Quantcast
Channel: SomaliTalk.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Maxkamadda Hague ayaa Waqti Go’an u Qabatay Bilowga Dhagaysiga Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya (Waqtigaas oo ah 13 July 2015 iyo 27 May 2016)

$
0
0

Maxkamadda Qaramada Midoobay ee Hague ayaa 17kii October 2014 waxa ay faafisay in ay xilli qararan u qabatay bilowga dhagaysiga dacwadda la xiriirta “Xadaynta Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya,” waa sida ku cad warsaxaafadeedka maxkamadda.
dacwaad
Warsaxaafadeedka ayaa sheegay in “Madaxweynaha Maxkamadda Hague (ICJ) uu 16kii October 2014 go’aamiyey in waqti sugan loo qabtay bilowga diiwaan gelinta arrinta la xiriirta Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.”

Waqtigaas maxkamaddu qoondaysay ayaa ah 13 July 2015 iyo 27 May 2016 in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ay maxkamadda u gudbistaan/ka-diiwaan gashadaan wixii ay ku dacwoonayaan (Memorial) iyo dacwadda dalka kale gudbiyey wixii ay ka qabaan ama kala hor tagayaan (Counter-Memorial).

Warku waxa uu intaas raaciyey “In madaxweynaha Maxkamaddu uu qaraarkan go’aamiyey isagoo tixgelin siiyey aragtiyada qaybaha (Somalia iyo Kenya), isla markaasna hab-raaca xiga ay maxkamaddu leedahay go’aan ka gaaristooda.” (Hoos ka eeg warsaxaafadeedkii Maxkamadda.)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1579

Trending Articles