Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Maxkamadda Hague oo Go’aankii Badda ku dhawaaqeysa 12ka October 2021, saacadda 3pm

$
0
0

Warsaxaafadeed maanta oo Jimce ah, September 24, 2021, kasoo baxay Maxkamadda Hague ayaa shaaca ka qaaday in go’aankii badda xadaynteeda ay ku dhawaaqi doonto 12ka October 2021, saacadda 3-da galabnimo waqtiga Hauge, Netherlands. Waxaana go’aankaas maxkamadda ka hor akhinaya madaxa maxkamadda ICJ.

Warsaxaafadeedku wuxuu intaas raaciyey, maadaama uu jiro caabuqa COVID-19, waxaa gudaha maxkamadda loo ogol yahay qareennada maxkamadda iyo wakiillo matalaya labada dhinac (Soomaaliya iyo Kenya). Dublomasiyiinta, warbaahinta, iyo dadweynuhu waxay go’aanka marka la akhrinayo kala socon doonaan warbaahinta qaramada midoobey iyo maxkamadda oo toos ah.

Halkan ka akhri warsaxaafadeedka maxkamadda:
https://www.icj-cij.org/public/files/case-related/161/161-20210924-PRE-01-00-EN.pdf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles