Booliiska dalka Norway ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu magcaabo Magne Andreas Meier, waxana ninkaas maxkamad lasoo taagey August 26, 2005 kaddib markii lagu eedeeyey khiyaamo lacageed.
Sida ay qortay Jariidada wax ka qorta arrimaha Ganacsiga Norway oo magaceeda la yiraahdo Dagens Naeringsliv oo kusoo baxda Afka Noorwijiyaanka [Dagens Næringsliv], ninkan lagu magcaabo Meier waxaa lagu soo eedeeyey in uu sameeyey ganacsi been abuur ah oo ay ka mid tahay shirkad macmal ah oo magaceeda la yiraahdo “Inverse International Ltd”, shirkadaas oo uu ku sheegay in ay baareyso Saliida Ceeriin ama shiidaalka (Oil Exploration).
↧
Gabgablihii Batroolka ee Faraska Waalan Cayrinayey!!!
↧