheeraada leh ee ma ahan waajib inkastoo uu waajib ahaanjirey intii aan Ramadaanka la soo rogin.

Ilaahay waxaan ka tuugaynaa inuu na waafajiyo nagana aqbalo soonka Caashuuraa iyo acmaasha saalixa ah oo idil.

Wallaahu Aclam 

Cabdisamad Xoday 
Hoday30@aol.com


 

Caashuuraa Waa Maalin Fadli Badan

WQ. Xasan Dhooye [abu xafso] 
dhooye@hotmail.com
 

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu

Bislaahi Raxmaani Raxiim ::: 1435
cashuuraWalaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay subxaanahu watacaalaa,Nabi Maxamedna nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.

Walaal waxaan idiin rajaynayaa sanadkaan cusub oo inoo dhashay inuu ilaahay nawaafajiyo khayr dhamaantiin waxaan ku jiraaMuxaram[sako]oo u horaysa taariikhda bilaha hijriyada ama taariikhda bilaha isalaamka 1435.

Walaalayaal waxaa nagala doonayaa inaan isxisaabino intaan nala xisaabin oo sanadkan cusub aan nafteena waydiino sanadkii hore maqasaarnay mise waa faa’iidnay,sida ay u xisaabtamaan ganacsatada ama ay xisaab xir u sameeyaan sanad walba dhamaadkiisa ayna uga leexdaan waxaan faa’iido ugu jirin ama ay ku khasaareen sanadkii hore.

walaal ilaahay dhaafidiisa iyo naxariistiisa ayaa ka wayn danbi kasta oo lagalo,ilaahayna waa mid aad u dulqaad badan jecelna adoonkiisa toobad keenka ah, hadaba walaal sanadkaan cusub furo bog cusub oo aad ilaahay ugu dhawaanayso kuna tirtiraso waxii kaa dhacay ee gaf ah.

Waxaan hadda kujirnaa bishii 1aad ee Sannadka Hijrada, maalmaha 9ka & 10ka Muxaram waxay ku beegan yihiin Jan 18 & 19, marka ka faa iidayso oo soon labada maalmood fursadaas qaaliga ah.

Intaa kadib walaalayaal inagoo kaduulayna ilaahay qur’aan kiisa sw uu ku yiri [isu kaal maysta wanaaga iyo cabsida alle] iyo hadiiskii Nabiga scw oo ahaa [qofkii qof khayr tusa waxuu leeyahay ajarka kan khayrka uu tusay oo kale labadoodna waxba lagama yaraynayo] iyo hadiiskii kale oo Nabigu kulahaa scw[qofkiina iimaan dhaba malahan ilaa uu walaalkiis lajeclaado waxa uu naftiisa lajecelyahay] axaadiistaasna waa saxiix.

Walaalayaal anigoo ka shidaal qaadaanaya nasuustaas sharafta badan ayaa waxaan is tusay inaan idiin soo gudbiyo xoogaa baraarujin ah oo ku saabsan bishaan aan ku jiro.

Fadliga Bisha Muxaram

Walaalayaal bishaan aan kujiro ee Muxaram [Sako] waa bilwayn oo barakaysan kuna jirta afarta bilood oo xurmada leh sida ilaahay ku sheegay kitaabkiisa sharafta bada[bilaha tiradooda ilaahay agtiisa waa labo iyo tobon ilaaahay kitaabkiisa dhexdiisa saas bay ku tahay ilaa maalintii la abuuray cirarka iyo dhulka waxaa kamid ah afar xurmo leh taas waa diintii toosnayd hadulminina bilahaas dhexdooda naftiina]Waxuu leeyahay C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha karali noqdee oo fasiraya aayadaas siiba [hadulmina naftiina] bilohoo dhan ha isdulmina hadana waxaa gooni ilaahay u xusay afarta bilood oo sharata leh danbiga lagalaana waa ka wayn yahay kanlagalo bilaha kale wanaaga la sameeyaana waa ka ajar wayn yahay kan bilaha kale lasameeyo.

Walaalayaal waxaa kaloo Nabigu scw noo sheegay xadiis uu kawarinayo Abuu bakar ilaahay ha ka rali noqdee [sanadku waa 12 bilood waxaa kamid ah afar xurmo leh sadex waa isku xigtaa Sidataal, Arafo, Sako iyo rajab oo u dhaxaysa Jamaad iyo Shacbaan] xadiiskuna waa Bukhaari.

Xukunka bishaan soonkeeda

Walaalayaal bishaan soon keedu waa sune majiro soon wajib ah oo aan ahayn bisha Ramadaan markii hore Nabigu scw waa ku adkeeyey saxaabada laakiin markii lawaajibiyey Ramadaan ayuu yiri Nabigu scw [Qofkii doonana ha soomo kii doonana ha iska daayo]rawaahu bukhaari laakin waxaa ku jira ajar wayn oo aan la iska dayn Karin sida aan arki doonaba taariikhdeedana wax baan ka sheegaynaa insha alaah.

Ajarka in soonka labadiyo bishaan Muxaram

Waxuu Abuu Hurayra ka wariyey Nabiga scw inuu yiri [waxaa soon ugu ajarbadan Ramadaan kadib bisha ilaahay ee Muxaram]rawaahu muslim.

Walaalayaal sidaan ujeedno bishaan ilaahay baa isu tiiriyey isu tiirintuna waxay keentaa waynayn waayo bilaha oo dhan ilaahay baa leh hadana tan Nabigu scw waxuu leeyahay [bisha ilaahay ee muxaram] marka waa wayneen xag ilaahay laga waynaynayo anagana waxay naga mudantahay waynayn iyo soo dhowayn.

Taariikhada maalinta tobnaad ee Caashuraa

Ibnu Cabaas waxuu yiri ilaahay ha karaali noqdee [Nabiga scw ayaa Madiina soo galay markaasbuu arkay Yahuuda oo soo maysa maalinta tobnaad"markaas buu yiri maxaad u soomaysaan? markaas ayey yiraahdeen waa maalintii Saalix, waana maalintii reer baniiIsraa'iil ilaahay ka badbaadiyey cadowgoodii waxaana soomay Nabi Muuse cs, markaasbuu yiri Nabigu scw [anaa Muuse idinka xaqleh] waana soomay waana amray in lasoomo]rawaahu Bukhaari.

Hadiis kale oo Muslim warinayo waxuu yiri Nabigu scw[tani wa maalin wayn ilaahay waxuu badbaadiyey Nabi Muuse cs waxuuna halaagay Fircoon iyo qoomkiisii saas baa Nabi Muuse usoomay isagoo ilaahay mahadinaya saas baan u soonay]

Walaalayaal soonka maalinta tobanaad waxuu ahaa mid macruuf ah carab dhexdeeda intaan la soo saarin Nabiga scw Caa’isha waxaa lagawariyey ilaahay ha ka raali noqdee xiligii jaahiliyada waa soomijireen “waa islaamika ka hor” waxuu yiri Imaamu Qurdubi waxaa dhicikarta in quraysh ka soo gaareen shariyadii hore sida Nabi Ibraahiim cs .

Waxaa kaloo sugan in Nabigu scw uu soomi jiray intuusan u hijroon Madiina markuu Madiina tagay ayuu waxuu arkay yahuud oo dabaal dagaysa markaas buu waydiiyey sababta waxayna sheegeen xadiis kaan kor ku soomaray kadibana waxuu yiri Nabigu scw hadiis abuu Muusaa kawariyey ilaahay ha ka raali noqdee [maalinta tobnaad waxay noqotay mid yahuud ciid ka dhigtaan- riwaayo kale-maalinta tobnaad waxaynoqotay mid yahuud waynayso oo ciid kadhigtaan dumarkoodana ay u labisaan dahabkooda ayna qurxiyaan, waxuu yiri Nabigu scw [idinku sooma]rawaahu bukhaari.

Walaalayaal saan arkayno maalintaa waa maalin cidkasta iyo marwalba la waynayn jiray sida aan arkayno marka inagaa kamudan cid walba sida uu noo sheegay Nabigeenu scw waxaa iyana haboon inaan yahuud nacalad ha ku dhacdee raacin oo aynaan ku waynayn maalinkaan isaga ah soon waxaan ahayn sidaan ka arkayno nasuusta waayo ciid ma’ahan, xafladna looma baahna waa soon oo kaliya cibaadana waxaa ugu saxsan ale agtiiga tii Nabigiisu jideeyey iyadaana ugu fadli badan hadii kale bidco ayey noqonaysaa waana lagu naar tagaa bidcada ee aan ku kaaftoono nabigeenu waxuu noo jideeyey camalkoo dhan.

Fadliga Maalinta Tobnaad

Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey ilaahay ha karaali noqdee [ma'arag Nabiga scw oo ku dadaalaya maalin soonkeed kafadli badan maalintaan tobnaad] rawaahu bukhaari.

Waxuu yiri Nabigu scw [maalinta tobnaad soonkeeda anigu waxaan xisaabsanayaa ilaahay agtiisa inuu iigu dhaafo-danbigayga- sanadii ka horaysay ee lasoo dhaafay].

Walaal taasi waa ilaaahay fadligiis uu korkeena ku manaystay halmaalin soon keed oo laguugu dhaafi halsano oo dhan alaahu akbar.

Sunanimada in la isla sooma maalinta sagaalaad iyo maalinta tobnaad ee bishaan

Waxaa laga wariyey C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha ka raali noqdee [markii uu sooomay Nabigu scw maalinta tobnaad oo uu amray soonkeeda- waxay yiraahdee saxaabadu rasuulkii ilaahay waa maalin ay waynayso yahuud iyo nasaaroba-waxuu yiri Nabigu scw [hadii lagaaro sanadka soo socda insha alaah waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad] C/laahi Ibnu cabaas waxuu yiri sanadkii Nabigu scw magaarin oo ilaahay baa oofsaday.

Waxaa kaloo wanaagsan in lasoomo maalin kahor ama kadib maalinta tobnaad sida uu wariyey imaamu Axmed waxuu yiri Nabigu scw[sooma maalin kahor ama maalin kadib]arintaas oo lagu khilaafayo cadowga ilaahay ee yahuud iyo nasaaro.Waxuu yiri Imaamu Shaafici iyo asxaabtiisii, Imaamu axmed,Isxaaq iyo kuwo kaleba waxaa suna ah soonka maalinta sagaalaad iyo tobnaadba maxaa yeelay Nabigu scw tobnaad wuu soomay sagaalaadna waa niyeystay,iyadoo halkaa laga qiyaas qaadanayo maalinta tobnaad waa dhowr maraatib waxaa ugu fadli hooseeya in kaligeed la soomo waxaana ugu fadlibadan in lasoo soomo sagaalaad iyo tobnaadba markastoo soonku bato bishaan dhexdeedana ka ajar badan kana sii wanaag badan.

Walaalayaal hadaan ogaanay waxaas oo khayr ah waxaan u dardaarmayaa naftayda iyo tiinba cabsida ilaahay iyo noolaynta sunda Nabigeeena scw iyo inaan ka faa iidaysano fursad badan oo aan manta haysano laakiin bari ilaahay garan sida xaal noqon waxaan ilaahay kabaryayaa
inuu idinkana idinku anfoco anigana iigu kabo miisaanka xasanaadkayga maalinta lawada qaawanyahay iyo in ilaahay janadiisa nagu manaysto naarna naga bad baadiyo inagoo dhan.

Waa walaalkiin
Xasan Dhooye [abu xafso] dhooye@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb , 2005 | updated Nov 13, 2013

Xukuumadda Soomaaliya oo meelmarisay Dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

$
0
0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa maanta meel mariyey qorshe lagu hawlgelinayo jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray.

somali75Kaddib soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada iyo dood dheer kadib, waxaa uu Goluhu ansixiyay qorshaha dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda , iyadoo loo qoondeeyey miisaaniyad gaaraysa $3.6 malyuun oo dallar, loona gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Soomaaliya.
Agaasinka Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo dhowaan hirgelisay barnaamijka “Aada Dugsiyada”, ayaa sidoo kale ku hawlanaa dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummaada Soomaaliyeed, waxana tallaabadani ka mid tahay guulaha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu shirkii qaran ee waxbarashada ku balanqaaday dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa guul ku tilmaamay qorshaha lagu hawlgelinayo Jaamacadda Ummadda .
“ waxaa maanta sharaf weyn noo ah in aan dib u hawlgelinno Jaamacaddii Ummadda, kaddib sanooyin badan oo aanay shaqaynin Jaamacadaasi, tani waxaa ay guul u tahay Xukuumadda iyo Qaranka Soomaaliya” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxaa jaamacad loogu aqoonsaday sannadkii 1974-tii , waxana lagu maamuli jiray xeerka lambarkiisu yahay 72 oo soo baxay 7-dii September 1977-dii, iyadoo soo saari jirtay aqoon yahano laf-dhabar u ahaa qaranka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumaddu waxa uu maanta ansixiyey xeerka Maamulka Hey’adda Daraasaadka Badaha Soomaaliya (HDBS) , waxana kaddib dood iyo lafa-gur uu goluhu isku raacay in ay muhiim tahay in la sameeyo hay’addan, si loo waajaho dhibaatooyinka ka taagan badaha Soomaaliya.

Dhismaha hay’addan oo samayn doonta cilmi-baaris waxa uu qayb ka yahay qorshah xasilinta qaranka iyo sidoo kale dadaalka ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku hanato dhamaan dhulka, badaha iyo hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka dooday ammaanka guud ee qaranka iyo xaaladda amniga oo meel fiican maraysa, waxana uu soo dhoweeyey go’aankii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku kordhiyey ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM .

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Dhexe in ay dirirta joojiyaan , islamarkaasina khilaafaadkooda ku xalliyaan tubta nabadda iyo wada noolaanshaha, waxana goluhu ku amray ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan in ay kala dhex galaan beelaha dirirtu ka dhaxayso.

“ Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Dhexe in ay joojiyaan colaada oo ay khilaafkooda ku dhameeyaan wadahadal , waxaan ku amraynaa ciidamadda dowladda ee halkaasi ku sugan in ay kala dhex galaan labada dhinac. Maanta waxaa la joogaa xilligii nabadda iyo horumarka. Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid.
DHAMAAD

Abdirashid Muse Said
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho – Soomaaliya

Phone: +252 (0) 616 31 88 23
Email: media@opm.gov.so

Ololihii Gurmadka ahaa ee ka socday Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso oo caawa lasoo gabagabeeyay

$
0
0

Waxa caawa masaajidka wayn ee Al-Rowda lagusoo gaba gabeeyay barnaamijkii gurmad oo caawa galay habeenkiisii afaraad.
Barnaamijkaan oo intuu socday aysan ukala harin Dadwaynuhu ka qayb qaadashadiisa Rag, Dumar Dhalinyaro iyo Duqayb Shirkado iyo Shakhsiyaad Wadaad iyo Waranle Shaqaale iyo Xamaali intaba.

somali80

somali81

 

somali82 Culimada ayaa waxaa ay Bulshada ku booriyeen inay Sadaqada labaxaan maadama laga helayo Khayraad fara badan ayna muhiim tahay in Walaaluhu ay wax is taraan marka ay dhibaatadu timaado.

Dadwaynaha qaar kood oo lasoo xiriiray Culimada ayaa waxaa ay sheeganayeen Baahiyo ay qabaan islamarkaana ay rabaan in Bulshada walaalohooda iyo Culimaduba ay u ducayso si baahidoodu ay dabool mato.

Sidoo kale barnaamijkaan ayaa intuu socday waxa dadwaynihii iyo shirkadii ka qayb qaatay dal iyo dibadba ay ku deeqeen hanta isugu jirta lacag cadaana , raashi, bustayaal, bacaha roobka laga galo iyo waxyaaba kale, oo qiimo ahaan hadii laysku daro gaaraya 100000$(boqol kun oo doolar).

Gaba gabadii barnaamijka ayay culimadu sheegeen in waxa lasoo gaba gabeeyay uu yahay barnaamijkii ka socday masaajid, hase ahaatee aruurinta tabarucaadu aysii socon doonto, dadka wax ku deeqayana ay ku soo aadin karaan meelahan soo socda;
Gudiga culimada oo kala ah:

1- Sh.Daahir Aw Cabdi +252907726104

2- Sh.Axmed Daahir Xasan +252907722229

3- Sh.Faarax Maxamed Cajab +252907799914

4- Sh.Axmed Yuusuf Daad +252907793171

5- Sh.Axmed Faarax Garaase +252907765212

6- Sh Max’ed Macalin Axmed +252907796364

AKOONADA:

1-Amal:49747

2-Dahabshiil:BSSD004293

3-Golis sahal A/C 401905

Waxaa soo tebiyey
Siciid Maxamed Diiriye
Email: smdiiriye@gmail.com
Sawirada Duufaantii Buntland – In pictures: Somali cyclone floods in Puntland

Roob Culus oo Baargaal iyo nawaaxigeeda ka da’ay iyo Guryo Qadiimi Ah oo Dumay

Magaalada Baargaal Ee Gobolka Gardafuul waxaa Ka Da’ay maalmihii Lasoo Dhoofay Roob Xoogan Kaasi oo Hayey Magaalada Ilaa Shalay gelinkii Danbe.

roobkan oo da’ayay mudo afar maalmood oo isku bixis ah ayaa biyo badan dhigay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada baargaal taasi oo keentay in biyuhu guryo badan gudaha u galaan iyo Qaar kamida Guryaha Qadiimaga ah ee ku Yaalay Magaalada Baargaal oo Qaybo Kamida Ay Dumeen Kadib Roobkaan Xoogan.

somali76

somali78 somali77

bulshada baargaal oo gacan ka heshay maamulka degmada iyo ciidamada badda puntland ee ku sugan degmada ayaa iskaa wax u qabso isu xilsaartay sidii looga saari lahaa guryaha iyo wadooyinka biyaha fariistay.

Nov 14, 2013

La xiriir Baargaal Internet Service
Email: baargaal@gmail.com

………

GULAHA ISUTAGA IIMAAMYADA EE W/MARAYKANKA OO BAAQ KA SOO SAARAY DHIBAATADA KU HABSATAY QAYB KA MID AH GOBALADA POTLAND.

Golaha isutaga Masajida Ee W/maraykanka Wuxuu ka tacsidaynayaa,dhibaatada baaxada wayn leh ee ku habsatay walaalaheen ku nool w/bare ee soomaaliya.Dhibaatadaas oo isugu jirto naf iyo maalba

Golaha isutaga Masajida ee W/maraykanka Wuxuu umada islaamka ah,gaar ahaan jaaliyadaha dibada ku war galinayaa,inay tahay waajib sharci ah ugar gaarida walaalaha ay dhibaatada ku habsatay,waana tiir ka mid ah tiirarka iimaanka .

(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ)المقصود بها: الأخوّة في الله، التي يلتقي فيها المؤمنون على حُب الله ومرضاته والاعتصام بمنهجه القويم.. ويَرعون فيها حقوقها، من المحبة والتناصح والتعاون والبذل، والحرص على اجتماع الكلمة ودفع الظلم والأذى، وتفقّد الأحوال، والإصلاح، والتقوى، والإحسان ,

Maqsadka Walaal nimada iimaaniga ahna waa midkaas,ku dhisan isu kaal maynta iyo is garab istaaga.

(المؤمنُ للمؤمنِ كالبنيان يَشُدّ بَعضُهُ بعضاً..) (متفق عليه). (مَثَلُ المؤمنين في تَوادّهم وتراحمهم وتعاطفهم، كمثل الجسد إذا اشتكى منه عضوٌ، تَداعى له سائر الجسدِ بالسهرِ والحمّى) (متفق عليه).

(مَن نفّسَ عن مؤمنٍ كُربةً، نفّسَ الله عنه كُربةً من كُرَبِ يوم القيامة، ومَن يسّرَ على مُعسرٍ، يسّرَ الله عليه في الدنيا والآخرة، ومَن سترَ مسلماً ستره الله في الدنيا والآخرة، والله في عَوْنِ العبدِ ما كان العبدُ في عَوْنِ أخيه) (مسلم).

Golaha Isutaga Masaajida Wuxuu umada islaamka ah,Gaar ahaan Jaaliyadaha soomaaliyeed ee Dibada ku nool ugu baaqayaa in si dag dag ah loogu gurmado walaalaha dhibaatada ku habsatay.

Abdullaahi Nuur (Abul-Fadli.)

Executive Director of the North American
Council Of Somali Imams.

Shacabka:Khilaafka Dowladda ka Dhex jira waa mid u Dhaxeeya Milkiilayaal iyo Shaqaale.

$
0
0

Idiris Xasan Faarax “Qofka waxaa shaqada looga joojin karaa Dhowr arrimood”

 

Iyadoo uu weli taagan yahay Is mari waaga u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federraalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Saacid  ka dib markii uu Madaxweynaha uu ka dalbadey Raiisul Wasaaraha ka dalbadey in Is casilo taasoo ay u dhadhamiweysey Raiisul Wasaare sheegeyna in uusan iscasil Doonin , waxaana uu soo jeediyey in isaga iyo Madaxweynaha ay ku kala bixi doonaan Dastuurka.

Waxaa Socda waan waan la doonayo in lagu Qabaajiyo Xiisada u dhaxeysa Madaxeynaha iyo Raiisul Wasaaraha  waxaana isku Daygii ugu Dambeeyey ku guda jirey Hayadda Culimada Soomaaliyeed hase yeeshee isku Daygaas ayaa la sheegey in uu is Afgaranwaa ku Dhamaadey , sidoo kale Xildhibaano iyana isku dayey in kala dhex galaan Madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha ayaa la sheegey in lagu Guuldareystey.

xasan_shirdoonShacabka Soomaaliyeed ayaa la yaab ku noqtey markii ay maqleen in uu Khilaaf soo kala dhexgaley Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha mar aan  raacey gawaarida dadweynaha ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayey Khilaafka Labada Masuul mid ka mid ahaa ayaa  soo boodey oo yiri “Waxaa Dhab in kooxaha is haysta ay yihiin kuwa Milkiilayaal ah oo Dowladnimadii isa siiyey iyo kuwa Shaqaale ah marka inta Ummadda Soomaaliyeed loo Madaxbaaneynayo Kurisga weligeen ka bixi maymo is haysigaan”

nin kale oo Odey ah ayaa isna qaatey hadalkii waxaa uu yiri “Dib u raaca Dowladihii na soo marey  markasta waxaa Hagaanka qabanayey kooxo Shirko ah oo lacago badan ku bixiyey in la doorto marka waxaan dadka Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay iska sugaan inta Doorasho Madaxbanaan ka Imaaneyso taasoo la helina wadankaa Khilaaf kama dhamaanayo”

sidoo kale Siyaasiga Idiris Xasan faaraxa ayaa isagoo ka hadlaya Khilaafka labada Masuul waxaa uu yiri “Waxaa mucjiso ah in nin Madaxwayne sheeganaayo uu Raiisul Wasaarihiisii ku yiraahdo iscasil!!! runtii arinkaan waa arin la yaab leh  wuxuuna ka dhacaa Soomaalida dhexdeeda oo kali ah ee ma ahan arin  aduunka kale laga yaqaano!! qofka waxaa shaqada looga joojin karaa dhawr arimood sida inuu ku dhaco fal dambiyeed noocuu doonaayo ha ahaadee. inuu Xanuunsado sidaana hawshiisii ku gudan waayo. Inuu isku darsado Maamul xumo iyo karti xumo!  intaas oo arimood hadii mid ka mid ah haleeshay ma ahan shaqo u taalo Xasan Shiikh !! ee waxaa ku lug leh Baarlamaanka qaybtiisa daba galka Dawlada!!! iyo Hay ada Garsoorka waxaa taa kasii daran hadii uu dhaliil yeesho Saacid ma ahan ninkii ku qabsan lahaa ee waa ninkii dhoo-dhoobi lahaa maxaa yeelay isagaa doortay oo khalad uu galaa saacad waa midXasan Shiikh ku soo laaban karto!!

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay Khilaafka ka dhexeeya Dawladda Federaalka – Video

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacabku Ha Is Dejiyaan, Hana Ku Kalsoonaadaan Golahooda Shacabka” “VIDEO”

- Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Shirjaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo Dalka gaar ahaanna dhanka siyaasadda isagoo fariin gaar ahna ukala diray Xildhibaannada Golaha Shacabka,Shacabka Soomaaliyeed iyo Saxaafadda.

somali79“ugu horeyn waxaan rabaa inaan u jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka inaan ku adkeeyo ama uga digo in arimaha khilaafaadka siyaasiga ee laanta fulinta ka jira aysan u ololeyn ama Warbaahinta uga hadlin taasi oo aan ula jeedo hadii khilaafaad siyaasi ah ay yimaadaan oo Madaxda dalka dhexdeeda uu khilaafaad siyaasi ah soo kala dhexgalo hor iyo horaan waxa weeye odayaal baa la yahay oo walaga fariisanayaa,waa laga wada hadlayaa,waana la xalinayaa,hadii ay taasi dhici weyso waxey usoo biyo shubaneysaa in Golaha Shacabka ay timaado maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda Baarlamaanka loo sameeyey in arimahan oo kale go’aan uu ka gaaro”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Xildhibaanku ka joogo arintan halka Qaadiga ama garsooraha uu ka joogo xukunka mana haboona ayuu yiri in Qaadiga ayada oo xukunka uu xafiiskiisa dhexyaalo aanay habooneyn inuu banaanka ugasii hor dhaco arinta uu xukumayo ama go’aanka ka gaarayo waxaana uu ku baraarujiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iney dhowrtaan mas’uuliyadooda Xildhibaannimo iyo awoodda ay leeyihiin oo aanay dhicin in warbaahinta laga ololeeyo maadaama aanay hada lagu jirin ololle oo lagu jiro xalin ama maslaxad.

“arinta Labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxey tahay Xukuumaddu weey noo shaqeyneysaa, adeegga shacbiga loo hayana wuu socdaa,wax xumaanaya haba yaraatee ma jirto sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsanayaa iney kalsoonidooda qabaan,mahad Alle ayaa leh maanta waxaan leenahay Gole Shacbi oo shaqeynaya oo u duuban hogaaminta siyaasadda dalka iyo maareynta dhibaato kasta oo timaada,qof ahaan aadbaan ugu kalsoonahay in Golahan Shacabka ay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin iney xaliyaan mushkilad kasta oo timaada,shacabkana waxaan ka codsanayaa iney ku kalsoonaadaan”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in mahad kale oo Alle looga mahad celinayo ay tahay in dalku leeyahay shuruuc iyo Dastuur oo arimahan oo kale lagu kala maareeynayo sidaas darteedna aysan jirin wax xumaanaya oo ay tahay in la is dejiyo oo aan loo baahneyn in wax la buun buuniyo oo qof kasta uu ogaado iney dalkan mas’uuliyad ka saarantahay oo uu ku fekero sida xal loo gaari karo oo wax loo xasilin karo.

“arinta ugu dambeysa waxaan u jeedinayaa Warbaahinta iyo Saxafiyiinta,dadka saxafiyiinta ee warbaahinta ku shaqeynaya dhammaan waxaan xusuusinayaa in qalinka iyo qalabka aad ku shaqeyneysaan uu idiinku yahay Allena idinkula xisaabtamayo,arin fiican ma ahan inaad buun buunisaan waxaanan jirin ama kuturukuteen ah oo aan loo baahneyn aad umadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran,muwaadinbaad tahay oo dalkan mas’uuliyad ayaa ka saaran fadlan ha noqonina kuwo qasaaro ku shoob ah oo noqda kuwo hormarka ku faana,Mahadsandiin” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

VIDEOga shirkajaraa’id ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Linkiga Hoose ka Daawo:-

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

…..

Sawirada Duufaantii Buntland – In pictures: Somali cyclone floods in Puntland

Cawed Axmed Cashara oo sheegey in Madaxweynaha uusan Awood u lahayn in uu Booska ka qaado Raiisul Wasaaraha

$
0
0

Siyaasiga soomaaliyeed ee Cawed Axmed Cashara ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Sare sare Ee Dawlada Faderaalka Somalia isagoo Ka hadlay Ogaalkiisa, Iyo weliba Waxyaabaha Lagu Kala Bixi Karo.

somali83Cawed Cashara oo waraysi siiyey warbahinta ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka, Wuxuuna Sheegay In Haatan Madaxwaynaha uusan Booska Ka Qaadi Karin Rai’sal Wasaaraha, Baarlamaankana uu Ridi Karoo oo keliya .

Sidoo kale cashara ayaa intaasi ku daray In Madaxwaynaha Soomaaliya uu Faragelin Ku Hayey markii Horaba Howlihii Xukuumada loo igmaday , Hasa Ahaatee Aysan Dhibaato ku Jirin Maadaama Raali Laysaga Ahaa.

Siyaasiga cashara ayaa dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Hordhigay inuu Ka Jawaabo Su’aalo Dhowr Ah iyo Waxyaababaha Ay Isu Cashisay Gudoomiyihii Bankiga islamarkaana daboolka ka qaaday in gudi baaritaan ku sameeya sababta is casilaada uu sameeyo madaxweynuhu hadii kale ay keeni karto sumcad xumo ka daran midi hore u haysatay Somalia

Dhinaca kale Cawed Cashara ayaa ugu baaqay masuuliyiinta kale ee Dowlada iyo waxgaradka kale inay arinta dhex dhexadiyaan,isagoo carabaabay Inaan loo Baahnayn in Haatan Faa’iido laga Dhexdoono khilaafka labada masuul . Ugu Danbayntii Cawed Axmed Cashara ayaa ka hadlay Waxa laga Dhaxli Doono Hadiiba uu Sidaas Booska Kaga baxo Rai’sal Wasaaruhu islamarkaana tilmaamay inay horseedi doonto bur bur ku yimaada Dowlada Somalia isagoo intaasi sii raaciyey inay meel eber ah wax laga soo bilaabay islamarkaana loo baahan yahay in lagu fara adaygo Haykalka Dowladnimo ee iminka jira.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay Khilaafka ka dhexeeya Dawladda Federaalka – Video

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Aqoon is weydaarsi lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingriiska.

$
0
0

somali84somali85Waxaa maalintii shaleyeey ee ay taariikhdu ahayd 15ka November lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingriiska kulan aqoonisweydaarsi iyo dood cilmiyeed ah, kulankaasoo cinwaankiisu ahaa (Hayyaanka horu marinta afka hooyo iyo hiil doonkiisa maanta) ayaa waxaa marti ku ahaa Professor Maxammed Daahir Afrax oo ka tirsan hay’adda horumarinta afka soomaaliga ee PEN, ahna (gudoomiyaha Akadeemiyad goboleedka Af-soomaaliga). Aqoon is weydaarsigaas ayaa waxaa suurta galiyay ururka HADAF kaasoo ah urur ka dhisan waddanka Ingriiska. Aqoon is weydaarsigaas ayaa waxaa kaloo kasoo qeyb galay aqoonyahanno ku xeel dheer Afka Soomaaliga.

Professorku waxa uu dul maray taariikhdii iyo maraaxishii uusoomaray afsoomaaliga isagoo xussay in afkeenna hooyo uu marayso marxalad khatar ah taasoo u baahan in loo hiilliyo lagana badbaadiyo khataraha ku yimid iyo duullaanka ay ku hayyaan luqada waaweyn sida Ingriisiga iyo carabiga taasoo ay sababtay qaran jabkii iyo burburkii ku yimid dowladdii dhexeee Soomaaliya.

Wuxuu Proffesor Afrax intaas ku daray in inkastoo ay jiraan dadaallo ay wadaan dowladaha Jabuuti iyo ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia haddana ay dhab tahay in Afka Soomaaligu uu wali ka muuqdo dayac fara badan iyo koboc yari.

Aqoonyahanadii ka soo qeyb galay aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa ay kulligood isku waafaqeen  in af soomaaligu u baahanyahay hiil dhinac waliba ah hanoqotodhinacyada erey bixinta, naxwaha, qoraalka farta, suugaanta iyo in ubadka ku koray qurbaha la baro afkooda hooyo.

Ugu danbeyntii Ururka Hadaf ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Proffesor Afrax taasoo lagu tix galinayo doorka hormuudnimo ee uu noloshiisa inteedii badnayd ku bixiyay kobcinta iyo u hiillinta afka soomaaliga.

C/Fataax C/Qaadir Cilmi (Shuxle)

Birmingham UK.

SIRTA XASAASIGA AH EE KA DAMBEEYSA IS KHILAAFKA “MADAXDA QARAN” EE SOOMAALIYEED!

$
0
0

“If there is a will, there is a way”.

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

boqoreIntaa kabacdi,horta aan ku bilaabo’e xiligii Ra’isulwazaarenimada tartanka loogu jirey, oo rag badani eey xilkaa u xusulduubayeen, ayaa waxaa Madaxweynuhu iska diidey rag badan oo xaqiiqdii aad u culculusaa, aqoon ahaan, khibrad iyo waayoaragnimo ahaan intaba.Ragaas waxaa intooda badan uu Madaxweynuhu ku qoonsadey shuruudo u gaar ahaa, oo magacaabista Ra’isulwazaaraha uu ku xirayey, balse eey ugu waaweeynaayeen labo shardi. Labadan shuruud waxeey kala ahayeen: 1-In ninka uu Madaxweynuhu Ra’isulwazaare u magacaabayo noqdo “Nin uu wadankaro”, kana firfircoonaankaro, isagoo ka faa’ideeysanaya khibrada xukuumadihii ka horeeyey, maxaa yeeley madaxweyne Sh.Shariif wuu iska wadankarey Ina Sharmaarke, balse markii uu magacaabey Farmaajo xaalkiisu wuu is badaley, oo Farmaajo ayaa aad uga firfircoonaa, kana sumcad dheereeyey, oo shacbiyad aad u weyn ummada ku dhexyeeshey, dabcan illaa iyo maantana xaqiiqdii ku dhex leh.

Waxeeyse howsha Shariif uga sii dartey markuu Ra’isulwazaare ka dhigey Dr. Cabdiweli Cali Gaas,taasoo  la yaabkeedaa laheyd, maxaa yeeley wuxuu Cabdiweli dagaal xoog leh iyo Caayba la daba taagnaa Sheikh Shariif xilligii C/llahi Yusuf, taasi oo ay Rag badanku sifeeyeen in Sheekh Shariif uusan aragti fog lahayn. Cabdiweli wuxuu Shariifkaba ka dhigey nin hurda, siduu doonana ugu dulshaqeeystey, illaa uu dowladii Qarankaba Puntland hoos geeyey, Faroolena ka dhigey nin aad u awoodbadan, oo waxkasta oo Qaranka quseeyaba aanan looga maarmin. Wuxuu gaarey Cabdiweli Gaas heer ah in uu ka dhigo wufuudii dowlada Qaran u matali laheyd shirar caalami ah, gudi si toos ah uga socda puntland, miraha kasoo baxanaPuntland eey gaar u qaataan.Waxaa intaa dheereyd in qalabkii dib u dhiska Caasimada dowlada Talyaaniga u bixisey, uu si toos ah ugu wareejiyey maamulka Puntland. Iyadoo meesha aanu ka marneyn “Dastuur-ku-sheegii” shakiga uu ku galiyey Caasimada dalka ee Muqdisho. Qoraa sare: Cabdi Cismaan, oo qormo ka sameeyey rag uu Cabdiweli ku jiro, ciwaankeeduna aha “Taariikhda Madow ee Qaswadayaasha Soomaaliya | QEYBTA KOOWAAD” fadlan Link-gaaka eeg, qeybta quseeysda Dr.Cabdi Weli Cali Gaas, adiga ayaa ka dhargidoona sida uu waxbayahay uga dhigey Sh.Shariif, uguna dulshaqeeystey. Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud oo tariikhdaa ka faa’ideeysanaya ayaa si sidii Sh.Shariif ku dhacdey aaneyugu dhacin, ayaa wuxuu doorbidayey nin uu ka firfircoonaankaro, sidaana shardiga koowaad ka dhigtey.

Shardiga labaad oo raga kasoo gudba qodobkaa hore oo kaliya lagala hadlayey ayaa ahaa,  2-In ninkaa daneeynaya in Ra’isulwazaare loo magacaabo uu ogolyahay liis wadaxweynuhu watey oo Damjadiid ahaa uu jagooyin waziiro ah, oo  waliba uusii xadidey, iyagoo sidooda ah in uu ugu magacaabayo, waliba waziirada oo kaliya ma aheeyne in uu waziiro kuxigeenada iyo waziiru dowlayaasha lamagacaabi doonaba uusidaa oo kale Liiska loo keeni doonouuu yeelidoono.Qodobkan rag kooban oo shardigaa hore kasoo gudbey baa iska diidey, iyana xilka Ra’isulwazaarenimo ku waayey.Ra’siwazaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid wuxuu kasoo baxaey shardigii 1-aad, wuxuuna si toos ah u aqbaley shardigii 2-aad, sidaa daraadeed waxaa madaxweynuhu ku abaal mariyey jagadii Ra’isulwaaaraha Dowalada Federaalka ah ee Soomaaliyeed.liiska loo dhiibey waxa ugu cadcadaa sadex qof, xaqiiqdiina ahaa lama taabtaan: 1-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya: Mudane: Faarax C/qaadir (Faarax Topaz) oo ah Damjadiid, ahna mas’uulka ugu sareeya hey’ada weyn ee Muslimii Ifriiqiya, Simad iyo Sikuulka weyn ee Axmed Gureeyna iska leh,iyo mashaariic badan oo Soomaaliya Gudaheeda ah.Waa nin aad u firfircon oo aad u karti badan, jecelna in uu gadaal (Shaashada gadaasheeda) waxkahogaamiyo.Waa ninkii hogaaminayey ololihii utartanka Madaxweynenimo ee Madaxweyne Xassan.Waa ninka hey’adiisu maalgalisey mahcadka Simad ee Xassan uu madaxda ka ahaa.Faarax inkastoo Wazaaradii uu doono uu helayey, hadana si aan Madaxweynaha  loogaga dhawaan, Villa Soomaaliyana uu dalka uga maamulo ayuu isaga doortey in loo magacaabo Waziiru-Dowlaha Madaxtooyada.Waxeey labadoodu waligood ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow. Faarax oo kasoo jeeda mid ka mid ah Beelaha aan Muqdisho ku xoogbadneyn, (Reer Owxasan), ayaa Xassan Sh.Maxamuud oo Abgaal ah (Waceysle), wuxuu u ahaa Nin meelo badan wax uga soo dhicinkara mashaariicda baaxada weyn ee Faarax, gaar ahaan Waqooyiga Muqdisho iyo gobollada reerihiisu dagaan.somali88

2-liiska waxaa safka hore kaga jirey sidoo kale: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka ee xukuumada federaalka ah ee Somalia: Mudane: C/kariin Xuseen Guuleed oo isna ah Damjadiid, kana mid ah shaqaalaha usoo shaqeeyey hey’ada Muslimii Ifriiqiyada ee Faarax madaxda u yahay, iyo waliba college-kii Simad. Maadaama C/Kariin kasoo jeedo Beesha Habargidir (Sacad), isna wuxuu u ahaa Faarax nin meelo badan wax uga soo dhicinkara, gaar ahaan Koonfurta Muqdishoiyo gobollada reerihiisu dagaan3-Waxaa Iyana liiskaa ka mid aheydwasiirada Arimaha Dibada, ahna Ra’isulwazaare ku xigeen:Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji, waa gabadhii eey Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud isla wadeen mashruucii Jaamacada Hargeeysa.Mudo ayey iskala qaraabanayeen oo wax iskala cunayeen mashaariicda UN-ka wax looga cuno.Waxbadan beey iska kala ogyihiin, waase laba qofood oo wax isla wadi kara, isla cunikara, kalana badbaadi kara, waana waxa saaxiibada aadka u dhow ka dhigey oo xilkaa eey ku muteeysatey, liiskana safka hore uga gashey.Meesha kaliya oo eey isugu dhicikareen waa arinta “Qadiyada Goonni-isu-taagga Somaliland”, taana Madaxweeynaha indhaha ayuu ka laabtey, oo waakan soo istaageyba[Wax Diplomatic Pressure ah u isticmaali meeyno Somaliland], ogoowna Diplomatic pressure waa awooda kaliya ee dowladani heysato si dalka aan loo kala gooyne, ileyn “Economic Pressure”, ma heeyso, oo iyadaaba mushaaraadka laga bixiyaa, “MilitaryPressure-na” warkiiba daa, oo iyadaaba Villa Somalia lagu waardiyeeyaaye.Wuxuuna sidoo kale Madaxweynuhu goostey in uu albaabkaba ka xirto “Khaatumo State” oo taagan midnimaan rabtaa, sidaa daraadeedna eey Somaliland xiisado colaaleed kala dhaxeeyso. Foowsiyo maxeeyba iyada iyo saaxiibkeed iskula dhacaanba!Marka arintan “Midnimada” toos saxaafadu uweydiiso Foowsiyanajawaab cad iska diidey in ey ka bixiso, maxaa yeeley Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir oo Waziir iyo Ra’isulwazaare ku xigeen kasoo noqdey Xukuumadii Soomaaliya ee uu  Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf ka ahaa, maantana xukuumada Soomaliland dib ugu noqdey, sidiisii ookale ayaa malaha iyana u qorsheeysan in eey Ururkeedii Siyaasadeed ee Somaliland ka dhisnaa, dib boorka uga jafto, waliba iyadoo aduunka caan ka ah, oo Soomaaliya oo dhan usoo noqotey Ra’isulwazaare kuxigeen iyo Waziir Arimo Dibad.

MAXAA IS BADALEY, OO LEEYSKU HEEYSTAA KHILAAFKANAKEENEY?

somali87Mudo sanad ah ayaa sidaa aan kor kusoo xusney lagu shaqeeynayey, xaqiiqdiina inta badan siyaasada dowlada waxaa kala wadey “Madaxweynaha iyo Kooxdiisa”oo eey ugu horeeyaan; Faarax C/qaadir (Faarax Topaz), C/kariin Xuseen Guuleed, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Kamaal Daahir Guutaale oo ah Chief of Staff-ka Madaxweynaha.Waxaa jira waziiro madaxweynha iyo Ra’isulwazaarahaba kawada garab muuqda kartidooda iyo firfircoonidooda darteed sida:waziiradaWasaarada Hormarinta Adeega Bulshada: Dr. Maryan Qaasim Axmed, wasiirka Difaaca Mudane: C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka Warfaafinta Mudane: C/laahi Ciil Mooge Xirsi.Nasiibdaro! waziirada Madaxweynuhukeensadey Ra’isulwazaaraha waxba uma oga, waxaa daliil kuugu filan shirkii waziirada ee dhacay (November 14,2013), khilaafka labada mas’uul ka dhaxeeya darteed aaneyba soo xaadirin“Waziiradii madaxweynaha” iyo waliba kuwo kale oo xilkooda u cabsadey.

Saacid waa nin wadani ah, waana nin dagan oo aad u samir iyo dulqaad badan. Waxbadan indhaha ayuu ka laabanayey, maadaama uu ogaa sida uu ku yimid. Wuxuu sidoo kale mudo iska indhatirayey “Kooxda S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille,Galeyr, Gaandi, Ina Sharmaarke, Cabdiweli, iyo inta ku fikirka ah ololo Beeleed eey wadeen isaga ku kicinayeen.iyadoo eey ragan jiraan ayaa sanad kabacdi waxaa ololihii kusoo biirey kooxo kale, oo isu wada baheeystey naceybka madaxweeynaha iyo kooxdiisa Damjadiid, waa kuwii la baxay “Golaha Samatabxinta Qaranka” ee Nairobi ku shirey.Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Fuley la caraadiyey, Geesi buu noqdaa!” ugu dambeyn Ra’isulwazaare Saacid, wuxuu ku qancey in uu xaalka wax ka badalo.

Qorshaha wuxuu ka bilaabey in uu yiraahdo xukuumada ayaa la ballaarinayaa, madaama wazaarado badan isku hoos jiraan, madaxweynahana wuu ku qanciyey, ulajeedada dhabta ahse waxeey aheyd in uu xafiiskan Ra’isulwazaarenimo ee uu isu arkey in uu maqaar-saaar ka yahay, si buuxda gacanta ugu dhigo, isagoo soo magacaabaya xukuumada isaga u og in uu madax u yahay, oo eey hoos tagaan, taana ma dhici karto iyada oo aan meesha laga saarin “Waziirada Madaxweynaha” ee Damjadiid, gaar ahaan raga garbaha u ah madaxweynaha ee uu ku duulo, ama “Inner circle-ka Madaxweynaha”.Sidaana wuxuu ku gudbiyey Liiska cusubka ee waziirada oo eey kawada maqanyihiin kuwii safka hore kaga jirey liiskii loo dhiibey xiligii la magacaabayey. Dadkaa waxaa ugu horeeyey Faarax, Fowsiyo iyo Cabdikariin

Nasiibdarro! Ra’isulwazaaraha wuxuu iska indhatirey in madaxweynuhu aanu ogolaaneyn in liiskaa meesha ka baxo, Gaar ahaan Faarax C/qaadir (Faarax Topaz). Hadaan soo gaabinno, “Faarax C/qaadir  meesha haka baxo, waxeey la mid tahay Xassan Sh. Maxamuud meesha haka baxo”, waana waxa keeney xanaaqa gaarey, “Saacid;  Adeeroow is casilba!”.

HORTA MADAXWEYNUHU MA CASILI KARAA RA’ISULWAZAARAHA SHARCIYAN?

Jawaabta tooska ah ee su’aashaasi waa: “Maya!”. Maxaa yeeley [Dastuur-ku-sheega] hadda inoo yaallaahi cutubkiisa 7-aad, qodobka 90-aad wuxuu ka hadalayaa Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha JFS, isla qodobkaan farqadiisa (d) iyo (e) waxeey dhigayaan sidan:

D) Wuxuu madaxweynuhu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad, wuxuuna xilka ka qaadayaa, ama kala dirayaa Xukuumada Federaalka ah, hadii eey weeydo codka kalsoonida golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal dheeri ah (50%+1).

E) Wuxuu Madaxweynuhu xilka ka qaadayaaWasiirada, Wasiiru-Dowlayaasha iyo Wasiir-ku-Xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.

Waa intaa waxa inoo qoran,balse malaha “Orodoo is casishu”, waxeey aheyd codsi’e, meel ma heeysato sharciyan.

MUXUU KU DAMBEYNKARAA  IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?

somali86Hadii aan la xallin, waxaa ugu dambeyn daaqada ka baxaya mudane: Saacid, meeshaa ayuuna kusoo afjarmayaa Political Career-kiisii Ra’isulwazaare ahaan, waa marka aad dib u fiiriso taariikhda mugdiga ah ee isku soo dhaca madaxda’e.Waxaa intaa kuu sii raacsan in Saacid aanu taageero ka heeysan inta badan beelaha Daarood, Digil & Mirifle,oo waxeey isku seegeen sanadkii si kasta eey ugu kicinayeen Madaxweyne Culusoow, balse uu ka dhaga adeeygey, maanta waa xiligii eey duruusta u dhigirabeen. Dir iyo Hawiyana inta uu ka heeysto ma badna. Laakiin waxa meeshaa ku qasaaraya ma aha Saacid oo kaliya, ee Madaxweyne Xassan isna qasaare farabadan ayaa kasoo gaaraya, maxaa yeekey nin eey wada shaqeeynkaraan, ama sida dadka qaar u dhigayaan, “Uu wadankaro” ayuu heeystay, kan imaandoona sida uu ku noqondoono ma hubo, inta arintan aan xal laga gaarinna, waxaa maalinba maalinta kasii dambeeysa buris weyni uu ku dhacayaa isaga iyo kooxdiisa Damjadiid, iyo waliba guud ahaan xukuumada uu madaxweynaha u yahay, oo in badani aaminsaneyd in eey tahay xukuumad rasmi ah, oo wixi hore ee xumaa oo dhan ka gududbtey, is khilaafka madaxduba ha ugu horeeyee.

YEEY DANI UGU JIRTAA IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?

Dhowr kooxoodba dabaaldagii eey bilaabeen marka khilaafka labadamas’uul uu soo baxay illaa hada weey ku jiraan. Kuwaa waxaa ugu horeeya 1-Kooxa qabyaladeed ee “S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille, Ina Sharmaarke, Cabdiweli Gaas, Galeyr iyo Gaandi iyo inta ku fikirka ah oo mudo sanad ah Caayda iyo Caraadinta Saacid ka dhamaanwaayey. Faroole iyo inta ku fikirka ahbawaxeey rajo weyn ka qabaan in sidii hore u dhacdey xiligii Farmaajo,inta Saacid meesha ka baxo, Faroole Ina-Adeerkii loo dhiibo Xilka Ra’isulwazaarenimo, kaasoo sidii Cabdiweli Gaas danaha ummada Soomaaliyeed oo dhan Puntlad hoosgeeya, oo waliba u garbaduuba Soomaali oo dhan. Waxaa intaa soo raaca 2-Kooxda Nairobi, ee isku magacoowdey “Kooxda Samatabixin Qaranka”, oo eey aad ugu weyntahay naceybka Madaxweynha iyo Kooxda Damjadiid, ugu yaraana raba in eey arkaan, dowladan oo gabi ahaanba burburta maadaama eey ku ridey “Rajo beel jaggo”.Kooxdan waa fursad xil raadis, naceybkoodu meel kale haka raadin.Waxaa soo raaca 3-Xildhibaannada intooda badan marka laga reebo tiro aad u yar,  oo Mooshin keenis iyo khilaafka madaxda sare “Naq iyo Barwaaqo ka daga”, oo caasuumad joogto ah iyo dhaqaale xoogan oo lagu kala jiidanayo u bartey in eey farqaha ka buuxsadaan, ogow hade waa dhaqaale xaaraan ah, ileyn dhaqaalahaa waxaa iska leh danyarta Ummada Soomaaliyeede,iyo igu dambeeyn 4-Wadamada dariska iyo hey’adaha Nairobi u fadhiya dhaca dhaqaalaha ummada, oo u arka khilaafka joogtada ah in uu sii fogeeynayo rajada Ummada, iyo helitaankooda Qaran dhab ah, oo danta dadka iyo dalka si dhab ah uga shaqeeynkara.

MAXAA XAL AH OO DANTA GUUD IYO TOODUBA EEY KU JIRTAA?

Gudoomiyaha maxkamada sare oo Universal wareeysi khilaafkan ku saabsan siiyey wuxuu yiri, “Muskiladu waa nidaamka aan qaadanney” link-gaaka daawo, gudoomiyaha Baarlamaankuna ka hadal. Anigase ma garanayo in eey ka wada badbaadinoonaan Culusoow iyo Saacid kuwa iskusii diraya, kala jiidanaya, siina kala fogeeynaya, oo qarashka ku bixinaya, balse hadii caqli miirqabaahi eey ku fikiraan, waxaa usoo baxeeysa in eey ku dadaalaan is fahan, iyo isu danaasul, cadowgoodana aaney fursad siin, walibana aanu waqtiga kusii dheeraane degdeg eey xal u gaaraan,waloow taasi adagtahay, hadana waligeedba hadii rabitaan jiro, xal lama waayo, maahmaah Ingiriis ah ayaa leh, “If there is a will, there is a way”.Waxaan ku gabagabeeyn lahaa, “Madaxweyne Shalay adigoo rag kuu tashadey ayuu Ra’isulwazaare Saacid kuu hiiliyey, ee maanta u hiilli oo cadow ha u jabin, waa hadaad nin in la taageero mudan tahay’e.”

Writing only for SOOMAALINIMO

Wabillaahi Toowfiiq

 

W/D:C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

Bare/Macallin Jaamacadeed. Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: Google images search

Jagooyin Banaan International Bank of Somalia (IBS)

$
0
0

Jagooyin  Banaan

International Bank  of Somalia (IBS)

Fully Islamic Bank

islamicbank

Qaybta Qaybta Qaybta Qaybta
Branch Qaybta Information Technology Qaybta Human Resource Qaybta Financial Control
Tellers IT Networking Administration Recruitment Accounting and Finance
Customer Service Database  Administration Personal Reconciliation
Branch Manger Website Maintenance General  Administration Management Information
Central  Operation Receptionist Secretary
Back Office Operation
Trade  Finance

    International Bank Of Somalia (IBS)  oo ah Banki Islaami ah waxaa uu Ogeysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed  in ay ka Banaan yihiin Jagooyinka Hoos ku Qoran:

 

Condition

Sharuudaha

1-      Waa inuu Shahaado Jaamacadeed Haysta oo la Xiriira Dhinaca Maamulka Ganacsiga

2-      Ugu yaraan Laba Sanno oo Khibrad ah leeyahay

3-      Ku Fiican yahay Luqadaha English iyo Somaliga

4-      Laba Baasaboor , Sawir iyo Warqadda CV-ga

5-      In lagu Sheego CV-ga Booska Shaqo  ee uu Doonayo

6-      Araaji Qabashada waxay ka Bilaabaneysaa 11/11 /2013  waxay ku Egtahay December 10, 2013

7-      Wixii faahfaahion ah waxaa kala Xiriir kartaa Lagu soo Hagaajiyo  Cinwaanka E-Mail   career@ibsbank.so

Tel +2521865999/ Fax +2525922111

Kulan ay soo Qaban Qaabiyeen Bulshadda Rayidka oo looga hadley Xal u helida khilaafka soo Noq-Noqdey ee Hogaanka Sare ee Dawlada.

$
0
0

somali91Maanta oo ay Taariikhdu tahay 17 November 2013 waxay Daladda SOSCENSA (Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya) ku qabatay Hotel Ramaada ee Magaalada Muqdisho kulan wada tashi ah oo ay ka soo qaybgeleen odayaasha Dhaqanka, Bulshadda Rayidka, Xirfadaleyaasha,Rugta Ganacisga, Siyaasiyiin, Culuma’udiin iyo Waxgarad waxaana uu Kulankaan u jeedkiisu ahaa kaalinta Bulshada Rayidka kaga aadan xal u helida khilaafka soo laa-laabtey ee Hogaanka sare ee Dawladaha 13 sano

Xubnihii halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Shiikh Xasan oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Nabada waxaana uu sheegey in Khilaafka u dhaxeeya laba Mas’uul lagu dhameyn karo Hab Dastuuri ah gaar ahaan in ay kala dhexgalaan Baarlamaanka,waxaa uu ka digey in Khilaafka uu noqdo mid sii daba dheerada taasoo uu sheegey in aysan dan ugu Jirin Ummada Soomaalieed.

somali89 somali90Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Cismaan Aadan Cadde oo sheegey in Dowladhii soo marey Dalka gaar ahaan Dowladii Lixdameeyadii uusan dhexmari jirin wax khilaafka waxaana uu sheegey in Bulshadda Rayidka ay Door muhiim ah ay ka qaadan karto si Xal looga gaaro Khilaafka soo noqo noqdey ee markasta ka dhex dhaca Masuuliyiinta Sare ee Dowladda .

Kulankaa oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac ayaa waxaa kaloo halkaas Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed kana mid ahaa Xildhibaanadii hore Cabdi Abshir Dhoore waxaana uu yiri “Haddii aan kaashado Khibradeyda ku aadan Khilaafyada noocaan ah waxaa Xaqiiqo ah in Labadaan Mas’uul ay kala tagayaan waayo haddii aan dib u raacno ma jirto Khilaaf lagu Xaliyey in la wada joogo oo la wada shaqeeyo”

Dhamaan Xubnhii ka qayb galey Kulankaan ayaa waxa Hoosta ka Xariiqeen in Khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare lagu Xalin karo in Dastuurka Dalka sidoo kale waxay ugu baaqeen Xildhibaanada Baarlamaanka in ay Dhex-Dhexaad ka Noqdeen oo ay ku dadaalaan in Xal ka gaaraan Khilaafkaan soo noqo noqdey ee mar waliba ka dhex dhaca Mas’uuliyiinta Dowladda waxaana kulankas GabAgabadiisa laga soo saarey Baaqaan

BAAQ:

§ Waxay Ka qaybgalayaasha soo jeediyeen in Khilaafka Siyaasadeed lagu xaliyo Hab Dastuuri ah.

§ Waxay Ka qaybgalayaasha shirku soo dhawaynayaan hadalkii Gudoomiyaha Baarlamaanku u jeediyey Xildhibaanada ee ah ineysan kala qaybsamin iyo ineysan Warbaahinta uga hadlin khilaafka Siyaasadeed.

§ Ka qaybgalayaasha shirku waxay codsadeen in Madaxda sare ee Dawladu ay Dadwaynaha u fasiraan Sababaha Khilaafkooda si meesha looga saaro kutiri kuteenta.

§ Golaha Wasiiradu waa in ay sii wadaan hawlihii Adeega Bulshada oo sida sugiga Amniga iyo kaalmaynta Dadka dhibaataysan iyagoo ka fogaanaya Khilaafka.

§ In Beesha Caalimku ay sii wadaan Taageeradii Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Farsamo ee ay siinayeen Dawladda.

§ In Beesha Caalamku kaalmo deg deg ah la gaarto dadka dhibaateysan sida Gobolka Shabveeladda . Dhexe iyo Puntland.

§ Waxaan Madaxda Dawladda ugu digeynaa in aan Hantida Shacabka ee ay Mas’uulka ka tahay aan loo isticmaalin dano gaar ah lagana fogaado Musuq Maasuq nooc kasta uu yahay.

Shirku wuxuu gaban gabadii isku raacay in la magacaabo labo Gudi oo kale ah; Guddiga wacyigelinta iyo Gudiga Wada-xaajoodka

Wabilaahi Towfiiq

Waxaa soo tebiyey Amiin Yuusuf

Hay’ada HARO oo Rashin, Bustayaal iyo Ma’acuun gaadhsiisay Dadkii duufaantu ku dhacday.

$
0
0

Hay’da HARO oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa Maanta gaadhsiisay,dadkii Dhibaatadu ka soo gaadhay duufaantii ka dhacday W/Bari Somalia.Hadaba Maamulka hay’adu waxay ku howlan yihiin howlaha gar gaarka ah,siday Dhakhso ugaadh siin lahayeen dadka tabaalaysan.

Sidaa darteed wixii mucaa wino ah waxaad ku hagaajisaan Xafiisyada Hay’ada.ama e-Tawakal HARO iyo Online http://www.harousa.org/.

Sawirada halkan ka daawo

Fawsi Dahir
Regional Director
HARO-Minneapolis
3355 Hiwatha Ave,south ,Suit 201
Minneapolis MN 55406
612-315-5693/612-483-1995

http://www.harousa,org/

Ra’iisul Wasaare Saacid: “Waa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday No.50”

$
0
0

Muqdisho, …Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda inta u dhaxaysa No.50 iyo magaalda Afgooye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in maanta sii dhintaan dad Soomaaliyeed, iyadoo cadowgii dalkuna ay wali maleegayaa hagardaaminta dalka iyo dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey No. 50 labadii maalmood ee u dambeeysey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah madaama dushooda lagu dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, si dhaqso ahna loo furo waddada, khilaafkana wado hadal lagu xalinayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkii ku wax-yeeloobay dagaalkaas.

Dagaalka shalay iyo maanta ka dhacay dhulka u dhexeeya No. 50 iyo Afgooye ayaa sababay khasaaro soo gaartay dhinacyadii dagaalamayey iyo dad shacab ah, wuxuuna dagaalkaan hadii uu sii socdo wiiqayaa awoodda dawladda iyo dadaalkii lagu xorayney deegaanada ay kaga suganyihiin kooxaha nabad diidka ah, kuwaas oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolka.

18, Nov, 2013

Communication Office
Mogadisho-Somalia
media@opm.gov.so

Personality of Somalis | By Abdirizak M. Yusuf

$
0
0

 

I would like to draw your attention that the Somali people lost their government for almost two decades ago and they are struggling to establish political system that share for all Somalis up to now.  Why they did not succeed to form a government that seeks to come up the solution of the Somali crises. If they want to get a solution for this problem, I suggest them to understand the problems of the Somalis, and their  stregnth before they think any form of the government.

I summarize their strength and weakness as follows:

The strength:

1-      They are sunni muslim and profess strong alliance to Islam. They belief strongly all powerful of Allah.

2-      They are great walkers with limited resources.

3-      They are courageous, firm and determine to defend their land from foreigners.

4-      They are endowed with great natural intelligence.

5-      They  are friendly  and warm people

6-      They help their brethren. Their generosity extends to their family, clans and all Somalis.

7-      They are proud to be Somalis and they love their country.

8-      They are independent and feel their freedom is not negotiable.

The weakness:

1-      Tribal minded. Somalis are divided deeply into clan and they are strongly loyal to their clan instead of the nation.  Each clan has an enemy of its neighbor clan, each of them has its boundaries, if he crosses it to another area, and then the fighting will start between them. Therefore, there are frequent clan conflicts between Somalis that lead into a devastated war between them.

2-      Corrupted leadership and parliamentarian.  The parliamentarian elects dishonored president and in turn he elects dysfunctional ministries who encourage openly, their family, their clan, and their relatives and friends to steal the resources of the nation without mercy.  The worst is that many of these leaders are holders of foreign passport who care less in building the nation but their aim is to collect illegal money and invest it to their host countries.

3-      Failure of Judiciary System.   Somalis wetness that their relatives are killed, their resources are stolen, their land is buried with poison, and their sea is overfished. They have not seen a Somali judge who opens a case for those leaders who stole their resources openly and those who commit these crimes every day.  It seems that the whole country is occupied by these criminals who have no mercy with their fellow Somalis.

4-      Chewing Khat leaves.  Many Somalis are chewing these drugs which have played a big roll to spread chaos, unemployment and social disorder.  They lost their traditional values, cultural virtues that exist before.  Murder, rape and robbery are common with these drug addicted people.

5-      They say that 95% of Somalis are illiterate and living in the rural area. They resist abiding the law and they seek to beak it by using with different means. Their clan loyalty is extremely high which lead them to commit heinous and cruel crime knowing that it is against Islam. They belief individualistic and envy principles that against to work together with common benefits of the society.  They do not have any concession for certain issue for the sake of the nation.

In conclusion, I suggest that Somalis need to wipe out all corrupted leaders for all. They need to select team who has positive characteristics and works to put an end in a gradual systematic way of these negatives that I mentioned above. I think that Somalis should be brethren and put a side tribalism ingredient in their life, be educated and eradicate the illiteracy, and should bring all criminals into justice as early as possible with no exception. God Bless Somalia.

 

Abdirizak M. Yusuf

afwajtsP@emirates.net.ae


IMAAM ABUU XANIIFA (2) !!!!!

$
0
0

saahid11) Abuu xaniifa wuxuu ahaa Imaamkii ugu horeeyey ee aad u ballaariya soo dhidhindhirinta Fiqhiga iyo in la sii Qeyb qeybiyo furuucdiisa,oo la sii saadaaliyo arrimo aan wali dhicin, taas oo Imaamadii ka horeeyey aysan sameyn jirin una arkeen mid waqti lumis ah .

Wuxuu ahaa Zeyd ibnu Thaabit Saxaabigii weynaa ee faqiiha ahaa, haddii la weydiiyo Su,aal wuxuu dhihi jiray Arrinkaasi wali ma dhacay ??? Haddii ay dhahaan ma dhicin ,wuxuu dhihi jiray iska suga inta ay ka dhaceyso.
Se Imaam Abuu Xaniifa wuxuu arkay in Shaqada Faqiiha ama mujtahidka uu yahay in uu Ma’saaisha sii diyaariya oo sii saadaaliyo arrimaha aan wali dhicin waqtiga mujtahidkas se dhici doona .
Bal Arrinkaas aan fiirino waxa uu ka qoray AL-khadhiib AL-Baqdaadi :

( Markuu Qataadda mufasirkii weynaa uu soo degay Kuufa ayaa waxaa u tagay Abuu Xaniifa oo ku yiri : Abuu Khadaaboow bal ka waran Nin Reerkiisii muddo ka maqnaa oo Haweentiisii mooday in uu dhintay oo ay guursatay Nin kale ??Meherkeeduu meeqa ayuu noqonayaa ??? Abuu Xaniifa ayaa asaxaabtiisii ku yiri : haddii uu Xadiis keeno Been buu sheegay ??? Haddii uu Maskaxdiisa ka fityoodana wuu khaldamayaa ???Makaas buu Qataada ku jawaabay : Hoogaagee Arrinkaan ma dhacay ???markaas buu Abuu Xaniifa yiri : maya ma dhicin , markaas buu yiri oo maxaad ii weydiineysaa wax aan dhicin ??? Abuu Xaniifa ayaa ku jawaabay Balaayadda waan sii saadaalinaa inta aysan dhicin , markaas si aan hadhow u ogaano meesha laga soo galo iyo meesha looga baxo ).
Waxaa loo yaqaanay Madarassada Abuu Xaniifa , madarasaddii ( Ara’aytiyiinta ) macnaa Dugsigii bal ka waran haddii arrinkaasi dhaco ??? Bal ka warama haddii arrinkaasi dhaco,arrin aan wali dhicin ????.
Maalin baa Imaam Maalik arday weydiiyey Su,aal ??? markuu uga jawaabay , ayaa Ardaygii yiri : Balk a waran haddii arrinkaasi dhaco ???? Imaam Maalik baa xanaaqay oo yiri : waar ma waxaad tahay kuwii dhihi jiray bal ka waran haddii arrinkaasi dhaco ???? Waar ma waxaad ka timid Ciraaq ??? .
Wuxuu soo saaray Ibnu Cabdi AL-bari asagoo ka soo warinaaya Imaam Maalik : waxaan soo gaaray Dadka baladkaan oo neceb in Su’aalaha la badsho sida ay dadku maanta yihiin oo kale , Ibnu wahab wuxuu yiri : wuxuu ka wadaa ma’saa isha ????.
Maaalik wuxuu yiri : Dadku waxay fatwoon jireen waxay maqlan iyo waxay bartaan,ma aysan ku dhaqmi jirin Haddaladda Maanta Dadku isla dhexmarayaan.
Wuxuu kaloo soo saaray Ibnu cabdi Al-Bari in Amiirkii Cabdi Malik Ibnu Marwaan in uun su’aalay Ibnu Hishaam AL-zuhri Arrin , Markaas buu Ibnu Hishaam yiri : Arrinkaas ma dhacay ?? Markaas buu yiri Amiirku : maya , Markaas buu yiri Ibnu Hishaam : iska daa marka !!! markiin uu arrinkaasi dhaco ayuu Allaah Faraj keenayaa.
Sidoo kale wuxuu kaloo soo saaray asagoo ka soo xiganaaya v Imaamka AL-shacbi oo ka mid ahaa Imaamada Ahlu Xadiiska ee Ciraaq ayaa yiri :
( wax aan ka necbahay ma jiro ( bal ka waran ) waxaa la weydiiyey yey yihiin kuwaasi ??? markaas buu yiri : Ara’aytiyiinta oo uu ka mid yahay Xakam iyo Xamaad iyo asaxaabtooda !!! Xamaad waa Shiikhii Abuu Xaniifa.

Abuu xanniifa wuxuu aad u dhirindhiriyey Arrimo badan oo ka mid ah masaa’isha Fiqhiga ??? kuwaas oo markii la tiriyey lagu Qiyaasay sida uu sheegay Qoraaga kitaabka AL-Cinaayah oo sharxay KItaabka AL-hidaaya ee soo aruurshay masaa’isha fiqhiga Xanafiyada , Taas oo gaartay Malaayiin mas’aladood taas oo ah masaa’il aad u fara badan.
Arrinkaas oo aad uga fara badan masaa’isha Imaamada kale ee Seddexda ah, Maalik,Shaafici iyo Axmed Bin Xanbal.

Dadka Abuu Xaniifa dhaleeceeya ee ka xun fara badnida ma’saaishiisa ayaa waxay dhahaan:
( Waa ruuxa ugu jaahilsan wixii tagay ,uguna Cilmi badan waxa soo socda ) (1).

2. Abuu xaniifa wuxuu ahaa mid aad ugu adadag Aqbalaadda Axaadiista ,wuxuuna u shardin jiray Shuruudo adag ,sababtoo ah fiditaanka uu fiday Axaadista la Been abuurto,Ciraaqna waxay aheyd waqtigaas meesha ay ka soo burqato Xarakaatka iyo isbadallada Caalamka Islaamka ee waqtigaas.
Waxay kaloo Hooyo u aheyd meelaha lagu abuuro Axaadiista Beenta ah, taas oo Abuu xaniifa ku qasabtay in uu Axaadiista aad u hubsado,mana aqbali jirin ilaa Xadiis Caan ah mooyee ,xataa taas uu ku dhaafay Culumadda Axaadiista xagga adkeynta aqbalaadda Axaadiista , taas oo mar mar qaarkood uu daciifiyo ama diido Axaadiis agtooda Sax ka ah.

3. Sidoo kale wuxuu ku doodi jiray Axaadiista Mursalka ah haddii Ruuxa irsaaliyey uu mid lagu kalsoon yahay , taas oo khilaafsan Jamhuurta Muxadithiinta (2).
taas oo Abuu Xaniifa ku qasabtay in uu mararka qaarkood Daliilsado Axaadiis Agtooda Daciif ka ah.

4. Sababta uu u adkeeyey ku dhaqmidda Axaadiista ayaa u sahashay in uu aad ugu baahdo Qiyaaska ,taas oo Allaah ku siiyey Hibo xad dhaaf ah, taas oo asaga iyo Ahlu xadiiska ama Fuqahada kale ee aan Qiyaaska isticmaalin aad u kala fogeeyey.
5. Abuu xaniifa wuxuu cajiib ku ahaa sida uu hal mas’lo dhinacyo badan ugu badbadali karo ,sida ay dhacdadani na tuseyso.
Wuxuu soo saaray ibnu abii Cawaam asagoo ka soo xiganaaya Mohamed ibnu Xasan ,wuxuu yiri :
( Abuu xaniifa ayaa noogu yimid Baqdaad ,markaas buu la kulmay Asaxaabtiisii oo ay ku jiraan Abuu Yusuf,Zafar,Asad ibnu Camar iyo kuwa kale oo fara badan , kadib waxay u keeneen Mas’alo ay Xujooyin fara badan ku ayideen , waxayna yiraahdeen abuu xaniifa ayaan weydiineynaa marka ugu horeysa oo uu noo yimaado.
Kadib wey weydiiyeen ,se wuxuu ku jawaabay wax ayaga khilaafsan, waxay ku qeyliyeen oo yiraahdeen Abaa Xaniifa waxaa ku badashay kali ahaanta , wuxuu ku yiri : tartiib tartiiba , maxaad oraneysaa ??? sidaas ma ahan bay yiraahdeen, ma xujaad wadataan mise xujo la’aan .waxay dhaheen xujo ayaan wadanaa , keena ayuu yiri , wuu la dooday waana ka raayey ilaa ay sidii uu yiri u soo noqdaan, ayna qirtaan khaladkoodii.
Hadda ma qirateen, bal ka warama ruuxa yiraa kiinii baa saxsanaa ??? kayguna waa khalad , waxay dhaheen ma dhici karto ???.
Kadib haddana wuu la dooday ilaa uu haddana ka dhaadhiciyey in uu Qowlkoodii sax ahaa ???waxay dhaheen Abaa xaniifa waad na dulmisay annagaa saxsaneyn . Markaas buu yiri ka warama ruuxa dhaha qolkiinaas na waa khalad ,kaygiina waa khalad oo Qowl sedexaad keena ??? ma dhaceyso ayey yiraahdeen, haddana waa la dooday ilaa ay Qowlkii seddexaad haddana ogalaadeen ooy u hogaansameen ???kadib ayey yiraahdeen abuu xaniifoow wax na bar , markaas buu yiri mas’aladaan Qowlkiinii baa ugu saxsan, sababtaas darteed, se mas’aladaan kama baxayso Seddexdaas Qowl, mid kastana waa waji fiqhiga ku saxsan ??? wuxuu ka wadaa mas’aladaas waxay Culumadda fiqhigu iskugu khilaafeen Seddexdaas Qowl, ee midka saxa ah qaata kuwa kalena iska daaya ) .
Ruuxa la siiyey Awoodaas la yaabka leh ee uu arrimaha u kala badbadalaayo hal mas’alo kaliya , awoodna u haysta in uu difaaco Ra’yi kasta , waxaan shaki ku jirin in uu yahay Dadka kan ugu fiiro dheer ,uguna xoog badan xagga soo dhiraandhirinta Nusuusta, uguna xoog badan xagga xujadda iyo caddeynteedaba.
Ma uusan ku xeel dheeraanin Imaam Maalik markii uu yiri :
( Ninkaan haddii uu isku dayo in uu daliil u raadiyo in Tiirkaan dahab laga sameeyey wuu awoodi karaa ) !!!!.
Haddaba haddii dhiraandhirintiisu ay khilaafdo Ra’yiga Culumada kale iyo ra’yiga Jamhuurka ahlu xadiiska kuwaas oo badankoodu raaca Daahirka Nusuusta, aad na u neceb in ay cileeyaan oo qaarba qaar ku celiyaan,taasi dhibaato ma leh .
waxaa muxadithiinta ka mid ah kuwo Cawaam ah oon waxba kaseynin , siduu sheegay Yaxya ibnu yamaan :
( Qaar ka mid ah muxadithiinta ayaa Xadiis iska qoraaya asagoo aan fahmin Macnihiisa ama aanba fakarin,haddii markaas Xadiiskaas wax laga weydiiyo wuxuu u muuqanayaa in uu Qoraa kaliya yahay (3).
Waa run qaar ka mid ah ayaa waxba kaseynin taas oo mararka qaarkood ku rideysa in si xun wax u qoraan ama si xun u fatwoodaan taas oo mararka qaarkood kaa qoslineysa !!!!!.
Mid kuwaas ka mid ah ayaa ayaa Salaad watri ah tukaday markuu istijooday asagoon weyseysan , wuxuuna taas u Daliilsaday Xadiiskii ahaa ; ( Ruuxii Dhagax iskaga suuliya nijaasada ha watriyeysto ) wuxuu watriyeysiga u fahmay Salaad watri ha tukado ???? taasna ma ahan macnaha Xadiiska ee waxaa laga wadaa Seddex dhagax ama shan dahax ha iskaga tirtiro Nijaasada ,tiro kisi ah oo isdhaafsan, ee salad watri ah lagama wado.
Mid kalena wuxuu ahaa muddo Afartan sano ah mid aan xiiran Salaadda Jimcaha ka hor, asagoo taas ka fahmay Xadiiskii Rasuulka NNKH ee ahaa in uu Nabigu Diiday in xalqooyin waxbarasho lagu qabto masaajidka Maalinta jimcaha ah Salaadda ka hor !!!! xalqadihii la diiday ayuu u fahmay Xiiritaan markaas ayuu iska ilaalin jiray 40 sano in uu Salaadda jimcaha horteed xiirto.
Mid kale ayaa asaguna khalad ka fahmay Xadiiskii Nabiga NNKH ee ahaa ; ( yuusan midkiina Biyihiisa ku waraabinin Nin kale Beertiisa ) .
Markaas ayuu ka fahmay in Ruuxa loo diidaayo in uu Beerta jiiraankiisa waraabiyo, se Xadiiska micnihiisu waa in uusan Ninku u tagin Haweenka la soo qafaasho haddii ay uur leedahay si uusan Nin kale ilmihiisa u qaadan, Beerta Nin kale taas baa laga wadaa.
Mid kale ayaa la weydiiyey asagoo Cashar Xadiis ah Akhrinaaya ka waran Dooro Ceel ku dhacday oo ku dhimatay ??? markaas buu ugu jawaabay Ruuxii weydiiyey : marka hore maad ceelka dabooshid si aysan ugu dhicin . Mid kale ayaa wax laga weydiiyey Cilmul Faraa’id markaas ayuu ku jawaabay Fariidadaha ilaahay waxaa loo qeybshaa , maba oga in Cilmiga Dhaxalka cilmul faraa’id la yiraahdo.
Haddaba Akhristoow kuwaas oo kale oo ah Cawaamta Muxadithiinta maba fahmi karayaan Fiqhiga Abuu Xaniifa iyo sida uu u dhirindhiriyo Axkaamta Fiqhiga ah , waana dadka ugu horeeya ee dhaleeceeya Imaamka Abuu Xaniifa RC .
Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa in Ruuxa Cilmiga baranaaya uu markasta u baahan yahay Macallin wax u sheega oo uusan kutubta dhexdeeda iska dhex mushaaxin, Haddii kale qaladadaas oo kale ayuu galayaa .
Waxaan u soo joogay in haatan ka hor aan la kulmay Arday u haysata Yomul Caashuuraa in ay tahay Maalinta tobnaadka ee Dul xijah , markaas baan u sheegay in aan la soomi Karin Maalinta tobnaadka ee Ciidul adhxaa ee laga wado xadiiskaas Bisha muxaram tobankeeda waa bishan aan haatan ku jirno oo kale .
Sidoo kale anniga ayaa khalad u akhrin jiray Ducadda Safarka ilaa Saaxiibkay Mohamed uu iga saxay mar aan Safar isla galnay 1996 kii.
Waxaan si khalad ah u akhrin jiray ereyadda ( wadhwi canaa Bucdahu ) oon u akhrin jiray wadhwicnaa bucdahu annigoo Canaa oo ah Damiir u haystay in ay tahay erey ka tirsan wadhi markaas baan u akhrin jiray ( wadhwicnaa ) !!! Kitaab waxba ha iska gedgedinin asagoo aanu macallin kuu akhrin.
Ka dar oo dibi dhal Shabaab ayaa yimid oo Aayadda Suuratul Maa’ida si khalad ah u fahamsiiyey ummadii oo idil sida aan ku bayaanshay Maqaalkaygii ( Imaam shaafici oo Shabaab Aaamusiyey ) (3) .

Fii amaani laah .
Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
USA, Virginia
sahidyusuf@yahoo.com.

Al- Mutakhasis Fil Xarakaat AL- Islaamiyah .
1) Kitaabka jaamac bayaan cilmi li ibnu Cabdi Al-biri.
2) Muxadathiinta waxay xadiiska Mursalka ah ku tiriyaan Axaadiista Daciifka ah ,meesha Abuu xanifa qaarkoo ku aqbalo bil shardi.
3) Kitaabka jaamac bayaan cilmi li ibnu cabdi Al-biri.
4) Maqaalkaas waxaad ka heleysaa halkudhegga Saahid.

Somali CEWERU Qaar ka mid Guddiyada Nabada Gobolada Kulan uga Furtey Magaaladda Muqdisho.

$
0
0

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho ka Furmey Kulan Socon doono muddo Saddex Maalmood waxaana Kulankaan soo qaban qaabiyey Ururka Somali CEWERU oo inta badan isku Howla Khilaafyada ka dhex Dhaca Xuduudaha iyo Nabad ku soo Dabaalidooda , waxaana ka qayb galeya Ergooyinka ka yimid Gobolada Dalka gaar ahaan Guddiyada Nabadda ee Goboladda Xuduudaha Iyo qaar ka tirsan Hayadaha Dowlada Federaalka

Halkan ka daawo Sawirada.. RIIX

Cismaan Muxyadiin Macalim (Shaatax) oo ah Xiriiriyaha Somal CEWERU isna ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu ku dheeraadey Sababta loo qabtey kulankaan waxaana uu sheegey in marka hore warbxin laga Dhageysanyo Guddiyada Nabada ee ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo si ay u faafaahiyaan Xaaladda Nabadgelyo ee Goboldda ay ka yimaadeen , sidoo kale waxaa uu sheegey in ShIrka lagu martiqaadey Ergooyin ka yimid Gobolada Dhexe iyo Pundland si ay iyana u heleen Xog ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan Gudiyada Nabadda Gobolada Kale .

“Somali CEWERU waxay hore ugu Guuleysatey Xal u helidda Kiisas ka dhacay Gobolada Xuduudaha aan kala leenahay Kenya iyo Itoobiya”ayuu yiri Mudane Cismaan Muxyadiin (Shaatax) mar uu ka jawaabayey Su’aal ahayd intii Ururka uu jirey maxaa u qabsoomey sidoo kale waxaa uu sheegey in kulankaan looga hadli doono , Sharaxaada qaab Dhismeedka CEWERU ,ka Doodista Xubnimada .AnsaxintaQorshaha Shaqo iyo Ansaxintiisa iyo Soo Bandhista
Qorshaha labada Sanno ee soo socota.

Waxaa sidoo kale Kulankaas ka Hadley Cabdinaasir Seeraar oo ka yimid Gobolada Jubbooyinka ahna Afhayeen Jubbooyinkaa waxaana uu sheegey in Nabada ay tahay midda ugu Muhiimsan ee ay Bulsho u baahan tahay waayo waxaa uu sheegey in haddii aan la helin Nabad aan Hurumar laga gaari Karin Adeegyada Bushada Sida waxbarashada, Caafimaadka iyo wax kasta oo Baniaadamka u baahan yahay
Ugu Dambeyntii waxaa Kulankaas Furey Agaasimaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha DIbadda Xirsi Xaaji Culusow oo ugu horeyn u Mahadceliye intii isku soo dubaridey Kulankaan oo ay ugu horeyso Somali CEWERU waxaaana uu ka qayb galayaasha u soo jeediyey in ay soo saaraan Qorshe ku saleysan Nidaam si Gobolada Xuduudha ku yaal loogu soo Dabaalo Nabad Buuxada si Wadamada Deriska nala ah Nabad ugu wada Noolaano

Halkan ka daawo Sawirada.. RIIX

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Maraykanka: Sheikh Maxamed khadar oo lagu xakumay 13 sano

$
0
0

Sheikh Maxamed khadar iyo walaalihii laxirnaa oo maxkamad ku taal gobolka California ee dalka Maraykanka ay xukuntay…

اللهم أجرنا فى مصيبتنا واخلفنا خيرامنها
قدر الله ما شاء فعل , إنا لله و إنا إليه راجعون

Walaalayaal sidaad la socoteenba,waxaa in muda ah socday maxkamadaynta,culimadii ku xirnayd Wadankan Maraykanka,Gaar ahaan Gobalka California Magaalada San Diego.

khadarCulimadaas Oo ay ka mid ahaayeen Imaamkii Masjidul Al-Ansar Sh Maxamed Khadar iyo Sheikh Ciise,iyo Walaale kale oo ka mid ahaa Jaaliayada soomaaliyeed Ee reer San diego.

Walaalahan oo mudo 3 Sano ah Xabsiga ku jiray,heerar kala gadisana ay soo martay dacwadooda,ayaa waxaa la soo gaba gabeeyay galabta oo taariikhdu ay tahay 11/18/13,Iyadoo uu riday Qaadigii Maxkamada Xukun oo dul dhigay Walaalaha,Wuxuuna u dhacay Xokunka sidatan hoose:-

1-Sheikh Maxamed Khadar Iimaamka Masajidka Waxaa la xukumay 13 Sano.
2-Sheikh Ciise Dhoore Waxaa la xukumay 10 Sano
3-Basal Waxaa la xukumay Mudo dhan 18 Sano.

Waxaa dhiman Walaal kale oo isagu dib loo dhigay xukunkiisa.Waxaanu leenahay إنا لله و إنا إليه راجعون

Wixii faah faahin intaa dheer waxaad kala xiriirtaa,xafiiska golaha Iimaamyada ee W/maraykanka
Phoneka Xafiiska : 612-874-0665 -Emailka:Golimam@gmail.Com.Ama Kulmiye99@hotmail.Com

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii Beledweyne, tacsina u diray dadkii ku geeriyooday

$
0
0

iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday OIC iyo hay’ad laga leeyahay dalka Sucuudiga

iyo Madaxweyne Xasan oo yiri “Dowladda waxaa ka go’an in la cirib tiro Al-Shabaab.”

Warsaxaafadeed

Muqdisho, November 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii fuleynimo ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Waan cambaareynayaa weerarkaasi fuleynimada ah ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne oo aheyd halka lagu kala garsooro dadweynaha, maalin kastana laga fuliyo howlaha adeega dadweynaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, wuxuuna alle uga baryaya inuu janada geeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii ay ka baxeen iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

“Kooxaha nabadiidku waxay mar kasta dhibaatada ugu badan u geystaan shacabka, mana ka daalayaan daadinta dhiiga shacabka” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Garad Salad
Press Officer
Mogadishu

Madaxweyne Xasan “Dowladda waxaa ka go’an in la cirib tiro Al-Shabaab.”

Muqdisho, 19 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u direy dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartey qaraxii maanta ka dhacay saldhiga Booliiska ee Beledweyne.

Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa baaritaan wada oo ku aadan sida falka u dhacay iyo khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa sababta keentay falkan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeeladu ka soo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay wadaan kooxahan nabad-diidka ah. Al-Shabaab bacdamaa looga adkaaday dagaalka ayaa waxey ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah. Dowladda waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.”

- DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, media@presidency.gov.so, +252615479911

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday OIC iyo hay’ad laga leeyahay dalka Sucuudiga

Muqdisho, November 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday ururka Islaamka iyo hay’ad lagu magacaabo Al Raya International, waxayna wafdigani uga warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha qodista ceelel biyood gaarayay 50 oo ay ka qodeen gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

somali92

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Rami Al Shamsi, waxaana sidoo kale ka mid ahaa xubaha wafdiga Dr. Ahmad Mohamed oo ah wakiilka Soomaaliya ee ururka Islaamka, iyo sidoo kale Mubarak Bakramun oo ka socday hay’adda Al Raya, iyaga oo xubnaha wafdigani sheegay in wajiga hore ee ay ku qodeen 50 ceelal, balse wajiga labaad ay qodi doonaan 100 ceel, dadka ku nool goboladu ay u helaan biyo ku filan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna uga mahadceliyay wafdigan howsha baaxada leh ee ay ka wadaan dalka, isaga oo kula taliyay in si deg deg ah ay u bilaabaan wajiga labaad ee qodista ceelashan, maadaaba buu yiri baahi weyn ay u qabaan dadka ku dhaqan gobolada helista biyo.

“Dagaalada iyo isku dhacyada ugu badan ee ka dhaca dhulka Miyiga ah waxay salka ku hayaan biyo yaraanta iyo goobaha biyaha sida ceelasha wara-biyoodyada, sidaasi owgeed waa muhiim in loo helo ceelal biyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in haddii dadku ay helaan biyo ku filan la helayo nabad iyo deganaanshiyo.

Garad Salad
Press officer
Mogadishu

Xarakada Shabaab oo Sheegatay Qaraxii Maanta ka Dhacay Magaaladda Beled Weyne.

$
0
0

Sida ay qoreen Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Shabaab oo sheegaya in iyagu ay ka dambeeyeen Weerarkii Ismiidaamineed ee maanta Barqadii ka dhacay Saldhigga Boliiska Magaalada Beled Weyne.

somali93Sarkaalka oo aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in halkaas ay ku weerareen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jabuutiyaanka ee qaybta ka ah hawl galka Amisom iyo Ciidamo halkaa joogay isla markaana ay ku laayeen Qaraxaas Saraakiil iyo Askar fara badan oo Ciidamada Dawladda iyo kuwa Jabuutiyaanka isugu jira

Sarkaalkaan ayaa intaa ku daray in Maxaabiis fara badan oo halkaa ku xir xirneyd Xabsiga ka sii daayeen isla markaana si bad qab ah ay halkaa uga baxeen ka gadaal markii in mudda ah ay Saldhigga haysteen.

Warar oo laga xigtay Ciidamada dawladda ayaa sheegaya in Raggii weerarka soo qaaday Afar ka mid ah isla saldhigga gudihiisa lagu dilay halka midna Nolosha lagu qabtay.
Warar is khilaafsan ee dhinaca Tirada dhimashada ayaa soo baxaya iyadoo warar goor hore soo baxay ay sheegeen in tirada himashada ay kor u dhaafayso illaa labaatan halka dhaawcuna uu gaarayo Soddomeeyo.

Si Kastaba ma jiraan Warar ka madaxbanaan labada dhinac ee Maamulka Gobolka iyo Xarakada Shabaab iyadoo dhinaca is gaarsiintuna ay tahay mid ka maqan hawada sidaas darteedna ay adag\
tahay si loo helo xog dhab ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay ciyaarta Horyaalka Jenyo iyo Elman

Mogadishu, 19 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa uu ka qeybgalay cayaarta kubadda cagta ee Horyaalka heerka Koowaad (Seria A).

Booqashadan oo taarikhi ah ayaa ka dhacday garoonka stadiyo Koonis ama Banadir Stadium. Madaxweynaha ayaa wuxuu daawaday cayaar u dhaxeysay kooxaha Elman iyo Jeenyo. Madaxweynaha ayaa gacan qaaday cayaartoyda labada dhinac iyo garsoorayaasha, isla markaasna kubbadda laaday.

somali94

“Waan idiin salaamay dhaamaan cayaartoydiina waxaad maanta marqaati ka tihiin horumarka ay Soomaaliya dhawaanahan gaartay.” Labo sano ka hor garoonkan wuxuu saldhig u ahaa Al-Shabaab ayaga oo kasoo abaabuli jiray falalka argagixiso. Maanta waxaa farxad noo ah in garoonka uu kusoo noqday gacmihii iska lahaa una suurta geliyay in dhalinta Soomaaliyeed ay ku cayaaraan cayaarta loogu jecel yahay caalamka oo ah kubadda cagta.

Isboortiga iyo cayaaraha ayaa qeyb ka ah nabadda, horumarka iyo is dhex galka bulshadda. Waxaad hormuud u tihiin Soomaaliyadda cusub” saa waxaa yiri Madaxweynaha” Waxaan idinku sacbinayaa geesinimaddiina iyo howlkarnimadiina. Ummadeena waxey jecel yihiin Kubbadda cagta sida umadaha kale ee caalamka. Waana guul noo soo hoyatay dhamaanteen. Waana ku mahad santihiin in aad ka shaqeyseen arinkan in uu dhaco.

Madaxeynaha ayaa wuxuu ku booriyay Xiiriika Kubadda cagta Soomaaliyeed iyo FIFA, wada shaqeynta ay ka shaqeeyeen dib usoo nooleynta kubadda cagta Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xulka Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan ka qeyb gali doono ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika u rajeeyey guul taasoo ah guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

- Dhamaad -

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia
yarrisow@presidency.gov.so, +252615479911

Dowladda Kuweyt oo Seddax Malyan oo Doolarka Maraykanka Ugu Deeqday Somaliya.

iyadoo maanta Magaalada Kuweyt Caasimadda Dalka Kuweyt uu ka furmayo Shirka Wadamada Carabta iyo Afrika ayaa Amiirka.dalkaasi waxa uu ugu deeqay Soomaaliya Lacag gaaraysa illaa Seddax Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Amiirka oo kulamo hor dhac ah la qaatay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa uu ka dhagaystay warbixino ku aadan Xaaladaha Soomaaliya gaar ahaana Dabaylihii hawaanta ku dhuftay Waqooyiga Bari ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa ay Amiirka u sharxday dhibaatooyinka ay gaysteen Roobabkii iyo Dabaylihii hawaanta ku dhuftay Degaanada Puntland halkaasoo Musiibo xooggani ay ka dhacday.

Deeqdan oo bixiyay Amiirka Dalka Kuweyt ayaa lagu wareejiyay Hay’adda Bisha Cas ee Kuweyt taasoo iyaduna sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiin doonta degaanada Puntland.Shirkan manta ka dhacay Magaalada Kuweyt citty ayaa waxaa ka qayb galaya illaa Lixdan Hoggaamiye oo ka socda Dalalka Afrika iyo Carabta iyadoona shirkan uu yahay kii Sedaxaad ee la qabto.

Wasiiradda Arrimha Dibada Fowsiyo ayaa goor sii horeysey waxay la kulnatey Xoghayaha Jaamacadda Caraba Nabiiil waxaana kulankaas la iskula soo qaadey sdii Taageero buuxda Jaamacadda Carabta u siin lahayd dadka Soomaaliyeed ee ay isugu darsameen Colaadaha iyo Abaaraha

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa shirkaa u matalaya oo ka qayb galaya Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo wafddi uu hoggaaminayo oo habeenkii xalay ahaa soo gaaray Magaalada Kuweyt.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Viewing all 1579 articles
Browse latest View live